Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allaha u naxariistee waxaa xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday agaasimihii Madbacadda Qaranka, Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo ka mid ahaa rug-cadaadayaasha saxaafadeed ee ugu saameynta badnaa dalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay inuu uu geeriyooday, kadib markii uu soo wajahay xanuun dhanka Wadnaha oo degdeg ah, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyey wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo daxliiska xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa geerida ku timid Wariye Gaatamow ka tacsiyadeeyey agaasimaha guud mas’uuliyiin kale iyo howlawadeenada wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa sanadkii 2012-kii waxa uu ka baxay kuliyadda saxaafadda iyo siyaasadda ee Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna uu ka soo shaqeeyey warbaahino ay ka mid tahay Idaacadda Shabelle oo uu barnaamij soo saare ka ahaa. Gaatamow ayaa ahaa shaqsi ku sifoobay dhaqan wanaagsan oo afkiisa iyo adinkiisa laga nabad galay, saacadaha soo socda ayaana lagu wadaa in la aaso marxuumka. View the full article
  2. Madasha xisbiyada qaran oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxa ay dalbatay in baaritaan lagu sameeyo wararka qaar ee sheegaya inuu xiriir ka dhaxeeyo hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA iyo dagaalamayaasha Al shabaab. Madasha oo soo saartay warqad ku socotay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, ra’isulwasaaraha gudddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa ay walaac xoog leh ka muujiyeen xiriirla sheegay inuu ka dhaxeeyo NISA iyo Al shabaab taas oo ay sheegeen inay cabsi badan ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed. “Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekeysiga taliyayaasha labada aag ee hay’adda NISA iyo Al shabaab In lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo dhameystiran si xaqiiqada jirta ummadda loogu soo bandhigo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madasha xisbiyada qaran. Dhanka kale madasha ayaa dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo weerarkii 24-kii july ka dhacay xarunta gobalka Banaadir weerarkaasi oo ku nafwaayeen masuuliyiintii ugu sareysay maamulka gobalka. Halkaan ka akhriso qoraalka madasha xisbiyada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Workers say after more than 50 of them went on strike at an Amazon warehouse in Shakopee, Minnesota on Sunday, the employee was reinstated. Amazon won’t talk about whether she was ever fired at all. Source: Hiiraan Online
  4. Degmada Cabdicasiis ayaa xalay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Xamarjajab, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Labada degmo oo u dambeeyey Group-ka C is aragiisa 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday Cabdicasiis. Tartamayaasha degmada Cabdicasiis oo dadaal iyo fir-fircoono muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Xamarjajab ay keensatay 8 buundo. Degmada Cabdicasiis oo sanadihii u dambeeyey heerar fiican ka gaareysay tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa noqotay degmadii saddexaad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horreeyey degmooyinka Dayniile iyo Warta Nabadda. Dhinaca kale waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labadaan degmo ayaa waxaa lagu daah-furi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku jira groupka D, is aragiisa koowaad ee tartanka aqooneedka Shabelle Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  5. Siyaasi Maxamuud Khaliif Xassan Jebiye Siyaasiga Soomaaliyeed ee Maxamuud Khaliif Xassan jebiye, ayaa shaaciyay in uu lacag dhan $45,000 oo Dolllar kaga qayb-qaadanayo, gurmadka loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday halkaas. Siyaasi Jebiye, ayaa muuqaal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray, dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Qardho ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadda ka dhalatay roobabka gu’ga. Mudane Jebiye, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay daadadka iyo sidoo kale qoysaska ku hantibeelay, isagoo ilaahay uga baryey in uu Samir iyo iimaan ka siiyo islamarkaana Ciwad khayr qaba ugu beddelo. Sidoo kale, wuxuu xusay in lacagta uu ku bixiyay gurmadka lagu iibinayo Raashinka daruuriga ah oo wakhtigaan dadku aad ugu baahan yihiin, maadaama bakhaaradii kaydka Raashinka Qardho ay fatahaadda ku aasmeen. Siyaasi Jebiyay, oo xilka madaxtinimada Puntland u tartamay doorashadii u dambaysay ayaa xilligaas lagu bartay in uu hantidiisa ku bixin jiray danaha Caamka ah iyo caawinta dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Siyaasi Jebiye oo $45,000 oo Dollar ugu deeqay gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  6. Saaxiibada beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiskii dhex-maray hoggaanka Jubbaland iyo golaha la magac baxay Isbedal-Doonka maamulkaasi, kaas oo lagu saxiixay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Beesha caalamka ayaa heshiiskaasi ku tilmaantay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xalinayo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Jubbaland ee uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, taas oo bishii August ka qabsoontay Kismaayo. Doorashadaasi ayaa dhalisay khilaaf xoogan, waxaana ku kala qeybsamay saamileyda siyaasadeed ee maamulkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale saxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhiiro-gelinayaan heshiiskii Nairobi ku dhex-maray MadaxweynahaJubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo golaha Isbadal-Doonka maamulkaasi, waxaana hoggaamiyayasha siyaasadeed, madax dhaqameedyada iyo hoggaanka beelaha loogu baaqay inay hirgaliyaan qodobadii lagu saxiixay Nairobi 23-kii bishaan April ee 2020-ka. Warkaan ka soo baxay beesha caalamka ayaa ku soo beegmaya, xilli weli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda sare ee dowladda federaalka iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorasho ay sharci darro ku tilmaamtay dowladda dhexe oo sanadkii tegay ka dhacday magaalada Kismaayo, islamarkaana uu ku soo baxay, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). View the full article
  7. UN agency says effect could be seen in just three months as spread of coronavirus risks devastating countries. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Gudi u saaray Gurmad uu sheegay in loo samaynayo Qardho, wuxuuna Maamulada Labadiida Gobol uu ka dalbadey Dadaal dheeraada [...] Source
  9. Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa dhambaal tacsi ah u diray shacabka Puntland, isaga oo uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday daadadkii xooganaa ee ku fatahay magaalada Qardho ee maamulkaasi. “Aniga oo ku hadlaya magaca dowlad goboleedka Galmudug, waxaan si dhaw murugada iyo xanuunka ula wadaagayaa ehelada iyo asxaabta dhammaan marxuumiintii ku shahiiday masiibadii ka dhacday magaalada Qardo. Intii geeriyootay Alle ha u naxariisto, inta Dhaawaca ah soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah, intii ku ceertowdeyna badal kheyr qaba Alle ha siiyo. Ugu dambeyntii Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu baaqay shacab weynaha maamulka Galmudug inay u gurmadaan walaalaha ku waxyeeloobay daadadka ku rogmaday magaalada Qardho, xilli lala daala dhacayo saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19. View the full article
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa qeylo dhaan u diray xubnaha beesha caalamka iyo cid kasta oo gurmad la soo gaari karto dhibaatadii ka dhacday magaalada Qardho ee maamulkaasi. Siciid Deni ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay sameyn doonaan wax kasto oo ay u qaban karaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadkaasi. Qeylo dhaantan ayaa timid, kadib markii ay daadad xoogan habeen hore ay ku rogmadeen magaalada Qardho oo ka tirsan gobolka ay Puntland u bixisay Karkaar. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/DE.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-290420.mp3 View the full article
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinkii ka dhashay daadadkii xooganaa ee ku rogmaday magaalada Qardho ee Puntland. Ugu horreyn Waare ayaa ka tacsiyeeyey dadkii shacabka ah ee ay waxyeelada ka soo gaartay daadadkaasi oo ka dhashay roobab ka da’ay halkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha HirShabelle ayaa amray guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inay si deg deg ah ula shaqeeyaan guddiyada gurmadka HirShabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho. “Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Ugu dambeyn wuxuu ku amaanay madaxda maamulka Puntland sida deg-dega ah ee ay ugu gurmadeen qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkaasi, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida shacab iyo dowlad in ay horseed u tahay ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira , isagoona Madaxweyne Siciid Deni kubogaadiyay isku duubnidaas. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan gurmad aan kala go’ laheyn oo ay qeyb ka tahay dowladda dhexe loo fidinayo shacabka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
  13. The Monday walkout protested the lack of transparency around COVID-19 cases at the plant and preventive measures to protect workers. The company says it is doing all it can. Source: Hiiraan Online
  14. Key point: Iraq was working on nuclear weapons and no one appeared willing to stop them. So Israel stepped in and did the world a big favor. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u habeen lagu sameeyay goobihii ay bur buriyeen dadkii Sabtidii todobaadkaan Banaabaxa ka dhigay Muqdisho, kuwaas oo ka cabanayay dil ay geesteen booliska Soomaaliya. Dhalinyaro la sheegay inay is xilqaameen, oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada Madaxtooyada, ayaa dib u habeen ku sameeyay boorkii Madaxweynaha ee la dejiyay iyo goobihii kale ee ku bur buray banaanbaxa iyagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin howsha ay qabteen. Caasimada Online ayaa ogaatay in qaar ka mid ah dhalinyarada howshaan ay qabtay ay ka tirsan yihiin shaqaale hoosaadka Villa Somalia ayna ku qaateen lacago kumanaan doolar ah. Mashruuca howshaan oo ay sameeyeen koox agaasimiyaal ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa lagu dallacday lacag aad uga badan howsha la qabtay waxaana ka soo baxaya warar kala duwan qiimaha lacagtaas. Laba xog oo aan helnay ayaa sheegeysa in lacag gaareysa 20,000$ oo doolar ah lagu dalacday qabashada howshaan, halka xogta kale ay sheegeyso in lagu dalacday ama la gudbiyay in shaqadaan lagu qabtay 15,000$ oo doolar. Lacagtan ayaa isugu jirta mid ku baxday qalabka iyo sawiradda, mid la siiyey dadkii howsha qabanaya iyo mid ay qaadanayaan dadka wax dul-saarka lacagta ee soo dhameeyey. Arintaan ayaa u muuqato in dowladu ay ku mashquushay boorarkii Madaxweynaha iyadoo ay dalka ka jiraan Covid-19, shaqo la’aan iyo daadad ay dad ku dhinteen waxaana aad caawa looga hadal haayaa baraha Bulshada ee Internate-ka. Madaxweyne Farmaajo ayaa caan ku ah inuu aad u jecel yahay ammaanka, una dulqaadin karin wax yar oo uu u arko in magaciisa lagu wiiqayo. Boorarkii lagu burburiyey mudaaharaadkii Sabtidii ayaa la sheegay in madaxweynaha ka carrooday, una dareemay Sharaf dil lagu sameeyey.
  16. Djibouti on Tuesday reported 37 new COVID-19 cases taking the total number of cases in the country to 1,072. Source: Hiiraan Online
  17. Coronavirus Ma laga qaadi karaa qof dhintay? Iyada oo la raacayo cabirrada waajibka ah, waxaa wanaag ah in dadka dhintay la siiyo macsalaameyn sharaf leh, isla sida oo kalena laga fogaado is-qaadsiinta Dunida oo dhan, Covid-19 waxa uu kaga tegayaa muuqaallo foolxun, oo ah dad dhintay kuwaas oo ehelkii jeclaa ee la murugoon lahaa aaskoodu aysan u soo dhawaan doonin. Sawirradaasi keliya cabsi kama bixinayaan xaaladda kuwa dhintay, laakiin sidoo kale dhimashada lafteeda ayay ka bixinayaan. Waxaana cabsidaas ka mid ah, laga qabaa in meydka qofka dhintay u faafin karo xanuunkani. Kolkaas, meydku ma gudbin karaa Covid-19? Ma aaminbaa in laga qaybgalaa aaskooda? meydka laf ahaantiisa m in la aasaa mise waa in la gubo? Halkan kaga bogo waxa aannu ognahay. Jidhka qofka dhintay ma sii gudbin karaa Covid-19? WHO waxay sheegtay dadka meydka qaadayaa waa inay xidhaan qalabka difaaca jidhka. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), illaa inta taxadarka lagama maarmaanka ah la qaadayo, majirto sabab looga baqdo Covid-19 in uu faafin karo meydku. Fayraska ‘Sars-CoV-2’, oo mas’uul ka ah cudurka, ayaa inta badan laga qaadaa dhibcaha ay sii daayaan bini’aadamka, tusaale ahaan marka la hadlayo, hindhiso ama la qufaco. Si kastaba ha noqotee, waxay ku noolaan kartaa ilaa maalmo dhowr ah meelaha dusha adag. William Adu-Krow, afayeen u hadlay Urur Caafimaadka oo Maraykana ah loona yaqaan (PAHO / WHO), ayaa sheegay in ilaa iyo hada, aysan jirin wax cadeyn ah oo ah in maydadka dadka u gudbinaya feyraskan, Feyrasku jidh qofka ma ku negaan karaa? Waa in maydka weli la isaga ilaaliyaa si taxaddar leh. “Marka aynu sidaas leennahay, kama dhigna inaan feyraskani la is qaadsiinayn, waayo, mararka qaar waxaabad jeceshahay inaad dhunkato qofkaas, ama wax la hal maala oo kale, sida darteed waa inaynu weli sii joogtaynaa iska ilaalintii iyo is xakamayntii’ ayay ku dareen khubaradu. Talooyinka WHO ay faafisay bishii Maarso ayaa lagu sheegay “marka laga reebo xaaladaha xanuunnada lagu magacaabo ‘haemorrhagic fevers’ oo ay ka mid yihiin (sida Ebola, Marburg) iyo daacuunka, maydadku guud ahaan ma aha xanuun gudbye. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionAaska ayaa la joojiyey waddamo badan, qaana waxaaba la yareeyey dadka ka qayb gelaya. Meelaha qaar, tirada muuqata ee dhimashada ah ee la xidhiidha’Covid-19′ ayaa horseeday qalalaase ka dhacay shirkadihii aaska. iyadoo in la raaco tilmaamahi ahaa kala fogaanta bulshada, aaska ayaa laga mamnuucay dalal dhowr ah. Qaar kale wali way oggol yihiin, laakiin imaanshaha dadka ayaa xaddidan. WHO waxay leedahay qoyska iyo asxaabta qofka dhintay waa ay daawan karaan aaska, illaa iyo inta ay ilaalinayaan xaddidaadaha qaarkood. “Ma aha inay taabtaan ama dhunkadaan jidhka waana inay gacmahooda si buuxda ugu maydhaan saabuun iyo biyo ka dib daawashada, waa inay jidh ahaan ka fogaadaan fogaan gaadhsiisan ugu yaran 1m” sidaas ayay tilmaamuhu sheegayaan. Dadka habdhiska neefsashada wax ka dareemaana, yaysan ka qaybgelin ama ugu yaraan waa in ay xidhaan maaskarka wajiga si looga hortago faafintaanka, ayay raaciyeen Sida oo kale, carruurta, dadka waaweyn ee da’doodu ka weyn tahay 60 sano waa inaysan falgal toos ah la yeelan jidhka qofkaasi. Meydka ma la aasi karaa, ma se waa la gubayaa? Muuqaal sare oo ah xabaale ku yaal magaalo ka tirsan Brasil, oo ah kuwo ugu daran ee laga dhintay dalkaasii. WHO waxa ay sida oo kaloo sheegtey in aasitaanka iyo gubbidduba ay labaduba yihiin wax la aqbali karo. Waxaa jirta sheeko xariiro, sheegaysa in dadka u dhinta xannuunta isaga gudba dadka, ay tahay in maydkooda la gubo, tani dhab ma aha. Gubitaanku waa dhaqan gaar ahaaneed ama waa sida ay ciddaasi u karaan. Kuwa u xilsaaran budhigidda maydka – tusaale ahaan, marka la dhigayo qabriga, waa inay xidhaan galoofyada gacmaha, si buuxdana gacmahooda u maydhaan ka hor iyo ka dibba, isla mar ahaantaan tuuraan galoofyadaas. WHO waxay leedahay “sharafta dadka dhintay, dhaqankooda iyo diintooda, iyo qoysaskooda waa in la ixtiraamo oo la ilaaliyaa mar kasta”. Laakiin markii cabsidani faaftay, waxay caddaysay in xaaladdu ku adkaatay qaybo badan oo ka mida adduunka. Dad feyraska looga shakisanaa oo lagu aasayey Istanbul. WHO waxay sheegta in maydka xushmad loo muujiyo. Meel kale, sawirro xabaalo wadareedyo ah oo ku yaal New York, magaalada Baraasiil ee Manaus ama Istanbul ayaa ka mid ahaa aasaskii warbaahinta aad u qabsaday. Laakiin xaqiiqada dhabta ah ee dhimashada waqtiga coronavirus waa inaysan marin habkii loo aasi jirey dadka dhintay looguna samayn jirey sagootin sharaf leh, ayay WHO tidhi – waxay sheegtay in loo oggolaado in dadku dadka ay jeceyl yihiin si wacan ula murgoodaan. “Maamulladu waa in ay ku maareeyaan xaalad kasta xaalad ahaanteeda, oo isku dheellitiraan xuquuqda qoyska, baahida loo qabo in la baadho sababta dhimashada, iyo halista la kulanka cudurka, “ayay tidhi hay’addu. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad sir ah oo kasoo baxday Madasha Xisbiyada Qaran ayaa walaac looga muujiyey “inuu xiriir ka dhaxeeyo” NISA iyo xubno ka mid ah ururka Al-Shabaab, waxayna madashu dalbatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hoggaanka hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. Qoraalka Madasha oo lagu socod siiyey Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul waaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa lagu yiri, “Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan”. “Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas oo dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka Madasha. Hoos ka aqriso qoraalka Madasha oo dhameystiran Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ku: Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ku: Ra’isulwaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku: Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Madashu waxay qoraalkan la wadaagaysaa madaxda kor ku xusan iyo dhammaan dhacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Madasha Xisbiyada Qaran waxay aad ugu walaacsantahay xogaha iyo warbixinnada baryahan soo batay ee ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ururka argagixisada ah ee Al-shabaab, xogahaas o”dhaliyay shaki iyo cabsi ku abuurmay shacabka Soomaaliyeed. Madashu markay aragtay xogahaan halista ku ah amniga iyo jiritaanka Qaranka, markay dib u eegtay dhacdaooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay sida dilkii Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii caasimadda, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow (AU) iyo masuuliyiin kale. Madashu markay u kuurgashay hab-dhaqanka hoggaanka Hay’adda (NISA) waxay ku qanacday in xogahan aan la dhayalsan karin. Hadaba, si loo xoojiyo kalsoonidii Umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan ay ku qabeen Hay’adda (NISA), loogana saaro welwelka iyo walaaca taageerayaasha Dowladda Soomaaliyeed Madasha Xisbiyada Qaran waxay dalbaneysaa: In baaritaan madax bannaan oo deg deg ah lagu sameeyo weerarkii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekaysiga taliyaasha labada aag ee Hay’adda (NISA) iyo Al-shabaab in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo dhamaystiran, si xaqiiqada jirta Ummadda loogu soo bandhigo. In warbaahinta iyo baraha bulshada ee rasmiga ah ee Hay’adda (NISA) aan loo isticmaalin meel lagu fushado dano gaar ah laguna marin habaabiyo ra’yiga Shacabka, isla markaana lagu buunbuuniyo xubno katirsan Al-shabaab iyadoo laga leeyahay dano khaas ah. In hoggaanka Hay’adda (NISA) laga fogeeyo siyaasiyiinta leh ujeeddooyin siyaasadeed loona dhiibo farsamo yaqaanno ku xeel dheer sirdoonka iyo amniga Qaranka. Madashu waxay aad uga xuntahay in ciidamadii iyo saraakiishii Hay’adda (NISA) ee u carbisnaa nabadsugidda iyo sirdoonka laga sifeeyay Hey’adda, hoggaankeediina gacanta loo geliyay shaqsiyaad leh ujeeddooyin siyaasadeed taas oo keentay in Hay’addu ay ka habowdo shaqadeedi Ugudanbayn Madashu waxay caddaynaysaa in warqaddii ku taariikhysnayd (17/04/2020) ee Dowladdu ugu jawaabtay warbaahinta Dalka Kenya inaysan ahayn jawaab ku filan Ummadda Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda Caalamka. =Dhammaad=
  19. Haweenaydii u doonaneyd Weriye Khashoggi oo ku baaqday in Sacuudiga laga horistaago iibsiga Kooxda Newcastle Hatice Cengiz ayaa ku baaqaysa in sacuudiga laga horistaago la wareegida Newcastle Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United. Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul . Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan. Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo dhaxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan. Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga horistaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi. Maxaan ka ognahay la wareegidda Newcastle ee Sacuudiga? Mike Ashley ayaa ahaa milkiilaha Newcastle tan iyo 2007 islamarkana waxa uu 2017 shaaciyay in uu doonayo in kooxda uu iska iibiyo. La wareegidda la soo jeediyay ee Sacuudiga uu kooxda la wareegayo ayaa lagu qiimeeyay lacag dhan £300 milyan. Balse arrintan ayaa mar horaba sababtay muran ka dhashay. Sacuudiga ayaa waxaa ay hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen in aysan wax ka qaban xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka. Waxaa sidoo kale Sacuudiga lagu eedeeyay inay sababta ay u doonayaan iibsiga kooxdan ay tahay inay doonayaan sare u qaadida sumcadooda iyaga oo maalgalinaya kooxaha waawayn ee dhanka kubadda cagta. Balse dhammaan eedeymahani waxaa beenisay xukuumadda boqortooyada Sacuudiga oo sheegtay inay doonayso in qaar badan oo dadkeeda ka mid ah ay ku lug yeeshaan ciyaaraha. Maxay sheegtay Ms Cengiz? Qareeno ka socda Ms Cengiz oo ah gabadhii u dooneyd Khashoggi ayaa warqad ay u qoreen horyaalka Premier League waxay-na ka dalbadeen in Sacuudiga laga horistaago in ay la wareegaan Newcastle. Waa in uusan boos ku yeelaan kubadda cagta Ingiriiska qof “qof ku lug lahaa ficiladaasi arxandarada ah “, ayaa lagu sheegay qoraalka lo gudbiyay horyaalka Ingiriiska Premier League. Qaran News
  20. Itoobiya: dad loo laayey aano qabiil Suuqa Baatii uu dilka ka dhacay Suuq weyn oo ku yaalla Deeganka Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay 5 qof oo hal beel ka soo wada jeeda. Guddoomiyaha degmada Baatii ee deegaanka Cafrta ee dadka lagu la dilay Maxamed Cabdi oo BBC u warramay wuxuu sheegay dadka la dilay iney ahaayeen dad suuqa ka adeeganayey oo shacab ah balse aana qabiil loo dilay. Wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay dadka la dilay dhammaantood iney ahaayeen dad ku noolaa degmada Baatii. Ragga dilka geystay oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 waxay sida oo kale ay dhaawacyo culus u geysteen 2 qof oo kale, oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka degmadaasi. Dilka oo ka dhacay suuqa bartankiisa waxa raggan loo laayey ayuu yiri Mr Maxamed aana qabiil oo u dhaxeysay qowmiyadda Cafarta iyo Qowmiyad kale oo uu dhawaan degmadu dagaal ku dhex maray. Ragga weerarka gestayna waxaa la sheegay iney ka socdeen qowmiyadda Cafarta. “Raggn waxaa loo dilay aano qabiil oo lala xiriiriyey dagaallo beeleedyo maalma ka hor dhacay balse ma jirin xaald taagan oo keeni karto in dad rayad ah oo aan colaadda qayb ka ahayn maalin cad meel suuq ah lagu dilo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baatii Maxamed Cabdi. “Dagaalla beeledyada ayaa ka dhacay dhulka miyiga ee degmada Baatii balse suuqa uu dilka ka dhacay ayaa ah mid ay shacabka degmada oo dhan ay wada leeyihiin oo ay ka adeegtaan” ayuu yiri. Meydadka dadka shacabka ee la laayey waxaa goobta dilka uu ka dhacay ka soo saaray ciidamada gaashaandhiigga ee dowladda dhexe iyada oo dhammaan dadki dhintayna la aasay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid faldambiyeedkaasi ay booliska u soo qabteen, hase yeeshee ay maamulka degmada iyo hoggaanka ka sarreeya ee deegaanka Cafarta ay ka wada hadleen sidii dhibaatada dhacday wax looga qaban lahaa balse ay weli xal la taaban karo gaarin. BBC oo isku dayday iney xog intaa dheer ka raadiso maamulka sare ee deegaanka Cafarta lana xiriirtay xafiiska warfaafinta deegaankaasi wax jawaab ah kama aysan helin balse BBC si ay jawaab u hesho dadaalka ay mas’uuliyiinta deegaanka ku raadineyso wey sii wadeysaa. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xir xiray tobaneeyo ka mid ah dhalinyaradii ka qeyb gashay banaanbixii Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Muqdisho. Dadka la xir xiray oo guryahooda lagala baxay ayaa ahaa dhamaantood kuwa ka soo muuqday baraha bulshada ee Internate-ka, islamarkaana jeediyey hadallo ka dhan ah madaxda dowladda, waxaana ku jira wiilkii soo dejiyay sawirka Madaxweynaha iyo qaar kale oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa tobaneeyo kamid ah dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ay guryahooda ka carareen kadib markii waqtiyo kala duwan laga raadiyay guryahooda. Taliska Booliska Soomaaliya ayaa dhalinyarada ay beegsadeen ee ku jiray banaanbaxa waxay ku sheegeen in ay ahaayeen rag hubeysan oo ku soo dhax dhuuntay banaanbaxayaasha, balse waxaa ku jira dad la yaqaano oo aan weligood hub qaadan, balse abaabulay banaanbixii dhacay Sabtidii. Markii taliska booliska ay soo saareen warqadda lagu sheegay in xubno hubeysan laga dhex qabtay dibad-baxyada ayaa dad badan ay ka digeen in tani ay tahay qiil loo sameynayo in beegsado abaabulayaasha dibad-baxyada, taasi oo hadda muuqata inay dhacday. Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada booliska Soomaaliya ay beegsadeen dhalinyaro badan oo hormuud u ahaa banaanbaxaas halka qaar kalane ay guryahooda ka careereen kadib markii ay heleen xog ku saabsan in la raadinayo. Dhalinyaro dharcad ah oo ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa la sheegay in ay dageen agagaarka guryaha dhalinyarada baxsadka ah si ay usoo qabtaan ama ay xog ku saabsan gudbiyaan waana arrin halis ku ah amaanka Muqdisho.
  22. Washington (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay u diyaar garoobeyso iney aqoonsato madaxbanaadida Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, oo ay dooneyso inay ku darsato dhulkeeda. Arrintan ayaa imaneysa ayadoo Washington ay isku diyaarineyso fulinta waxay ugu magac dareen “Heshiiskii Qarniga”, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump bishii Janaayo. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ku darista qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Yahuuda ay ku dhici doonto ayada Falastiiniyiinta loo yaboohayo dalnimosi waafaqsan shuruudaha gaarka u ah xaaladaha cabirka dhuleed iyo taageero dhaqaalaba. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in isku diyaarinta dalkiisa ee aqoonsiga Israel ugu darsaneyso dhulka ay heysato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ay noqon doonto mid ku xiran in Israel ay ogolaato in miiska wadahadalka la fariisato Falastiin, si waafaqsan aragtidii madaxweyne Trump. Bilowgii bishaan ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka ay siyaasada ku loolamayaan ee Benny Gantz ay gaareen heshiis u gogol xaarayo xukuumad lagu midoobay, iyo ku dhaqaaqidda qorshaha ku darsashada. Sidoo kale qorshaha wuxuu yahay in haddii Washington ogolaato, in ku darsashada loo bandhigo baarlamanka Yahuudda si ay ugu codeeyaan bisha July ee sanadkaan Waxay aheyd bishii Janaayo ee sanadkaan markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday wax uu ugu magac daray heshiiskii qarniga, ee lagu xalinayo khilaafka Israel iyo Falastiin u dhaxeeya. Qorshahan ayaa ahaa in ku dhawaad sadax meelood meel Israel la wareegto dhulka Daanta Galbeed, midaas badalkeedana ay aqoonsan doonaan dowlad Falastiin ah oo haysata dhul kala go’go’san, taasoo aanan awood u laheyn iney ayada maamulato xuduudaha iyo hawada wadankeedaba. In Daanta Galbeed ay la wareegaan Yahuuda waa mid aan sharci aheyn misna ka hor imaaneyso qaanuunka dowliga, ayadoo Falastiiniyiinta ay si adag uga hor imaadeen arrinkaan. Mareykanka ayaa tan iyo markii uu Trump la wareegay xilka ugu sareeya dalkaas banaanka soo dhigay siyaasadiisa ku wajahan khilaafka Falastiin iyo Israel, asigoona sanadkii 2017-dii magaalada Qudus u aqoonsaday iney tahay caasimada Israel, sidoo kalana sanadkii hore ayuu Yahuuda u aqoonsaday madax banaanidooda buuraha Golan ee ka tirsan dhulka Syria. Dhanka kale todobaadkii hore ayay Qaramada Midoobe iyo Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dowladaha ugu waaweynee yurub sida UK, France iyo Germany kaga digeen Israel iney dhulkeeda ku darsato qeybo kamid ah Daanta Galbeed. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiyo Bariga Dhexe ayaa ku tilmaamay talaabooyinkan iney dharbaaxo kulul ku yihiin xalkii lagu waday in laga gaaro khilaafka labada dowladood.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejisay dawo iyo agab caafimaad oo qayb ka ah taageerada dowladdu ugu tala gashay in dowlad gobaleedyad looga caawiyo dagaalka ay ugu jiraan ka guuleysiga cudurka COVID-19. Dawada iyo agabka caafimaad ee Beydhabo laga dejiyay oo ay Muqdisho ka qaadeen xubna ka tirsan guddiga qaran ee kor tagga COVID-19 oo ay hoggaaminayeen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa lagu wareejiyay guddiga Koonfur Galbeed u xil saaran kahor tagga Feyruska Karoona. Wasiirka Caafimaadka Koonfur Galbeed, Maxamed Cusmaan Xaaji oo ka war bixiyay dawada iyo agabka caafimaad ee la gaarsiiyay ayaa dowladda uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga, waxuuna ballan qaaday inay habeen iyo maalin u taagnaan doonaan ka shaqeynta badbaadinta iyo bedqabka bulshada. Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurka dhaqsaha ku faafa ee COVID-19, ayaa dowlad gobaleedyada gacan ka siineysa sidii ay awood buuxda ugu yeelan lahaayeen la tacaalidda Feyruska Karoona. Dawada iyo alaabta shalay la gaarsiiyay Koonfur Galbeed ayaa waxa ay bilaaw u yihiin agab iyo dawooyin la gaarsiinayo dhammaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre.
  24. Qardho (PPM) — The torrential rains that caused floods in Qardho on Monday evening had resulted in displacement, loss of life and wealth. Puntland State Government has appointed a disaster response committee tasked to assess the damage wrought by floods. Since 1993 Qardho has been undergoing expansion spurred by population increase. Like other towns of Puntland State Qardho has benefitted from economic growth triggered by enterprising internally displaced people from Southern Somalia and other districts of Bari region before and after Qardho had become an adminstrative capital of Karkaar, a new region created by Puntland. Geographically Qardho is located between two watercourses (tog in Somali). A bridge spans over the watercourse between Qardho and Garowe districts. Rain water flows under the bridge. The distance between the bridge and Qardho safeguards the district against floods. The second watercourse runs through Qardho. A concrete watercourse (known as buundo jiif) able to withstand rainfloods has been on the road to Bosaso. Cars and Lorries wait for rainfloods to run their course before resuming a journey. Before the district expanded locals had left the watercourse unaffected by town planning. They knew building houses or offices along the watercourse was to put oneself at the mercy of roaring seasonal floods that meander through the semi-desert terrain of Bari region before flowing into the Indian Ocean. President Said Abdullahi Deni (second from right) visiting Qardho neighbourhoods affected by floods The watercourse in Qardho proved an ideal place to build houses, offices and business premises. Some businesses near the watercourse have built an annex along the watercourse while the area was becoming a much sought after spot for developers. Two factors have contributed to the devastating impact of rainfloods in Qardho. 1- The local government has failed to discharge its duty not to issue planning permits for an area known to be a natural watercourse for seasonal rain water. 2- Low rainfall for the last ten years has lulled locals into a false sense of security. Rainfloods did not cause damage of similar scale in the district before the watercourse had become a local neighbourhood of Qardho. Houses, schools, parks, business premises and the market built on the watercourse force rainfloods to bifurcate into two parts of the district. One part of floods affected a part of Qardho not too far from the watercourse. Houses diverted floods to other other neighbourhoods of Qardho. The second part of floods damaged most buildings built on what was once the district watercourse. The absence of disaster mitigation policy along with inadequate town planning had intensified the impact of rainfloods. While the impact of rainfloods on the neighbourhood of the watercourse was foreseeable, it was difficult to plan for the district-wide impact of floods. How lessons from the devastating rainfloods will inform planning and relocation decisions remains unclear. Allowing families and businesses affected by floods to return to the watercourse area is as dangerous as leaving the watercourse as it is now — clogged with properties and other amenities. Rainfloods will cause more displacement and loss of life as long as the one-time natural watercourse gets referred to as a Qardho neighbourhood . © Puntland Post Monthly, 2020 The post HOW INADEQUATE TOWN PLANNING INTENSIFIED IMPACT OF FLOODS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
  25. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii waxyeelada ka soo gaartay fatahaaddii roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday magaalada Qardho. “Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay” ayuu yiri Waare. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo gudoomiyaha gobalka shabeellada dhexe Axmed Mayre Makaraan waxa uu ku amray in ay si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu tala-galeen magaalada Qardho. Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa mas’uuliyiinta Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka sameeyeen Fatahaaddii saameysay shacabka Qardho. Madaxweynaha ayaa ku amaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan isagoo xusay in taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo ku amray gudoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ka qayb-qaatan gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.