-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Madaxweyne Deni, ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay, Fatahaadda, si deg deg wax looga qabto. Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay guddiga gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), isagoo ka duulaya saameynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Qardho ayaa wuxuu magacaabay guddiga gurmadka fatahaada ee degmadaasi. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Guddomiyaha Degmada Qardho Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Qardho ayaa sheegaya in saaka dib loo helay dadkii lagu waayey daadadkii habeen hore ku dhuftay magaaladaas, kadib baadi-goob ay si wadajir ah u sameeyeen Puntland iyo shacabkeeda. In ka badan 10 ruux oo ay go’doomiyeen daadadkaasi ayaa la soo bad-baadiyey, kuwaas oo dib ula midoobay qoysaskooda. Xaaladda Qardho ayaa weli ah mid adag, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo qoysaskii ku guryo beelay daadadkii ku rogmaday halkaasi. Fatahaadaha iyo daadka is-watay ayaa waxaa ku naf waayey illaa 6 ruux oo isugu jira saddex caruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood ay haweeney aheyd. Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Puntland oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka shaqeeya u gurmashada dadkaasi. Guddigan oo ka kooban llaa 24 xubnood ayaa waxaa laga soo dhex xulay golaha wasiirada maamulkaasi. Halkaan hoose ka aqriso liiska: 1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) 2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga 4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska 5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda 6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha 7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka 8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta 10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska 11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA 12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha 13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi 15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye 16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre 17. Siyaasi Cali Abdi Awaare 18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar 19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar 20. Guddomiyaha Degmada Qardho 21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda 22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. 23. Axmed Cabdi Hurre 24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in markale xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya laga dareemayo deegaanada dhaca xadka labada dal. Xiisadaan dib u soo cusboonaatay ayaa timid, kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ee ku sugan duleedka degmada Beled-xaawo ay Bam-Gacmeed ku tureen dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in falkaasi kadib ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen xadka labada dal, iyadoona saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi ay sheegeen inay ka hortagi doonaan, haddii weerar lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beled-Xaawo oo ku aadan eedeyntaasi. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen Beled-Xaawo ayaa xaaladda xadka waxa ay aheyd mid ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamadiisa ay galeen Mandera. Kenya oo xiriir dhow la leh Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyey inay gabaad siisay wasiir amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo baxsad ka ah dowladda federaalka, sidoo kalena ay ka qeyb-qaadatay dagaalkii labada dhinac ku dhex-maray halkaasi.
-
The 35th fleet of the Chinese People's Liberation Army (PLA) Navy on Tuesday left the port city of Zhoushan in east China's Zhejiang Province for the Gulf of Aden and waters off Somalia to escort civilian ships. Source: Hiiraan Online
-
Gurmadkii ka baxay Garoowe Gurmadii ugu horreeyay oo ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho, halkaas oo uu ka socdo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay Fatahaaddii Roobka Gu’ga. Laba kamid ah gaadiidka Xamuulka ah, oo sida kaalmo ka kooban Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo agabka aas’aasiyaadka nolosha, oo laga soo uruuriyay dadweynaha Boosaaso, ayaa saaka soo gaaray degmada Qardho sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinka. Gurmadkaas ka yimid magaalada Boosaaso, ayaa noqday kii u horreeyay ee soo gaaray Qardho tan iyo markii habeen hore fatahaadda daadadku ay khasaaraha ba’an ka gaysteen magaalada. Sidoo kale, gurmad laga soo uruuriyay dadweynaha caasimadda Garoowe oo saaran laba gaari oo nooca Xamuulka ah, ayaa saaka ku wajahan Qardho, waxaana la filayaa in ay uu saacadaha soo socda gaaro halkaas. PUNTLAND POST The post Dadweynaha Garoowe iyo Boosaaso oo gurmad u diray Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s international partners welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council for Change which culminated in a reconciliation agreement signed on 23 April. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Boorama)-Hawgallo ay si wada jira ah ugu sameeyeen xuduuda ay Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya Ciidamada booliska iyo kuwa Qaranka ayaa lagusoo qabqabtay jaad si sharci darro lagusoo gelinaayey dalka kaasi oo lagu gubay xarunta ciidanka booliska ee Magaalada Boorama. Masuuliyiinta gobolka, degmada iyo saraakiisha ciidamadda, oo madasha jaadka lagu gubay goob jog ka ahaan ayaa waxa ugu horayn waxaa ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska Ganshaale sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, oo sheegay in qaadkaasi lagu soo qabtay saddex gaadhi iyo sideed eedaysane kuwaasi oo sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19. Maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa bulshada Awdal ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Coronavirus, go’aanka qaadka lagu joojiyayna uu yahay mid heer qaran ah loona baahanyahay in laga nasto bisha rabadaan. Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in meel kasta oo la isaga gudbayo xadka Awdal la wadaagto Itoobiya Ciidamo la geeyay talaabo adagna laga qaadayo cid kasta oo falkaasi ku kacda, waxaanu u mahad naqay ciidamada kala duwan ee ka hawlgalay iyo Masuuliyiinta degmooyinka Dila iyo Qulu-jeed oo ka qayb qaatay sidii qaadkaasi loo soo qaban lahaa. Source
-
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka oo xalay maqribkii Muqdisho ugu geeriyooday wadno xanuun. Wasiir Maareeya ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA iyo Agaasimaha Madbacadda Qaranka. Allaha u naxariistee Marxuum Agaasime Gaatamow waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray Warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa guddi u magacaabay magaalada Qardho ka dib markii magaaladaasi ay saameyn xooggan ku yeesheen roobab mahiigaana oo halkaasi ka da’ay. Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan. Madaxweynaha Puntland ayaa guddigaan uu magacaabay waxa ay ka koobanyihiin golihiisa wasiiradda, xildhibaano iyo masuuliyiin kale isaga oo guddoomiye uga dhigay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Dhabancad, waxa ayna ka shaqeyn doonaan sidii bulshada reer Qardho gargaar loo gaarsiin lahaa. Halkaan ka akhriso magacaabista madaxweyne Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre Siyaasi Cali Abdi Awaare Guddomiyaha Gobolka Karkaar Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Guddomiyaha Degmada Qardho Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. Axmed Cabdi Hurre Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa sheegaya in dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii daadadka ee habeen hore ka dhacday Qardho. In ka badan 10 ruux, oo lagu waayay daadadkii ku soo rogmaday degmada Qardho, ayaa saaka la xaqiijiyay in dhammaantood nolol lagu soo helay, islamarkaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii waayay. Dadkaas ayaa la sheegay, in habeen hore daadadka roobku ku go’doomiyeen xaafado kala duwan, kadibna markii eheladoodu waayeen ay xiriir la soo sameeyeen mas’uuliyiinta gurmadka, si loo baadi-goobo nolol iyo geeri midkood. Waxaase markii dambe dhammaantood laga soo helay goobihii ay ku go’doonsanaayeen, waxaana dib loogu celiyay Qoysaskoodii iyaga oo bed-qaba. Fatahaaddii habeen hore ka dhacday Qardho, waxaa ku naf-waayay ilaa lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweeney ahayd, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Sidoo kale, waxaa ku hanti-beelay boqollaal Qoys oo haatan aan haysan hu’ iyo hooy midna, waxaana socda gurmad ballaaran oo loo samaynayo dadka ay waxyeellada gaarsiisay fatahaadda Roobka. PUNTLAND POST The post Dhammaan dadkii lagu waayay Fatahaaddii Qardho oo nolol lagu helay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Gabadhii u doonneyd saxafigii la dilay Jamal Khashoggi ayaa ugu baaqday ugu baaqday horyaalka Ingiriiska ee Premier League in ay horistaagaan in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United. Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul . Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan. Hay’adda maalgalinta Sacuudiga ee uu hogaamiyo daxal-sugaha ayaa la filayay in 80% naadigaasi ay la wareegaan. Balse qareenno matalayay Hatice Cengiz, oo ah gabadhii u doonaneyd Khashoggi , ayaa waxay dalbadeen in laga hor-istaago in Sacuudiga ay la wareegaan kooxda Newcastle United iyada oo la eegayo dilka saxafigaasi. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab ay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ay ku toogteen saddex qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Al shabaab waxa ay sheegeen in saddexda qof oo ay toogteen kuwaas oo dhamaantood ahaa rag inay la shaqeynayeen taliska Mareykanka ee ka howlgalla qaarada Afrika ee loo yaqaan Africom sida ay sheegeen. Saddexda qof ee la toogtay ayey Al shabaab magacyadooda ku kala sheegeen Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 jir ahaa, Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 jir ahaa iyo Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 jir ahaa. Dadweyne ka kal yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Ceelbuur ayaa goobjoog ahaa goota lagu tooganayay saddexdaasi ruux. Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa sidaan oo kale degmooyinka iyo deegaannada ay dalka kaga suganyihiin waxa ay ku toogtaan shaqsiyaad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay xaaladda Muqdisho ayaa si weyn u taageeray bandowga ay dowladda federaalka ku soo rogtay caasimada, si loo xakameeyo Coronavirus. Geedi oo u jawaabay mas’uuliyiin u badnaa mucaaradka oo bandowga dhaliilay ayaa si weyn uga difaacay dowladda, isagoo sheegay in shaqo maalmeedkeeda uu ka mid yahay, wuxuuna uga digay xubnaha mucaaradka in la siyaasadeeyo dagaalka Covid-19. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Bandowga uusan u baaneyn in gole la horgeeyo, kadina la saxiixo, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa maqlayay Mas’uuliyiin kala duwan oo ku celcelinaya Bandowga dowladda ku soo rogtay Muqdisho sharci maahan, Bandowga maahan inta Golle la horgeeyo la ansixiyo, kadina la saxiixo ee Bandowga waxaa uu yahay shaqo maalmeed” ayuu yiri Cali Geedi. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadakiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyey inuu khatar weyn cudurka Covid-19 ku haya, islamarkaana loo baahan yahay in la qaato talooyinka caafimaadka, loona hoggaansamo awaamiirta ka soo baxeysa dowladda. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ay kor u dhaaftay illaa 500 oo kiis, taas oo marba marka ka damebysa ka sii dareysa.
-
Singing is not only an integral part of daily life for Somali women but also a medium through which they can express their grievances and criticise paternalistic social norms that have solidified men’s hegemony over women and limited their social participation to certain stereotyped roles. Source: Hiiraan Online
-
Last week, from the comfort of my closet-turned-podcast-studio, I talked to BA contributor, entrepreneur, and friend Hawa Hassan for an episode of the Foodcast (live on April 29th!). Basbaas, Hassan’s line of jarred Somali sauces, has a cult following that includes most of the BA staff; you may also recognize her from Test Kitchen videos. I’ve long admired Hassan’s constant stream of humor and good deeds on Instagram, and during this lockdown, we’ve been swapping tips on getting through COVID, having virtual dance parties, and commiserating about the joys and pains of living alone. Our podcast conversation was a bright spot for me during a tough week, so I’m sharing a condensed version of it here. –Amanda Shapiro, Healthyish editor Source: Hiiraan Online
-
Four people from Somalia, who were intercepted at the border with Kenya on Monday, will be quarantined at an isolation centre in Wajir County. Source: Hiiraan Online
