-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Allah ha naxariistee waxaa Magalaada Seattle ee Gobolka washington Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyrus ugu geeriyooday Marxuumad Jamiilo Cumar Cabdalla Shujaac oo ka mid aheyd Soomaalida ku nool dalka Mareykanka. Waa Qofkii Saddexaad ee u dhintay xanuunka Covid19 oo Soomaali ah waxaan lagu aasay isla magaalada Seattle ee Gobolka Washinton. Culimada iyo qeybaha kala duwaan ee Bulshada ayaa uga ka tacsiyadeeyay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday marxuumada waxaana ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay qaataan Fariimaha wacyigelinta ah ee looga hortagyo ama lagu xakameynayo cudurka Covid-19. Wadanka Maraykanka ayaa ah wadan si aad ugu baahay xanuunka COVID-19, waa wadan faafitaanka xanuunka uu gaaray kaalinta labaad marka laga soo tago wadanka Chine oo hadda soo kabanaayo oo ah halkii uu ka dilaacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jabuuti)-Mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in dowladda ay diiwaan-gelisay 12 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19. Tiradan cusub ayaa kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey waxay ka dhigeysaa 1035. Si kastaba, dhimashada Jabuuti ee cudurka ayaa ah kaliya laba qof, taasi oo aad u yar marka loo eego tirada kiisaska la xaqiijiyey. 477 qof oo ka mid ah dadkii cudurka laga helay ayaa bogsaday. Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa. Source
-
Seoul (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Korea-da Koonfureed ayaa ku adkeysanaya inaysan dalka Korea-da Waqooyi ka ogeyn wax dhaq-dhaqaaqyo ah oo aan caadi ahayn, waxayna taxaddar ka muujiyeen wararka sheegaya in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu xanuusan yahay. Wasiirka Mideynta ee Korea-da Koonfureed Kim Yein-chul, oo ah qofka qaabilsan la-macaamilka Korea-da Waqooyi, ayaa sheegay in dowladdiisa ay leedahay awood sirdoon oo si kalsooni leh ay ugu sheegi karto inaysan hayn wax astaamo ah oo muujinaya xaalad aan caadi ahayn oo ka jirta Korea-da Waqooyi. Wararka la xiriira xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi ayaa soo shaac-baxay kadib markii uu ku guul-darreysatay inuu 15-kii April ka qeyb-galo munaasabad muhiim u ah dalkaas, lagumana arag goobaha dadweynaha wixii markaas ka dambeeyey. Warbaahinta Korea-da Koonfureed qaarkood ayaa toddobaadkii tegay weriyey in Kim lagu sameeyey qalliin wadnaha ah ama uu ku jiro go’doon uu isaga ilaalinayo cudurka COVID-19. Hase yeeshee wasiirka Mideynta ee Korea-da Koonfureed Kim Yein-chul ayaa shaki geliyey wararka la xiriira qalliinka, isaga oo ku dooday in isbitaalka la xusay uusanba lahayn awood uu ku sameeyo qalliin noocaas ah. Sidoo kale, Kim Byung-kee, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka Korea-da Koonfureed, haddana xubin ka ah guddiga sirdoonka ee baarlamanka ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurta-galnimada in Kim Jong Un uu xanuunsan yahay, uuna sameyn doono “soo laabasho yaab leh dhowaan.” “Mowqfika dowladdeena waa adag yahay. Kim Jong Un waa nool yahay waana caafimaad qabaa. Wuxuu ku sugnaa Wonsan tan iyo 13-koo April, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ah oo shaki muujinaya oo aan ogaanay,” waxaa sidaas yiri Moon Chung-in, oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in. Sidoo kale, ilo-wareedyo ka tirsan Korea-da Koonfureed ayaa u sheegay Reuters in Kim Jong Un uu nool yahay, dhowaanna uu soo muuqan doono. REUTERS + VOA
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dar dar geliyo Amniga deegaanada Maamulka Puthland islamarkaana taliyaha Cusub looga baahanyahay in la yimaado isbedel muuqda si loo xaqiijiyo Amniga iyo bad qabka bulshada reer Puthland. Sido kale Madaxweyne dowlad Goboleedka Puthland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland . Labada sargaal ee xilka uu madaxweynuhu ka qaaday ayaa kala ah S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cali taliye ku xigeeen 2-aad ee Ciidanka Booliska iyo . (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa ku dhawaaqday in waddankeedu ay u suurtagashay iney joojiyaan faafitaanka fayaraska Coronavirus oo ay ka hortageen inuu bulshada badankeeda uu saameyn ku yeesho. Waxey tilmaantay in la fududeyn doono bandowga adag habeennimada Isniinta, laakiin waxey carrabka ku adkeysay iney lagama maarmaan tahay in si xoog leh loo baraarugsanaado. Jacinda, waxey caddeysay in New Zealand ay joojisay “Safmarkii ballaaran oo cudurku aanuu dad badan gaarin.”, iyadoo tilmaantay in waddankeeda uu ka taxadaray inuu xaalad adag waajaho, waxeyna hoosta ka xariiqday iney lagama maarmaan tahay in la sii wado fayraska Corona. Waxaa la filayaa in hal-milyan oo qof ay shaqadooda dib uga howl bilaabaan goobahoodii shaqada, iyadoo sharuudda ku xiran ay tahay in shirkaduhu ay la yimaaddaan tallaabo ay kula soconayaan “Covid-19”, iyadoo la qaadayo Tallaabooyin ku habboon oo caafimaad, fayoobiqabka iyo kala dheeraanshiyaha bulshada. Ra’iisul-wasaare Jacinda Ardern, shacabka waxey ku baraarujisay in kulamada ay dadka farahaba badan ay meel qura iskugu yimaaddaan aan la ogoleyn, waxey tiri: “Waxaan furnay dhaqaalaha, laakiin noloshii bulsho weli ma aaney furmin.” Tirade guud dadka uu ku dhacay Covid-19 ee gudaha New Zealand waxey gaartay 1,469(Kun afar boqol iyo lixdan iyo todobo), halka tirada dadka cudurka u dhintay ay gaareen 19 qof, iyadoo galabnimadii Axaddii uu cudurka u geeriyootay haweenay waayeel ah oo 90-jir ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo xilka ka eryay Taliyihii Booliiska Puntland & Ku-xigeenadisii Taliyaha Xilka laga qaaday Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Dikreeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare). Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenkii saddexaad Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli loo magacaabay Taliye ku xigeenka kowaad iyo saddexaad ee Booliiska. Qaran News
-
On Monday, the Somali health ministry has confirmed 9 more deaths from COVID-19, increasing the total death toll to 32, most of them died in the capital Mogadishu. In a statement, the ministry has announced the victims were brought to Martini hospital too late to save their lives by the private hospitals in Mogadishu. Somalia’s Covid-19 cases rose to 436 after health officials recorded 46 people who contracted the virus within the past 24 hours. The government is making tireless efforts to contain the spread of the coronavirus that is risking the lives of the citizens already suffering from decades of droughts and conflict. View the full article
-
We cannot throw away all the effort and sacrifice of the British people and risk a second major outbreak. pic.twitter.com/cf8gMiPaqt — Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) April 27, 2020 WATCH LIVE: PM @BorisJohnson makes a statement outside 10 Downing Street https://t.co/rTLBCBzvDo — UK Prime Minister (@10DowningStreet) April 27, 2020 Qaran News
-
Eng Axmed Macallin Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur galbeed islamarkaana wareysi dhinaca internedka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in amnigii yaraa ee lagu heystay degmada Diinsoor uu gacanta ka baxay ka dib shaqaaqooyin magaaladaasi ka dhacay. Aqoonyahan Axmed Macallin ayaa yiri “Amnigii yaraa ee la heystay ayaa gacanta ka baxay waxaa degmada ka dhacay shaqaaqooyin ku saabsanaa anooyin qabiil”. Sidoo kale Aqoonyahankaan ayaa ka dhawaajiyay in isabadalka lagu sameeyay guddoomiyaha Diinsoor aysan waxba ku soo kordhin hormarka Koonfur galbeed waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay meesha ka baxeen adeegyadii aasaasiga ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashada. “Marka isbadalka la sameeynaayo waxaa loo baahanyahay in dadka deegaanka wax loo kordhiyo ee aan wax laga dhimin waxay ahayd in dad karti aqoon leh lagu soo badalo laakiin waxaa naloo keenay guddoomiye aan khibrad lahayn, dhibaatooyinka deegaanka hadda heysta waxaa ka mid ah dhinaca waxbarashada ayaa ebar ah iyo dhamaan adeegyadii bulshada” ayuu yiri Eng Axmed. Dhanka kale Aqoonyahanka ayaa soo hadal qaaday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Koonfur galbeed iyo iswaafajinta lagu sameeyay doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee maamulkaasi waxa uuna yiri “Xildhibaanadaan waxaa soo xushtay madaxweyne Laftagareen, waxaa tuhun badan laga qabi lahaa in xildhibaanada maanta jooga uu madaxweynaha soo sameystay sidaa darted ay u codeen doonaan mustaqbalka laakiin maadaama la is waafajiyay doorashada soo socoto waxaa imaan doono xildhibaano cusub” Aqoonyahan Axmed oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in askarta joogta Koonfur galbeed aysan awood u lahayn inay furan isku socodka waddooyinka maamulkaasi. Maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban tacaddiyada loo geysto dadka aan waxba galabsan ee deegaannada maamulkaasi ku sugan, sida ay sheegayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ka soo jeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen. Halka Ka Daawo Warysi Dhinaca Skyp-ka Uu Eng Axmed Macallin Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu u hoggaansamay cadaadiska Abiy Ahmed, ayada oo dhowaan la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa guddigaasi wada-hadalada kusoo dari doona xubno hore uga muuqan jiray wada-hadaladii labada dhinac ee xiligii xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyadu. Biixi ayaa muddo badan ku jiray qorshaha uu kusoo magacabaayo guddiga u matali doona wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ay hore ugu dhawaaqday dowladda federaalku. Ku dhawaaqista guddiga cusub ee Madaxweyne Biixi, ayaa waxa uu daba socdaa cadaadiska uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku saarayo dib u furida wada-hadalada labada dhinac oo muddo badan hakada ku jiray. Abiy Ahmed, ayaa gadaal ka riixaya inay furmaan wada-hadalada labada dhinac, isagoona markii u horeysay labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ku kulansiiyey caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, xili ay labada madaxweyne ku sugnaayeen Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigaasi uu dhowaan ku dhawaaqi doono Madaxweyne Biixi ayaa waxa hogaamin doona Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland, iyada oo ay qeyb ka noqon doonaan xubno siyaasiyiin ah. Inkasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u muuqdo inuu ka cago jiidayo dib u furista wada-hadaladaasi, haddana waxa uu la kulmayaa cadaadsiyo kala duwan oo ku qasbaya inuu aqbalo in markale miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan Somaliland iyo Soomaaliya. Wada-hadalada labada dhinac ayaa muddo badan hakad ku jirey, iyadoo muddooyinkii dambena ay si weyn usii kala fogaadeen Somaliland iyo dowladda federaalku, midaasi oo lumisay fursado badan oo labada dhinac ku wada-hadli lahaayeen.
-
Waxaa suuqyada lagu iibiyo Qudaarta noocyadeeda kala duwan ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto. Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobollada Soomaaliya ayaa biyo dhigay beeraha, taas oo sababtay in aan gudaha loo gali karin. Sidoo kale waxa jira dhibaatooyin ay wadada kala kulmaan gaadiidka Qudaarta keena Muqdisho, kuwaasi oo safar dhib badan ku soo gaara magaalada Muqdisho. Noocyada kala duwan ee Qudaarta ayaa haatan la iibanayaa qiimo ka badan midkii hore ee la kala siisan jiray, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/www.mp3 View the full article
-
Degdeg:Tirada dhimashada Xanuunka Coronavirus ee Soomaaliya oo aad sare ugu kacday Sida ay Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Shaacisay maanta waxaa cudurka coronavirus u dhintay dad gaadhaya 9 qof. Tirada dhimashada cudurka ayaa hadda mareysa 32 qof. Tirada guud ee kiisaska Sooamaliya laga helay ayaa gaaraya 436. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini. pic.twitter.com/QzHOPx8Nm7 — Ministry of Health- Somalia (@MoH_Somalia) April 27, 2020 Qaran News
-
Garowe ( PP News Desk ) — Puntland President Said Abdullahi Deni is facing criticism for appointing Brigadier General Abdi Hassan Hussein as the new Commander of Puntland Police Force. As a part of mutineers who opposed security reforms proposed by the former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali in 2015, troops under the command of Abdi Hassan Hussein had fired light anti-aircraft gun at the United Nations compound in Garowe. Will President Deni reverse the decision to appoint a new commander for Puntland Police Force? President Ali fired Brigadier General Abdi Hassan Hussein, who headed Puntland Intelligence Agency, for professional misconduct. Observers question the judgement of President Deni to appoint a person who is held liable for causing intentional property damages. “President Deni will have to reverse his decision to appoint Abdi Hassan Hussein as the Commander of Puntland Police Force if Puntland is to work with UNSOM” said a former political officer with UNSOM in Garowe. Brigadier General Abdi Hassan Hussein had taken part in mutiny that nipped in the bud security reforms introduced by President Abdiweli whom President Deni replaced in January 2019. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT DENI FACES CRITICISM FOR THE APPOINTMENT OF THE POLICE FORCE COMMANDER appeared first on Puntland Post.
-
An American military airstrike in Somalia more than a year ago killed two civilians and injured three others, U.S. Africa Command is acknowledging in a new report expected on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Cabdullaahi Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey xilka qaadistii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyey ku xigeenada G/Banaadir. Siyaasiyaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahad Alle arrinta uu ku fashilmay ay tahay in uu shaqaaleysiiyey dad aan wax qori karin, waxna aan aqrin karin, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka dhanka howlaha guud ee xilka laga qaaday isaguna uu ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday. Siyaasiga Cabdullaahi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi muddada ay joogeen xafiiska inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is-daba marin. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in labada ma’suul aan loogu simin xil ka qaadis, sidoo kalena ay mudan yihiin in xabsiga la dhigo, si ay tusaale ugu noqdaan in la waayo ma’suul dowladeed oo ku dhiirada inuu qaato hantida dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/COD.mp3 View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xaqiijisay 12 kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga helay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalkaasi. Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka Kenya, Dr Rashiid Amaan ayaa sheegay in sideed kiis oo cudurka ah ay ka heleen Nairobi, afar kalana laga helay Mombasa. Dr Rashiid Amaan ayaa xusay in sideeda kiis ee laga helay caasimadda Kenya ee Nairobi sadex ka mid ah ay yihiin dad Soomaali ah oo dhawaan ka soo laabtay Soomaaliya. Sidoo kale xoghayaha maamulka ee wasaaradda caafimaadka dalka Kenya ayaa tilmaamay in kiisaska magaalada Nairobi laga helay xaafadaha Kibera, Karen, Dandora, Kasarani, South B, Umoja iyo xaafadda Islii oo Soomaalida ugu badan dalka Kenya ay ku nool yihiin. Kenya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu saameeyey cudurka dunida aafeeyey ee COVID-19, iyadoo ku dhawaad 500 oo kiis ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaas. View the full article
-
Hanna Ali, a volunteer who works with several community organisations, has been exceptionally busy since the epidemic began in the United Kingdom. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidanka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse, kaddib digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha. Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska loogu magacaabay Jen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) Cabdi Yarre oo ayaa soo noqdey Taliyaha Nabad-sugida Puntland [PIA] mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, wuxuu soo noqdey xiriiriyaha xafiisyadda sirdoonka maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Cali Sharmaake. Dhanka kale, waxaa xilalka laga qaaday Taliye kuxigeenkii kowoaad ee Ciidanka Booliska Jen. Bile faarax Cali iyo Taliye kuxigeenka 3aad G/sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag), mana jirto cid lagu bedelay Taliye kuxigeenada xilalka laga qaaday. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Garoowe: 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD=
-
Waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabeele ee bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaan doono degmooyinka kala ah Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo oo qeyb ka ah group-ka C oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo ayaa waxaa caawa lagu bilaabi doonaa Warta Nabadda iyo Marka. Diyaar garowgii ugu dambeeyey ayey haatan wadaan tartamayaasha labada degmo oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya weereegiisii koowaad ayaa waxaa xalay wacdaro ka dhigtay degmada Dayniile, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana sidaas ay ku noqotay degmadii ugu horreysay ee badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: 1- Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Shirkadda korontada BECO ayaa maanta ku dhawaaqday qiimo dhimis ballaaran oo ay u sameyneyso macaamiisheeda ku sugan magaalada Muqdisho. BECO ayaa u jeedka qiimo dhismistaan ku sheegtay, sidii ay dadka Soomaaliyeed ula qeybsan laheyd xilliga adag ee lagu jiro, kaas oo uu sababay cudurka Covid-19. Madaxa howlgalinta shirkadda Korontada BECO, Mudane Cali Maxamed Kaariye oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey qiimo dhismista ay shirkada sameyneyso, wuxuuna sheegay inay bilaaban doono kowda bisha soo socota ee May. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Beco.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa ee caasimada Somalilnad, ayaa sheegaya in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu sameeyay baaris la xiriirta cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus/COVID-19. Wariye Coldoon ayaa maalmihii u dambeeyay lasoo warinayey in uu xaalad caafimaad oo halis ah ku wajahayo gudaha xabsiga uu ku xiran yahay, kadib markii lagu arkay calaamado lamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurka Coronavirus. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Coldoon ayaa la ildarnaa qufac badan iyo cuno xanuun, midaasi oo sarre u qaaday shikiga la xiriira in Coldoon uu xabsiga ugu gudbay cudurka sida xawliga ah u faafaya ee Corona. Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah ka qaaday Wariye Coldoon dheecanadiisa, si loo sheybaaro oo loo xaqiijiyo inuu qabo cudurka uu astaamihiisa leeyahay iyo inkale. Inkasta oo aysan weli si rasmiya u cadeyn in uu qabo Coldoon cudurka Coronaha, hadda waxa laga deyrinayaa suurto-galnimada uu xabsiyada ku dhex faafi karo Coronavirus, maadama aysan jirin ka hortag iyo udiyaar garowga dhanka maxaabiista ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen Saraakiil ka tirsan xabsiyada Hargeysa. Waxaana la filayaa in maalmo kadib la shaaciyo natiijada baaritaanka Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee la xiriirta cudurka Coronavirus ee maanta laga qaaday sheybaarkiisa.
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in sagaal qof oo hor leh ay xalay u geeriyootay cudurka faafa ee Coronavirus. Qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay ku dhinteen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Tirada dadka u geeriyooday cudarka Covid 19 inta la diiwaan galiyey ayaa gaareysa illaa 32 ruux, halka dadka uu soo ritay ay cagacageyneyso 436 oo qof. View the full article
