Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha, gudigga Qaranka ee ka hortagga Covid19 iyo dhaqaatiir ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Xubnahaan ayaa waxaa magaalada Jowhar ay gaarsiyeen shixnad daawooyin ah iyo qalab kale oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka faafa ee Coronavirus. Mucaawinadaasi oo ka timid xafiiska R/wasaaraha waxaa sidoo kale loogu talagalay in lagu taageero dadaalada lagu yareynaayo caabuqa halista ah ee Covid 19. Wafdigaasi waxaa Jowhar ku soo dhoweeyey mas’uuliyiinta Hirshabelle, iyaga oo muddada ay joogaan halkaasi u kuur gali doono xarumaha loo qorsheeyey Karantiilka. View the full article
  2. Germany should allow migrants from Africa to pay a cash deposit to obtain temporary German work visas, a panel of migrations experts proposed in a report published Tuesday, a measure they argue would reduce illegal migration to the EU. Source: Hiiraan Online
  3. Allaha u naxariistee waxaa maanta Qabuuro ku yaalla degmada Dayniile ee G/Banaadir lagu aasay Wariye Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa agaasimaha Madbacadda Qaranka, kaas oo xalay u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha oo ku soo booday. Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay ehellada marxuumka bahda saxaafadda & mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya. Cabdi Shakuur Cali Axmed Tafaftiraha Radio Muqdisho oo ka qeyb gakayta ayaa faah faahin ka siiyey Idaacadda Shabelle, wuxuuna sheegay in Axmed Faarax Gaatamow ahaa shaqsi aqoonyahan ah, islamarkaana muddo u soo shaqeeyey dalkiisa. Wariye Gaatamow ayaa horay uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle, isagoona sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka. Wasiir Maareeye ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida naxtinta leh ee ku timid Marxuumka. Gaatamow ayaa ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnest International ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray taliska Mareykanka ee AFRICOM ee ahaa in laba qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya sanadkii hore oo sidoo kalana lagu dhaawacay illaa seddex qof oo kale. Amnest International ayaa si weyn usoo dhaweysay qirashada kasoo yeertay AFRICOM, waxayna ku tilmaamatay inay tahay tallaabadii ugu horeysay ee lagu iftiimiyey dhibaatooyinka loo geystay dadka Shacabka ah tobankii sano oo ay AFRICOM howlgal Militari ka waday Soomaaliya. Amnest International ayaa Taliska AFIRCOM ka dalbatay inay dilkaas ka bixiyaan magdhow isla markaasna la sameeyo isla xisaabtan dhab ah. Hey’adda ayaa cadeysay in taliska AFIRCOM aysan weli wax xiriir ah la sameyn, isla markaasna aysan magdhow siin qoysaskii dhibaatada soo gaartay. “Waa tallaabo wanaagsan in AFRICOM ay siiso qoysaska murugaysan fursad ay ku soo sheegaan dhibatooyinka rayidka iyaga oo adeegsanaya websaydhkooda”ayaa lagu yiri warbixinta. “Waa in la helaa habab kale, oo ay ka mid tahay in laga sameeyo magaalada Muqdisho qaab loogu oggolaado odayaasha qabaa’ilka ama wakiillo la soo doortay in ay ku hadlaan magaca dadka rayidka ah ee ay dileen kuwa duqeynta u geystey, si looga wada hadlo magdhowga qoysaska dhibbanayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty. Warbixintaa ayaa kusoo aadeyso Xilli Taliska Mareykanka ee AFRICOM in duqeymaha Soomaaliya lagu dilay dad rayid ah. Warbixin seddax biloodle ah, oo loogu tala galay in si hufan loo baaro wararka sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerarada Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeyn dhacday 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii lagu dilay laba qof rayid. Sidoo kale warbixinta AFRICOM waxaa lagu sheegay in seddax qof oo kalena oo rayid ah lagu dhaawacay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelladha Hoose. Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa warbixintan ku sheegay inay aad uga xun yihiin dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqeyntaas iyo kuwa ku dhaawacmaba.
  5. Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iiman iyadoo uu goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere). Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeeygalay munaasabda xil-wareejinta Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ka dib wareegto xilka looga qaaday gudoomiyihi hore Ibaarim dheere. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-290420-web.mp3 View the full article
  7. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhowaan heshiiska la gaaray maamulka Jubbaland ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada kismaayo. Axmed Madoobe oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumada Jubbaland waxaa Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in danta shacabka ay ku jirto heshiiskaas oo aan shaqsi loo danaynin balse shacabka loo turay. Qoraal shalay ka soo baxay xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay heshiiska magaalada Nairobi ay ku galeen madaxda Jubbaland iyo xubnihii mucaaradsanaa maamulka Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya oo iyadu horey u qaadacday doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe ayaan wali wax war ah ka soo saarin heeshiiskaan ay wada gaareen siyaasiyiinta Jubbaland Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Bu’aale (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha laheyn ayaa xalay duqeymo ka fuliyay degmooyinka Bu’aale iyo Salagle ee gobalka Jubada Dhexe, sida ay noo sheegeen saraakiisha Soomaaliya ee Jubbooyinka. Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha. Wararka aan ka helnay saraakiil ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegaya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan xarun lagu diyaariyay dagaalamayaal weerar ka geesta gobalada dalka iyo Muqdisho 17-ka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dagaalamayaasha qaar ee duqeynta ku dhintay loo diyaariyay in todobaadkaan ay weeraraan degmada Baardheere ee gobalka Gedo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gedo. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada howlgalka fuliyay hase yeeshee saraakiil xog ogaal ah ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus ka soo gaaray duqeyntii xalay. Sidoo kale Al-Shabaab wali kama aysan hadlin duqeyntii lala beegsaday xarumahooda Jubbooyinka, gaar ahaan Bu’aale iyo Salagle, inkasta oo aysan inta badan ka hadal weerarada ka dhanka ah. Duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa heer aan horey loo arag la gaarsiiyey afarta bil ee ugu horreysay sanadkan ayada oo xubno badan looga dilay kooxdan, waxaana weerarada badankood fuliye ciidanka Mareykanka.
  9. CAPE TOWN (HOL) - Somali business community in South Africa has teamed up to support government efforts in providing humanitarian relief aid to communities adversely affected by the ongoing lockdown in the country. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho, ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble. Madaxweyne Deni, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta Xarunta. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu min hal derejo dallacsiiyay, dhammaan ciidankii u gurmaday samata-bixinta shacabka Qardho, kadib daadadkii ku soo rogmaday magaalada. Madaxweyne Deni, ayaa ciidanka ku bogaadiyay doorkii ay ka qaateen badbaadinta Shacabka, kadib markii habeen hore daadad Fatahaad ah ku soo rogmadeen Qardho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dallacsiiyay dhammaan ciidankii u gurmaday Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.
  11. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa xaqiijinaya in muran Xoogan uu ka dhex taagan yahay Garowe iyo Muqdisho. Puntland shalay waxay is hortageen [...] Source
  12. At least ten people died on Tuesday after floods hit Qardho town in Somalia’s northern region of Bari, an official confirmed. Said Osman, governor of Qardho town told reporters that torrential rains which lasted for 24 hours caused casualties and damages to the population. “At least 10 people have died after floods wreaked havoc in the town and more than 20 others injured and are now getting treatment in a city hospital,” Osman said, adding that the death toll may rise as they are still exploring the extent of the damage. Residents said there were heavy rains in the town. “Last night it was terrible, many houses have been destroyed by floods and parked cars have been washed away,” said Hinda Abshir, a resident. View the full article
  13. Madaxweynaha Jubbaland oo guul Siyaasadeed gaaray wuxuu Kismaayo kusoo laabtay isagoo gacanta haya Siyaasiyiintii Kasoo hor jeedey xiligii Doorashada. Hoos ka daawo Sawirada soo dhaweyntiisii [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dalka UK ugu geeriyooday xanuunka Covid_19, ayaa gaadhaysa 40 ruux. Sidaana waxa ku dhawaaqay Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye, oo sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday dalka boqortooyada Ingiriiska. Cabdi Cabdillaahi Diiriye, Safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriisku wuxuu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku filiqsanaa Gobollada dalka UK. “Dadka uu (Covid_19 ku dilay Ingiriiska) Soomaali baa ku jirta, gaar ahaan Somaliland illaa hadda Dadka liiskoodu na soo gaadhay illaa 40 ayay gaadhaysaa, illaa 40 Qof oo dhallinyaro ku jirto, waayeel ku jiro ayaa illaa hadda liiskoodu na soo gaadhay oo la soo ururriyey.” Ayuu yidhi, Wakiilka Somaliland u jooga UK oo u warramay Telefiishanka Qaranka oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, waxaanu intaa ku daray “Ilaahay ha innaga dul-qaadee meel aad iyo aad u halis ah ayuu marayaa.” Safiirka oo la waydiiyey inuu xidhiidh la sameeyay ehellada Dadka u geeriyooday Covid_19, maaddaama oo aan laga qayb-galayn Aaska Dadka u dhinta Xanuunkaasi, ayaa ku jawaabay “Waanu la hadalnay intii aanu la hadli karaynay, Waayo? London oo qudha maaha, waa Sheffield, Liverpool, Bristol, Birmingham, Coventry intaasi oo dhan ayay ka kooban yihiin, markaa intii aanu la hadli karaynay ee aanu Telefoonadoodii helnay waanu u Tacsiyadaynay..”ayuu yidhi. Source
  15. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu maqnaa Kenya ayaa dib ugu soo laabtay Kismaayo, Wafdiga waxaa kamid ah Xildhibaan Xidig [...] Source
  16. Guddiga gurmadka magaalada Qardho, ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen daadadku, si dib loogu furo isu-socodka dadka iyo gaadiidka. Guddiga oo isticmaalaya gaadiidka CAGAF-ta la yiraahdo, ayaa saaka banneeyay goobo kala duwan oo ku xirmay Fatahaaddii habeen hore ka dhacday degmada Qardho, si loo soo celiyo isu-socodka magaalada. Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf. Daadadkii ku fatahay Qardho, ayaa xiray waddooyin iyo gooba kale oo muhiim u ahaa magaalada, waxayna xannibeen isu-socodka qaar kamid ah xaafadaha Qardho. PUNTLAND POST The post Qardho: Waddooyinkii Fatahaadda ku xirmay oo dib loo furayo appeared first on Puntland Post.
  17. Magaalada Qardho oo Habeyn hore uu Daad kusoo rogmaday ayaa wali la tacaalaysa biyaha faraha Badan ee Magaalada inteedabadan qaaday. Gurmad ka yimid Bosaso iyo [...] Source
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golihii Isbedal-Doonka maamulkaas oo uu ugu horreeyo Cabdirashiid Xidig. Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan. Axmed Madoobe ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo uu heshiis kula soo saxiixay xubnihii ugu saameynta badnaa ee mucaaradkiisa. Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Jubbaland la hadli doono warbaahinta, isagoona ka warbixin doono safarkii uu ku tegay dalka Kenya. Heshiiska ay wada gaareen dhinacyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey xubnaha beesha caalamka, walow uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka dhashay doorahadii ka dhacday Kismaayo.