-
Content Count
214,463 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo saaray liiska golihiisa cusub ee wasiirrda oo ka kooban 23 xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah. Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug. Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug. Sidoo kale liiskan waxaa kasoo muuqday Axmed Shire Falagle oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor, waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug. Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Halkan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda. Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir waxaa ka soo dhexmuuqday Axmed Macallin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana haween ah labo. Hoos ka akhriso Liiska Wasiirada cusub ee Galmudug. Cabdi Maxamed Fiidow ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta. Axmed Macallin Fiqi, Wasiir Amniga Gudaha. Farxaan Cali Maxamed (Farxaan Cali Gaab) Wasiirka Maaliyadda. Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Daa’uud Maxamed Macallin, Wasiirka Dastuurka. Saabir Nuur Shuuriye, Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga. Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Bay’ada. Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga. Axmed Dhiblaawe Casir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib Udhiska. Aadan Cismaan Xuseen Qorloolay, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe), Wasiirka Biyaha iyo Tamarta. Cabsiqaadir Macxamed Siciid Batroolka iyo Macdanta. Xasan Cabduqaadir Xuseen, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha. Xuseen Cabdulle Xasan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. Axmed Shire Maxmuud, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Sahra Colaad Cabdi, Wasiirka Qurbajoogya iyo Dhiirogalinta Maalgashiga. Axmed-nuur Xaaji Cismaan, Wasiirka Beeraha, Dhirta iyo Daaqa. PUNTLAND POST The post Wasiirada cusub ee Galmudug oo la magacaabay iyo Xildhibaan Federaalka ah oo ka soo dhexmuuqday appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, bulshada kuwaaada wax heysatana looga baahanyahay inay is caawiyaan. Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari ayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen istuudiyaha Radio Muqdisho xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna bulshada kala la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in culimada iyo Madaxda Wasaaradda Diinta ay iska kaashadeen raadinta bisha barakeysan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bilashada bisha Ramadaan, ganacsataduna ay shacabka u dhibriyaan. Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diinta ayaa sheegay in mowduuca la isugu yimid ay tahay in la sugo bilashada bisha Ramadaan, isla markaana dadaal badan lagu bixiyay sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa. Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in maqrabkii ilaa iyo hadda la wacayay gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, isagoo xaqiijiyay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan. Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ramadaan oo ku aadan beri oo Jimco ah, waxaana uu ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan. “Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaysa saamaynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada ayaa diyaarisay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 ku yeelanayo waxbarashada. Qorshahani oo lix bilood ah ayaa diirada saaraya sadex hadaf/ujeedo oo waaweyn oo kala ah: (1) Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka COVID-19. (2) Sidii loo sii wadi lahaa adeegga waxbarashada iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin. (3) Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada. Haddaba, fulinta sadexdaan hadaf/ujeeddo waxay gacan ka geysanaysaa yaraynta saameynta dhow iyo mida fog ee cudurkan ku yeelan karo habsami u socodka waxbarashada. Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka. Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa ku xukuntay shan askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland xabsi u dhaxeeya 10 sano illaa 12 sano. Askartan ayaa lagu helay dambi ah: awood sheegasho iyo laaluush qaadasho, iyadoo ay soo dacweysay gabadh muwaadinad ah oo kiiskooda dhibbane ka ahayd. Kiiska askartan iyo gabadha ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa wax aan macno ku fadhin ku tilmaantay heshiiskii ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnihii Isbedel doonka Jubbaland. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan Gedo, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Axmed Madoobe uusan heysan sharciyad madaxweyne, isla markaana uusan wax macne ah soo kordhineyn heshiis ay kala saxiixdeen dhowr siyaasi, sida uu hadalka u dhigay. “Xiligan la joogo Axmed Islaam ma haysto sharciyad uu ku yahay Madaxwaynaha DG Jubaland, kuna maamulo degaanadaas, askabadaa heshiis ay dhawr siyaasi ay kala saxiixdeen oo aan wax macna ah ku soo kor dhinayn helida Jubaland lagu midaysanyahay, taas oo u baahan in si mugg weyn looga wada shaqeeyo. Xalka iyo horumarka Jubaland waxuu ku jiraa gacmaha Shacabka reer Jubaland”ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Hilaal. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Caasimada Online u sheegay in marka uu sidaaas leeyahay uu ku hadlayo afka dowladda federaalka, maadaama uu yahay xubin ka tirsan golaha fulinta, kana soo jeeda Jubaland. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnaha is-beddel doonka Jubaland, ee qaarkood sheeganayey madaxweynaha Jubaland, ayaa maanta heshiis ramsi ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi. Xubnaha Axmed Madoobe ay heshiiska saxiixdeen ayaa kala ah; xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdnaasir Seeraar Maax iyo Daahir Sheekh Axmed Cabdullaahi. Sida ku cad heshiiska, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday inuu soo dhiso xukuumad wadaag ah oo tayo leh oo ay qayb ka yihiin Golaha lsbadal-doonka Jubbaland, iyadoo la ilaalinayo habka awood qeybsiga beelaha Jubbaland. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la qabto kulamo iyo shir dib u heshiisiineed oo la isugu keenayo waxgaradka iyo qaybah kala duwan ee bulshada Jubbaland.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna. “Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay. “Dhammaanteen shacab iyo dowladba waa in aan ku baraarug-sannahay halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19. Waa in aynu u istaagnaa sidii aan ula shaqn lahayn laamaha caafimaadka, uguna hoggaansami lahayn talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan. Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka. View the full article
-
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga faafitaanka xanuunka COVID-19 Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in maanta uu soo gana gaboobay kuala ay la lahaayeen ganacsatada ka shaqeyso Qaadka ayaa waxaa uu sheegay in ay isla garteen labada dhinac in si ku meel gaal ah loo joojiyo muddo 25 cisho ah oo ka bilaabanayso maalinta axada ee soo aadan sababo la xirira COVID-19. Madaxweyne -xigeenka ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan-geli doono laga bilaabo Axadda todobaadka soo socda ee ku beegan 26-ka bishaan April, uuna ku egyahay 21- bisha May ee soo socota, si looga feejignaado faafidda cudurka sidoo kale waxuu xusay in ciidamada kala duwan ee Somaliland ay ku amran yihiin, in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo Qaad soo gelisa gudaha Somaliland mudadaasi cayiman oo dhan 25 cisho oo la hakiyey . Madaxwene ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil ayaa dhanka kale carabka ku dhuftay in Qaadka uu si fudud u gudbin karo xanuunka Coronavirus maadaama dad badan ay soo taabanayaan, oo dadkana uu sahlayo in ay kulmaan oo isku imaadaan waxaana uu faariin u diray laamaha amniga in ay qabtaan Qaadkii si sharci darro ah loo soo geliyo Somaliland ayna gubaan waxaana uu intaas ku daray in gaadiidkii soo qaadaana lala wareego. Halkaan ka daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-23042020-1.mp3 View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray, dadka, Beeraha iyo Xoolaha dhaqata ah ee degan webiga jiimkiisa. Daadaku waxa ay la tageen dhammaan wixii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda, waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere ee gobolka Gedo. Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga waxaana fatahaada webiga loo sababeynayaa iyadoo dalka uu ka curtay xili roobaadka Go.a kaas oo dalka intiisa badan ka da’aya xiligaan iyo webiga oo soo saaray biyo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay saaxiibada ku xiran waxay leedahay Ramadan Mubarak. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa caawa ku dhawaaqday in barri oo jimco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan”. Inta badan dalalka dunida Islaamka ayaa caawa ku dhawaaqay in Jimcaha berrito ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Dalalka looga dhawaaqay bilashada bisha Ramadaan waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Bisha Shacbaan ayaa sida la isku raacsanyahay Khamiistii maanta ku buuxsantay 30, waxayna inta badan dunida Islaamku Jimcaha beeri ah isku diyaarinayaan inay gutaan waajibaadka maalinta koowaad ee bisha Soon-qaad, sanadka 1441 Hijriyah. Sanadkan ayaa ka duwanaa doona sanadihii hore maadaama ay jirto khatar dunida wada saameysay oo ka dhalatay cudurka caalamiga ah ee Coronavirus, dowlado badan ayaana ku dhawaaqay in la xiray goobaha cibaadada, si looga baaqsado isku imaatinka bulshada. Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah kaas oo horay u jiray, balse sii adkaanaya markii ay dhalato bisha Ramadaan. Bandowga ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya in la dukado salaada Taraawiixda, hase yeeshee dowladdu ma joojin weli salaadaha kale ee jameeda ah sida saladda Jimcaha.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale. Deegannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 ruux, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa goor-dhaweyd sheegtay in ay dacwad ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda codka Mareykanka ee VOA. Bayaan kooban oo caawa NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u dugbisay gungaar gal-dacwadeed oo ka dhan ah Wariye Haaruun Macruuf. “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Bishan horraanteedii ayaa NISA sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso Wariye Haaruun Macruuf oo ay ku eedeysay anshax darro saxaafadeed iyo in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka. Xeeldheerayaal saxaafadeed iyo sharciga ayaa xiligaas NISA ku eedeeyey in eedeynteedu baalmarsan tahay sharciga iyo nidaamka loo maro. Wariye Haaruun Marcuuf ayaa soo diyaariya barnaamijka todobaadlaha ah ee Galka Baarista ee ka baxa VOA-da, kaas oo lagu soo bandhigo macluumaad qarsoon. NISA waxaa Muqdisho ugu xiran Wariye Maxamed Abuuja oo muddo bil ka badan xiran, isagoo aan caddaalad helin. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa horey loogu eedeeyey in ay si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka. PUNTLAND POST The post NISA oo sheegtay in ay dacwad ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in ay dacwad kusoo oogtay wariye Haaruun Macruuf. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu caddeeyay in dacwadda loo gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon,” ayaa lagu yiri qoraalka. Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii NISA ay sheegtay in ay dacweyneyso Haaruuf maadaama uu leeyahay xiriir halis ku ah amniga Qaranka. Haaruun Macruuf oo ah saxafi ka tirsan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa nan wali ka jawaabin eedeymaha kaga timid mukhaabaraadka wadanka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19 ee dalkeenna ku faafaya, ayaa caddeeyay in madaxda dowladda, dowlad gobaleedyada, Culimada, dhakhatiirta, haweenka, dhallinyarada, hoggaanka bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay wadajir ay uga wada shaqeynayaan sidii ummad ahaan looga guuleysan lahaa Cudurkan. “Dhammaan Hay’addaha Caalamka oo aan la xariirnay waxaan ku war gelinay in hawl kasta oo kale dhinac la dhigo, awooddana, laysugu wada geeyo la tacaalidda masiibadan, waana ku boggaadinayaa inay dhammaantood nala qaateen”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan. Khayre ayaa xaqiijiyay in qalab caafimaad oo Dowladdu dibdda ka dalbatay uu dhawaan dalka soo gaari doono, loona qaybinayo dowlad gobaleedyada oo dhan. Dowladda ayaa Cisbitaalka Martini oo ah Cisbitaalkii ugu horeeyey ee bukaannda COVID-19 lagu daweeyo waxay ku diyaarisay qalabkii loo baahnaa in lagu daaweeyo bukaamada uu xanuunkani haleelay, ayaa gebogebo marsiinaysa diyaarinta cisbitaalkii labaad oo loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19 lagu daweeyo waxayna qorsheyneysaa hirgelinta Isbitaalo kale oo dheeraad ah. Dowladda ayaa sidoo kale howl gelisay Xarunta Ambalaasyada oo si joogta ah u shaqeysa. Waxaa sidoo kale la diyaariyay dadkii iyo qaabkii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda COVID-19. Xarunta xariirka COVID-19 oo halbowle u ah helista xogta faraysa bahda caafimaadka samata bixinta bukaannada xaaladdodu daran tahay, talana u siiyaan kuwa talada u baahan, ayaa celcelis ahaan maalintii waxaa soo waca 5,000 muwaadin oo u baahan adeeg iyo talo caafimaad. Ra’iisul Wasaaraha oo ganacsatada mar kale kula dardaarmay inaan sare loo qaadin beeca cunndada ayaa caddeeyay in dowladda guddi u saartay dabagalka iyo la socoshada qiimaha maciishadda, si loo xaqiijiyo in canshuur dhaafka iyo canshuur dhimista ay dowladdu sameysay looga faa’iiday shacabka Soomaliyeed. Khayre oo ugu dambeyn ku baaqay in wadajir loo qaato talooyinka caafimaad, lana caawiyo dadka nugul ayaa Allah ka baryay in fadliga cibaadada bisha barakeysan ee Ramadaan inuu dadkeenna caafimaad siiyo, kana badbaadiyo cudrkaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliay ee NISA ayaa caawa shaacisay inay xafiiska xeer-ilaalinta qaranka u gudbisay natiijada baaris ay sheegtay inay ku sameysay weriye Haaruun Macruuf, oo ka tirsan VOA. Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku tiri “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon,” NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.#NISA — NISA (@HSNQ_NISA) April 23, 2020 Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Qoraalkan ayaa yimid 20 maalmood kadib markii qoraal kale oo NISA ay soo saartay 3-dii April ay ku sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf. Qoraalkaas ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.” Weriye Haaruun Macruuf iyo idaacadda VOA illaa iyo hadda kama jawaabin qoraalkii hore ee NISA, hase yeeshee waxaa qoraalkaas cambaareysay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Qoraal ay safaaradda soo saartay 5-tii April ayey ku tiri “Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya.” Idaacadda VOA ee uu ka shaqeeya Haaruun Macruuf ayaa hoos-tagta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, si la mid ah safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo iyana hoos-tagta wasaaradda. Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baaritaanada oo lagu magacaabo “Galka Baarista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-23042020.mp3 View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo goordhaweyd jeedisay warbixintii u dambeysay ee xaaladda Covid-19 Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay ay soo kordheen 41 xaaladood, 2 bukaan oo dhimasho ah iyo 2 bogsaday. Wasiir Fowsiya ayaa xustay in 41-da qof ee laga helay Covid-19 saacadihii u dambeeyey uu kamid yahay qof ku nool magaalada Gaalkacyo, gaar ahaa dhanka Koofurta ee Galmudug, waxayna tilmaantay in bukaanada 31 kamid ah yihiin lab, halka 10-ka kalana yihiin dhadig. Tirada guud ee kiisaska cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 328 qof, halka dhimashadu ay gaareyso 16 ruux, sida ay xaqiijisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Marwo Fowsiya Abiikar ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Covid-19 ee laga helayo gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Warbixintii u dambeysay ee xaaladda Covid-19 Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey. Wasaaradda ayaa sheegtay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in deegannada dowlad gobaleedka Galmudug laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween. “Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 qof, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.
-
The Somali government has reported two COVID 19 related deaths on Thursday. That is the latest number of deaths in the horn of the African from COVID 19 since first death on April 9. According to the Ministry of health, another 41 new cases have also been confirmed with the virus bringing the total number of infected persons to 327. Multi-agency team with coordination from the office of the prime minister is working round the clock in preventing the spread of the virus in the country mainly in the capital, Mogadishu which has registered the highest number. Extra emergency centers have been established in De Martini, Banadir, and Yardameli hospitals to deal with the situation according to the COVID 19 emergency response committee. The authorities have appealed to the citizens to take health guidelines related to the virus seriously. View the full article
-
Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseenoo maanta shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in lagu guulaystay in dib loo fasaxo xoolihii ka dhoofi jiray dalka ee loo iibgeyn jiray wadanka Sucuudi Carabiya, kaas oo xariynaa muddo ku dhow lix sanadood ah. Wasiirka ayaa sheegay in xoolaha loo dhoofin jiray wadamada carbeed laga heli jiray lacago badan kuwaas oo kaabi jiray dhaqaalaha dalka dhiiro gelina u ahaa dadka xoola dhaqata Soomaaliyeed oo xoolahooda u halayey iib fiican. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
