Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye ayaa shalay ku soo dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Shibis iyo Cabdulcasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow, Ex Koonis iyo meelo kale oo Shibis ka tirsan. Madaafiicdaas oo aan ilaa hada la xaqiijin khasaare nafeed oo ay geesteen ayaa la sheegay iney sababeen burbur iyo cabsi xoog leh. Ilo wareedyo ku sugan xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in koox dhallinyaro ah oo afka soo duubatay in shalay galab ay dadka xaafdaas dagan ku amreen in ay guryahooda galaan, waxayna kadib halkaas ka tuureen madaafiic. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in muddo ay kooxdaas goobta ku sugnaayeen ka hor inta aysan hoobiyaasha ridin, waxayna awaqti ku dhaw 20 daqiiqo ku bixiyeen in bulshada ay guryahooda ku xareeyaan, si ay qalabkii ay wateen u rakibaan. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan ku soo batay madaafiicda maalin cad lagu garaacayo, waxaana toddobaadkaan laba jeer la duqeeyay Garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Muqdisho.
  2. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 8 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib markii shalay la baara 22 qof oo looga shakiyay cudurkaas. Bukaannada xanuunka laga helay shan kamid ah waa Lab halka saddexda kale ay dumar yihiin waxaana tirada guud ee COVID-19 laga helay gaartay 38 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Puntland. Sidoo kale hal bukaan ayaa markii u horraysay ka bogsaday xanuunka kadib markii baaritaan lagu sameeyay laga waayay cudurka oo horay looga helay waxaase jiray qof u dhintay 21-kii bishii tagtay ee April. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa xalay kormeer sameeyey, isaga oo u kuur galayey bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho. Cumar Filish oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday dhowr degmo, isagoo qiimeynayey xaaladaha amniga, nadaafada iyo bandowga, kaasi oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus. “Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada.”ayuu yiri Cumar Filish. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay qaataan awaamiirta dowladda ee uu ugu horreeyo bandowga si loo xakameeyo Covid-19. “Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurka Covid-19. Magaalada Muqdisho oo uu ku sii faafayo xanuunka ayaa waxaa ka dhaqan galay inta badan amaradii ay soo saartay dowladda, sida goobaha waxbarashada oo la xiray iyo bandowga oo si toos ah uga dhaqangalay caasimada, wixii ka dambeeye 8:00 habeenimo.
  4. Moscow (Caasimada Online) – Golaha Arrimaha Caalamiga ee Ruushka ayaa filaya in Dowladaha Ruushka, Turkiga, iyo Iran ay gaaraan heshiis, si ay meesha uga saaraan madaxa rajiimka Siiriya, Bashar Al-Assad, islamarkana ay aasaasaan xabad joojin. Waxay qorsheynayaan in Assad ay ku bedelaan oo ay sameeyaan Dowlad ku meel gaar ah, taasi oo ay ku jiraan mucaradka, xubno rajiimka ka tirsan iyo ciidanka demoqaraadiga ah ee Siiriya ee SDF loo soo gaabiyo. Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya, oo lagu yaqaano in ay ku dhowyihiin go’aan gaareyaasha Dowladda Ruushka, ayaa warbixin ku sheegay in urur Ruushka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mu’asasada Ilaalinta Qiyaamka Qaranka, oo ku xiran hey’adaha amniga iyo Madaxweyne Vladimir Putin ay ra’yi aruurin ka sameynaysay Siiriya. Tani waxay direysaa farriin siyaasaded oo cad, waxayna gudbineysaa in dadka Siiriya aysan dooneyn in Al-Assad uu Madaxweyne sii ahaado. Warbixintu waxay sheegtay, in tan iyo billowgii faro-gelinteedii Siiriya, Moscow ay ka fogaaneysay in ay u muuqato difaacaha Al-Assad. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in wadaxaajood lagu soo qaaday in “dadka Siiriya ay go’aanmin doonaan hadii uu talada sii joogayo Al-Assad iyo in kale.” Ruushka aad ayey dhab uga tahay in uu isbadal ka sameeyo Siiriya, ayey sharaxday warbixinta Golaha Arrimaha Caalamiga ah, keliya mahan in uu difaacista Assad ay ku cuslaatay. Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa sharaxday: “Raashiya waxa ay tuhmeeysaa in Al-Assad keliya uusan awoodi waayin in uu wadanka sii hogaamiyo, laakiin sidoo kale hogaanka Siiriya uu Ruushka ku jiidayo wadadii Afghanistan, taas oo aan marnaba suurtagal ka ahayn Ruushka.” Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in Iran, oo la dhibtooneysa cuneqabateynta Maraykanka, aysan dan ka lahayn in gobolka oo dhan uu xasilooni gaaro, sababtoo waxaa ay isu tixgelineysaa in ay aag ugu jirto Washington. Wakaaladdu waxay qortay in Moscow ay diyaar u tahay in Al-Assad ay u adeegsato in ay u isticmaasho wada-xaajood damaanad qaadaya danaheeda. Sida ay baahisay TASS, Al-Assad ma diidi karo dalabka Ruushka, sidas darteed waxaa uu ka dhigay Ruuska in ay maqlaan wixii ay doonayaan maqalkooda, lakiin ugu dambeyntii waxaa dhaqan gelaya dalabka Tehran. Warka waxaa sidoo kale ku jira in ikhtiyaarka labaad uu ubaahan yahay in dhaman ciidanka shisheeye laga saaro iyo mideynta wadanka kadib marka la gaaro isbedelka siyaasadeed, sida ku xusan Qaraarka Qaramadda Midoobay ee lambarkiisu yahay 2254. Turkiga ayaa muddo dheer ku baaqayay in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad taas oo shuruud u ah in uu soo geba-gabeeyo howl-galadiisa Siiriya. Marka la eego arrimahan oo dhan, waxaa muuqata in Russia, Turkey iyo Iran-ba ay dani ugu jirto in meesha laga saaro Assad, taasi oo ah waxa hadda la filayo, sida uu sheegay Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya.
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmiya u bilowday hordhaca wada-hadalo ay ku rabto inay kula baxdo Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika, ee gudaha Soomaaliya u jooga arrimaha nabad ilaalinta. Wargeyska The Conversation, ee inta badan baahiya faaqidaadaha ayaa arrintaasi ka qoray warbixin uu ku muujinayo jabka dowladda Kenya kasoo gaari kara ciidamadaasi ay kala baxeyso Soomaaliya, iyo sidoo kale guulaha ay kala kulmeyso ciidamada ay dib ugu celinayso dalkeeda. Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay jab weyn la kulmi doonto haddii ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasi oo ay ku lumin doonta awoodeeda ciidan iyo mideeda diblumaasiyadeeda ee bariga qaarada, gaar ahaan mida gobolka Geeska Afrika. Qorshaha bixida ciidamada Kenya ayaa fursad weyn u noqon doona ciidamada Itoobiya ee ay ka wada tirsan yihiin howl-galada midowga Afrika ee nabad ilaalinta, iyada oo la saadalinayo in Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelato gudaha Soomaaliya. Xoogeysiga Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ee usii gogol xaadheyso bixida Ciidamada Kenya ayaa horseedi kara awood ay dowladda Farmaajo ay kusii joogeyso talada dalka, isla markaana ay ciidamada Itoobiya u adeegsan doonto mucaaridka iyo warbaahinta kasoo horjeeda siyaasadeeda, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Dhinaca kale, Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay guulo weyn ka gaareen baajinta weerarada qorsheysan, iyaga oo haddana u muuqda in uu gaabis weyn ka jiro hadafkooda koowaad ee nabad sugida, wallow ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah. Ciidamada Kenya ayaa markii 2011-kii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxa ay ku guuleysteen inay lumiyaan awooda Al-Shabaab ee magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyagoona qeyb ka ahaa howl-galkii cuslaa ee gacanta Argagixisada looga saaray magaalada Kismaayo oo hadda ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland. Qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya kala baxdo ciidamadeeda ayaa ku soo aadaya iyada oo ay sii kordheyso naceybka ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan uu sarre u kacayo, isla markaana uu sii xoogeystay xifaaltanka kala dhaxeeya dowlada Itoobiya, oo iyadu saaxiib dhow la ah madaxweynaha talada dalka haya. Sidoo kale waxa uu qorshahaasi ku soo aadaya xili ay dowladda Kenya wajaheyso weeraro uga imaada Al-Shabaab, iyada oo wargeyskuna ku sheegay in ka bixida Soomaaliya ay bad-baado u noqoneyso nolosha bulshadeeda iyo kheyraadka dalka Kenya. Waxaana la filayaa inag dalka gebi ahaanba ka baxaan Ciidamada Kenya sanadka soo socda ee 2021-ka, hadeysan waxba iska badalin qorshaha ay ciidamadooda ugala baxayaan Soomaaliya.
  6. Boorama (Caasimada Online) – Masjidka Huda oo kamid ah Masaajidyada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda. Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masjidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan. Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masjidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masjidka, balse laga joojiyo un salaada Taraawiixda. Go’aankaasi ayaa ku soo aadaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horeeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama. Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masjidkii u horeeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda, xili uu hore u fashilmay qorshe ay xukuumada Muuse Biixi ku dooneysay inay ku joojiso in salaadaha lagu tukado masaajidyada.
  7. Innaalilaahi wa-inaa Ileyhi Raajucuun, ma dhinte waa Illaahey, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday rug cadaa Saxaafadeed, qoraa hal abuure, macallin saxaafadeed, Aweys Xasan Xuseen (Aweys Shiino). Wuxuu ahaa qoraa iyo saxafi rasmi ah waagii hore iyo waqti xaadirkaanba, waxaan u maleynayaa inuu dalka ku yar yahay qof isagoo kale ah ama doorkiisa ciyaari karo. Wuxuu ahaa aqoonyahan iyo indheergarad buuxiyay qiyaamka iyo heybadda xirfaddiisa oo weliba u sii dheer yihiin muhiibada aqoonta guud iyo midda gaar ahaaneed ee hab qoraalka. Asluub, anshax iyo xadaarad, waxay ugu dhammeystirnaayeen hab dhaqankiisa guud, xiriiradiisa ijtimaaciga ah iyo weliba dhammaan noloshiisa oo idil. Aweys Shiino allaha u naxariistee afartan sano hadeysan ka badneyn qalinkiisa wuxuu ahaa mid dhibcanayay, kana soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktobar ee Dowladdii Kacaanka oo qoraaladiisa lagu daabaici jiray, sheekooyinkiisana bulshada aad u jeclaayeen, iyo wargeysyadii burburka kadib. Isagoo ka dhowrsanaa in qalinkiisa dhibaato dhaliya ama la oran karay inuu wax ku dhiso mooyee aanu jecleyn in loo soo raad raacdo qormo uu sameeyay. Waxaan ku xasuustaa nasiibna u yeeshay inuu ahaa saaxiib mar lasoo shaqeeyay aabahey Muxiyaddiin Cali oo ka wada tirsanaayeen Wargeyskii Xiddigta Oktobar, markii uu aabo geeroyoodayna isla wargeyska Xiddigta Oktobar iskala soo shaqeeyeen ninkii reerka noogu weynaa Maxamed Muxiyaddiin, marna aanu aheyn saaxiib, talooyinka iyo hoga-tusaaleynta anshaxa suxufinimo ka qaadan jiray intii aan ka shaqeynayay saxaafadda gaar ahaan wargeyska xiddigta Panorama oo qoraaladiisa inta badan ku daabici jirnay. Aweys Shiino waxaan ku tilmaami karaa inuu ahaa shaqsi diinta jecel, heer magaal xadaarad fog, nabadda jecl, afgaabnaa, una hiiliya dadka codkooda la maqal. Dhab ahaantii waa la hubaa qof kasta oo yaqiin Aweys Shiino inay taabanayso ama ka marugoonaayo geeradiisa. Alle ha ku maneysto naxariis iyo jannadii Fardowsa. Qoyskii, qaraabadii, saaxiibadii iyo intii taqiin samir iyo iimaan Allaha weyn haka siiyo. Ali Muhiyaddiin Muxiyaddiin@hotmail.com
  8. MOGADISHU (Reuers) — A plane carrying aid supplies for use in the fight against the coronavirus crashed in Somalia on Monday, killing all six people on board, the Somali transport minister said. Source: Hiiraan Online
  9. Waa qodob dastuuriya qof walba oo innaga mid ahina uu xaq u leeyahay doorashada mas’uulka ku matalaya heer Degmo mid Gobol mid Maamul goboleed midka Dowladda Dhexe uga noqonaya Xildhibaan ilaa heer Madaxweyne. Muwaadin waxaa la jogaa waqtigii aad Dooran lahayd midka sida habboon ee hagar la’aanta ah kugu adeegi lahaay kuguna shaqeyn lahaay Habeen iyo maaalin. Muwaadin lama joogo waqtigii inta lacag qof lagu doorto aadan barito xaq ugu lahayn inaad la xisaabtantid ama uu kugu adeegi lahaay. Baahiyaha Asaasiga waa Nabadgelyo, Garsoor, Caafimaad waxbarasho Biyo wado iyo badqabka Muwaadinka intuba waxay mas’uuliyadeedu saaran tahay madaxda heerarka kala duwan aan kor kusoo xusnay. Muwaadin lama joogo waqtigii kaaba qabiilka iyo in yar ay kuu go’aamin jireen aayaaha siyaasadda Degaanka ama reerkaba waxaa la joogaa waqtiga ugu habboona aad adigu Dooran lahayd Mid si dhaba kuu matala kana go’antahay inuu hagar la’aan kugu adeego. Dooro Adeege kuu adeega ha dooran mid dantiisa u adeegta. U halgan madax bannaanida codkaaga iyo doorashada mid u qalma xilgudashada deegaankaaga. Abdullahi Mahdi – Waa guddoomiyaha Madasha Kulmiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Inta la hubo afar qof ayaa ku dhintay diyaarad lagu soo diray degmada Bardaale ee gobolka Bay. Diyaarada oo sida la sheegay siday shixnad gargaaar ah ayaa gantaal haleelay galinkii dambe ee Isniintii inta aysan soo gacadhigan garoonka diyaarada Bardaale, dhamaan dadkii saarnaa ayaana ku geeriyooday. Diyaarada oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Africa Express Airline ayaa markii hore ka soo kacday magaalada Muqdisho, waxayna ku soo hakatay garoonka diyaarada Baydhabo, ka hor inta aysan u duulin Bardaale oo ay ku burburtay. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya soo riditaanka diyaarada iyo tirada dadkii saarnaa, waxaana Wasiirka Gaadiidka Dhul iyo Cirka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eeley oo hadlay sheegay in baaritaan lagu wado dhacdadan. PUNTLAND POST The post Diyaarad lagu soo riday degmo ka tirsan Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  11. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Notification Note on COVID-19 Situational Update – 4 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 4, 2020/ — The total laboratory tests conducted within 24 hours are 1758; of these five (5) of them are confirmed positive for COVID-19 and the total confirmed cases as of today are One-Hundred-Forty (140). The tests were conducted at the Ethiopian Public Health Institute, National Animal Health Diagnostic and Investigation Center, Armauer Hansen Research Institute, International Clinical Laboratories, Amhara Public Health Institute (Bahir Dar), Tigray Health Research Institute, Adama Public Health Research and Referral Laboratory, Haramaya University Laboratory and Jigjiga University Laboratory. The Details of cases are presented below: S. NO Citizenship Residence Age sex Travel history of abroad Contact with confirmed case 1 Ethiopian – 24 Male He has travel history from Puntland and is in Jigjiga University mandatory quarantine. 2 Ethiopian – 23 Male He has travel history from Puntland and is in Jigjiga mandatory quarantine. 3 Ethiopian – 20 Male He has travel history from Puntland and is in Jigjiga mandatory quarantine. 4 Ethiopian Bahir Dar 17 Male No Yes 5 Swedish – 19 Male He has travel history from Sweden and is in Addis Ababa mandatory quarantine. COVID-19 Situational Update as of Today Total laboratory test conducted 24,088 Laboratory tests conducted within 24 hours 1,758 Number of confirmed cases within 24 hours 5 Total patients of COVID-19 in the treatment center 60 Patients in intensive care 0 Newly recovered 0 Total recovered 75 Total deaths 3 Returned to their country 2 Total confirmed cases as of today 140 The Ministry of Health and Ethiopian Public Health Institute would like to advise the public to strictly adhere to all precaution measures including avoiding mass gatherings, washing hands with water and soap, covering mouth and nose with face/cloth mask when in crowded areas, and maintaining physical distancing. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  12. United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: UNHCR Global COVID-19 Emergency Response WHO has reported worrying upward trends in various parts of Africa GENEVA, Switzerland, May 4, 2020/ — Highlights While the epicenter of the COVID-19 outbreak remains in the United States and Western Europe, WHO has reported worrying upward trends in various parts of Africa, the Americas, and Eastern Europe, without a concentrated outbreak so far in refugee and internally displaced camps and settlements. As of 20 April 2020, UNHCR estimated that 167 States have partially or fully closed their borders to contain the spread of the virus. 57 of these states are making no exception for people seeking asylum. UNHCR issued a press release drawing attention to the increasingly desperate situation of forcibly displaced people affected by the economic impact of COVID-19. Since the end of March, UNHCR has disbursed $30 million in cash assistance, including advanced payments, to enable refugees, internally displaced people and other persons of concern to cope with the adverse economic impact of COVID-19. UNHCR is supporting national health authorities by providing additional isolation units, which have allowed to include specific areas for triage, the storage of medical equipment or changing rooms for doctors. To date, more than 2,100 refugee housing units have been provided for use as isolation units in 60 locations throughout the Americas. Plans are in the works to provide 1,000 additional units. UNHCR contributed substantively to the latest report of the Secretary General “Covid-19 and human rights, we are all in this together” launched on 23 April. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  13. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Caawa la hadlay Shacabka isagoo ku sugan Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar. Madaxweynuhu wuxuu ka tacsiyeeyey Diyaaradii maanta ku burburtay Duleedka [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Saciid Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa suxufiyiinta magaalada Muqdisho, islamarkaana ka howl-galyey Telefishinka Kalsan TV ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho. Dilka weriye Saciid Yuusuf Cali oo ka dhacay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodon ayaa la sheegay inuu geystay Nin Mindi sitay, mana cadda sababta u u dilay iyo waxa kala dhaxeeyay, isagoo u geeriyooday dhaawaca Tooreyuu afar jeer ku dhuftay. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay qabteen ninkii dilka u geystay Allaha u naxariistee weriye Saciid Yuusuf. Saciid Yuusuf Cali ayaa da’diisa aheyd sodon jir, waxaa uu ka tagay labo carruur ah iyo xaas Allaha u naxariistee Saciid ayaa Isniintii maanta warbixin ka diyaariyay daayay Macalin Iskuul oo lagu dilay degmada Afgooye, waxaana goobtiisa shaqo uu ka baxay 2-dii duhurnimo oo uu hoygiisa ku laabtay.
  15. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns the brutal methods by officials of Mogadishu Municipality against two journalists, and calls on the authorities to ensure that this violence does not go unpunished. Safia Osman Abdulle, reporter for TV and Radio of Shabelle Media Network and Abdulkadir Ga’al, Cameraman for Shabelle TV, were aggressively attacked in this morning by officials of Mogadishu’s Waberi district. Safia Abdulle was attacked with stone by a Department Director of Waberi District, causing serious head wound. Other Waberi district officials similarly started beating up Cameraman Abdulkadir Ga’al and confiscated the video camera, voice recorders and mobile phones. The two journalists had gone to cover women protesting against the Waberi District Commissioner for lack of payment of their salaries and allowances while the local officials did not want the journalists to cover the protest. Safia Osman Abdulle was rushed to hospital for emergency treatment. “We denounce this broad daylight brutality and call on the Mayor and Governor of Mogadishu as well as law enforcement authorities to swiftly intervene and take appropriate actions against the individuals implicated in these acts” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. “If the authorities do not act on this, we will make sure that justice is served to the affected journalists”. Officers of Waberi district should be protecting journalists, not attacking them. NUSOJ believes the abusive officials need to face the full force of the law so that such violent attacks do not happen again. “News of grievances of protestors cannot be addressed or suppressed through such acts of violence and brutality against journalists on duty as this simply throttles media freedom,” stated Osman. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay eedeymaha isugu jira carigga, caburinta, caga jugleynta, is-hor taaga shaqada iyo kuwo kale oo uga imaanaya Suxufiyiinta Soomaaliyeed. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay eedaymaha qaar ee dowladda uga imaanaya Saxaafadda ay ula muuqdaan kuwo laga badbadiyey, kadib baaritaan ay sheegtay wasaaraddu inay sameysay. “Xuskii shalay ee 3-dii May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Eedeymaha ay qoonsatay dowladdu ee ka yimid ururada Saxaafadda waxaa ka mid ah. In sanadkii tagay ee 2019-kii uu weriyaasha Soomaaliyeed u ahaa sanad u xun, waxaana lagu sheegay qoraalka in aysan sameyn wax is barbardhig ah. “Waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka COVID-19 in aanay dowladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5-ta Galabnimo ay mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta. “Dowlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey”ayaa lagu yiri qoraalka. Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka Sixid Eedaha Ururada Saxaafadda qaarkood u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya Ugu horeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku DFS ah waxay mar labaad u diraysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed hambalyo ku aadan 03 May maalinta Saxaafadda Aduunka, waxay fadliga Bishan Barakaysan ee Ramadaan u rajaynaysaa kheyr iyo Barwaaqo. Intaas ka dib, isla xuskii shalay ee 3 May, kulamo ay yeesheen qaar ka mid ah ururada Suxufiyiinta waxay eed inteeda badan aanay waxba ka jirin u soo jeediyeen Dawladda Soomaaliya oo siyaasad ahaan iyo shuruuc ahaan u taagan ilaalinta xornimada Saxaafadda, Xoriyatul qawlka iyo u sahlida Suxufiyiinta xogta Dawladda. Wasaarad ahaan waxaa qiraynaa in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan duruuf adag. Sida ay sheegeena ay kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab kala kulmaan dil, handadaad iyo Cabudhin, dhibtaas oo aanay Argagixisadu ku hayn Suxufiyiinta oo keliya ee ay sidoo kale ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo xataa masuuliyiinta Dawlada maadaama ay yihiin cadow calaami ah oo aan cidna u tudhayn. Dawladdda Soomaaliya waxay ka xuntahay, isla markaana cambaaraynaysaa nooc kasta oo xadgudub ah oo loo geysto xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyiinta ku shaqeynaya qaab waafaqsan xirfada Saxaafadda iyo shuruucda dalka, Dawladda waxay diyaar u tahay in ay gacan buuxda ka geysato oo kala shaqeyso ururada Suxufiyiinta sidii loo hagaajin lahaa duruufaha ay ku shaqeeyaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo madaxbanaanida Saxaafadda, taasoo aanay danni ugu jirin Suxufiyiinta oo kaliya ee sidoo kale ay dani ugu jirto dib u dhiska Qarannimada iyo kobaca Dimuqraadiyadda Soomaaliya ee curdinka ah. Dawladda Soomaaliya waa Dawlad ku dhisan oo aaminsan sareynta sharciga, waxay si buuxda ugu hogaansan tahay Dastuurka iyo Shuruucda kale dalka oo dhamaantood damaanad qaadaya Madax banaanida Saxaafada iyo xoriyatul qowlka, iyo sidoo kala xeerarka iyo qaraarada caalamiga ah ee aanu qaybta ka nahay. Dhamaan hay’adaha Dawladda ee xidhiidhka la leh shaqada suxufiyiinta sida Booliska waxay ku amran yihiin ilaalinta xoriyada, madax banaanida iyo nabadgelyada Suxifiyiinta. Hase yeeshee maadaama dalku ka soo kabanayo burbur iyo nidaam xumo mudo dheer soo jirtay, isla markaana dagaal lagula jiro Argagixiso ku imaanaysa weji kasta oo ay waxyeelo ku geysan karto, waxaa mararka qaarkood dhici kara in Ciidamada nadabgelyadu hakiyaan Suxufiyiinta iyadoo ka taxadaraya badbaadada naftooda, mida ciidanka Booliska iyo shacabka. Hadaba, eedaymaha ay ururada Suxufiyiinta qaarkood u jeediyeen Dawladda waa ku aan ku dhisnayn xaqiiqda dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta, waa kuwo aan awood u lahayn in ay eedeeyaan cidda dilaysa weriyayaasha ama cabudhinaysa oo ah Argagixsada Alshabaab, waa kuwo aan marna xusin daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada Nabadgelyadu iyo taageerada joogtada ah ee ay Ciidamadu maalin kasta siiyaan Suxufiyiinta si ay u gutaan waajibaadkooda. Wasaaraddu markii ay u kuurgashay Cabashada iyo Eedaymaha waxaa u muuqatay in arrimaha qaar laga badbadiyey, Tusaale ahaan, Ururada hadlay waxay xuseen in Sanadkii tagay uu ahaa sanad u xun Suxufiyiinta mana sameyn wax is barbardhig ah, waxay sheegeen in loo diiday in ay helaan xogta ay u baahan yihiin iyagoo tusaale usoo qaatay xilligan uu jiro cudurka covid19 in aanay Dawladdu siinin xogtii ay u baahnaayeen, hase yeeshee la ogyahay in maalin kasta 5ta Galabnimo ay masuuliyiinta sarsare ee Dawladdu qabtaan shir jaraa’id oo u fasaxan in Suxufi kastaa yimaado, su’aashu uu qabano weydiiyo masuuliyiinta. Dawlad ahaan waxaanu aaminsan nahay in xoriyada Saxaafadda iyo suxufiyo kortay in ay jirtay Dawladda Nabad iyo Nolol marka la barbardhigo sanadihii ka horeeyey. Ugu dambeyntii, Wasaaradda Warfaafintu waxay si gaar ah u dhiirigalinaysaa doorka Xirfadlayda Saxaafadeed ee maalinkasta utaagan quudinta dhagaha iyo indhaha Shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay soo dhowaynaysaa abuurista jawi wanaagsan oo u sahla Saxafiyiinta in ay si hufan u gutaan shaqadooda, iyadoo u aragta lagama maarmaan dhamaystirka Sharciga Saxaafadda iyo dhismaha Gudiga Warbaahinta Soomaaliyeed oo fure u ah helista nidaam lagu wada shaqeeyo oo ilaaliya Madax Banaanida Saxaafadda iyo suxufiga. Wasaaraddu waxay u aragtaa in qaar ka mid ah fariimaha ay direen ururada hadlay ee Saxaafadeed aanay ku socon Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeeed, maadaama aanay haba yaraatee jirin hal codsi ama cabasho oo si toos ah Ururada Saxaafadu ugu soo gudbiyeen Wasaaradda ama hay’adaha kale ee Dawladda. Wasaaradu waxay u soo jeedinaysaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan in loo isticmaalo ujeedooyin ka baxsan Xirfadooda oo aanay ku milmin aragtiyada Siyaasadeed oo kala duwan, taasoo ah wax aan u wanaagsanayn xirfadooda iyo ku kalsoonaanta suxufiyiinta. Dhamaad
  17. MOGADISHU (HOL) - Six crew members have been killed this afternoon when small Kenyan aircraft allegedly hit by what is suspected to be RPG. Source: Hiiraan Online
  18. Baydhabo- 4/5/2029–Pi— Diyaarada oo Xamuul sidey waxay ka duushay Magaalada Baydhabo waxay ku socotay Magaalada Bardaale, waxaa saraa 6 Qof, waxay siday Shixnada U badan [...] Source
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-Qubanaha-Wararka-04052020-ww.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaradii Afarican Express ee galabta ku dhacday duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay. Lix qof oo saarnayd diyaaradaas ayaa geeriyootay, waxayna siday xamuul, iyadoo ku duulaysay misaafo dhulka u jirta ilaa 670 mitir markii ay dhacday. Xogo hor dhac ah oo laga helayo baaritaano la sameeyey waxay sheegayaan in diyaaradda ay ku dhaceen wax dhulka laga riday oo la aaminsanyahay inay ahaayeen gantaal. Mas’uul ka tirsan shirkadda diyaaradaas iska laheyd ee African Express ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya oo saldhig ku leh meel u dhaw degmada Bardaale, inay si ula kac ah u soo rideen diyaaradda. Diyaaraddan ayaa ka kacday magaalada Muqdisho, iyadoo sii martay magaalada Baydhaba, kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, balse inta aysan gaarin garoonka ayey soo dhacday. Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in diyaaradda laga toogtay meel aad ugu dhow garoonka dayaaradaha degmada Berdaale. Dadka ku dhintay shilkaas oo ah lix qof ayuu magacyadooda ku kala sheegay xildhibaanku Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, masuulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.
  21. Waxaa dunida ka jiray bilihi u dambeeyay welwel aad u baahsan oo laga qabay xanuunkan uu dhaliyo feyraska ee loo yaqaano COVID-19, waxaa meel kasta ku baahay talooyin fara badan oo xanuunkan ku saabsan, calaamadihiisa, sida la isaga ilaalin karo iwm, waxaase in badan talooyinkaas ka muuqata inaaney dhabta ka hadleyn oo in badan marin habaabin ku jirto, baraha bulshada ayaa waxkasta lagu baahiyay, macluumaadka qaarne waa laga badbadiyay. Haddaba waxaan rabaa inaan qormadeydan ku iftiimiyo waxyaabo ku saabsan xanuunkan, balse waxaan ku hormarayaa wadiiqooyinka lagu nadiifiyo guryaha iyo jirkaba si aad uga hortagtid COVID-19, waa tallaabooyin aan dhib badneyn, kana fudud sida dadka qaar usawiranayaan ama loogu sharraxay baraha bulshada. Tusaale haddaad go’aansatay inaad akhrisid ilaha warbixineed ee xanuunkan sharraaxaadda ka bixinaya sida; ururka caafimaadka adduunka (WHO), ama xarumaha ka hortagga xanuunada faafa ee dalalku leeyihiin, waxaad arkeysaa inay si weyn ugu hormarinayaan ama xoogga saarayaan in qofku isticmaalo biyo socda iyo saabuun marka uu gacmaha meyranayo, sababtuna waxa weeye fayrasyada dahaarkoodu waxa uu ka sameysanyahay dufan, saabuuntuna ay si fiican usuulin karto dufanka. Haddaad gurigaaga ka baxdid, islamarkaana aadan uhelin jaanis aad gacmaha ku meyrato biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa Aalkolada (Alcohol) lagu iibiyo farmashiyaasha, balse haddaad damacsantahay inaad nadiifiso gurigaaga waxaad diyaarsan kartaa dareere isku dhis ah oo aad si fudud guriga ugu diyaarsan kartid, waxaad soo qaadaneysaa qaaddo ama malgacad Koloriin ah kaddibne waxaad ku qaseysaa hal liiter oo biyo ah. Waxaa aad loola yaabay in baraha bulshada lagu faafiyay iskujir kiimikaad oo ka kooban xaddi sare oo koloriin ah iyo Aalkolo, iyo mararka qaar waxyaabo kale oo kiimiko ah, dhibaatada ka imaaneysa waxyaabahaas khaldan waxa ay waxyeelo ba’an ugeystaan indhaha iyo sambabada dadka gurigaas ku nool, fadlan iska ilaali walxaha kiimikaad ee si aan cilmiyeysneyn loo diyaariyay. Gacma dhaqiddu ujeedka qudha ee laga leeyahay waa in fayraskaas aad ka horjoogsatid inuu soo gaaro ugu horreyn sankaaga, marka xigane afkaaga iyo indhahaaga, waxaa jira laba wadiiqo oo waaweyn oo uu ku faafo xanuunkan (ilaa hadda). Tan Koowaad (waa tan ugu badan ee la arkay inay aad u faafiso): waa inaad usoo gashid xeyndaab 2-4mitir ah qof xanuunsan, qofkan waxa uu cudurka ugudbin karaa sankaaga ugu horreyn haddii uu qufaco ama hindhiso. Tan labaad: waa in qofka xanuunsan uu fayraska kaga tago meel uu taabtay, sida Alaabada iwm. Waxaan naqaanaa in fayraskan uu ku dul noolaan karo sadxiyada alaabaha ama darbiyada muddo saacado ilaa maalmo gaari karta, haddane sidaa ay tahay tan koowaad ayaa ah tan ugu shaacsan ee cudurku ku faafo. Fayraskan nooca uu yahay ee koofiyada wata waxa ay ku dhegi karaan kuna faafaan inay alaabaha ama dabiyada dushooda qabsadaan, sidaa awgeed waa inaan ka digtoonaa taabashada wax kasta xilliyada aan adeeganeyno ama magaalada mareyno iyo inta aan joogno xaafadaheena islamarkaana aan gacmaha si joogta ah ugu meyrano biyo iyo saabuun inta ugu badan ee aan sameyn karno maalinti. Bal ka warama hadduu fayraskan galo jirkeena muxuu ku sameynayaa? La soco Qeybta 2aad W/Qoray: Dr. C/qaadir Insi
  22. A light Kenyan aircraft with 6 crew members has been brought down after getting hit with a rocket-propelled grenade in Somalia while landing. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baaritaan rasmi ah lagu sameynayo tacadi maanta degmada Waaberi loogu geystay Weryaal ka tirsan Idaacadda iyo TV-ga Shabeelle. “Wasaaradda Warfaafinta XFS waxaa ay cadaynaysaa in ay ka xuntahay nuuc kasta oo tacadi ah ee loo gaysto Saxaafadda Soomaaliyeed.Wasaaraddu waxeey ka warhaysaa cabshada hawl-wadeeno ka tirsan Idaacadda Shabelle oo sheegay in maanta ay tacaddi kala kulmeen maamulka degmada Waabari” ayaa lagu yiri qoraalka. Warkan waxaa lagu sheegay in wasaaradda warfaafintu ay arintaas xiriir kala sameysay maamulka gobolka Banaadir, isla markaana baaritaan rasmi ah lagu sameyn doono. “Wasaaraddu waxeey xiriir lasamaysay maamulka Gobalka Banaadir, baaris rasmi ah ayaana lagu samaynayaa dhacdadaas si sharciga loo mariyo ciddii gaysatay. Markale Wasaaraddu waxeey cadaynaysaa in ay ka xuntahay nuuc kasta oo tacadi ah ee loo gaysto Saxaafadda mana loo dulqaadandoono” ayaa lagu yiri qoraalka. Weriye Safiyo Aadan Cusmaan oo ka tirsan Telefishinka Shabelle iyo Camera Man Gacal ayaa lagu jir dilay xarunta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, Isniintii maanta, waxaana soo gaaray dhaawacyo. Shalay oo ay aheyd 3-da May waxay ku beegneyd maalinta caalamiga ah ee xoriyadda Saxaafadda, waxaa jirtay cabasho badan oo ay soo bandhigeen weriyaasha iyo ururrada saxaafadda Soomaaliya, taas oo ay ka dowaldda Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa weli socda tacadiyada lagu haayo weriyeyaasha, iyadoo maanta oo u dambeysay Gabar iyo Wiil Weriyeyaal ah, kana tirsan howlwadeenada Radio Shabelle lagu lagu jir dilay Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.