Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal soo saaray ayaa soo dhoweeyay heshiisyada siyaasadeed ee Galmudug iyo Jubbaland. Source: goobjoog.com
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa la geliyey xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah oo looga gol leeyahay taxaddar, kadib markii ay sare u kaceen kiiska cudurka Coronavirus ee dalkaas. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee howl-galka Geeska Afrika Michael Turello ayaa bayan uu soo saaray ku sheegay in “tallaabadan taxaddarka ah” ay siineyso awood dheeri ah oo uu kula tacaalo faafitaanka cuudrka COVID-19. “La-dagaalanka COVID-19 waa ahmiyaddeyda koowaad,” waxaa sidaas yiri Turello. “Ku dhowaaqisa xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah, waxay ciidamadeena iyo kuwa dalka na marti-geliya ka dhigeysaa sida ugu caafimaadka iyo bad-baadada badan, uguna macqluusan.” Bayaankan laguma sheegin in wax kiisas Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee ku sugan dalka Jabuuti. Ciidamada Mareykanka ayaa Jabuuti ku leh laba saldhig oo kala ah Camp Lemonnier Djibouti iyo Chabelley Airfield, iyo dekad yar. Jabuuti oo ah dalka ku yaalla marin muhiim ah oo laga galo badda cas, ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 985 kiis oo COVID-19 ah, taasi oo 400 ka badan kiisaskii toddobaad un ka hor. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in 5,901 oo kiis oo Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka, shaqaalaha rayidka ah iyo qoysaskooda ku kala sugan caalamka oo dhan, iyo 25 dhimasho. AFP + VOA
  3. Faahfaahino Dheerada oo ka soo baxay Qaraxyadii lala beegsaday Saldhigyada Amisom ku leedahay Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyadii saaka lagu weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose. Labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa saaka lagu weeraray saldhiga oo ku yaalla duleedka Baraawe meel ku dhow garoonka dayuuradaha degmadaas, iyadoo dadka degaanku sheegeen iney qaraxyada ka dib maqleen rasaas xooggan inkastoo aan la soo sheegin iska imaad dhacay qaraxyada ka dib. Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab uu fashilmay, lagana hortagay. “Naftood haligayaal watay 2-gaari oo waxyaabaha qaraxa ay ku ra-ranyihiin ayaa isku dayay in ay gudaha u galaaan Garoonka Diyaarada Baraawe, marka laga soo tago in iyaga ay dhinteen ma jiro qasaare kale oo ka dhashay qaraxa, ciidamada Xoogga Soomaaliyed iyo AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu haya amaanka Garoonka Maleeshiyaadka Argagixisada shabaab isku day walba ay sameeyaan waxaa hortaagan naftood hurayaaal u shaqeynaya Dadkooda” ayuu yiri guddoomiye Najax. Al-Shabaab ayaa iyana war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxayna intaas ku dareen in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen xerada, isla markaana ay khasaaro ku isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM. Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan, waxaana degan xaalada degmada Baraawe oo maanta si weyn looga hadal hayo qaraxyadan oo ah kuwii ugu horeeyey ee halkaas ka dhaca tan iyo markii halkaas laga saaray ku dhowaad shan sanadood ka hor. Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid qoondada ay ka heleen dumarka Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug. Batuulo Axmed Gabale, gudoomiyaha ururkaas, ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in 23 wasiir ay kaliya dumar ka yihiin laba qura. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, waxay sheegtay in maamulada dalka qaarkood aysan ixtiraam badan siinin fulinta qoondada haweenka. Hogaamiyeyaasha siyaasadda ayay cod dheer ugu boorisay in ay xoojiyaan kaalinta ay haweenka kaga qaadan karaan go’aanada siyaasadda Qaranka. Liiska wasiirada cusub ee Galmudug oo xalay lagu dhawaaqay waxaa haweenka ay ka heleen jagooyinka Wasaaradaha Haweenka iyo Qurba-joogta. View the full article
  5. Dhakhtar dacwad ka gudbiyey madaxweyne Trump Qareenka u doodaya dhakhtarkan ku takhasusay dhinaca cilmi baadhista dawooyinka ayaa sheegay macmiilkiisa inuu shaqadiisa ku waayey maadaamaa uu ka horyimid fikirka Donald Trump ee ku aaddanaa sida lagu daweyn kara Covid19. Dr Rick Bright ayaa hoggaaminayey wakaalad ay dowladda Mareykanka leedahay oo loo xil saaray iney dawo u soo saarto cudurka safmarka ee Coronavirus. Wuxuuna Dr Rick sheegay shaqada in looga eryey maadaamaa uu ka hor yimid dawada hydroxychloroquine ee looga tala galay ka hortagga cudurka duumada ama malaariyada oo uu Trump boggiisa Tweetarka uu soo dhigay iney dawo u tahay Coronavirus. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay “inuusan weligii maqal” Dr Bright. Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay sheegay isticmaalka dawada hydroxychloroquine iyo dawada kale ee chloroquine ay yihiin kuwa lagula tacaali karo Covid-19. Inkastoo ay khubradu ka digeen isticmaalka dawada hydroxychloroquine ay khatar aad u badan leedahay. “Waxaan dareemeynaa oo aan doonayaa inaan caddeeyo inuu Dr Bright hal arrin uu ka horyimid taasoo ah dawooyin khatarta badan in dadka lagula taliyo iney u isticmaalaan daweynta Covid-19, dawooyinkaasi oo ay ka mid tahay chloroquine, dawooyinkaasi haddii si khaldan loo isticmaalana ay dhimasha badan sababai karaan” ayuu yiri qareenka dhakhtarkaasi. Wargeyska Poletico ayaa ku warramay iney hayaan E-mail uu Dr Bright uu dareenkiisa ku aaddan dawada uu ku soo qoray balse si cad uu ugu qeexin aragtidiisa. Sida uu dhigayo sharciga dalka Mareykanka cabshada qofka waa la aqbalayaa haddii uu shaqsiga dacwoonaya uu aaminsan yahay in lagu xadgudbay xaqa uu u leeyahay inuu dalka u shaqeeyo. Talaadadi ayey wasaaradda caafimaadka Mareykanaka shaacisay Dr Bright in laga qaaday xilka agaasimanima ee uu ka hayey Hay’adda cilmi baarista iiyo horumarinta Bimedical (Barda) iyada oo ay wasaaraddu Dr Bright u magacawday xil kale oo ka mid ah Machadka Caafimadka Qaranka (NIH). Dr Rick Bright Maalinti xigtay oo ku beegneed Arbacadina Dr Bright wuxuu qoray warqad uu ku sheegay in xilka looga qaaday maadaamaa uu ka hor yimid marin habaabin shacabka lagu marin habaabin lahaa dawooyinka hydroxychloroquine iyo chloroquine in lagu daweyn karo cudurka safmarka ee Covid-19. “Anigu waxaan ka fakarayey sidi aan ula iman lahaa dawa kale oo xal u noqon karta cudurka, waxaanna si adag uga hor imid dawa aan la xaqiijin oo khatarteeda leh si aan shacabka Mareykanka u badbaadiyo” ayuu yiri Dr Bright. Madaxweyne Trump oo Arbacadi bixinayey fahfaahin ku saabsan Coronavirus oo arrinta dhakhtarka wax laga weydiiyeyna wuxuu ku jawaabay: “Aniga weli ninkaasi ma maqal”. “Ninkan wuxuu sheegay shaqada in shaqada laga eryey. Wey dhici kartaa, mana dhci karto. Balse waa inaad dhinaca kalana aad dhageysataan.” Dr Bright wuxuu hay’adda Barda uu ku biiray 2016-kii. Qaran News
  6. Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyadda Jubaland. Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabadaas ay xoojineyso wadashaqeynta iyo horumarka guud ahaan waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu rajeeyay in uu miradhali doono heshiiska oo uu ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahnaa. Hogaamiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu soo jeediyey in wax kasta oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland xal laga gaaro. Puntland ayaa kamid ahayd dhinacyaddii loogu mahadceliyey qoraalka heshiiska madaxweynaha Jubaland iyo golaha isbedel doonka Jubaland. Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya lagu saxiixay heshiiska oo lagu soo afjaray khilaafka iyo ismari-waaga siyaasadeed. View the full article
  7. Weeraro qaraxyo loo adeegsaday ayaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha magaaladda Baraawe oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin AMISOM. Labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Uganda ee Garoonka Diyaaradaha Baraawe, qaraxyada ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa burbur gaaray garoonka oo dhawaan xariga laga jaray. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaas, oo ay tilmaameen in ay la beegsadeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, uuna jiro khasaaro ka dhashay oo ay soo bandhigi doonaan. Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay weerrarka, wuxuuna sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen in ay gudah galaan Garoonka Diyaaradaha Baraawe, balse laga hortagay. Guddoomiye Najax ayaa tilmaamay inay weerarkaas ku dhinteen oo kaliya xubnihii waday gawaarida. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo Baraawe. PUNTLAND POST The post Weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Bawaawe appeared first on Puntland Post.
  8. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo is-miidaamin ah oo Jimcadda maanta ah ka dhacay degaanka Embareeso oo 10 KM u jira magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maxamed Cali Yuusuf, ku xigeenka amniga iyo siyaasada Baraawe oo la hadlay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in ciidamadda xoogga iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen weeraradaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in madaafiic lagu weeraray Baraawe. Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeysay wax uu ku sheegay dhagartaas. Dhanka kale, xarakada Al-Shabaab oo qaadatay mas’uuliyadda falalkaas ayaa xustay in ay khasaaro u geystay ciidamadda dowladda iyo AMISOM, wallow aysan shaacin tiradda rasmiga ah. Illaa iyo haatan ma cadda bartilmaameedka, balse waxaa loo maleynayaa garoonka cusub ee diyaaradaha Baraawe kaasoo bishii hore ee Maaj uu xariga ka jaray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Al-Shabaab laga xoreeyay sanado kahor, hase ahaatee, waxay ku sugan yihiin nawaaxiga magaladda. View the full article
  9. Xaalad cabsi ah ayaa mar kale kasoo cusboonaatey Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya kadib dagaal duleedka magaaladaas ku dhexmaray ciidamadda Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Iska hor-imaadka oo Arbacadii todobaadkan ka dhacay aaga loo yaqaano BP1 ayaa sababay khasaaro naf iyo maal si gaar ah waxyeelo soo gaarey xafiiska maaliyadda ismaamulka Mandera. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ciidamada Jubaland oo ay wehliyaan askar Kenyaan ah ay huriyeen colaada xilli ay socod roondo ah damacsanaayeen in ay ku hubiyaan dhaqdhaqaaqa magaalada. Onesmus Kyatha, taliyaha booliska Mandera oo muujiyey sidda uu uga xun yahay waxa dhacay, ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo mowqifkooda. “Waa wax naga careysiinaya balse waan eegi doonaa haddii ay sii socdaan. Ma ahan wax na quseeya, balse waxay ka dhacayaan dal kale,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo u waramay warbaahinta gudaha. Kadib markii loogu awood-sheegtay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo 2-da bishii lasoo dhaafay ee Maaj, ciidamada Jubaland ayaa saldhigyo ka sameystay tuulada Koromey oo dhacda duleedka Mandera. Wararka ayaa intaas ku daraya in ay halkaas ka wadeen is-uruursi iyo abaabulka guluf ka dhan ah ciidamadda dowladda. Ciidamadaan waxaa lasoo wariyey in uu hor-boodayo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, kaas oo Dowladda federaalka ay sheegtay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho ayna ku raadjoogto. Ma cadda goobta uu haatan ku sugan yahay Janan, balse muddooyinkii u dambeysay wuxuu joogay gudaha Kenya. Isku-dhaca haatan soo cusboonaadey ayaa kusoo aadaya xilli dhinacyadda ay xoojiyeen abaabulka isla markaana xoojiyeen difaacyadooda, taas oo sarre u qaadey cabsida laga qabo dagaal kale iyo walwalka dadka. View the full article
  10. Labada degmo ee Howlwadaag iyo Kaaraan oo ku wada jira Groupka A, is araga 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa ku madlan barnaamijka tartan aqoobeedka Shabelle oo galaya habeenkiisa labaad, kadib marii xalay lagu daah-furay Wadajir iyo Dharkenley. Degmooyinkaan dariska ah oo galay bar-bar dhac ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan oo ay u riyaaqeen daawadayaasha TV-ga Shabelle iyo sidoo kale dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyadoona caawa la sugayo tartanka xiisaha leh ee u dhexeeya degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan. Tartamayaasha labada degmo oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyey ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Howlwadaag iyo Kaaraan waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, balse la arki doonee degmada badisa ama guuleysata. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-240420.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa shaacisay qorshe raadinaya 500 oo milyan oo dollar oo loogu diyaar-garoobayo ka fal-celinta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya iyo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. WAR SAXAAFADEED QORSHAHA U DIYAAR GAROWGA IYO KA FALCELINTA COVID-19 EE SOOMAALIYA Maanta, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha U-Diyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19 (Country Preparedness and Response Plan-CPRP) ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran” ayuu yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ahna Iskudubbaridaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Ahmiyadda koowaad waxay tahay in laga taxaddiro in xanuunku uu u faafo si xad dhaaf ah ayadoo loo marayo in qatarta cudurkani leeyahay dadka lo sheego, dadkana laga baaro xanuunka iyo weliba in dabaggal lagu sameeyo dadka la macaamilay qof xanuunkan lugu arkay.” Ilaa markii Soomaaliya ay xaqiijisay xaaladdii ugu horreysay ee Koroona Fayras 16 Maarso, kiisasku waxay noqdeen kuwo iska soo daba dhacaya cirkana isku sii shareeraya ilaa ay gaareen 286 xaaladood 22kii Abriil. Dadka xanuunkani soo ritay waxaa ka mid ah 15 howlwadeenno caafimaad ah. Muddadan, cudurkan saf mareenka ah wuxuu saameeyay dhaqaalaha iyo hab nololeedka; waxaa hoos u dhacay badeecadihii dibedda laga keeni jiray, maciishadda ayaa sara u kacday, lacagihii Soomaaliya loo soo diri jirayna hoos ayay u dhaceen, xirnaashaha dugsiyada ayaa saameyn ku yeelatay ku dhowaad 1 milyan oo caruur ah. Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wauxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo weliba iney sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19. Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga jawaabeyso faafitaanka xanuunka Koroona Fayras “Waxaan si dhow ula sahqeyneynaa Dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saaxiibbada kalaba si mashaakilkan aan horay loo arkin loola tacaalo,” ayuu yiri Mr. Abdelmoula. “Waxaan ugu yeerayaa deeq bixiyaasha iney taageeraan qorshahan soona dedejiyaan kaalmadooda si hay’adaha samafalka ay ugu suurtagasho iney sara u qaadaan gurmadka ku aaddan xanuunka COVID-19.” Qorshaha CPRP wuxuu raadinayaa adduun lacageed oo gaaraya US$500 oo milyan. Wuxuu mhiimad siinayaa dadka aadka u nugul oo ay ku jiraan 2.6 milyan oo qof oo ku barakacsan gudaha waddanka, kuwaas oo ku nool xerooyin ama kaamam isku raran ah oo gaaraya ilaa 2,000 oo kaam oo ay adagtahay iney helaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo fayadhowrka. Qorshuhu wuxuu sidoo kale tixgelin siinayaa dadka da’da ah-oo ku dhowaad boqolkiiba 2.7 ka ah dadka Soomaaliyeed-iyo dadka saboolka ah ee ku nool magaalooyinka kuwaas oo saameynta ugu xun uu ku yeelan karo xanuunka Koroona Fayras. Safmareenka Koroona Fayras wuxuu ku soo aaday xilli Soomaaliya ay la daalaa dhaceysay mashaqooyin bini’aadamnimo oo dabadheeraaday, oo ay sababeen sannado colaado ah, isbedello dhanka cimilada ah iyo faqri aad u baahay. Sannadkan waxaa xaaladda uga sii daray cudurro, fatahaado la saadaalinayo iyo ayax ku habsaday dhul ballaaran. Qorshaha CPRP oo dhameytiran halkan ka soo rogo
  13. Hargeysa — Somaliland Government has issued a decree to temporarily suspend Khat imported from Ethiopia during the month of Ramadan. The former Somaliland Interior Minister Dr Mohammed Abdi Gabose last week criticised President Muse Bihi Abdi for not taking the threat of Covid-19 seriously. Nairobi — The President of Jubaland State Ahmed Mohammed Islan signed agreement with three rivals, who questioned the legitimacy of the 2019 election in Kismayo. The Federal Government of Somalia does recognise the administration of Ahmed Madobe. Dhuusamareeb — Galmudug President Ahmed Abdi Kariye yesterday publicised the cabinet of his new administration. A Federal MP, Ahmed Fiqi, is in the new cabinet. If Fiqi accepts the portfolio he will be required to resign as an MP. Mogadishu — The Federal Government of Somalia changed nighttime curfew hours to 19:00 PM to 5:00 PM. The Commander of Somali Police General Abdi Hassan Mohammed instructed Somali restaurants to introduce take-away services from 17:00 PM every day during Ramadan. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND POST NEWS IN BRIEF appeared first on Puntland Post.
  14. Like most countries around the globe, Somalia finds itself in the throes of the COVID-19 pandemic. The number of known infections has risen dramatically in the last weeks. Sweeping public restrictions have followed suit in a bid to curb the spread of the disease. Source: Hiiraan Online
  15. DHUSAMREEB (HOL) - Newly elected Galmudug President Ahmed Abdi Kariye has unveiled a 23 member cabinet comprising of two women. Source: Hiiraan Online
  16. Garoonka Diyaaradaha Baraawe oo islamarkaasna Xarun u ah Ciidamada Amisom ayaa Al-Shabaab soo weerareen maanta. Weerarka oo ay u adeegsadeen Gawaari Qaraxii saaran yihiin ayay [...] Source
  17. Baraawe (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa weerar laba qarax ahaa oo ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab maanta ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday saldhiga weyn ee ciidanka AMISOM ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha Baraawe,isla markaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan. Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Shiikh Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen gaadiidka ku xirnaa qaraxyada, islamarkaana midkooda uu ku qarxay afaafka hore, halka kan kale meel aan sidaa ugu fogeyn Garoonka diyaaradaha uu ku qarxay. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in bur bur xoogan uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose. Dadka degmada Baraawe qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxyada, hase yeeshee aysan caddeyn karin khasaaraha ka dhashay, waxaana degan xaalada magaalada maadaama saldhiga uu ku yaalla banaanka degmada Baraawe. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxaana Baraha Wararkooda ay ku faafiyaan lagu sheegay in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen xerada, isla markaana ay khasaaro ku isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee ku aadan ku aadan weerarka maanta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
  18. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: World Bank predicts sharpest decline of remittances in recent history Remittances to Sub-Saharan Africa registered a small decline of 0.5 percent to $48 billion in 2019 WASHINGTON D.C., United States of America, April 23, 2020/ — Global remittances are projected to decline sharply by about 20 percent in 2020 due to the economic crisis induced by the COVID-19 pandemic and shutdown. The projected fall, which would be the sharpest decline in recent history, is largely due to a fall in the wages and employment of migrant workers, who tend to be more vulnerable to loss of employment and wages during an economic crisis in a host country. Remittances to low and middle-income countries (LMICs) are projected to fall by 19.7 percent to $445 billion, representing a loss of a crucial financing lifeline for many vulnerable households. Studies show that remittances alleviate poverty in lower- and middle-income countries, improve nutritional outcomes, are associated with higher spending on education, and reduce child labor in disadvantaged households. A fall in remittances affect families’ ability to spend on these areas as more of their finances will be directed to solve food shortages and immediate livelihoods needs. “Remittances are a vital source of income for developing countries. The ongoing economic recession caused by COVID-19 is taking a severe toll on the ability to send money home and makes it all the more vital that we shorten the time to recovery for advanced economies,” said World Bank Group President David Malpass. “Remittances help families afford food, healthcare, and basic needs. As the World Bank Group implements fast, broad action to support countries, we are working to keep remittance channels open and safeguard the poorest communities’ access to these most basic needs.” The World Bank is assisting member states in monitoring the flow of remittances through various channels, the costs and convenience of sending money, and regulations to protect financial integrity that affect remittance flows. It is working with the G20 countries and the global community to reduce remittance costs and improve financial inclusion for the poor. Remittance flows are expected to fall across all World Bank Group regions, most notably in Europe and Central Asia (27.5 percent), followed by Sub-Saharan Africa (23.1 percent), South Asia (22.1 percent), the Middle East and North Africa (19.6 percent), Latin America and the Caribbean (19.3 percent), and East Asia and the Pacific (13 percent). The large decline in remittances flows in 2020 comes after remittances to LMICs reached a record $554 billion in 2019. Even with the decline, remittance flows are expected to become even more important as a source of external financing for LMICs as the fall in foreign direct investment is expected to be larger (more than 35 percent). In 2019, remittance flows to LMICs became larger than FDI, an important milestone for monitoring resource flows to developing countries. In 2021, the World Bank estimates that remittances to LMICs will recover and rise by 5.6 percent to $470 billion. The outlook for remittance remains as uncertain as the impact of COVID-19 on the outlook for global growth and on the measures to restrain the spread of the disease. In the past, remittances have been counter-cyclical, where workers send more money home in times of crisis and hardship back home. This time, however, the pandemic has affected all countries, creating additional uncertainties. “Effective social protection systems are crucial to safeguarding the poor and vulnerable during this crisis in both developing countries as well as advanced countries. In host countries, social protection interventions should also support migrant populations,” said Michal Rutkowski, Global Director of the Social Protection and Jobs Global Practice at the World Bank. The global average cost of sending $200 remains high at 6.8 percent in the first quarter of 2020, only slightly below the previous year. Sub-Saharan Africa continued to have the highest average cost, at about 9 percent, yet intra-regional migrants in Sub-Saharan Africa comprise over two-thirds of all international migration from the region. “Quick actions that make it easier to send and receive remittances can provide much-needed support to the lives of migrants and their families. These include treating remittance services as essential and making them more accessible to migrants,” said Dilip Ratha, lead author of the Brief and head of KNOMAD. Regional Remittance Trends Remittance flows to the East Asia and Pacific region grew by 2.6 percent to $147 billion in 2019, about 4.3 percentage points lower than the growth rate in 2018. In 2020, remittance flows are expected to decline by 13 percent. The slowdown is expected to be driven by declining inflows from the United States, the largest source of remittances to the region. Several remittance-dependent countries such as those in the Pacific Islands could see households at risk as remittance incomes decline over this period. A recovery of 7.5 percent growth for the region is anticipated in 2021. Remittance costs: The average cost of sending $200 to the East Asia and Pacific region dropped to 7.13 percent in the first quarter of 2020, compared to the same quarter in 2019. The five lowest cost corridors in the region averaged 2.6 percent while the five highest cost corridors averaged 15.4 percent as of 2019 Q4. Remittances to countries in Europe and Central Asia remained strong in 2019, growing by about 6 percent to $65 billion in 2019. Ukraine remained the largest recipient of remittances in the region, receiving a record high of nearly $16 billion in 2019. Smaller remittance-dependent economies in the region, such as Kyrgyz Republic, Tajikistan, and Uzbekistan, particularly benefited from rebound of economic activity in Russia. In 2020, remittances are estimated to fall by about 28 percent due to the combined effect of the global coronavirus pandemic and lower oil prices. Remittance costs: The average cost of sending $200 to the ECA region declined modestly to 6.48 percent in the first quarter of 2020 from 6.67 percent a year earlier. The differences in costs across corridors in the region are substantial; the highest costs for sending remittances were from Turkey to Bulgaria, while the lowest costs for sending remittances were from Russia to Azerbaijan. Remittances flows into Latin America and the Caribbean grew 7.4 percent to $96 billion in 2019. Growth in inflows was uneven across countries in the region. Brazil, Guatemala and Honduras saw a rise in remittances of more than 12 percent in 2019. Colombia, Ecuador, Nicaragua and Panama had an increase of more than 6 percent, while remittances to Bolivia and Paraguay declined by 3.8 percent and 2.2 percent, respectively. In 2020, remittance flows to the region is estimated to fall by 19.3 percent. Remittance costs: The average cost of sending $200 to the region was 5.97 percent in the first quarter of 2020. Amid the COVID-19 crisis, the costs of transferring remittances to the region could increase due to operational challenges being faced by remittance service providers (closures of agents and offices, access to cash, foreign exchange, security) and compliance with AML/CFT regulations. Remittances to the Middle East and North Africa region are projected to fall by 19.6 percent to $47 billion in 2020, following the 2.6 percent growth seen in 2019. The anticipated decline is attributable to the global slowdown as well as the impact of lower oil prices in GCC countries. Remittances from the euro area would also be impacted by the area’s pre-COVID-19 economic slowdown and the depreciation of the euro against the U.S. dollar. In 2021, remittances to the region is expected to recover, albeit at a slow pace of around 1.6 percent due to projected moderate growth in the euro area and weak GCC outflows. Remittance costs: The cost of sending $200 to the region was 7 percent, largely unchanged from the previous year. Costs vary greatly across corridors. The cost of sending money from high-income OECD countries to Lebanon continues to be in the double digits. Sending money from GCC countries to Egypt and Jordan costs between 3 percent to 5 percent in some corridors. The Saudi Arabia to Syria corridor has experienced a dramatic fall in costs as the civil war in Syria has receded. Remittances to South Asia are projected to decline by 22 percent to $109 billion in 2020, following the growth of 6.1 percent in 2019. The deceleration in remittances to the South Asian region in 2020 is driven by the global economic slowdown due to the coronavirus outbreak as well as oil price declines. The economic slowdown is likely to directly affect remittance outflows from the United States, the United Kingdom, and EU countries to South Asia. Falling oil prices will affect remittance outflows from GCC countries and Malaysia. Remittance costs: South Asia had the lowest average remittance costs of any region, at 4.95 percent. Some of the lowest-cost corridors had costs below the 3 percent SDG target. This is probably due to high volumes, competitive markets, and deployment of technology. But costs are well over 10 percent in the highest-cost corridors due to low volumes, little competition, and regulatory concerns. Banking regulations related to AML/CFT raise the risk profile of remittance service providers and thereby increase costs for some receiving countries such as Afghanistan and sending countries such as Pakistan. Remittances to Sub-Saharan Africa registered a small decline of 0.5 percent to $48 billion in 2019. Due to the COVID-19 crisis, remittance flows to the region are expected to decline by 23.1 percent to reach $37 billion in 2020, while a recovery of 4 percent is expected in 2021. The anticipated decline can be attributed to a combination of factors driven by the coronavirus outbreak in key destinations where African migrants reside including in the EU area, the United States, the Middle East, and China. These large economies host a large share of Sub-Saharan African migrants and combined, are a source of close to a quarter of total remittances sent to the region. In addition to the pandemic’s impact, many countries in the Eastern Africa region are experiencing a severe outbreak of desert locusts attacking crops and threatening the food supply for people in the region. Remittance costs: Sending $200 remittances to the region cost 8.9 percent on average in the first quarter of 2020, a modest decrease compared with the average cost of 9.25 percent a year before. The most expensive corridors are observed mainly in the Southern African region, with costs as high as 20 percent. At the other end of the spectrum, the less expensive corridors had average costs of less than 3.6 percent. The Migration and Development Brief and the latest migration and remittances data are available at www.knomad.org. Interact with migration experts at http://blogs.worldbank.org/peoplemove/ Distributed by APO Group on behalf of The World Bank Group. SOURCE The World Bank Group Qaran News
  19. (SLT-Muqdisho)- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khadka taleefanka kula xidhiidhay madaxweynaha Jabuuti iyo Amiirka dalka Qadar sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay villa Soomaaliya. Waxaaanu u dhignaa qoraalkaasi sida tan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19. Source
  20. Somalia's finance minister has told the BBC that Covid-19 is having a devastating effect on the economy. Source: Hiiraan Online
  21. Kismaayo (SMN) – Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa naqdiyey heshiiskii dhexmaray Axmed Madoobe iyo Golaha isbedel doonka Jubbaland. Mr Nadiir oo wareysi siiyey Raadiyaha Shabelle ayaa tilmaamay in xubnaha heshiiska saxiixay aysan matalin Golaha isbedel doonka Jubaland. Golahaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay yihiin dhamaan shacabka Jubaland oo uu xusay in aysan ku qanacsaneyn doorashadii Axmed Madoobe. Heshiiskaas lagu saxiixay caasimadda Kenya ee Nairobi ayuu carabka ku dhuftay in uu yahay khiyaano qaran, sidda uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii, mowqifka dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee doorashadii Axmed Madoobe ayuu carabka ku dhuftay in uu siddiisii yahay isla markaana uusan waxba iska bedeli doonin ayna aqoonsan doonin. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray Masoomayaasha. Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka wasaaradaas oo u waramay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono dadkaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in sidoo kale lala xisaabtami doono mulkiileyaasha maqaayadaha fura maalintii. Digniintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo saameynta uu bandowga lasoo horumariyey ku yeelan karo Taraawiixda Soonka. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo sanad walba ay qabato Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa xalay si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee SMN ee magaaladda Muqdisho. Degmooyinka deriska ah ee Wadajir iyo Dharkenley ayaa lagu daahfuray kulanka, iyaddoo natiijadda kulanka kasoo baxdey ay noqotay barbar dhac garbo siman. Dhibcooyin gaaraya min 14 ayay kala heleen. Kaaraan iyo Howlwadaag oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa caawa isku fara saari doona tartanka. Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ah aas-aasaha tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan, kaasoo ay haatan ka miin-guuriyeen qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho iyo guud ahaan dalka. View the full article
  24. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa xalay magacaabay gole wasiiro cusub oo ay kasoo muuqdeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Hoos ka akhriso liiska cusub View the full article