-
Content Count
214,463 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wicitaan teleefon oo bishii tegtay dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isku rogay inay isku qeyliyaan, taasi oo horseeday in Riyadh ay suuqyada caalamka kusoo fasaxdo saliid dhulka gaysay qiimihii, ayada oo ku xumeyneysa Ruushka. Saraakiil Sacuudiyaan ah oo xog-ogaal u ahaa wicitaanka teleefon ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye, inuu halis geliyey inuu tir-tiro bilo labada dal ay isku soo dhowaanayeen, oo la isku raacay ganacsi hub oo baaxad leh. Wicitaanka teleefon ayaa dhacay ka hor kulankii dalalka OPEC+ ee 6-dii March, kaasi oo dalalka soo saara saliidda ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in la dhimo wax soo-saarka saliidda, kadib markii uu hoos u dhacay dalabkii, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. “Kahor kulankaas waxaa jiray in Putin iyo Mohamed Bin Salman ay ku wada-hadleen taleefonka. Bin Salman wuxuu ahaa qof daan-daansi uu ka muuqday, wuxuuna waqti u qabtay Putin. Wuxuu ku hanjabay in haddii aan heshiis la gaarin ay Sacuudiga billaabi doonaan dagaal dhanka qiimaha saliidda ah,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ahaa kulanka. “Kulanka wuxuu ahaa mid isla-weyni ay ku jirtay, labadoodaba way isku qeyliyeen. Putin wuxuu diiday waqtiga uu u qabtay Bin Salman, wuxuuna wicitaanka teleefon kusoo dhammaaday si xun,” waxaa sidaas yiri sarkaal Sacuudiyaan ah oo codsaday inaan la magacaabin. Kahor inta uusan daan-daansan Putin, Bin Salman ayaa marka hore la socodsiiyey Jared Kushner, oo ah wiilka soddoga uu yahay madaxweyne Donald Trump, ahna la-taliyihiisa sare. “Wicitaanka Putin waxaa fasax loogu haystay Trump, ayada oo loo marayo Kushner. Kushner ma uusan weydiisan Bin Salman inuu waco Putin, balse sidoo kale ma muujin diidmo, kadibna Bin Salman isaga ayaa go’aankiisa gaaray,” ayuu yiri il-wareed xog-ogaal ah. Qiimaha saliidda caalamka ayaa dhulka galay kadib kulankii OPEC+ kadib markii Ruushka iyo dalalka kale ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in wax soo-saarka saliida la dhimo 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba. Warbixino kulanka laga helay ayaa sheegay in Sacuudiga ay isku dayeen inay awood u muujiyaan Ruushka. “Waxaan aragnay in la isku dayey in Putin gees loo riixo,” ayuu yiri qof ku sugnaa kulanka. Sacuudiga ayaa kadib carro darteed kordhiyey wax soo-saarka saliidda si loo qiimo tiro, loona dhaawaco dakhliga iyo dhaqaalaha Ruushka. Tani waxay sidoo kale xumeysan xiriir muddo bilo ah ay isugu soo dhowaanayeen labada dal, oo Ruushka uu hub kaga iibin lahaa Sacuudiga.
-
Soomaaliya iyo Kuwayt oo ka wada-hadlay Xakamaynta COVID-19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda kuwayt, Sheikh Sabaax Khaalid Al-xamdi Ala-Sabaax, ayaa xalay wada-hadal Khadka Taleefonka ah yeeshay, sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Qoraal ay warbaahintu ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada, Amniga iyo Siyaasadda, islamarkaana ay isla soo qaadeen sida dowladda Kuwayt Soomaaliya uga garab-siin karto xakamaynta xanuunka COVID-19. “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka COVID-19” ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kuwayt oo ka wada-hadlay Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post. -
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo uu sheegay inay ka dhasheen taageerada uu u muujiyey heshiiska ay gaareen Axmed Madoobe iyo mucaaradka Jubaland. Hoos aqriso qoraal uu arrintan ka diyaariyey Yuusuf Garaad. Tan iyo shalay markii aan taageeray una hambalyeeyay heshiiska Jubaland ee ka dhacay Nairobi, waxaa igu soo dhacayay farriimo iyo su’aalo la isku dayayo in la i baro in aan khaldan ahay. Su’aalaha qaarkood igu soo noqnoday shan ka mid ah iyo jawaabahooda ayaa kula wadaagayaa. Sow ma ogid in heshiiska ay gaareen saddex nin oo isku reer ah? Siyaasiyiin isku reer ahi in ay dagaal isaga hor yimaadaan, wiilal badani ay ku dhintaan, qaar kale ay ku naafoobaan, burbur hanti iyo barakac horseedaan ma aha wax Soomaaliya ku cusub. In aan taasi dhicin oo khilaafka lagu xalliyay wadahadal heshiis dhalay darteed ayaan u taageeray. Sow ma ogid in ay Nairobi oo dal shisheeye ah ay ku kulmeen? Waa laga wanaagsanaa, laakiin ma aha Heshiiskani kii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka dhacay Nairobi. Inta aan garan iyo inta jecel in ay illowdo, 2004 Dowladdeenna oo dhan Baaralamaan, Madaxweyne iyo Xukuumad ayaa lagu dhisay Nairobi. Haddana ciidankeeda ayaa jooga Soomaaliya. Duddun in aad dugsato iyo kala daa in aad dareensato. Intaas keliyihi kama dhigi karto heshiiska mid aan mudnayn taageero. Hadda in aan ka gudubno waa ay ahayd in caasimad shisheeye lagu wadahadlo. Damiirka nadiifka ahi wuxuu dalbeyaa in aan is weydiinno su’aasha ka muhiimsan maxay Nairobi ugu shireen? Waa su’aasha ah maxaa kallifay in 2020 ay siyaasiyiin Soomaaliyeed u baahdaan in ay Nairobi ku soo heshiiyaan? Sow ma ogid in aan Dowladda Soomaaliya qeyb ka ahayn wadahadalka? In uu Federaalku qeyb ka yahay wadahadalka waan jeclaa. Waxaanse ka sii jeclaan lahaa in uu isagu marti geliyo. Labada midna ma dhicin. Meesha ay hadda wax marayaanna waxaan jeclaa lahaa in uu Federaalku heshiiska soo dhoweeyo. Taas oo fududeyn lahayd is-af-garad lagu xalliyo khilaafka inta harsan. Sow ma ogid in Baarlamaanka Jubaland kuraastiisa loo qeybsaday hab lagu duudsiyay beelaha qaar. Eeg saamiga Beesha Mushunguli. Hal Xildhibaan oo keliya ayaa la siiyay. Anigu duudsi ma taageerin. Kamana hadal kuraas Baarlamaan iyo kuwo kale toona. Kama hadal waxyaabaha Jubaland ka jira ee sixidda u baahan oo dhan. Waxaan taageeray khilaafka laga heshiiyay oo keliya. Sow ma ogid in ay u mahadceliyeen Putnland oo keliya? Inta kale oo dhan marka aan meel iska dhigo, Federaalka iyo markii ay is khilaafeen Jubbaland, Puntland waxay noqotay Dowlad Goboleedka keliya ee si aan kala har lahayn ula safatay Kismaayo. Markaa ma biciidsanayo, mana jirto sabab aan u dhibsado in Jubaland ay u mahadceliso Puntland. Doodda ku saabsan Jubaland iyo siyaasaddeedu waxay leedahay wajiyo badan oo aad looga dooday. Reerka Gobolka “leh” iyo midka aan “lahayn.” Kan ugu badan iyo midka ka badan. Midka asalka ah kan doolka ama duullaanka ku yimid. Aan ku xusuusiyee, doodahaas oo dhan waxay na dhex marayaan annaga oo ciidanka Kenya magan uga ah in ay noo ilaaliyaan Kismaayo iyo degaanno kale oo Jubbaland ah. Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.
-
Xog:Farmaajo Xilka ka qaadayo Taliyayaasha Ciidamada milateriga & Booliiska Somaliland+Bedelkooda & Halka sartu ka qudhuntay Taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Warbaahinta Qaarkeed u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dalka. Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska. Qaran News
-
Dawlada Somalia oo joojisay in Salaadaha Cishaha & Taraawiixda lagu tkado Masaajidada & Sababta Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in la mamnuucay in salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado masaajidada magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu amray in salaadaha Taraawiixda iyo Cishaha guryaha lagu oogo, loona hoggaansamo amarka dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hor tago faafidda safmarka COVID-19. Bandowga ayaa markii hore billaabin jiray 8-da habeennimo, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddel, waxa uuna laga billaabo habeenka koowaad Ramadan billaabanaya 7-da habeennimo, oo ah xilli aan weli la gaarin salaadda Cishe. Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliya ay Masaajiddada uga mamnuucdo qaar ka mid ah salaadaha, ayada oo maalmo ka hor ay ka laabatay go’aan la qorsheeyey oo la doonayey in lagu xiro masaajidada gebi ahaanba. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa maalmo ka hor amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada ee masaajidada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka, soona rogtay Bandow xilli habeenkii ah Qaran News
-
Madaxweyne ku rafaaday xidhashada Maaskarada Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayey ku adkaatay inuu maaskarada xidho Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuu ku dhibtooday xirashada maaskarada, kaddib markii uu dhammeeyay khudbad uu shacabka ugu boorrinayay inay ku xirtaan goobaha ay dadka joogaan. Ramaphosa ayaa khudbadda uu jeediyay ku sheegay inuu khfiifiyay qaar ka mid ah xayiraadihii saarnaa waddankiisa, kuwaasoo markii hore uu sabab u ahaa cudurka safmarka ah ee coronavirus. Hase ahaatee markii uu hadalkiisa gabagabeeyay ayuu damcay inuu xirto maaskarada, laakiin waxay ku qaadatay muddo – dhowr jeer ayuuna ku guul darreystay. Xitaa markii ugu horreysay wuxuu isaga xiray indhaha. ‘Wali guryihiina iska sii jooga’ Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay in laga billaabo bisha soo socota uu dalka ka kafiifin doono xayiraaddii dhaqdhaqaaqa dadweynaha. Laakiin wuxuu dadka ku boorriyay inay wali guryahooda iska sii joogaan, sidoo kalena ay xirtaan marada afka lagu duubto ee loo yaqaanno Maaskarada, gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin gooaha dadweynaha. “Wali aan sii wadno inaan guryaha joogno, wali aan sii wadno dadaalka aan ku ilaalineyno caafimaadkeenna, waadna ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad sameyseen oo haddana aad sii wadeysaan. Alle ha barakeeyo Koonfur Afrika, dadkeedana ha badbaadiyo,” ayuu kusoo gabagabeeyay khudbaddiisa. “Xujada xirashada Maaskarada ee Cyril” Muuqaalka laga arkayo madaxweyne Cyril Ramaphosa oo ku rafaadaya xirashada Maaskarada ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxayna dad badan ku maadeysaneyeen inay tahay xujo. Baraha Twitter-ka ayaa lagu wareejinayay halkudhigyo shactiro ah oo lagu sheegay xujo uu madaxweynaha billaabay, sida #MaskOnChallenge iyo #CyrilMaskChallenge. Mamnuucistii iibinta sigaarka oo lagu dhawaaqay 27-kii March ayaa hadda meesha laga saaray Marka laga soo tago ballan qaadka khafiifinta xayiraadda dhaqdhaqaaqa, madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale mamnuucista ka qaaday ganacsiyadii la diiday in lasii wado. 1-da bisha May ayaa dib loo furi doonaa qaar ka mid ah ganacsiyada, saddex meelood meel ka mid ah shaqaalahoodana dib ayey ugu laaban karaan shaqada. Tallaabooyinka ugu adag ee ganacsiyada laga qaaday waxaa ka mid ahaa in la mamnuucay iibinta sigaarka, laakiin taas ayaa meesha laga saaray hadda. Carruurta ayaa guryaha jooga laakiin iskuullada qaarkood ayaa dib loo furi doonaa 1-da bisha May Iskuullada oo in muddo ah xirnaa ayaa dib loo furi doonaa marka ay billaabaneyso bisha May. Laakiin waxaa ku xiran shuruudo ay ka mid tahay in ardayda lagu kala fogeeyo fasallada ay wax ku baranayaan. Mr Ramaphosa ayaa dhanka kale ka digay khatarta ka imaan karta inuu cudurka dib ugu soo labakacleeyo bulshada. Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalka qaaradda ee uu saameynta ugu xun ku yeeshay safmarka coronavirus. Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa dhexdhexaad ka noqotay go’doomintii dalalka khaliijka ee Qadar. Isutagga Imaaraadka Carbeed oo u arkay mowqifkaas meelkadhac, ayaa dagaal ba’an ku qaaday madaxbannaanida Soomaaliya. Inkastoo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash uu u sheegay warbaahinta in siyaasadda dalkiisa ee aqoonsiga midnimada Soomaaliya ay taagan tahay, haddana Abu Dhabi waxay ku dhaqantaa siyaasaddii “qaybi oo xukun,” sida iyadoo doonayso joogitaan gumeysi muddo dheer. Imaaraadka oo kolkii hore ku soo galay dalka Soomaaliya inay gacan ka geysanayaan la dagaallanka burcad badeedda dhibaatada ku heysay marinnada ganacsiga ee badda cas, ayaa faraha la galay siyaasadda Soomaaliya. Abril 8, 2018 ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad “Royal Jet ah,” oo ka timid Abu Dhabi, siddayna lacag dhan 9.6 milyan. Iyadoo la raacayo habraaca Kastamka Garoonka ayaa laga codsaday inay furaan shandadihii, balse saraakiishii siday ayaa ku dooday inay tahay shaxnadda diblomaasiyadeed (diplomatic pouch), Safaaradduna leedahay xasaanad. Dooddaas ayaa dhalisay tuhun keenay in boliiska gegida diyaaradaha uu joojiyo bixitaankii 3 shandadood oo aan astaan diblomaasiyadeed lahayn looguna sheegay inay ku jirtay lacag dhan 2 malyan doolar, balse 9.6 malyan doolar isu rogtay markii la tiriyay. Warqad uu soo qoray Taliyaha Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorad ayaa Kastamka Garoonka Diyaaradaha looga codsaday in ay siiddeeyaan lacagta ah mushaar iyo raashiin dugsiga tababarka Janaraal Maxamed Ibraahim Gonlaa ee uga imaaneysay magaalada Boosaaso. Falgalka Imaaraadku wuxuu noqday inuu Abril 15, 2018 ku dhawaaqo xiritaanka tababbarka ciidamada ee ay maamulayeen tan iyo 2014. Sidoo kalena ay xirayaan mashaariicda gargaarka bini’aadannimo, oo isbitaalka Sheikh Zayid ka mid ahaa. Inkastoo Wasaaradda Gaashaandhigga ay la wareegi lahayd dugsiga, haddana koox burcad ah ayaa isku dayday inay bililiqeysato, taas oo muujinaysa dhibaatada ay leedahay dib u dhiska ciidamada amniga oo aan mideysneyn. Fallanqeyeyaasha siyaasadda Geeska Afrika, ayaa rumeysan in ujeeddada ka dambeysay ficillada Imaaraadka ay ahayd in Soomaaliya lagu ciqaabo inay keligeed wajahdo caqabada amniga dalka. Walow Wasiirka Amniga DFS uu sheegay in baaritaan uu ku socdo shandadihii, haddana bulshada waxay aaminsan tahay in lacagtaas lagu dumin lahaa dowladda, waana tan soo dedejisay inuu iscasilo Guddoomihii Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaare. Wixii ka dambeyay khilaafkii khaliijka, xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la lahayd dalka Imaaraadka waxuu u muuqday mid cirka loo tuuray, inkastoo Imaaraadka uu ka mid ahaa kuwa ugu muhimsan dalalka carbeed ay Soomaaliya xiriirka ganacsi la lahyd, weliba waagii Sheikh Zayid Al Nahyaan-na ahayd dawlad si aad ah u barbar taagan Soomaaliya. Walow madaxweyne Farmaajo uusan saxiixin qaraarkii Baarlamaanka uu ku buriyay heshiiskii Somaliland iyo DP World, xukuumaddiisana ka gaabsatay ka hadalka xiriirka kala dhexeya Imaaraadka, haddana taageeradeeda maamul-goboleedyada la loollamaya dowladda dhexe ayaa xiisadda sii adkeynaysa. Maanta oo ay Soomaaliya iyo Somaliland iskaga dhow yihiin halkii ay kala joogeen soddon sanadood ka hor, madaxdii maamul-goboleedyada ee la loollamaysa Muqdishana ay sii tabar yaraanayaan, doorashada qof iyo codna ay sababi karto isbeddel ku dhaca xulafadeeda, halkeebuu kibirkii iyo ixtiraam la’aantii amiirrada Imaaraadka ku dambeyn doonaa? Soddonkii sanadood ee ugu dambeyay isbeddel weyn oo lama filaan ah ayaa ka dhacay Bariga Dhexe, gaar ahaan dawladaha Carbeed kaddib markii xoogaggii la tartamayay Galbeedka ay meesha ka baxeen. Isbeddelkaas wuxuu wiiqay dowladihii hoggaanka u ahaa dalaka Carabeed, sida Masar, Ciqraaq, Suuriya, Liibiya. Taas waxay keentay in dawladihii khaliijka Carbeed ee hodanka ahaa, islamarkiina u ahaa hayin Maraykanka, in ay fursad u heleen inay iyagu isu sharraxaan hormuudnimada dalalka Carbeed. Natiijada waxay noqotay in dowladahan, gaar ahaan Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carbeed, ay la wereegaan Jaamacadda Carabta ciddii ka hortimaddana ay awood u sheegtaan. Boqortooyada Sacuudiga waxay ku shuqlan tahay dagaal iyo tartan ay la gashay Taliska Iiraan, dagaalka Suuriya, amarkutaaglaynta Lubnaan, dabargoynta Falastiin, iwm. Halka Imaaraadka ay faraggelin ku hayaan dawladaha carabta ee kale, tii hayin u noqon waysana ciqaab lala horjoogo, sida Yaman (oo ay Imaaraadka ku shuqlan yihiin sidii Koofurta Yaman looga faquuqi lahaa Waqooyiga kaddibna loola wareegi lahaa furdadaheeda), Jabuuti, Soomaaliya, Liibiya, Suudaan, iwm. Balse dhaqanka Cummaan iyo Kuwayt waxuu u muuqdaa inuusan raacsanayn saanta labadan kale, halka Baxrayn ay mashaakilkeeda gudaha ku hawlan tahay. Siyaasadda iyo dhaqanka Dowladda Imaaraadka waa mid jahawareer ku dhisan dhaqankeeduna yahay lama filaan iyo kaadsiinyo xumo oo kadeed iyo faraggelin ku haya dawladaha Carabeed ee saboolka ah. Soomaalida waxay tiraahdaa “Gadaal Kaggaar Waa Goobdumis.” AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay askari Booliis ah oo xalay laba qof oo Rayid ah ku dilay magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in la qabtay askari Booliis ah oo laba qof oo shicib ah ku dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir isagoo xusay in sharciga la marsiin doono askarigaas. Askariga oo sida la sheegay ka soo baxay saldhiga degmada Boondheere ayaa fiidnimadii xalay labada marxuum ku dilay aga’gaarka xarunta wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee ku taalla degmadaasi. Dilka ayaa ka dashay muran dhexmaray askariga iyo wiil dhalinyaro ah oo guri hor fadhiyay islamarkaana diiday in uu xaroodo maadaama ay xilligii bandowga ahayd waxaana halkaas ku dhintay wiilkii iyo haweeney xabad wiifto ah gurigeed ugu gashay. Dilkaasi kadib waxaa magaalada ka dhacay bannaan-bax rabshado watay kaasi oo dadweyn caraysan isku fidiyeen inta u dhexaysa isgoyska Jubba iyo dugsiga bartamaha halkaas oo ay taayiro ku gubeen. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay in la qabtay askari dad Rayid ah ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay awaamiir ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga. Wasiirka Awqaafka iyo Arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya, ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay xalay la yeeshey Culimaa’udiinka Muqdisho. Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku tukadaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. “Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay” ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo amartay in dadku guryahooda ku tukadaan appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kulamo ka dhan ah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo heshiiskii ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa shalay si qarsoodi ah kaga socday caasimadda ku meel-gaarka ah Jubaland ee Kismaayo. Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday ee la baxay isbadal doonka Jubaland ayaa Khamiistii heshiis ku gaaray magaalada Nairobi kadib wada-hadallo muddo socday. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed. Si kastaba, xubnaha isbadal doonka ah ee Jubaland ee ku sugan ayaa kasoo horjeestay heshiiskan, ayaga oo qabtay kulamo looga tashanayo mustaqbalkooda. Abwaan Xarago oo kamid ah golaha isbadal doonka Jubaland oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kadib kulamadooda ay soo saari doonaan qodobo la xiriira tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan. Xubnaha isbadal doonka ayaa waxaa ku jiro dad kasoo jeeda beelaha dega Jubbooyinka oo ka cabanaya in xuquuqdood la duudsiiyey, waxaana qaarkood ay u arkaan heshiiska ka dhacay Nairobi mid ay gaareen dad isku beel ah, oo xaaladda kasii Daraya. Dadka xog-ogaalka u ah arrimahan ayaa horey uga digay in haddii Axmed Madoobe aanu la hadlin beelaha kale ee diidan in heshiiska Nairobi uu kasii dari karo xaaladda Jubaland, islamarkaana uu dhallin karo mucaarado kale.
-
Abdullah al-Hamid, Saudi Arabia’s most prominent intellectual and activist, is gone. Two weeks ago, al-Hamid, collapsed and slipped into a coma in prison. For weeks, he had been denied a long-overdue cardiac catheterization, according to his family. After collapsing, al-Hamid was left for hours on the prison floor before being taken to the intensive care unit at Al Shumaisi hospital in Riyadh, according to eyewitnesses. He died Wednesday. The Saudi state should be held responsible for al-Hamid’s slow death. Al-Hamid, 69, was undisputedly the most prominent reformist in Saudi Arabia. He was a veteran activist and one of the leading architects of a Saudi-led movement demanding the formation of a constitution and a transition toward democracy. Al-Hamid was detained by Saudi authorities on multiple occasions, the first time in 1993, and dismissed from several jobs. He was last arrested on March 9, 2013, sentenced to 11 years in prison and spent the last years of his life confined to four walls. Al-Hamid fought for a free Saudi Arabia. In 2003, along with several leading Saudi intellectuals and activists, he signed the “Vision of the Nation’s Present and Future” petition, which called for basic rights and political reforms, such as elections, the separation of powers and an end to arbitrary detentions. As the petition circulated, al-Hamid, along with others, gathered to meet with then-Crown Prince Abdullah bin Abdul Aziz, who claimed to share their views and said to them, “Your vision is my vision, and your project is mine.” But years passed, and King Abdullah died without having fulfilled his promises to al-Hamid and his colleagues. In 2009, despite having been detained six times at that point, al-Hamid, along with others, established the Saudi Civil and Political Rights Association (ACPRA), the leading civil society institution in the kingdom. ACPRA was a political venture that aimed to do what the Saudi state failed to achieve for a long time: representation, diversity, democracy and freedom. In many ways, it was the beginning of Saudi Arabia’s Arab Spring. Unlike many of the political conversations unfolding in Saudi Arabia, ACPRA transcended ideological, political and sectarian differences and achieved wide popularity among different sectors of society. In 2011, an unprecedented number of Saudi citizens signed the landmark petition “Toward a State of Rights and Institutions,” which called for democratic values and an expansion of rights and freedoms. The petition, like ACPRA, had a strong potential to change the course of political reform within the kingdom. Al-Hamid was particularly influential and disruptive to the fabric of the corruption within the Saudi monarchy. In his many books, he reinterpreted the traditional basis for today’s Islamic political theory and upended the ideological basis used by Saudi Arabia’s hard-line state-sponsored clerics to justify absolute authority and authoritarian regimes. Al-Hamid also reinterpreted the Islamic contract, known as al-bay’a, to emphasize the need for bilateral consent for any contract to be considered valid. Under this interpretation, the people’s consent would be a necessary element for any political process to be considered valid. What made al-Hamid so effective was that he established a discourse from within Saudi Arabia that did not alienate the political traditions or dismiss the local context but rather reinterpreted them in a way that involved the public in decision-making, paving the way for democracy and basic freedoms and liberties. Al-Hamid’s ideas were seen by the state as an existential threat to the Saudi monarchy. In an attempt to silence al-Hamid and his colleagues who called for democracy, the Saudi state banned ACPRA, arrested its founding members and froze their assets. Before journalist Jamal Khashoggi was brutally killed in 2018 by the Saudi government in a Turkish consulate, he shared a story with his audience about the royal family’s response to the circulating petitions. At the request of King Abdullah, a committee of influential royals was formed to study the appropriate response to the Arab Spring that Saudi Arabia should take, and how the kingdom could prevent the upheavals that were rocking neighboring countries. With the exception of then-Prince Salman and Prince Khalid al-Faisal, the committee concluded that there should be public elections, democratic mechanisms and more freedoms. However, that process was abruptly put on hold when King Salman ascended to the throne in 2015 and named his son, Mohammed bin Salman, as crown prince. MBS, as he is known, is now the de-facto absolute ruler of Saudi Arabia, dashing hopes for democratic progress in Saudi Arabia. In one of my last conversations with Jamal, he described al-Hamid as the “Saudi Mandela” and lamented the fact that his case did not receive the attention or global outrage that it deserves. Like Nelson Mandela, whose words and movements shattered an apartheid regime, al-Hamid’s democratic legacy will live on in Saudi Arabia. Abdullah Alaoudh is a senior fellow in the Center for Muslim-Christian Understanding at Georgetown University.
-
Counter Terrorism Police are reminding the public to remain vigilant and always report anything suspicious after two men were jailed for a total of fourteen years’ and six months’ for funding terrorism. Working together, the Met’s Counter Terrorism Command (CTC) and Counter Terrorism Police North-West (CTPNW) have disrupted the illegal financial activities of 29-year-old Ayub Nurhussein (07.09.90) from Stockwell and his associate, 30-year-old Said Mohammed (18.05.89) from Longsight, Manchester who sent funds of approximately £2,700 to Daesh. The investigation found that Nurhussein and Mohammed communicated with one another and a third individual – believed to be based in Iraq – to send money to support Daesh fighters in Iraq and Syria. Detectives found that they sent the money via contacts in Denmark on three separate occasions in April, June and July 2019. On Tuesday, 16 July 2019, Nurhussein and Mohammed were both arrested at their home addresses by officers from CTC and CTPNW in a coordinated operation. Both men were taken to a south London police station. Searches of Nurhussein and Mohammed’s addresses recovered large quantities of digital media, including mobile phones containing chat records revealing the two men’s plans. Nurhussein was also found in possession of documents and records likely to be of use to a terrorist. Both men were charged on July 2019 with terrorism offences, including funding terrorism. In January 2020, Mohammed pleaded guilty at a pre-trial hearing to one count of arranging funds or property for the purposes of terrorism contrary to Section 17 TACT 2000. During a trial at the Old Bailey in March 2020, Nurhussein pleaded guilty to one count of arranging funds or property for the purpose of terrorism, contrary to section 17 of the Terrorism Act (TACT) 2000. He had previously pleaded guilty at a pre-trial hearing in January 2020 to four counts of possession of a document or record containing information of a kind likely to be useful to a person committing or preparing an act of terrorism, contrary to section 58 TACT, 2000 and three counts of disseminating terrorist material under Section 2 TACT 2006. Sentencing took place today, Friday 24 April, at the Old Bailey. Commander Richard Smith, head of the Met’s Counter Terrorism Command, said: “I am very pleased with today’s sentences. “The Met works with other police forces and security services to provide a counter terrorism network, both at home and abroad, whose strength and effect is continually felt by those who conspire to commit acts of violence and terror. “Today’s result was a direct consequence of that network. Working with our counter terrorism network colleagues in Manchester, we quickly identified the activity of these two individuals, who contrived to get money to Daesh, and have brought them to justice.” Detective Superintendent Will Chatterton, Head of Investigations at Counter Terrorism Police North West, echoed Commander Richard Smith’s comments, saying: “Today’s result demonstrates the strength of being part of a Counter Terrorism network that spans the UK. The joint work during this investigation ensured a terrorist cell was disrupted and that those involved faced justice. “I would like to take this opportunity to those who have worked hard to bring about this successful prosecution and I hope it demonstrates to our communities our absolute determination to keep people safe.” Metropolitan Police Service
-
Counter Terrorism Police are reminding the public to remain vigilant and always report anything suspicious after two men were jailed for a total of fourteen years’ and six months’ for funding terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa qoraal uu soo saaray sharraxaad uga bixiyey sababta iyo sida uu ku yimid go’aanka ay isaga iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi uga mid noqdeen golaha wasiirada Galmudug. Qoraalka Saabir oo dhamesytiran hoos ka aqriso. FARRIIN IYO GO’AAN XUUBSIIBASHO Tan iyo markii la aasaasay Galmudug sannadkii 2015 markaas oo aan ahaa korjooge arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo kadib markii aan noqday Xildhibaan qaran oo dowlad goboleedka Galmudug ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhowr jeer oo aan u soo noqnoqday degaanada Galmudug aniga oo ka shaqeynayay ujeedooyin dan guud iyo arrimo bani’aadannimo, mar kasta oo aan tago meel ka mid ah deegaanada Galmudug waxaan la soo laabanayay dhakafaar iyo amakaag aniga oo rumaysan la’aa nolosha adag ee ka jirta deegaanada Galmudug. Waxaanan mar walba isweydiinayay: Yaa u maqan dadkaan iyo deegaanadaan ay labeentiisii isku herdinayaan siyaasada heer Federaal ee Soomaaliya. Jawaabta ii soo baxaysay waxa ay ahayd in ay lagama maarmaan tahay in Galmudug ay baahi weyn u qabto labeenteeda rag iyo dumarba in ay dib ugu soo laabtaan si loo samata bixiyo dadka reer Galmudug. Ileen talo rag kama dhammaatee waxa ay talo ka maarmi weyday in madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye “Qoorqoor” uu inoo soo bandhigo hindise aniga iyo saaxiibkey Axmad Macalin Fiqi iyo intii kale ee dib nooga soo biiri kartaba in aan ka qayb noqono dadaalka laba-kacleynta Galmudug taas oo ah in aan Federaalka uga soo xuubsiibano dowlad goboleedka Galmudug. Kaddib markii aan dib u fekernay oo aan la tashiyo baaxad weyn la sameynay dadkii reer Galmudug qaybahooda kala duwan, waxaa innaga iyo iyaguba wada guddoonsanay in aan u soo gacan bannaano arimaha Galmudug isla markaasna aan lixaadkeena isugu geyno horumarka dadka iyo deegaanka Galmudug oo aan aaminsanahay inaan ka miro dhalin karno hamiga dadka reer Galmudug inshaa’allah. Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa in uu nagu guuleeyo hawsha cusub hadana culus ee dadka iyo deegaanada Galmudug aan u qaadnay. Waxaan sidoo kale u baahanahay ducadiina, taageeradiina iyo in aad nagala qaybqaadataan hawsha culus ee na loo dhiibay. Wadajir iyo Iskaashi ayaan ku wada guuleysan karnaa inshaa’allah. Abdisabir Shurie
-
Taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dalka. Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska. PUNTLAND POST The post Xog: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaadaya Taliyaasha Booliiska iyo Militariga appeared first on Puntland Post.
-
WHO Regional Office for Africa PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: WHO Africa Update 24 April 2020 BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), April 24, 2020/ — Over 27,000 COVID-19 cases reported on the African continent – with over 7,000 associated recoveries & 1,200 deaths recorded. View country figures & more with the WHO African Region COVID-19 Dashboard: https://arcg.is/XvuSX Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne carreysan ayaa caawa isugu soo baxay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kadib markii qof shacab ah loo dilay inuu jebiyey bandowga saaran magaalada Muqdisho dartiis. Dilkan ayaa waxaa gaystay askari ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya, kaasi oo sidoo kalena dhaawacay qof kale oo rayid ah, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online. Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhallinyaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaanbax ay dadweyne carreysan taayaro ku gubaan inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha, oo u dhow halka uu dilka ka dhacay.. Sida ay sheegeen goobjoogeyaal la hadlay Caasimada Online, askariga dilka geystay oo ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa ku sugnaa oo uu kasoo tegay barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka. Wiilka la dilay iyo gabadha dhaawaca ah ayaa la sheegay inay fadhiyeen banaanka guri ku yaalla agagaarka wasaaradda boostada, waxaana dilka uu yimid kadib markii ay diideen amar uu bixiyey askariga dilka gaystay oo ahaa inay guriga galaan. Ka hor dilka ayaa la sheegay inay hadallo is-weydaarsadeen askariga iyo labada qof ee shacabka ah, mana cadda waxay ahaayeen hadalladaas. Wiilkan dhallinyarada ahaa ayaa noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee loo dilo bandowga ay dowladda kusoo rogtay caasimadda, ee la sheegay in ujeedkiisu yahay yareynta faafitaanka cudurka Coronavirus. Bandowga Muqdisho ayaa laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadan wuxuu billaabanayaa 7-da habeennimo, waxaana shacabka qaar ay walaac ka muujiyeen inay mararka qaar adag tahay in dadka oo idil ay xilligaas ku sugnaadaan guryaha maadaama ay jiraan dad kasoo afura xaafado kale, oo aan awoodin afurka.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkada diyaaradaha Fly Dubai, ayaa markii u horeysay qaaday talaabo u muuqata mid ay ku jabineyso amaradii xayiraada duulimaadyada ee dowladda federaalka, xili ay Somaliland shirkadaasi ka joojisay duulimaadyadii Madaaradeeda. Somaliland ayaa dhawaan gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay Fly Dubai ku tagi jirtay Hargeysa, kadib markii ay shirkadaasi diyaaraduhu u hogaansatay awaamiirta Dowladda federaalka ee lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah. Fly Dubai ayaa arrintaasi wada-hadal kala bilowday Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda duulista Somaliland. Shirkada Fly Dubai ayaa 19-March ee sanadkan laga celiyay hawada Somaliland, xili la joojiyey duulimaadyada caalamiga ah, balse ay furnaayeen garoomada Somaliland. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, midaasi oo sababtay in diyaarada Fly Dubai ay gebi ahaanba ka joojiso duulimaadyadii Hargeysa, taasi oo u muuqata ciqaab ka dhan ah amarkii Dowladda federaalka ee ay u hogaansatay Fly Dubai. Ma cadda natiijada kasoo bixi karta Wada-hadalada Fly Dubai iyo Xukuumada Somaliland, balse waxa la filayaa in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai ay rali-gelin buuxda ka bixiso awaamiirtii DF ee ay u hogaansatay, si dib loogu fasaxo duulimaadyadii madaarka Hargeysa.
-
Why Covid-19 is proving to be an important reality check for Somalia’s economic “reforms” under the debt relief programme “Flight to quality” is a well-known aspect in times of financial markets stress. It simply means the United States dollar (USD) is generally the one thing everyone wants. The expectation is that the USD is backed by the US Federal Reserve (the lender of last resort) which can ease any dollar market crunches. This market confidence in the currency sustains the dollar as the global trade currency and is shared equally by large global corporates as well as the hawker selling watermelons on carts in Hamarweyne market. The dollar is, in essence, the ultimate safe haven. However, the mistake is to assume it can be a substitute for a country’s national currency. The perils of riding on the greenback We are now in the midst of a Covid-19-induced market-wide stress and a large number of companies are stuck in a double-bind: rapidly depleting revenues because of the global lock-downs and continued commitments to meet liabilities (eg. fixed costs, supply chains and debts) falling due often in dollars. All of this means the demand for the greenback has peaked, pushing the dollar to appreciate against a basket of other currencies. Given Somalia uses it as a de-facto national currency, it is not difficult to see the adverse consequences. Somalia’s Shilin is mostly counterfeit and the Central Bank of Somalia (CBS) has not issued any new currency denominations for 30 years. The Shilin is not used for key goods or services and all economic transactions are in dollars. This over-reliance on the dollar means the country is materially exposed to what happens in global financial markets. A country’s currency is the vital artery that supports its economic well-being and critical to its path to sustainable economic development. Somalia remains unique in the world as having a recognised government but without a viable national currency. Somalia’s monetary system, which is anchored on the dominant (USD) currency, makes its economy vulnerable to the financial markets’ acrobatics and global economic stress events happening today. Second, most of the dollar liquidity inflows into Somalia (eg. the remittance from overseas from which a significant proportion of the population directly or indirectly benefits) are used to buy imported consumer goods “Bariis, Baasto, Barafuun” and eventually materialise as outflows over time, hence Somalia’s large current account deficit. Without a central bank with sufficient USD liquidity buffers, the effects of dollar scarcity become easily amplified in the economy, leaving households and the wider financial system exposed to the risks of dollar illiquidity. How Covid-19’s is exposing the illusion of “reforms” When there is a scramble for dollars, as we see today, two things happen: businesses start to hoard USD and increase prices, injecting inflationary pressures into the economy; and wider economic activities grind to a halt (i.e. most households defer non-essential expenditures, other economic activities – eg. construction, wage payments stop). The dollar market sizes up quickly. In other countries, this will be the time when the central bank steps in and uses its monetary policy levers to open up dollar liquidity lines by purchasing the local currency through open market operations, thereby bringing down the overall demand for dollars. The central bank also supports the government’s fiscal stimulus to mitigate the hit to livelihoods. Somalia’s problem is that dollar is the de facto national currency and there is no monetary policy lever to pull. In fact, the Central Bank of Somalia cannot do anything. When the central bank does nothing, further consequences follow: the liquidity held outside of Somalia is both reduced and trapped (because of reliance on cash transportation in bags and lack of access to inter-bank payment and settlement systems), whilst outflows from Somalia continue as people transact in dollars for their daily necessities. This is why Hawala companies are the first to feel the dollar squeeze, hence their rationing of remittances. In the absence of dollar liquidity lines, or the banking infrastructure that can shift liquidity into the country quickly, investments and remittances, sent through the Hawalas, also dry up. Overtime, the whole economy starts to seize up as cash runs out and viable businesses become illiquid with ruinous wider economic consequences. Moreover, this liquidity risk could be the contagion that breaks the Electronic Mobile Money Transfer (E-MMT) system – currently the main payment system artery of the country. If, because of dollar scarcity, enough people realise that they would be better off having cash in hand, rather than in an E-MMT wallet (flight to quality again) and there is a chorus of “Doolarkayga ii Soo Bixi”, the liquidity crunch in Somalia would be much worse indeed in the weeks and months ahead. Credible reforms or mere recrudescence? Having USD as the country’s monetary and economic backstop is economically perilous. Somalia had the opportunity to implement currency reforms but these opportunities were squandered. The country is exposed to these financial markets acrobatics precisely because it neither has a viable national currency nor anchored in any of the basic key reforms (eg. regulation of mobile money operators, banking payment system infrastructure) that would have mitigated these risks. We may of course all recall that most of these reforms were in the IMF Staff Monitored Programmes (SMPs) in one shape or form. The first SMP in May 2016, that was agreed with the then Federal Government of Somalia, included a structural benchmark on “initiating the first stage of comprehensive currency reform”. That was five years ago and we are still talking today about why the country has no viable currency! Over the years, Somalia “successfully” completed SMPs I, II, III and IV, all of which included several other milestones on currency, monetary policy, central bank and other fiscal milestones. If we were to believe the official announcements, Somalia is now at the debt-relief “Decision Point”, having apparently delivered on all of these reform benchmarks. It does not of course take much to see the inherent contradictions in this story. Sacrificing important reforms for a spot of good news on the debt relief journey is never in Somalia’s national interest. Perhaps, this is a sign of low expectations for Somalia and these reform achievements are convenient milestones to tick off. That is why it is important not to be caught up in this collective euphoria about the Decision Point. The Shilin travesty is an obvious example of what happens when ends (debt relief) is prioritised over means (locking in credible reforms first). Somalia would have been in a much better place today to mitigate the economic impact of Covid-19 if the right reforms were in place. This is why Covid-19 is an important reality check for many and shows once more that reforms in Somalia are merely comforting illusions. You can contact Abdi Ali @ abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in dadka ay guriyahooda ku oogaan Salaada Taraawiixda sababo ku aadan Coronavirus. Baaqaan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay Jimcada maanta ah yeesheen madaxda Wasaaradda iyo Culimadda Soomaaliyeed. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis, agaasimaha guud ee Wasaaradda kaasoo bayaanka kasoo baxay kulanka u akhriyey saxaafadda, ayaa sidoo kale ku baaqay in loo hogaan-samo bandowga Muqdisho. Bandowga oo lasoo horumariyey ayaa bilaaban doona todoba fiidnimo wuxuuna ku eg-yahay shanta aroornimo ama subaxnimo. Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa xaqiijisay 328 kiis oo ah Coronavirus, 16 dhimasho ah iyo lix qof oo ka caafimaadey cudurkaas dilaaga ah, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-24042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in la mamnuucay in salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado masaajidada magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu amray in salaadaha Taraawiixda iyo Cishaha guryaha lagu oogo, loona hoggaansamo amarka dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hor tago faafidda safmarka COVID-19. Bandowga ayaa markii hore billaabin jiray 8-da habeennimo, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddel, waxa uuna laga billaabo habeenka koowaad Ramadan billaabanaya 7-da habeennimo, oo ah xilli aan weli la gaarin salaadda Cishe. Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliya ay Masaajiddada uga mamnuucdo qaar ka mid ah salaadaha, ayada oo maalmo ka hor ay ka laabatay go’aan la qorsheeyey oo la doonayey in lagu xiro masaajidada gebi ahaanba. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa maalmo ka hor amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada ee masaajidada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka, soona rogtay Bandow xilli habeenkii ah
-
Popular Contributors
