Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-23042020.mp3 View the full article
  2. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan waxaanay ka wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalka Soomaaliya. Source
  3. (SLT-Geneva)-Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu dib uga fiirsado go’aanka uu ku joojiyey lacagtii uu ku maal-gelin jiray ururka, hase yeeshee, ahmiyaddiisa koowaad ay iminka tahay joojinta cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus iyo bad-baadinta nolosha. Madaxweynaha Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay cambaareeyey sida WHO ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, wuxuuna ku dhowaaqay in maamulkiisa hakinayo lacagta uu siiyo ururka. “Waxaan rajeynayaa in hakinta maal-gelinta dib looga fiirsan doono, islamarkaana Mareykanka ay mar kale taageeri doonaan shaqada WHO, siina wadi doonaan inay nolol bad-baadyaan,” ayuu yidhi Tedros. “Waxaan rajeynayaa in Mareykanka ay rumeysan yihiin in tani ay tahay maal-gelin muhiim ah, ma ahan kaliya inay dad kale caawinayaan ee waxay sidoo kale qeyb ka tahay bad-baadinta Mareykanka.” Tedros ayaa sheegay in dalal badan uu faafitaanka cudurka bilow ka yahay iminka un, ayna sugeyso waddo dheer. “Waxaa jira astaamo sare u kac oo walaac leh oo ka muuqda qeybo ka mid ah Africa iyo bartamaha iyo koonfurta America,” ayuu yidhi Tedros Adhanom. “Dalalkan badankood waxay ku jiraan marxaladaha hore ee faafitaanka cudurka, waxaana qaarkood hadda sare uga kacaya kiisaska,” ayuu Tedros u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan magaalada Geneva. Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay ku celiyey in Mareykanka uu si xooggan u rumeysan yahay in xisbiga shuuciga ah ee maamul Shiinaha ay ku guul-darreysteen inay faafitaanka cudurka ku war-geliyaan WHO waqti hore. REUTER Source
  4. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 18-kii Abriil 2020, isaga oo daahfuraya Mashruuca Baxnaano, sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliya kaalmeyso dadka saboolka ah, gaar ahaan xilligan adag ee uu socdo ‘cudurka safmareenka ah ee Covid-19’, ayna bilaabaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan. Sida ku qoran Wakaaladda Wararka ee Qaranka Soomaaliya (SONNA) waxaa ka faa’iideysan doona 1.3 milyan oo kamida muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana bishiiba ku baxaysa 4 milyan oo doolar, balse kuma cadda qoraallladan muddada uu mashruucu soconayo iyo wadarta guud ee deeqda. Intaa markii aad dhageystid oo aan akhrisid waxaad isweydiineysaa dhowr su’aalood: maxaa laga wadaa Baxnaano? Yaana maalgelinaya? Lacagtaan maa loo isticmaalo daryeel caafimaad maadaama ay taagantahay baahi degdeg ah oo la xiriirta Covid-19? Goormee la qoondeeyey lacagtaan? ma barlamaanka ayaa ansixiyey? Ma waxey qeyb ka tahay 5-tii milyan oo loogu talagalay la tacaalka Covid-19? Iyo su’aalo kale oo badan. Halkaa marka aan marayo waxaan soo xasuustay in Madaxweynuhu uu 4 maalin ka kahor, hadda waa 13-ka Abriil 2020 uu si xog-waran ah ugu sheegay bulshada in aysan dowladdu heysan dhaqaale iyo awood caafimaad oo ay wax uga qaban karto Covid-19, oo ay tahay in dadku baryaan Alle, una hogaansamaan talooyinka caafimaad. Kaalmo dhaqaale/ gunno ama sida ay u yaqaanaan dadka ku nool qurbaha ‘cery’ waxaa loogu talagalay dadka ceyrta ah ee aan dhaqaala ahaan isbixin karin. Waxaa aad iisoo jiitay sida ay Soomaaliya xilligaan ku bixin karto kaalmo dhaqaale oo loo fidinayo dadka saboolka ah. Waxaan ku laabtay bogga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya oo iyadu ‘mas’uul’ ka ah Baxnaano. Halkaa waxaa laga helay fikradda Baxnaano, in Bangiga Adduunka uu bixiyey deeqda, WFP and UNICEF ay qeyb ka yihiin fulinta mashruuca sida ku dhigan Bogga Wasaaradda. Bil kahor inta uusan madaxweynuhu daahfurin ‘Baxnaano’, 15 Maarso 2020, ayuu Wasiir Warfa oo ay wehliyaan WFP Somalia kulamo iyo wadahadallo la xiriira siidii loo fulin lahaa Baxnaano la yeeshay Puntland, sida ku qoran bogga Twitter-ka ee wasaaradda. Waxaa sidoo kale ku cad SONNA qeybteeda Af-Ingiriiska in IDA World Bank ay bixisay deeqda dhaqaale ee mashruucaan. Ma aqaan sababta aanan loogu xusin cidda deeqda bixineysa SONNA qeybta Af-foomaaliga iyo qeytba Af-carabiga! Dhismaha Waaxda Arrimaha Bulshada iyo mushruuca Baxnaano: Social protection oo ah nidaam gabbaad bulsho waa hab lagu yareynayo saameynta taban ee faqriga iyo xirmaanka oo ka dhigan in qeybo bulshada kamid ah aysan helayn xuquuqdooda asaasiga ah isla markaana aysan ula sinneyn fursada nolosha bulshada inteeda kale. Si loo yareeyo culeyska ka dhalanaya arrintaa ayaa dunida horumartay sameysatay shuruuc looga hortagayo arrintaa iyo weliba qaab lagu kaalmeynayo bulshada qeybaheeda taagta daran oo aan is bixin karin nolol ahaan. Maadaama ay duntay dowladnimada Soomaaliya, waayihii ugu dambeeyeyna ay ku jirtay dib-u-dhis dowladnimo. Burburkii iyo dagaalladii sokeeyey iyo weliba musiibooyinka dabiiciga ahna ay sii kordhiyeen faqriga iyo in qeybo badan oo bulshada kamida aysan fursad u helin shaqo, waxbarasho carruur, adeeg caafimaad, iyo xuquuqo kale oo asaasi ah, waxaa kaalmo iyo mucaawimo bixiya hey’ado iyo dowlado. Waxaana deeqdaaas ama mucaawinadaas maareynayey WFP, UNICEF iyo hay’ado kale. Kaalmada dhaqaale oo ay hay’adahaan bixinayaan waxaa loo bixin jiray raashin iyo agab ahaan, balse horraantii 2000 ayaa la bilaabaya in lacag ahaan loo bixiyo sida ku cad warbixin ay soo saartay UNICEF oo lagu qiimeynayo sanadihii 2011-2012. WFP iyo UNICEF ayaa maadaama ay sanado kasoo shaqeynayeen arrimaha gargaarka ee Soomaaliya, iska kaashaday sidii Soomaaliya loogu sameyn lahaa Social Protection ‘gabbaad bulsho’. Sanadkii 2015-ka ayaa la qayaxay nidaamka gabbaad bulsho ee Somaaliya waxaana loo dejiyey qorsho. 2016-kii waxaa Dowladda Soomaaliya loo qabtay tababarro la xiriira Social Protection theory. 2017-kii WFP iyo UNICEF ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiyey dejinta Siyadda Qaran ee ilaalinta/ gabbaadsiinta Bulshada. Dowladda talyaaniga ayaana maalgelisay barnaamijka Soomaaliya loogu dhisayo looguna dejinayo qeybta ilaalinta ama gabbaadsiinta bulshada. Guddi ay horumood ka tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayna ku jiraan WFP, UNICEF iyo dhinacyo kale ayaa codsi dhaqaalo u gudbiyey World Bank. Deeqda oo ay maamulayaan guddigaan waxaa qeybinaya WFP oo kaashaneysa UNICEF, waxaa la isticmaali doonaa xogta ay WFP hayso, taa oo ka dhigan in WFP ay heyso liiska dadka tabarta daran. Mashruuca uu madaxweynuhu daahfuray: Mashruuca Baxnaano ee uu madaxeynuhu daahfuray waa mashruucaas. Waa mucaawinooyinkii ay WFP iyo ha’ado kale qeybin jireen. In lacag la bixiyo waxey soo bilaabatay 2000 oo ma aha wax cusub. WFP iyo UNICEF waxey horumood ka yihiin dhismaha waaxda ama qeybta gabbaadka bulsho ee Somaaliya ‘Social Protection Department’ oo ay maalgelineyso Dowladda Talyaaniga. Deeqdaan dhaqaale ee IDA World Bank bixisayna waxaa loo qeybin doonaa isla qaabkii loo sameyn jiray sanadadii hore, kaliya hadda waxaa guddiga mashruuca shir-guddoominaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya. Mid kamid ah xayeysiinta mashruuca Baxnaano ‘SNHCP’ waxaa ku qoran sidaan: [WFP manages the entire SNHCP business cycle using the SCOPE platform and coordinates activities of NGOs, cooperating Partners and Payment Agencies in the field ….]. Sidaa darteed waxey ku wanaagsaneyd in Dowladda Soomaaliya ay munaasabadda daah-furka ugu mahadceliso dhammaan hey’adaha iyo dowladaha kala shaqeynaya dhismaha iyo horumarinta qeybta arrimaha bulshada, in ay u mahadceliso deeq-bixiyayaasha, dadkeedana ay u sheegto sida ay wax yihiin. Sax ma aheyn sawirka la bixiyey ee ahaa in Dowladda Soomaaliya ay bixineyso kaalmo dhaqaale, mana mudno bulshada Soomaaliyeed in la marin-habaabiyo. Sidaan ayaa ku qoran bogga SONNA: Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba. Dhinaca kale waxaa sumcad xumo ku ah Soomaaliya in madaxdeedu sheegato natiijada iyo miraha shaqo soo socotay muddo dheer oo ay qeyb iyo deeq-bixiyayaal ka yihiin hay’ado calami ah iyo waddamo. Waxa la bixinayo ma aha kaalmo dhaqaale ama gunno ka timid canshuur Soomaaliyeed iwm. Waxaa laga yaabaa in arrintani tahay sababta ku kaliftay UNICEF in ay qoraan annagana waxaan ku faraxsanahay in aan qeyb kanahay oo aan kaalmeyney mashruucaan, oo ay iyagu is-sheegaan maadaama aan la xusin. Waxaa sidoo kale ka falceliyey arrintan Bangiga Adduunka. Madaxa ama agaasimaha Baniga Adduunka u qaabilsan dhowr waddan oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa bartiisa Twitterka ku qoray sidan: Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa daahfurka mashruuca uu maalgeliyey Bangiga Adduunka ee ‘Shock Response Safety Net for Human Capital Project – SNHCP’. Gunaanad: Ugu dambeyn, Baxnaano ama macaawino waxaad ugu yeertidba waa mucaawinadii adduunku siinayeen Soomaaliya gaar ahaan mararka ay jiraan musiibooyin dabicii ah sida abaaraha. Dowladda Soomaaliya waxaa laga caawinayaa dhismaha dowladnimada. Dowladnimadana waxaa qeyb ka ah jiritaanka nidaam daryeelka bulsho, sidaa darteed ayaa loo tabarayaa Dowladda Soomaaliya, laga caawinayaa dejinta siyaasadaha iyo qorshooyinka daryeelka bulsho, ayna uga qeybqaadaneysaa maareynta mashruucan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. MOGADISHU (HOL) - Somalia has extended curfew hours in the capital Mogadishu amid a fast spread of COVID-19 disease and the onset of the Ramadan. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU (HOL) - Global remittances to Sub-Saharan will decline by 23% in 2020 owing to COVID-19 impact adversely affecting countries such as Somalia which heavily rely on monies from relatives and friends abroad. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu saxiixay amar madaxweyne oo uu si kumeelgaar ah ugu joojinayo ansixinta qaar ka mid ah kararka deganaanshaha Mareykanka ee green card-ka. Amarkan oo aanay ku jirin dhowr xaaladood ayaa waaxa uu socon doonaa muddo 60 casho ah waxaana laga yaabaa in la sii dheereeyo, ayuu yiri. Mr Trump ayaa sheegay in amarka loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqooyinka shaqaalaha Mareykanka ee dhaqaalaha uu waxyeellada soo gaarsiiyay coronavirus. Dadka dhaleeceeya Trump ayaa waxa ay ku eedeeyeen inuu cudurkan u isticmaalayo fulinta siyaasadaha xagjirka ah ee socdaalka ee uu mudada dheer ku taamayay xilli weliba sanadkan doorasho la galayo. “Tani waxa ay xaqiijinaysaa in dadka Ameerikaanka ah ee aanan shaqa-haysan ee noocyada kala duwan ah ay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee shaqooyin hela markii dhaqaalaha dib loo furo,” ayuu Mr Trump Arbacadii ka sheegay Aqalka Cad mar uu waday xogta maalinlaha ah ee cudurka coronavirus. Amarka ayaa la filayaa in lagu joojin doono in dadka haysta kaarka daganaanshaha Mareykanka ee green card-ka inay maalgaliyaan eheladooda oo ay usoo dhoofiyaan Mareykanka si ay halkaas u degaan, taas oo uu madaxweynuhu ku tilmaamayo inay tahay silsilad soogalooti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimadda Online) – Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa xalay shaaciyay in la karantiilay 7 ruux oo looga shakiyay in ay qabaan cudurka Coronavirus. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in bukaannadaas la karantiilay shalay baaritaan laga qaaday islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo sugayo jawaabta natiijada ka soo baxda baaritaanka si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale. Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in dadkan la geliyay xaalada karantiilka lakala ogaan doono natiijada baaritaanka, haddii ay qabaan cudurkan iyo haddii kale. Dhinaca kale Guddiga ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in aysan qarsan xanuunka Coronavirus, isla markaana qof walba oo isaga shakiya uu la xiriiro howl-wadeenada caafimaadka, si xaaladiisa loo hubiyo. Ugu dambeyn Guddiga ayaa soo jeediyay in loo hoggaansamo awaamiirta ku aadan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.
  9. Dowlada Federaalka Diomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Ay dhaqaalaha Ay Deeq bixiyaashu bixiyaan ay u isticmaasho olole siyaasadeed, iyo Borobogaando ka dhan ah Mucaaradka. Waxaa [...] Source
  10. Somalia’s Puntland regional state has announced the death of a person who was suspected to have been suffering from COVID-19. The body tasked with overseeing Puntland’s COVID-19 response said the person died before the results for their test came in. Puntland has so far announced one case of the deadly virus. Somalia’s COVID-19 national tally stands at 286 with 13 deaths. View the full article
  11. The Somali government has extended the curfew hours that were imposed in a bid to curb the spread of the Coronavirus. Somalia’s police chief, Gen Abdi Hassan Hijar, said that the curfew will be starting at 7 p.m. in the capital, Mogadishu, from 1st of the holy month of Ramadan, instead of the previous starting time of 8 p.m. He also issued guidelines to reduce congestion in public transport vehicles with buses ordered to reduce their passengers by half. This means minibusses which usually carry 20 passengers will only be allowed to carry 10 passengers on each trip. Gen Hijar also said restaurants in the capital will only be open between 5 p.m. to 7 p.m. View the full article
  12. BERLIN Germany has approved first clinical trials of a COVID-19 vaccine on humans, officials announced on Wednesday. Biotechnology company BioNTech’s vaccine program was authorized for human clinical trials after a careful assessment of potential risks and benefits, the Paul-Ehrlich-Institut, German regulatory authority, said in a press release. “This is the fourth authorized clinical trial worldwide in which a preventive specific COVID-19 vaccine candidate is tested in humans,” the institute stressed, and added: “Considering the serious consequences of the COVID-19 pandemic, this is a significant step toward developing an efficacious and safe COVID-19 vaccine available in Germany and making it available worldwide as soon as possible.” Turkish professor Ugur Sahin’s BioNTech company and pharma giant Pfizer are jointly developing vaccine candidates, as part of a global development program. “We are pleased to have completed pre-clinical studies in Germany and will soon initiate this first-in-human trial ahead of our expectations. The speed with which we were able to move from the start of the program to trial initiation speaks to the high level of engagement from everyone involved,” Sahin said in a statement. In the authorized first part of the clinical trial in Germany, 200 healthy volunteers aged between 18 and 55 years will be vaccinated, according to the Paul-Ehrlich-Institut. Further trials involving people with increased infection risk planned for the second part of the clinical trial, on condition that additional study data submitted in advance. Scientists and researchers across the world are scrambling to find a vaccine for the novel coronavirus which has infected over 2.58 million people worldwide and killed more than 178,000. Until such a discovery, health experts are treating patients with anti-malaria drugs, including hydroxychloroquine and chloroquine, which have shown positive results for coronavirus-related lung infection. So far nearly 693,000 coronavirus patients worldwide have recovered from the disease. Source aa Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ay kasoo muuqan doonaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in liiska Wasiirada Galmudug ay kasoo muuqan doonaan Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii mucaaradka ee Baarlamaanka Federaalka. Sida aan xogta ku helnay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa loo magacaabi doonaa wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana xusid mudan in Axmed Macalin Fiqi uu horey usoo noqday Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka. Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa la filayaa in isna loo magacaabi doono Wasiirka Dekedaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug, isagoo qeyb weyn ka qaadan doono dhimsha Dekadda Hobyo oo muhiim u ah Maamulkaas. Xildhibaanada Mucaaradka ayaa la rumeysan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo la sheego inuu yahay madaxweyne fikir ahaan ka madax banaan maamulka Nabad iyo Nolol oo ka shaqeeyey inuu xilkaas qabto.
  14. Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa waxa aay shaaciyen inay karaantiil ku sameeyeen shaqsiyaad looga shakiyay inay qabaan caabuqa safmarka ah ee COVID-19 oo deegaannada Puntland laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay halka 21-kii bishan uu deegaannada maamulkaasi ku geeriyooday shaqsi looga shakisanaa cudurkan. Guddiga ayaa sheegay in dadka looga shakiyay Coronavirus oo ay xalay karaantiileen ay gaarayaan ilaa iyo 7-ruux, waxaana guddigu uu intaas ku daray in dadkaa ay karaantiileen laga qaaday baaritaan islamarkaana ay sugayaan jawaabahooda si look ala ogaado in ay shaqsiyaadkaasi qabaan xanuunka iyo in kale. Dhanka kale bulshada ku dhaqan deegaannada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay inaysan qarsan xanuunkaan islamarkaana qofkii isku arka calaamadaha uu la xiriiro bahda caafimaadka si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad. Guud ahaan Soomaaliya, COVID-19 ayaa saameyn xooggan ku yeeshay iyada oo haatan tirade guud ee dalka laga diiwaan galiyay ay kor u dhaafayso 300 oo kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed [Xajaar], ayaa ku amray wadayaasha gaadiidka dadweynaha in aysan qaadi karin rakaab badan. Mr Xajaar ayaa tilmaamay in gaadiidleyda looga baahan yahay in hadii ay qaadi jireen 30 hadda ay muhiim tahay in ay qaadaan 15 qof. Talaabadaan ayuu ka dhawaajiyey in ay qeyb ka tahay dedaalada lagu xakameynayo faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona. Hadalkaan ayuu taliyaha ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaaraya 286, waxaana aad looga cabsi qabaa in ay intaas kasii bataan maadaama shacabka aysan u hogaansamin talooyinka caafimaad. View the full article
  16. Allaha u naxariistee waxaa dalka Jabuuti ku geeriyooday xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Marxuumka ayaa la tilmaamay in maalmihii dambe uu ku xanuunsanayay gudaha jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana geerida xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ka tacsiyadeeyay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeyeh mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa xildhibaankii labaad uu todobaad gudihiis ka geeriyooda golaha shacabka iyada oo 18-kii bishaan uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aadan Xasan Cali “Jamhuuriya”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Cape Town (SMN) – Dhowr goobo ganacsi oo Soomaalida ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa lagula kacay boob, sidda ay wararku sheegayaan. Burcad u dhalatay waddankaas ayaa lagu waramay in ay ka dambeeyeen falkaas isla markaana ay qaateen agabyo kala duwan. Lama soo warin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaan ooo kasoo baxay laamaha amniga. Falalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Afrika ay ku jirto xaalad go’doon ah isla markaana laga cabsi qabo faafitaanka Coronavirus. Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta ganacsatadda ah ee ku dhiban Koonfur Afrika maadaama ay si joogto ah ula kulmaan weeraro bilaliqo ah. View the full article
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna. Dowladda Turkiga ayaa mar walba oo dhibaato ay ka dhacdo Soomaaliya waxa ay u muujisaa garab istaag iyada oo haatan dowladda federaalka ay la daala dhaceyso xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Tirada guud ee xanuunka COVID-19 ee laga diiwaan galiyay gudaha Soomaaliya ayaa haatan cagacageynaysa 300 oo kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. The World Health Organization on Wednesday warned that the coronavirus crisis will not end any time soon, with many countries only in the early stages of the fight, as the global death toll surpassed 180,000. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay digniin adag u direen gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Muqdisho gudaheeda. Iyadoo ay jirto xaaladda ka hortagga faafitaanka Coronavirus, islamarkaana si wayn looga feejigan yahay xanuunkaan, ayaa digniintaan soo baxday. Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inuu kaga digaayo wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan dad aad u fara badan. Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay, iyadoo laga feejigan yahay faafitaanka Caabuqa Coronavirus, islamarkaana loo baahan yahay wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan tiro ka yar intii hore ee ay qaadi jireen. Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale sheegay haddii awaamiirtaasi ay fulin waayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha dowladda inay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan. Maalmahan dambe waxaa sii kordhaya awaamiirta kala duwan ee ku saabsan in laga hortagga Coronavirus, islamarkaana ay soo saareyso dowladda Federalka Somaliya.
  21. Acclaimed Somali writer and Bard professor Nuruddin Farah talks to the Johannesburg Review of Books about family, tradition, and life in exile: “I roamed the world, made the world my small village.” Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid go’aanka ay Dowladda kusoo horumarisay bandowga habeenkii ee Muqdisho. Caaqil Warsame ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in bandowga wax laga bedelo si dadka fursad ugu helaan in ay soo adeegtaan habeenkii. Nabadoon Xasan Kacaan ayaa tilmaamay in Muslimiinta uu dhaqdhaqaaqooda badan yahay habeenkii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Dowladda ayuu ku booriyey in ay bandowga gaarsiiso illaa iyo saddexda habeenimo si loo oogo Salaada Taraawiixda iyo cibaadooyinka kale. Hadalka nabadoonada ayaa kusoo aadaya xilli taliska Booliska uu ku dhawaaqay in bandowga uu bilaaban doono inta Soonka lagu jira kowda fiidnimo ama hal saac. View the full article
  23. The President of the Somali regional state Mustefa Omer has demanded an apology from officials of the Tigray Peoples Liberation Front (TPLF) for the “mass killings” that took place in various parts of the state during the TPLF-led Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front (EPRDF) rule. Source: Hiiraan Online