-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland, ayaa caawa shaacisay todoba kiis oo cusub oo Coronavirus, kuwaas oo laga diiwaan geliyey deegaanada Puntalnd. Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka Coronavirus laga baaray 11-qof, isla markaana laga helay todoba qof, shan kamid ah dadka laga helay waa rag, halka labada kale ay dumar yihiin. Seddax ka mid ah dadka laga helay cudurkaas ee laga diiwaan geliyey Puntland waxay ku noolyihiin deegaanka Waaciye ee gobolka Bari, halka afarta kale ay ku noolyihiin magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sheegay wasiirku. Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland ayaa gaartay 30 xaaladood, hal qof ayaa Puntland ugu geeriyooday xanuunkaas, mana jirto qof ka bogsaday, sida ku cad warbinada wasaaradda caafimaadka. Sida ku cad xisaabta kiisaska cudurkaas ee gudaha Soomaaliya, kiisaska ay caawa shaacisay Puntland, kuma jirin kiisaskii ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal, oo waxay Puntland u xisaabisay tiradii tan ka horeysay ee 12-ka kiis aheyd. Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya intooda ay shaacisay wasaaradda caafimaadka heer federaal ayaa gaaray 722-kiis, 44-qofood ayaa ka bogsatay, halka 32-qofood ay u geeriyootay.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in la joojiyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre, oo maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ku saabsan. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu u tagay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle islamarkaana uu ka codsaday in la baajiyo mooshinka, waxaana la sheegay inuu ku raacay arrintaas. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay door weyn ku laheyd in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah Sheekh Cusmaan Barre maadaama la joogo xiligii kala guurka ah ee HirShabelle. Kulamo oo aan wali dhamaanin ayaa la isku afgartay in la joojiyo mooshinka halka Sheekh Cusmaan Barre laga dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo warqad ku saabsan musuq maasuq ka jira HiSshabelle uu la wadaagay deeq bixiyaasha caalamka, arrintaas oo ay ka xumaadeen dowladda Soomaaliya iyo madaxda kale ee HirShabelle. Maamulka HirShabelle ayaa waxaa u harsan 4 bil oo kaliya mana ka muuqato dedaalo ku aadan in doorasho ay ka dhacdo maamulkaasi oo afartii sano ee la soo dhaafay ku dhameestay is qab qabsi iyo waxqad la’aan.
-
Somalia’s Health Ministry on Sunday confirmed 51 additional cases of COVID-19, bringing the total number of infections to 722. Fawziya Abikar, the Health Minister of Somalia said 37 cases were found in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, and 12 were detected in regional Puntland state and two others in Galmudug in central region. Abikar said one patient succumbed to the disease, bringing the total number of facilities to 32. She said 32 of the latest cases were male while 19 others were female and the number of those who recovered in the past 24 hours were ten, bringing the total number of recovery cases to 44. The latest cases came amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19, including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa caawa shaacisay 7 bukaan oo maanta laga helay xanuunka COVID-19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in maanta xanuunka COVID-19 laga baaray 11 ruux, islamarkaana laga helay 7 kamid ah, oo 5 rag yihiin, halka 2 kalana yihiin dumar. Bukaanada 7 ah ee laga helay maanta xunuunka COVID-19 ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland xustay in 3 ka mid ah ay ku sugan yihiin degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, halka 4 kalna ay ku nool yihiin caasimadda Puntland ee Garowe. Tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ayaa gaartay 30 ruux, kuwaas oo ku jiro bukaan u geeriyooday. PUNTLAND POST The post Puntland oo laga diiwan galiyey kiisas cusub oo COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo bahda warbaahinta Soomaaliyeed u diray farriin ku aadan maalinta saxaafadda xorta ah, ayaa sameeyey laba ballan-qaad oo muhiim ah. Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta. Waxa uu sidoo kale u ballan-qaaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, in dowladdu aysan u dulqaadan doonin meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, ay sii wado doonto dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta. Hoos ka aqriso farriinta madaxweynaha oo dhameystiran. Xubnaha sharafta leh ee Bahda Warbaahinta Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Warbaahinta awgeed, waxaan bahda saxaafadda la qaybsanayaa xuska maalintan. Munaasabaddan weyn waxaan uga faa’idaysanayaa inaan xuso shaqada tayadeedu sarreyso ee aad haysaan taasi oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna. Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna. Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19). Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada. Waxaadna ogaataan in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta. Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed. Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna.
-
The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo”, has today officially declared that Somalia’s outdated and draconian Penal Code of 1964 will be reformed to protect journalists and freedom of expression. In his official message for World Press Freedom Day, President Farmaajo said “Journalism is a noble profession & Penal Code of 1964 will be reformed to ensure it is not used against journalists. My administration fully supports the de-criminalisation of journalism & free expression through legal reform.” Somali Penal Code is one of the biggest threats to media freedom in Somalia as it contains provisions of Insult, false news, sedition and certain types of defamation laws, which expressly criminalise various types of expression, preventing the media to report fairly on matters of public concern and the citizens on debating such matters. This archaic law is routinely used to arrest and jail journalists, leading to self-censorship and a stifling of public debate on critical issues. In its World Press Freedom statement, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) called for the de-criminalisation of journalism and freedom of expression as journalists are regularly punished under the provisions of Somali Penal Code, and in this morning NUSOJ appealed to President Farmaajo to use his constitutional powers to safeguard journalists’ rights and freedom of expression from this repressive law. “While we commend the President for taking this important and remarkable step, we urge the government and the members of the Federal Parliament to speedily reform the penal code in line with the international standards of freedom of expression and pass a progressive criminal law that respects and protects civil liberties of the citizens,” said Omar Faruk Osman, Secretary General of NUSOJ. “There is no doubt that journalists have an obligation to report fairly, ethically and accurately on the events of the day but using criminal defamation, insult, false news and sedition laws is not compatible in a nation that seeks to embrace democratic principles and respect for fundamental human rights,” declared Osman. The African Union’s human rights body, African Commission on Human and Peoples’ Rights (ACHPR), passed Resolution 169 which called on State Parties to the African Charter on Human and Peoples’ Rights, including Somalia, to repeal criminal defamation laws or insult laws which impede freedom of expression. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-03052020-ok-1.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si cajiib ah uga jawaabay warar dhowaan laga faafiyey xaaladiisa Caafimaad, kuwaasi oo si weyn ugu dhex baahay baraha bulshada, maadama in muddo ah warbaahinta lagu arkin madaxweynaha. Madaxweyne Biixi ayaa isaga oo ka jawaab celinaya wararkaasi laga faafiyey xaaladiisa caafimaad, ayaa waxa uu maanta mar kaliya kasoo muuqday warbaahinta, isagoo booqasho kedis ah ku tagay xarunta wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland. Muuse Biixi ayaa Warbaahinta kasoo muuqday isagoo xidhan khamiis, isla markaan ay ag socdaan wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ku wehlinayey kormeerka kediska ah ee uu saaka ku tagay wasaarada caafimaadka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xariga ka jaray Mishiin Hay’adda WHO ay dhawaan ugu deeqday Somaliland, kaasi oo xukuumadooda ka caawin doona baadhista dheecaanadii ay u diri jireen dibada ee dadka looga shikiyo cudurka Coronavirus. Kormeerka uu saaka ku tagay madaxweynuhu wasaaradaasi, ayaa dadka qaarkood waxa ay rumeysan yihiin in Madaxweynuhu uga jawaabayo wararkii dhowaan laga faafiyay xaaladiisa caafimaad, midaasi oo noqotay qaab cusub oo xukuumada Biixi uga fal-celinayso wararka beenta ah ee madaxda laga faafiyo, iyada oo hore si cad u beenin jirtay.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamse ayaa ka warbixiyay gurmad deg deg ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya gaarsiineyso deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaasi oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad beni’aadanimo oo adag. Wasiir Xamse ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray guddiga gurmadka Qaran ee Fatahaadaha inay deg deg uga howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaateysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadkii ku fatahay. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku nafwaayay fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyay sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga muragsanyihiin dhibaatadan. Wasiir Xamse Saciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadadka ee la filayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadka Guga. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-03052020-ok.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal guri ka guri ah oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ayaa laga billaabay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka, ayada oo kuwa kalena la filayo, sida uu sheegay maamulka amniga gobolka Banaadir. Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaada gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo xalay kormeer dhinaca Amniga ah ku tagay degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Tuulax oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmooyinka ay soo mareen amnigooda uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana ciidamada ay ka wadeen howlgallo kala duwan. Tuulax ayaa sidoo kale sheegay in ciidmada Booliska Soomaaliya ay howlgal guri guri ah ka sameeyeen degmada Wadajir ee Gobolka Gobolka Banaadir, sidoo kalena degmoyinka kale ee gobolka laga sameyn doono. Howl-galladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, ayada oo guryaha looga baarayo hub iyo shakhsiyaadka la tuhunsan yahay. Hadalka Gudddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda Mamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmooyinka Gobolka Banaadir waqtiyada habeenkii uu bandow saaran yahay, sababi la xiriira ka hortagga Cudurka COVID-19. Amniga magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa u muuqday mid kasoo raynaya ayada oo ay yaraadeen qaraxyada iyo dilalka magaalada ka dhacay.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda fedraalka dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haweenyihiin. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo ah cudurka COVID-19. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hal qof uu cudurka u geeriyooday, halka 10 qof oo ka mid ahaa dadkii uu ku dhacay ay kasoo bogsadeen. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la diiwaan-geliyey ay yihiin rag, ahlka 19-ka kalena ay yihiin haween. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, oo ah gobolka kiisaska ugu badan ee Soomaaliya laga helayo, halka laba qof laga helay deegaanada Galmudug, ayada 12 kiis-na laga diiwaan geliyey Puntiland. 12-ka kiis ee Puntland ayaa ah tiradii ugu badenyd ee 24 saac gudahood laga diiwaan-geliyo meel ka baxsan Muqdisho. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 qof, halka 32 qof ay cudurka u dhinteen.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay rag 19-na haween. 37 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12 Puntiland, labana Galmudug. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. View the full article
-
Ali Mohamed Gedi, a former Somali Prime Minister, leads Somali Patriotic Party, one of the political parties that will contest the 2021 elections in Somalia. In April Puntland Post Monthly interviewed him. Ali Mohamed Gedi: Leader of Somali Patriotic Party Puntland Post Monthly: As a former Prime Minister of Somalia you lead a political party. When and why was the political party established? Ali M. Gedi: First and foremost, let me take this opportunity to express my thanks and gratitude to PUNTLAND POST team for the interview. To answer the first question, Somali Patriotic Party (SPP) was established in February 2016 (even before the political parties’ law was enacted by the Federal Parliament) to shift the country from centralised/dictatorial rule to decentralised and democratic governance through multi-party system. SPP was established by competent and qualified scholars (men and women) who complement my professional and political experience. PPM: What differentiates the political party you lead from other parties? Ali M. Gedi: My long-term academic and research activities coupled with more than a decade-long collaboration, partnership and interaction with international organisations, plus three years (2004-2007) of working as a Prime Minister of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia have equipped me with the necessary knowledge, experiences and tools that make difference to leading a modern party compared to the other political parties. PPM: Somali Patriotic Party is not a member of the Forum for National Parties. Does that mean your party supports an open contest in place of building coalitions based on a desire to unseat the incumbent administration? Ali M. Gedi: Yes. SPP is not and will not be a member of the Forum for National Parties due to differences in vision and mission, principles, objectives and goals. In this regard, SPP has a political and moral philosophy based on secularism, equality, freedom of speech, freedom of press, human rights, corruption-free, anti-tribalism, anti-radicalism/extremism and terrorism among others. Somali Patriotic Party’s Logo PPM: What is the position of SPP on possible postponement of elections due to Covid-19? Ali M. Gedi: The position of SPP on possible postponement of the coming elections is very clear. The current government has been given 4 years mandate to run the affairs of the country, ending January 2021. Therefore, by constitution, the federal government must hold elections timely, freely and fairly without any further delay. Yes, Force Majeure is an issue, in the event of unexpected disasters like the Coronavirus Pandemic. In this case, the leadership of the Federal Government of Somalia must come up with options and mechanisms acceptable to all the political stakeholders of the country so as to proceed smoothly to a conducive environment which can allow free and fair elections to take place next year. PPM: Some federal member states criticise the Federal Government for bringing back centralised governance. In your view is there a substance to the criticism? Ali M. Gedi: Criticism is a regular act before the eyes of a public administration. Hence, expressing adverse or disapproving judgment on governmental institutions is a tool for dealing with mistakes and the leaders must take it easy as corrective measures. Based on the above, the Federal Member states have the right to constructively criticise the Federal Government within the framework of the Provisional Federal Constitution and the government must accept it as such. Destructive or divisive criticism must be avoided by all stakeholders. PPM: Does Somali Patriotic Party have branches in other parts of Somalia? Ali M. Gedi: At the levels of the Federal Member States of Somalia, local regulations and guidelines in conformity with the federal government, for opening offices of the political parties are not yet in place; but SPP members and supporters are in action everywhere in the Federal Member States and district authorities country-wide as well as in each and every Diaspora community of Somalia world-wide. © Puntland Post Monthly, 2020 The post An interview with Ali Mohamed Gedi appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Borama)-Guddida heer qaran ee La Tacaalidda iyo ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee COVID19 ayaa shalay galab si rasmi ah shaaca uga qaaday qofkii dhawaan ku dhintay Magaalada Boorama uu u dhintay Caabuqa Karoona Fayras dhawr qof oo kalena laga helay cudurkaasi taasi oo tirada guud ee ay illaa hadda Guddidani ku dhawaaqday Somaliland ka dhigaysa in cudurkaasi haleelay 9 qof. Halka sidoo kale walaac weyn ay Gobolada Galbeedka Somaliland ka qabaan dad si xawli leh uga soo galayay muddooyinkan dambe dhinaca Jabuuti. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo xubin ka ah Guddida ka hor tagga Cudurka Dilaaga ah ee Covid19 Mudane Cumar Cali Bade oo warbaahinta shalay la hadlay waxa uu yidhi: “36 kiis oo aanu dirnay dhiiggooda ayaa jiray. Shalay (Dorraad) ayay na soo gaadhay xogtii baadhistu. Xogtaasi waxa ka soo baxay qodobo Afar ah oo ay muhiim tahay in dadka Muwaadiniinta ahi aad iyo aad u ogaadaan. Dadka dhiigga laga qaaday gudaha Magaalada Hargeysa waxa ay ahaayeen 20 qof. 1 qof oo ka mid ah ayaa la xaqiijiyay. Qofkaasina waa qofkii Magaalada Boorama ku dhintay. Xanuunku wuu innagu jiraa. Qofkaasi ma aha qof qurbaha ka yimid. Ma aha qof safarro galay oo dibadaha u baxay. Saddex qof ayaa iyaguna ahaa kuwo dhiigga la qaaday laga keenay Burco dhammaantoodna waa laga waayay. Qof kale oo Berbera ka yimid oo aannu gacanta ku hayno ayaa isna laga helay. Waxa jiray 12 qof oo Karanriin ku jiray hal qof ayaa iyagana laga helay oo qaba cudurkan. Arrimahani waxa ay muujinayaan in cudurkii u gudbay heer cusub oo uu fidayo waana arrin u baahan in taxadar weyn oo cusub la galo”. Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boorama ee Caasimadda Gobolka Awdal waxa ay sheegayaan in Gobolada Galbeedka ay walaac weyn ku hayaan dad badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo qulqulaya, kuwaasi oo ka imanaya waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah waddanka illaa hadda tirade ugu badani ug le’edeen cudurkan kuwaasi oo ka soo tallaabaya dhinaca Xadka deegaamada u dhaw Magaalada Xariidad ee Itoobiya. Dadkan ayaa marka hore inta ay Jabuuti uga soo gudbaan dhinaca Itoobiya kadibna Somaliland uga soo gudbaya deegaanka Xariirad. “Dad badan oo aanay cidina kantaroolin ayaa maalin walba si xawli leh uga soo gudbaya Xariirad. Waxa ay dadkaasi marka hore ka imanayaan Jabuuti waxaanay soo marayaan Deegaanka Ayshaca oo ah dhinaca Itoobiya kadibna Xariirad ayay soo beegsanayaan oo dalka ka soo galayaan. Taasi ayaa ah walaac weyn oo jira mana naqaano wax cudurkan qaba, haddii dadku xanuusadaan ma jiro meel ay tagaan iyo cid qaadaysaa toona” sidaa waxa yidhi wariye ka hawl gala Gobolka Awdal oo aannu la xidhiidhnay. Source
-
Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo miina baaris ah waxa ay saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay gacanta ku dhigeen nin dhallinyaro ah oo miino ku aasayay wadada soo gasha degaanka Janaale. Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in shaqsiga la soo qabtay ay ku wareejin doonaan Maxkamada Ciidamada, si loo mariyo ciqaabta miinada uu doonayay in uu dadka ku dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay. Ciidamada Milateriga ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Janaale waxay wadeen howlgalo miino baaris ah, waxaana dhowr jeer lala eegtay qaraxyo miino, kuwa kalena waa ay ka hortageen.
-
(SLT-Hargeysa)-Ganacsatada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa si weyn u dareemay hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii ka soo geli jiray jaadka loo iib keeni jiray Somaliland oo ay dawladda Somaliland u joojisay ka hortagga faafitaanka xanuunka Covid_19. Ganacsiga qaadka oo ay ganacsatada Oromada uga xaroon jirtay lacag adagi, ayaa waxa uu sababay inuu hoos u dhaco dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee guud ahaan deegaanka Oromada, waxaana sida ay sheegayaan dadka Soomaalida ah ee degen magaalada Jigjiga suuqyada magaalooyinka Oromada laga dareemayaa hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, iyagoo uu hore dhaqaalaha Itoobiya u saameeyay xanuunka covid_19. Ganacsato Soomaalida Itoobiya ah oo jooga magaalada Jigjiga oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay jiraan shir doceedyo kala duwan oo ay wadaan ganacsatada oromada iyo madaxda dhaqanka ee loo yaqaano ‘Abagaadhaha’, kuwaas oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa jaadka ay Somaliland joojisay mudada bisha ah. Wararka qaar ayaa sheegaya inay kulamo arrintan ku saabsan la yeesheen madaxda dawladda deegaanka Oromada. Waxa suurtogal ah in ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ee Oromadu ay dawladda federaalka Itoobiya ka codsadaan inay dawladda Somaliland kala hadasho joojinta jaadka oo haddii uu sii socdo ay aaminsanyihiin inuu dhaawacmayo dhaqaalihii ay noloshoodu ku tiirsanayd. Waxa iyaguna soo baxaya in dawladda Itoobiya ee federaalka lafteedu dareentay dhaqaalaha uga soo xaroon jiray jaadka, waxaana la sheegayaa in baadhis lagu samaynayo ganacsatada qaadka gaysa Somaliland oo la sheegay inay kooto ku haystaan iib gaynta qaadka. Geesta kale waxa isna hoos u dhacay oo joojinta qaadka laga dareemayaa ganacsatada oromada ee safarada ku iman jirtay magaalada Wajaale oo uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaday. Source
-
The government has thwarted planned attacks by al-Shabaab during the Holy Month of Ramadhan, which would have seen a number of abductions and hijacking of government vehicles, a confidential security brief seen by the Sunday Nation shows. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay. Guddoomiyaha guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta, Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi ku soo dhoweeyey. Siciid Deni ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa Gargaar Caafimaad gaarsiiyey Jubbaland, Gargaarkaan ayaa wuxuu ka kooban yahay Aalkolada la isaga ilaaliyo Virus-ka, Afxirka iyo Qalabka [...] Source
