Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-24042020-okokok.mp3 View the full article
  2. Absent congregational prayer and gatherings, the next 30 days will be unlike what most Muslims have ever seen Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Liiska Golaha Wasiirada Galmudug ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaano caan ah, islamarkaana miisaan culus oo ka tirsan golaha shacabka federaalka. Xildhibaanadaas ayaa waxaa ka mid ah; Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka Amniga Galmudug, iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug. Arrintan ayaa lama filaan iyo yaab ku noqotay dad badan, oo is-weydiiyey haddii ay sidan ku luminayaan xubunnimadooda baarlamanka federaalka, ama ay ayaga goosteen inay ka tagaan. Si kastaba, dib-u-eegis ay Caasimada Online ku sameysay dastuurka federaalka ayaa muujineysa in labada xildhibaanba aysan kala caddeyn inay xilkooda federaalka wayn doonaan iyo in kale, ayada oo sababtuna ay tahay in dastuurka uusan si cad u qeexin arrintan. Qodobka 59-aad ee dastuurka ayaa qeexaya lix sabab oo Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka, oo dhigan sidan:- (1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: (a) Xubinta oo Geeriyoota (b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah. (c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. (d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. (e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn (f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga Haddaba sida ka muuqata qodobada kore, qodobka ugu dhow ee ay ku weyn karaan xubinnimada golaha shacabka ayaa ah kan (e), kaasi oo dhigaya haddii xubintu aqbasho xil dawladeed aan wasiir ka ahayn. Si kastaba, dastuurka ma kala caddeyn in wasiirnimadu tahay mdi federal ama mid heer gobol. Inkasta oo loo fahmi karo in loola jeedo mid heer federal, haddana sharciga laguma dabaqi karo fahamka qof ka qaadan karo, haddii aanu caddeyn. Sidaas darteed, waa adkaan doontaa in Fiqi iyo Saabir ay waayaan xubinnimada baarlamanka maadaama xilkan uu yahay mid wasir, mana cadda cidda arrintan kala caddeyn doonta ama halka loo mari doono.
  4. Abu Dhabi: Livestock prices have witnessed an increase at the Abu Dhabi Livestock Market in Mina Zayed, ahead of the holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  5. There are over 70 million people worldwide who have been driven from their homes by war and unrest, up to 10 million are packed into refugee camps and informal settlements, and almost none have been tested for the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, ayaa soo dhaweeyay heshiiska dhinacyadda Jubaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo golaha isbedel doonka Jubaland ayaa shalay magaalada Nairobi ku saxiixdey heshiis ay kusoo afjarayaan khilaafka siyaasadeed ee muddo dheer ka dhaxeeyay. Isagoo muuqaal soo duubay, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa rajeeyay in heshiiska uu noqdo miradhal. Ugu dambeyntii, wuxuu xoojiyey baahida loo qabo in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha kale ee ka taagan waddanka. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey cid kasta oo ajnabi iyo Soomaali ah oo heshiiska fududeysay. View the full article
  7. WASHINGTON (Reuters) - U.S. Secretary of State Mike Pompeo said the COVID-19 pandemic shows the need to overhaul the World Health Organization, warning that Washington may never restore WHO funding and could even work to set up an alternative to the U.N. body instead. Source: Hiiraan Online
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa qeexid yaab leh ka bixiyey heshiiska ay shalay magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mucaaradka isbadal doonka Jubaland ee kasoo horjeeday oo ay ku jiraan Seeraar iyo Xidig. Faarax Macallin ayaa heshiiskaas ku qeexay inuu la macno yahay ajaaniib heshiis ku kala saxiixday dal ay shisheeye ku yihiin, isaga oo sheegay kuwa heshiiska galay aysan dhammaantood kasoo jeedin Jubaland, sida uu hadalka u dhigay. “Cid ka mid ah afarta saxiixayaal sharciyad uma haysato Jubaland. Dhammaantood waxay ka yimaadeen gobolka Soomaalida Itoobiya. Kaliya dadka u dhashay deegaanka Jubaland ayaa go’aan ka gaari kara mustaqbalka gobolka. Waa ajaaniib heshiis ku kala saxiixanaya dal ay shisheeye ku yihiin, marka ay quseyso madax-banaanida hay’ad,” ayuu yiri Faarax Macallin. Faarax Macallin, oo ay isku beel yihiin xubnaha heshiiska saxiixday ayaa marar badan dhaliilay maamulka Axmed Madoobe, ayada oo la rumeysan yahay inay aad isugu dhowyihiin dowladda federaalka, gaar ahaan Villa Somalia. Waxa uu horey ula saftay dowladda federaalka markii ciidamada qaranka iyo kuwa wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ay ku dagaalameen Beled-Xaawo, isagoo Janan ku tilmaamay hoggaamiye kooxeeed ay dowladda Kenya hubeyneyso. “Kenya waxay hubeeneysaa hoggaamiye kooxeed baxsad ah, kadibna waxay hoggaamiye kooxeedkaas u ogolaaneysaa inuu gudaha dalka Kenya kasoo weeraro Soomaaliya isaga oo ku gabanaya hoobiyeyaasha Kenya. Markii ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay is-difaacaanna, oo ay rasaas ugu jawaabaan, Uhuru waxa uu ku cabaadayaa in Soomaaliya ay soo weerartay dhulka Kenya. Allaha na bad-baadiyo,” ayuu yiri Faarax Macallin.
  9. In his Ramadan Message, Abiy Ahmed encouraged Ethiopian Muslims to practice social distancing and other COVID 19 prevention measures Source: Hiiraan Online
  10. In Somalia, healthcare workers are facing the prospect of treating patients without adequate medical resources. Source: Hiiraan Online
  11. Soon wanaagsan dhammaan muslimiinta, Soomaalida, JSL munaasibadda curashada bisha barakeysan ee soon. Waxa aan Ilaahay inooga rejeynayaa in uu ina waafajiyo kheyrka bishan ku duugan, balaayo xijaab-na inooga dhigo cudurka safmarka ah ee Covid19. Soon wanaagsan. pic.twitter.com/g5AZ9GhTaL — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) April 23, 2020 Qaran News
  12. Beled-Xaawo (Caasimada) – Magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo waxaa la sheegay in shalay ay soo gaareen saraakiil ka tocota dowladda Kenya oo ay hoggaaminayaan Taliyaha militeriga iyo kan sirdoonka Kenya, kadib dagaalkii maalin ka hor dib uga soo cusboonaaday xuduuda labada dal. Saraakiishaas ka socotay dowladda Kenya ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beled-Xaawo, odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Beledxaawo, waxaana kulamadaas looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka soo noqnoqday ee xuduuda magaalooyinka Mandhera iyo Beled-Xaawo. Qodobadii looga hadlay kulamadii dhex maray dhinacyadaas ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadanaa sidii dagaal dambe uusan uga dhici laheyn xadka labada dal ayaa intooda la isla qaatay, sida ay warbaahinta u sheegeen xubno ka qeyb galay. Saraakiisha Kenya waxaa la sheegay inay kulankaas ka balan qaadeen in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dhankooda cidii carqaladeysa amniga xuduuda, sidoo kale saraakiisha Soomaaliya ayey ka codsadeen in dhankooda ay dhowraan nabadda magaalooyinka deriska ah ee Mandhera iyo Beled-Xaawo Guddoomiyaha degmada Beled-xaawo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi oo kulankaas qeyb ka ahaa ayaa sheegay in dhinacyadu ay isla qaateen dhaamaan qodobadii laga wada hadlay oo u badnaa sidii looga hor tegi lahaa dagaal dambe oo ka dhaca xuduuda. Axmed Barre ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay saraakiisha Kenyanka ah ka dalbadeen inay tallaabo ka qaadaan wasiirka amniga Jubbaland iyo ciidamadiisa oo uu ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay halkaas. Ugu dambeyntii guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in saraakiisha ka socotay Kenya ay u balan qaadeen inay xakameyn doonaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Jubbland ee ku sugan magaalaada Mendheera, kuwaas oo ka amar qaata wasiir Janan.
  13. Qabiil yar oo laf dhuun gashay ku noqday Amiir Maxamed Bin Salmaanka Sacuudi Carabiya Competitors in the Dakar 2020 rally took drove around the area allocated for Neom Haweeney u doodda xuquuqda aadanaha oo ku nool magaalada London ayaa sheegtay inay heshay farriimo hanjabaado dil ah oo uga yimid dad ay aaminsan tahay inay taageerayaal u yihiin dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Alya Abutayah Alhwaiti ayaa BBC-da u sheegtay in hanjabaadaha loogu soo diray dhinaca telefoonka iyo barteeda Twitter-ka kaddib markii ay faafisay qeylo dhaan ku socotay caalamka oo ku saabsan saameynta qabiilkeeda kasoo gaari karta qorshe ay boqortooyada Sacuudiga ku damacsan tahay inay ku dhisto magaalo tiknoolojiyad oo lagu asteynayo qarniga 21-aad. Mgaaladan ayaa la doonayaa in laga dhiso xeebaha Badda Cas. “Waan kuugu imaan karnaa London,” ayaa lagu tiri wicitaanka telefoonka, sida ay sheegtay Ms Alhwaiti. “waxay kula tahay inaad nooga badbaadeysid meeshaas, laakiin ma dhaceyso.” Ms Alhwaiti ayaa intaas ku dartay in sidoo kale loogu hanjabay “in lagu sameyn doono wixii ku dhacay Jamaal Khaashuqji”. Dacwad ayey u gudbisay booliska Britain. Khaashuqji, oo ahaa wariye u dhashay Sacuudiga, kuna caan baxay dhaliilaha boqortooyada, ayaa geeriyooday kaddib markii ay sanadkii 2018-kii rag ka socday dowladda Sacuudiga jirkiisa ku jarjareen gudaha qunsuliyadda ay Riyaad ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan dilkiisa uu amar ku bixiyay dhaxal sugaha boqortooyada, inkastoo dowladda Sacuudiga ay arrintaas dafirtay. 13-kii bishii April, nin lagu magacaabo Abdul Rahim al-Huwaiti ayaa shaaciyay muuqaal uu adduunka ugu sheegayay in ciidamada Sacuudiga ay isaga iyo dad kale oo ka tirsan qabiilkiisa Huwaitat khasab uga rarayaan dhulka ay waligood dagganaayeen ee ku yaalla cirifka waqooyiga galbeed ee dalkaas, si halkaas looga fuliyo mashruuca lagu magacaabay Neom. Ka hor dhimashadiisa Abdul Rahim al-Huwaiti wuxuu sheegay in dowladdu ay galineyso dambi uusan lahayn Alya Alhwaiti, oo isla qabiilkaas kasoo jeedda ayaa sii faafisay muuqaalkaas. Muuqaalka dhexdiisa, Abdul Rahim al-Huwaiti wuxuu wacad ku maray inuu kasoo horjeedsan doono go’aanka raritaanka ah ee ay dowladdu soo saartay. Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka amniga uu ka filayo inay hub uusan shaqo ku lahayn gurigiisa geeyaan si ay dambiile uga dhigaan. Markii dambe ninkaas waxaa dilay booliska Sacuudiga. Bayaan ay soo saartay waaxda amniga ee dowladda ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa, waxaana lagu sheegay inuu rasaas ku furay booliska sidaas awgeedna ay rasaas ugu jawaabeen. Aaska Abdul Rahim al-Huwaiti wuxuu dhacay Arbacadii Eedeynta ay dowladdu u jeedisay ninkaas waxaa si adag u beenisay Ms Alhwaiti,waxayna ku adkeysatay in Abdul Rahim al-Huwaiti uusan heysanin wax hub ah. Maalintii Arbacada waxay shaacisay sawirro iyo muuqaal muujinaya aaska ninkaas oo ka dhacay meel u dhow xaafadda al-Khoraibah, kaasoo sida muuqata ay dad badan ka qeyb galeen, inkastoo ay goobta ku sugnaayeen ciidamada ammaanka ee Sacuudiga. Xubnaha qabiilka Huwaitat tribe waxay ku kala nool yihiin labada dhinac ee xuduudda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Urdun Huwaitat waa qabiillada isla weyn, ee qarniyada dagganaa halkaas, waana xoolo dhaqato reer miyi ah. Waxay muddo boqollaal sano ah ku nool yihiin labada dhinac ee xadka u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Urdun. Taariikhdu waxay dhigeysaa inay yihiin dad dagaalyahanno ah oo aan cabsanin. Sanadkii 1917-kii waxay dagaal la galeen sarkaalkii watay ciidamada gumeysiga Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray T E Lawrence, xilligaas oo ay qeyb ka ahaayeen kacdoonkii carabta ee gumeysi diidka. Wuxuu magacooda iyo tayadooda ku xusay buug uu goor dambe qoray, kaasoo uu si weyn ugu amaanay.. Maanta inta badan qabiilkaas way isaga soo tageen noloshii baadiyaha, waxayna daggan yihiin guryo iyo tuulooyin ay halkaas ka sameysteen. T E Lawrence wuxuu wax ka qoray iska caabintii uu kala kulmay qabiilka Huwaitat “Kama soo horjeedaan dhismaha mashruuca Neom,” ayey tiri Ms Alhwaiti. “Laakiin waxay diiddan yihiin in si khasab ah dhulkooda looga saaro, waxayna rajeynayeen in hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee reer galbeedka ay arrintooda ka hadlaan, si sharci ahna wax looga qabto. Ma doonayaan in laga eryo dhulka ay qoysaskooda kusoo noolaayeen jiilal badan.” Waxay intaas ku dartay in siddeed ka mid ah Abdul Rahim al-Huwaiti ilma-adeerradiis loo xiray inay amarka raritaanka kasoo horjeesteen, ilaa haddana aan waxba loo qabanin. Prince Mohammed bin Salman unveiled the plans for Neom at an investment conference in 2017 Dhimashada uu qalalaasaha keenay ee ninka amarka kasoo horjeestay ma aha caqabadda kaliya ee hor taagan qorshaha uu damacsan yahay Maxamed Bin Salmaan inuu Sacuudiga u yeelo meel aan ahayn saliidda oo ay dhaqaale ahaan ugu tiirsanaato. Dilkii Jamaal Khaashuqji ayaa wax u dhimay maalgashadayaasha caalamiga ah, kuwaasoo hadda aan kalsooni buuxda ku qabin xukuumadda uu daaha gadaashiisa ka maamulo Maxamed Bin Salmaan. Taasi waxay horseedday inuu cuslaado dhaqaalaha lagu hirgalinayo mashruucaas. Caqabadda kale ee ugu dambeysayna waa cudurka safmarka ah ee coronavirus, kaasoo hor istaagay dadaal kasta oo horay loogu dhaqaaqi lahaa. مجتمع من الحالمين والمنجزين#اكتشف_نيوم pic.twitter.com/yPnWq8tPfo — NEOM (@NEOM) December 4, 2019 Neom wuxuu ka mid yahay mashaariicda waaweyn ee uu ku haminayo dhaxal sugaha boqortooyada, kuwaasoo uu doonayo inuu hirgaliyo ka hor sanadka 2030-ka. Si rasmi ah ayuu mashruucan waddadiisii u hayaa. “Shaqadu way socotaa”,” ayaa lagu yiri bayaan ay dowladdu soo saartay maalintii Axadda. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada-hadallo taleefon la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, madaxweyne Farmaajo iyo iyo Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Villa Somalia ayaa sheegtay in Farmaajo uu la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah. Dhanka kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta. Sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia, Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.
  15. Ninka aad kabo ka nolonayso, kuwiisa ayaa la eegaa, ayay Soomaalida ku maahmaahdaa, waxaana taas loogu tusaale qaadan karaa heshiiska manta la sheegay in uu Nairobi ku dhex maray madaxweyne-sheegtayaasha Jubbaland. Marka aan u fiirsaday heshiiska ma ahan mid munaasab ah, marka laga eego qodobada ku qoran iyo waliba goobta lagu gaaray. Nimanka heshiiska galay ee kala ah Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirishiid Maxamed Xiddig ma aysan haysan awood maamul, ee waxa ay ku socdeen waxa ay ahayd rabitaan shacab isbadel u ooman, kuwaas oo xitaa u dhintay qaddiyadda isbadeldoonka, qaar kalena ay u dhaawacmeen, kuwana ku hanti beeleen. Dadkaas oo dhan waxey ku doodaayeen jubbaland cusub oo cadaalad iyo sinaan ka jirto . Maanta heshiiska ay qaateen ayagoo ilma adeero ah ma waxey xalaaleeyeen dooraashadii ku shubashada aheyd seddex qof ii keen oo midkaa ani rabo aa kala baxaa ama dhibka uu Axmed Madoobe ku haayo Kismaayo muddo 8 sano ah ayey usii xalaaleeyeen?. Maanta waxaan xasuustay qisadii Fircoon iyo nebi Muuse oo markuu Fircoon u wacay sixiroolayaashii oo uu ku yiri haddaa ka guuleesataan Nebi Muuse abaal marin baa leedihiin markii ay xaqqa arkeen ayey nabi Muuse raaceen , fircoona yiri sixirka waxaa idiin soo baray Muuse (إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ ). Nimankaas sixiroolayaasha ahaa waxey iska diideen abaalmarino iyo hanti ayagoo xaqqa u hiiliyey balse maanta Seeraar iyo Xiddig waxey lumiyeen fursad ay xaqqa ugu hiiliyaan. Xaqqa iyo baadilka lama fiiriyo qof horboodaya ee waxaa lagu gartaa in lagu dhaqmo xaq ahaantiisa. Maanta waraaqaha lagu kala qortay Nairobi qofna guul uma ahan shacabka Jubbaland guul uma ahan. Xiddig waddada uu maanta qaaday waa isla waddadii Cabdi Ali Raage oo daacad u ahaa Axmed Madoobe waqti adagna isla soo mareen iyo daruufo badan ugu dambeyntiina banaanka loo tuuray. Seeraar Kismaayo uu u socdaa waxaa ka horreeya Macalin Maxamed oo Axmed Madoobe kari waayey oo dadka beeshiisana u roon iyo Cabdirishiid Jire oo qiblada u toosiyo Axmed Madoobe . Nimankaasna waxey u qabtaan Axmed Modoobe ka badan uma qaban karo . Hadda lama joogo waagii Guuleed oo ahaa wasiirka federalka laga qaaday oo Mursal Geelle la keeyey go’aankana lahaa Axmed madoobe maantana lagama yaabo In Oomar laga qaado xilka oo Seeraar laga dhigo wasiirka. Bin Salman-ka Sucuudiga waa kii qaarijiyay Jamaal Khaashuqji oo fikirkiisa kasoo horjeeday, balse su’aal fikirkii miyuu baaba’ay?, waa maya jawaabtu. Dhanka kale marka heshiiska loo fiirsado, waxaa ka muuqata niman is dhiibay oo la qasbay, ama niman hunguri ama qabyaalad ku badeshay fikirkii isbadel-doonka ee ay u taagnaayeen. Sababtoo ah qodob kasta oo heshiiska ku qoran waa mid u danaynaya Axmed Madoobe. Halka qodob ee ah in golaha wasiiradda wax looga soo darayo, ma cadda qoondada ay ka helayaan, iyo waliba wasaaradaha ay helayaan, waxaa intaas usii dheer in lagu lug xirey qoondada beelaha hoose ee ay kasoo jeedaan. Cilladda kale oo malaha ah tan ugu weyn ee uu heshiiska leeyahay ayaa ah in dowladda Federaalka aysan ka warqabin, waxna ka saxiixin. Marka waxaa isweeydiin leh, heshiiskan halkee lala tagi doonaa. Gunaanadka waxa uu kusoo biyo shubanayaa, maahmaahda ah : Buun ninkii xadday, halkii uu ku yeerin lahaa ayaa la’iska rabaa Cabdulqaadir Cabdillaahi Maxamed – Waa agaasimahii horey ee maaliyada Jubaland iyo garoonka diyaarada Kismaayo. Waxaad kala xiriiri kartaa emailka: aamkadir@yahoo.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 uu ku yeelanayo waxbarashada dalka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu sheegay in qorshahaas oo lix bilood ah diirada lagu saari doono seddax ujeedooyin oo kala ah. 1- Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka Coronavirus. 2- Sidii loo sii wadi lahaa adeegyada waxbarashada, iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin. 3- Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in fulinta ujeedooyinkan ay yareynayso khatarta cudurka COVID-19 ka soo wajihi karta habsami u socodka waxbarashada dalka. “Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka” ayaa lagu yiri. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada”.
  17. Somaliland: coronavirus approach, Why not imitated Taiwan? Taiwan is locating in East Asia. The neighboring countries are China to the North-West, Japan in the North-East and the Philippines to the South. Historically, Taiwan was colonized by Japan. After bombarded, the Nagasaki and Hiroshima, the East Asia demarcation changed. Japan surrendered and China took control of Taiwan on behalf of Second World War alliances. In 1949, China withdrawal from Taiwan due to instability in China’s mainland over the power struggle that overshadowed Taiwan as well as China. Finally, Chinese authority decided to retreat in purpose of regrouping and reorganizing, but unfortunately China could not be made to take over Taiwan. Taiwan has maintained a democracy process. It is the 31st country in the world rank. Taiwan has fulfilled all democratic categories that includes the electoral process and pluralism, as well as a functioning government, civil liberates, political participation and political culture. Taiwan and Somaliland both have not been internationally recognized. However, after the outbreak of the coronavirus, these two nations took different approaches to constrain the deadly disease. Taiwan immediately built up a robust system to control the coronavirus and at the same time extends its hand to the international community, particularly the United States government. Taiwan is a small island and China claims its ownership of it. Taiwan is a very close country to China in terms of economy as well as its people movement. As we are aware, China and Taiwan are a neighbouring country. China was the first place that had the outburst of the pandemic disease, but Taiwan has perfectly managed the erupting disease and the number of coronavirus cases. So far, there are four hundred and twenty-six (426) and only six (6) dead, while China cases reached approximately eighty-two thousand and more (82,000). Taiwan sent help to some countries in order to block the coronavirus. Taiwan got praise from the United States, Italy, and Germany once they have received that help. Millions of masks and other health equipments were distributed to different countries. Taiwan gets full recognition from international communities after the help they offered to the many countries that the coronavirus struck very hard. The WHO has also not recognized Somaliland just like they have not recognized Taiwan. Due to the fact that they have not be recognized, they are not aiding them, so they are not being dealt with. This is unfair because both these countries are independent nations that have their own currency, population and passport. Whereas the Somaliland government asks its ordinary citizens for pledges of money in order to curb coronavirus. Somaliland is one of the poorest nations in the world, the GPD estimated little more than $646 per capital by UN agencies. It is very hard to overcome and restraint this horrible disease unless you are well-equipped. However, no matter how poor the nation is, it really matters how prepared it is, how organized, and allocated the little resources you have are. To deal with a hardship like this horrendous disease, it needs resilience, strength and well planning. Unfortunately, in the first place, the current administration failed to be conquered. Even now it is not too late to commence. Even thought funding is an important part, but it is not the only factor that should be focused on: Firstly, prevention is the first step to engage in with this disease, the disease should be kept away from Somaliland. Stop the disease from coming into Somaliland territory. The Kat must stop; the Ethiopian Airlines must stop, as well as the sea and land movements which needs to have been stopped for at least fourteen days (14). Second, detections and reporting would be the second factor that the country needs to tackle when it comes to this horrible disease. Early detection is the best solution to curb this, to identify the disease is essential, after identification, it needs to be tested, traced and isolated. Third, rapid response is one of the fastest mitigations of the diseases, it will be thwarting to spread and become epidemic. In the case that there are new coronavirus cases, it is a necessary that the person can have an adequate emergency response operation. Fourth, the government requires to implement compliance with international norms. It would be a commitment to enhance national capacity, and hold on to global norms, the cross-border on public health emergency response is crucial. The public health well-being is one of the biggest responsibilities of the government, especially, when this kind of disease progresses. To exercise the fiscal policy is inevitable, there needs to be less taxes which is the best thing for the government to implement. To enhance the public health and vigorous infection, the government is obligated to ask for a loan to its private business owners. By Osman Awad Qaran News
  18. Addis Abeba, April 22/2020 – High level military officials from Ethiopia and Somaliland met and discuss works being implemented to prevent the spread of the COVID-19 in the border city of Tog Wajaale, according to state daily ENA. Participants included Major General Zewdu Belay, Commander of D6Division of the Ethiopian National Defense Forces (ENDF) and Major General Nuh Ismail Tani, the Chief of Staff of Somaliland Armed Forces as well as members of Ethiopian federal police and other civilian officials. Major General Zewdu Belay, Commander of ENDF Eastern Division, said during the discussion that the peoples of Ethiopia and Somaliland are people who have lived in unity for many years, ENA quoted Maj. Gen Zewdu. He added that currently joint efforts to stop the movement of people in order to prevent the spread of the Coronavirus were being undertaken. Maj. Gen. Zewdu also cautioned that although measures are being taken to stop the people on both sides from crossing borders, “sometimes there are incidents whereby people on both sides are seen crossing borders,” he said. This, according to Maj. Gene Zewdu, was negatively influencing the works being done to control people’s movements. He cautioned immigration officials, security forces, district administrators and customs officials on both sides to coordinate their efforts closely in order to solve the problem. Awareness raising efforts should also be done to brainstorm the people on both sides that the border between Ethiopia and Somalia was closed for the purpose of controlling the virus and that the brotherhood between the two people will remain Major General Nuh Ismail Tani, (pictured above) the Chief of Staff of Somaliland Armed Forces, said that the COVID-19 has already brought severe damages on developed nations worldwide. To this end, he commended the works being done by the government of Ethiopia to prevent the spread of the virus and minimize its damages. He said he agreed with measures being taken to stop the movement of people in the border areas. On its part, Somaliland was already implementing its own measures to stop its people from making movements in areas bordering Djibouti and Ethiopia and will further strengthen those measures. Mayor of the border city of Tog Wajaale Muktar Habib on his part said that a task-force was established to prevent the spread of the virus and efforts are being exerted to raise awareness among the communities living in the border areas. Currently, the federal defense forces and federal police are jointly manning the borders areas between Ethiopia and Somaliland and halting the movement of people. More security forces were dispatched in various spots because the large size of the border. ENDF Easter Division operation chief Colonel Mengesha Fentaw on his part said all members of security forces in the area were coordinating their works with the task force established to prevent the spread of the virus to implement measures included in Ethiopia’s COVID-19 state of emergency. “We are working with customs and immigration officials to implement works that are allowed within the scoop of the state of emergency regulations, he said, adding that beyond coordinating with officials from Somaliland, security forces are also working with their counterparts on Djibouti in order to mitigate challenges arising from implementations of measures to contain the spread of the virus. At the end of the meeting, participants visited Tog Wajaale border checkpoint, which is already closed. they have also visited some of the works being done to contain the virus. AS Source Addis Standard Qaran News
  19. Marka ay madaxda maamul goholeedyadu socdaalayaan si ay u soo gudtaan shaqadooda maalinlaha ah waxaa hareera yaacaya dad farabadan. Arrintaas waxay keentaa culays waxay ku keentaa qorshaha madaxweynuhu u soo baxay, shaqada baratakoolka madaxweynaha iyo amaanka madaxweynaha intaba waxayna keentaa in uusan madaxweynuhu socon socod qumane hagaasan. Kooxda baratakoolka madaxtooyada, unugga amaanka madaxtooyada si gaara ciidamada sida xirfadaysan u waardiyeeya madaxweynaha waxaa saaran masuuliyad aad u wayn oo ay ugu horayso maamuska iyo badqabka madaxweynaha. Markii aad cid ka ilaalinayso ciddii ay la macaamilaysay wax sahlan maahan waana shaqada ciidamada gaarkaa ee madaxda. Marka madaxwayne shaqo aadayo ama uu gelayo safar gaaban, safarkiisa iyo qorshayaashiisa waxaa laga ogyahay maqaayadaha, xeryaha iyo guryaha inta uusan safrin saacado ka hor iyo xitaa maalmo mana loo baahna in cidkastaa sii ogaato qorshayaasha madaxtooyada. Waxaa arrintaas ugu wacan in laga ogaado xeryaha iyo maqaayadaha in madaxweynaha hareero dhooban markasta dad aan loo baahnayn in ay hareera dhoobnaadaan wax duruufana aysan keenin in ay hareero yaacaan madaxweynaha. Sax maahan in ay madaxweynaha iyo ciidamada waardiyaha gaarkaa ee sida xirfadaysan u hubaysan loo dhexeeyo oo uu u dhexeeyo qof aan duruufi keenin kaliya waxaa madaxweynaha iyo ciidankaas u dhexayn kara qof duruufi keentay. Duruuftu hal mar ma keeni karto in ay madaxweynaha iyo ciidankaas u dhexeeyaan ku dhawaad 20 illa 50 qof. Waxaa u dhexayn kara qofka sida dhaw u caawinaya madaxweynaha oo xaafiiskiisa ka tirsan iyo wasiir ama hawl wadeen kale oo markaas madaxweynaha kala shaqaynaya arrin gaar ah ama warbixin siinaya. Waa dhaqan gaboobay in madaxweynaha laga daba yaaco oo laysku istaago inta la kala xigsanayo madaxweynah iyo sawirka dhacaya, sidaasna waxay madaxweynaha ka luminaysaa haybad u socodka iyo qorshayaashii soo bixitaankiisa waxayna ku keenaysaa kooxda amaanka ilduuf badan, waxayna keenaysaa isku dhex yaac iyo in baratakoolkii lumo ileen haddii la yaaco waxaa laga yaabaa in ay lunto kala mudnaanta iyo kala horraynta madaxda oo uu madaxweynaha ku xigsado agaasime ama hawl wadeen kale amaba madaxweynayha saaxiibkiis ayadoo sawiir goobta joogo hadhdhoowna markii lugu arko saxaafadda bulshadda si kale ayaa loo fasirayaa. Miisaan-u-socodka madaxda Miisaan u socodka madaxweynuhu waa muhim waana sababta loogu asteeyay kooxo shaqo oo kala duwan sida tiimka baratakoolka iyo hab maamuuska, unugga amaanka iyo hawl wadeeno kale oo saacida madaxweynaha. Socoka madaxweynuhu ma ahan markasta mid fudud oo isku dubaridan si qummanna uguma socon karo bushada dhexdeeda sidaas daraadeed kooxda amaanka iyo barataboolka madaxweynaha waxaa saaran masuuliyad baaxaddeedu wayntahay. Madaxweynuhu waa in uu helo xasilooni intii uu heli karo arrintaasna waxaa xil ka saaranyahay baratakoolka iyo kooxda gacanta ku haysa amaanka madaxweynaha. Kooxda baratakoolku gacanta kuma hayn karaan xaaladda madaxweynaha haddii ay dadbadan soo kala dhex galaan ayaka iyo madaxweynaha sidoo kale kooxda amaanka waxay ku keenaysaa in ay bilaabaan ilduuf iyo in ay shaafalatayn waayaan socsocdka iyo dhaqdhaqaaqa barta madaxweynuhu ku suganyahay oo laga yaabo in badkeedu waynyahay. Dhextaal: Subscribe dheh youtube kayga siina wado aqriska https://www.youtube.com/channel/UC38mAZBASp4ksd7Pafu_OAw?view_as=subscriber Waxaan maalin maalmaha ka mid ah ka agdhawaaday meel uu imaanayey madaxweynaha dalku. Kor markaan uga jeedo waxaad isleedahay qof khalad galay ayaa laamaha amaanku ridridayaan oo hantaatiqinayaa oo xabsi loo wadaa waayo siday u ridridayeen madaxweynaha oo ay u hantaaturaynayeen, dadka dhan kabaha ayay iskaga istaagayeen. waxaan is lahaa maalinkaas ka hor madaxweynaha waxaa loo waardiyeeyaa si cilmiyaysan xaalkuse waa ka duwnaa sidii ii sawirneed oo madaxweynaha waxaa lala daba yaacayey silis, bunbooyin iyo qoryo aan is iri amaanku waa u furnaa xabaduhuna qudada ayay u yaaleen. Dadka qoryaha gacanta ku hayaa miyir malahan oo meesha waxaa yaacaya dad tiradii ka batay oo aan garanayn wax ay ahaayeen, qoryaha ay hayaan ma kontorooli karin ayaan is iri oo xanibku si uu u xirnaa ma hubo haddii qalab qalab yar dhacdana xitaa madaxweynuhu wuxuu ugu jiraa qoryohooda halis waayo haddii qof wada qori xabadi ku taagantahay haddii kacta looga istaago oo uu kufo boobaha uu sidaa in uusan beer reebayn shaki malahan. Dhammaan madaxda Soomaaliya saas ayaa loo waardiyeeyaa Dalku malahan macaahid lugu barto hab maamuuska iy baratakoolka, madaxweynihii talada yimaadaa wuxuu keensadaa koox uu ku kalsoonyahay kuwaasoo ku milma hay’adaha amaanka madaxtooyada iyo hab maamuuska illaa ay saaqaan. Waaxda hab maamuuska ee wasaaradda arrimaha dibaddu ma tayo badna ama ma noola waana halka ama albaabka laga soo galo wasaaradda arrimaha dibadda iyo guud ahaan wasaaradaha dalka. Aad ayuu u dabacsanyahay hab maamuuska iyo amaanka madaxda dalka guud ahaan waxayna madaxdu qatar ugu jirtaa dadka waardiyaynaya naftooda oo aan qaab xirfadi ku jirto u haysan hubka ay ku waardiyaynayaan madaxda, madaxda laftoodu marmarka qaar ayakaa abuura caqabad keenta isku dhexyaac iyo ilduuf badan. Gaban-gabo Madaxdu waa in ay abuuraan maamul hab maamuus aqoon u leh hawlaha hab maamuuska iyo baratakoolka. Xumbnaha maamulkaas waxaa laga keeni karaa safaaradaha ama waxaa la carbin karaa dhallinyaro hor leh. Marka madaxdu socdaalayso oo ay shaqo aadayso ama ay safar u baxayso waa in aad loo baabulaado oo aad laysugu duwnaado dadka baxaya ee madaxweynaha la yaacayana la yareeyo waayo dhib ayay ku keeni kartaa xitaa dadkaas yaacaya naftooda oo haddii la yiraahdo dadka madaxweynaha la socda magacyadooda iyo xilalka ay hayaan oo warqad ku qoran soo hor mariya waa culays intiisa la eg. Waa in madaxda maamul goboleedyadu iska daayaan haf hafta iyo habqan u socodka kabaha laysaga istaagayo markii madaxweynuhu dhaqaaq yar sameeyo. Ciidamada sita hubka muuqda sida bunbooyinka bannaanka saalootada ama qolka madaxweynuhu ku jiro ha joogeen ciidamada hubku u qarsoonyahayna madaxweynaha haku caawiyeen saalootada iyo qoka uu ku jiro xiliyada shirarka rasmiga ah. Qaraabada iyo xubanaha ururada madaxweynuhu xiriirka la leeyahay waa in laga jafo madaxtooyada la wadaleeyahay si loo sugo haybadda dawladnimada iyo maamulka suuban. W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam” Waxaad kala socon kartaa: https://www.facebook.com/HonImaam https://twitter.com/Fitah252 https://calicabdalla.blogspot.com/ AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo saaray liiska golihiisa cusub ee wasiirrda oo ka kooban 23 xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah. Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug. Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug. Sidoo kale liiskan waxaa kasoo muuqday Axmed Shire Falagle oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor, waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug. Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Halkan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran
  21. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay golihiisa wasiiradda. Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir waxaa ka soo dhexmuuqday Axmed Macallin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana haween ah labo. Hoos ka akhriso Liiska Wasiirada cusub ee Galmudug. Cabdi Maxamed Fiidow ayaa loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka. Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta. Axmed Macallin Fiqi, Wasiir Amniga Gudaha. Farxaan Cali Maxamed (Farxaan Cali Gaab) Wasiirka Maaliyadda. Maxamed Xaashi Dhoore, Wasiirka Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Daa’uud Maxamed Macallin, Wasiirka Dastuurka. Saabir Nuur Shuuriye, Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumeysiga. Siciid Siyaad Shirwac, Wasiirka Bay’ada. Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame, Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga. Axmed Dhiblaawe Casir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib Udhiska. Aadan Cismaan Xuseen Qorloolay, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe), Wasiirka Biyaha iyo Tamarta. Cabsiqaadir Macxamed Siciid Batroolka iyo Macdanta. Xasan Cabduqaadir Xuseen, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha. Xuseen Cabdulle Xasan, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. Axmed Shire Maxmuud, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Sahra Colaad Cabdi, Wasiirka Qurbajoogya iyo Dhiirogalinta Maalgashiga. Axmed-nuur Xaaji Cismaan, Wasiirka Beeraha, Dhirta iyo Daaqa. PUNTLAND POST The post Wasiirada cusub ee Galmudug oo la magacaabay iyo Xildhibaan Federaalka ah oo ka soo dhexmuuqday appeared first on Puntland Post.
  22. Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, bulshada kuwaaada wax heysatana looga baahanyahay inay is caawiyaan. Guddoomiyaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Cabdi Baari ayaa sheegay in tan iyo maqribkii caawa ay u joogeen istuudiyaha Radio Muqdisho xaqiijinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna bulshada kala la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in culimada iyo Madaxda Wasaaradda Diinta ay iska kaashadeen raadinta bisha barakeysan, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bilashada bisha Ramadaan, ganacsataduna ay shacabka u dhibriyaan. Sheekh Cali Wajiis oo ah lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Diinta ayaa sheegay in mowduuca la isugu yimid ay tahay in la sugo bilashada bisha Ramadaan, isla markaana dadaal badan lagu bixiyay sidii arrintaasi loo xaqiijin lahaa. Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qeybo badan oo dalka ka mid ah laga arkay bilashada bisha Ramadaan, isagoo intaa ku daray inay xiriiro la sameeyeen culimaa’udiin Soomaaliyeed, maalinta berita ahna ay tahay maalin soon. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Cabdicasiis Faaruuq ayaa sheegay in maqrabkii ilaa iyo hadda la wacayay gobolo kala duwan oo dalka ka mid ah, isagoo xaqiijiyay in beri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiin badan. Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ramadaan oo ku aadan beri oo Jimco ah, waxaana uu ganacsatada ugu baaqay inay afuriyaan walaalahood aan waxba heysan. “Ganacsatada waxaan ka codsaneynaa inay isu gar gaaraan oo ay gacan siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxaan rabnaa in gebi ahaanba la xiro goobaha shaaha lagu cabi jiray iyo maqaayadaha xilliyada maalintii la canteen jiray, Alle ha naga dulqaado dhibaatada cudurka, Ramadankan kiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo bash bash iyo Barwaaqo” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaysa saamaynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay habsami u socodka waxbarashada ayaa diyaarisay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 ku yeelanayo waxbarashada. Qorshahani oo lix bilood ah ayaa diirada saaraya sadex hadaf/ujeedo oo waaweyn oo kala ah: (1) Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka COVID-19. (2) Sidii loo sii wadi lahaa adeegga waxbarashada iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin. (3) Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada. Haddaba, fulinta sadexdaan hadaf/ujeeddo waxay gacan ka geysanaysaa yaraynta saameynta dhow iyo mida fog ee cudurkan ku yeelan karo habsami u socodka waxbarashada. Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka. Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa ku xukuntay shan askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland xabsi u dhaxeeya 10 sano illaa 12 sano. Askartan ayaa lagu helay dambi ah: awood sheegasho iyo laaluush qaadasho, iyadoo ay soo dacweysay gabadh muwaadinad ah oo kiiskooda dhibbane ka ahayd. Kiiska askartan iyo gabadha ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa. Source