-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jamaame ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen agagaarka magaaladaasi. Ciraaqi ayaa sheegay in deegaanada ay ka sameeyeen howlgallada ay qeyb ka yihiin Kobon iyo Araare. Sidoo kale wuxuu u jeedkooda ku sheegay inay yihiin kuwo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab looga saarayo halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolladaasi. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dhinacyada Falastiin iyo qaar ka tirsan Shacabka Falastiin ayaa cambaareeyey taxane riwaayad ah oo TV-ga Sacuudiga laga soo daayo, kaasi oo wax caadi ah ka dhigaya in xiriir lala sameysto Israel, oo xoog iyo si sharci darro ah ku qabsatay dhulka reer Falastiin. Taxanahan oo lagu magacaabo Umm Haauun, ayaa waxaa sii daaya Taleefishinka Sacuudiga ay lee yihiin ee MBC, oo fadhigiisu yahay Dubai. Umm Haaruun ayaa qeyb ka ah riwaayadaha iyo musalsalada habeen walba hawada ku jiro inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo bilaabatay Asbuucii hore, waxaana soo dhoweeyey oo qeexid wanaagsan ka bixiyey warbaahinta Yahuudda iyo Reer Galbeedka. Waxa uu ka sheekeynayaa kalkaaliso caafimaad oo Yahuud ah, taasi oo ay aad u jecel yihiin deriskeeda, sida taxanaha lagu muujinayo, maadaama ay tahay qof wanaagsan. Wuxuu sidoo kale muujinayaa Yahuudda iyo Muslimiinta oo si deris wanaag ah ku wada nool, oo xitaa qaarkood ilmahooda ay dhex-marayaan xiriir jaceyl. Musalsalka ayaa waxaa la muujinayaa in waqtigiisu yahay 1948-kii, xilligaas oo ahayd markii Yahuud badan ay ku noolaayeen dalalka Carabta, iyo markii Israel ay qabsatay dhulka Falastiin. Hazem Qassem, oo ah afhayeen u hadlay ururka Xamaas, oo ah kooxda xukunta marinka Gaza, ayaa sheegay in riwaayadaha TV-ga ay tahay inay ka tujumaan dadka iyo fikradahooda balse aysan aheyn in qaab kale laga dhigo. “Qaar ka mid ah riwaayadaha Carbeed ee la soo saaray sannadkan ma ixtiraamaan arrintaan, waxay faafinayaan fikrado dadka ugu yeerayo inay si caadi ah ula noolaadaan gumeysiga Israel lana jeclaado, waxayna isku dayayaan inay su’aal ka keenaan qadiyadda Falastiin,” ayuu Hazem Qassem u sheegay wakaaladda Wararka ee Anadolu. Qaasim ayaa intaas kusii daray “Israel waa cadow, waligeedna way sii ahaan doontaa cadowga koowaad ee wadamada Carabta”. Musab al-Braim, oo ah afhayeenka Xarakada Islamic Jihaad ee Falastiin, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey musalsalkaan laga sii daayo TV-ga Sacuudiga isagoo ku tilmaamay inay tahay “dharbaaxo taariikhi ah” oo ku dhacday dhammaan Carabta iyo Wadamada islaamka. Salama Marouf, oo ah madaxa Xafiiska warbaahineed ee dowladda ka talisa marinka Gaza, ayaa sheegay in ruwaayadaan laga sii deynayo TV-ga Sacuudiga ay muujineyso rabitaanka ah in wax laga badalo dareenka Carabta ay ka qabaan arrimaha Falastiin. “Baaqa ah in xiriir caadi ah lala yeesho Israel waa hoos u dhac xagga akhlaaqda iyo anshaxa, gaar ahaan marka uu baaqaas ka yimaado dalalkii iyo xisbiyadii ay aheyd in ay kamid noqdaan safafka hore ee kuwa u doodayo xuquuqda koowaad ee Falastiin” ayuu yiri. Saraakiisha Dowladda Sacuudiga weli ma aysan ka hadlin arrintaan dooda weyn ka dhex dhalisay dowladaha Carabta ee ku saabsan in dadka la jecleysiiyo Yahuuda.
-
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska James Swan oo looga hadlay munaasabadda maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3-da Maajo (May) ayaa lagu sheegay in xilliga lagu jiro doorashooyinka Soomaaliya ee qof iyo cod iyo la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, loo baahan yahay warbaahin firfircoon oo xor ah, taas oo awood u leh inay wararka u soo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhiimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid, waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” ayuu raaciyay. Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3-da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay “Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,” iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay suxufiyiinta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Iyadoo ay maanta ku beegan tahay maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka ayaa wakiilka QM ee Soomaaliya, Ambassador James Swan wuxuu ku baaqay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tahay in si madax banaani leh ay u gutaan howlahooda shaqo. Danjire James Swan ayaa sheegay in warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa banaan ay door muuqda ka qaadanayaan horumarka siyaasadda dalka, sidoo kalena ay cod u yihiin dadka danyarta ah iyo kuwa la kulmay xad-gudubyada. Sidoo kale ergeyga Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya ayaa soo jeediyey in lagama maar-maan ay tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay shaqadooda u gutaan, iyaga oo aan la kulmeynin xad-gudubyada hanjabaadda, xariga iyo caburinta. Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xilligan ku shaqeeya xaalado adag iyo duruufo dhanka ammaanka ah, waxaana gudaha dalka suxufiyiinta ay la kulmaan dil, xarig, hanjabaad iyo caburin, waxaana maanta oo ay ku beegan tahay maalinta xorriyada saxaafadda adduunka magaalada Muqdisho ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ku qabteen dibadbax ay uga soo horjeedaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan, gaar ahaan saddexdii sano ee la soo dhaafay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Al-Cadaala, gaar ahaan halka loo yaqaan Gumbacoole oo ka tirsan Kaaraan ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Kaaraan iyo kuwa Militariga. Sida aan xogta ku helnay, dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhashay muran ku saab dhul ku yaalla Degmada Kaaraan, waxaana weli halkaas ka taagan xiisad. Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimada Online, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Shacab ah, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro kale oo shacab ah oo la geeyey isbitaalada Muqdisho. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay Xaafadda Al-Cadaala. Ciidamada dowladda ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaalamay magaalada Muqdisho, ayaga oo kala taageeraya dad ku beel ah oo isku haystaan dhul ama guryo. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo Xukuumada cusub. Kulan ay Kismaayo ku yeesheen Baarlamanaka Jubbaland oo shir gudoominayay Gudoomiyaha Baaarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa Golaha laga hor akhriyey codsiga ka yimid Madaxwayne Axmed Madoobe. Kadibna Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha Jubbaland, waxaana ogolaatay 48 Xildhibaan, 2 mudane ayaa diiday, hal mudane waa ka aamusay, waxaana kulanka fadhiyey 51 mudane. Waa markii labaad oo Baarlamaanka Jubbaland ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga la soo dhisayo Xukuumadda cusub, waxayna tani ku soo aadaysaa iyadoo dhawaan ay heshiis gaareen madaxweynaha Jubbaland iyo golihii is beddel doonka ee mucaardka jubbaland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Jubbaland oo aqbaly codsi uga yimid madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi ka socda xafiiska R/wasaaraha oo siday daawooyin iyo qalab kale oo loogu talagalay ka hortagga Covid-19 ayaa gaaray magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa wafdigan garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland, waxaana qeyb ka ah xubno loogu talagalay inay soo darsaan baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi iyo la socodka xarumaha loo diyaariyey in lagu daryeelo dadka caabuqu uu soo rito . Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya kii afaraad ee deeq ceynkaan oo kala ah ka hela xafiiska madaxa xukuumaddda Soomaaliya oo kal hore u ballan qaaday maamulada gobolada in la siin doono wixii agab caafimaad ah oo lagu xakameynaayo Covid19. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Qareen Daahir Maxamed Cali oo ah qareen u dooda hay’adaha warbaahineed ee gaarka loo leeyahay iyo ururada saxaafadda ayaa waxa uu warqad cabasho ah u diray madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha. Cabashada qareenkaan ayaa ku qotonta tacadiyo kala duwan oo loo geysto saxaafadda xorta ah. Qareen Daahir ayaa sidoo kale cabashadiisa ku daray inaysan badqab uu haysto wariyaha iyo in laga gaabiyo difaaciisa waxa uuna xusay in saxaafadda xorta ah ay ka cabanayso helidda xogaha dowladda oo ay helaan iyaga oo faaf reeban. Maanta ayaa Soomaaliya waxaa laga xusay maalinta saxaafadda adduunka oo ku began 3-da May. Halkaan ka akhriso cabashada qareenka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aadan Yabaal ( Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaallka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe waxay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa dowladda Mareykanka. Ninkan, oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamuud Cumar, ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin uu qirtay inuu xogta iyo lamabarada xubno ka tirsan Al-Shabaab usoo diray sarkaal Mareykan ah oo ku sugan Xerada Xalane ee Muqdisho, kana tirsan hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Ma jirto cid xaqiijin karta in Yaasiin uu galay dambiyada lagu eedeeyey iyo qirashada Al-Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyey. Sida maxkamadda ay sheegtay, Yaasiin iyo sarkaalka CIA-da ayaa waxa aisku xiray sarkaal ka tirsan sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxkamadda Shabaabka, oo warkeeda ay baahiyeen warbaahinta kooxdan tagaeertay, ayaa sheegtay inuu Yaasiin soo qaatay qadandaraas la xiriira inuu keeno macluumaad dhameystiran oo lagu dili karo madax ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Shabeelada Dhexe, iyadoo loo ballan qaaday lacag badan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Yaasiin ay gacanta ku dhigtay isagoo gacanta kula jiro howlo basaasnimo ah. Al-Shabaab ayaa waqtiyo kala duwan dil ku fulisay rag ay ku eedeysay inay jaajuus u yihiin Dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyeye, inkastoo aan dadka loosoo bandhigin qaabka ay u dhacdo maxkamadeynta iyo dadka la eedeeyey oo qiranayo ama diidayo waxa lagu eedeeyey.
-
Tartanka bisha Ramadaan oo caawa galaya habeenkiisa 11-aad ayaa waxaa ku ballansan degmooyinka Dayniile iyo Xamar-weyne ee gobolka Banadir. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka B ee wareega koowaad tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Dayniile ayaa lugtii hore soo garaacday dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, halka Xamar-Weyne ay babaro la soo gashay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadior. Tartamayaasha kala mataya labada degmo ee barnaamijka caawa isaga hor imaan doono ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyeY. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Maaanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta xorriyadda saxafaadda caalamka, balse maanta waxaan la dhigeynin munaasabad, sababo la xariiro Coronavirus. Xoghayaha guud ee ururka qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa hambalyo u diray dhammaan suxufiyiinta iyo bahweynta warbaahinta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in munaasabadda maalintan ay ku soo aaday, xilli dalka uu ka dilaacay cudurka faafa ee Covid-19, islamarkaana aan la’isku imaan karin. Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale ku boggaadiyey wariyeyaasha Soomaaliyeed shaqada adag ee ay hayaan, isagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Safa-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-030520.mp3 View the full article
-
Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay’adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan. Sanadkii tegay ee 2019 waxa uu u ahaa warbaahinta iyo warfidiyeennada Soomaaliyeed mid cabsi badan, waxaa weeraro bartilmaameedsi ah lagu beegsaday 81 suxufi, 53 xabsiga ayaa loo taxaabay, 2 suxufi waa la dilay, 12 suxufina dalka ayay ka carareen kadib hanjabaado dil ah ay ku beegsadeen jilayaal kala duwan, waxaa la xiray 7 xarumo warbaahineed, in ka badan 15 goorna waxaa hor istaag lagu xaqa helista xogta iyo sharciga saxaafadda oo aan u daneyneyn saxaafadda, dhamaan qodobada kor ku xusan waxa ay yihiin kuwo xadgudub ku ah xuquuqaad dastuuri ah oo ay ahayd in mawaadiniintu xaq u leeyihiin inay helaan. Sanadkan keli ah, weriye Cabdiweli Xasan Cali (Online) oo ah suxufi madax banaan, ayaa 16 Febraayo ee sanadkan dabley hubeysan ku toogteen degmada Afgooye, 19 warfidiyeen xabsiga ayaa loo taxaabay, oo qaarkood laga tirtiray agabkoodii laga tirtiray shaqooyinkii ay soo qabteen, 4 suxufi waa la garaacay, labo warbaahin waa la mamnuucay iyo horjoogsi xaqa helista xogta oo saxafiyiin badan lagu sameeyay iyo handadaad lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta wax-ku-oolka ah waxa ay muujineysaa sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dagaalka ay kula jirto warbaahinta madaxa banaan. Hay’adaha metela warbaahinta madaxa banaan iyo suxufiyiinta waxa ay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinka qallafsan oo ay ku dowladdu ku dooneyso inay ku caburiso warbaahinta iyo suxufiyiinta safka hore kaga jirto tebinta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, iyadoona hor istaag ku sameyneysa qulqulka iyo helista xogta. Waxaan aaminsanahay in doorka warfidiyeenada iyo suxufiyiinta oo lagu qeexay dastuurka Federalka KMG ah uu yahay inay ku wargeliyaan shacabka xogaha daruuriga ah ee saameynta ku leh noloshooda oo ay ku jirto helista xogta iyo baahinta wararka la xiriira cudurka Korona. Anagoo ugu baaqeynaa dowladda Federalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah inay si deg deg ah u joojiyaan dhamaan hanjabaadaha, cagajugleynta, xarigga iyo gabood-falkada ka dhanka ah warfidiyeenada, ayaan haddana, anagoo mareyna qareenkeena waxaan warqad cabasho oo rasmi ah oo qeexeysa tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta iyo suxufiyiinta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isul Wasaare Md. Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Haddii dowladdu dhegaha ka fureysato cabashadeena, ma jiro doono waddo kale oo noo furan oo aan ahayn in aan cabashadeena u gudbino Maxkamadaha awoodda u leh. War-murtiyeedka waxaa wada saxiixay: Somali Media Association (SOMA) Somali Independent Media Houses (SIMHA) Federation of Somali Journalists (FESOJ) Somali Women Journalists Organization (SWJO) Somali Journalists Syndicate (SJS) Source: goobjoog.com
-
Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Mesut Ozil ayaa gargaar loogu talo galay bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa uu ka qeybin doonaa meelo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ugu deeqay 713,000 oo lacagta Turkish lira ah oo u dhiganta 101,000 oo dollar hay’adda Bisha Cas ee Turkiga si uu uga qeyb qaato ololaha gargaarka muslimiinta bisha barakaysan ee Ramadaan. Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in afur lagu siiyo 16,000 oo qof oo ku nool dalka Turkiga, inta lagu guda jiro bisha Ramadan, sida ay sheegtay hay’adda Bisha cas ee Turkiga. Qoysas ku kala nool Turkiga iyo Syria ayaa sidoo kale 2,000 oo xirmo oo gargaar ah ka heli doona deeqda ciyaaryahan Ozil, halka 90,000 oo xirmo oo afur ah laga qeybin doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sida ay daabacday wakaaladda Wararka ee dalka Turkiga. Kerem Kinik oo ah Madaxa hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa xiddigan ka ciyaara yahay magaalada London uga mahad-celiyey deeqdan, waxaana uu yiri: “Waxaan qeybin doonnaa xermooyinka gargaar ee uu ku deeqay walaalkeey Mesut, waxaana u gaarsiin doona dadka loogu talo-galay sida ugu macquulsan uguna dhaqsiyaha badan.” Mesut Ozil ayaa asal ahaan ka soo jeeda Waddanka Turkiga oo uu deeqdan soo gaarsiiyey, inkastoo uu ku dhashay kuna barbaaray dalka Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) joins the rest of the world in celebrating 2020 World Press Freedom Day which is being commemorated under unusual and extremely difficult circumstances due to challenges and hardships stemming from COVID-19 pandemic. Albeit the terrible conditions, and the threat to health and safety, hundreds of journalists and other media workers across the country have continued to serve on the frontline to ensure the people are informed and educated about the dangers of COVID-19. Following the imposition of the curfew in Mogadishu, NUSOJ made representation to the government and secured classification of journalists and news media organisations as key/essential service providers who are exempted from the curfew restrictions. NUSOJ salutes these men and women in the media who have shown amazing resilience and exemplary commitment in the fight against Coronavirus. The union calls on the government, regional authorities and media owners to guarantee the provision of safe and healthy working conditions for journalists and other media workers who are on the frontline. The theme of this year’s World Press Freedom Day, “Journalism Without Fear or Favour”, is not only apt but also timely. NUSOJ is saddened to observe a climate of extreme fear within journalists’ community as attacks on journalists through killing, arbitrary detention, malicious arrests, prosecution or brutal physical assaults, arbitrary confiscation of equipment negatively impact on their ability to gather and objectively impart information without fear or favour. From January this year to 3 May, NUSOJ documented 13 wanton acts in Mogadishu, Baidoa, Afgoye, Bule Burte, Garowe, Galkayo which have a chilling effect on journalists. Such painful acts are aimed at silencing critical journalists and keeping the citizenry under control and perpetual fear. The journalists are attacked for simply discharging their professional duties, or expressing their views through the mainstream or the social media channels. In recent weeks, journalists find themselves in the dock often on trumped up charges under Somalia’s outdated and draconian Penal Code as an attempt to silence journalists that are critical of the authorities or government officials. These uncalled for and uncorroborated accusations are envisioned to coerce, criminalise and threaten journalists and their news media organisations. The criminal accusations are further aimed at instilling self-censorship among independent journalists and above all, to stifle and suffocate press freedom. “You cannot be talking about freedom of the media, while at the same time harassing and arresting journalists seen to be critical or offensive on obstinately bogus charges,” NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman alarmed. “Reporters doing their journalistic work must not be regarded as criminals”. NUSOJ fears that the police and judicial authorities will use the criminal allegations to justify their actions to intimidate, harass, arrest, assault and fabricate further charges against journalists, and as a result scare the media from giving comprehensive coverage to fight against global pandemic COVID-19. Since 2019 World Press Freedom Day, the Federal Government of Somalia has made a number of very positive pledges and took concrete actions against errant soldiers when it comes to press freedom and the fight against impunity. “With just a few months ahead of almost unprecedented national elections and amid a worldwide sanitarian crisis, Somalia is at a turning point of its History. No one can now deny that reliable and credible information is more important than ever and that it should be the cornerstone of a society. As press freedom is still under significant threats in Somalia with journalists being killed or arbitrarily arrested way too often, RSF is advocating for new significant reforms to be implemented as soon as possible. The federal government and the president have demonstrated willingness to fight against impunity for the crimes committed against journalists,” said Arnaud Froger, Head of Africa Desk at Reporters Without Borders (RSF). “They now have a huge responsibility to continue on this path. Reducing the level of exactions against media professionals and breaking the cycle of violence can only be achieved with significant reforms. A national mechanism dedicated to the safety of journalists and a moratorium on arrests of journalists in the course of their duty until a new and more protective media law is adopted are a way forward. Low ranking in the Press Freedom Index as Somalia has been used to for many years is not inevitable. It is not a matter of fate. It is essentially about political will and strong commitment to establish long-lasting solutions in favour of press freedom. It is within reach,” emphasised Froger. “The Federal Government should ensure that the criminal justice system is not used to harass or intimidate journalists. We cannot hope to make human rights protection truly a national priority without an end to organised judicial harassment of journalism and attacks on media freedom” added Osman. NUSOJ is calling for: All existing criminal charges levelled against journalists should be dropped. All laws (Somali Penal Code) criminalizing journalism and freedom of expression should be struck off the law books. Draft Media Law is draconian and must not be signed into law. People should have access to information, and access to information law should be enacted. View the full article
-
Seoul (Caasimada Online) – Ciidamada Korea-da Waqooyi iyo kuwa Korea-da Koonfureed ayaa Axaddii rasaas xooggan isku weydaarsaday xuduudda labada dal, sida uu sheegay militariga Korea-da Koonfureed. Militariga Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kuwa Waqooyi ay rasaas kusoo fureen bar kontorool oo cidankooda ay ku sugan yihiin, kadibna ay jawaab ka bixiyeen. Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo weriyey dhanka Korea-da Koonfureed, sida uu sheegay militariga dalkaas. Weli wax war ah lagama hayo dhanka Korea-da Waqooyi. Xudduuda 250-ka km teedsan ee labada dal ayaa ah tan ugu ciidanka badan caalamka. Korea-da Koonfureed ayaa waxa ay sheegtay inay xiriir la sameysay Koreada- Waqooyi, iskuna dayeyso in laga hortago in xiisadda ay kasii darto. Rasaasta la is-weydaasarday ayaa timid maalin kadib markii Korea-da Waqooyi ay ku warrantay in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu bulshada kasoo dhex muuqday kadib toddobaadyo ay jireen warar ka dayrinayey xaaladdiisa caafimaad. Xuduudda labada Korea ayaa waxaa ka buuxa miinooyin, goobo ilaalo, xeendaabyo, waxaana ku sugan qiyaastii laba milyan oo ciidan oo labada dhinac ah, kuwaas oo daqiiqad kasta diyaar u ah dagaal. Labada dhinac ayaa dhowr mar rasaas isku weydsarsaday xuduudda, sanadihii tegay. Labad Korea ayaa farsamo ahaan waxaa weli ka dhaxeeya dagaal kadib markii Dagaalkii Korea ee 1950 ilaa 53-kii lagu hakiyey xabad joojin, balse aan la saxiixin wax heshiis nabadeed ah. Iska hor-imaadkii ugu darnaa ayaa dhacay 2010, markii oo Korea-da Waqooyi ay gantaallo ku garaacday xuduudda Korea-da Koonfureed, halkaasi oo ay ku dileen laba askari iyo laba qof oo shacab ah, ayada oo Korea-da Koonfureed ay jawaab ka bixisay.
