Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,463
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta ku dhalisay in isagoo Xildhibaan Qaran ah uu ka mid noqdo wasiirada maamulkaasi. Fiqi ayaa warsaxaafadeed ka kooban laba bog oo uu soo soo saaray wuxuu ku sheegay in marka uu qiimeyey dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka uu go’aansaday inuu la sinmo dadkiisa, una adeego markale. Sidoo kale Fiqi ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Qoor-Qoor uu ka dalbaday inuu la dhiso Galmudug mid ah, si looga gudbo khilaafaadka la dagay maamulkaasi. Halkaan hoose ka aqriso:- WARSAXAAFADEED GO’AAN & GARASHO Ramadaan Kariim Warsaxaafadeedkan waxaan jeclaystay inaan jawaab uga dhigo fariimo badan oo iga soo gaaray asxaabtayda iyo taageerayaashayda siyaasadda ee maqlay inaan dib ugu laabanayo Galmudug (Deegaankaygii) kuwaasoo qaarkood rumaysan waayey,, qaar kale ay ku faraxsan yihiin, qaar u badan reer Galmudugna ay rajo iyo yididiilo badan ku abuurtay. Dhammaan fariimahaas isugu jira; welwelka, shakiga iyo farxaddaba waxey ii muujiyeen In aan dadkaas agtooda karaamo iyo qiimo ku leeyahay, waana uga mahadcelinayaa. Walaalayaal Muqdisho haddii laga shaqeeyo iyo haddii laga hawlgalo Galmudug labaduda waa dhulka JFS waana laba deegaan oo aan midna ku dhashay midna ku koray waxna ku bartay iguna wada weyn, labada heer maamul ee Federaalka iyo dawlad goboleedkana midna waa deegaan doorashadaydii, midna waa xarunta qaranka Soomaaliiya oo goobtayda shaqada ahayd, labada heerba inaan isku qeybiyo kana shaqeeyo waa waajib i saaran oo aan sina iiga hareyn. Xilka xildhibaanimada ee la ii dhaariyey 27 December 2016 oo qiyaastii ay ka soo wareegtey saddex iyo bar sano, waxaan ku matali jirey qaranka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan ku ilaalin jiray dastuurka iyo shuruucda dalka, iima ahayn xilku mid aan danahyga gaarka ah ugu shaqaysto, waxaan ahaa udoodaha, difaacaha iyo garabka kuwa garabka u baahan, kuwa magaca dawladnimada lagu dulmiyo iyo sidoo kale Ilaaliyaha xuquuqda & xorriyaadka aasaasiga ah ee dastuurka dalku uu damaanad qaaday, dadka Soomaaliyeed iima kala soocnayn, xukuumada iyo madaxda dalka meelo aan ku taageeray oo aan isku mawqif ka ahayn ayaa jirtey sida arrimaha taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka, iyo faragalinno dawladaha qaarkood ay ku kacayeen. Ma ahayn ruux ka aamusa dulmiga ama u sacaba-tuma, arrinkani waa mabda’ aan aaminsanahay. Waxaan ku faraxsnahay in damiirkaygu uu caafimaad qabo oo aanan maanta isuciil-kaambinayn ilduuf mawaaqif ama waxyaalo aan is leeyahay waa kaa hoos baxeen mudadaas. Hordhacaas ka dib, waxaan bilihii la soo dhaafay ku sugneyn aniga iyo saaxiibaday qaar ka mid ah Galmudug, waxaan socdaal ku tagnay deegaanno badan, waxaan qeyb ka noqonnay hawlo dibuheshiisiin siyaasadeed oo halkaas ka dhacay, annagoo fadhiyo taxane ahaa la qaadannay hogaamiyaha Galmudug Md. Axmed Qoorqoor oo aan casuumaadiisa ku tagnay caasimadda Galmudug, waxaa inoo soo baxdey in siyaasiyiinta iyo maalqabeenka ka soo jeeda Galmudug ay ka gaabiyeen xaqqii uu ku lahaa deegaankaas, ayadoo ay ka soo hijroodeen dadkii aqoonta lahaa iyo kuwii maalka heystay (Ganacsatadii), uuna noqday deegaan xasilooni-darro maamul la deris noqday, horumar la dareemi karaana uusan ka jirin. Galmudug dhibaatooyin amni oo baaxad leh ayaa maansheeyey oo ay ka mid yihiin; in weli qaab beeleed la isku dilo, isbaarooyin socotada lagu dhibaateeyo in meelaha qaarkood la dhigto, dhul-weyn oo gobolada Mudug iyo Galgaduud ka mid ahna ay xoog ku haystaan kooxaha argagixisadu, meelaha qaarkood waxaa gabaad ka dhigta kooxo burcad & aragagixiso isugu jira oo dad ajnabi ahi u afduuban yihiin, meelaha qaarkood mashaariicdii horumarinta waxaa is-hortaag ku sameeya maleeshiyaad hubaysan oo sidaas caqabad ugu noqda horumarkii, hey’adihii iyo dawladihii caawin lahaa bulshada Galmudug waxa ay la tagi la’yihiin halkaas cabsi ay ka qabaan amaankooda, waxaa jira kooxo meelo kale laga soo abaabulo oo falal xasiloonida iyo horumarka liddi ku ah mararka qaar ku kaca, intaas iyo in kale markaan qiimeeyey waxaa qasab noqotay in meeshii loo arkayey in ay sarrayso aan hoos uga soo dego ayna ii ekaatay inaan la sinmo dadkayga, la qeybsado dhibaatada, ololaha iyo hawsha duruuftaas argagaxa iyo cabsida leh wax looga qabanayana aan kaalinta igu aadan ka qaato, anigoo geediga cusub ee dib ugu noqoshada Galmudug hormuud ka noqonaya. Madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Qoorqoor waxaa nooga muuqday tilmaamo hogaamineed oo ku yaraa maamuladii dalka ama deeganadaas soo maray, oo ay ugu weyn tahay inuu raadinayo maamul talo-wadaag ku dhisan, dadkiisana ka dhexeeya. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan Galmudug la dhisno halkaasna ay saldhig noo noqoto. Annagoo ugu danbayn go’aansannay wadatashi dheer ka dib in aan aqbalno codsigaas, isuguna gayno awoodayada, waaya-aragnimadayada iyo aqoon waxaan leenahayna in aan dul dhigno Galmudug, kana mid noqdo adeegayaasha u horseedi doona bulshada ku nool halkaas horumar waara iyo nabad buuxda, midnimada dalka iyo soo celinta heybaddii dawladnimo ee Soomaaliyana udub dhexaad u noqda sidii lagu yaqiiney.. Waxaa la isweydiin karaa mawaaqiftiisii adkayd iyo tiimkiisii siyaasadda, ma jiraan wax iska kay bedelay ee kaliya waxa igu soo kordhay xil kale, carro-gedisasho cusub iyo aaggii aan ka hawlgali jiray oo isbedelay. mabaadi’da iyo qiyamka qof aaminsan yahayna ma ahan wax guurguura ama isku bedel-bedela isbedelka cimilada, deegaanka iyo xilka. Reer Galmudug nooc kasta oo ay leeyihiin, meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay “Lama huraan waa halkii laga yimid iyo Galmudug, dhankaygana way ka bilaabatay” ma jiro horumar ka imaanaya meel cidlo ah, deegaan walbaana qiimihiisu wuxuu le’eg yahay inta ay le’eg yihiin dadka waxgalka ah ee ka shaqaynaya horumarkiisa. إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ ۚ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi
  2. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: Covid-19 update – 24 April 2020 NAIROBI, Kenya, April 24, 2020/ — The 16 positive cases were picked from communities by our surveillance teams; eleven (11) in Nairobi and five (5) in Mombasa. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. Qaran News
  3. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Notification Note on COVID-19 Situational Update (24 April 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, April 25, 2020/ — The total laboratory tests conducted within twenty-four hours are 933; of this one (1) of them is confirmed positive for COVID-19 and the total confirmed cases as of today are one hundred seventeen (117). Additionally, four (2 from Addis Ababa and 2 from Bahir Dar) people recovered from the virus making the total number of recoveries twenty-five (25). The Details of today’s case is presented below: S. NO Citizenship Residence Age sex Travel history of abroad Contact with confirmed case 1 Ethiopian 60 Female She has travel history from England and is in mandatory quarantine – COVID-19 Situational Update as of today Total laboratory test conducted 11,669 Laboratory tests conducted within 24 hours 933 Number of confirmed cases within 24 hours 1 Total patients of COVID-19 in the treatment center 87 Patients in intensive care 0 Newly recovered 4 Total recovered 25 Total deaths 3 Returned to their country 2 Total confirmed cases as of today 117 Amongst 1898 laboratory tests that were conducted over the past two days only one person was confirmed positive. However, it should be noted that this does not indicate that the spread of the disease has reduced or that there are no cases in the community. Those tested and identified as having the virus have been identified mainly from mandatory quarantine and some who have had close contact with people who have been diagnosed with the virus. Therefore, The Ministry of Health and Ethiopian Public Health Institute would like to advise the public if any person had contact with confirmed COVID-19 patient should immediately call 8335 or 952 or report to the regional toll free lines or to the nearby health facilities. Furthermore, the public is advised to strictly adhere to all precaution measures including avoiding mass gatherings, wash hands with water and soap and maintain physical distancing. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  4. Xildhibaaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay in wasiir looga magacaabay maamulka Galmudug isaga oo arrinkaasi si weyn u soo dhoweeyay. Saabir Shuuriye ayaa sheegay in markii ay wadatashi la sameeyeen bulshada kala duwan ee reer Galmudug ay g’aansadeen inay lixaadkooda isugu geeyaan sidii dadka iyo deegaanka Galmudug loo gaarsiin lahaa hormar. “Kaddib markii aan dib u fekernay oo aan la tashiyo baaxad weyn la sameynay dadkii reer Galmudug qaybahooda kala duwan, waxaa innaga iyo iyaguba wada guddoonsanay in aan u soo gacan bannaano arimaha Galmudug isla markaasna aan lixaadkeena isugu geyno horumarka dadka iyo deegaanka Galmudug oo aan aaminsanahay inaan ka miro dhalin karno hamiga dadka reer Galmudug inshaa’allah” ayuu yiri Saabir Nuur Shuuriye. Dhanka kale Saabir Shuuriye ayaa ka dhawaajiyay in talo uu isaga iyo Xildhibaan Fiqi u soo jeediyay madaxweyne Qoorqoor ay noqotay mid lagama maarmaan ah taas oo ahayd in labaduuduba ay federaalka uga soo xuubsiibtaan dowlad gobleedka Galmudug. Waxa uuna markale yiri “Jawaabta ii soo baxaysay waxa ay ahayd in ay lagama maarmaan tahay in Galmudug ay baahi weyn u qabto labeenteeda rag iyo dumarba in ay dib ugu soo laabtaan si loo samata bixiyo dadka reer Galmudug. Ileen talo rag kama dhammaatee waxa ay talo ka maarmi weyday in madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye “Qoorqoor” uu inoo soo bandhigo hindise aniga iyo saaxiibkey Axmad Macalin Fiqi iyo intii kale ee dib nooga soo biiri kartaba in aan ka qayb noqono dadaalka laba-kacleynta Galmudug taas oo ah in aan Federaalka uga soo xuubsiibano dowlad goboleedka Galmudug”. Ugu dambeyn Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa Alle ka barayay in uu ku guuleeyo howsha loo igmaday. “Ugu dambeyn, waxaan Alle ka baryayaa in uu nagu guuleeyo hawsha cusub hadana culus ee dadka iyo deegaanada Galmudug aan u qaadnay. Waxaan sidoo kale u baahanahay ducadiina, taageeradiina iyo in aad nagala qaybqaadataan hawsha culus ee na loo dhiibay” ayuu hadlkiisa ku soo gabagabeeyay Saabir Nuur Shuuriye. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye u magacaabay wasiirka dekadaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale saaka magaalada Muqdisho dib uga bilowday banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda 2 qof oo rayid ahaa ugu geystay degmada Boondheere ee G/ Banaadir. Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya dadweyne fara badan oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo ka careysan toogashadii xalay ka dhacday isgoyska Jubba. Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah askarta dowladda, iyaga oo sidoo kale taayaro waa weyn ku gubaya jidadka Shangaani iyo Boondheere. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo aad u careysan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaalada horkeento askarigii ka dambeeyey toogashadaasi. Dhinaca kale taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay askariga dilka geystay oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka, kaas oo lagu magacaabo D/Le Booliis 26869 Xasan Aadan Xasan, islamarkaana ah 24 sano jir. Eedeysanaha ayaa waxaa loo heystaa dilka labadda ruux ee kala ah Marxuumad Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheyd iyo Marxuum Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ahaa. Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa tan iyo xalay kacsaneyd, kadib markii labadaasi qof oo u hoggaansamay bandowga habeenkii ah lagu dilay afaafka hore ee hoygooda, taas oo dhalisay carada dadka weli dibadbaxa ka wada degmooyinka Shangaani iyo Boondheere.
  6. (SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dowladood. Xasan Cali Khayre iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah. Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telefoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19. Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xidhiidhka iyo wax wada qabsiga uu ka dhexeeyo Soomaaliya, waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19. Source
  7. (SLT-Diridhaba)-Galinkii dambe ee shalay ayaa magaalada Diridhabe waxaa ka da’ay Roob xooggan oo khasaare naf iyo maal ah gaystay. Roobkan oo saacado badan da’ayay ayaa dilay 2 carruur ah sidoo kalena dumiyay guryo dhawr ah. Dhibaatada uu roobkan geystay ayaa waxay usii dheer togga wayn ee Ashawa ee dhex mara magaalada oo soo fatahay kaddibna khasaare badan gaystay. Magaalada Diridhabe ayaa maalmahan waxaa ka da’ayay roobab u badnaa wixii duhurka ka dambeeya, balse roobkii shalay ayaa ahaa mid ka duwan roobabkii maalmahan ka da’yey magaalada. Source
  8. Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga. Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub. Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus. “Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur. Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga diiwaan galiyay kiisas kor u dhaafaya 300 oo COVID-19 ah sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay dable booliis Xasan Aadan xasan kaas oo xalay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir ku dilay labo qof oo shacab ahayd. Dilka marxuumiintaas ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ka dhaga adeekeen dadka geeriyooday inay guryahooda ku xaroodaan iyaga oo markaasi ku andacoonayay inay joogaan bannaanka guryahooda, waxaana intaas ka dib rasaas uu furay dable booliis Xasan Aadan Xasan ay sababtay geerida Allaha uwada naxariistee Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ahaa iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17-jir ahayd. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi geeriyooday xalay lagu dilay hoygooda inkastoo dhacdadaasi ay ka soo kala baxayaan warar kala duwan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bandowgii saarnaa magaalada laga soo hormariyay waqtigiisa bilawga bisha barakeysan ee ramadaan waxaana ay tilmaamtay in bandowgu uu bilaaban doono 7:00 fiidnimo taas oo dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ay walaac xoog leh ka muujiyeen. Waxaa isi soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan go’aanka ay waqtigiisa uga soo hormariyeen bandowga xilli la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan oo maanta 2 ah. Xalay waxaa shacabka ku dhaqan degmada Boondheere ay dhigeen dibadbaxyo ay uga soo hor jeedeen dhacdadii ay ku waayeen Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo degmadaasi degannaa. Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya xilli shacabku ay aad uga xumaadeen bandowga fiidkii ah iyo bisha ramadaan oo ay dowladdu isku soo beegtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Hay’adda cunada adduunka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ku dhowaad 20 Milyan oo ruux oo ku nool dalal ay ku jirto Soomaaliya ay haatan wajahayaan cuno yari baahsan. Warbixinta WFP ayaa waxaa lagu xusay in Malaayiintaasi ruux ee wajahaya cuno yarida baahsan ay ku kala noolyihiin wadamada Somalia, Ethiopia, South Sudan, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Djibouti iyo Eritrea oo uu dhammaantood ka jiro Corona. Sidoo kale warbixinta hay’adda cunada aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in dalalkaasi dhaca geeska Africa uu saameyn xoogan ku yeeshay Coronavirus, sidoo kalana ay ka soo kabanayaan abaaro iyo fatahaado ku dhuftay dalalkaasi sanadkii hore ee 2019-kii. Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in ay kordhaan dadka cunada yarida wajahaya, islamarkaana ay gaarto illaa 50 Milyan oo ruux, sababo la xiriira saameynta cudurka faafa ee COVID-19 uu ku yeelan karo howlaha gurmadka ee loo fidin karo Malaayiintaasi ruux ee haatan u baahan gargaarka bani’aadanimo. Hay’adaha gargaarka ayaa horay uga digay in dadka ku barakacay gudaha dalka ay noqon karaan kuwa ugu nugul inuu ku dhex faafo cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, maadaama aysan jirin wacyi-gelin toos ah oo ay helaan dadka barakacayaasha ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka, waxaana hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka iyo dowladda dhexe ay sameynayaan wacyi-gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta uu u geysan karo cudurkaasi. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee wadanka Uganda Richard Karemire ayaa ka warbixiyey weerarkii is-miidaaminta ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay qarxiyeen labo baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhufay in ciidamadu ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Afhayeenka ciidanka milatariga dalka Uganda ayaa intaasi ku daray in uusan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray weerarkaasi ku bilowday is-miidaaminta. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in haatan heegan buuxa la galiyey ciidamada jooga saldhigaasi, si ay isaga ilaaliyaan weeraro kale oo lagu soo qaado Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Al-Shabaab ay baahisay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiisay weerarkii ay ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee ku yaalla garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee gobolka Sh/ Hoose.
  12. “All of my friends who have met him still love him. He has made a huge impact on them just from that one day they saw him.” Source: Hiiraan Online
  13. The UN’s International Organisation for Migration (IOM) estimates that so far in April "over 2,400 migrants" have been returned from Djibouti to Ethiopia, said Yvonne Ndege, an IOM spokeswoman. Source: Hiiraan Online
  14. Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa bogaadiyay Heshiisyada laga gaaray khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii Jubaland iyo Galmudug. War-murtiyeed xalay ka soo baxay xubnahan, oo uu warbaahinta u akhriyay xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed, ayaa lagu bogaadiyay Heshiiskii Siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasi oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug February 2020. War-murtiyeedka, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkii ka horjeeday, Heshiiskaas oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii bishii Agoosto 2019 ka dhacday dowlad goboleedka Jubaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe. Sidoo kale, xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada mucaaradsan ugu baaqday in ay wixii khilaafaad dhexdooda ah ku dhammeeyaan wada-hadal iyo isu-tanaasul. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xildhibaano heer Federaal ah oo taageeray Heshiisyadii ka kala dhacay Galmudug iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood. Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah. Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19. Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19. View the full article
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanka ku soo dhigeen askari xalay laba qof oo shacab ahaa ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga la qabtay uu si bareer ah u toogtay labadaasi qof, islamarkaana la soo taagi doono maxkamad. “Ciidanka Bolsika saldhiga degmada Boondheere waxeey gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan isla Booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo xalay laba qof oo shacab ah si bareer ah ugu toogtay isgooska jubo.” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska. Dilka loo geystay labada qof oo dhacay xala fiidkii ayaa sababay dibadbax ay magaalada Muqdisho ka dhigeen boqolaal shacab ah oo ka careysnaa toogashadaasi. View the full article
  17. Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa xalay ku loolamay barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka A is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Tartamayaasha kala matalayey Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa sidoo kale muujiyey dadaal badan, waxaana ay galeen bar-bar dhac, si la mid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo habeen hore lagu daah-furay barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle. Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay la timid dhibco gaaraya sideed, halka degmada Howlwadaag ay si la mid ah iyana keensatay sideed buundo. Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa u dambeeyey Group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoona la guda geli doono Group-ka B oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo, iyadoona caawa lagu bilaabi doono degmooyinka kala ah, Heliwaa iyo Xamar-Weyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka. Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan. “Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-25042020.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale Ra’iisul wasaara Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait ayaa ka wada hadlay xaaladda uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee COVID-19. “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida Kuwait ay Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta saf-marka ah ee Covid 19.” ayuu lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Khayre ayaa sidoo kale ka dalbaday Kuwait inay ka gacan siiso la dagalaanka cudurkan oo ah mid safmar ah, islamarkaana dhibaato ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Al-Sabaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa ay ka caawin doonto mida Muqdisho xakameynta Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, waxaana horay deeqo kala duwan ay uga heshay wadamada Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
  21. Hay’adda Iskaashiga u qaabilsan waddanka Turkiga ee magaceeda loo soo gaabiyo TIKA ayaa Jimcihii shalay shaacisay in ay kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo ku nool waddanka Jabuuti Qoraal ka soo baxay TIKA ayaa lagu sheegay in hay’addu kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo sabool ah kuwaas oo ku nool dalka Jabuuti inkastoo aysan faahfaahin ka bixin noocyada ay ka koobnayd kaalmadaas. Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in mucaawinadaas banii’aadanimo ku soo beegmatay xilli uu waddanka Jabuuti ku sii fidayo xanuunka COVID-19 kaasi oo saamayn xooggan ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee Reer Jabuuti. Jabuuti oo kamid ah dalalka Geeska Afrika waxaa si xawliya ugu faafaya xanuunka Coronavirus kaas oo haatan maraya 999 kiis sida laga soo xigtay wasaaradda Caafimaadka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Hay’adda TIKA oo Kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan 1000 Qoys oo ku nool jabuuti appeared first on Puntland Post.
  22. Saudi Arabia is to abolish flogging as a form of punishment, according to a legal document seen by media outlets. Source: Hiiraan Online
  23. According to the Africa CDC there are now more than over 17,700 confirmed Covid-19 cases with over 900 deaths across 54 African countries. Many countries in this region have introduced lockdowns and strict containment measures seen across Europe to slow the spread of the virus. Source: Hiiraan Online
  24. Like most countries around the globe, Somalia finds itself in the throes of the COVID-19 pandemic. The number of known infections has risen dramatically in the last weeks. Sweeping public restrictions have followed suit in a bid to curb the spread of the disease. Source: Hiiraan Online
  25. IN THE FIRST FOUR months of this year, U.S. Africa Command has conducted more airstrikes in Somalia than it did during all of Barack Obama’s eight years in office. Source: Hiiraan Online