Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,463
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta mooshin culus ka gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Illaa 69 mudane ayaa saxiixay mooshinka, kuwaas oo eedeymo kula duwan u jeediyey guddoomiyaha. Xubnaha mooshinka keenay ayaa sheegay in guddoomiye Barre uu jabiyey Dastuurka u yaalla HirShabelle, sidoo kalena uu sameeyey ku takrifal awoodeed. Halkaan hoose ka aqriso: View the full article
  2. Mas’uuliyiinta hay’adda Hormuud foundation oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadleen doorka muuqda ee ay shirkadda ka qaadatay ka hortagga iyo taageero siinta sida loo xakameyn karo faafista cudurka Coronavirus ee haatan dhibaatada ku haya caalamka, gaar ahaan Soomaaliya. Guddoomiyaha hay’adda Hormuud Telecom Foundation, Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa wuxuu ka hadlay sida ay shirkadda safka hore ugu jirto gurmadka wax looga qabanayo sidii sameynta xanuunka keenay loo yareyn lahaa. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in illaa iyo 20 kun oo qoys oo danyar ah ay Hormuud u qoondeysay inay ku caawiso dhaqaale lagu Afurinayo bisha barakeysan ee Ramadaan, gaar ahaan qoysaska uu hooseeyo dhaqaalahooda. Ugu dambeyn Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyed inay is caawiyaan inta lagu guda jiro bisha bareysan ee Ramadaan. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-250420.mp3 View the full article
  4. (SLT-Muqdisho)-Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo Dil laba Ruux loogu geystay Muqdisho iyo Bandooda saaran Magaaladaasi. Dadweynaha Mudaharaadka sameeyayna ayaa taayiro ku gubay Jidadka Magaalada Muqdisho qaarkood, gaar ahaan Jidka Daljirka dahsoon iyo meel kale, iyagoo ka cabanaya Dil Xalay Magaalada loogu geystay Laba Qof, kuwaasi oo dalkooda uu geystay Askari ka tirsan ciidammada Booliska ee Saldhigga Boondheere ee caasimadda Muqdisho. Labada Qof Muqdisho ku Geeriyooday ee dhimashadoodu dibed-baxa sababtay ayaa waxay kala yihiin, Madiino Cabdillaahi Cabdi 17 jir ahayd iyo Marxuun Xasan Cali Cadaawe 24 jir ahaa. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo la hadlay dadka dibad-baxa sameynayay ayaa si gaar ah uga hadlay Bandooga saaran Muqdisho waxaanu yidhi “Arinta xad gudubka ku ah dadka reer Muqdisho ee bandawga la saaray go’aan ayaa ka soo bixi doono idinka ayaa idinku matalaa gobolka Banaadir ee iskama joogno “ Dhanka kale, Taliska Ciidammada Booliska ayaa soo bandhigay Askariga riday Rasaasta ay labada qof ku Geeriyoodeen. Taliska ayaa Askarigan oo la xidhay Magaciisa ku sheegay Xasan Aadan Xasan, isla-markaana uu ka tirsan yahay Ciidammada Booliska ee degmada Boondheere Source
  5. (SLT-Jabuuti)-Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Kumanaan Itoobiyaan ah Dalkooda dib ugu celisay Toddobaadyadii u dambeeyay. Qaar ka mid ah Dadka Jabuuti ku celisay Dalkooda Itoobiya ayaa markii la ay dalkooda gaadheen ee la baadhay laga helay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19, sidaana waxa sheegay Masuuliyiin. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo (IOM) ayaa Dadka Jabuuti dib ugu celisay Dalkooda Itoobiya bishii hore ee April ku qiyaastay inay ka badan yihiin 2,400 Qof, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM oo Magaciisu yahay Yvonne Ndege. Dadkan ayaa markii la geeyay Xuduudka Itoobiya waxa la geliyey Karantiil, waxaana baadhitaano Caafimaad oo lagu sameeyay laga helay 4 ka mid ah dadkaasi, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ku noqday Magaalada Diridhabe. Zewdu Assefa oo ka mid ah Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya ayaa wer-wer ka muujiyey in Xanuunka Covid_19 uu ku faafo Gobollada Itoobiya, xilli aan la hubin in Jabuuti Dadka ay ku celinayso Itoobiya ku samaysay Hubin Caafimaad, gaar ahaan inay ka bad-qabaan Covid_19, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AFP. Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya Mohamed Idriss Farah oo Jimcihi hadlay ayaa sheegay inay jiraan Dad Itoobiyaan ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, kuwaasi oo Xanibaadaha jira awgeed halkaas ku xayiran, kuwaasi oo doonayey inay iyagu dalkooda ku laabtaan. Dalka Jabuuti ayaa waxa faro-baas ku haya Xanuunka Covid_19, waxaana Dadka uu soo ritay ku dhow yihiin 1000. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in saddexdii bilood ee sannadkan u horeeyay ee January—March uu dakhliga dawladda Somaliland hoos u dhacay qiyaastii 9%, ka dib markii uu xanuunka Covid_19 saamayn ku yeeshay dhaqaalihii iyo ganacsiga adduunka. Qoraal ay wasaaradda maaliyadda Somaliland diyaarisay bishan April oo u muuqda mid ay beesha caalamka u dirayso si looga taageero cawaaqib xumada dhaqaale ee uu Somaliland gaadhsiinayo xanuunkani, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, waxay wasaaraddu ku sheegtay in dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliland uu ku xidhan yahay hadba sida uu yahay dhaqaalaha adduunka oo uu wakhtigan gilgilay Covid_19, waxaanay sheegtay in Somaliland oo aan helin taageero miisaaniyadeeda lagu kabayo iyo weliba deynta ay dunidu siiso dalalka soo koraya ay u baahan tahay lacag ka badan 110 milyan oo dollar oo qayb ka mid ah lagu kabi doono miisaaniaydda. “Saddexddii bilood ee u horeeyay ee sanadka (January–March), dakhiliga ka soo xarooda kastamadu wuxuu hoos u dhacay 9%.” Ayay tidhi xukuumadda Somaliland. Waxaanay intaas raacisay “Waxaanu rumaysanahay in dhibaatadu ugu badani dhici doonto qaybta labaad ee sannadka (April ilaa June), waxaanu qiyaasaynaa hoos u dhac ah 30% dakhiliga.” Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxay sheegtay in bilaha dhexe ee sannadkan ay rejo ku qabto in Somaliland ka soo kaban doonto dhaawaca ka soo gaadhay hoos u dhaca dakhiliga “Waxaase aanu rajaynaynaa inuu soo kaban doono saddexda bilood ee dhexe ee sannadka oo uu khasaaruhu hoos ugu dhici doono 20%” ayay tidhi wasaaraddu, waxaanay intaas ku dartay in miisaaniyadda dawladda ee saddexda bilood ee sannadka u dambeeya aanu hoos u dhaceedu ka badan doonin 10%. Xukuumaddu waxay sheegtay in ka hor intii aanu xanuunka Covid_19 dilaacin ay xukuumad ahaan aaminsanayd in dhaqaalaha dalku uu kor u kici doono qiyaastii 2% oo ahayd cabiraad lagu saleeyay miisaaniyadda 2020 “Laakiin hadda waxaanu rumaysanahay inuu hoos u dhici doono ugu yaraan 5%.” Xukuumadda Somaliland waxay dunida ka dalbatay lacag dhan $ 110,805,000 (Boqol iyo toban milyan, siddeed boqol iyo shan kun oo dollar), si wax loogaga qabto cawaaqib xumada uu Somaliland gaadhsiiyay Covid_19. Lacagtan qaybo ka mid ah oo dhan $ 36600000 (36 milyan iyo lix boqol oo kun oo dollar), waxa lagu kabi doonaa hoos u dhaca miisaaniyadda, halka 54 milyan oo dollarna loogu tallo galay in lagu caawiyo qoysaska uu xanuunku saameeyay. Wasaaradda maaliyadu waxay warqadeeda ku soo koobtay, “Waxa aynu haysanaa wax aynu kala doorano oo ah ‘inaynu ficil samayno’ ama inaynaan ficil samayn, labada markaad eegto waxa inagu qaaliya [waxa wax badani inagu kacaysa’ ‘inaynaan ficil samaynin.” Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-baxyada ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kasii daray, ayada oo ay korortay carrada ka dhalatay dil uu askari ka tirsan ciidamada dowladda xalay u gaystay laba qof oo shacab ah. Dadkan ayaa waxaa loo dilay inay jebiyeen bandowga ay dowladda saartay Muqdisho, oo ka billaabanaya 7-da habeennimo. Carrada ayaa waxa hadda u muuqataa inay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la arkayey dibad-baxayaal ku sugan Barta wareegsan (roundabout) ee degmada Shingaani, oo soo ridaya sawirka Madaxweyne Farmaajo ee halkaas ku dheggan. Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha iyo ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa booliska. Carrada ka muuqata shacabka Muqdisho ayaa ah mid aan horey loo arag, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda faraha kasii baxdo, haddii aanay dowladda xal deg deg ah la iman. Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ayaa kala ahaa. 1- Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar daganeyd Boondhere. 2 – Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar daganaa Boondheere. Taliska Ciidanka Booliska Somaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan 24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta Hay’addaha Garsoorka dalka. Hoos ka daawo muuqaalka dad soo ridaya sawirka Farmaajo
  8. Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay Khamiistii inay u gudbisay dacwad Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taas oo ujeedkeedu yahay in dacwad lagu soo oogo Wariyaha VOA Harun Maruf waana xeelad kale oo lagu cabsigelinayo laguna cabburinayo Wariyeyaasha iyo cododka loo arko inay qatar ku yihiin Maamulka Madaxweyne Farmaajo. Hay’adda NISA ayaa lugaha la sii galeysa xaalad kale una sii dhawaaneysa inay siyaasad ahaan ku milanto Maamulka Nabad iyo Nolol iyadoo horraantii bishaan ku tiri hadal ay soo dhigtay Barteeda Twitterka inay baaritaan ku hayso Wariyaha rug caddaaga ah wax ay ku sheegtay inuu “Qatar ku yahay “Amniga qaranka” Kelitelis-yaasha dunida ayaa u arka wax dhammeystiran “Amniga qaranka” si ay u cabburiyaan hufnaanta, cambaareynta iyo dadaallada lagula xisaabtamayo. Sheegashada hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa imaaneysa xilli ay dacwad kale ku socoto wariye ka tirsan Goobjoog Media Group oo lagu magacaabo Abdiaziz Ahmed Gurbiye taas oo ah sharcigii cabburinta ku dhisnaa ee gumeystuhu meelmariyey dowladdii ugu horreeysay ee xorriyadda. Saxafiyiin badan oo ku kala sugan dunida dacalladeeda ayaa culeysyo kasoo wajaheen Maamulka Madaxweyne Farmaajo. SAXAFIYIINTA XIRFADLEYAASHA AH. Maruf waa wariye xirfadle ah kaasoo shaqadiisa lagu kalsoon yahay. Wuxuu shaqsiyan u abuuray muddo sannado ah ilo wareed lagu kalsoon yahay shaqadiisana ka dhigtay mid tixraac ay ka dhigtaan saxaafadda gudaha iyo tan dibadda iyo waliba aqoonyahannada dhanka amniga, qilaafaadyada iyo arrimaha la xiriira ee Bariga iyo Geeska Gobolka Africa. Buuggiisa xogta badan xambaarsan ee Inside Al-shabaab: Taariikhda qarsoon ee AL-Qaeda garabka ugu awoodda badan ayaa caddeyn u ah inuu yahay xirfadle iyo qoraa. Caddeyn uma baahna shaqada xirfaddu ka muuqato ee Harun oo ay ka mid tahay barnaamijka Galka Baarista kaas oo qodax jirka uga mudan ku noqotay shaqsiyaad badan oo Soomaaliya ku sugan iyadoo si hoose baaritaan loogu sameeyo dhaqankooda maamul ee arrimaha shacabka. La yaab ma leh inay soo yaaciyeen canaasiir shaqadoodu tahay inay dabagal ku sameeyaan Macruf oo caayaan isaga iyo qof kasta oo maskax fiyow leh. Ilo ku dhaw wariyaha ayaa u caddeeyey Goobjoog News eedeymaha tuhunka ah laakiin waa isku-dayo lagu cabsi-gelinayo lana doonayo in lagu sumcad-dilo. CAMBAAREYNTA IYO DIMUQRAADDIYADDA. Cambaareynta waa qeyb ka mid ah geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, “Safiirka midowga Yurub Nicolas Berlanga ayaa u sheegay Ra’iisul-wasaare Xasan Kheyrre Talaadadii digniin ah inay Soomaaliya wajaheyso saf-mar dhanka helista xorriyad-hadalka ah. Ururro badan iyo shaqsiyaad jooga gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo caalamkaba ayaa farta ku goday dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyrre oo ay uga falceliyaan waxa ay u arkaan tebin aysan ku qanacsaneyn. Waraaq loo diray Madaxweyne Farmaajo ayaa The New York City Bar association ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay joojiso rabshadaha ka dhanka ah saxafiyiinta islamarkaana ay dhawrto xuquuqda muwaaddiniintu u leeyihiin inay si xor ah u hadlaan. “Dowladda Soomaaliya waa inay joojisaa xariggeeda sharci-darrada ah oo ay ku hayso saxafiyiinta, Weerarrada ay ku hayso wariyeyaasha , iyo burburinta xarumaha warbaahinta,” ayey tiri Association. Isu-tagga ururrada u dooda saxafiyiintu waxay xuseen in badankood xarigga iyo weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta ay dhaceen iyadoo lala xiriirinayo hadallo dowladdu ku sheegtay inay Qatar ku yihiin. Ma jirto dowlad aan lahayn mucaarad,”Thomas Jefferson Madaxweynihii saddexaad ee dalka Mareykanka ayaa yiri”Haddii ujeeddooyinku yihiin kuwo wanaagsan ma aha in laga cabsado cambaareynta” Nacaybka Nabad iyo Nolol ee cambaareynta wuxuu ka dhan yahay isbeddelkii iyo muuqaalkii taariikhiga ahaa tan iyo bishii Febraayo 2017. Waxay u muuqataa in dowladda oo ku timid aamminaadda shacabka Soomaaliyeed ay maanta la dagaaleyso cambaareyn iyadoo u mareysa laamaha ammaanka, qoraneysa ciidan ka hawlgala Baraha Bulshada oo dadka caaya islamarkaana baaritaan ku sameeya xogaha laga baahiyo dowladda. TAARIIKHDA WEERARRADA LAGU HAYO XORRIYAD HADALKA IYO ISLA-XISAABTANKA. Sannadkii koowaad: Weerarkii lagu qaaday hay’adihii kormeerka qaranka. Wax u muuqday waqtiyo mugdi ah oo kusoo fool lahaa dimuqraaddiyadda Soomaaliya, Maamulka Nabad iyo Nolol waxay weerar ku qaadeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya 2017 iyagoo adeegsanaya awood iyo lacag si meesha looga saaro kaalinta indha-indheynta Baarlamanka ee laanta fulinta iyo dhammaan waaxyaha kale ee qaranka. Tani waxay keentay in si qasab ah xilka looga qaado Guddoomiyihii hore ee aqalka hoose Maxamed Cismaan Jawaari iyo in golaha wasiirrada laga dhigo xubno xildhibaanno ah si ay difaac ugu noqdaan dowladda marka ay yimaadaan isku-dayo lagula xisaabtamayo dowladda. Dhammaadkii 2017, Baarlamanka Federaalka wuxuu ahaa mid gacanta ugu jira laanta fulinta marka laga reebo tiro yar oo xildhibaanno mucaarad ah si ay ula xisaabtamaan dowladda. Badankood xildhibaannada mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta aan ku jirin baarlamanka waxaa cabsi-gelin ku hayey laamaha ammaanka. Dowladda waxay weerar u abaabushay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur bishii December 2017 taas oo sababtay geerida afar ka tirsan ilaaladiisa. Weerar kaas la mid ah waxaa lagu qaaday hoyga Senator Cabdi-qeybdiid waana tusaalooyinka isku-dayada qaldan ee Farmaajo ku doonayo inuu ku aamusiyo qof kasta oo dhaliila dowladda. Sannadkii labaad iyo saddexaad: Faragelinta, Qalqal-gelinta iyo la wareegista Dowlad Goboleedyada. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Kheyrre waxaa daacad ka ah inay yihiin dad doonaya in dalka hal meel laga maamulo aadna u neceb nidaamka Federaaliisimka. Tusaalooyinka arrimahan muujinaya. Isku-daygooda ay ku doonayaan inay awoodda dalka hantaan iyagoo aan haysan cod kale oo badiil u noqon kara, labaduba waxay abuureen oo dejiyeen qorshe lagu qalqal-gelinayo Dowlad Goboleedyada si ay ugu dambeyn isku dhiibaan. Laga billaabo Galmudug illaa Koofur-Galbeed, Puntland illaa Jubbaland waxaa gaaray dagaalka Dowladda federaalka iyagoo iibsanaya xildhibaanno Dowlad Goboleed, gacanta ku qabtaan doorashooyinka islamarkaana ay geystaan qofkii ay la rabaan iyagoo u maraya Doollar. Dowlad Goboleedyada diida doollarka waa inay u diyaar-garoobaan awood Millateri sida caddeynta u ah doorashooyinkii ka dhacay Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo ay Dowladda Federaalku faragelin ku sameysay. Maamul ayey ka sameysay Koofur Galbeed iyadoo dowladdu adeegsaneysa ciidamada Ethiopia waxaana ku daatay dhiig. Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay intii lagu guda-jiray doorashooyinka ka dhacay Koofur-Galbeed December 2018. Doollarka iyo tasiilaadka kale ee dowladda ayaa lagu iibsaday Galmudug sannadkan. Sannadka afaraad: Caga-jugleynta Saxafiyiinta, Xakameynta Xogta iyo Baahinta Wararka Beenta Ah Ee Dowladda. Sannadka 2020 wuxuu astaan u yahay dhammaadka Maamulka Nabad iyo Nolol. Waana sidoo kale sannadka Safiirka Midowga Yurub uu ku tilmaamay “saf-marka xorriyad hadalka”Qorsheynta afkaarta dadweynaha, maareynta qulqulka xogta iyo ciqaabta waa tillaabooyinka kelitelisku ugu guuleysto doorashada. Xarumo Warbaahineed iyo saxafiyiin Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaan cadaadis kala kulmayey dowladda iyagoo adeegsanaya xarig sharci-darro ah, cabsi-gelin iyo eedeymo been abuur ah. Laga billaabo xariggii wariyaha Goobjoog Media Group illaa eedeymaha tuhunka ah ee ka dhanka ah Harun Maruf iyo amarkii Koofur Galbeed ay ku mamnuucday lahjadda Barwaaniga dhammaan waxay muujinayaan sida dowladda ay u dooneyso inay aamusiso saxafiyiinta oo dhan. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Kheyrre waxay ahayd inay cashir ama laba cashir ka bartaan Ra’iisul-wasaarihii UK ee kusoo beegmay marxaladda dagaalka Winston Churchill: Cambaareyntu ma aha mid la isku wada raaci karo, laakiin waa muhiim. Waxay fulisaa isla shaqada sida jirku u wada dareemo xanuunka. Source: goobjoog.com
  9. Jowhar (Caasimadda Online) – 66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Gudoomiyaha baarlamaanka ayay ku eedeeyeen ku takfal Awoodeeda iyo in uu sidoo kale ku fashilmay qabsoomida kulamada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu faragalin joogto ah uu ku haayo laanta fulinta, islamarkaana uu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Hirshabeelle. Xildhibaanada ayaa xusay in uu jabiye Gudoomiye Barre Dastuurka maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka qaadis lagu sameeyay Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle uu diiday. Xildhibaanadaan ayaa taageersan Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana mudooyinkii dambe oo ifbaxayay Khilaaf Xoogan oo u dhexeeyo Dr Waare iyo Gudoonka Baarlamaanka Maamulkaasi. Xildhibaanada ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ka dalbaday inuu keeno Xisaab xirka lacag dhan toban kun oo doolar oo bil waliba uu ka qaadan jiray Guddoonka Golaha Shacabka soomaaliya, taasi oo ay sheegeen inaysan soo gaarin Baarlamaanka Hirshabelle. Halkaan hoose ka akhriso mooshinka laga gudbiyey
  10. Two civilians were shot and killed by police enforcing a nightime curfew because of the coronavirus pandemic here in the capital late Friday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta hortagay boqolaal dadweyne ah oo ka careysan laba qof oo uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya dil uu ugu geystay agagaarka isgoyska Jubba ee degmada Boondheere. Filish oo tegay taalada Daljirka Daahsoon oo ay isu soo baxeen dibadbaxayaasha ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad dheer, isaga oo ka dalbaday inay is dajiyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhibanayaasha ay la qeybsanayaan dhacdada taagan, islamarkaana cadaaladda la hor keeni doono askarigii ka dambeeyey falkaasi. Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka dalbaday ehellada marxuumiinta iyo dibadbaxayasha inay foodada joojiyaan, islamarkaana ay ka war sugaan dowladda federaalka iyo maxkamadeynta askariga dilka geystay oo haatan gacanta lagu hayo. Intii ay socotay khudbada Filish ayaa dadku waxa ay ku qeylinayeen erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, iyagoo codsaday in si deg-deg cadaalada loo horkeeno askariga toogashadaasi fuliyey oo ka tirsan ciidamada Booliska degmada Boondheere. Dhinaca kale guddoomiye Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa xa-gudub ku tilmaamay bandowga habeenkii ah ee saaran magaalada Muqdisho, kaas oo saameeyey shacabka. “Dhacdada xalay dhacday waa mid aan idinla qeybsanayo xannuunkeeda askariga dilay dadka waxaa loo qaaday xabsiga ciddii amartay iyo isaga tallaabo cad ayey ka qaadeysa dowalddu, bandowga iyo waxayaabaha kale ee caqabadda ku ah bulshada taladeeda dowladdaa u fadhida go’aannaa ka imaanaaya saacadaha soo socda.” ayuu yiri Filish. Xalay ayey aheyd markii labo qof oo shacab ahaa bandowga dartiis toogasho loogu dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho
  12. Somali security forces have managed to arrest a soldier who allegedly killed two civilians on Friday evening in Mogadishu during curfew enforcement. The soldier is identified as Hassan Aden Hassan is now in custody and he will be arraigned in court, according to the authorities. The shooting took place at Juba intersection as police were trying to enforce a nighttime curfew imposed on the city to contain the spread of COVID-19. Hundreds of people have marched through the capital’s streets on Saturday morning in protest of the murder of the civilians and called for justice. The Somali government has imposed a curfew in Mogadishu, starting at 7:00 p.m. and urged residents to stay indoors during the hours of the curfew. View the full article
  13. Magaalada Muqdisho dad careysan ayaa ilaa xalay ka wada bannaanbax ay uga soo horjeedaan labo qof oo rayid ah oo xalay fiidkii ay dileen ciidamada bandowga. Bannaanbaxyaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa maanta xiray wadadda u dhaxeysa baarlamaankii hore ilaa Isgoyska Jubba, waxayna gubeen taayiro iyo boorar ay ku dhaganaayeen madaxda dowladda Soomaaliya. Bannaanbaxyaasha ayaa dalbnayey in caddaaladda la hor keeno ciddii ka dambeysay dilkii xalay labo qof oo rayid ah loogu geystay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish oo Taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay bannaanbaxyaasha ayaa sheegay in maxkmad la soo taagi doono ciddii geystay dilka. Sidoo kale Guddoomiye Cumar Finish ayaa tilmaamay in madaxda sare ay go’aan ka soo saari doonaan bandowga iyo awaamiirta la xiriira Covid-19 ee Muqdisho saaran. Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa taliska qeybta booliska gobolka Banaadir kula kulmay qoysaskii marxuumiintii xalay lagu dilay Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magaca iyo sawir asakri ay sheegtay in uu geystay dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Bannaanbax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta banaanbax ay dhigaayan dadweyne aad u tirabadan oo ka gudoodsan dil uu 2-qof oo shacab ah u geestay Askari katirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyed gaar ahaan saldhiga degmada Boondhere. Duqa magaalada Muqdisho mudane Mudane Cumar Filish ayaa fagaaraha taalada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxyaasha. “Waxaan marka hore idin kaga tacsiyeenaya dhibkii dhacay oo ahaa mid aad u foolxun islamarkaana qalbigeyga xanuujisay waana sababta keentay inaan hortiina imaado, sidoo kale madaxda dowlada wey xanuujisay waxeyna diyaar u yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii falkaas arxandara ah geestay”. Dhankale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula kulmay qoysaskii marxuumiinta wax uuna u sheegay in sharciga si deg deg ah loo horkeeni doono gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan oo ah askarigii dilka geestay, sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay dolwada ay garab taagan tahay qoysaska marxuumiinta gardara lagu dilay. View the full article
  15. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa la hadlay dibadbaxyaal careysan oo maanta magaalada muqdisho ka dhigayay bannaanbaxyo rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan dil xalay degmada Boondheere loogu geystay 2 ruux iyo bandowga habeenkii ah. Cumar Filish ayaa shacabka isku yimid u sheegay inay madaxda dowladda ay la qeybsanayaan dhibka soo gaaray dadkii xalay lagu dilay magaalada waxa uuna sheegay in askarigii dilka geystay la saari doono maxkamad islamarkaana ka guddoomiye ahaan uu arrinkaasi ka warqabi doono. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in culeysyada dhanka bandowga ah ee ay dareemayaan bulshada ay dowladdu go’aanno ka soo saari doonto saacadaha soo aaddan. “Dhacdada xalay dhacday waa mid aan idinla qeybsanayo xannuunkeeda askariga dilay dadka waxaa loo qaaday xabsiga ciddii amartay iyo isaga tallaabo cad ayey ka qaadeysa dowalddu, bandowga iyo waxayaabaha kale ee caqabadda ku ah bulshada taladeeda dowladdaa u fadhida go’aannaa ka imaanaaya saacadaha soo socda” ayuu yiri duqa Muqdiho Cumar Filish. Amarkii dowladdu soo rogtay ee ahaa in marka la guda galo bisha ramadaan ay magaalada Muqdisho bandow tahay laga bilaabo 7:00 fiidnimo ayaa waxaa ka dhashay habeenkii ugu horeeyay in 2 ruux oo shacab ah oo midi ay tahay haweeneey lagu dilo magaalada ka dib markii ay is maandheefeen askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. UPDF forces under African Mission in Somalia (AMISOM) this morning repulsed an Al-Shabaab attack on their position near Barawe Airport in the southwestern lower Shabelle region of Somalia. According to Defense Spokesperson Brig. Richard Karemire, the UPDF forces in ambush, successfully blew two enemy vehicles loaded with dangerous explosives. The attackers according to Karemire, targeted Barawe Airport. “No UPDF soldier was injured in the fight and high alert is being maintained,” He said. Brig. Karemire said Mopping up operations to capture remnants of the attackers continue. He also said the UPDF has been commended by the community for securing Barawe Airport by giving a bloody nose to the attackers. The attack happened a few hours after the Head of AMISOM Amb. Fransisco Caetano Madeira extended a message of goodwill to the government and people of Somalia during the holy month of Ramadhan. Muslims all over the world today welcomed the holy month of Ramadhan. “As we fast and offer prayers to Allah, the Almighty, may all Somalis find peace and happiness during this month of Ramadan” he said in a statement released today. He said AMISOM will continue working closely with the Federal government and the people of Somalia to make peace and stability a lasting reality in Somalia. Source: sabasab View the full article
  17. Xildhibaan Abdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa hambalyo iyo bogaadin waxa uu u diray golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug oo ay ka mid noqdeen xildhibaano caan ah. Odowaa ayaa tilmaamay in madaxweyne Qoorqor uu ku guuleystay inuu soo dhiso golo wasiirro oo uu ku soo xulay karti, aqoon iyo matalaad deegaan intaba. “Waxaan rabaa marka koowaad inaan u hambaleeyo Madaxweyne Qoorqoor oo ku guulaystay inuu soo dhiso gole wasiiro oo lagu soo xulay karti, aqoon iyo matalaad deegaan intaba, waxaan muddo aan fogeyn Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray inuu la heshiiyo dhinacyadii ka soo horjeeday, anigoo tilmaamay in ififaale fiicani ka soo muuqdo talaabooyinka uu qaaday Mudane Qoorqoor” ayuu yiri Odowaa. Dhanka kale xildhibaan Odowaa ayaa sheegay in madaxweyne Qoorqoor uu ka muuqdo biseyl siyaasadeed, isaga oo xildhibaanada heer federal uga tanaasulay danta galmudug ku booriyay inay taariikhda gali doonaan. Xildhibaanka ayaa yiri “Maanta oo kale, anoo u hambalyaynaya, Golaha wasiiirada cusub ee la dhisay, hadana waxaan leeyahay Madaxweyne Qoorqoor waxaad qaaday tallaabbo kale oo weyn oo muujinaysa inaad leedahay biseyl siyaaasadeed, xildhibaanada federaalka ee saxiibadeey ah oo u tanaasulay danta Galmudug & horumarinta deegaankooda ee kala ah Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi (Kabiirka) iyo Xildhibaan Abdisabir Nur Shurie waxaan leeyahay taariikhda ayaa xusi doonta sida aad ugu heelantihiin u adeegidda deegaankiinna iyo dadkiinna. Soomaalidu waxa ay tiraa “Sadaqo sokeeye dhaaftay sooma noqotaa la yiraa”, Xamarna, waxaa laga yiraa “Faynuus laga rabo Gurigaaga guri dadow looma shido”, go’aankaas geesinimada leh waa idinku garab taaganahay. Guulaysta adinka iyo wasiirada saxiiibdiin ah”. Ugu dambeyn xildhibaan Odowaa ayaa ku baaqay in fursad la siiyo madaxweyne Qoorqoor iyo golihiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhaqaalaheedu uu hoos u dhacay saddexdii bilood ee u dambeeyay, gaar ahaan bilhii January ilaa March, iyada oo hoos u dhacay qiyaastii 9%. Somaliland ayaa dhaqaale bur-burkaaasi ku tilmaamtay mid uu dhaliyay xanuunka Coronavirus, kaasi oo saameyntiisa dhaqaale aad looga dareemay bilihii u dambeeyay dalalka caalamka, maadama uu hakiyay isku socodkii. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Somaliland, gaar ahan Wasaaradeeda maaliyada ayaa bishan u dirtay waraaq beesha caalamka, iyadoona ku sheegtay in dhaqaalaheedu uu hoos u dhac ku yimid, isla markaana ay u baahan-tahay taageero caalami ah, iyadoona xustay inaysan helin taageero ay sheegtay in lagu kabo miisaaniyada dalalka soo koraya. Sidoo kale waxa ay waraaqdaasi ku sheegtay xukuumadu inay filaneyso dhaqaale burbur inta ka badan bilaha soo socda, kaasi oo ay ku qiyaastay 30%, maadama uu weli si xawli ah usii fidiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus ama Covid-19. “Saddexddii bilood ee u horeeyay ee sanadka (January –March), dakhiliga ka soo xarooda kastamadu wuxuu hoos u dhacay 9%. Waxaanu rumaysanahay in dhibaatadu ugu badani dhici doonto qaybta labaad ee sannadka (April ilaa June), waxaanu qiyaasaynaa hoos u dhac ah 30% dakhiliga” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada maaliyada ee ay u dirtay beesha caalamka. Xukuumada Somaliland ayaa ka dalbatay beesha caalamka lacag dhan Boqol iyo toban, sideed boqol iyo shan kun oo dollar ($110,805,000), midaasi oo ay ku sheegtay inay wax uga qabaneyso dhaqaalo bur-burka Somaliland kasoo gaaray xanuunka Coronavirus. Somaliland ayaa inta badan lacag malaayiin dollar ah ka sameyn jirtay canshuuraha, maadama aysan jirin wax soo saar buuran oo gudaha deegaanadeeda, midaasi oo dhalisay bur-burka dhaqaale ee qeylo dhaanta uga dirsatay beesha caalamka.
  19. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u magacaabay wasiirka amniga ee maamulkaasi ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu uga hadlayo magacaabistiisa. Fiqi ayaa waxaa uu bulsha weynta reer Galmudug nuuckasta oo ay yihiin waxa uu la wadaagay in lama huraan ay tahay halkii laga yimid iyo Galmudug, waxa uuna hoosta ka xariiqay in isaga xaggiisa ay ka bilaabatay arrinkaasi isaga oo intaas ku daray inuusan jirin hormar meel cid la ah ka imaanaya. “Reer Galmudug nooc kasta oo ay leeyihiin, meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay “Lama huraan waa halkii laga yimid iyo Galmudug, dhankaygana way ka bilaabatay” ma jiro horumar ka imaanaya meel cidlo ah, deegaan walbaana qiimihiisu wuxuu le’eg yahay inta ay le’eg yihiin dadka waxgalka ah ee ka shaqaynaya horumarkiisa” ayuu yiri Fiqi. Sidoo kale Fiqi ayaa ka dhawaajiyay in madaxweyne Qoorqoor uu ka codsaday iyaga inay la dhisaan Galmudug islamarkaana ay halkaasi saldhig ka dhigtaan waxa uuna sheegay Fiqi in arrinkaasi ay ka aqbaleen madaxweynaha. “Madaxweynaha cusub ee Galmudug Md. Qoorqoor waxaa nooga muuqday tilmaamo hogaamineed oo ku yaraa maamuladii dalka ama deeganadaas soo maray, oo ay ugu weyn tahay inuu raadinayo maamul talo-wadaag ku dhisan, dadkiisana ka dhexeeya. Madaxweynuhu wuxuu naga codsaday inaan Galmudug la dhisno halkaasna ay saldhig noo noqoto. Annagoo ugu danbayn go’aansannay wadatashi dheer ka dib in aan aqbalno codsigaas, isuguna gayno awoodayada, waaya-aragnimadayada iyo aqoon waxaan leenahayna in aan dul dhigno Galmudug, kana mid noqdo adeegayaasha u horseedi doona bulshada ku nool halkaas horumar waara iyo nabad buuxda, midnimada dalka iyo soo celinta heybaddii dawladnimo ee Soomaaliyana udub dhexaad u noqda sidii lagu yaqiiney” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Fiqi. Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid noqday golaha wasiirada cusub ee maamulka Galmudug isaga oo loo magacaabay wasiirka amniga ee maamulkaasi Halkaan ka akhriso warka uu soo saaray xildhibaan Fiqi Goobjoog News Source: goobjoog.com