Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia President Mohamed Abdullahi Farmajo and his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta have agreed to a joint probe into the aircraft crash that occurred on Monday evening. The Kenyan-registered cargo aircraft, 5Y-AXO, belonging to African Express crashed in Bardere, Somalia as it approached the airport. Through a telephone call to Uhuru on Tuesday morning, Farmajo invited the Kenyan civil aviation authorities to team up with their Somalia counterparts with a view to completing the investigations expeditiously. Initial reports indicate that the aircraft left the capital Mogadishu and briefly stopped in the city of Baidoa before continuing to the town of Bardale, in the southern Bay region, where it crashed a short distance from the airport. It had coronavirus aid supplies aimed at supporting humanitarian operations in the country. At the time of the accident, the aircraft had six persons on board. Two of them were Kenyans. Somalia’s civil aviation authorities have already mounted an investigation into the circumstances surrounding the crash. In this regard, Uhuru welcomed Farmajo’s invitation to Kenya’s civil aviation authorities to join in the investigation emphasizing the need to swiftly, but thoroughly conclude the process.
  2. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo saartay warbixinteeda maalin-laha ah ayaa ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah oo ay diiwan-gelisay. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay xanuunka uu soo ritay 79 qof oo ku kala sugan Muqdisho, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. 38 ka mid ah dadkaasi ayaa laga diiwaan-geliyey gobolkaan Banaadir, Jubbaland 22 ruux, Koonfur Galbeed 11 qof iyo Puntland oo iyana laga diiwaan-geliyey 8 kiis. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay geeriyoodeen saddex qof oo hor leh, halka ay cudurka ka bogsadeen illaa 14 qof oo kale. Tirada Covid-19 ee Soomaaliya ayaa haatan mareysa 835 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso illaa iyo 38 ruux. View the full article
  3. Somalia President Mohamed Abdullahi Farmajo and his Kenyan counterpart Uhuru Kenyatta have agreed to a joint probe into the aircraft crash that occurred on Monday evening. The Kenyan-registered cargo aircraft, 5Y-AXO, belonging to African Express crashed in Bardere, Somalia as it approached the airport. Through a telephone call to Uhuru on Tuesday morning, Farmajo invited the Kenyan civil aviation authorities to team up with their Somalia counterparts with a view to completing the investigations expeditiously. Initial reports indicate that the aircraft left the capital Mogadishu and briefly stopped in the city of Baidoa before continuing to the town of Bardale, in the southern Bay region, where it crashed a short distance from the airport. It had coronavirus aid supplies aimed at supporting humanitarian operations in the country. At the time of the accident, the aircraft had six persons on board. Two of them were Kenyans. Somalia’s civil aviation authorities have already mounted an investigation into the circumstances surrounding the crash. In this regard, Uhuru welcomed Farmajo’s invitation to Kenya’s civil aviation authorities to join in the investigation emphasizing the need to swiftly, but thoroughly conclude the process. View the full article
  4. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku sheegay twitter-ka inuu Madaxweynuhu uga tacsiyeeyey dadka ku dhintay diyaaraddii shalay ku dhacday meel u dhow magaalada Bardaale. Diyaaradda waxaa ku dhintay lix qof oo iskugu jira Soomaali iyo Kenyan Madaxweynaha Soomasliya ayaa ballanqaaday baadhitaan buuxa, oo lagu sameeyo dhacdadaas. Dhinaca kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku marti-qaaday inay ka qayb qaataan baadhitaanka lagu sameynayo dhacdadaas. Source
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo kala hadlay diyaaraddii shalay kusoo dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaaraddaas ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express, waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya. Dadka ku dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku jiray laba duuliye oo Kenyan ah, oo lagu kala magacaabo Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiraghdin, kuwaas oo kasoo jeeday Mombasa. Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku sheegay twitter-ka inuu Madaxweynuhu uga tacsiyeeyey dadka ku dhintay diyaaraddii shalay ku dhacday meel u dhow magaalada Bardaale. Madaxweynaha Soomasliya ayaa ballanqaaday baaritaan buuxa, oo lagu sameeyo dhacdadaas. Dhinaca kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in la isku raacay baaritaan wadajir ah oo dhacdadan lagu sameeyo kadib madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya ku marti-qaaday in mas’uuliyiinta hay’adda duulista Kenya ay ka qayb qaataan baaritaanka. Madaxweyne Kenyatta ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyey caasumadda Farmaajo ee la xiriira baaritaanka wadajirka ah, ayaga oo adkeeyey hanaan daahfuran oo si deg deg ah loogu sameeyo dhacdadan. Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa goor sii horreysay oo maanta ah ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay soo caddeyso sababta ay diyaaradda usoo dhacday, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto.
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo kan Kenya Uhuru Kenyatta oo kuwada hadlay khadka taleefanka ayaa waxa ay kawada hadleen diyaradda ku burbrutay gudaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Bardaale ee gobalka Baay. sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta isaga oo ka tacsiyadeeyay burburka naf iyo maal diyaaradda laga lahaa dalka Kenya ee ku burburtay magaalada Bardaale ee agagaarka Baydhabo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay madaxweyne Kenyatta inuu faray hay’adda socdaalka Soomaaliya barista sida ku dhacday diyaaradda taas oo sidday shixnad bani’aaddanimo, sidoo kale waxa uu Farmaajo ku casuumay hay’adda socdaalka Kenya inay qeyb ka noqoto baarista taas oo uu soo dhoweeyay Uhuru Kenyatta. Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Roobab Dabeylo wata oo ka da’ay Magaalada Dhusamareb ayaa Sababay khasaare isugu jira Barakac iyo Guryo dumay waxaana Daadadku ay go’adoomiyeen Xaafado ka mid ah Magaalada sidoo kale waxaa hakad uu ku yimid isu socodka Gaadiidka iyo Dadka. Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa ku howlan sidii wax looga qaban lahaa Daadaka Magaalada ku soo rogmaday iyo saameynta uu ku yeeshay dadka danyarta ah. Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qoroow oo Warbaahinta kula hadlay Martamaha Magaalada ayaa Faafaahin ka bixiyey Saamaynta Roobabkani ku yeesheen Magaalada iyo Qasaarihii ay gaysteen Roobabkii hore waxa uuna xusay in loo baahan yahay in loo gurmado Dadka Roobabku saameeyeen. Roobabkaan oo Dabaylo watay ayaa Xalay aad uga da’ay Deegaano ka tirsan Gobolka waxaana jirta Saamayn ka dhalatay iyadoo ay jiraan dadaalo wax looga qabanayo . Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha kuwaasi oo ka shaqeyn doono qiimeynta saameynta ka dhalatay roobabkii da’ay iyo sida wax looga qaban lahaa dadka uu saameeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. NAIROBI (HOL) - Kenya and Somalia will jointly conduct an investigation into the suspected downing of a humanitarian cargo flight in Berdale which killed all six crew on board. Source: Hiiraan Online
  9. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya maanta loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Marxuumka oo lagu toogtay xaafadda Dabakaayo Madow ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Xiirane. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii fuliyey dilkiisa oo bistoolado ku hubeysnaa ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan falkaasi. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo mararka qaar ka dhaca xaafadaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. View the full article
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Geeska Afrika ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddii shalay kusoo dhacdeen magaalada Bardaale ee gobolka ay sare usii qaadayso xiisadda ka dhex oogan dalalka Kenya iyo Itoobiya. Diyaaraddaas ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express, waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya. Dadka ku dhintay ayaa waxaa sidoo kale ku jiray laba duuliye oo Kenyan ah, oo lagu kala magacaabo Mabruk Islam Sherman iyo Omar Chiraghdin, kuwaas oo kasoo jeeday Mombasa. “Kenya iyo Ethiopia waxay u ciil-qabeen dagaal. In diyaarad ganacsi oo Kenyan ah lagu soo rido aag ay maamulaan ciidamada Itoobiya, waxay tusmeyneysa hoos u dhac cusub oo halis ah. Waa nacasnimo iyo fulaynimo in cayaar lasoo guuriyey lagu dul cayaaro Soomaaliyada aan tabarta lahayn,” ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Labada dal ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad salka ku haysa khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, oo ay kala taageeraan. Ciidamada Itoobiya ayaa marar badan isku dayey in ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo ay meesha ka saaraan Axmed Madoobe, hase yeeshee waxaa hortaagan ciidamada Kenya oo garabsiinaya madaxweynaha Jubaland. Si kastaba, Rashiid Cabdi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ciidamada Itoobiya aysan marnaba qiran doonin inay diyaaradda soo rideen. “Haddii malahaygu saxan yahay. Ciidanka Itoobiya marnaba si shaacsan uma qiran doonaan. Dowladda federaalka waxay eedeyn doonta Al-Shabaab, si ay u raacdo sheekada Itoobiya. Kenya waa ay carroon doontaa, miiska ayey u garaaci doontaa saraakiisha Itoobiya, balse si qarsoon. Kuligood waa ay iska aamusi doonaan, wax walbana waxaa lagu illaawi doonaa maalmo gudahood,” ayuu yiri. Dowladda Kenya ayaa maanta ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay soo caddeyso sababta ay diyaaradda usoo dhacday, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto.
  11. Xildhibaan Cabdiraxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka golaha shacabka kana mid ah saamileyda diyaaraddii shalay ku burburtay degmada Bardaale ayaa waxa uu Goobjoog News uga warramay diyaaradda halka ay markii hore ka timid, halka ay ku wajahnayd, khasaaraha ka dhashay iyo waxa haatan socda. Milkiilaha ayaa tibaaxay in diyaaraddu ka baxday Muqdisho islamarkaana ay ku sii jeeday magaalada Baydho ee xarunta gobalka Baay. Ibbi ayaa tilmaamay in dadka saarnaa diyaaradda ee geeriyooday ay 4 ka mid ah u dhasheen dalka Kenya halka labo kalane ay Soomaali yihiin waxa uuna intaas ku daray in diyaaraddu ay sidday shixnad ka kooban maro kaniico, buskud iyo agab loo waday hay’ad NGO ah. Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya iyo wasaaraddiisa ay wadaan baaritaan ku aaddan sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddaasi ay dhacdo isaga oo ku baaqay ina dadku ay joojiyaan degdegga islamarkaana ay ka war sugaan baaritaanka. “Waxaa safar ku maqan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo qolada civil aviation-ka, safiirka dowlada Kenya, safiirka dowladda Itoobiya iyo madax UN-ka ah qoladaasaa baxday marka wasiirka iyo madaxda qaranka ayaan ka sugeynaa baaritaankooda” ayuu yiri xildhibaan Ibbi. Dhanka kale sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta isaga oo ka tacsiyadeeyay burburka naf iyo maal diyaaradda laga lahaa dalka Kenya eek u burburtay magaalada Bardaale ee agagaarka Baydhabo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay madaxweyne Kenyatta inuu faray hay’adda socdaalka Soomaaliya barista sida ku dhacday diyaaradda taas oo sidday shixnad bani’aaddanimo, sidoo kale waxa uu Farmaajo ku casuumay hay’adda socdaalka Kenya inay qeyb ka noqoto baarista taas oo uu soo dhoweeyay Uhuru Kenyatta. Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada kiisas cusub ee Coronavirus, ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey Soomaaliya, kuwaas oo aad u badan. Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa maanta lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Gobolka Banaadir ayaa ugu kiisas badan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsadeen 14 qofood. 62 ka mid ah 79-ka qof ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsaday ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhinteen xanuunkan gudaha Soomaaliya.
  13. Qardho (PP News Desk)— In response to the appeal from Puntland State Government to collectively respond to the impact of floods in Qardho, Dahabshiil Group has made a donation of US$ 50,000 to the High Economic Committee for Qardho Floods. “We are here to hand over a donation of US$ 50,000 due to floods that caused death and loss of wealth in Qardho [last week]. The donation is contribution towards efforts to assist people affected by floods” said Mohammed Musse, the Dahabshiil Group Managing Director in Puntland. Timely donation from Dahabshiil Group to flood victims in Qardho State Minister for Puntland Presidency Mohammed Hassan Issa and Sheikh Fu’ad Aflow, a member of the Committee, separately thanked Dahabshiil for the timely assistance. “We are grateful to Dahabshiil Group of Companies — the bank, the money transfer, telecommunications and enterprises — for the donation. Similarly,,we thank the Dahabshiil Group founder, the staff here in Puntland and other parts of the country for this donation to your brothers and sisters affected by floods” said Sheikh Fu’ad. Puntland State Government formed last week a committee independent of but supervised by the government to coordinate the response to Qardho floods. Dahabshiil Group is the first Somali-owned company to make donation in the aftermath of Qardho floods as a part of its philanthropic endeavours. © Puntland Post, 2020 The post DAHABSHIIL GROUP DONATES TO FLOOD VICTIMS IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa maanta si lama filaan ah isku casilay taliyihii ciidamada ilaalada Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, taliyaha ayaana saxaafada la wadaagin sababta keentay inuu baneeyo xilkii Taliyanimo. Taliyahaa ayaa qoraal kooban uu ku xusay inuu shaqada ka tagayo oo lagu lifaaqay iscasilaadiisa ayaa waxuu u gudbiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni. Taliyaha qoraalka uu u gudiyey madaxweynaha ayaa u qornaa sidaan“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inaan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa taliye Barkhad. G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay xilka taliyaha madaxtooyada 2-dii bishii Maarso 2019-ka waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Col. Barkhad Cabdullaahi Yuysuf ayaa maanta ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii uu ka hayey Puntland ee ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland. “Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iska casilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland,” ayuu taliyaha ku yiri qoraal uu la wadaahay madaxtooyaa. Col. Barkhad wax faahfaahin ah kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey oo ka taagan madaxtooyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada. Col. Barkhad oo ah nin dhaliyaro ah ayaa leh tababar iyo aqoon dhanka Milteriga ah, waxanaa Madaxweynaha Puntland bilowgii 2019 u magacaabey taliyaha ciidanka Madaxtooyada. Bil ka hor un ayey ahayd markii sidoo kale uu is-casilay agaasimihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu isku casilay khilaaf ka taagan madaxtooyada.
  16. Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan Qardho ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen ciidamada ammaanka Puntland laga gaaray guullo waa weyn, islamarkaana lagu burburiyey shabakado ay la haayeen Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu timaamay in ay qabteen xubno ka tirsan ururadaasi, oo haatan gacanta ugu jira ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. Al-Shabaab iyo Daacish oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya magaalooyinka waa weyn ee Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Madaxweyne-Deni-.mp3 View the full article
  17. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka qarxay deegaanka Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo labo beelood oo walaalo ah. Dagaalka ayaa salka ku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed, kaas oo uu murankiisu maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa deegaankaan oo dhaca galbeedka Dhuusamareeb. Illaa iyo hadda ma cadda inta uu la’eg-yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay inay haatan wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, iyadoona weli ay is horfadhiyaan maleeshiyaadkii ku diriray halkaasi. View the full article
  18. Waxaa tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle caawa ku ballansan degmooyinka kala ah Cabdicasiis iyo Marka oo ku wada jira group-ka C ee wareega koowaad, tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Labada degmo ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Cabdicasiis ayaa horay uga soo badisay dhiggeeda degmada Xamarjajab ee, halka Marka laga soo badiyey, kadib markii ay lugtii hore isku dhaceen Warta Nabadda. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada diyaar garow ku aadan ka qeyb-galka barnaamijka caawa ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sanadkaan waxaa tartan aqooneedka sanad-laha ah ee Idaacadda Shabelle abaal marin qaali ah ku bixineysa dallada Soomaali Forex Association, halka su’aalahana ay soo diyaarisay Jaamacadda Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 oo looga hadlay ballaarinta adeegga sheybaarka Coronavirus, maadaama ay kordheen kiisaska cudurka COVID-19, ee Soomaaliya. Shirka waxaa diirada lagu saaray heerka diyaarinta isbitaalka Martiin-2 oo geba-gebo maraya si loo helo adeeg caafimaad oo taya leh oo isku jira isbitaalo qalab iyo dawo. dhanka kale guddiga ayaa ka hadlay sidIi magalada Beledwayne loogu diri lahaa Injineero qiimeyn ku sameeya dhulka jilicsan ee laga cabsi qabo in uu wabiga ka fataho. Shirka Guddiga qaran ee ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa habeen walba u dhaca si caadi ah iyadoo la isticmaalayo Mareegta dhinaca internetka. View the full article
  20. Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ,wasiirka Boostada isgaasiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Eng. Cabdi Cabshuur Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa goor dhaw diyaarad sida caga dhigay garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif ee Magaalada baladqweyne. Xubhanaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran ayaa u kuurgalaya saameynta uu wabiga shabeelle ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalada sida bundoweyn iyo xaafado kale Wafdi waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobolka iyo kan degmada waxaana ay kormeer ku tagi doonaan goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga iyagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada. Saacadahii lasoo dhaafay waxaa Magaalada Baladweyne ka da’ayay roobab ma hiigaan ah waxaana lasoo sheegaya in wabiga shabeelle oo saameyay fatahaada iyadoo maalmahaan ay cabsi xoogan ka jira fatahaad u sameeyay waxaana Dowladda ay goor hore u kuur galeysa xaalada kasoo korortay Baladweyne si looga gaashaanto qasaaro ka dhasha. Sanadkii tagay ayuu wabiga shabeelle fatahaad xooga sameeyay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baladweyne taasi oo sababtay qasaaro isugu jira naf iyo maal. View the full article
  21. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-050520-OKE.mp3 View the full article
  22. Kenya on Tuesday called for an urgent investigation into the fatal crash of a private cargo plane in Somalia amid unconfirmed reports it may have been shot down. The plane belonged to African Express Airways and was ferrying supplies for use in the fight against the coronavirus when it crashed in the town of Bardale, in the southern Bay region, killing six crew members. “The Government of the Republic of Kenya urges the Federal Government of Somalia and International Agencies to thoroughly and swiftly investigate the matter because it impacts humanitarian operations at a time of highest need,” a statement from Kenya’s foreign affairs ministry said. A second statement said Somalia’s president Mohamed Abdullahi – nicknamed Farmajo – had ordered Somalia’s civil aviation authorities work with Kenya on their investigation. “President Farmajo invited the Kenyan civil aviation authorities to team with their Somalia counterparts with a view to completing the investigations expeditiously,” the foreign affairs ministry said. Somalia’s al Qaeda-linked insurgency al Shabaab has a presence in the area where the plane came down, although the town of Bardale, in the southern Bay region, and its airfield is secured by Somali forces and Ethiopian troops. Somalia’s Transport Minister Mohamed Salad declined on Monday to speculate on the cause of the crash, but a former defence minister told Reuters he had spoken to a witness at the airfield who said it may have been shot down. The spokesman for the Ethiopian army had said on Monday he was unaware of the crash. The al Shabaab group was not immediately available for comment. View the full article
  23. Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi oo ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa Xilkii iska casilay. Qoraal kooban oo Taliyihu uu ku muujiyey iscasilaadiisa [...] Source
  24. Kenya has sought answers from Somalia and international agencies on Monday’s crash of a cargo plane in Baidoa, Somalia. Source: Hiiraan Online
  25. The Somali health ministry on Monday confirmed 34 new cases of a novel coronavirus, bringing the total number of infections to 756. Fawziya Abikar, the health minister said 27 of the latest cases were found in Banadir, an administration area that covers the capital, Mogadishu while 17 others were detected in the regional Puntland state. Abikar said three patients succumbed to the deadly disease, bringing the total number of fatalities to 35. She said 17 patients recovered from hospitals in the past 24 hours, bringing the total number of recoveries to 61. She said 26 of the latest cases were male while eight others were female. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. The World Health Organization (WHO) has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. WHO said in its latest report on COVID-19 that Somalia will need to make difficult decisions to balance the overwhelming demands of responding to COVID-19 while maintaining essential health service delivery to prevent health systems from collapse. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article