Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey gurmad deg-deg ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarsiinayso Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo daadad ku fatahay ay sababeen xaalad binu aadantinimo oo adag. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta ku dhibaataysan Bacaadweyne oo hooy iyo hantiba ku beelay daadadka ku fatahay. Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku nafwaayey fatahaaddan ka dhacday Bacaadweyne, isaga oo muujiyey sida Madaxweynaha, Raaiisul Wasaaraha iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay uga murugaysan yihiin dhibaatadan. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. Deegaanka Baacadweyn ayaa waxaa ka jirto xaalad bani’addanimo iyada oo ay deegaankaasi ku geeriyoodeen dad ay ku rogmadeen daadad iyada oo dowladda Soomaaliya ay kala daahday inay dadkaasi gurmad gaarsiiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka warbixiyey dagaalkii xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Teerage oo dhaca galbeed magaalada Gaalkacyo ee caasimada gobolkaasi. Axmeed Muuse Nuur ayaa sheegay inuu weerar xoogan uu uga yimid maleeshiyaad hubeysan oo burcad ah ama shufto ah, kuwaas oo dagaal ku qaaday saldhig ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxdaasi oo isa soo abaabushay ay ka timid dhanka maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. “Xitaa ma aaminsanin in weerarkii xalay uu soo qaaday ciidan beeleed, balse weerarkaas waxaa ka dambeeyey koox abaabulan oo ka yimid dhinaca Galmudug, kuwaas oo doonayey inay arbushaad ku sameeyaan ciidanka Puntland ee saldhigga ku leh Teerage.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo dheeraad ah ay u direen degaanka lagu dagaalamay ee Teerage, si ay uga hortagaan raggaasi hubeysan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u degan. Inta badan Maleeshiyaadka ku wada ku sugan gobolka Mudug ayaa ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro rayidka.
  3. Wararka rasmiga ah ee laga helay Ciidamada Waxay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn balse uu socdo Baaritaan [...] Source
  4. Guddoomiyaha gobalka Mudug dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaas oo wararka qaar ay sheegayeen inuu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland. Duqada gobalkaasi ayaa beeniyay inuu dagaalku u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland balse waxa uu sheegay in maleeshiyaad abaabulan ay weerar ku soo qaadeen xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta dowlad goboleedka Puntland, dadka deegaanka ayaana soo wariyay in xalay gelinkii dambe ay maqlayeen dhawaaqa hub culus. Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur waxaa shaqaaqadaasi ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland iyo shaqsi kale oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaadday waxaana sidoo kale dagaalkaasi ka dhashay dhaawac aan la xaqiijin tiradiisa. Halka uu ka dhacay dagaalka ayaa xalay gelinkii dambe waxaa gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Puntland kuwaas oo goobta ka bilaabay xaqiijinta amniga iyo sidii ay u xoojin lahaayeen ciidamada weerarka lagu soo qaaday. Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan waqooyigeeda waxaa inta badan ka dhaca weeraro isugu jira dilal qorsheysan iyo qarxyo kuwaas oo inta badan lala beegsado masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan. Warbixin ka kooban ilaa shan bog ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba. Sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan. Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya. Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah. Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka. Meelaha loo Cabsado Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale. Saadaasha Daadadka dhulka aan webiyamareenka ahayn Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale. COVID19 iyo Fatahaadahu Markey bohoobaan; Waa Masiibo lamaan Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa. Tala bixin Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta Warbixinta waxaa lagu soo bandhigay talooyinka hoos ku xusan: In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto. Iyo in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyey kulan khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus iyo sida ay u la taacaleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhankiisa Tedros Adhanom ayaa u ballaan qaaday xukuumadda federaalka Soomaaliya inay WHO si weyn uga gacansiin doonto dagaalka lagu jiro cudurka Covid-19. Kulankaan khadka taleefoonka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan socdaan dadaallo oo ay dowladda federaalka ay ku dooneyso inay ku xakameyso fidista cudurkaasi. Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geiyey kiisas gaaraya 671 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka xukuumaadda federaalka.
  7. An official says at least two people have been killed and several others wounded in a fresh battle erupted Sunday on the outskirts of Galkayo city, the regional capital of Mudug in central Somalia. The skirmish flared up in Teegare area, which is located west side of Galkayo after a dispute between two clan militia turned into conflict, according to the official who spoke on condition of anonymity. Those injured in the inter-clan clashes were admitted to a local hospital with reports that the situation was calm on Sunday morning despite claims that both warring sides are gaining reinforcements. It’s not yet clear what triggered the combat as both Puntland and Galmudug did not comment on the conflict. Local elders launched a mediation to halt the bloodshed and end the rift through dialogue. View the full article
  8. Warren Buffett, the legendary American investor, has sold his firm’s entire holdings in the four major US airlines, warning that the “world has changed” for the aviation industry because of the coronavirus crisis. Source: Hiiraan Online
  9. Somalia has announced 70 new cases of the Coronavrus during the last 24 hours. This takes the national COVID-19 tally to 671. Source: Hiiraan Online
  10. The Ugandan military has immediately suspended the rotation of its peacekeeping troops to Somalia and capacity building in Equatorial Guinea over COVID-19 pandemic, a spokesperson said Saturday. Brig. Richard Karemire, Ugandan military spokesperson told Xinhua by telephone that Uganda People’s Defense Forces (UPDF) high command took a decision to protect thousands of troops in foreign missions. The decision comes barely a week after a Ugandan peacekeeper serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) tested positive for novel coronavirus in the capital, Mogadishu. “It is one of the safety measures against COVID-19 taken in respect of UPDF troops deployed abroad in Somalia and Equatorial Guinea,” said Karemire. Somalia and Equatorial Guinea like Uganda are currently combating the novel coronavirus pandemic outbreak, which has infected hundreds of people. Uganda has over 6,000 troops serving under the AMISOM in the volatile Horn of African nation and over 100 officers in Equatorial Guinea helping to build capacity and professionalization of the west African nation’s army. The east African country deploys troops to Somalia and Equatorial Guinea on a one-year rotational basis. View the full article
  11. Somalia has announced 70 new cases of the Coronavrus during the last 48 hours. This takes the national COVID-19 tally to 671. Minister for Health and Social Care Fowziya Abikar Nur announced in her daily briefing that 67 of the cases were recorded in Banadir region (Mogadishu and its environs) and three were registered in the breakaway region of Somaliland. She also submitted that the country has recorded three deaths, taking the death toll from the pandemic to 31. Three more people have recovered from the disease, taking the total number of recoveries to 34. The latest announcement comes amid fears of mass spread of the virus among the population, especially in the capital, Mogadishu, with some reports indicating that there are many cases not recorded by the government. View the full article
  12. Families of seven Kenyans held at Raskiamboni in Somalia are calling for government intervention to have them freed and brought back home. Source: Hiiraan Online
  13. English club Arsenal’s star Mesut Ozil has donated 713,000 Turkish liras ($101,000) to the Turkish Red Crescent for an aid campaign for the Muslim holy month of Ramadan. The money will be used to provide iftar – the evening meal to break the daily fast during the month – to 16,000 people in Turkey, according to the group. Families in Turkey and Syria will receive 2,000 food packages through Ozil’s donation, while 90,000 iftar packages will be distributed in Somalia’s capital Mogadishu. Kerem Kinik, head of the Turkish Red Crescent, thanked the London-based footballer for the donation. “We will deliver the packages provided with the donation of my brother Mesut to people in need as soon as possible,” he said. View the full article
  14. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay sii korortay tirada dadka uu soo ritay cudurka faafa ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi. Wasiirka wasaaradaasi, Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah. Sidoo kale wasiirka caafimaadka Puntland ayaa tilmaamay in 9 ka mid ah dadka laga helay cudurka Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween. Tirada Covid-19 ee Puntland ayaa haatan mareysa illaa 23 ruux, waxaana u geeriyooday xanuunka hal bukaan, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. View the full article
  15. Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu maanta ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay awood u yeeshaan in ay shaqadooda u gutaan si xor ah. “Warbaahintu dowr muhiim ah ayey ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed, laga bilaabo soo tebinta jawiga siyaasadeed ilaa u-hadalka iyo cod-siinta dadka nugul iyo kuwa la faquuqo. Waxay u baahan yihiin in ay awood u yeeshaan in ay howlohooda muhimka ah u gutaan si ka madaxbanaan rabshado, kadeed, xarig, cadaadin, cabsi-gelin iyo faafreebid,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Waa in sidaas xaaladdu ahaato mar walba, gaar ahaan xilligan lagu jiro oo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkeeda qaran ee ‘qof-iyo-cod’ ah. Tani waa munaasabad taariikhi ah oo u baahan waax warbaahineed oo firfircoon, xor ah oo bed-qabta, taas oo awood u leh inay wararka usoo tabiso si cabsi la’aan iyo eex la’aan ah,” ayuu raaciyay. “Maadaama dalku uu la tacaalayo cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, ayaa baahida loo qabo in warbaahintu soo tebiso warar sugan oo waqtigooda kusoo beegma ayaa sidoo kale ah arrin muhiim ah oo gacan ka geysanaysa kor u-qaadista wacyiga, taas badbaadin kara nolosha dadka.” Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa looga dan leeyahay in lagu xuso laguna difaaco mabaadi’da asaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda. Waxaa la xusaa sanad kasta 3da Maajo, waxaana halkudhigga Maalinta sanadkan uu yahay ‘Saxaafad aan lahayn Cabsi ama Eex,’ iyadoo halkudigga faaf-faahsan uu yahay sidan: bed-qabka haweenka iyo ragga suxufiyiinta ah, saxaafad madaxbanaan oo xirfad leh oo ka caaggan saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyo sinnaanta jinsiga ee dhammaan dhinacyada warbaahinta. Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, oo Soomaaliya ay saxiixday, ayaa dhigaya in xorriyadda hadalka ay tahay xuquuq aadane oo asaasi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey cudurka halista badan ee Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi. Dr Jaamac ayaa shaaciyey in baaritaan lagu sameeyey illaa 20 qof, islamarkaana xanuunka laga helay 12 ka mid ah. Wasiirka ayaa xusay in 9 ka mid ah dadka laha helay Covid-19 ay rag yihiin, halka saddexda kalena ay yihiin haween. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka laga helay xanuunka ay da’dooda u dhexeyso 15 illaa 65 sano jir, kuwaasi oo ah dad aan safar gelin Sideed ka mid ah 20-ka ruux ee la baaray cudurka faafa ee Coronavirus ayuu sheegay in laga waayey cudurka. Tirada guud Covid-19 ee deegaanada Puntland ayaa haatan caga-cageyneysa illaa 23 ruux, waxaan u geeriyooday xanuunka hal bukaan oo ku noolaa degmada Galdogob. Warbixintan oo ah tii u dambeysay ayaa muujineysa in deegaanada Puntland uu ku sii faafayo cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.
  17. Federation of Somali Journalists(FESOJ) ayaa qoraal sanadle ah waxaa ay ka soo saartay heerka xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo arrinkan la xiriirta. Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020, 4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 64 ayaa la xiray, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray. Saxafiyiinta sanadkii hore la dilay waxaa ka mid ahaa Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsan SNTV iyo Cabdiweli Cali Xasan oo warbaahinta Kulmiye ahaa. Warbixinta waxaa ku jira in Websiteyo dowladda dhaliila hawada laga saaray, in saxafiyiin badan ay dalka ka carareen kadib markii naftooda u cabsadeen, iyada oo NISA ay dacwo ku furay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA, waxaa sidoo kale dhaliil uu ka qoray Covid 19 loo xiray tifaftiraha guud iyo agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye kaas oo hadda dammaanad lagu soo daayey balse lagu amray in aanu ka hadli karin ama wax ka qori karin kiiska isla markaana aanu dhaleeceyn karin xataa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. FESOJ waxaa ay sheegtay iney diidan tahay tallaabo walbo oo lagu xakameynayo ama lagu garba duubayo xuriyadda hadalka iyada oo ku baaqday in la baa’biyo xeerarkaas boorinaya in sidaasi la sameeyo. Waxaa kale oo qoraalka FESOJ ku jira in gabdhaha ku jira warbaahinta ay caqabado badan la kulmaan sida in wiilasha laga fadilo, in la waxyeeleeyo, mushaarka oo lagu yareeyo iyo arrimo kale. Akhriso: Warbixinta oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo u warramayey warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay daadadkii xooganaa ee dhowaan ku rogmaday degmada Qardho ee maamulkaasi. Wasiir Xaange ayaa sheegay in fatahaadahaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 8 qof, sidoo kalena ay ku ku barakacayeen in ka badan 3500 oo qoys. Sidoo kale wuxuu tilmamay inay ku waxyeeloobeen daadadkaasi goobo ganacsi oo aad u badnaa oo ku yaalla gudaha magaalada Qardho. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Feyruus.mp3 View the full article
  19. The Coronavirus pandemic has brought about a political complication to Ethiopia. It is now clear that the election can not take place in August 2020 as scheduled before. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee Gobolada Bari, islamarkaana ah Masuulkii gacanta ku hayay Huteelka Hargeysa Club ee ay Xukuumaddu kala wareegtay, ayaa sheegay inuu si adag uga falcelinayo Arrintaasi islamarkaana aan sifo sharci ah loola iman ee uu maqlay uun in Degreeto Madaxweyne lagula wareegay Huteelkiisii. Wargeysa Foore oo Khadka Teleefanka Kula Xidhiidhay Suldaanka, islamarkaana arrintan wax ka waydiiyay ayaa ku jawaabay sidan: “Arrintaas Raali kama ihi, Haddii aan raalli ka ahay Degreeto Madaxweyne kuma soo baxdeen, wakhti dhaw inaan faah faahin iyo war weyn ka bixiyo ayaan rabaa, maanta Hawlo kale ayaan ku jiraa oo nabadayn ah, waxaan rabaa inaan u soo gacan baxo oo aan si adag bayaan uga soo saaro, Hargeysa ayaan imanayaa oo aan warbixin Faah faahsan Warbaahinta ku siinayaa laakiin hadda wax baddan odhan maayo”. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Waxa kale oo uu yidhi “Anigu waan fogahay hadda, Meel Fog ayaan joogaa, Gobolka Sanaag, Waxaan gacanta ku hayaa Hawlo nabadeed, arintaasna waan ogahay oo waata dhacday, markaa inaan hadda wax badan ka warramo ma jecli, waxaan doonayaa inaan ka aamuso, wakhtigeeda Hadii Alle yidhaah ayaan ka hadlayaa”. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa 2005-tii waxa uu Mashruuc heshiis kula galay Huteelka Hargeysa Club Xukuumaddii Wakhtigaasi ee Daahir Rayaale Muddo lagu sheegay 20-Sanno, taasi oo aanu wax maal-gashi ah oo muuqda ku samayn marka laga reebo dhismayaal Qabyo ah oo uu Wajahadda hore ee Huteelkaasi Ganacsade kale kusii wareejiyay. Dorraad ayay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland baahisay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland kaasi oo lagu laalay heshiiskaasi islamarkaana Huteelkaasi Hargeysa Club dib loogu celiyay gacanta Xukuumadda. Ciidamo xukuumaddu dul dhigtay Huteel Hargeysa Club ayaa wakhtigan dul fadhiya huteelkaasi oo ay xukuumaddu si rasmi ah ula wareegtay. Source
  21. Waxaa maanta May 3, dunida oo dhan laga xusayaa maalinta xuriyadda saxaafadda iyaga oo la badinayo wacyigelinta arrinkan la xiriirta, waxaa sidoo kale dowladaha looga digayaa iney ku xadgudbaan xuriyadda hadalka. Sida ay daabacday Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020, 4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray. Dowladda Soomaaliya ayaan warbaahinta u ogoleyn macluumaad la xiriira covid 19 iyo guud ahaan shaqada hey’adaha kala duwan ee dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga. Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda. Kerem Kinik waxa uu yidhi: “Bisha Cas ahaan, waxaanu garab taaganahay kuwa baahan 365-ka maalmood ee sannadka. Dabcan, waxa aanu taakuladan uga mahadcelinaynaa qaadhaan bixiyeyaasha saaxiibada ah ee nala shaqeeya. Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan. Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 milyan Si kastaba, Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixinta qaadhaan Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo. Xigasho: BBC View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku soo dhigay Gaadhi (Hard Top) ah oo Lambarkii Dawladda ee GT-gu ku yaallo kaasi oo sida la sheegay lagu soo cabeeyay Geedka qaadka ah islamarkaana lagu soo kootarabaaninayay. Gaadhigan Toyota ah oo midabkiisu ahaa Midabka caddaanka oo ay Ciidanka Booliisku habeen hore ku qabteen mid ka mid ah jidadka dhinaca koonfureed kasoo gala Magaaladda Hargeysa iyadoo qaad lagu soo kootaraabinanayo ayaa sida la xaqiijiyay ay lahayd Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha dawladduiyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inuu gaadhigaasi ka mid yahay islmarkaana uu ka tirsan mid ka mid ah Xafiisyadda masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu si gaar ah ugu adeegto. Inkasta oo aanay wali ka hadal hay’addaha ay arrintani khusayso, haddana Lama garanayo sababta ku kaliftay in gaadhi dawladeed lagu soo kootarabaaniyo Qaad, balse wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in gaadhigii iyo dirawalkiiba ay xidhan yihiin islamarkaana ay baadhis ku hayaan hay’addaha baadhista Dambiyadda Dawladdu. Dhinaca kale waxay arintani fajiciso ku riday Shacabka Somaliland intii maqashay oo saacadihii la soo dhaafay isku dhaafsanayay baraha bulshada, waxaana islamarkiiba si xoog ah loogu qaadaa dhigay oo lasoo dhigay sawirkii gaadhiga iyo goobta lagu qabtay oo lagu sheegay Masalaha Koonfurta Magaalada Hargeysa. Source
  24. (SLT-Boorama)-Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ayaa magaaladda Boorama kulan kula yeeshay Gudiyada amniga iyo Guddida ka hortaga heer gobol ee Xannuunka Covid19. Kulankaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada gobolka isla markaana looga hortagi lahaa xanuunka covid-19. Xubnaha golaha wasiirada ah ee guddiyadaasi kulanka kula qaatay Boorame waxa kamid ahaa Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, iyo wasiirka Ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajan). Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in shirkaasi lagaga hadlayay Nabad gelyada iyo sidoo kale shirk u saabsan xaaladda caafimaad ee gobolka iyo ka hortagga covid-19. Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in xaaladda xanuunka coronavirus ay maraysi mid khatar badan oo uu bulshada dhexdeeda ku fidayo. Waxaanu usoo jeediyay inay bulshadu raacdo tilmaamaha caafimaadka ee ku saabsan ka hortagga xanuunka covid-19. Source