Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Degmooyinka Heliwaa iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka C ee tartanka sanadlaha ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Heliwaa ayaa horay barbaro ula soo gashay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir, halka Balcad laga badiyey, kadib markii ay isku beegmeen Dayniile. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya dallada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University. View the full article
  2. Iyadoo Wasaarada ciyaaraha Dowlada Soomaaliya ay xayiraad saartay in aysan garoomada isboortiga kasoo warami karin wariyaasha ciyaaraha Goobjoog ayaa waxaa isa soo saataraya baaq loo jeedinayo madaxda Dowladda,kaas oo ah in caburinta sharci darada laga qaado warfidiyeenada Goobjoog. Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa Madaxda dowladda ku dhaliilay caburinta joogatada ay wasaarada ciyaaraha ku haayso wariyaasha isboortiga Goobjoog,iyagoo sheegay in warbaahinta Goobjoog ay tahay isha kaliya ee bahda isboortiga gudaha iyo dibadda ay kala socdaan warbixinada,horomarada iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa ciyaaraha Soomaaliya. Sidoo kale ururada u dooda saxafiyeenta ayaa iyagana dhankooda Goobjoog u sheegay in ay ka walaac sanyihiin xad gudubka lagu haayo wariyaasha ciyaaraha Goobjoog Media Group . Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa iyaga qudhooda ka xumaaday talaabadan,iyagoo ku baaqay in xayiraad iyo caburinta laga daayo saxifiyeenta Goobjoog Media Group. Si kastaba Marka laga tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog kala kulanto, Wasaarada Ciyaaraha Dowladda Fedraalka waxa ay wasiir Khadiijo baqdin gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha,iyadoo arinka ay tahay mid xad gudub ku ah xuriyada hadalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cabinta Goobjoog Ay Kala Kulanto Wasaarada Ciyaaraha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta ruux shacab ahaa lagu dilay deegaanka Taaruge oo galbeed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee gobolkaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen dilkaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Wararka ayaa sheegaya in toogashadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Dhinaca kale waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda kulamo xal loogu raadinayo xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Taaruge ee gobolka Mudug. Wariyaha Shabelle Cali Gaab ayaa sheegay in kulamadaasi uu garwadeen ka yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warbixin.mp3 View the full article
  4. Mandheera (Caasimadda Online) – Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya, Musliiminta dalkaas kasoo jeedo ayaa bilaabay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha Soomaaliya, si ay kaliya u dukadaan Salaada Taraawiixda. Wargeyska ayaa qoray in Booliska ay ku raad joogaan shaqsiyaadka Muslimiinta ah ee ku nool Magaalada Mandheere ee habeenkii Taraawiixda u aado gudaha Soomaaliya. Taliyaha Booliska Mandheera Onesmus Kyatha ayaa sheegay in la karantiili doonaan cid kasta oo ka gudubto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya “Waxaan haynaa macluumaad ah in dhowr qof oo reer Mandheera ah ay u gudbeen Soomaaliya si ay salaad ugu dukadaan masaajidyada halkaas ku yaal. Waxaan hawl galinay ciidamadeena Amniga, qof kasta oo lagu helo waa la qabanayaa, maxkamad ayaa la saari doonaa markii ay soo dhameystaan karantiilka 14 maalmood ah,” ayuu yiri Mr Kyatha. Taliyaha ayaa dadkaas ugu baaqay inay qaataan talooyinka hey’adaha Caafimaadka Kenya, si looga hortagi faafitaanka cudurka COVID-19 isla markaasna ay iska dhaafaan dhuumaaleysiga ay ku galayaan gudaha Soomaaliya oo kamid ah dalalka uu ku faafay cudurkaan. Tallaabada muslimiinta Kenya ay qaadeen oo ah inay si dhuulaameysi ah Taraawiixda ugu soo dukadaan gudaha Soomaaliya ayaa timid kadib markii la xiray dhammaan Masaajida dalka Kenya, taasoo qeyb ka ah ololaha looga hortagayo cudurkaan. Dalka Kenya ayaa laga helay illaa 400 kiis oo cudurkaan ah halka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey illaa 700 qof oo uu ku dhacay cudurkaan. Dhammaan Masaajida ku yaalo gudaha Soomaaliya ayaa waxaa laga oogaa Salaadaha Waajibka iyo kuwa taraawiixda, waxaana fashilmay isku day ay Dowladda ku dooneysay inay masaajida ku xirto kadib markii ay arrintaas ka hor imaadeen culumada iyo Shacabka Soomaaliya.
  5. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo ku bilowday qaraxyo oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Dagaallada oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanada Ceelsaliini iyo Bariire ee gobolkaasi. Taliyaha ciidanka dhulka oo ka warbixiyey dagaalladan iyo weeraradii ka horreeyey ayaa sheegay inay ku dileen tobaneeyo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka furteen dagaalyahanadii weerarada soo qaaday hub iyo gaadiid, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-04052020-ww.mp3 View the full article
  7. Finance Minister Abdirahman Duale Beileh spoke to writer Aggrey Mutambo on Somalia’s debt relief, security and Covid-19. Source: Hiiraan Online
  8. A Turkish plane carrying medical aid landed early Monday in the Somalian capital to help the country combat the novel coronavirus outbreak. Source: Hiiraan Online
  9. Doha (Caasimadda Online) – Amiirka Qadar Tamim bin Xamad Al Thani ayaa markii ugu horeysay amar ku bixiyey in Soomaaliya loo gurmado tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka Coronavirus. Amiirka Qatar ayaa amray in si deg deg ah loogu gurmado Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya lagu geeyo agabkii looga hortagi lahaa cudurkaan dhibaatada ku hayo adduunyada. Amiirka oo soo saaray hadal kooban ayaa sheegay inay Qatar diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato dadaallada Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Viruska Corona. Tan iyo markii uu bilowday caabuqa Corona, ayaa Soomaaliya waxaa gurmad kala duwan soo gaarsiiyey dalal dhowr ah iyo Hay’ado Caalami ah, hayeesheee Dowladda Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladan weli uma soo gurman Soomaaliya. Hadal kasoo yeeray Amiirka Qatar ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Turkiga ay Maanta Magaalada Muqdisho ka dajisay diyaaradii sedexaad oo siday gagaarka iyo qalabkii looga hortagi lahaa cudurka COVID19 oo Soomaaliya ku faafay.
  10. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has held a phone conversation with his Turkish counterpart Recep Tayyip Erdoğan to thank his country’s continued assistance. Medical aid from Turkey has arrived in Mogadishu as Somalia is struggling to contain the spread of COVID-19 that has killed 32 people and infected 722 since last month. The Second part of the medical aid supplies, prepared at the direction of President Mr. Recep Tayyip Erdoğan for use against the COVID-19 outbreak delivered to Somalia via Turkish Armed Forces aircraft. Somalia received a shipment of ventilators, test kits, medical supplies, masks, overalls & materials from Turkey to support us against COVID__19. President Farmajo said his country is grateful to the Gov’t & People of Turkey for standing with Somalis during this crisis. View the full article
  11. Mashaariic, kaalmooyin kale iyo Cash ayaa maalin walba Turkigu kusoo Daad gureeya Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkigu ay hadal dheer ku sheegayo inay Soomaaliya Cawimo ka [...] Source
  12. A Turkish plane carrying medical aid landed early Monday in the Somalian capital to help the country combat the novel coronavirus outbreak. “We delivered medical aid supplies to Somalia upon the directives of President Recep Tayyip Erdogan with the aim of combating the COVID-19 outbreak. A Turkish Armed Forces aircraft which took off last night has landed in Mogadishu,” the Defense Ministry said on Twitter. The aid was received by Somali Foreign Minister Abdulkadir Ahmed Khair and Health Minister Fowziya Abikar. An A-400M military plane carrying supplies including stretchers, beds, and quilts departed from Etimesgut Military Airport in the Turkish capital Ankara. On Saturday, Turkey also sent a shipment of medical supplies to Somalia, including new Turkish-made ventilators. The aid packages bear the Turkish presidential seal along with the Turkish and Somali flags and a famous saying by 13th-century poet and mystic Mevlana Rumi: “There is hope after despair and many suns after darkness.” According to data compiled by Johns Hopkins University in the US, there are 722 confirmed COVID-19 cases and 32 deaths in Somalia. Meanwhile, there are over 42,000 confirmed COVID-19 cases on the African continent — with more than 1,700 associated deaths, according to WHO. Egypt, South Africa, Algeria, Tunisia, Cameroon, Ghana, Nigeria, Guinea, Ivory Coast are the worst affected countries by the virus in Africa. View the full article
  13. Wax ka yar 48 saacadood gudahood, gooni u goosatada golaha ku meel gaaka ah ee koofurta Yemen iyo dagaal oogaha Libya ee Khaliifa Haftar, waxay ka fallaagoobeen Dowladohoodii, taas oo xadgudub ku ah hindiseyaashii hore ee nabadda. Talaabooyinkaas ma aysan dhaceen haddii aysan ahayn gacanta qarsoon ee Imaaraadka Carabta, Abu Dhabi ayaa awood siisay labada kooxoodba, si ay awood ugu gaarto. Horraantii 26-kii April, gooni u goosatada golaha ku meel gaaka ah waxay “ismaamul” uga dhawaaqeen magaaladda Cadan, caasimaddii hore Koofurta Yemen ka hor inta aysan la midoobin waqooyiga sanadkii 1990-kii, waxayna soo geba-gabeeyeen heshiiskii Riyadh ee ahaa in ciidankoodu ay la midoobaan Dowladda uu hogaamiyo Cabdu Rabbu Mansoor Hadi. Habeeenkii xigay, Haftar ayaa ku dhawaaqay in uu yahay hogaamiyaha Libya islamarkaana uu leyahay “muddo xileed sax ah”, isagoo sheegay in uu doonayo in uu “abuuro xaalado lagu dhisayo hey’ado rayid ah oo joogto”. Taasi waxay ka dambeysay markii uu tir-tiray heshiiskii Skhirat ee lagaaray sanadkii 2015-kii, kaasi oo dhigayay in uu Dowlad kula midoobo Xukuumadda caalamku aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Xilli aan hoobeyn Xilligaas aan habooneyn waxa ay abuureen layaab, sababtoo ah Labada kooxood oo si weyn ugu tiirsan Imaaraadka. Waa suurta gal in Abu Dhabi – ka sokoow diidmadeeda rasmiga ah go’aankii gooni ugoosatada koofurta Yemen – ay dhiiri gelisay kacdoonka is xig-xiga ee ka dhanka ah Hadi iyo Dowladda Caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya. Iyadoo gooni ugoosatada koofurta Yemen ay wajahayaan cadaadis uga imaanaya Dowladda Yemen kaasi oo ku saabsan in ay u hogaansaman heshiiskii awood qaybsiga ee Riyad lagu gaaray sanadkii 2019-kii, Dowladda Libya ee Turkigu taageerayana waxay dhawaan ka hortagtay xoogagga Haftar, talaabooyinkaasi waxay qayb ka yihiin iskuday dhab ah oo lagu sugayo jiritaanka Dowladaha. Abu Dhabi waxay ka shaqaysay in ay xaqiijiso in labada kooxba ay awood iyo saameyn yeeshaan, si ay u sugto saameynteeda gobolka. Tan iyo sanadkii 2014-kii Imaaraadka waxay u arkeysay Haftar in uu yahay awood muhiim ah si ay ugu celiso dadaalladii Masar ay uga sameysay nidaam militari oo keligi talis ah, sidaas darteedna waxay garbaha ku qaadatay dagaal oogaha Libya. Abu Dhabi waxay door muhiim ah ka cayaartay dhismaha ciidanka Haftar ee loogu yeero Ciidanka Qaranka Libya, waxayna faraha kula jirtay ololihiisa uu ku doonayay in uu Tripoli kula wareego tan iyo April 2019-iyadoo badanaa ka faa’iideysaneysa fikradda xun ee Ruushku kala kulmo reer galbeedka. Kadib markii uu Khaliifa Haftar ka baxay wadahadaladii ay garwadeenka ka ahaayen Ruushka iyo Turkiga ee lagu qabtay Moscow bishii January, waxaa uu dareemay in uu taageero fiican ka heysto meel kale oo ah Abu Dhabi – si uu dib ugu billaabo howlihiisa militari, isagoo muujinaya saameeynta adag ee Imaaraadka ay ku leedahay dagaal oogaha iyo Libya qudheeda. Sheegashooyinka laga shakisan yahayay Iyada oo taageereysa gulufka Haftar, Imaaraadka waxay maal geliyeen ayna taageereen Golaha Gooni u Goosatada ee koofurta Yemen tan iyo aasaaskoodii 2017-kii. Fallaagadu waxay dalbadeed Madaxbanaani koonfurtu ay ka qaadato Waqooyiga wadanka. Iyaga oo si shaki ku jiro u sheegayana in ay matalaan danaha dadka Yemen ee koofurta degan, Gooni u Goosatada qudhooda waxaa aas-aasay Imaaraadka Carabta. Duqayntii Cirka ee Imaaraadku Carabtu u geysteen ciidanka Dowladda Yemen kadib markii ay Gooni u Goosatadu afgambi ka fuliyeen magaalada Cadan bishii August ee sanadkii hore waxay muujisay in taageeradda ay u hayaan falaagada. Waxay dooneysay in ay cuuryaamiso heshiiskii Riyadh lagu gaaray sanadkii lasoo dhaafay ee Sucuudigu kasoo shaqeeyay kaasi oo ay taageereen maleeshiyaada koofurta oo dhan oo ay ku jiraan kuwa jooga jasiirada muhiim ka ah ee Socotra. Imaaraadka waxay raadinaysaa in ay maamusho koofurta Yemen iyo dekadeheeda, gaar ahaan Caden iyo Socotra, si ay u abuurto aag ay ku saameyso badda cas una kordhiso ganacsigeeda badda. Waxay Imaaraadku doonayaan in ay ka hortagaan madax banaanida dekadaas iyo Yemen si uusan ugu weecan ganacsiga dekadeheeda. Imaaraadka Carabtu waxay sidoo kale raadinayaan in ay cuuryaamiyaan madaxbanaanida Libya, sababtoo ah Liibiyada saliidda hodanka ku ah waxay soo jiidan kartaa maalgashi caalami ah waxayna la tartami kartaa Abu Dhabi. Xitaa hadii uu Haftar la wareegi waayo Libya, kacdoonkiisii dhowaa waxaa uu uga sii darayaa kala qayb sanaanta Libya. Sidaas darteed, Imaaraadka waxay maamuleeysaa kooxaha kala duwan, si u xaqiijiso saameyteeda. Labada koox ee hoos tagta Imaaraadka, midba midka kale waxaa uu u muujiyay aqbalaad. Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay Madaxweyne ku xigeenka Gooni u Goosatada Yemen Hani bin Breik waxaa uu ku dhaawaaqay in golaha gooni u goosadku uu tageerayo Khaliifa Haftar, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ciidankiisa la wadaagan “khubarada iyo khibradda” si uu ula macaamilo “maleeshiyaadka sharci daradda ah” ee Libya. Labadda kooxoodba waxay xambaaraan hindisaha xagjir diidka ah ee Imaraadka Carabta, si ay cudur daar ugu sameeyaan dadaalladooda militari, iyagoo sheeganaya in ay sharci yihiin islamarkaana ay dadkooda matalaan. Kala qaybsanaanta Sucuudiga iyo Imaaraadka Weli, si ay u gaarto hamigeeda, dowladda Imaaraadka waxay wajaheeysaa caqabado, ugu horeyn uga imaanaya xulifadeda Sucuudi Carabiya kaasi kala shaqeeyay in ay saameyn ku yeelato Yemen iyo Liibiyaba . Caqabadasi waxay kordhiyeen loolanka u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo ku kala qayb samay Yemen, taas oo mararka qaarna laga bad-badiyo. Imaaraadka waxay xaqiiqdii abuurtay xiriirro aad u saxan iyadoo u mareysa awood siinta Golaha Gooni u Goosadka Yemen iyo maleeshiyaadka la shaqeeya, marka loo barbar dhigo Sucuudiga oo ay sii yaraaneyso saameyntii uu u marayay taageeradda Hadi. Sucuudi Carabiyana waxay Haftar dhaqaale ku siisaa in uu weerar ku qaado Tripoli, Imaaraadka Carabtuna waxaa uu Sucuudiga ka qaaday hoggaanka Haftar. Sucuudi Carabiya badanaa waxaay mowqif qarsoon ka aaminsan tahay Imaaraadka oo meel madax banan ka taagan Yemen. Weli, marka la eego is xulufeysiga kale ee gobolka ay ku leeyihiin, ajandaha ay wadaagaan ee kacdoon la dirirka ah, maalgelinta adag iyo xiriiradooda military-ga – xukuumadda Riyad diyaar uma ahan in ay ka hortimaado xukuumadda Abu Dhabi. Inkastoo ay Imaaraadka si weyn u garab martay Sucuudiga, haddana Imaaraadka waa ay in ay raacdaa beesha caalamka si ay awood ugu yeelato Yemen iyo Liibiya, taageerana ugu hesho kooxaha hoos taga. Kasokoow diidmada koofurta ee qabsashada Golaha Gooni u Goosadka Yemen, kooxdu waxay sameysay dadaalo ujeedkoodu yahay in ay noqoto cidda keliya ee mataleeysa koofurta Yemen. Golaha Goo u Goosadka Koofurta Yemen waxaa la sheegay in ay adeegsanayaan adeegyo dhanka ololaha ah, sida ay muujiyeen qoraalo laga helay Maraykanka. Iyadoo ay wehliyaan dadaaladda marin habaabinta iyo ololaha ee Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Maraykanka iyo meerayaasha siyaasadda ee Europe, kooxdu waxay horumarinayaan xiriiradooda warbaahinta iyo hey’adaha talo soo jeedinta, xulufo awood badan ayaana ka shaqaynaya in ay sharciyeeyaan dhaqdhaqaaqa uu Imaaraadku tageero. Xasaanadda Caalamiga ah Kala qaybsanaanta Europe iyo iskaashi la’antooda Liibiya, iyo mowqifka aan caddeyn ee Washington ay ka taagantahay, ayuu Imaaraadka Carabtu xor ugu yahay in uu taageero Khaliifa Haftar, gaar ahaana tageerada uu Faransiisku siiyo Generalka Liibiya. Xitaa hadii farogelinta military-ga Turkigu ay xaddido hor u socodka Haftar, Imaaradka Carabtu Ciidamo badan ayey usameyn doonaan si dagaalku meel walba u gaaro. In Imaaraadku gaaro yoolkiisa Yemen, aad ayey u adkaan doontaa, si kastaba, Midowga Europe iyo Xogahayaha arrimaha Dibadda ee Maraykanak Mike Pompeo iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Yemen Martin Griffiths ayaa ka horyimid talaabadii ay dhawaan qaadeen Golaha Gooni u Goosadka ee Yemen, waxayna ku baaqeen in la xushmeeyo heshiiskii Riyadh. Ugu dambeyntii, hubka ay Reer Galbedku ka iibinayaan Dowladda Imaaraadka Carabta waxuu calaamad u yahay in ay ogolyihiin ficilkeeda, taas oo micneheedu yahay in Abu Dhabi ay leedahay xasaanad ku filan oo ay abaabusho ficiladda ay dooneyso si ay u mamusho Libya iyo Yemen iyadoo ay qaylinayaan caasimadaha galbeedka.
  14. Barnaamijka afuri walaal oo ay iska kaashadeen ganacsatada gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah shirkadaha ka jira dalka oo ay ugu horeyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta waxaa ka faa’ideesatay 2,600 oo ah qoysas danyar ah oo ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir. Gargaarka oo isugu jiray bur, bariis, sonkor, saliid, iyo timir la doonsiiyay qoysaska danta yar ah oo ku kala nool degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Wardhiigley Waabari iyo degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, waxaana dadka ka faa’ideystay ay ahaayeen qooysas danyar ah oo aad ugu baahi qabay maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Madaxa hay’ada Salaam Hormuud foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay ay xarunta degmada Hodon oo kamid ahayd goobahii deeqda lagu qeybinayay ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamijka afuri walaal oo ay iskakaashanayaan gudi ka kooban Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Hormuud Foundation iyo Salaam Bank. Cabdiraxmaancabdullaahigalaambioo ah gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaliyeed oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka afuri walaal loogu talagalay in ay ka faa’ideestaan 10,000 oo qoys oo danyar ah kuwaasoo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir Gudoomiyaha degmada Hodon ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdii gudiga afuri walaal ay soo gaarsiiyeen degmada islamarkaana ay kafaa’ideesteen dad dan yar ah kuwaasi oo si aad ah ugu baahiqabay deeqdan. Barnaamijka afuri walaal waxaa horay uga faa’ideestay ilaa sideed degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaasi oo isugeyntooda kadhigaysa marka la isku daro 5-ta degmo ee maanta kafaa’ideesatay. Gudiga ayaa sheegay in degmooyinka harsan iyana sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono barnaamijka afui walaal. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA: View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu wada aqbalo ama ka wada tago “qorshaha nabadda” Bariga Dhexe ee Trump uu ku dhowaaqay bishii Janaayo. Isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo sare, ayaa taleefishinka Israa’iil ee Channel 13 waxa uu sheegay in Mareykana ay ku war-geliyeen Netanyahu inaysan suurta-gal ahay in qodobadii uu doono uu ka qaato “heshiiska qarniga”, si ay Israa’iil ay ugu darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto. Sida uu sheegay taleefishinka Israa’iil, waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya Washington iyo Tel Aviv, oo ku aadan ku darashada Israel ee Dooxada Jordan, qeybta waqooyi ee Badda Dhimatay, iyo deegaano kale. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka Mareykanka ay weydiisteen Netanyahu inuu heshiiskla ku dhowaaqo ayada oo uu asal u yahay laba dal oo ay kala yeeshaan Israa’iil iyo Falastiin, haddii kale Washington aysan ogolaan doonin qorshaha ku-darsashada. “Shuruudda Mareykanka ayaa ah in Israel wada fuliso qorshaha, balse suurta-gal maaha inay ka qaadato qeybta ay doonto, si ay ugu darsato Daanta Galbeed,” ayuu yidhi qof xog-ogaal ah la hadlay Channel 13. Safiirka Mareykanka ee Israel David Friedman ayaa sidoo kale ku wargeliyey Netanyahu in Trump uu doonayo in Israel ay fuliso qorshihiisa, oo wax kale aanu raali ka ahayn. Trump ayaa 28-kii Janaayo ku dhowaaqay wax uu ugu magac dara “heshiiska qarniga”, kaasi oo xaqiijinaya laba dal oo ay kala yeeshaan Israa’iil iyo Falastiin, hase yeeshee magaalada Qudus, ayada oo aan la kala qeybin, ka dhigaya caasimadda Israa’iil. Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in Israel ay ku darsato deegaanada Yahuudda ee ay ka sameysay Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, wuxuu diidayaa in qaxootiga Falastiiniyiinta ee caalamka ay kusoo laabtaan dhulkooda, iyo arrimo kale oo muran badan. Falastiiniyiinta, oo Trump xidhiidhka u jaray 2017, markii uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda, ayaa si weyn u diiday qorshaha. Source
  16. Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo February 8, 2017, waxaa uu hoos u dhac xooggan ku yimid xorriyadda hadalka iyo guud haan helidda xogaha kala duwan hey’adaha dowladda iyada oo saxafiyiin badan ay maamulkiisa iyo kuwa kale kala kulmeen dil, dhaawac, jir dil, xarig, handadaad iyo arrimo kale taasi oo keentay in sanadkan ay saxafiyiinta Soomaaliyeed sameeyaan markii ugu horeysay “Kacdoonkii April” iyaga oo muddo bil ku dhow wadey olole ka dhan ah maamulka Farmaajo isla markaana diidanaa tacadiyada iyo xadgudubyada ay ula kulmaan sida joogtada ah. Axaddii oo aheyd maalinta xorriyadda saxaafadda dunida, sida ay daabacday hey’adda u doodda saxafiyiinta ee Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020, 4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 64 ayaa la xiray, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray. Qoraal wadajir ah oo isla maalintaas ay soo saareen hey’adaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed sida FESOJ, SJS, SOMA, SIMHA iyo SWJO ayey dowladda federaalka ah uga digeen tacadiyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyaga oo uu qareenkooda uu warqad cabasho ah u diray madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah. Human Rights Watch oo baahisay qoraal looga hadlayo tacadiyada ay la kulmaan saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegeysa in Soomaaliya ay sii laba jibaartay hanjabaaddda ka dhanka ah saxafiyiinta iyada oo tan iyo bartimihii April la xiray 3 weriye halka shaqada laga joojiyey idaacad maxali ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday iney soo afjarto xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta. Human Rights Watch ayaa sidoo kale ka hadashay in xeerka ciqaabka Soomaaliya oo waqtigiisu dhacay ama duugoobey la hirgeliyey 1964-tii, waxaana ku jira dambiyo hummaag ku jiro oo tiro badan oo ay ka mid yihiin sumcad dilid, ku xadgudubka karaamada iyo sharafta madaxweynaha, cayda sarkaal dowladeed ama hay’ad iyo quudhsi ka dhan ah qaranka, gobolka, ama calanka, dhammaan , kuwaas oo aan la jaanqaadi karin xeerarka dalka, gobolka iyo dunida ee xuquuqda aadanaha. Haddaba Goobjoog News ayaa heerka xorriyadda hadalka iyo caqabadaha horyaalla waxaa ay ka wareysatay wasiirkii hore warfaafinta Safiir Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte, guddoomiyaha Tubta nabadda Cabdullahi Shirwac iyo Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire. Wasiirkii hore warfaafinta Safiir Daahir Geelle oo ka hadlay xilligan iyo xoriyadda hadalka ayaa yiri” Soomaaliya xilligan ay ku sugan tahay, waxaan aaminsanahay in hoos u dhac xoog leh uu ka jiro, xataa waqtigii Carte ka hor sidii ay aheyd iyo xuriyadda ay heysatay, oo aan ku dhex nooleyn dalka, maanta sida ay tahay ayaa ka culus, saxaafad la handadaayo, saxafi inuu edbanaayo la rabo oo waxa dowladdu ay rabto ma ahane wax kale aanu sheegin ayaa xilliyadan aad u soo kordhay, waana ka xumahay, waxaan qirayaa hoos u dhac oo xoog oo ku dhacay xuriyadda saxaafadda xilliga dowladdan inuu jiro”. Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo arrinkan ka hadalaya ayaa yiri “Sida ay dad badan horay uga hadleen xaalada saxaafadda dalka walwal iyo walaac badan ay leedahay marka la fiiriyo suxufiyada aadka u faraha badan ee waayahaan la bartimaameedsaday, la xiray ama la handaday ama runtii shaqadooda lagu adkeeyey, waxaan is leeyahay waqtiyadii dambe intii aan anigu ka warhayey dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey ma xasuusto xili ay xilligaan uga adag tahay suxufiyiinta iyo si guud warbaahinta dalka. Wasiirka waxaa uu difaacay kaalinta warfaafinta isaga oo intaasi raaciyey “ Saxaafadda waxaa la yiraahdaa waa tiirka 4-aad ee dowlad dimoqoraadiga ah, oo ay ku dhisan tahay sida la ogyahay marka laga hadlo sharci dejinta, garsoorka iyo golaha fulinta ayaa ah tiirka dowladda laakiin kan afaraad aan looga maarmin dowladnimo waa saxaafad maaxbannaan oo waajibkeeda masuuliyedeed si hufan u gudata, waajibkaas waxaa uu yahay in waxa ka dhex socda sedexdaas hey’adood oo kale oo xog ah in ay dadka u soo gudbiso . Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “ Haddii aad aragto meel saxaafadda la baacsanaayo waxaa asal ka ah madax aan isku kalsooneyn, dowlad aan isku kalsooneyn, dhaqan Dictatornimo iyo kaligiitalsnimo ayaa asal u ah, dalalka adduunka ee isku kalsoon oo madaxdooda ay iskukalsoon yihiin ama dastuurkooda uu xooggan yahay oo saxaafadu ay helayso badbaadada ay u baahan tahay saxaafadda lama beegsado, lamana bartilmaameedsado beegsiga saxaafadda waxaa uu salka ku hayaa dhaqan aan horay u soo marnay. Dhankiisa, guddoomiyha hey’adda tubta nabadda Cabdullahi Maxmed Shirwac oo isla qodobkan ka hadlay ayaa yiri “ Heerka xuquuqda iyo xorriyaadka Soomaaliya markaad si u fiiriso aad ayey u hooseysaa , waad aragtay waa la isdilayaa , waa la isdhacaa, waa la isxabisaa, waxaas oo dhan waxaa laga yaabaa inaan loo soo marin hab raacii sharciyadeed ee la rabay in loo maro, Soomaaliya dil badan ayaa ka dhaco kii dilka gestana lama keeno cadaaladda, xarig faro badan ayaa ka dhaca, xorriyaadkii wadanka markii aad fiirisid waddada ma mari kartid, diyaarad ayaa la aadaa meel walbo oo wadankii ma mari kartid xoriyad lagu xad gudbay waaye, waayo waxaa ay aheyd inuu qof ku socdo oo meel walbo uu gaari ku maro.” Cabdullahi Maxmed Shirwac oo sii hadlaya “ Marka aad dadka caburiso, dadku waa ay kaa harayaan markii ay kaa haraan sharciyad ayey yeelanayaan, wixii aad ku samaysana waxaa ay noqonayaan waxaad xoog ku samaysay, xoriyaadka iyo xuquuqdii aad ku samaysay”. Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawlka hadalka waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in haddii dowladi xirto ama jirdil u geysato saxfi sabab la xiriirta war uu baahiyay inay tahay dowladdaasi mid xun islamarkaana ay ku tumanayso xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida “Dowlad Wariyaha u xirto ama u jirdisho maxaad warkaas u sheegtay waa dowlad xun , wasiir inta meel soo istaago isku dayo inuu marmarsiyo u sameeyo caburrinta saxaafadda waxaa la yiraahdaa dilaa saxafi, waaana la cambaareyaa” ayuu yri Madaxa difaacayaasha. Xasan Shire ayaa dhinaca kale waxa uu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay kaalmaha ugu hoseeya uga jirto xoriyadda hadalka “Soomaaliya 163 ayey uga jirtaa sanadkaan meesha ugu hooseysa xataa gobalka oo Burundi iyo Koonfurta Suudaan wey ka hooseysaa marka la fiiriyo celceliska dhibaatada ku dhacda dadka saxaafadda u ololeeya iyo kuwa ka shaqeeya” waxa uuna arrinkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah. Isaga oo sii hadlay ayuu sheegay in hadii la waayo saxaafad madax bannaan aysan jiri doonin xoriyad iyo madax bannaani kale “Haddii la waayo saxaafad madax bannaan xoriyad kale iyo madax bannaani kale oo jiri karta ma jirto dimuquraadiyad lama gaari karayo dowlad hufnaan lama gaari karo haddii aysan jirin xoriyad dhab ah oo saxaafaddu leedahay oo ka fog cabsi intaas baa gundhig u ah marka 1-aad”. Inkasta oo dastuurka iyo sharciyo kale ee dalka ay dammaanad qaadayaan xuriyadda hadalka hadana hey’adaha dowladda oo adeegsada xeerka ciqaabka ee duugoobey waxaa ay caburin iyo xadgudub joogta ah ku harayaa saxafiyiinta Soomaaliya xilli dalka uu ku baaheen dagallo, qalalaaso, Covid 19 iyo arrimo kale oo dadku doonayaan xogo waafi ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Dagaalladan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro saf-ballaaran ah ku qaadeen saldhigo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuw Kenya ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaallada ay socdeen in muddo ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladaasi iyo sidoo kale weerarada ka horreeyey intaba, hase yeeshee ciidanka dowladda ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada qaranka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo cusub oo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanka. Al-Shabaab ayaa tan iyo markii la gudaha bisha barakeysan ee Ramadaan sare u qaaday weerarada ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  18. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government is not responsible for attacks against the media outside the capital Mogadishu, Villa Somalia said Sunday in response to sharp criticism against President Mohamed Farmaajo’s administration by media rights groups locally and internationally. Source: Hiiraan Online
  19. Xubno ka tirsan maamulka degmada Waabari ayaa goor dhow jir-dil xoogan u geystay howlwadeeno ka tirsan Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Wariye Safiyo Cismaan Cabdulle oo ah war-doon ka tirsan Tv-ga iyo Idaacadda Shabelle ayaa waxaa si arxan darro gacan ugu qaaday guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Waabari, kaas oo dhaawac gaarsiiyey, kadib markii uu dhagax la dhacay. Safiyo oo uu dhaawac culus ka soo gaaray falkaasi ayaa la geeyey mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa isna jir-dil loo geystay Gacal oo ah Kaamiro-Maan ka tirsan Telefishinka Shabelle, iyada oo laga qaatay qalabkii uu watay. Wariyeyaasha Shabelle ayaa u tegay degmada Waabari dibadbax halkaasi ka dhacayey oo ay dhigayeen haweenka nadaafadda ka shaqeeya, kuwaas oo ku eedeeyey maamulka degmadaas inuu musuq-maasuqay raashin mucaawino ah oo iyaga loogu talagalay. Mid ka mid ah haweenka ka qeyb galayey dibadbaxaasi oo goobjoog u aheyd dhacdada ayaa faah faahin ka bixisay, sida ay wax u dhaceen. Shalay ayey aheyd markii Muqdisho laga xusay maalinta xorriyada saxaafadda adduunka, iyadoona wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhigay dibadbax cabasho ah ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay caburin iyo hanjabaad ay ku heyso suxufiyiinta madax banaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Turki-.mp3 View the full article
  20. Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo axad ka soo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho. Qalabkaan ay ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus . Muqaal kooban oo ay Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya ku daabacday barta ay ku leedahay faceboka ayaa u qornaa sida tan “Diyaaradii sedexaad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka. Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay 48 saac ee la soo dhaafay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Tirada xaaladaha COVID-19 guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay kooxo hubeysan ka geysteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in toogashada loo geystay Macalin dhigi jiray Dugsi Qur’aan, kaas oo si weyn looga yaqiinay magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay marxuumka dileen rag ku hubeysnaa bistoolado oo falka kadib goobta isaga baxsaday. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dambeysa dilka loo geystay Macalinka la toogtay, xilli ku sugnaa bartamaha degmada Afgooye. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, balse ma jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dhacdadaasi. Dhanka kale weli wax hadal ah kama soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Shabeelaha Hoose Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah nabad-geliyada, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay qaarkood fuliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
  22. Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen Cabdiyare Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen ( Cabdiyare), ayaa xalay si rasmiya ula wareegay xilka, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Amniga Puntland ee Caasimadda Garoowe. Taliye Cabdiyare, oo Madaxweyne Deni uu magacaabay 27-kii bishii tagtay ee April, ayaa xilka kala wareegay Taliyihii hore Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo xilkaasi hayay mudda sannad iyo lix bilood ah, kadib markii loo magacaabay 28-October 2018. Munaasabadda xil-wareejinta, waxa ka qayb-galay Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, Taliyaasha Ciidamada Asluubta iyo Daraawiishta, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Marti sharaf kale. Gen Cabdiyare, oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda xil-wareejinta, ayaa ballan-qaaday in uu isbeddel dhab ah ka samayn doono Sugidda Amniga Puntland , islamarkaana uu ka shaqayn doono in Booliisku saaxiibo dhow u noqdaan Shacabka. Booliiska Puntland, waxaa shantii sannadood ee u dambaysay isku-beddelay ilaa Shan Taliye, laga soo bilaabo 7-Agoosto 2015 xilligaas oo Taliyaha Booliiska Puntland loo magacaabay Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud). 14-May 2016, Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaaday General Cabdirisaaq Af-guduud, kadib shaqaado ka dhacday Xarunta Ciidanka Birmadka Puntland ee Magaalada Boosaaso, wuxuuna Taliyaha Booliiska Puntland u magacaabay sarreeye Guuto Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg. 25-January 2018, Madaxweyne Gaas ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliiska Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo markii horena uu shaqa-joojin ku sameeyay, waxaana si rasmiya Taliyaha Booliiska Puntland loogu magacaabay Gen. Cabdullaahi Shire Dool. 28-October 2018, Cabdiweli Gaas wuxuu haddana xilka ka qaaday Cabdullaahi Shire Dool, isagoo Taliyaha Booliiska Puntland u magacaabay Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, kaas oo isagana 27-April 2020 uu Madaxweyne Deni ku beddelay Sarreeye Guuto Cabdi Xassan Xuseen Cabdi yare. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo shan sanno gudahood Shan Taliye Yeeshay appeared first on Puntland Post.
  23. Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo axad ka soo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho. Qalabkaan ay ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus . Muqaal kooban oo ay Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya ku daabacday barta ay ku leedahay faceboka ayaa u qornaa sida tan “Diyaaradii sedexaad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka. Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay 48 saac ee la soo dhaafay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday. Tirada xaaladaha COVID-19 guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Labo diyaaradood oo ka yimid wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay gargaar caafimaad oo lagu talalagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay deeqdaasi markale ka timid Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad. “Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka, si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia. Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya. “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.