Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Diridhaba)-Galinkii dambe ee shalay ayaa magaalada Diridhabe waxaa ka da’ay Roob xooggan oo khasaare naf iyo maal ah gaystay. Roobkan oo saacado badan da’ayay ayaa dilay 2 carruur ah sidoo kalena dumiyay guryo dhawr ah. Dhibaatada uu roobkan geystay ayaa waxay usii dheer togga wayn ee Ashawa ee dhex mara magaalada oo soo fatahay kaddibna khasaare badan gaystay. Magaalada Diridhabe ayaa maalmahan waxaa ka da’ayay roobab u badnaa wixii duhurka ka dambeeya, balse roobkii shalay ayaa ahaa mid ka duwan roobabkii maalmahan ka da’yey magaalada. Source
  2. Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga. Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub. Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus. “Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur. Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga diiwaan galiyay kiisas kor u dhaafaya 300 oo COVID-19 ah sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay dable booliis Xasan Aadan xasan kaas oo xalay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir ku dilay labo qof oo shacab ahayd. Dilka marxuumiintaas ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ka dhaga adeekeen dadka geeriyooday inay guryahooda ku xaroodaan iyaga oo markaasi ku andacoonayay inay joogaan bannaanka guryahooda, waxaana intaas ka dib rasaas uu furay dable booliis Xasan Aadan Xasan ay sababtay geerida Allaha uwada naxariistee Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ahaa iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17-jir ahayd. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi geeriyooday xalay lagu dilay hoygooda inkastoo dhacdadaasi ay ka soo kala baxayaan warar kala duwan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bandowgii saarnaa magaalada laga soo hormariyay waqtigiisa bilawga bisha barakeysan ee ramadaan waxaana ay tilmaamtay in bandowgu uu bilaaban doono 7:00 fiidnimo taas oo dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ay walaac xoog leh ka muujiyeen. Waxaa isi soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan go’aanka ay waqtigiisa uga soo hormariyeen bandowga xilli la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan oo maanta 2 ah. Xalay waxaa shacabka ku dhaqan degmada Boondheere ay dhigeen dibadbaxyo ay uga soo hor jeedeen dhacdadii ay ku waayeen Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo degmadaasi degannaa. Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya xilli shacabku ay aad uga xumaadeen bandowga fiidkii ah iyo bisha ramadaan oo ay dowladdu isku soo beegtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hay’adda cunada adduunka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ku dhowaad 20 Milyan oo ruux oo ku nool dalal ay ku jirto Soomaaliya ay haatan wajahayaan cuno yari baahsan. Warbixinta WFP ayaa waxaa lagu xusay in Malaayiintaasi ruux ee wajahaya cuno yarida baahsan ay ku kala noolyihiin wadamada Somalia, Ethiopia, South Sudan, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, Djibouti iyo Eritrea oo uu dhammaantood ka jiro Corona. Sidoo kale warbixinta hay’adda cunada aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in dalalkaasi dhaca geeska Africa uu saameyn xoogan ku yeeshay Coronavirus, sidoo kalana ay ka soo kabanayaan abaaro iyo fatahaado ku dhuftay dalalkaasi sanadkii hore ee 2019-kii. Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga cabsi qabo in ay kordhaan dadka cunada yarida wajahaya, islamarkaana ay gaarto illaa 50 Milyan oo ruux, sababo la xiriira saameynta cudurka faafa ee COVID-19 uu ku yeelan karo howlaha gurmadka ee loo fidin karo Malaayiintaasi ruux ee haatan u baahan gargaarka bani’aadanimo. Hay’adaha gargaarka ayaa horay uga digay in dadka ku barakacay gudaha dalka ay noqon karaan kuwa ugu nugul inuu ku dhex faafo cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, maadaama aysan jirin wacyi-gelin toos ah oo ay helaan dadka barakacayaasha ah. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sida ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka, waxaana hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka iyo dowladda dhexe ay sameynayaan wacyi-gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta uu u geysan karo cudurkaasi. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee wadanka Uganda Richard Karemire ayaa ka warbixiyey weerarkii is-miidaaminta ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay qarxiyeen labo baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhufay in ciidamadu ay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhanka dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Afhayeenka ciidanka milatariga dalka Uganda ayaa intaasi ku daray in uusan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray weerarkaasi ku bilowday is-miidaaminta. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in haatan heegan buuxa la galiyey ciidamada jooga saldhigaasi, si ay isaga ilaaliyaan weeraro kale oo lagu soo qaado Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Al-Shabaab ay baahisay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiisay weerarkii ay ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee ku yaalla garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee gobolka Sh/ Hoose.
  6. “All of my friends who have met him still love him. He has made a huge impact on them just from that one day they saw him.” Source: Hiiraan Online
  7. The UN’s International Organisation for Migration (IOM) estimates that so far in April "over 2,400 migrants" have been returned from Djibouti to Ethiopia, said Yvonne Ndege, an IOM spokeswoman. Source: Hiiraan Online
  8. Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa bogaadiyay Heshiisyada laga gaaray khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii Jubaland iyo Galmudug. War-murtiyeed xalay ka soo baxay xubnahan, oo uu warbaahinta u akhriyay xildhibaan Maxamed Cabdikaafi Maxamed, ayaa lagu bogaadiyay Heshiiskii Siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasi oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug February 2020. War-murtiyeedka, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkii ka horjeeday, Heshiiskaas oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii bishii Agoosto 2019 ka dhacday dowlad goboleedka Jubaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe. Sidoo kale, xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada mucaaradsan ugu baaqday in ay wixii khilaafaad dhexdooda ah ku dhammeeyaan wada-hadal iyo isu-tanaasul. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xildhibaano heer Federaal ah oo taageeray Heshiisyadii ka kala dhacay Galmudug iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  9. Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood. Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah. Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19. Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19. View the full article
  10. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanka ku soo dhigeen askari xalay laba qof oo shacab ahaa ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in askariga la qabtay uu si bareer ah u toogtay labadaasi qof, islamarkaana la soo taagi doono maxkamad. “Ciidanka Bolsika saldhiga degmada Boondheere waxeey gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan isla Booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo xalay laba qof oo shacab ah si bareer ah ugu toogtay isgooska jubo.” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska. Dilka loo geystay labada qof oo dhacay xala fiidkii ayaa sababay dibadbax ay magaalada Muqdisho ka dhigeen boqolaal shacab ah oo ka careysnaa toogashadaasi. View the full article
  11. Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa xalay ku loolamay barnaamijka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray Group-ka A is araga koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan. Tartamayaasha kala matalayey Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa sidoo kale muujiyey dadaal badan, waxaana ay galeen bar-bar dhac, si la mid ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo habeen hore lagu daah-furay barnaamijka tartan aqooneedka Shabelle. Guddoomiyaha guddiga tartanka, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in degmada Kaaraan ay la timid dhibco gaaraya sideed, halka degmada Howlwadaag ay si la mid ah iyana keensatay sideed buundo. Degmooyinka Kaaraan iyo Howlwadaag ayaa u dambeeyey Group-ka A, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoona la guda geli doono Group-ka B oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo, iyadoona caawa lagu bilaabi doono degmooyinka kala ah, Heliwaa iyo Xamar-Weyne oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka. Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan. “Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-25042020.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale Ra’iisul wasaara Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait ayaa ka wada hadlay xaaladda uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee COVID-19. “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida Kuwait ay Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta saf-marka ah ee Covid 19.” ayuu lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Khayre ayaa sidoo kale ka dalbaday Kuwait inay ka gacan siiso la dagalaanka cudurkan oo ah mid safmar ah, islamarkaana dhibaato ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Al-Sabaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa ay ka caawin doonto mida Muqdisho xakameynta Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, waxaana horay deeqo kala duwan ay uga heshay wadamada Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
  15. Hay’adda Iskaashiga u qaabilsan waddanka Turkiga ee magaceeda loo soo gaabiyo TIKA ayaa Jimcihii shalay shaacisay in ay kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo ku nool waddanka Jabuuti Qoraal ka soo baxay TIKA ayaa lagu sheegay in hay’addu kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan kun Qoys oo sabool ah kuwaas oo ku nool dalka Jabuuti inkastoo aysan faahfaahin ka bixin noocyada ay ka koobnayd kaalmadaas. Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in mucaawinadaas banii’aadanimo ku soo beegmatay xilli uu waddanka Jabuuti ku sii fidayo xanuunka COVID-19 kaasi oo saamayn xooggan ku yeeshay nolosha dadka danyarta ah ee Reer Jabuuti. Jabuuti oo kamid ah dalalka Geeska Afrika waxaa si xawliya ugu faafaya xanuunka Coronavirus kaas oo haatan maraya 999 kiis sida laga soo xigtay wasaaradda Caafimaadka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Hay’adda TIKA oo Kaalmo banii’aadanimo gaarsiisay in ka badan 1000 Qoys oo ku nool jabuuti appeared first on Puntland Post.
  16. Saudi Arabia is to abolish flogging as a form of punishment, according to a legal document seen by media outlets. Source: Hiiraan Online
  17. According to the Africa CDC there are now more than over 17,700 confirmed Covid-19 cases with over 900 deaths across 54 African countries. Many countries in this region have introduced lockdowns and strict containment measures seen across Europe to slow the spread of the virus. Source: Hiiraan Online
  18. Like most countries around the globe, Somalia finds itself in the throes of the COVID-19 pandemic. The number of known infections has risen dramatically in the last weeks. Sweeping public restrictions have followed suit in a bid to curb the spread of the disease. Source: Hiiraan Online
  19. IN THE FIRST FOUR months of this year, U.S. Africa Command has conducted more airstrikes in Somalia than it did during all of Barack Obama’s eight years in office. Source: Hiiraan Online
  20. In early March, Ethiopian Airlines CEO Tewolde Gebremariam told an aviation conference in Addis Ababa the coronavirus pandemic was “a temporary problem” – comparable to a natural disaster or a spike in oil prices. Source: Hiiraan Online
  21. Riyadh (Caasimada Online) – Wicitaan teleefon oo bishii tegtay dhex-maray dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isku rogay inay isku qeyliyaan, taasi oo horseeday in Riyadh ay suuqyada caalamka kusoo fasaxdo saliid dhulka gaysay qiimihii, ayada oo ku xumeyneysa Ruushka. Saraakiil Sacuudiyaan ah oo xog-ogaal u ahaa wicitaanka teleefon ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye, inuu halis geliyey inuu tir-tiro bilo labada dal ay isku soo dhowaanayeen, oo la isku raacay ganacsi hub oo baaxad leh. Wicitaanka teleefon ayaa dhacay ka hor kulankii dalalka OPEC+ ee 6-dii March, kaasi oo dalalka soo saara saliidda ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in la dhimo wax soo-saarka saliidda, kadib markii uu hoos u dhacay dalabkii, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. “Kahor kulankaas waxaa jiray in Putin iyo Mohamed Bin Salman ay ku wada-hadleen taleefonka. Bin Salman wuxuu ahaa qof daan-daansi uu ka muuqday, wuxuuna waqti u qabtay Putin. Wuxuu ku hanjabay in haddii aan heshiis la gaarin ay Sacuudiga billaabi doonaan dagaal dhanka qiimaha saliidda ah,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ahaa kulanka. “Kulanka wuxuu ahaa mid isla-weyni ay ku jirtay, labadoodaba way isku qeyliyeen. Putin wuxuu diiday waqtiga uu u qabtay Bin Salman, wuxuuna wicitaanka teleefon kusoo dhammaaday si xun,” waxaa sidaas yiri sarkaal Sacuudiyaan ah oo codsaday inaan la magacaabin. Kahor inta uusan daan-daansan Putin, Bin Salman ayaa marka hore la socodsiiyey Jared Kushner, oo ah wiilka soddoga uu yahay madaxweyne Donald Trump, ahna la-taliyihiisa sare. “Wicitaanka Putin waxaa fasax loogu haystay Trump, ayada oo loo marayo Kushner. Kushner ma uusan weydiisan Bin Salman inuu waco Putin, balse sidoo kale ma muujin diidmo, kadibna Bin Salman isaga ayaa go’aankiisa gaaray,” ayuu yiri il-wareed xog-ogaal ah. Qiimaha saliidda caalamka ayaa dhulka galay kadib kulankii OPEC+ kadib markii Ruushka iyo dalalka kale ay ku guul-darreysteen inay isku raacaan in wax soo-saarka saliida la dhimo 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba. Warbixino kulanka laga helay ayaa sheegay in Sacuudiga ay isku dayeen inay awood u muujiyaan Ruushka. “Waxaan aragnay in la isku dayey in Putin gees loo riixo,” ayuu yiri qof ku sugnaa kulanka. Sacuudiga ayaa kadib carro darteed kordhiyey wax soo-saarka saliidda si loo qiimo tiro, loona dhaawaco dakhliga iyo dhaqaalaha Ruushka. Tani waxay sidoo kale xumeysan xiriir muddo bilo ah ay isugu soo dhowaanayeen labada dal, oo Ruushka uu hub kaga iibin lahaa Sacuudiga.
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaaraha dowladda kuwayt, Sheikh Sabaax Khaalid Al-xamdi Ala-Sabaax, ayaa xalay wada-hadal Khadka Taleefonka ah yeeshay, sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Qoraal ay warbaahintu ka soo xigatay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada, Amniga iyo Siyaasadda, islamarkaana ay isla soo qaadeen sida dowladda Kuwayt Soomaaliya uga garab-siin karto xakamaynta xanuunka COVID-19. “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka COVID-19” ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kuwayt oo ka wada-hadlay Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaabo ka bixiyey su’aalo uu sheegay inay ka dhasheen taageerada uu u muujiyey heshiiska ay gaareen Axmed Madoobe iyo mucaaradka Jubaland. Hoos aqriso qoraal uu arrintan ka diyaariyey Yuusuf Garaad. Tan iyo shalay markii aan taageeray una hambalyeeyay heshiiska Jubaland ee ka dhacay Nairobi, waxaa igu soo dhacayay farriimo iyo su’aalo la isku dayayo in la i baro in aan khaldan ahay. Su’aalaha qaarkood igu soo noqnoday shan ka mid ah iyo jawaabahooda ayaa kula wadaagayaa. Sow ma ogid in heshiiska ay gaareen saddex nin oo isku reer ah? Siyaasiyiin isku reer ahi in ay dagaal isaga hor yimaadaan, wiilal badani ay ku dhintaan, qaar kale ay ku naafoobaan, burbur hanti iyo barakac horseedaan ma aha wax Soomaaliya ku cusub. In aan taasi dhicin oo khilaafka lagu xalliyay wadahadal heshiis dhalay darteed ayaan u taageeray. Sow ma ogid in ay Nairobi oo dal shisheeye ah ay ku kulmeen? Waa laga wanaagsanaa, laakiin ma aha Heshiiskani kii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka dhacay Nairobi. Inta aan garan iyo inta jecel in ay illowdo, 2004 Dowladdeenna oo dhan Baaralamaan, Madaxweyne iyo Xukuumad ayaa lagu dhisay Nairobi. Haddana ciidankeeda ayaa jooga Soomaaliya. Duddun in aad dugsato iyo kala daa in aad dareensato. Intaas keliyihi kama dhigi karto heshiiska mid aan mudnayn taageero. Hadda in aan ka gudubno waa ay ahayd in caasimad shisheeye lagu wadahadlo. Damiirka nadiifka ahi wuxuu dalbeyaa in aan is weydiinno su’aasha ka muhiimsan maxay Nairobi ugu shireen? Waa su’aasha ah maxaa kallifay in 2020 ay siyaasiyiin Soomaaliyeed u baahdaan in ay Nairobi ku soo heshiiyaan? Sow ma ogid in aan Dowladda Soomaaliya qeyb ka ahayn wadahadalka? In uu Federaalku qeyb ka yahay wadahadalka waan jeclaa. Waxaanse ka sii jeclaan lahaa in uu isagu marti geliyo. Labada midna ma dhicin. Meesha ay hadda wax marayaanna waxaan jeclaa lahaa in uu Federaalku heshiiska soo dhoweeyo. Taas oo fududeyn lahayd is-af-garad lagu xalliyo khilaafka inta harsan. Sow ma ogid in Baarlamaanka Jubaland kuraastiisa loo qeybsaday hab lagu duudsiyay beelaha qaar. Eeg saamiga Beesha Mushunguli. Hal Xildhibaan oo keliya ayaa la siiyay. Anigu duudsi ma taageerin. Kamana hadal kuraas Baarlamaan iyo kuwo kale toona. Kama hadal waxyaabaha Jubaland ka jira ee sixidda u baahan oo dhan. Waxaan taageeray khilaafka laga heshiiyay oo keliya. Sow ma ogid in ay u mahadceliyeen Putnland oo keliya? Inta kale oo dhan marka aan meel iska dhigo, Federaalka iyo markii ay is khilaafeen Jubbaland, Puntland waxay noqotay Dowlad Goboleedka keliya ee si aan kala har lahayn ula safatay Kismaayo. Markaa ma biciidsanayo, mana jirto sabab aan u dhibsado in Jubaland ay u mahadceliso Puntland. Doodda ku saabsan Jubaland iyo siyaasaddeedu waxay leedahay wajiyo badan oo aad looga dooday. Reerka Gobolka “leh” iyo midka aan “lahayn.” Kan ugu badan iyo midka ka badan. Midka asalka ah kan doolka ama duullaanka ku yimid. Aan ku xusuusiyee, doodahaas oo dhan waxay na dhex marayaan annaga oo ciidanka Kenya magan uga ah in ay noo ilaaliyaan Kismaayo iyo degaanno kale oo Jubbaland ah. Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.
  24. Xog:Farmaajo Xilka ka qaadayo Taliyayaasha Ciidamada milateriga & Booliiska Somaliland+Bedelkooda & Halka sartu ka qudhuntay Taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Warbaahinta Qaarkeed u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dalka. Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska. Qaran News