Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,463
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Amid the coronavirus pandemic worldwide, countries closed their borders and placed their citizens on more stringent restrictions, forcing both adults and children to stay at home and as a consequence turned houses into schools and workplace sites Source: Hiiraan Online
  2. Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in saaka Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska dowladda Puntland. Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee saaka, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askariga, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho, isagoo doonayay in uu Raashin u sii dhiibo hooyadiis oo ku nool Qardho. Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jirkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac ba’an oo uu markii dambe u geeriyooday. Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xirtay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo. Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey. Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay. PUNTLAND POST The post Dil Argagax leh oo ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  3. Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay waaberkii hore ee saaka weerar madaafiic ah ku qaadday xarunta weyn ee XALANE ee magaalada Muqdisho. Xarunta XALANE waxaa ku yaalla saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisho waxayna sidoo kale hooy u tahay dibloomaasiyiin Shisheeyey iyo hay’ado caalamiya. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku soo warrantay in jugta qaraxyo waaweyn saaka laga maqlay gudaha xarunta XALANE kadib markii ay Al-shabaab ku qaadday weerar madaafiic ah inkastoo aysan xusin khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale Warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in qiiq iyo uuro madow ay cirka isku shareertay kadib markii ilaa 7 madfac ay ku habsadeen xaruntaas XALANE oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cadde. Balse dhinaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka la sheegay in lagu qaaday xaruntaas XALANE iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay midna. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegatay in ay weerar ku qaadday Xarunta XALANE ee magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii laga dilay labadii qof ee shacabka ahaa, kuwaas oo degmada Boondheere uu xalay ku dilay askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qoysaskii uu la kulmay uga tacsiyadeeyey gaarida dadkii laga dilay, waxuuna u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaadayo nolashooda. Sidoo kale duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa qoysaskaas u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono askarigii dilay dadkooda. Labada marxuum ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaas oo askari ka tirsanaa booliska ka howlgala saldhigga degmada Boondheere uu dil u geystay xalay xilligii uu bilaabanayey dhaqan-galka bandowga saran magaalada. Taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in la xiray askarigaas cadaaladana la marsiin doono, sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay in xilkii uu ka qaaday Taliyihii booliska degmada Boondheere oo uu hoos tegay askariga dilka geystay, isagoo ku goodiyey in askarigii dambe oo dhib u geysta shacabka xataa taliyihiisa lala xisaabtami doono.
  5. Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi gelinta cudurka Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyeen deegaanada Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo ka tirsan guddigaas ayaa goor dhaweyd warbaahinta u sheegay in 5-qof oo ku nool deegaanada Puntland maanta laga helay xanuunka Coronavirus. Shantaas qof ayuu sheegay wasiirku inay ka mid ahaayeen illaa 11 qof oo laga baaray xanuunkaas, waxuuna maamulku xarun gooni ah ku karaantiilay dadkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland. Afar ka mid ah shantaas qof waa rag, halka qofka kele uu yahay dumar, wasiirka caafimaadka Puntland waxa uu sheegay in dadkaas aysan meelna uga bixin deegaanada Puntland oo aysan sameyn wax safar ah, sidoo kale da’dooda ayuu sheegay inay u dhaxeyso 14 ilaa 33-sano jir, waxayna tirada guud ee kiisaska deegaanada Puntland gaartay lix xaaladood. Puntland ayaa Sabtidii maanta sheybaarka lagu ogaado qofka qaba xanuunka COVID-19 waxa ay ka hir gelisay magaalada Garowe ee xarnta maamulka Puntland, waxayna taasi meesha ka saartay caqabadii aheyd in qofkii looga shakiyo cudurkaas dheecaankiisa loo diri jiray meel ka baxsan Puntland, si loosoo baaro. Xukuumadda iyo hey’addaha kala duwan ee maamulka ayaa kaalin weyn ka qaatay hirgelinta sheybaarkaas oo hoos tegaya wasaaradda caafimaadka Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Sidoo kale waxay la sheegay in sheybaarkaas maalintii lagu baari karo illaa 100 qof, isla markaana uu natiijadooda lagu heli karo 24-saac gudahood. Puntland ayaa horey u xaqiijisay hal kiis oo Coronavirus ah, kadib markii dibadda loo diray dheecaankiisa qofkaas oo la sheegay in hadda ay xaaladiisu soo hagaageyso. Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxay shaaciyey in xarumaha karantiika ee laga hir geliyey degaanada Puntland ay ku jiraan illaa 30 qof oo looga shaki qabo COVID-19, kuwaas oo qorshuhu yahay in lagu baaro sheybaarka cusub ee laga hir geliyey Garowe.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir. Dadka dhintay ayaa kala ahaa Gabar iyo Wiil oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga, kuwaas oo ku dhaawacmay is-rasaaseyn ku dhaxmartay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon waxayna u dhinteen dhaawicii soo gaaray. Qofka saddexaad oo ahaa askari boolis ayaa asna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamo kale ku fureen, waxaana lagu magacaabaa Cabduqaadir Maxamuud Xaaji, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan qaraabadiisa. Marxuumkaan ayaa lagu dhax dilay Saldhigga laan ka tirsan degmada Hodan, waxaana la sheegay inuu baxsaday askarigii dilka geestay. Askariga Milateriga ah ee qeybta ka ah dadka maanta dhintay waxaa la sheegay iney walaalo yihiin qofkii shacabka ahaa ee xalay lagu dilay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir, marxuumkaas oo lala dilay haweeney Umul aheyd. Dhamaan dadkaan oo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday ayaa la sheegay in ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah. Booliska Soomaaliya ayaa wali wada cadaadiska shacabka iyo isku dhacyada dhaxdooda ah, waxayna magaalada ku jirtaa jawi cabsi ah. Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa galabta ku dhawaaqay in dib halkiisii loogu celiyay Bandowga, oo uu billaaban doono 8-da habeenimo, waxa uuna taliyaha ka digay in dadka shacabka ah la dilo.
  7. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: COVID-19 update on 25 April 2020 BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), April 25, 2020/ — Over 28,000 #COVID19 cases reported on the African continent – with over 8,000 associated recoveries & 1,300 deaths recorded. View country figures & more with the WHO African Region COVID-19 Dashboard: https://arcg.is/XvuSX. Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-____-Qubanaha-Wararaka-25042020.mp3 View the full article
  9. Garowe (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqdey shan kiis cusub oo ah Coronavirus. Jaamac Faarax Xasan, oo ah wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegay in bukaanada cusub ay kamid yihiin 11 ruux oo horey looga baarey. Sidda laga soo xigtay wasiirka, afar kamid ah shaqsiyaadka cusub ee xanuunka uu soo ritay waa rag, qofka kalena waa dumar. Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanada Puntland ay gaartay lix, maadaama uu qof horey u jiray. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in qaar kamid ah bukaanada cusub ay xiriiro la sameeyeen ruuxii koowaad. Puntland ayaa horey u sheegtay in ay karantiishay 40 qof oo lagu tuhmayo xanuunka, kuwaas oo sugaya natiijada baaritaan laga qaadey. View the full article
  10. Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa war ka soo saaray dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaas oo lagu dilay labo ruux oo shacab ahaa uu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya iyadoo maanta magaalada ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay falkaasi. Guddoomiyaha war qoraal ah soo dhigay bartii Facebook ayaa ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado ayna cambaareynayaan dadkii shacabka ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho sabab ka dhalatay Bandowga la soo hormariyey Guddoomiyaha ayaa sheegay in horay ay talo ku bixiyeen in shacabka uu culays ku yahay waqtiga Guddoomiye Shariif Sheekh ayaa yiri” Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo. Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore. Ugu dambeyn waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo” Waxaa maanta si weyn isoo tarayey hadalada falcelinta ah ee ka dhalatay dilkii habeenimadii xalay dil loogu geystay labo qof oo rayid ahaa kuwaas oo toogasho uu ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya wollow xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta ay la wadaageen laamaha amniga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. NEW DELHI (AP) — The global death toll from the coronavirus has surpassed 200,000, researchers at Johns Hopkins University said Saturday. A tentative easing around the world of coronavirus lockdowns gathered pace Saturday with the reopening in India of neighborhood stores that many of the country’s 1.3 billion people rely on for everything from cold drinks to mobile phone data cards. In the U.S., the states of Georgia, Oklahoma and Alaska have begun loosening lockdown orders on their pandemic-wounded businesses, even as the confirmed U.S. death toll from the coronavirus soared past 50,000 and health experts warned that such steps might be coming too soon. The relaxation of the Indian lockdown came with major caveats. It did not apply to hundreds of quarantined towns and other places hit hardest by the outbreak that has killed at least 775 people in the country and terrified its multitudes of poor who live in slum conditions too crowded for social distancing. Shopping malls also stayed closed nationwide. Still, for families that run small stores, being able to earn again brought relief. “This is a good decision,” said Amit Sharma, an architect. “We have to open a few things and let the economy start moving. The poor people should have some source of income. This virus is going to be a long-term problem.” Last week, India also allowed manufacturing and farming to resume in rural areas to ease the economic plight of millions left jobless by the lockdown imposed March 24. India’s restrictions have allowed people out of their homes only to buy food, medicine or other essentials. Elsewhere in Asia, authorities reported no new deaths Saturday for the 10th straight day in China, where the virus originated. And South Korea reported just 10 fresh cases, the eighth day in a row its daily jump came below 20. There were no new deaths for the second straight day. Other countries, however, extended or tightened restrictions, confirming a pattern of caution in trying to balance public health against the shut-down economies. Sri Lanka had partially lifted a monthlong curfew during daytime hours in more than two thirds of the country. But it reimposed a 24-hour lockdown countrywide after a surge Friday of 46 new infections, the highest increase in a day on the Indian Ocean island. The new curfew remains in effect until Monday. Norway extended until at least Sept. 1 its ban on events with more than 500 participants. Culture Minister Abid Raja said the decision wasn’t easy, but added there cannot be big events “that can contribute to more infections that will affect life and health.” The global death toll neared 200,000, according to a tally compiled by John Hopkins University from government figures. The actual death toll is believed to be far higher. Pope Francis appealed for prayers for funeral home workers, saying: “What they do is so heavy and sad. They really feel the pain of this pandemic.” In an announcement that underscored the scientific unknowns about the virus, the World Health Organization said “there is currently no evidence” that people who have recovered from COVID-19 cannot fall sick again. In Europe, Belgium sketched out plans for a progressive lockdown relaxation starting May 4 with the resumption of nonessential treatment in hospitals and the reopening of textile and sewing shops so people can make face masks. Bars and restaurants would be allowed to start reopening June 8, although Belgian Prime Minister Sophie Wilmes also cautioned that a surge in infections could alter the timeline and that “nothing is set in stone.” Kids in Spain will get their first fresh air in weeks on Sunday when a ban on letting them outside is relaxed. After 44 days indoors, they’ll be allowed to take one toy or scooter with them but not play together for the adult-supervised one-hour excursions no farther than 1 kilometer (0.6 miles) from home. Some nervous parents shopped online for child-size masks for their children, as recommended by authorities. “I really want to get outside, and Ema does as well,” said Madrid resident Eva Novilo, whose daughter Ema is 7. But Novilo predicted “difficult situations” if they see Ema’s friends and have to stay apart. “I don’t know if we will be able to maintain control.” In Italy, authorities warned against abandoning social distancing practices after lockdown restrictions are eased on May 4 and millions return to work. Authorities said free protective masks will be distributed to nursing homes, police, public officials and transportation workers. Rome’s public transit agency painted blue circles on subway platforms to remind people to keep their distance when commuters return in large numbers. The country continues to have Europe’s highest death toll, with 26,384 deaths. The 415 deaths registered in the 24-hour period that ended Saturday evening was the lowest toll since Italy registered 345 on March 17, but only five fewer than Friday. With gatherings banned, Italians celebrated the 75th anniversary of their liberation from occupation forces in World War II, emerging on balconies or rooftops at the same time Saturday to sing a folk song linked to resistance fighters. Britain is still holding off on changes to its lockdown as the coronavirus-related death toll in hospitals topped 20,000. The figure does not include deaths in nursing homes, which are likely to be in the thousands. In France, the government is preparing to gingerly ease one of Europe’s strictest lockdowns from May 11. The health minister detailed plans to scale up testing to help contain any new flare-ups. Testing shortages are a critical problem elsewhere, too, including in Brazil, Latin America’s largest nation, which is veering closer to becoming a pandemic hot spot. Medical officials in Rio de Janeiro and four other major cities warned that their hospital systems are on the verge of collapse or already overwhelmed. In Manaus, the biggest city in the Amazon, officials said they have been forced to dig mass graves in a cemetery. Workers have been burying 100 corpses a day — triple the pre-virus average. In the U.S., Republican governors in Georgia and Oklahoma allowed salons, spas and barbershops to reopen, while Alaska cleared the way for restaurants to resume dine-in service and retail shops and other businesses to open their doors, all with limitations. Some Alaska municipalities chose to maintain stricter rules. Though limited in scope, and subject to social-distancing restrictions, the reopenings marked a symbolic milestone in the debate raging in the United States and beyond as to how quickly political leaders should lift economically devastating lockdown orders. In Michigan, Democratic Gov. Gretchen Whitmer extended her stay-at-home order through May 15, while lifting restrictions so some businesses can reopen and the public can resume outdoor activities such as golf and motorized boating. Michigan has nearly 3,000 virus-related deaths, behind only New York and New Jersey. On Friday, President Donald Trump spoke optimistically of the economy but also asked people to continue social distancing and using face coverings. The same day, he signed a $484 billion bill to aid employers and hospitals. In the past five weeks, roughly 26 million people have filed for jobless aid, or about 1 in 6 U.S. workers. Trump also said his widely criticized comments suggesting people can ingest or inject disinfectant to fight COVID-19 were an attempt at sarcasm. Amy Pembrook and her husband, Mike, reopened their hair salon in the northwest Oklahoma town of Fairview after it had been closed for about a month. “We’re super excited about going back, but we have caught a little flak from people who say it’s too early,” she said. “We just said we can live in fear for a long time or we can trust that everything is going to be OK. Source AOL Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanku waxa uu baaq nabadeed u diray dadka walaalaha ah ee hoos yimaada gobolka Sanaag ee deegaanada Bixin iyo Fadhigaab oo uu xildhibaanku ugu baaqay in dagaalka ay si bilaa shuruud ah u joojiyaan oo ay Nabadda qaataan islamarkaana isugu yimaadaan miiska wado hadalada, iyadoo xildhibaanku uu xusay in arrintaasi xukuumada Somaliland si xoogan ay uga howlgashay. Geesta kalena xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud waxa uu soo dhaweeyey mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo 11 mudane oo golahaasi ka socdaa ay ku sugan yihiin deegaanadaasi shaqaaqadu ka dhacday ,iyagoo arrimaha nabadeynta labadaasi beelood iyo xasilintooda ku howlan yihiin. Source
  13. (SLT-Xudun)-Roobabkan oo shalay galabti ka da,ay dagmada xudun ee gobolka Sool ayaa waxa ku nafwayey marxuun Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa halka uu dhaawac daran ka soo gaadhay Cabdilaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah ka dib markii uu ku soo dumay gurigay ku jireen. Maayarka dagmada Xudun Faarax Cali Ibraahin oo ka hadlayey khasaaraha roobabkaasi gaysteen ayaa sheegay ilaa labatan guri oo isagu jira sandaqado iyo daaro ay roobabkaasi dumiyeen, isla markaana dadkii guryahaasi ku jiray ay hoy la’aan yihiin iyadoo lagu jiro xili roobadka guga. Waxanu intaasi ku daray in hay’adaha gargaarku ay gurmad deg deg ah la soo gaadhan dadkaasi ku barakacay roobabka guga ee xiligan curtay. Source
  14. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya jeeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii saldhigga booliiska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Najiib Carab, kadib markii askari ka tirsan ciidanka uu maamulo ee saldhigga Boondheere uu xalay dilay laba qof oo shacab ahaa oo midi aheyd haweeneey. Taliyaha oo maanta shir jaraadir ku qabtay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo la la xisaabtami doono askarta dhibka u geysata shacabka iyo taliyayaasha ay ka amar qaataan. Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maanta ruxay dibad baxyo ay dhigayeen dad ka careynaa dil habeenimadii xalay loogu geystay degmada Boondheere labo ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney dhalaneed labo asbuuc kuwaas oo hal askari uu toogtay iyagoo dalbanayey in cadaladda la horkeeno askarigii geystay falkaas. Taliye Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la tix galinayo cabashada dadka in bandowga waqtigiisii hore dib loogu celiyay kaas oo ahaa 8:00 fiidnimo inuu bilawdo, waxa uuna sheegay in amarkaan uu yahay amar madaxweyne ka dib markii shacabku xamili waayeen bilaabashada 7:00 habeenimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatana ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilkii uu askariga ka tirsan booliska Soomaaliya xalay u geystay dadkii rayidka ahaa iyo rabshadihii ka dhashay. Shariif Sheekh ayaa aad u cabmaareeyey dhacdadii lagu dilay labada qof ee shacabka ahaa, isagoo dowladda ka dalbaday laba arrin oo kala ah 1: In cadaaladda la hor keeno askarigii iyo cidii amarkaas soo siisayba, iyo 2: In wax laga beddelo saacadaha bandowga Muqdisho. “Waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab ah booliska ugu dileen Magaalada Muqdisho, waxaana ku baaqaynaa in askartii ka dambeysey falkaas, iyo cidii amartayba sharciga la horkeeno cadaaladana lamaroyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale waxa uu tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii labada marxuum. “Waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dadkii sida sharci darrada ahaa loo dilay oo aan leenahay samir iyo iimaanna allaha idinka siiyo dadkii ladilayna qabriga Allaha u waasiciyo.” Dhanica kale, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in dib loo dhigo waqtiga bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyo 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino, halka uu hadda yahay 8:00 habeenimo. “Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore”ayuu yiri. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dib loo beddelay saacadda uu billaabanayo bandowga Muqdisho, oo laga dhigay 8-da habeennimo, halka markii hore uu ahaa 7-da habeenimo. Bandowga oo markii horeba ahaa 8-da habeenimo ayaa laga dhigay 7-da kadib bilowga bisha Ramadan, taasi oo horseeday in shacab badan ay ka dhiidhiyaan, ayada oo maanta Muqdisho ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata. Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.” Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha Booliska in la hayo askarigii dilka u geystay labadii qof ee shacabka ahaa, isla markaana xilka laga qaaday Taliyihii uu hoos tegay ee degmada Boondheere, isagoo balan qaaday in askarigii hadda kadib dhib u geysta dad shacab ah lala xisaabtami doono isaga iyo taliyihiisaba.
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-25042020.mp3 View the full article
  17. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus oo maaminba maalinta ka dambeyso la dareemayo korarkiisa gudaha Muqdisho, iayadoo wasaaraddu ay shaacisay kiisas cusub oo dadka uu soo ritay xanuunka COVID-19 ah. Wasaaradda oo war qoraal ah soo saartay ayaa lagu xusay in maanta la helay kiisas cusub kuwaas oo gaarayo 62 kiis oo dad uu soo ritay xanuunka lagana helay markii baartaan lagu sameeyey waxaana wasaaraddu intaas ku dartay in ay jiraan labo kiis oo dhimasho ah halka labo kiisna ay ka bogsadeen xanuunka Coronavirus oo horay u soo ritay. Tirada dadka xanuunka uu haleelay ee gudaha dalka ayaa ah 449 qof waxaana kisaska dhimashadu ay marayaan ilaa iyo hadda 18 xaladood, guud ahaan dadka ka soo kabtay xanuunka ayaa gaarayo 10 qof sida lagu cadeeyey qoraalka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa u qoranaa sidaan “Dowladda waxaa ka go’an inay ku bixiso dadaal walbo oo lugu xakameynaayo cudurka duumada. 25 April 2020: Update on COVID-19 in Somalia > New cases confirmed today: 62 > Male: 44 > Female: 18 > 2 > Death: 2 Total confirmed cases: 390 Total deaths: 18 Total recoveries: 10″ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay dibad-baxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee ay sameeyeen dhallinyaro careysan. “Dhallinyarada ka careysan dilkii xalay ee laba ayaga ka mid ah, isma weydiinayo waxa carada ka keenay. Waxaanse dhallinyarada ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, dhowraan nabadgelyada iyo xasilloonida, kana fogaadaan rabshado uu khasaare hor lihi ka dhalan karo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale ka hadlay qaladkii ay dowladda sameysay ee ahaa in saacadda bandowga uu billaabanayo ay ka dhigto 7-da habeennimo, inkasta oo ay taas ay hadda bedeshay. “Dad maalin oo dhan basaska fuushan, xafiisyada tuban, suuqyada isdhex socda, kubbad cayaaraya, masaajidda hawiran, qaraaba salaan iyo bukaan booqad ku jira, xikmad ma aha marka ay afuraan 49 daqiiqo ka dib guryaha kama bixi kartaan in lagu yiraahdo,” ayuu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad Dhallinyarada ka careysan dilkii xalay ee laba ayaga ka mid ah, isma weydiinayo waxa carada ka keenay. Waxaanse dhallinyarada ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, dhowraan nabadgelyada iyo xasilloonida, kana fogaadaan rabshado uu khasaare hor lihi ka dhalan karo. Askarigii dilka geystay waa xiran yahay, kolleyna waa Maxkamad suge, rabshadaha ha la joojiyo. Booliisku inkasta oo uu isagu sabab u yahay falka kiciyay rabshadda, haddana waan ku bogaadinayaa qaabka uu maanta isu xakameeyay markii ay rabshaduhu dheceen. Madaxda waxaan ugu baaqayaa in aan fiirsi la’aan darteed la iska hor keenin booliiska iyo shacabka. In la miisaamo faa’iidada ka hortagga ee ay leedahay bandowgu, waaba haddii uu shaqeynayee, iyo culeyska uu bulshada ku hayo oo khasaare keenay. Dad maalin oo dhan basaska fuushan, xafiisyada tuban, suuqyada isdhex socda, kubbad cayaaraya, masaajidda hawiran, qaraaba salaan iyo bukaan booqad ku jira, xikmad ma aha marka ay afuraan 49 daqiiqo ka dib guryaha kama bixi kartaan in lagu yiraahdo. Xalay waxaan indhahayga saaray safaf bandowmoog ah oo isu soo baxay oo garabka isku haya wakhti badan oo Taraawiix tukanaya. Xaafado kalena waa la ii sheegay in taraawiix la tukaday. Wacyi-gelintu marka ay shaqeyso, dadku is dhowrayaan, una hoggaansamaan in ay guryahooda joogaan ayaa booliisku celin karaa dad fara ku tiris ah oo waddada socda.
  19. Xilli Tirada dhimashada uu sababay virus-ka corona adduunka oo dhan ay ku dhowdahay (200,000) Laba Boqol oo kun, ayay Hay’adda Caafimaadka Adduunku ku baaqday dardar-gelinta soo saarista tallaal si loola dagaallamo cudurka Corona Virus. Shirkad laga leeyahay Shiinaha ayaa sheegtay in ay ku guleeysatay soo saarista tallaal muujinaya loga hortagayo Xanuunkan. Wadarta kiisaska la xaqiijiyay ee cudurkan Covid-19 uu sababay adduunka oo dhan waxay gaarayeen qiyaastii 2.8 milyan, waxana la sheegay in ku dhawaad 196,000 oo quf ay dhinteen halka 789,000 oo qof ay ka soo kabsadeen, sida ku cadd tirakoobka ay soo diyaarisay Jaamacadda Johns Hopkins. Shirkadda dawooyinka Shiinaha ee Samovar ayaa sheegtay inay soo saartay Tallaal loga hortagayay faafida xanuunkan aaska usameeyay Caalamka oo idil. Seddex maalmood ka dib markii tallaalkan lagu tijaabiyay Aadanaha,Seynisyahanada wali dib uma ay eegin natiijooyinkii hordhaca ahaa ee talaalkan. Af hayeen u hadlay Shirkadda dawooyinka Shiinaha ee Samovar oo lagu magacaabo Yang Guang ayaa u sheegay Wakaalada wararka AFP in tijaabooyinkii Tallaalkan ay muujiyeen waxtar wanaagsan iyo in shirkada ay ku kalsoontahay suurta galnimada talaalkan. Sidokale Saynisyahanka reer Mareykan ah oo lagu magacaabo Florien Kramer ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Shirkada ay bixisay Xogtii ugu horreysay eek u saabsan xal u helista xanuunkan halista ah. Dhanka kale Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa bilaabay qorshe lagu dardar-galinayo soo saarista tallaalla iyo dawooyin lagula dagaalamaya Virus-kan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Participants included Major General Zewdu Belay, Commander of Eastern Division of the Ethiopian National Defense Forces (ENDF) and Major General Nuh Ismail Tani, the Chief [...] Source
  21. Muqdisho (SMN) – Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 18 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux. Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - Protests erupted Saturday in Mogadishu following the killing of two teenagers Friday night by police officers. Source: Hiiraan Online
  23. MOGADISHU (HOL) - Protests erupted Saturday in Mogadishu following the killing of two teenagers Friday night by police officers. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kordheen tirada dadka ugu geeriyoonaya iyo kuwa uu cudurka COVID-109 kusoo ridanayo gudaha dalka Soomaaliya. Guddiga qaran ee ka hor-tagga COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa qoraal ay galabta soo saraeen ku xaqiijiyay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, islamarkaana 62 qof oo kale oo hor leh uu cudurka soo ritay, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 44 kamid ah lab yihiinna, halka 18 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba qof oo kale, taas oo 10 qof ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 qof, halka halkan guud ahaan bukaanada dalka ugu dhintay cudurka ay yihiin 18. Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti. Dowladda, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka.