Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. As Somalia struggles with numerous security challenges, there have been quite some promising improvements, namely the ongoing security sector reforms program. Source: Hiiraan Online
  2. The Somali health ministry on Tuesday confirmed 79 new cases of COVID-19, bringing the total number of infections to 835. Fawziya Abikar, the health minister said a majority of the cases, 38, were detected in Banadir, an administration area which covers the capital, Mogadishu, while 22 were found in Jubaland state, 11 in Koonfur Galbeed and eight in regional Puntland state Abikar said three patients succumbed to the deadly disease, bringing the total number of deaths as a result of the respiratory disease to 38. She said 14 patients recovered from hospitals in the past 24 hours, bringing the total number of recoveries to 75. The minister said 62 of the latest cases were male while 17 others were female. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. Somalia has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  3. When the firearms control draft legislation got approval in parliament in January of this year, the government announced that the Federal Police Commission will organize a National Firearms Control Division to enforce new legislation across Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  4. Bosaso—05-05-2020-Pi.. Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland ayaa Gargaarka Qardho uga qaybqaatay Aduun gaaraya USD. 15,000. Xarunta Ciidamada ee Bosaso ayaa lacagtaan iskasoo ururiyay, Waxayna ku wareejiyeen [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay kulan ay wada qaateen wasaaradaha waxbarashada heer federaal, heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir. Kulankaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in lagu gorfeeyey saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay geedi socodka waxbarashada iyo sida laga yeelayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan. Illa afar qodob ayaa laga soo saaray kulanka dhex maray wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ay isku raaceen dhinacyadu, waxayna kala yihiin qodobadaas. In imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 12aad ee dugsiga sare ay mas’uuliyadda diyaarintiisa iyo qaadistiisa ay leedahay wasaaradda waxbarashada heer federaal, iyada oo la kaashaneysa heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir. Imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 8aad ee dugsiga dhexe inay mas’uuliyadda diyaarintiisa iyo qadistiisa leeyihiin wasaaradaha waxbarashada ee heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, iyaga oo la kaashanaya wasaaradda waxbarashada heer federaal. In go’aan laga gaari doono sida iyo goorta la qaadi doono imtixaanka labada heer ee 30-ka bisha Juun 2020, iyada oo go’aankaas lagu saleyn doono, sida ay xaaladda dalku noqoto iyo sida uu caalamku uga adkaado xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus. In laga wada shaqeeyo la iskana kaashado badbaadinta goobaha waxbarashada dalka, iyada oo xoogga la saarayo ilaalinta mustaqbalka waxbarashada dalka, iyo raadinta xuquuqda macalimiinta Soomaaliyeed mudada dugsiyada waxbarashadu ay Coronavirus dartiis u xiranyihiin, macalimiintaas oo an aaminsanahay inay laf-dhabar u yihiin waxbarashada dalka. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Wasaaradaha waxbarashada heer federal, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir waxay uga mahad celinayaan dhamaan bahda waxbarashada qeybeheeda kala duwan, fulinta talooyinka bahda caafimaadka dalka, iyo ka qeyb qaadashada wacyi-gelinta bulshada, sidii looga hortegi lahaa cudurka fas-mareenka ah ee COVID-19.”
  6. GetBudget Depletion: Coronavirus against Institutional Weaknesses The government budget for this year might be dwindled by the Coronavirus impact on the economy as claimed by the ministry of finance. Not the coronavirus but weak Institutions with the responsibility to manage the economy, including the finance ministry and the central banks are to blame the debilitating budget and the economy for contracting. The country has been losing every year an estimated $550 million in collecting taxes by the inefficiency of the finance ministry. It has also been compounded by the central bank’s inability to have an effective monetary policy to respond to the cashless economy. The bank needs to look into the last financial crisis in 2007 that forced the USA Treasury, the Bank of England and the Eurozone to adopt quantitative easing program. However, do the weak institutions have the skills and knowledge to manage feeding huge cash into the economy to foster growth? Or do the institutions have the ability and efficacy to pursue the world financial institutions, including the world bank, the IMF and other international financial bodies to provide with loans or grants or both to stimulate the economy? It is strongly believed that the institutions (ministry of finance and central bank) lack the capacity to engage with international financial institutions. In response to the institutional ineffectiveness, the international funders over the years prescribed Somaliland economic empowerment policy. That was claimed to resource the required skills to the departmental government officials to satisfactorily carried out their work. Nicholas Kay, the former UN envoy to Somalia and Somaliland claimed in interviews he gave about the economy, governance and among many other issues the inadequacy of officials to manage resources. He elaborated that every government departments he had met very few but all did not have the right skills to do their job. With this in mind, he said that poor people could not be helped to lift them up out of extreme poverty. Nevertheless, I estimated that the country for the first quarter of this year to have lost an estimated $125 million based on my studies on economic activities. That would have created employment opportunities and provided a decent public service, including free education and health. Businesses, both large and small, have claimed to have experienced falling sales and also property prices have been falling over the past years. Finally, it is intuitional weaknesses and not the coronavirus for the economy to have slowed down. Ahmed Abdi Isse Social Scientist As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  7. PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Update of COVID-19 as of 5th May 2020 MOGADISHU, Somalia, May 5, 2020/ — New cases confirmed: 79 Benadir: 38 Jubbaland: 22 South West: 11 Puntland: 8 Male: 62 Female: 17 Recovery: 14 Death: 3 Total confirmed cases: 835 Total recoveries: 75 Total deaths: 38 SOURCE Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia Qaran News
  8. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliyay xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada SoomaaliyaFowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8). Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 14 qofood ay ka bogsadeen cudurka, 3 bukaanna ay u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, 17-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto. PUNTLAND POST The post Kiisaska Karoona ee Somaaliya oo gaaray 835 appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar.Qubanaha-05052020-cali-1.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay diyaaradii kusoo dhacday duleedka degmada Bardaale, oo la sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya. Sheekh Shariif ayaa sheegay in falka lagu soo riday diyaaradaas ee gantaalka loo adeegsaday uu yahay mid khatar ku ah hawada Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in arintan ay xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah ee diyaaradaha rayidka iyo gurmadka bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya. “Waa dhacdo halis iyo khatar ku ah hawada dalkeenna, taasoo aan u aragno mid xadgudub ku ah xeerka diyaaradaha rayidka iyo gurmadka dagdaga ah. waxaan canbaareeynayaa falkaas fooshaxun, Waxaa gantaal lala beegsaday diyaarad rayid ah oo daawo mucaawino Covid-19 kaalma u ah u siday magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif. Sidoo kale Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray ehellada lixdii qof ee ku geeriyootay shilkaas diyaaradeed. “Waxaa gabi ahaanba ku dhintay shilkaas dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo 6 qof kakoobna. Waxaan tacsi u dirayaa eheladii dadkii shilkaas lagu dilay, waxaan soo jeedinayaa in baaris madaxbannaan lagu sameeyo, xaqiiqada soo baxdana shacabka lala wadaago” ayuu yiri. Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay. Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
  11. Duniddu wali waxay la baaxaa-degaysaa Xannuunka COVID 19 oo halistiisu ay xannibaado kala kulmeen Saddex Meeloodoow meel dadyowga ku nool caalamka, halka illaa imika uu asiibay 3 Milyan iyo 567 Kun oo qof, isla markaana ay ku nafwaayeen 248 Kun iyo 313 qof. Xannuunkan oo curyaamiyey awoodihii adeegyada caafimaadka ee dalalkii loo yaqaanay dunidda horumartay, waxaa xiligan laga cabsi qabaa in Africa noqoto xuddunta xannuunkaasi heeryadiisa dhigto, maadaama oo adeegyada caafimaadka iyo kuwa dhaqaaleba ay liitaan qaaradan. Afrika waxa laga diwaangeliyey 42 kun iyo 769 Kiis oo Covid 19 ah, waxana xannuunkan ku dhintay 1,759 qof. Haddaba, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay taagan tahay marxalad bilow ah oo loo baahan yahay in muwaadin kastaaba dhinaciisa masuuliyad iska saaro sidii uu iskaga jiri lahaa xannuunkan sadhada ah iyo islamarkaana uu qoyskiisa iyo bulshadiisa aanu qaadsiin haddii uu isku arko calaamadaha xannuunkan. Waxaana lagama maarmaan ah in loo hoggaansamo tusmooyinka iyo tilmaamaha dhakhaatiirta, haddiise xannuunkan loo dhegooleeyo waxa dhici karta inuu inala gaadho marxalad xun oo dhibkeeda leh. Jamhuuriyadda Somaliland waxa cudurkaas laga helay Sagaal qof, waxa ka kacay 3 qof, halka la xaqiijiyey inuu qofkii u horreeyey u dhintay Coronavirus taasi oo khatarteeda leh loona baahan yahay inaynu yaqiinsanno jiritaanka Xannuunkan iyadoo dadweynuhu aanay dabaqin masaafadii loogu talo galay in dadku isku jirsado iyo in la yareeyo goobaha dadweynaha badani iskugu yimaadaan. In badan oo ka mid ah tallaabooyinkii xannuunkan lagu suulin lahaa fiditaankiisa waxa dhicisaynaya madax adayga bulshadeenna oo laasintay inay aaminto sheekooyin khuraafaad ah, waxana lagu rajo weyn yahay in baadhista xannuunkan la saddex jibaaro marka Toddobaadkan la hawlgeliyo mishiinkii lagu baadhayey Fayraska Coronavirus. Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay u hoggaansamaan awaamiirta dhakhaatiirta, waxaanu si mug leh u ammaanay hawlwadeennada caafimaadka oo uu ku sifeeyey cidda kaliya ee marxaladda maanta lagu jiro la raacayo go’aamadooda. Madaxweynuhu waxa kaloo uu dhakhaatiirta ugu baaqay inay ficil u beddelaan tallooyinka ay bulshada u jeediyaan ee la xidhiidha Xannuunka Coronavirus, isagoo si gaar ah u soo qaatay inay xukuumaddu u hoggaansantay talooyin uu u soo jeediyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ku wajahnaa in jaadka la joojiyo iyo in dadka lagu wacyigeliyo inay kala durkaan, hase yeeshee ay fajiciso noqotay in Digtoorku uu shaqaalihiisa goob ugu xafladeeyey iyadoo munaasibadaha noocaas ah dalka laga mamnuucay, waxaanu madaxweynuhu Dr. Gaboose ku booriyey in aanu ku dhawaaqin hadal aanu fulinaynin. Waxaa ay ahayd inuu Dr. Gaboose raaligelin ka bixiyo dhaliishaas lagu hayo, haseyeeshee wuxuu Warbaahinta la soo fadhiistay eedo uu u jeediyey madaxweynaha, taasi oo ray’ul-caamku u fahmeen inay ka turjumayso indho-adayga Dr. Gaboose oo ka galgalanaya Hadalkiisa iyo ficilkiisa oo is burinaya. Waxana Digtoorka horyaala inuu si maangal ah ugu soo noqdo mowduuca oo uu dadweynaha ka qanciyo inay sax tahay iyo in kale xafladii sawiradeedu baraha bulshada qabsadeen ee uu u sameeyey shaqaaliha Cisbitaalkiisa Hal-door. Source
  12. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dedejinaya hindise Shiinaha looga wareejinayo wax soo-saarka warshadaha, iyo canshuuro kale oo Beijing loogu ciqaabayo qaabkii ay ula tacaashay cudurka Coronavirus, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogoal u ah qorshaha Mareykanka. Madaxweyne Trump oo dhowaanahan sare u qaaday weerarada ka dhanka ah Shiinaha, ayaa marar badan ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono wax soo-saarka warshadaha Mareykanka ee dibedda loo wareejiyey sanado kahor. Hase yeeshee, burburkii dhaqaale iyo dhimashadii uu horseeday cudurka Coronavirus ayaa sare u qaaday tallaabo lagu joojinayo alaabaha Mareykanka ee lagu soo sameeyo Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo weeciyo dalal kale oo loo arko kuwa saaxiib la ah Mareykanka. “Muddo ayaan ka shaqeyneynay inaan yareyno ku tiirsanaanta warshadaha Shiinaha, hase yeeshee iminka waan dedejineynaa hindsaheena,” waxaa sidaas yiri Keith Krach, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Kobaca Dhaqaalaha, Tamarta iyo Deegaanka. Krach ayaa sheegay in arrintan ay muhiim u tahay amniga Mareykanka. Waaxda Ganacsiga Mareykanka iyo hay’adaha kale ee arrimahan ku shaqada leh ayaa raadinaya hab shirkadaha loogu qasbi karo inay joojiyaan inay badeecadaha kusoo sameeyaan warshadaha Shiinaha. Tallaabooyinka laga fikaryo waxaa ka mid ah canshuur dhaaf iyo taageero kale oo dhaqaale oo la sameeyo. Trump ayaa marar badan ku celiyey inuu canshuur kale oo dheeri ah ku dari doono canshuur dhan 25% oo saaran badeecadaha laga soo dhoofiyo Shiinaha oo qiime ahaan dhan 270 bilyan oo dollar, si shirkadaha loogu qasbo inay joojiyaan alaabaha lagu soo farsameeyo Shiinaha. Mareykanka ayaa sidoo kale doonaya inuu sameeyo isbaheysi ay ku jiraan “saaxiibada lagu kalsoon yahay”, kaasi oo loogu magac daray “Shabakadda Baraaraha Dhaqaale,”, sida uu sheegay sarkaal xog-ogaal ah. Dowladda Mareykanka ayaa la shaqeyneysa dalalka Australia, India, Japan, New Zealand, Korea-da Koonfureed iyo Vietnam, si horey loogu dhaqaajiyo dhaqaalaha adduunka, sida uu sheegay xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, 29-kii April. Si kastaba, ayada oo shirkado badan oo Mareykan ah ay si xooggan u maal-gashteen warshadaha Shiinaha, iskuna haleeyaan dadka gaaraya 1.4 bilyan ee dalkaas ku nool, oo qaata mushahar aad uga hooseeyaa kan dadka Mareykanka, qorshaha Trump ayaan si sahal ah ku dhaqan geli doonin. Sidoo kale, in warshado cusub laga dhiso Mareykanka aya aqaadan karta shan ilaa sideed sano, taasi oo ah caqabad kale. REUTERS + VOA
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay. Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa u balan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaraddu. War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo. “Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka. Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed. Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.
  14. Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalda Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wafdiga ayaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee duleedka Baledweyne. Wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan, waxaana u jeedka safarkooda lagu sheegay sidii loo qiimeyn lahaa xaalada fatahaadaha ee Webiga uu ka sameynayo Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka kan degamada Baladweyne iyo bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada waxaana kulanka looga hadlay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xaaladaha fatahaada iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne ee mar weliba soo laab laabta markii webiga uu biyo keeno. Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xasan Canshuur oo hadlay oo kulanka ka dib ayaa ku sheegay in imaatinka wafdigaan iney tahay si ay bulshada goboka Hiiraan ay la qeybsadaan xaaladda adag ay ku jiraan iyo sidii bulshada looga ilaalin lahaa in waxyeelo ka soo gaarto fataahdda uu samaynayo Webiga oo la xasuusto in kal hore ay ku dhinteen dad badan oo qaarkood ahaayeen mas’uuliyiin ka dib markii Doon ay rogmatay. Wafdigaan maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa waxuu ku soo aadayaa iyadoo Webiga Shabeelle uu fatahaad uu ka bilaabay gudaha magaalada shacabka ay bilaabeen in ay barakacaan biyaha badan ee uu soo rogayo Webiga kuwaas oo kala xira magaalada ayna adkaato in shacabka labada dhinaca ay isugu gudbaan magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Galka’yo (PP) — Puntland and Galmudug authorities met at Sugulle Hotel in North Galka’yo yesterday to diffuse the tension caused by armed clashes between Puntland and militias from South Galka’yo. A surprise attack my the militias on a Puntland-run police station at Tareege, a hamlet West of Galka’yo, resulted in heavy exchange of fire betwen Puntland Forces and militias. Elders and peace activists from North and South Galka’yo have organised the meeting to de-escalate the situation. Puntland has deployed troops at Tareege to deter further attacks. “A group of bandits launched a hit and run attack against Tareege Police Station. Bandits are not associated with Galmudug nor is Galmudug behind the attack. One Puntland soldier died at the scene” Mudug Governor of Puntland Ahmed Musse Nur told Puntland Post. Galka’yo enjoyed relative peace before Tareege incident. A joint security committee from Puntland and Galmudug oversees an agreement signed in 2015 by the two administrations to have a common stand on freelance militias that periodically attack civilians and government premises. State Minister for Justice (Puntland) attended the meeting. ”We have succeeded to prevent the tension from spiralling out of control. We will convene again to redress wrongs. When incidents happen it is unwise if some media outlets exaggerate it” said Abdirahman Isaq, Galmudug Governor of Mudug region. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND AND GALMUDUG AUTHORITIES MEET TO DIFFUSE TENSION appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-05052020-ww.mp3 View the full article
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhawaan weerar siyaasadeed ku qaaday Dr. Cabdi Gaboose oo isagu hore dhaleeceyn kulul u jeediyay xukuumada Biixi, taasi oo sarre u sii qaaday xiisada ka dhex aloosan labada dhinac. Madaxweyne Biixi ayaa Dr Gaboose ku eedeyay inuusan isaga laftigiisu fulin waxyaabihii uu ku dhaliilayay xukuumada ee kala fogaanshaha dadka, maadama uu cudurka Coronavirus uu ku baahay deegaanada Somaliland. Biixi ayaa si weyn ugu duray kulan ahaa afur wadareed oo uu Dr Gaboose u sameeyay shaqaalihiisa ka howl-gala isbitaalka Haldoor, taasi oo uu Biixi ku macneeyay in uu Gaboose is-burinayo, isla markaana hadalkiisa iyo ficilkiisu islahayn. Hadalka Biixi ayaa sarre u sii qaaday xiisada labada dhinac, xili ay dhowr jeer weerar siyaasadeysan isku qaadeen, iyada oo Siyaasiyiinta iyo Bulshada reer Somaliland, ay u arkayeen in Biixi uu culeys siyaasadeed kala kulmayo Dr. Gaboose. Dr. Cabdirisaaq Cusmaan Gaboobe oo kamida dhakhaatiirta reer Somaliland, ayaa xiisadaasi si weyn uga deyriyay isagoona nasiib daro ku tilmaamay weerarada siyaasadeed ee isku qaadeen Muuse Biixi iyo Dr. Cabdi Gaboose. Dr. Gaboobe ayaa sheegay in xiligan dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus, aysan munaasib aheyn in uu bilowdo dagaal siyaasadeed cusub oo wiiqa awoodii si wada-jir ah loogula dagaalami lahaa cudurkaasi, oo dhawaan qofkii u horeeyay ugu geeriyooday gudaha Somaliland. Xiisada Muuse Biixi iyo Dr Gaboose ayaa imaneysa xili ay hoos u dhacday mucaaradadii xukuumada Muuse Biixi, maadama la rumeysan yahay in uu Biixi gacanta ku dhigay hogaamiyeyaasha Mucaaridka, oo iyagu u muuqda kuwa badanaa u sacaba tumo talaabooyinka siyaasadeed ee xukuumada.
  18. Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka Banaadir, Dowlad goboleedyadaya Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliayay xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8). 14 qof ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-nna waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. PRESS RELEASE Africa50 donates US$800,000, joins African Countries to help fight COVID-19 Given the likely long-term effects of the pandemic, Africa50’s COVID-19 Relief Support Initiative will have three phases CASABLANCA, Morocco, May 5, 2020/ — Announces a grant of US$300,000 to the Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) for the purchase of test kits and other medical equipment and to mobilize frontline responders; provides US$500,000 to fund other targeted infection control and prevention activities in several African countries. Africa50 (www.Africa50.com), the pan-African infrastructure investment platform, has announced its COVID-19 Relief Support Initiative, which aims to support the continent’s fight against the pandemic. Under this initiative, Africa50 is providing US$800,000 to help contain the spread of the virus and minimize its impact. Given the likely long-term effects of the pandemic, Africa50’s COVID-19 Relief Support Initiative will have three phases, as follows: The first phase focuses on helping countries deal with immediate public health needs through in-kind and cash donations. It comprises a US$300,000 grant to the Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC), which will be used specifically for the purchase of test kits and other medical equipment and to mobilize frontline responders, as highlighted in the Africa Joint Continental Strategy for COVID-19 led by the African Union, through Africa CDC. In addition, Africa50 is donating US$500,000 to fund other targeted infection control and prevention activities in several African countries. The second phase will focus on technology-enabled solutions that help address the unprecedented demand for digital health innovations, which was triggered by the pandemic. To that effect, Africa50 will support the deployment of digital solutions, as part of its Innovation Challenge, an initiative launched in 2019 to increase internet connectivity access in under-served areas in Africa. The third phase will concentrate on medium to longer term solutions to support economic recovery and stabilization, including the implementation of major infrastructure projects. On the occasion of this announcement, Mr. Alain Ebobissé, CEO of Africa50, said “We stand in complete solidarity with all African nations and all our stakeholders around the world during these uncertain times. Beyond the tragic loss of human lives, the pandemic is projected to result in a decline in Africa’s GDP growth between 3 and 8 percent.” He underlined Africa’s vulnerability to this new, rapidly evolving environment and stressed the need for diligent, impactful responses and continental cooperation. “Governments, the private sector, development institutions, and civil society have acted quickly, both to limit the spread of the virus and to prop up economies. Africa50 will play its part.”, he said. “If we work together, we can limit the damage of the pandemic. This crisis underlines once again the urgency of improving the continent’s infrastructure to ensure that people can enjoy productive, happy, and healthy lives. We must therefore also continue to develop our project pipeline and evaluate new ones, as we prepare to support the continent’s recovery”, he added. Distributed by APO Group on behalf of Africa50. Media Contact: Fleur Tchibota Director of Communications Africa50 Email: F.tchibota@africa50.com Tel: +212666171099. About Africa50: Africa50 (www.Africa50.com) is an infrastructure investment platform that contributes to Africa’s growth by developing and investing in bankable projects, catalyzing public sector capital, and mobilizing private sector funding, with differentiated financial returns and impact. Africa50’s investor base is currently composed of 28 African countries, the African Development Bank, the Central Bank of West African States (BCEAO), and Bank Al-Maghrib. For more information, visit: www.Africa50.com. SOURCE Africa50 Qaran News
  20. Qorshuhu wuxuu ahaa in la toogto 45-ka ninba, bal se waxa laga reebay Indha-deero iyo Koofiyad-dheere oo labadooduba ahaa ganacsadayaal lacago badan ku lahaa bangiyada. Badanka 43-ka nin ee la toogtay waxay ku xidhnaayeen xabsiga dhexe ee Burco, waxaana ay ku xukunnaayeen waxyaabo kala duwan. Qaar badani waxa ay ahaayeen ganacsatadii jaadka oo ku eedaysnaa inay soo dhoofiyeen jaad. Bishii Diisambar 1984-kii, kolkii ay dawladdu ka war heshay joogitaanka SNM ee buuraha Sheekh, waxa la laalay idil ahaan xukunnadii loo haystay 43-kaas maxbuus, waxaana si isku mid ah, hal mar loogu wada xukumay inay xidhiidh la leeyihiin SNM. Dhibbanayaashaas qaar ka mid ah waxa laga soo ururiyay magaalada Sheekh, waxaana la geeyay Burco. Waxa la xukumay iyada oo aan lala sugin wax maxkamad ah, waxaana dhammaantood la toogtay isla maalintii, kolka laga reebo laba nin: Indha-deero iyo Koofiyad-dheere (Dabcan waxay ka baqeen in dilka labadaas nin ee magaca lihi uu cimrigooga soo gaabin karo). Maryan oo ahayd hooyo 8 carruur ah dhashay, ninkeegu wuxuu ku jiray 43-ka nin ee la tooganayay. Askartii dawladda ayaa albaabka gurigeega ku soo garaacay si ay goob-joog uga noqoto toogashada ninkeega iyo 42-ka kale, oo ay waliba sacab iyo mushxaradna isugu darto. Hooyadaasi waa ay diidday, albaabkiina way furi wayday illaa iyo ay askartii inta ay albaabkii ku jabiyeen ay timaha soo qabteen. Wiil Dhimbiil la odhan jiray oo goobtaas joogay ayaa aad uga xumaaday, ciidankiina wuxuu ka baryay inay hooyada sidan ka daayaan, bal se mid askartii ka mid ah ayaa ku soo jeedsaday oo isla bartii ku toogtay. (bogga 66aad, A government at war with its own people). Dilka Dhimbiil, tirada xasuuqa maalintaas wuxuu ka dhigay 44 qof. Dhacdadan, qof kasta oo Reer Burco ah oo maalintaas Burco joogay wuu xasuustaa. 20 diisambar, 1984-kii, saacaddu kolkii ay ahayd 7:00 subaxnimo ayaa 43-kaas dulmane lagu toogtay Kaabadda Madaarka Burco. Xasuuqaas ka dib, qof kasta oo Burco ku noolaa oo in uun lagu tuhmo inuu ka murugooday ama uu saamayn ku yeeshay dilkaasi, waxa la tooganayay iyada oo aan wax sharci ah la hor geyn. 43-kaas nin, dambiga qudha ee ay galeen wuxuu ahaa in ay Isaaq ahaayeen oo dabcan ahayd gummaad uu hiigsigiisu yahay isir-tir. Magacyadooda halkan akhriso (Waxa ka maqan afar magac), xagga hoosena ka eeg warqaddii lagu fuliyay dilkooga: 1. Ciise Ibraahin Ismaaciil 2. Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe) 3. Cumar Sheekh Yuusuf 4. Cabdi Jaamac Xasan (San-weyne) 5. Cawil Saalax Giir 6. Cabdillaahi Saalax Giir (ka sare walaalkii) 7. Ibraahin Maxamed Xandulle 8. Axmed Yuusuf Mire 9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Umaas) 10. Cabdi Maxamed Cali (Dheg-jar) 11. Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba-lugood) 12. Ismaaciil Saalax Diiriye 13. Maxamed Samatar Axmed 14. Saleebaan Hirad Aadan 15. Cali Cabdi Xuseen 16. Maxamed Maxamuud Cabdi 17. Axmed Ismaaciil Maxamed 18. Cali Cumar Diiriye 19. Muuse Xasan Ibraahin 20. Cabdi Maxamed Faarax (Taakuliye) 21. Aadan Cabdi Ibraahin 22. Cabdi Maxamed Yuusuf 23. Cabdillaahi Xasan Nuur 24. Cabdi Xasan Jaamac 25. Jaamac Cabdillaahi Siciid 26. Cabdi Cali Axmed 27. Siciid Cismaan Geelle 28. Aadan Nuur Ismaaciil (Odaaq) 29. Abokor Cabdillaahi Rooble 30. Yaasiin Axmed Warsame (Soonaan) 31. Axmed Xasan Ismaaciil (Yumbud) 32. Axmed Cabdi Xasan 33. Nuur Doolax 34. Cabdiraxmaan Maxamed Siraad 35. Cabdiraxmaan Maxamed Cali 36. Yaasiin Cabdi Bisad 37. Qaasin Qodax Jaamac 38. Major Maxamed Cali 39. Qorane Warqaddii dilka: 43 Men in Burao 1.jpg43 men in Burao2.jpg Tixraac: Human rights Watch, A government at war with its own people, bogga 65aad iyo lifaaqa afaraad. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News