Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. It could be his sister, but 'if Kim Jong Un dies, at the same time Kim Yo-jong also will be out, too,' said a North Korean defector Source: Hiiraan Online
  2. Death toll stands at 2; overall case count rises to 1,008 Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa xalay muwaadiniinteeda kala baxday magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tallaabadan la qaaday ayada oo ay qeyb ka tahay taxaddarka madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ee looga hortagao faafitaanka cudurka Coronavirus. “Sababo la xiriira taxaddarada uu madaxweynaha qaatay si looga hortago faafitaanka COVID-19, muwaadiniinteena ku sugnaa Soomaaliya, waxaa si ku-meel gaar ah looga qaaday Muqdisho laguna celiyey Turkiga, si waafaqsan amarka dhammaan muwaadiniinteena ku sugan dibedda lagu keenayo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. Safaaradda ma aysan shaacin tirada muwaadniinta la waday, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow ayaa Caasimada Online u sheegay inay ahaayeen illaa 101 muwaadin. Dhinaca kale, diyaaradda qaaday muwaadiniinta Turkiga ee Turkish Airlines ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dejisay dad Soomaaliyeed oo ay kasoo qaaday dalka Turkiga. Illaa 58 qof ayaa la sheegay inay la socdeen diyaaradan kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira dalal kale oo caalamka ah oo ay ku xayiranyihiin dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day. Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor guddi u xil saartay inay kasoo tala bixiyaan sidii dalka loogu soo daabuli lahaa muwaadiniinta ku xayiran wadamada caalamka. Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka ugu badan ay ku xayiranyihiin wadamada Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.
  4. RIYADH: The Saudi minister of industry and mineral resources, Bandar Al-Khorayef, has issued seven decisions relating to the largest allocation process for mining-reserve sites in the Kingdom. Source: Hiiraan Online
  5. the Aurora Humanitarian Initiative hosted an online discussion to honor those who perished a century ago and celebrate modern heroes, including those fighting the global outbreak of COVID-19. In accordance with the symbolic traditions upheld by the Initiative for many years Source: Hiiraan Online
  6. Officials tell Al Jazeera Sudan transitional gov't in process of handing over Port Sudan facility to UAE giant DP World. Source: Hiiraan Online
  7. A second wave of locusts is expected to cause severe damage in Eastern Africa, two months after a group of dangerous pests invaded the region shortly before the outbreak of the coronavirus. ”It seems that those who escaped COVID-19 will face locusts,” said Akinwumi Adesina, President of the African Development Bank and former Nigerian Agriculture Minister. Source: Hiiraan Online
  8. Regional security agencies must beware of a potential new wave of violent extremism in the season of Covid-19. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - The Turkish Embassy in Somalia has announced that it has begun repatriating it's citizens in the country as a precaution to prevent the spread of COVID-19, according to a statement released on Saturday. Source: Hiiraan Online
  10. Somali and the African Union forces on Friday destroyed two al-Shabab explosive vehicles and foiled a suicide bomb attack at the AU mission’s base in Barawe city, about 270kms southwest of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Pyongyang (Caasimada Online) – Xaaladda caafimaada ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa lagu warramay inay tahay “miyir uusan lahayn” kadib markii qalliin guul-darreystay looga sameeyey wadnaha, sida laga soo xigtay dhaqaatiirtii daweysay. Inkastoo warar qaar ay werinayaan inuuba dhintay, haddana warbaahinta lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata. Wargeyska toddobaadlaha ah ee dalka Japan ee Shukan Gendai ayaa weriyey in xubin ka mid koox caafimaad oo Shiinaha ay u direen Korea-da Waqooyi uu xaaladda Kim u sharxay tifaftiraha saree e Wargeyska Kondm Daisuke. Dhaqtarkan ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqasho uu horraantii bishan ku tegay baadiyaha, uu Kim wadnaha qabsaday kadibna dhulka ku dhacay. Dhaqtar wehliyey ayaa durba siiyey neef, kadibna waxaa loola cararay qeybta xaaladda deg degga ee isbitaal ka ag dhowaa, halkaas oo looga sameeyey qalliin dhinac wadnaha ah. Kooxda caafimaadka ayaa rumeysan in qalliinka fududaa, balse daahitaan dhacay uu sababay in Kim Jong un uu galo xaalad halis ah. “Kim wuu soo jeedaa, wuu ku eegayaa balse ma lahan wax dareen warqab ah,” ayuu yiri. Shiinaha ayaa markaas kadib koox caafimaad u diray Korea-da Waqooyi, si ay u talo-siiyaan, sida laga soo xigtay dad xog-ogaal u ahaa arritan. Wafdi ka socda qeybta xiriirka caalamiga ah ee xisbiga xukumada Shiinaha ayaa sidoo kale khamiistii ka tegay Beijing ayaga oo aaday Korea-da Waqooyi, sida ay Reuters kasoo xigatay laba qof oo xog-ogaal ah. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo wargeyska fadhigiis yahay Seoul ee Daily NK, uu horraantii toddobaadkan weriyey in Kim uu kasoo kabanayo qalliin wadnaha looga sameeyey 12-kii April. Kim, oo la rumeysan yahay inuu 36 jir, ayaa muddo dhowr toddobaad ah kasoo muuqan warbaahinta dowladda, taasi oo shaki sii gelisay xaaladdiisa caafimaadka. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.
  12. Kiisaska Cudurka Coronavirus oo gaadhay 390 Ruux gudaha Soomaaliya. 62 bukaan oo cusub ayaa maanta laga helay Cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya sida ay xaqiijisay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya 18 kamid ah ayaa dheddig ah, halka 44 ay lab yihiin. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fawsiya Abiikar Nuur, oo Galabta soo gudbisay warbixinta xanuunka COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in laba ruux ay u geeriyoodeen cudurka halka laba kalena ka bogsadeen. Wasiir Fawsiya, ayaa sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee dalka ay gaadhay 390 qof, halka tirada dadka u geeriyooday ay gaadhtay 18 ruux, sidoo kalena ay ka bogsoodeen 10 bukaan. Marwo Fawsiya, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar ka muujiyaan xanuunka COVID-19, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafidda xanuunka. Qaran News
  13. Dil Argagax leh oo ka dhacay Puntland Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Puntland. Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee shalay, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askarigan, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho, Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo aan weli xaqiijin ciday yihiin & Halkay ka tirsan yihiin Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jidhkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyooday. Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xidhay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo. Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey. Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay. Qaran News
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka digtay xeelado ay sheegtay inay kaga faa’iideysan karaan cadowgeedu, kuwaasi oo khal-khal gelin karaya nabad-gelyada ay mudada badan ku naaloonaysay Somaliland. Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, ayaa sheegay in xeeladahaasi looga faa’iideysan karo Somaliland, ay kow ka tahay dagaalka beeleysan ee inta badan ku soo noq-noqday deegaano ka tirsan maamulkooda, kuwaasi oo horseeday khasaaro nafeed. Faratoon ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto ilaalinta nabad-gelyada, iyada oo gacmaha la iswada haystana laga hortago cadowga uu sheegay inuu ka faa’iideysanayo dagaaladaasi. “Ha laga digtoonado dagaal beelaysan iyo xeelad kasta oo cadageenu inaga ga faa’iidaysan karo, isku duubnideena iyo ilaalinta nabadgalyadeena meel aynu uga soo wada jeedsano, qabyaaladdana ha laga dheerado” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, isagoona soo jeediyey in loo dhago nuglaado oo la qaato talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurkaasi, wuxuuna yiri: “Xanuunka Coronvirus maaha xanuun sahlan oo la fududaysan karo, mana ah xanuun la mid ah xanuunnada kale ee jira, waa xanuun sababay inay dad badan oo ku kala nool daafaha dunida iyo qaaradaha dunida u dhinteen, dad badana u liitaan, waana xanuun si yar oo fudud loo kala qaadayo, si deg-degna u fidiya, waxaana tusaale inoogu filan qaabka uu xanuunkani go’doonka u galiyey caalamkii”. “Sidaas awgeed in la qaato awaariinta lagaga hor tagayo xanuunkan ayaa haboon, wacyigelinta iyo awaamiirta ay Dawladdo waddana maaha in la fududaysato, ee waa in sidooda loo qaadata, maxaa yeelay Dawladdu dadkeeda lexejeclo ayey ka qabtaa, xaalad kasta oo ay ku badbaadinaysana waa u diyaar inay ku dhaqaaqdo, qaadkana sababta loo joojiyey waa in taxadir badan la sameeyo”.
  15. Boris Johnson muxuu ka aaminsan yahay qaaradda Afrika?+Maantoo u xilka Dib ula wareegayo Boris Johsnon ayaa xilka la wareegayo maanta Boris Johnson, ka dib marka uu la wareego xilka Ra’iisulwasaaraha, wuxuu wajahayaa caqabado Theresa May ku kallifay in ay iska casisho jagada. Waxaa caqabadahaas ka mid ah in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub. Heshiisyadii hore ee May waxaa diiday Baarlamaanka. Balse taasi ka dib muxuu yahay qorshihiisa ku wajahan Afrika? Waxaa suuragal ah in hadallo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan wixii uu horey uga sheegay Afrika. Warbixin uu qray sanadkii 2002, ka dib booqasho uu ku tegay Uganda, nuxurkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri: “Dhibaatada haysata Afrika ma aha inaan mar xukumi jirnay, ee waa in aynaan hadda gacanta inoogu jirin”. Wuxuu inta ku daray in “nidaamkii gumaystaha uu soo afjaray adoonsiga uuna keenay falashadda beeraha, halka dedaallada caawinta ay keenaan gabaabis dhanka siyaasadda ah. Isla sannadkaasi ayaa warbixin uu ku qoray wageyska Daily Telegraph, waxa uu ku sheegay in dalalka Barwaaqa-Sooranka ah ay boqoradda u hibeyn jireen “carruur madow oo sacabka iyo calan ruxidda ku wanaagsan”. Intii uu ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, dalalkii uu booqday waxaa ka mid ahaa Soomaaliya Sanadkii 2016 wuxuu wargeyska the Sun ku qoray in madaxweyne Barrack Obama uu “naceyb soojireen ah u qabo Boqortooyadda Britain” maadaama uu “Asal ahaan ka soo jeedo Kenya”. In kastoo aanu ka xishoon hadalladaasi adag, haddana marka uu xilka la wareego, wuxuu xoogga saari doona ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasoo qeyb ay ka tahay inuu heshiisyo ganacsi la saxiixdo dalalka Afrika. Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ayaa durbadiiba soo dhaweeyay xilka loo dhiibay Boris Johnson. Madaxda qaaradda Afrika ee ka hadlay doorashadiisa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ghana iyo kan Zimbabwe oo sheegay inuu doonayo “xiriir aad u dhaw ay yeeshaan labada dal”. Warm congratulations to @BorisJohnson on his decisive election as the leader of the @Conservatives and Prime Minister of the United Kingdom. Best wishes for his success, and I look forward to working with him to strengthen the already strong ties between our two countries. pic.twitter.com/64Iycx0FKR — Nana Akufo-Addo (@NAkufoAddo) July 23, 2019 Congratulations @BorisJohnson on your election as leader of the Conservative Party and on becoming Prime Minister of the UK. I wish you good luck for the journey ahead, and look forward to building ever closer ties between our two nations under your leadership — President of Zimbabwe (@edmnangagwa) July 23, 2019 Sidoo kale madaxdii u hambalyeesay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bartiisaTwiter-ka ku sheegay in uu rajeynayo inay ka wada shaqeeyaan danaha labada dal. Congratulations to @BorisJohnson on being elected to become the new Prime Minister of the United Kingdom. My best wishes as you begin your leadership at @10DowningStreet. We look forward to working with you to secure the great future we envision for our countries. — Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) July 23, 2019 Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kasta booliska Soomaaliya ayaa xabsiyada degmooyinka gobalka Banaadir iyo gaadiidka shabaqlaha ah isuga geeyo tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaas oo laga qabtay Muqdisho kadib marka ay u hogaansami waayaan Bandowga gobalka Banaadir. Caasimada Online waxay la hadashay dad kale duwan, kuwaas oo dhamaantood noo sheegay in tobaneeyo qof la isugu geeyo gaadiidka shabaqlaha ah iyo xabsiyada degmooyinka saacado kadibna siyaabo kale duwan lagu sii daayo. Dadka aan la hadalnay oo ku nool ugu yaraan 8 degmo waxay si isku mid ah noogu sheegeen in marka la qabto xabsiyada iyo gaadiidka shabaqlaha ah la isugu geeyo taasina ay halis ku tahay caafimaadkooda iyo kan Bulshada. “Haddii habeen kasta 10 ilaa 20 qof lagu xiro xabsiyada degmooyinka kadibna ay kala qaadaan cudurka laguna sii daayo magaalada soo ma ahan mid ka hor imaaneysa ujeedka Bandowga,” ayuu yiri mid kamid ah dadka la xiray ee la sii daayay oo la hadlay Caasimada Online. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore sheegay in dowladda ay xabsiyo badan isugu geyso dad kala duwan taasina ay halis ku tahay caafimaadka Bulshada isagoo ku baaqay in go’aankaas ay ka laabato dowladda Soomaaliya. Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo arirntan wax laga weydiiyey ayaa sheegay inay qalad tahay, balse ay kiisaskan yihiin kuwa yar, oo inta badan aanay dhicin in dad la isugu geeyo.
  17. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN. GEERIDU WAA XAQ. Allaah ha u naxariistee waxaa caawa oo ah Sabti 25.04.2020 ku geeriyootay magaalada Boston ee cariga [...] Source
  18. Bosaso (PP News Desk) — Reliable sources have confirmed to Puntland Post the death of Omar Mohamed Yusuf, a police officer, whom unknown gunmen killed in Bosaso on Saturday at 10: 00 AM. A group of gunmen attacked the police officer at a busy bus station for buses bound for Qardho district. The slain police officer was buying food supplies for mother, who lives in Qardho. Attackers targetted Omar at a busy bus station in Bosaso Omar tried to overpower two men who had tried to disarm him. Severel men came to the rescue of the two men. One of the men fired six bullets at Omar at close range and too the officer’s gun with them. Omar died of wounds sustained in the attack. The identity of the assailants has not been officially established. Statement taken from Omar before passing away indicates he had identified the origin of the assailants. The assassination comes at a time the security of the commercial city of Puntland is deteriorating. © Puntland Post, 2020 The post UNKNOWN GUNMEN ASSASSINATE A POLICE OFFICER IN BOSASO appeared first on Puntland Post.
  19. The gravity of the challenge that the world is facing today cannot be overstated. The coronavirus (COVID-19) pandemic has affected people and nations across the world medically, financially, socially, politically, spiritually, and psychologically, beyond anything ever recorded since the dawn of time. This article will cover how the pandemic is affecting Muslims around the world, what Islam teaches about this kind of calamity, and how to deal with it especially when social distancing defies the spirit of the sacred month of Ramadan. Spiritual Trauma Though Muslims are not unique when compared to the rest of humanity with regards to the numbers of people who have suffered or died as a result of the virus, Muslims stand unique in terms of the value we place on certain spiritual rituals that we have now been deprived of as a result of social distancing rules put in place to prevent spread of this virus. The mandatory Friday sermons are banned in almost all mosques across the world. So is Umrah and possibly Hajj (the annual pilgrimage). So is Taraweeh, I’tikaf, and collective iftars (joint meal to break the fasting). The new rules also deprive faithful Muslims with living parents from one of the most sacred and blessed acts that he or she could engage in on daily bases: visiting and expressing love and reverence to their parents through a kiss of the hand and forehead, whether they live under the same roof or not. This, needless to say, is critical for protection of the elderly’s well-being. Moreover, the new rules mandate that we quarantine suspected or infected loved ones in rooms away from rest of the family, or in Intensive Care Units where they are, in some cases, left to die alone with no one to read them their last rites (bearing witness to The Oneness of God). And when they die as a result of the virus, more often the bodies of the deceased are denied the Islamic ritual of being purified with water, given Islamic ablution, and of having the Janazah prayer conducted upon the body before burial. Is There a Reason for this Affliction? Allah سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى is the Absolute Sovereign Authority who can choose to punish or bless his servants (mankind) as he pleases. In different periods of human history, Allah’s سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى wrath did befall upon communities and nations for the purpose of permanent destruction. But, for any human-being -save the Prophets and Messengers who delivered God’s revelations to us- to claim either this virus or another is Allah’s سُبْحَانَهُ وَتَعَالَى punishment directed at this particular group or that is nothing but a testament of their ignorance or pride, as that is within God’s exclusive domain of knowledge. وَمَا يَعۡلَمُ جُنُوۡدَ رَبِّكَ اِلَّا هُوَ ​ؕ “…And none knows the armies of your Lord except Him” [Al-Muddaththir; 31] In Islam nothing happens at random. In the grand scale of things and within a Divine reality that we as human-beings cannot entirely witness, everything happens for the right Divine reason and at the most appropriate time. Calamities could afflict people as a divine punishment or in order to test their faith so that others would know them for what they are. God, The Knower of All Things, does not need verification. وَلَنَبْلُوَنَّكُم بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوْفِ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الْأَمْوَالِ وَالْأَنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ ۗ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ “And we will surely test you with something of fear and hunger and a loss of wealth and lives and fruits, but give good tidings to the patient” [Al-Baqarah; 155] كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ “Every soul will test death. And We test you with evil and with goodness by way of trial” [Al-Anbiya; 35] However, the faithful is blessed on both occasions. The Prophet صلى الله عليه وسلم is reported to have said: “Amazing is the affair of the faithful for every aspect of it is good….If he is blessed with what brings joy to the heart, he praises God in gratitude and it is good for him. If he is challenged with what distresses the heart, he practices patience and it is good for him” [Sahih Muslim] According to the Qur’an and Sunnah, calamities can afflict Muslims and non-Muslims alike, righteous people as well as dreadfully vile characters. Allah may afflict calamity on people as impetus to abandon their heedlessness and rush back to their Lord. He may afflict them to expose their hidden qualities or true characters. In other words, their sincerity or hypocrisy. He may afflict others to cleanse all their sins to receive them on the Day of Judgement as pure as the day they came out of their mothers’ wombs. And yet, He has also afflicted the Prophets and Messengers who are immune from committing sins in order to elevate their status among themselves. Contrary to common perception, when the Prophet Muhammad صلى الله عليه وسلم was asked who among people does Allah afflict with individual calamities the most, he answered: “The Prophets, then those nearest to them, then those nearest to them. A man is tried according to his religion; if he is firm in his religion, then his trials are more severe, and if he is frail in his religion, then he is tried according to the strength of his religion. The servant shall continue to be tried until he is left walking upon the earth without any sins.” [Al-Tirmidhi] Can We Gain Anything Out of This? This sort of phenomenon is most certainly a test to our faith. Would we be among those who maintain their sense of optimism, reinforce their faith under distress, and reflect upon what fills their conscience and hearts, their attitude toward the purpose of their lives, and how their daily choices are in line with that purpose? Or will we be among those who simply look for any form of entertainment that will keep us busy until the pandemic passes? It is only through reflection that we stand to gain the most valuable experience out of this calamity. So, let us ponder over how insignificant all of the worldly things that preoccupy our minds turn out to be when faced with the threat of death. Harun Al-Rashid -who ruled the Islamic empire during its zenith- was once asked by his spiritual advisor: “If you got lost in a desert and you were about to die of thirst, how much would you have paid for a cup of water?” Harun answered: “One half of the empire.” The spiritual advisor flowed up with another question: “What if God blocked that water in your bladder, how much would you pay to be able to urinate?” Harun answered: “The other half of the empire.” The spiritual advisor then said: “So this whole worldly empire that preoccupies your mind is worth nothing more than a half glass of water.” The global lockdown will, in one way or another, impact most of us if not all. It may worsen one’s health, financial status, concern for others, tolerance levels, and possible one’s entire outlook in life. Under such condition, there are three things that one must remember: First: Follow the law and public health instructions to keep yourself and your loved ones safe. Second: Don’t overreact. A sure way to failure is to try to attempt solving all of one’s problems at the same time. Prioritize according to importance and be patient with the process. Third: Never let your anxiety, fear, or despair overload your conviction and hope for God’s divine relief. Whether it coincides with yours or not, don’t lose the faith that God has a plan for you, and His plan is always the best. Praise and Glorify God and always seek His redemption. Beware of irrational over protection. The Howard Hughes Syndrome is named after a man who was the wealthiest and most famous person of his time. At the latter part of his life, he developed paranoiac fear of germs or viruses in order to preserve his life. As a result, his life became more miserable than any death. Fourth: Never forget that regardless of your hardship, there are others who have been suffering worse misfortunes and calamities than you. Imagine the misery experienced by those who have been dying from cholera, starvation while being bombarded for more than five years. Imagine the victims of Myanmar’s ethnic-cleansing, the brutal Syrian civil war, those imprisoned in China’s concentration camps, or under the tyranny of the last apartheid regime in the world-Israel. Imagine those in the notorious dungeons of Egypt and even those who are being tortured with silk ropes in a hellish Five-Star hotel. After that empathic tour, let us find solace in this verse: قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ “Say, never will we be afflicted except that which Allah has decreed for us; He is our Protector, and upon Allah let the faithful entrust their affairs.” [Al-Anbiya; 51] Also, in this short and profoundly compelling verse: فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا “For indeed with hardship comes ease. Indeed with hardship comes ease.” [Al-Sharh;5-6] Mindful of the human tendency for hasty or superficial understanding, The Most Compassionate repeated the same verse back-to-back to remind the forgetful ones (you and I) that it is within the hardship that we must find the ease. This may be the best Ramadan for all of us. This may be the Ramadan that we collectively discover what Prophet صلى الله عليه وسلم repeated three times while pointing to his heart: “Piety is in here. Piety is in here. Piety is in here” [Al-Tirmidhi] For when this pandemic passes, will we still be yearning for what we are yearning for now? Abukar Arman is a Somali political analyst, writer and former diplomat.
  20. Amid the coronavirus pandemic worldwide, countries closed their borders and placed their citizens on more stringent restrictions, forcing both adults and children to stay at home and as a consequence turned houses into schools and workplace sites Source: Hiiraan Online
  21. Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in saaka Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska dowladda Puntland. Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee saaka, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askariga, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho, isagoo doonayay in uu Raashin u sii dhiibo hooyadiis oo ku nool Qardho. Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish. Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jirkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac ba’an oo uu markii dambe u geeriyooday. Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xirtay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo. Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey. Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay. PUNTLAND POST The post Dil Argagax leh oo ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. Kooxda Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay waaberkii hore ee saaka weerar madaafiic ah ku qaadday xarunta weyn ee XALANE ee magaalada Muqdisho. Xarunta XALANE waxaa ku yaalla saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya gaar ahaanna Muqdisho waxayna sidoo kale hooy u tahay dibloomaasiyiin Shisheeyey iyo hay’ado caalamiya. Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa ku soo warrantay in jugta qaraxyo waaweyn saaka laga maqlay gudaha xarunta XALANE kadib markii ay Al-shabaab ku qaadday weerar madaafiic ah inkastoo aysan xusin khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale Warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in qiiq iyo uuro madow ay cirka isku shareertay kadib markii ilaa 7 madfac ay ku habsadeen xaruntaas XALANE oo kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aden Cadde. Balse dhinaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka la sheegay in lagu qaaday xaruntaas XALANE iyo haddii uu jiro khasaare ka dhashay midna. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegatay in ay weerar ku qaadday Xarunta XALANE ee magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii laga dilay labadii qof ee shacabka ahaa, kuwaas oo degmada Boondheere uu xalay ku dilay askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qoysaskii uu la kulmay uga tacsiyadeeyey gaarida dadkii laga dilay, waxuuna u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaadayo nolashooda. Sidoo kale duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa qoysaskaas u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono askarigii dilay dadkooda. Labada marxuum ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaas oo askari ka tirsanaa booliska ka howlgala saldhigga degmada Boondheere uu dil u geystay xalay xilligii uu bilaabanayey dhaqan-galka bandowga saran magaalada. Taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in la xiray askarigaas cadaaladana la marsiin doono, sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay in xilkii uu ka qaaday Taliyihii booliska degmada Boondheere oo uu hoos tegay askariga dilka geystay, isagoo ku goodiyey in askarigii dambe oo dhib u geysta shacabka xataa taliyihiisa lala xisaabtami doono.
  24. Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi gelinta cudurka Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyeen deegaanada Puntland. Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo ka tirsan guddigaas ayaa goor dhaweyd warbaahinta u sheegay in 5-qof oo ku nool deegaanada Puntland maanta laga helay xanuunka Coronavirus. Shantaas qof ayuu sheegay wasiirku inay ka mid ahaayeen illaa 11 qof oo laga baaray xanuunkaas, waxuuna maamulku xarun gooni ah ku karaantiilay dadkaas, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland. Afar ka mid ah shantaas qof waa rag, halka qofka kele uu yahay dumar, wasiirka caafimaadka Puntland waxa uu sheegay in dadkaas aysan meelna uga bixin deegaanada Puntland oo aysan sameyn wax safar ah, sidoo kale da’dooda ayuu sheegay inay u dhaxeyso 14 ilaa 33-sano jir, waxayna tirada guud ee kiisaska deegaanada Puntland gaartay lix xaaladood. Puntland ayaa Sabtidii maanta sheybaarka lagu ogaado qofka qaba xanuunka COVID-19 waxa ay ka hir gelisay magaalada Garowe ee xarnta maamulka Puntland, waxayna taasi meesha ka saartay caqabadii aheyd in qofkii looga shakiyo cudurkaas dheecaankiisa loo diri jiray meel ka baxsan Puntland, si loosoo baaro. Xukuumadda iyo hey’addaha kala duwan ee maamulka ayaa kaalin weyn ka qaatay hirgelinta sheybaarkaas oo hoos tegaya wasaaradda caafimaadka Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Sidoo kale waxay la sheegay in sheybaarkaas maalintii lagu baari karo illaa 100 qof, isla markaana uu natiijadooda lagu heli karo 24-saac gudahood. Puntland ayaa horey u xaqiijisay hal kiis oo Coronavirus ah, kadib markii dibadda loo diray dheecaankiisa qofkaas oo la sheegay in hadda ay xaaladiisu soo hagaageyso. Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxay shaaciyey in xarumaha karantiika ee laga hir geliyey degaanada Puntland ay ku jiraan illaa 30 qof oo looga shaki qabo COVID-19, kuwaas oo qorshuhu yahay in lagu baaro sheybaarka cusub ee laga hir geliyey Garowe.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir. Dadka dhintay ayaa kala ahaa Gabar iyo Wiil oo ka kala tirsan Booliska iyo Milateriga, kuwaas oo ku dhaawacmay is-rasaaseyn ku dhaxmartay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon waxayna u dhinteen dhaawicii soo gaaray. Qofka saddexaad oo ahaa askari boolis ayaa asna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamo kale ku fureen, waxaana lagu magacaabaa Cabduqaadir Maxamuud Xaaji, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan qaraabadiisa. Marxuumkaan ayaa lagu dhax dilay Saldhigga laan ka tirsan degmada Hodan, waxaana la sheegay inuu baxsaday askarigii dilka geestay. Askariga Milateriga ah ee qeybta ka ah dadka maanta dhintay waxaa la sheegay iney walaalo yihiin qofkii shacabka ahaa ee xalay lagu dilay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir, marxuumkaas oo lala dilay haweeney Umul aheyd. Dhamaan dadkaan oo markii hore dhaawac ahaan loo qaaday ayaa la sheegay in ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo muhiim ah. Booliska Soomaaliya ayaa wali wada cadaadiska shacabka iyo isku dhacyada dhaxdooda ah, waxayna magaalada ku jirtaa jawi cabsi ah. Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa galabta ku dhawaaqay in dib halkiisii loogu celiyay Bandowga, oo uu billaaban doono 8-da habeenimo, waxa uuna taliyaha ka digay in dadka shacabka ah la dilo.