Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada ammanka dowlad goboleedka Puntland oo howlgal ay ka sameeyey gobolka Nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay xirmooyin Qaad ah kaas oo si sharci darro ah Lagu soo galiyey deegaannada Puntland ka dib joojintii lagu sameeyey keenistiisa iyo in dadku ka ganacsadaan , ciidamada ayaa Qaadka keenay kuna gubay saldhigga magaalada caasimadda ah ee Garowe. Taliyaha Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo uu weheliyo taliyaha qaybta booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, oo ku sugnaa goobta xirmooyinkaas Qaadka ah lagu soo bandhigayey ayaa la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in dagaal adag lagula jiro Qaadka lana soo qabayo. Taliye Muxiyadiin ayaa sidoo kale waxaa uu digniin u diray dadka ku howlan keentaanka kuna bixinaayo lacagaha waxaana uu xusay in la garanayo ciidamaduna ay ku raad joogaan waxaana marka kale uu ugu digay in ay fara kala baxaan arrintaan ay ku howlan yihiin, isaga oo intaas ka dib amar ku bixiyey in ciidamada amniga dadkaas ay soo qabtaan “Dagaal adag ayaa lala galayaa meel weliba waa laga joojiyey jirro ayuu wataa waa la joojiyey kuwa tuulooyinka taga kuwa degmooyinka taga iyo kuwa xeebaha taga kuli waa la qabanayaa, dadka Qaadka ka shaqeeya qof qof ayaa loo yaqaan waxaan amrayaa caawa meel kasta ay joogaan in la soo qabto haddii uu tuulo ama magaalo geeyo, haddii uu magaaladaan keeno iyo kuwa maago madaxyada geeya waa la yaqaan dhammaan iyaga in lasoo qabto” ayuu yiri. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa u mahadceliyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku soo dhigay xirmooyinkaas Qaadka ah waxaana taliyaha dhanka kale uu fariin adag u diiray dadka keena Khamriga kana ganacsada waxaana uu yiri isaga oo arrintaas ka hadlayo. “Waxaa kale oo dambiilayaal ah oo la soo qabanayaa dhammaan cidda Khamriga ka shaqeysa waan uga digeynaa cid kasta oo Khamriga ka shaqeysa oo la yaqaan waa la soo qabanayaa ma loo raadinaayo mahayaa mise maya waa la yaqaan inuu ka shaqeeyo waxaa uu ka shaqeeyo qof weliba waa la yaqaan waa la soo qabanayaa lagana yeeli maayo” Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa dhanka kale fariin adag waxaa uu u diray ciidamada iyaga oo shaqada ku jirin hubka ku dhex wata magaalada iyo askarta aan labiska aan wadan ee iyaguna hubka maqaayadaha lafadhiyo waxaana uu amar ku bixiyey in dhammaan la soo xiro dadkaasi. ” Waxaan kale ee uga digayaa halkaan dadka dharka cad iyo Hubka isku wata iyo dadka aan shaqada ku jirin oo tuutaha iyo qoryaha isku wata oo marfishyada fadhiya oo qayilaya Qaadku waa mamnuuc waa la qabanayaa cidii aan ku aragno ciidamada ciddii la dagaalanto waan la dagaalamaynaa ma la ogolaanayo Qaad xaaraan ah inta banaanka aad la fariisatid marfish oo qori aad ku difaacdid cidna kaama yeelayso cad kasta ciidamada istaafyada cid kasta ha ahaatee waan uga digeynaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse. Ugu dambeyn hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo ciidamada ammaanka Puntland dhopwr jeer sidaan oo kale ay qabteen Qaad oo la gubay ka dib markii amar ka soo baxay madaxweyne Deni lagu joojeyey keenista iyo ka ganacsigiisa deegaannada dowlad gobaleedka Puntland sababo la xariira cabsi laga qabo faafitaan xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Labada mas’uul ee la magacaabay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo, ayaa dikreeto uu soo saaray xilka ka qaaday Guddoomiyihii ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alla iyo Guddoomiye kuxigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow. Madaxweyne Farmaajo ayaa Axmed Xasan Iimaan u magacaabay Guddoomiye ku Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Ayaa lagu yiri dikreetada. Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen in uu Eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan hawlaha horyaalla. Dikteerada ayaa lagu xusay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xilka laba kamid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  3. Guddiga ka hortagga COVID-19 ee dowladda Federaalka Soomaaliya , ayaa xaqiijiyay in 5 oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 46 xaalada cusub oo 33 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 13 qof oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay soo kordheen xaaladaha Cusub ee Cudurka, isla markaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay Wasaaradda diiwaan-gelisay 46 Ruux oo qaba Cudurka. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 436 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 23 ruux. Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. PUNTLAND POST The post Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaartay 436 bukaan appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-26042020.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa Mahad-Alle ku beddelay oo inuu xilkan qabto u magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Aadan Sheekh Cali Fiidoow oo ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud, waxaana xilka loo dhiibay Mudane Cumar Cali Cabdi. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir ku-xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada. Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye ku-xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud. “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.” Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla, “Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya. View the full article
  7. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay korarka kiisas cusub oo ku aadan xanuunka Coronavirus ka dib markii bukaano hor leh baaritaanno lagu sameeyey waxaana la helay 46 ruux waxaana ku jira 5 ruux laga diiwaan gelayey Puntland halka 41 tahay gobolka Banaadir. Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lag sheegay baaritaankii maanta wasaaradda Caafimaadka ay samaysay la helay 46 ruux oo oo la ogaaday in jirkooda uu jiro Varuska, waxaana ay tirada guud ka dhigeysaa 436 , waxaa sidoo kale jiray dhimashada 5 kiis waxaana ay buuxinaysaa tirada ugu dhimatay xanuunka dalka in ay tahay 23 qof Natiijada ayaana u qorneyd sidaan. Xaalada cusub 24-kii saacadood ee u dambeeyey ayaa ah 46:  Gobolka Banadir: 41  Puntland: 5 > Lab: 33 > Dhedig: 13 > Bogsasho: 0 > Dhimasho: 5 > Tirada Guud: 436 > Dhimashada Guud: 23 Bogsashada Guud: 10 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa nin ka ganacsada Sigaarka ku dishay xaafada Kaawa Godey ee degmada Dharkenley gaar ahaan nawaaxiga maqaayada Walaalaha. Illo wareedyo degaanka ah oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa marxuumka magaciisa kusoo koobay Aboorey. Dableyda oo tiradooda saddex ayaa laba kamid ah waxaa toogtay ciidamadda ammaanka, halka midka kale uu ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen, sidda ay ku warameen goobjoogeyaal. Saraakiisha nabad-gelyadda degmada ayaa nan wali fahfaahin buuxda ka bixin dilka oo dhacay abaare Maqribkii. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas oo qeyb ka ah kuwa liddiga ku ah xasiloonida. Tan iyo markii uu bilowday Soonka, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal noocaan ah oo qeybtooda ay sheegatay xarakada Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee wararkooda faafiya. View the full article
  9. Tira Hoobiyaal ah ayaa maanta ku dhacay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cade iyo xerada ciidamada Amisom ee Xalane. Madaafiicda ayaa ku dhacday guryo ay daganaayeen dad rayid ah iyo mee lagu xanaaneyey Geel oo ka tirsan degmada wadajir gaar ahaan xaafada Tarabuush, oo kaa biga ku hayso xarunta tabarka ciidamada General Dhagabadan, waxaana jira khasaare dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jiro. Inta la aqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday halka shan kale uu soo gaaray dhaawacyo kuwaas oo madaafiicda habowga ah ay ugu tagtay guryahoda sida uu Goobjoog News u sheegeen dad goobjoog ah iyo ehelada dadkii ay wax soo gaareen” Hoobiyaha meel uu ka imaaday ma naqaano gabadha guriga ayey jiiftay ilmahana barsada ayey jiifeen kii guriga galay ayaa gabadha ku dhacay labada kale gadaal ayey uga dhaceen dhaawaceeda culeys waaye kuwo barsada ku jireen gabdho yar yar ahaayeen 14 jir ,13 17 jir iyo 18 jir gabadha guriga ugu dhacay wiilkayga ayaa qabay kuwa jiifayna gadaal ayey ka soo kaceen oo walashayda ayaa dhashay” Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay inuu jiro khaasare hantiyadeed kuwaas oo ka dhashay nadaafiicda habowga ahaa”Waxaa ahay dhalinta xaafada Tarabuush saakar abaaro 7:30 subaxnimo ayaa xaafada Hoobiyaal ku soo dhaceen dadka ay saamaayeen qofkaan dariskeenaa ayaa ku dhimatay meel dugsiyana wuu ku soo dhacay lakiin ma qarxinn oo ciidamada amniga ayaa ka qaaday, waxaa jro ku dhowaad 8 neef oo Geel ah oo dhaawac ah haddana waxaan ku sugan nahay xaafad dariska ah oo naloo sheegay in shan ruux ay wax ku noqdeen ” ayuu yiri Dhanka lae Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas iyaga oo qoraal ay ku soo dhigeen barhooda bulshada waxaa ay ku sheegay in tiro madaafiic ah ay ku weerareen xarunta ciimada Amisom Xalane, waxaana ay intaas ku dareen in khasaare kala duwan ay geesteen madaafiicda ay ku weerareen xirada Xalane waa sida ay hadalka u dhigeen. Majiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Amiso Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah oo ku aadan madaafiicda maanta ku dhacday agaaraha xerada Xalane kuwaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta maalinlaha leh ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey, xiili ay u muuqato in faafitaanka cudurka ee dalka uu kasii darayo. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay 5 qof cudurka ugu geeriyoodeen gudaha dalka Soomaaliya, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 23. Fowzia ayaa sidoo kale shaacisay in 46 xaaladood oo cusub oo cudurka ah ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland, 41-ka kale waxay ku suganyihiin gobalka Banaadir. Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 33 kamid ah lab yihiin, halka 13 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah. Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa hadda ah 436 qof. Warbixinta maanta laguma sheegin cid kasoo bogsatay cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana tirada bogsashada ay ilaa hadda taagan 10-kii qof ee horey loo shaaciyey. Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti. Dhanka kale, Wasiirka caafimaadka oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale, ayaa sidoo kale xaqiijisay in lala soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo xalay dalka dib loogu soo celiyay.
  11. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey 46 kiis cusub oo ah Coronavirus. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sheegtay bukaanada cusub ay 41 kamid ah laga helay gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxay xustay in shan kamid ahna kiisaska cusub laga helay degaanadda maamul goboleedka Puntland. Intii ay shirka jaraa’id ku guda jirtay, Fowziya ayaa xustay in shan qof oo horleh u geeriyootay caabuqa safmareenka ah. “Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof. Lab: 33 Dhedig: 13 Bogsasho: 0 Dhimasho: 5 > Tirada Guud: 436 Dhimashada Guud: 23 Bogsashada Guud: 10,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda. Ugu dambeyntii, waxay daboolka ka qaadey in xaalada guud ee Covid-19 ee gudaha dalka ay gaareyso 436, iyo 10 ka caafimaadey. View the full article
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta oo Axad ah magacaabay labo wasiir oo ka dhinnaa xukumadiisa cusub. Cabdinaasir Geelle Cilmi oo ahaa gudoomiyihii guddiga doorashooyinka Galmudug ee lagu soo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Galmudug. Xilka Wasiirka qorsheynta ayaa ahaa mid lagu muransanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana isku hayay dhinacyo kala duwan oo daneynayay xilkan oo isugu jiray Xildhibaano, Ganacsato iyo rag kale oo ku dhowaa Madaxda dowladda. Sidoo kale Maxamed Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulkaasi, waxayna labadaan xil ahaayeen kuwa uu muran ka taagnaa balse markii dambe xal laga gaaray. 24 -tii bishaan April ayaa Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu magacaabay Xukumad ka kooban 23 wasaaradood oo ay ka soo muuqdeen Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ku jiray Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Saabir oo kamid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhawaaqo wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Maamulka Galmudug oo hadda shaqo laga wado. Halkaan hoose ka akhriso magacaabista uu sameeyey madaxweyne Qoor Qoor
  13. (SLT-Jigjiga)-Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay qof Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus oo sameeyn ballaadhan ku yeeshay Caalamka. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in qofka laga helay Cudurka uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga, isla markaana si deg deg ah loo geeyay Xarunta loogu talagalay Karantiilka. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in qofka laga helay Coronavirus uu ka yimid dhanka dowlad Goboleedka Puntland uuna xaaladiisa Caafimaad la tacaalayaan dhaqaatiirta. Tirada guud ee xanuunka COVID-19 laga helay ayaa gudaha dalka Itoobiya ayaa gaadhay 123 qof, halka ay bogsatay 41 qof, waxaana Cudurka gudaha ugu geeriyooday saddex qof. Source
  14. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magacaabay labo Wasiir oo ka dhimanaa golihiisa wasiiradda. Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Qoorqoor ayaa Cabdinaasir Geelle Cilmi loogu magacaabay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, halka Maxamed Cabdi Maxamed, loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha. Madaxweynaha Galmudug ayaa 24 bishan magacaabay 23 Wasiir oo ay ku jiraan labo Xildhaan oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo labo xubnood oo haween ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoorqoor oo magacaabay labo wasiir oo cusub appeared first on Puntland Post.
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa magacaabay wasiiro ka dhimanaa Golahiisa Xukuumadda, sidda lagu sheegay wareegto. Digreetada hoos ka akhriso Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Mud: Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” Markuu arkay: qodobka 50aad, farqadiisa 4aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug; Markuu tixgeliyay: baahida looqabo magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug; Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda leh ee shacabka Galmudug ka sugayaan xukuumadda cusub; Markuu la tashaday : Madaxweyne ku- xigeenka Galmudug. Wuxuu xeeriyay magacaabidda laba wasaaradood oo ka dhinaa Golaha wasiirrada Galmudug oo kala ah:- 1) Cabdinaasir Geelle Elmi, wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 2) Maxamed Cabdi Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha. View the full article
  16. Kulan wcn oo wanagasan dhageystayaal ku soo dhowaada Barnaamij wareedka galabnimo ee Goobjoog qodobada ugu waa weyna waxaa ka mid noqon doona. Tira Hoobiyayaal ah oo maanta barqadii ku dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir . Aqoon yahan Soomaaliyeed oo sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho iyadoo lagu jiro xaalad adag oo ka dhalatay COVID-19. Dowladda Turkiga oo soo daabushay Soomaali ku go’doonsaneed muddo dalka Turkiga Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo sheegtay in la helay kiisas cusub oo Coronavirus ah. Qodabadaas iyo qodobo kale ayaa ku maqdli doontaan barnaamij wareedka galabnimo ee Goobjoog axaana galabta inoo waramayso wariyaheena Maariyo Hearline https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-26-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeedhay hanjabaada iyo xadgudubka ay ku heyso Suxufiyiinta, iyadoo soo hadal qaaday xadhigii Wariye Cabdicasiis Gurbiye iyo dacwadii NISA ka gudbisay Wariye Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada VOA. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku sheegtay in ololaha cabsi gelinta iyo hanjabaada ay NISA ku heyso Wariye Harun Macruuf uu yahay mid aad looga naxo oo aan la aqbali karin. “Weeraradan, oo ay weheliso xadhigii 14-kii Apriil ee Cabdicasiis Axmed Gurbiye isagoo ka hadlaya saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa ah xadgudub aan la aqbali karo oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha”ayay tidhi Ilhan Cumar. Ilhaan ayaa sheegtay in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay sannadihii u dambeeyay ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo xustay inay u ololeysay deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyin kale oo gacan ka geysanaya sii wadidda horumarka, balse waxa ay tilmaamtay dhibaatada sii kordheysa ee cabsi gelinta iyo xadhigga suxufiyiinta ay ka mid yihiin Harun Macruf iyo Cabdicasiis Gurbiye ay khatar ku yihiin horumarkaas. Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiso weerarada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo xoriyadda saxaafadda. Dowladda Soomaaliya ayaa eedeymo kala duwan kala kulantay dowladdo iyo ururo caalami ah, oo ku aadan ololaheeda ka dhanka ah Wariyeyaasha Source
  18. Degdeg:Dabley hubaysan oo fal Dila ka fulisay Gobolka Sanaag+Gaadhi ay dhaceen& Halkay la tageen Marxuumka la dilay Wararka ka imaanaya jidka u dhexeeya tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas ay saaka dil ka gaysteen dableey hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan. Kooxda hubaysan oo jid-gal sameeyay ayaa dilay qof shacab ah oo watay gaari Laylo calawi ah (Land Cruiser) kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir waxaana ay goobta ka wateen gaadhigii. Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwahaab cawil. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaystay ay gaadhiga ula baxsadeen dhinaca Miyiga ah ee xigta degaanka Buraan islamarkaana aan weli gacanta lagu soo dhigin. Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Soomaaliya uu aad ugu yar yahay qalabka neefta siiyo Bukaanada naqaska ku dhagoee loo yaqaan Ventilator , ayaa waxaa qalabka neefta sameeyey wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa sheegay inuu qalabkaan ugu talagalay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ee dhibaatada ku qabo inay helaan qalabka neefta siiyo dadka. Wiilkan ayaa sheegay inuu arrintan ku howlanaa muddo 20 maalmood markii uu maqlay wiil aabihiis Oxygen la’aan ugu geeriyooday Muqdisho. Qalabka uu wiilkaan sameeyey ayaa ah qalab Manual ah oo aan u baahneyn inay dadku riixaan, taasoo si weyn loo soo dhoweeyay. Qaar ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho ka howlgalo ayaa sheegay inuu qalabkaan yahay mid si weyn u anfacayo dadka Soomaaliyeed, waxayna isbitaalada qaar ku dhawaaqeen inay isticmaali doonaan qalabkaan. Haddaba halkaan hoose ka daawo qalabka uu wiilkaan sameeyey
  20. Dr Gaboose: Coronavirus wuxuu ka tagi doonaa dunidii hore mid ka duwan Dr Gaboose(Midig) waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ku takhasustay xannuunada faafa. Waxa uu ka howlgalaa magaalada Hargeysa Dr’ Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta caanka ah ee ku howlan la dagaalanka coronvirus. Waxaa uu hadda ka howlgalaa magaalada Hargeisa. Waxa uu ku takhasusay xanuunada faafa. Warbixinta waxan idin kugu soo gudbineynaa waayihiisii shaqo iyo dadaalka uu hadda ugu jira la dagaalanka coronavirus. Dr Gaboose waxaa uu ku dhashay miyiga xadka dalka Itoobiya uu la wadaago Soomaaliland. Wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya halkaas oo uu sidoo kale wax ku bartay. Markii uu jaamacadda caafimaadka kaga baxay magaalada Muqdisho kadib waxaa uu fursad waxbarasho ka helay wadamo dibadda ah halkaas uu ka sameyay sedax taqasusu oo kala ah xanuunada ku dhaca Neerfaha, tropical medicine,Xanuunnada faafa iyo habka loo maamulo caafimaadka ama loo xakameeyo. Dr’ Gabose tan iyo sanadkii 1987-kii waxaa uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka,isaga oo dowladii dhexe ee Soomaaliya ee madaxweynaha uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre,ka soo noqday wasiir ku xigeenkii caafimaadka waxaana intaa u sii dheeraa in xanuunada faafa uu u qaabilsanaa dowladda. Soomaalida iyo Coronavirus Guud ahaan dunida waxa la soo rogay tallaabooyin lagu xakameynaya faafitaanka fayriska corona. Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow habeenkii ah, waxaana dadka loogu baaqay inay qaataan talooyinka bahda cafimaadka sida kala fogaanshaha iyo dhaqashada gacmaha. Balse Dr Gaboose waxa uu walaac ka qabaa in wacyiga Soomaalida oo weli hooseye. Waddooyinka caasimadda Muqdisho oo maran ka dib markii dowladda ay soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo faafidda fayriska. “Maamullada xukuma Soomaalida meel walba ha joogaane waa in ay sameeyaan wacyi-galin xad-dhaaf ah waa in ay dhaqaajiyaan dhaqaatiirta,waa in ay dhaqaajiyaan Culimada,waa in dhaqaajiyaan bulshada rayadka ah waa in ay dhaqaajiyaan cuqaasha ayuu yiri Dr Gaboose ” Caqabadaha kale ee jira waxaa ka mid ah in bulshada qaar badan oo ka mid ah aaneyba aaminsaneyn halista xanuunka Covid’19, waxaana uu Dr Maxamed Cabdi(Gaboose) ku baaqayaa in aan lagu ekaan wacyi galinta warbaahinta oo kaliya balse loo baahnyahay in la xoojiyo olalaha dadka lagu gaarsiinayo khatarta cudurkaan. Sidoo kale Dr Gaboose ayaa aaminsan in wacyi-galinta la daadajiyo isla markaana loo adeegsado wax walba oo muhiim ah oo dadka lagu gaarsiin karo sida dhaqaale iyo habka bulshada Soomaalidu ku dhisantahay ee qabaa’ilada. Shaqaalaha Caafimaadka iyo Khatarta ay wajahayaan. Khubrada caafimadka sida hay’adda caafimaadka ee WHO ayaa ka digay in shaqaalaha caafimadka ee ku howlan la dagaalanka fayriska ay khatar ugu jiran inuu ka dhaco haddii aanay qaadin tallaabooyin ay isaga ilaalinayaan xannuunka. Gaboose Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan Dr Maxamed Cabdi Gaboose “Shaqaalaha caafimaadka ayaa wajahaya halista ugu badan ee xanuunkaan sababtoo ah ma haystaan qalabka la isaga difaaco xanuunka oo ku filan ayuu yiri Dr Gaboose “. Dhamaan madaxda Soomaalida ayuu ugu baaqay in ay ka taxadaraan shaaqalaha caafimaadka ee u taagan badbaadinta bulshada kale isla markaana ay siiyaan qalabka muhiimka ah u marka ay timaado iska difaacidda coronavirus. Filashada mustaqbalka ee Coronavirus. Iyadoo dad badan is waydiinayaan isbadelka guud ee dunida laga filan karo iyo saameynta mudada dheer taagnaan karta ee xanuunkaan uu reebi karo, ayaa madaxa Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO, Dr. Tedhros Ghebreyesus waxaa uu sheegay in xanuunkaan uu muddo dheer sii jiri karo samaeyntiisuna si weyn loo dareemi doono. Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa dhankiisa isna taas sii adkeyay waxaana uu sheegay in xanuunkaan coronavirus iyo xanuuno kale oo faafa ay caan ku yihiin in ay sameeyaan isbadel dhanka hiddo-sidaha ah uuna imaan karo cudur aanba horey loo arkin kana dhibaato badan. Waxaa uu sheegay in qarnigii la soo dhaafay ay dunida ka dilaaceen ilaa afar cudur oo ah kuwa faafa. Wuxuu inbtaasi ku daray in “coronavirus la saadaalinaya in uu ka tagi doono saameyn keeni karta in dunida aad loo qiimeeyo caafimaadka korna loo qaado bahada caafimaadka si ka duwan sida uu manata xaalku yahay” ” Waxaan aaminsanahay in Coronavirus uu ka tagi doono duni dunidii hore ka wanaagsan wuxuu doono ha dilo dhaqaalaha ha burburiyo, balse bini’aadamkiibaa dib u fariisan doono oo su’aalo badan iska waydiin doona xooggu waa maxay ? dhaqaaluhu waa maxay ?waxaana soo bixi doono in bulshadii caafimaadka laga jeclaan doono kii kubada kii heesaaga ahaa marka duni cusub ayaa soo bixi doonta” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dr Gaboose: ‘Goob caafimaad oo kaliya lagu kala wareejin karaa kelyaha iyo xubnaha kale ee Qaran News
  21. MOGADISHU (HOL) - Several mortar shells landed at the UN and African Union compounds in Mogadishu Sunday morning. The militant group Al-Shabaab has claimed responsibility. Source: Hiiraan Online