-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Marriage proposals, dresses, feasts and dances - the story of two weddings in Somalia, with traditions old and new. Source: Hiiraan Online
-
ST. CLOUD — With assistance from some area organizations, a local grocery store has established a free grocery section to address food insecurity among St. Cloud's Somali residents. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xalay shaacisay in 13 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib baaritaan shalay lagu sameeyay dad gaaraya 23 ruux. Dadka xanuunka laga helay ayaa 10 kamid ah ku suganyihiin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland halka saddexda kalena ay joogaan degmada Waaciye ee gobolka Karkaaar. 11 kamid ah bukaannadaas waa lab halka labada kalena ay dheddig yihiin sida laga soo xigtay warbixinta wasaaradda Caafimaadka Puntland. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay gudaha Puntlan ayaa haatan gaartay 51 kiis oo ay ku jiraan marxuum u geeriyooday cudurka iyo mid ka bogsaday. PUNTLAND POST The post Puntland: Kiisaska Xanuunka COVID-19 oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa naftiisa geliyay “xaalad adag” kadib markii go’aanno is xig-xigay ay dhaxal siiyeen in uu Washington ku yeesho saaxiibo yar iyo cadow badan, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay warbaahinta Bloomberg. “Dhaxal suguhu waxaa uu ku dhowyahay in loo naco si aan loo nicin xubin sare oo qoyska boqortooyadda ka tirsan mudada 75-ta sano ah ee uu jiray isbahaysiga Maraykanka iyo Sucuudiga,” ayuu Bobby Ghosh ku qoray Bloomberg. “Waxaa uu ku dhowyahay in laga weeraro dhammaan xarumaha Dowladda ee Washington, arrimo badan awgood, kasoo billow dagaalka Yemen iyo xarigga dadka u ololeeya xuquuqda haweenka ilaa dilkii Jamal Khashoggi,” ee ka dhacay Istanbul, ayuu qoraalkiisa ku daray. Bin Salmaan waxaa uu sidoo kale curyaamiyay awooddiisa uu dhaq-dhaqaaq uga sameyn lahaa Washington markii uu dagaal saliidda ah la galay Ruushka, si uu u kordhiyo wax soo saarka boqortooyadda saliida hodanka ku ah, muranka uu Moscow la galayna waxaa uu qiimaha saliida geeyay meel hoose. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isku dayey in uu xakameeyo hogaamiyaha Sacuudiga intii uu socday wada-hadal dhanka telefoonka ah oo uu si adag ugu goodiyay in uu ciidanka Maraykanka ka saarayo Sacuudiga, hadii uusan Bin Salmaan ka bixin muranka Saliida, sida ay dabacday Reuters. Hanjabaadda uu Madaxweyne Trump gudbiyay isagoo sheegaya in uusan ka hortagi karin sharci ciidanka Maraykanka looga soo saarayo Sucuudiga, ayaa Bin Salmaan ku kaliftay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolkiisa dibadda uga baxaan, Trump-na telefoonka ayuu ku damiyay Maxamed bin salmaan. Dhaxal suguhu “waa in uu hadda garowsadaa xadidaadyada istiraatiijiyadiisa aan caqli galka ahayn si uu salka ugu dhigo xiriirka Maraykanka, oo ah xulufada lama huraanka ah ee boqtooyadda, gaar ahaanna horumarinta qoyska koowaad,” ayuu qoray Ghosh. “Hogaamiyeyaashii hore ee Sucuudiga waxay awoodeen in ay ku tiirsanaadaan saaxiibo ay ku leeyihiin congress-ka, si ay ugu doodaan dabacsanaanta Aqalka Cad. Laakiin MBS saaxiibo yar ayuu ku leeyahay Washington, islamarkaana, dadka olololeeya ee uu ku leeyahay halkaas ayaa ah kuwa xadidan, haddii uu adeegsan lahaa xasaradaha,” ayuu aragtidiisa ku daray qoraalgu. Si ka duwan sidii hore, boqortooyadu mucaarad yar kuma lahan Congress-ka, dagaalka saliidda oo dhaqaalaha caalamku uu hadda kasoo kabanayo ayaa sidoo kale saameysay dhaxal sugaha Sucuudiga. “Dhaxal suguhu hadda xaalad adag ayuu ku suganyahay” ayuu yiri Ghosh. “Waxa uu si aad ugu baahan yahay in uu xiriir la sameysto Congress-ka, laakiin hadda taasi waa ay ku adkaan doontaa sababtoo ah waxaa uu ku dhaawacmay danaha shidaalka ee Maraykanka.” “Waqtiga uu Madaxweyne Trump bah-dilay bin Salmaan waa mid aan sahlaneyn: laba qaraxa dagaalka saliidda iyo safmareenka Coronavirus ayaa si weyn u dhaawacay dhaqaalaha Sacuudiga waxayna daciifiyeen hamigii dhaxal sugaha ee ahaa in uu isbedel ka sameeyo wadanka,” ayuu yiri qoraaga maqalkaan. “Hadda dhaxal-suguhu waxaa uu ku go’doonsan yahay meesha uu la doonayey Madaxweyne Trump. La-taliyeyaashiisuna waa in ay rajeeyaan in si joogto ah dibadda loogu saari doono markii dhaxal sugaha laga soo waco Aqalka Cad.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amarro cusub oo la xariira nadaafadda gobolka Banaadir, iyadoo cidii fulin weysa amaradaas lagu ganaaxi doono lacag dhan $10. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka, isla markaana uu warbaahinta u akhriyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa lagu socodsiiyey dhamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo inta badan waaxyaha kala duwan ee maamulka gobolka ayaa lagu war geliyey in uu bilaabanayo barnaamij loogu magac daray dardar gelinta nadaafadda magaalada Muqdisho. Wareegtadan kasoo baxday maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in nadaafad xumo baahsan ay ka jirto gobolka Banaadir, taas oo sida lagu xusay warbixinta maamulka gobolka wax badan u dhimeysa bilicda magaalada, isla markaana keeni karta halis soo wajahda bulshada ku nool, sida cudurrada faafa. Wareegtadan ayaa dadka reer Muqdisho lagu faray in qof kasta uu gurigiisa hortiisa saaro Intar loog ama dhagacda is-gasha, sidoo kalena ay soo celiyaan bilicda guryaha iyo goobahooda ganacsi, si loo muujiyo bilicda caasimadda Muqdisho, iyadoo cidii aan fulin uu sheegay maamulka gobolku in uu qaban doono ganaax lacageed oo dhan 10 dollar. Sidoo kale maamulka gobolka ayaa faray waxdiisa maamulka dhulka qeybteeda dhismaha ee dowladda hoose ee Xamar, in dadweynaha fulinaya amarka bilic soo celinta aysan wax lacag ah ka qaadi karin inta laga gaaro Ciida Soom-fur. “Si loo dar-dar geliyo in magaalada Muqdisho laga nadiifiyo qashinka waxaa la farayaa shacabka degan xaafadaha Muqdisho iyo goobaha ganacsiga, inay iska diiwaan geliyaan shirkadaha qaada qashinka ee ka howlgala dhamaan xaafadaha Muqdisho, xaafadii ama goobtii ganacsi ee aan iska diiwaan gelin shirkadahaas ee qashin ku daadisa goob aan loogu tala gelin, waxay muteysan doontaa ganaax lacageed oo dhan 500 oo Shilin Soolaamli ah” ayaa yiri afhayeenka gobolka Banaadir. Halkan ka Daawo
-
Itoobiya oo ka hadashay diyaaraddii lagu eedeyay in ay kusoo rideen Bardaale Millatariga dalka Itoobiya ayaa ka hadlay eedeynta loogu jeediyay in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galada midowga afrika ee AMISOM ay soo rideen diyaarad galabnimadii Isniintii. Ciidamada Itoobiya oo saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha magaalada Bardaale ayaa lagu eedeyay inay soo rideen diyaarad siday gargaar caafimaad oo kasoo duushay magaalada Muqdisho, xili ay muujinayaan muuqaalo uu duubay Satellite-ku inay diyaarada ku dhacday walax, iyada oo cago dhigan rabta madaarkaasi. Gaashaanle sarre Mohamed Tessema oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya ayaa si cad u sheegay inuusan war u hayn oo uusan maqlin xog ku saabsan in diyaarada xamuula ay soo rideen ciidamadoodu. Tessema oo si kooban uga hadlay arrinkaasi, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba diidan eedeynta loogu jeediyay inay ciidamadoodu soo rideen diyaarada, maadama ay degan yihiin meel aan wax badan ka fogeyn madaarka ay soo cago dhiganeysay diyaaradaasi. Diyaaradaasi ayaa waxa ku geeriyooday lix qof oo saarna, oo labo kamid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, halka inta kale lagu sheegay Ajaaniib. Weli waxa socda baaris ku aadan diyaaradaasi ku burburtaay Bardaale, inkasta oo xogaha hordhaca ah ay muujinayaan inay lug weyn ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ag dagan madaarkaasi, walow aysan jirin warbixin si rasmiya u cadeynaysa eedeyntaasi. Qaran News
-
Jawar Mohamed iyo ICG oo ka digay halis kasoo socota go’aanka Tigrayga Itoobiya Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya, ayaa ka digay in Geeska Afrika uu wajahayo xasilooni darro kasoo socota Itoobiya kadib go’aanka ay ku dhowaaqeen Tigray-ga dalkaas. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August sababo la xiriira cudurka Coronavirus. “Go’aanka Tigray wuxuu xasilooni darro ka abuuri karaa gobolka geeska Africa oo dhan, ma ahan Itoobiya kaligeed. Mas’iiliyiinta Tigray iyo kuwa federaalkuba waa kuwa aan si saxan u fakarin,” ayuu yiri Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. Si kastaba, Jawaar, oo hadda ka hor ay is qabteen dowladda, ayaa u muuqda inuu fikir ahaan raacsan yahay Tigray-ga. “Gobolka Tigray wuu go’aansan karaa inuu qabto doorashooyin, wuxuuna xaqiiqdii leeyahay awood uu ku qabto doorasho,” ayuu yiri Jawar Mohammed. Sidoo kale, William Davison oo ah fallanqeeyaha ugu sarreeyaa Itoobiya ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa sheegay in go’aanka ay TPLF ku qabanayaan doorashooyin ka hor dalka intiisa kale uu noqon karo mid halis ah, sababo la xiriira sharci cad oo arirntan ku saabsan oo aan jirin. “Waxay halis gelineysaa inay sii dheereyso xasaradihii siyaasadeed ee Itoobiya, sababtoo ah sharciyada ay gobollada ku qaban karaan doorashooyin, ayaga oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka waa kuwa aan kala caddeyn oo lagu muransan yahay,” ayuu yiri. TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa. Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay tariikhda dahabiga ah ee Macalin Maxamed Ibraahim uu ku lahaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar haan Bulshada Jubbaland. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Wasiir macalin Maxamed Ibraahim oo wakhtigiisa intii ugu badnayd galiyay Waxbarida dadka Soomaaliyeed isagoo door muuqda kasoo qaatay waxbarashada Gobolka Banaadir iyo Jubbaland oo hada uu ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Waxaa uu Intaas ku daray Madaxweynahu in uu udub dhaxaad u ahaa xoraynta Jubbaland qaybo badan oo kamid ah isagoo xili uu heli karay nalol wanaagsan uu ka doortay in uu nafta u huro sidii uu dhibka Argagixisada uga dulqaadi lahaa dadka ree Jubbaland. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhismahii Dowladnimada Jubbaland uu door aan la iloobi doonin uu ku lahaa isagoo mar walba ahaa shaqsi u taagan Arimaha dib u heshiisinta iyo wadajirka umada waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu ahaa shaqsi muhiim ah oo ka baxay ree Jubbaland. Xaalad caafimaad ayuu sheegay Madaxweynahu in uu u joogay dalka Hindiya haakaas oo uu ugu geeriyooday Cudurka Kansarka isla markana mudooyinkii u danbeeyay lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Sadex maalmood oo baroordiiq ah ay galayso Jubbaland Isla markaana buuga Tacsida Wasiirka la dhigi doono Xarunta Wasaarada Waxbarashada isagoo intaas ku daray in loogu magac dari doono meel munaasib ku ah si loogu xusuusto doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa dhismaha Jubbaland. Ugu danbayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii iyo qaraabadii uu Wasiirku ka geeriyooday isagoo Allah uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in uu booqan doono qoyska wasiirka lana qaybsanayo geerida ku timid Allah ha u Naxariiste Wasiir Macalin Maxamed Ibraahim.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya ayaa shalay bandow kusoo rogtay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, wuxuuna bandowgaasi ku kooban yahay xaafadaas oo kaleya, taasi oo lagu qeexay mid lagu beegsanayo Islii kaliya. Bandowga ay dowladdu saartay Islii ayaa socon doona mudo 15 cisho ah, mudadaas oo sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Kenya aan xaafadaas lasoo geli karin, lagana bixi karin. Wasiirka Caafimaadka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa amray in wax dhaqaaq soo gelid ama ka bixid ah aysan ka jiri karin xaafadda Islii mudadaas 15-ka cisho ah. Wasaaradda ayaa sababta ay xaafadaas ugu soo rogtay Bandowga waxay ku sheegtay inay la xiriirto faafitaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay kiisas badan laga diiwaan geliyay xaafadaas. Iyadoo dadka loo ogolaaday inay furaan karaan oo kaliya xilliga habeenkii ah, goobaha caafimaadka iyo dukaamada lagu iibiyo raashinka. Islii shalay waxaa laga diiwaan geliyey 29 kiis oo Coronavirus ah, kadib baaritaan guri guri ah oo ay ka sameysay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya. Sidoo kale bandowgan 15-ka cisho ah oo ay soo saartay dowladda Kenya ayaa saameynaya magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa. Dhanka kale Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, isla markaana laga soo doortay degmada Kamukunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii, ayaa si adag uga soo hor jeestay go’aanka ay maanta dowladda Kenya bandowga ugu soo rogtay xaafadda Islii. Xildhibaanka ayaa bandowgaas ku tilmaamay mid eex ku ah dadka reer Islii, isaga oo sheegay in marka loo fiiriyo tirada kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Kenya ay aad ugu yaryihiin kiisaska laga diiwaan geliyey Islii, dowladana looga baahan yahay inay iyagana amaradan oo kale kusoo rogto goobihii laga diiwaan geliyey kiisaska kale. Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Islii ay ku yaallaan ganacsiyo aad u waaweyn, isla markaana uusan macquul aheyn bandowga ay kusoo rogtay dowladdu, maadaama uu sheegay in kumanaan qofood ay suuqa Islii u soo shaqa tagaan ama kasoo dukaameystaan.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey dhammaan dowlad goboleedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19. Guddiga xakameynta cudurka COVID-19 ee heer Federaal ayaa shirka ku soo bandhigay shax tilmaamaysa xiliyadii ay agabka caafimaad gaarsiiyeen magaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay ka mid tahay Hargeysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahadceliyey dalalkii ku deeqay qalabka caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen agabka caafimaad ee ay ugu deeqeen Soomaaliya. “Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Sidoo kale, waxa uu ku adkeeyey in la kordhiyo qalabka badqabka adeegeyaasha xarumaha caafimaadka oo ah halyeeyo u taagan samatabixinta dadkooda iyo xakameynta cudurkan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, sida lagu xusay war-saxaafadeedka madaxtooyada Soomaaliya . Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa la sheegay in ay u soo bandhigeen Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira goobaha karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19. PUNTLAND POST The post DFS oo sheegtay in ay qalab caafimaad gaysay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
The National Electoral Board of Ethiopia has announced that it will be unable to conduct the 2020 national elections due to the COVID-19 pandemic. Subsequently, the House of Peoples’ Representatives approved the election postponement. According to the constitution, the term of office of government is five years, which means that the current government’s constitutional mandate will come to an end on 10 October 2020. With that in mind, the government has tabled four proposals as potential remedies to manage the power vacuum that would occur when its current term expires on October 10. After a careful and considered review of the proposed alternatives, we, the undersigned parties, issue the following statement. The constitution makes it clear that power should be acquired only through a periodic election conducted every five years, and the term of office of a government is strictly five years. The electoral board has announced that it will not be able to conduct the election before the current government’s term of office expires. And there is no legal basis that will allow the government to legitimately remain in power past 10 October, even for a single day. We have carefully reviewed the four possible solutions proposed by the government to manage what would ultimately become a constitutional crisis. We have concluded that none of the presented options provide a legal basis to extend the mandate of the current government beyond its five-year term limit in the event that the national elections, albeit due to understandable reasons, are not held on time. The constitution does not allow for the declaration of a state of emergency specifically to postpone an election or extend a government’s term. The dissolution of parliament pursuant to Article 60 only allows for an election to be held prior to the expiry of the five-year term. This article cannot be invoked to allow term extensions beyond five years. Undertaking a constitutional amendment in order to add an article or clause that would allow the postponement of an election and/or the extension of term of office does not only negate the spirit of the constitution, it is a complex process that requires public debate and deliberation that cannot be undertaken during a pandemic in any meaningful way. The fourth option, constitutional interpretation, which is favored by the government, is not a legal and legitimate reason to postpone the election or extend the incumbent’s term. Although the House of Federation has the power to interpret the constitution, it can only do so on disputed issues contained within the constitution. Unfortunately, the constitution does not stipulate a mechanism for the postponement of elections or extension of terms of office. Furthermore, constitutional interpretation by a legislative body overwhelmingly controlled by a single party, whose members were elected through an election that we know was rigged, amounts to imposition of the will of a single party. Hence, if anything, this option erodes the legitimacy of this government even more, rather than lending it credence. It is our view that, in order to collectively and effectively combat the pandemic while preparing for the election, the best and only option is to seek a national consensus among political parties in order to legitimately fill the looming power vacuum. We would like to strongly stress that extending the term of government by any other means lacks political or legal legitimacy and could lead to a political as well as a security crisis, which the country cannot afford at a time where it needs a unified front to overcome the multifaceted challenges posed by the pandemic. In order to find a legitimate solution for the impasse through achieving a national consensus, we believe these principles should be put into practice: The deliberation and negotiation should involve all political parties that are registered and qualified to participate in the 2020 election. The deliberation and negotiation should be facilitated by entities who do not have direct involvement in electoral affairs and do not have a vested interest in the outcome. The final agreement reached by the parties should be binding. After years of struggle and sacrifice by the Ethiopian people, it was two years ago that we embarked on a transition that we all hoped would usher in a new era of democracy. Unfortunately, negotiations and deliberations which would be vital for a successful transition were not undertaken. Consequently, as we get closer to the election, tension has begun to rise and the political space has further narrowed, dashing the hopes for a successful transition to a democratic order through a free and fair election. The postponement of the election due to the pandemic can be used as another opportunity to seriously deliberate, correct mistakes made over the last two years, and put the transition back on track. Therefore, we call upon all parties to seize this opportunity and sit for a roundtable deliberation to seek a legitimate political consensus on how to manage the constitutional crisis the country is facing. To this effect, we have prepared a detailed proposal and action plan in line with this recommendation, which we will present at the negotiation forum once it is convened upon acceptance. Co-signing members of the Alliance for Democratic Federalism: Oromo Liberation Front Ogaden National Liberation Front Oromo Federalist Congress Agaw National Congress Mocha Democratic Party Kaffa Green Party Arena Tigray for Democracy and Sovereignty Source: Ethiopia Insight The post Opposition parties statement on election postponement appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: UAE Sends Medical Aid to Kenya in Fight Against COVID-19 The aid will assist thousands of medical professionals as they work to combat the virus ABU DHABI, United Arab Emirates, May 6, 2020/ — The United Arab Emirates today sent an aid plane containing medical supplies to Kenya to bolster the country’s efforts to curb the spread of COVID-19. The aid will assist thousands of medical professionals as they work to combat the virus. Commenting on the aid delivery, His Excellency Khalid Khalifa AlMualla, UAE Ambassador to the Republic of Kenya, stated: “The UAE is actively engaged in strengthening the fight against COVID-19 throughout Africa. Through today’s delivery of aid, the UAE underscores that it stands with Kenya and its neighbors as they work to combat the virus.” “The UAE leadership affirms that no country is left behind as the world comes together to defeat COVID-19,” His Excellency added. To date, the UAE has provided more than 433 metric tons of aid to over 37 countries, supporting nearly 433,000 medical professionals in the process. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: 47 confirmed cases of COVID-19 NAIROBI, Kenya, May 6, 2020/ — Today we have 47 confirmed cases of COVID-19 bringing the total to 581. 32 are from Mombasa, 11 from Nairobi, 2 from Mombasa, 1 from Kiambu… We have lost 2 people in Mombasa bringing the total to 26. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 6 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 6, 2020/ — New cases: 17 Active cases: 63 Critical: 0 New recovered: 2 Total recovered: 93 New deaths: 0 Total deaths: 4 Total cases: 162 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa ka kacay goor dhaweyd dab xoog leh oo illaa hadda kusii fidaya dhul hor leh. Dabka ayaa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka isgoyska, waxaana ku bas beelay dukaamo iyo carwooyin waaweyn oo ku yaalay halkaas. Si rasmi ah looma oga sababta dhalisay dabkaas oo hada kusii fidaya goobo hor leh, kuwo kalena burburiyey. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in cabsi laga qabo inay adkaato deminta dabkaas oo ay sheegeen in uu ku socdo si xowli ah. Gaadiidka dab-demiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu dabkaasi ka kacay ee isgoyska Banaadir, waxay shaqaalaha gobolka ee dab-demisku la tacaalayaan demintiisa. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah
-
Wajir Governor Mohamed Abdi on Wednesday said the long porous border with Somalia posed the biggest challenge in the fight against coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Jawar Mohammed, oo ah nin u dhaqaaqa arrimaha qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya, ayaa ka digay in Geeska Afrika uu wajahayo xasilooni darro kasoo socota Itoobiya kadib go’aanka ay ku dhowaaqeen Tigray-ga dalkaas. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyin la qorsheeyey bisha August sababo la xiriira cudurka Coronavirus. “Go’aanka Tigray wuxuu xasilooni darro ka abuuri karaa gobolka geeska Africa oo dhan, ma ahan Itoobiya kaligeed. Mas’iiliyiinta Tigray iyo kuwa federaalkuba waa kuwa aan si saxan u fakarin,” ayuu yiri Jawar Mohammed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. Si kastaba, Jawaar, oo hadda ka hor ay is qabteen dowladda, ayaa u muuqda inuu fikir ahaan raacsan yahay Tigray-ga. “Gobolka Tigray wuu go’aansan karaa inuu qabto doorashooyin, wuxuuna xaqiiqdii leeyahay awood uu ku qabto doorasho,” ayuu yiri Jawar Mohammed. Sidoo kale, William Davison oo ah fallanqeeyaha ugu sarreeyaa Itoobiya ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa sheegay in go’aanka ay TPLF ku qabanayaan doorashooyin ka hor dalka intiisa kale uu noqon karo mid halis ah, sababo la xiriira sharci cad oo arirntan ku saabsan oo aan jirin. “Waxay halis gelineysaa inay sii dheereyso xasaradihii siyaasadeed ee Itoobiya, sababtoo ah sharciyada ay gobollada ku qaban karaan doorashooyin, ayaga oo aan fasax ka haysan dowladda federaalka waa kuwa aan kala caddeyn oo lagu muransan yahay,” ayuu yiri. TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah. PP ayaa beeniyey eedeymahaas. “TPLF ma haystaan wax dastruur ku saleysan ama awood sharci ah, oo ay doorasho ku qabtaan. Waxay isku dayayaan inay xasilooni darro ka abuuraan dalka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka PP Awelu Abdi.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa weli muddo ku dhow toban bilood soo magacaabin Wakiilkeedii u joogay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay ka badashay danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo ahaa wakiilka xafiiska Itoobiya ee Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa todoba bilood ka hor warbaahinta u sheegay in dowladda Itoobiya ay si deg-deg ah usoo magacaabeyso Wakiilkeeda Hargeysa, oo loo arko inuu muhiim u yahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac. Wasiirka ayaa xiligaasi sheegay inay arrinta magacaabista Wakiilka kala hadleen Xubno sar-sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, walow aysan waxba iska badalin oo ilaa hadda uu xafiiskii Hargeysa ee Itoobiya uu yahay bilaa Safiir, isla markaana ay gebi ahaanba hakad gashay shaqadiisu. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, dowladda Itoobiya ayaa ka meer-meeraysa magacaabista wakiilkeeda Hargeysa, sababo la xiriira saaxiibtinimada dhow ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la leedahay, xili uu xiriirka Somaliland iyo Itoobiya uu hoos uga dhacay meeqaamkiisi hore. Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe xiriir fiican oo saaxiibtinimo la laheyd dowladda federaalka, taasi oo keentay in dowladad Itoobiya ay wax badan iska badalaan xiriiradii ay hore ula laheyd maamulada dalka. Itoobiya ayaa u muuqata mid si weyn uga cago jiideysa inay Wakiil usoo magacowdo xafiiskeeda Hargeysa, oo muddo ku dhow toban bilood haawanaya, inkasta oo ay xukuumada Muuse Biixi ay sameysay dadaalo badan oo dib loogu soo magacaabayo Qunsul, haddana maaha kuwo miro-dhalay. Xukuumada Farmaajo ayaa iyada inta badan lagu eedeyaa inay dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda u adeegsato dagaalka ka dhanka ah maamulada qaar ee ay ku kala aragti duwan yihiin siyaasada, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo ka dhex qaraxda Kenya iyo Itoobiya, maadama dowladda Kenya ay xulufo la tahay maamulada dalka qaarkood.
-
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo maanta kulan habka adeegga casriga ah ee Internetka ku yeeshay kulan muhiim u ahaa bahda waxbarashada, kaas oo si qoto dheer looga wada hadlay imtixaanaadka shahaadiga ah iyo saameynta COVID-19 uu ku yeeshay hakadka waxbarashada. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa ka war bixiyey waxa illaa hadda u qabsoomay wafdigii uu hogaaminayey ee shalay galab gaaray magaalada Bardaale ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku soo dhacday diyaarad ay laheyd shirkadda African Express. Wafdigaas oo ka kala socday dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safiirrada Kenya iyo Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa halkaas u gaaray sidii ay baaritaan ugu bilaabi lahaayeen sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaadii African Express ee Bardaale gargaarka caafimaad u siday. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay gaareen halkii ay ku soo dhacday diyaaradu iyaga oo wata quburo ku xeel dheer baaritaanka shilalka nuucaan ah. “Waxaan la kulanay dadkii meesha uu shilku ka dhacay joogay, durbadiiba aagaas waa la xiray si loo dhowro raadka shilkii dhacay, waxii loo baahnaa oo la baari lahaana meesha ayey yaalaan, anaguna warbixin ayaan kasoo diyaarinay, marka hada waxaan sugeynaa in labada wadan ee Kenya iyo Itoobiya ay si buuxda noogu soo biiraan, si loo sameeyo baaritaan daah furan,” ayuu yiri Wasiir Oomaar. Wasiirka ayaa sheegay inay ku dadaalayaan in lasoo saaro warbixin dhameystiran oo ku saabsan sidii uu shilkaasi u dhacay, isla markaana warbixinta ay kasoo diyaariyeen goobta ay ku wareejin doonaan dadka taqasuska u leh ee seddaxda dowladood ay u xil saartaan baaritaanka arintan. Illaa hadda waxa uu sheegay in aysan helin xaqiiqada ku saabsan waxa soo riday diyaaradda, balse waxa uu xusay inay arkeen Sanduuqii madoobaa ee diyaaradda iyo Rikoorka codka duuba, kuwaas oo laga ogaan karo sababta ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaradu, qalabkaasna waxa uu sheegay in haatan lagu waardiyeynayo goobtii uu shilku ka dhacay. Sidoo kale wasiir Oomaar ayaa sheegay in aysan weli waxaba ka weydiin ciidamada Itoobiya oo saldhig ku leh garoonka Bardaale arintan, kuwaas oo lagu tuhmayo inay soo rideen diyaaradda, waxuuna ka gaabsaday wararka sheegaya in wax dhulka laga soo riday ay diyaaradda ku dhaceen. Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Wasiir-Oomaar.mp3
-
Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee deegaanada Puntland oo caawa soo saaray warbixintii Corona ayaa shaaciyey kiisas cusub. Warbixinta ayaa lagu sheegay in maanta deegaanada Punland laga diiwaan geliyey 13-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo 3-da laga diiwaan geliyey gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar, halka 10-ka kale laga diiwaan geliyey gobolka Nugaal. Tirada guud ee dadka maanta laga baaray cudurkaas ee deegaanada Puntland waa 23, mana jiro qof u dhintay ama kasoo bogsaday xanuunkaas 24-kii saac ee lasoo dhaafay. 13-ka qof ee cudurkaas laga helay Puntland waxa ay sheegtay in 10 ka mid ah ay rag yihiin, halka labada kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska Coronavirus gudaha Puntland ayaa gaartay 51-kiis, hal qof ayaa ugu dhintay xanuunka, hal qofna waa kasoo bogsaday. Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay 38-kiis oo cusub, 12 qofood oo bogsatay xanuunka iyo hal qof oo u geeriyooday. Tirada guud ee kiisaska Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 873 xaaladood, waxaa ka bogsootay xanuunkan 87 qofood, halka 39 qofood ay u geeriyootay, balse markii lagu daro kiisaska ay caawa shaacisay Puntland ayey tirade gaareysaa 886-kiis.
