-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegayo in maanta kooxo maleeshiyaad ah ay dil ka geysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb. Dil ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miiracad oo duleedka ka ah Dhuusamareeb waxaana loo geystay ruux shacab ah kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee xoolo dhaqata ah, qolyihii dilka geystay ayaana goobta isaga baxsaday ka dib markii ay dilka geysteen. Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka uu salka ku haayo dilal aano qabiil ah oo gobolka horay uga dhacay sidoo kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka. View the full article
-
Waxaa tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayey sanad guurada 18-aad ee Shabelle lagu qabtay garoon ku yaalla agagaarka isgoyska Dabka ee M/Muqdisho. Tartankaan ayaa u dhexeeyey afarta waax ee ay ka kooban tahay Shabelle, sida TV-ga, Radiyaha, Website-ka iyo Marketing-ka. Afarta koox oo ay u wada ciyaarayeen shaqaalaha warbaahinta Shabelle ayaa soo bandhigay tartan xiiso badan oo ay u riyaaqeen taageerayaashii ku sugnaa garoonka. Ugu dambeyn waxaa tartanka isugu soo haray labada koox ee ku kala ciyaarayey magacyada Raadiyaha iyo Marketing-ka, waxaana si dardar leh ku badiyey kooxdii mataleysay Raadiyaha, kuwaas oo qaaday koobka lagu maamusayey sanad guurada. Halkaan hoose ka daaw sawirrada: View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa hoggaamineysa hindise Taliska AFRICOM lagula xisaabtamayo dilalka ay duqeymahooda u gaystaan shacabka ku sugan gudaha Soomaaliya, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online. Waxaa jira farqi weyn oo dhaxeeya khasaaraha shacabka ee taliska AFRICOM uu weriyo iyo midda ay diiwaan geliyaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha sida Amnesty International. Ilhaan Cumar iyo toddoba wakiil oo kale tirsan Congress-ka Mareykanka, oo gebigood dimoqraadi ah ayaa saxiixay warqad loo diray militariga Mareykanka, waxaana xubnaha saxixiay ka mid ah Adam Smith, oo laga soo doorto gobolka Washington, islamarkaana madax ka ah guddiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada. Warqadda ayaa ka codsaneysa militariga inay caddeeyaan sida ay u baaraan eedeymaha la xiriira khasaaraha shacabka. Warqadda ayaa sidoo kale soo jeedineysa in sharaxaad ay bixiyaan ay gacan ka gaysan karto in la ogaado sababta ay u kala duwan yihiin khasaraaha ay weriyaan iyo kuwa hay’adaha caalamiga ah. Eedeymaha la xiriria khasaraha shacabka ee duqeymaha Mareykanka ayaa sare u kacay tan iyo markii maamulka Trump uu 2017-kii siiyey AFRICOM dabacsanaan la xiriirta habka loo fuliyo weerarada ka dhanka ah mintidiinta Soomaaliya. Kadib markii la qafiiyey xeerarka fulinta duqeymaha, waxaa sare u kacay warbixinada la xiriira khasaraaha shacabka ee ay diiwaan gelinayaan hay’adaha xuquuqda aadanaha, weriyayaasha gudaha iyo kuwa dibedda iyo siyaasiyiinta iyo saraakiisha Soomaalida. “Waxaan kugu boorineynaa in sida ugu macquulsan ee waafaqsan ilaalinta akhbaaraadka sirta ah aad faah-faahin uga bixiso sida loo qiimeeyo loona qiro dilalka shacabka, iyo sida ay u kala duwan yihiin qiimeyntiina iyo tan ururada kale,” ayaa lagu yiri warqadda oo loo diray taliyaha taliska AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend. “Marka warbixinada ay ka yimaadaan ururo aan dowli ahayn, oo horumarsan la iskuna haleyn karo islamarkaana leh dhaqan iyo awood luuqadeed, khasaaraha shacabka ma ahan kuwa si fudud la isaga indho-tiro,” ayaa lagu yiri qoraalka. AFRICOM ayaa dhammaadkii bishii March soo saaray warbixinta rubaca koowaad ee sanadka ee khasaraaha shacabka ee duqeymaha Soomaaliya iyo Libya, taasi oo lagu qirtay in weerar Soomaaliya ka dhacay 23-kii February 2019 lagu dilay laba qof oo rayid ah, islamarkaana lagu dhaawacay saddex kale. Warbixintan laguma xusin khasaaraha shacabka kasoo gaaray weerarada dhulka ee ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay la fuliyaan guutada Danab ee ciidanka Soomaaliya, oo Mareykanka ay tababareen. AFRICOM waxay sheegtay inaysan mas’uul ka ahayn weerarada ay fuliyaan ciidamada saaxiibka la ah, mana qiran inay weerar dhanka lugta ah ka fuliyaan Soomaaliya. Hoos ka aqriso warqadda ay Ilhaan u dirtay AFRICOM
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In June last year, 24-year-old Jihan Ali Mohamud landed in the Somali capital of Mogadishu for the first time in her life. She had travelled to the country from her home in South London to bury her father. Having graduated with a degree in medicine from the Brighton and Sussex Medical School in 2018, she had taken leave from work and planned to stay in Somalia for a few weeks, to learn more about her roots and heritage. A month went by. Every time she thought about returning to the United Kingdom her heart sank. “It felt like I would be leaving my dad behind and each day that passed I felt more connected to Somalia.” During this time she met Dr Abukar Jimale, the founder of the Dr Jimale Specialist Hospital in Mogadishu. He asked if she would be interested in putting her skills and clinical experience to use, and she jumped at the opportunity. Within days, Jihan was volunteering at the hospital where, among other things, she assisted in helping train medical students and junior doctors. This soon turned into a full-time paid position. “I was so grateful to have the opportunity to do this, especially as I noticed the stark difference in the information, training and knowledge we in the UK have access to in comparison to here. It felt like an honour for me to be able to share all that I had learnt and be part of the system.” Jihan had convinced herself that she would do this for a month and then return home. Then she said to herself, okay, just one more month — and then another. “One of things my dad was most proud of was my being a doctor, and it felt like such a fitting way to honour him by doing this in the country which he loved, which he was raised in, which he called home.” Although she has taken to life in Mogadishu, it is not without its difficulties. Her first experience of hearing and seeing a bomb blast left her with severe anxiety, something which she had to work through, reminding herself to learn to be comfortable with being uncomfortable. Finally, in November 2019, she boarded the flight back to the UK. On her return, she realised that she had left what felt like home. “I felt like I was cheating on the UK, but I realised that I can belong to two places.” Within a month she was back in Mogadishu, determined to use her skills to improve healthcare in Somalia. Earlier this year, as news of Covid-19 began to emerge, Jihan — who hopes to pursue a PhD in immunology — closely followed news about the pandemic, particularly as she continued to volunteer at the hospital. As cases began to spread around Africa, she received a call from Abdi Barud, an adviser at the office of the prime minister, to participate in the government’s national call centre. “I said yes within a heartbeat. With so much misinformation, panic and lack of awareness about the virus I knew lives could be at risk. I thought to myself, even if we save two lives a day, even if only five people take our advice, that’s still something.” The team at the call centre is a mix of doctors, medical students, analysts and mathematicians. Their roles vary from advising those calling in to analysing data and information. During the first week they received almost 16 000 calls from around the country. Jihan and her colleagues are often working from 7.30am to 11pm. “I live off coffee,” she laughs. When people call in and report their symptoms, these are noted down and then decisions are made about whether the case is an emergency and needs to be admitted to hospital, or if they need to isolate themselves and so need to be instructed on what actions to take. Her role primarily centres on collecting this information, analysing the data and providing it to senior colleagues. What is important for Jihan is that through the call centre they are able to create more awareness about the pandemic. “Somalia’s healthcare system is like a broken bridge and this pandemic is putting more pressure on it. This could ease that. There are people here who don’t know about Covid-19 or think it’s something being used to manipulate them. If we can just change one person’s mind about this, urge them to take government advice seriously, they will share that information with members of their community, and there will be a domino effect.” What has kept her in Mogadishu, what keeps her going through the long days, what keeps her travelling into work during the pandemic is empathy. “I may not know much, but what I do know is when someone calls in and they are in pain, I know what steps to take, and nothing is more important than that.” Source: Mail and Guardian
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 12 qofood ayka bogsootay cudurka, halka qof kalena oo cusubna uu geeriyooday. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). Kiisaska cusub ayaa 30 ka mid ah waxaa la xaqiijiyay inay yihiin rag, halka sideedna ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday. Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.
-
One year ago Somali community in Nairobi lost a Somali journalism luminary Mohamud Mohamed Afrah. Born in Mogadishu in 1935 Afrah spent the first decade of his life in Mogadishu and learned Koran. Early 1940s, when the British Military Administration was controlling Mogadishu, Afrah had been sent to what was known as British Kenya where he remained until he finished primary and secondary education. Afrah returned to Somalia when it gained independence in 1960. He was among the first group of employees at the Somali Ministry of Information. He was appointed as editor with the Somali National News Agency (SONNA). His diligence earned him scholarship in West Germany. He studied mass communications at Eningen. Afrah voraciously read the weekly Somali News in which his letters were published. In a letter published in 1966 Afrah recounted how at a press conference he challenged a journalist from Ethiopian Herald who had made misrepresentations about Somalia. When he had finished his studies and returned to Somalia he was promoted to managing editor of SONNA. In 1978 when the Ministry of Information and National Guidance launched Heegan, Afrah was appointed as the editor-in-chief. He edited Heegan until December 28 December 1990, when the last issue of the paper appeared. Afrah’s contemporaries include the late Said Bakar Mukhtar, Mohamed Roble Nur, deputy editor-in-chief, Hassan Ayeh Boqorreh, Abdulqadr A. Bolay, Saeed Abdisalam, Ahmed Zaki Gulaid and Musse Bashir. Afrah nurtured talents of many journalists whose careers took off at SONNA and Heegan. He edited the Quarterly Economic Review then based at the Somali Presidency and was a correspondent for Reuters. Afrah remained in Mogadishu during January 1991 when United Somali Congress militias fought the forces loyal to the military dictatorship. His book Target: Villa Somalia, recounts the first phase of the internecine civil war in Southern Somalia. His second book, Mogadishu: Hell on Earth, depicts an accurate picture of Mogadishu’s descend into clannish bloodletting that resulted in the 1992 famine. Afrah left Somalia after 1992 and arrived in Canada. Afrah had a sense of humour, was generous and kind. He loved his country and people. “I owe a lot to Somalia and Somalis. I cannot promote divisive policies or sow discord among my compatriots” Afrah once told a group of Somali men and women, who visited him in Toronto in 2005. Afrah will be remembered for his three decade-long service to Somali journalism under different conditions— parliamentary democracy followed by military dictatorship . His principled stand on the rights of the Somali citizen will inspire many people. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post The journalistic legacy of Mohamud M. Afrah appeared first on Puntland Post.
-
NAIROB (HOL) - Nairobi’s Eastleigh estate will from today be put on lockdown as the Kenyan government moves in to curb the fast spread of COVID-19 in the Somali populated suburb. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Millatariga dalka Itoobiya ayaa ka hadlay eedeynta loogu jeediyay in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galada midowga afrika ee AMISOM ay soo rideen diyaarad galabnimadii Isniintii. Ciidamada Itoobiya oo saldhig ciidan ku leh nawaaxiga madaarka diyaaradaha magaalada Bardaale ayaa lagu eedeyay inay soo rideen diyaarad siday gargaar caafimaad oo kasoo duushay magaalada Muqdisho, xili ay muujinayaan muuqaalo uu duubay Satellite-ku inay diyaarada ku dhacday walax, iyada oo cago dhigan rabta madaarkaasi. Gaashaanle sarre Mohamed Tessema oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee ciidamada Itoobiya ayaa si cad u sheegay inuusan war u hayn oo uusan maqlin xog ku saabsan in diyaarada xamuula ay soo rideen ciidamadoodu. Tessema oo si kooban uga hadlay arrinkaasi, ayaa u muuqda mid gebi ahaanba diidan eedeynta loogu jeediyay inay ciidamadoodu soo rideen diyaarada, maadama ay degan yihiin meel aan wax badan ka fogeyn madaarka ay soo cago dhiganeysay diyaaradaasi. Diyaaradaasi ayaa waxa ku geeriyooday lix qof oo saarna, oo labo kamid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, halka inta kale lagu sheegay Ajaaniib. Weli waxa socda baaris ku aadan diyaaradaasi ku burburtaay Bardaale, inkasta oo xogaha hordhaca ah ay muujinayaan inay lug weyn ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ag dagan madaarkaasi, walow aysan jirin warbixin si rasmiya u cadeynaysa eedeyntaasi.
-
Captain Mabruk Islam Sherman spoke to his wife and three children around noon, informing them of his trip to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa muddo saacado ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu xanibay diyaarad yar oo ay raaci lahaayeen wafdi heer maamul ah oo u socday Galmudug. Sida la xaqiijiyay wafdigaas waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo qaar ka tirsan Wasiiradda cusub ee maamulka Galmudug uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Diyaaradda waxey kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb, waxeyna qaadi laheyd xubno ay ku jiraan Axmed Macalin Fiqi oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug, Cabdinaasir Gelle oo isna helay xilka Wasiirka Qorsheynta iyo Xubno kale. Wararka waxey sheegayaan in Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Muqdisho uu diiday iney diyaaradda ay hawada gasho, iyadoo ogolaansho ka heysatay Hay’adda duulista Hawada, balse isaga uu sheegay inaan lagu soo wargelin ogolaanshahaas. Muddo xayiraad ah kadib, diyaaradii ayaa loo ogolaaday iney ka dhoofto garoonka Aden Adde, iyadoo maamulka garoonka ay arrinta soo faragaliyeen maadaama aysan jirin sabab loo hor istaagi karo diyaarad amar ka heysata Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada. Ma jiraan diyaarado rakaab ah oo isaga kala goosha dalka maadaama loo xanibay sababo la xiriira faafista cudurka Coronavirus, balse waxaa jira diyaarad u kireysan hay’adaha dowliga ah iyo mas’uuliyiinta kuwaas oo hawlo gaar ah ugu amba-baxa gobolada dalka.
-
Marxuum Axmed Cali Salaad Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.” Marxuum Axmed Calisalaad oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa Guurtida Gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta Nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada Gobolkaas. Madaxweyne Deni, ayaa geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo. PUNTLAND POST The post Guurti Axmed Cali Salaad oo geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Barnaamijka Waayihii Shabelle oo ah barnaamij gaar ah ayaa waxaan ku eegi doonaa marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabelle oo maanta 18-sano jirsatay. Waxaa si wadajir ah u soo jeedinaya, Cabdullaahi Cismaan Sheekh Axmed (Cadaani) iyo Safiyo Cismaan Cabdulle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/WAAYIHII-SHABELLE-6-5-220-OKOK-.mp3 View the full article
-
Maxamed Abuukar Jacfar guddoomiyaha degmada Deyniile ee gobalka Banaadir oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay eedeymo la xiriira tacaddi oo maalmihii la soo dhaafay ay ku eedeeyeen dhalinyaro ku nool degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in degmadiisa uu yaal xabsi si gaara loogu ciqaabo dadka dhaliila siyaasadda guddoomiyaha degmada Deyniile, balse Maxamed Abuukar Jacfar ayaa eedeyntaas gaashaanka u daruuray isaga oo ku tilmaamay inay tahay waxba kama jiraan. Waxa uu sheegay inaysan marnaba ka go’nayn dhibaataynta shacabka balse ay mar walba isku xilqaamaan sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen isaga oo intaas raaciyay in dhalinyarada dhaliisha u jeedisay ay yihiin dhalinyaro ka shaqeysa degmada islamarkaan iyaga dhexdooda ay isku dhaceen. Guddoomiye Jacfar ayaa intaas raaciyay inaysan marnaba raali ka ahyn in qof shacab ah lagu sameeyo wax xadgudub ah isaga oo yiri “Shacab lagu dhibaateeyay ma jiraan degmadaan anagu waxaan u joogno waa shacabka aan dhibaatadana ka ilaalino wixii hormara oo ay u baahan yihiinna aan u qabano dhalinyarada wararkoodu wey isoo gaarayeen ma ahyn shacab ka yimid bannaanka ee waxa ay ahaayeen dhalinyaradii degmada ka shaqeynaysay waxa ayna ahayd wax iyaga dhexdooda ka dhacay annaguna raali kama nihin in qof shacab ah xadgudub loo geysto”. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in qofkasta oo qalad gala ay ku qasbanyihiin inay soo xiraan taas badalkeedana aysan dhici doonin in inta qof dambi galo la sii daayo isaga oo ku nuuxnuuxsaday in siyaabooyin kala duwan loo qaado qaladka ka dhex dhaca maamulka degmada iyo kan ay geystaan dadka shacabka ah. “Tan kale qofkii iyadu qalad sameysaa sharciga inay marto ayey ku qsbantahay maahee inta qalad sameyso la iska deynmaayo in la soo xiro waa lagu qasbanyahay qaladku marka maamulka dhexdiisa mid ka jira ayuu noqdaa marna waxaa jiraa wax shacabka dhexdiisa ka dhaca waddada ay leedahay ayey maraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Deyniile. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in xabsi la yiraahdo Cusboole lagu xiro dadka shacabka ah waxa uuna arrinkaas kaga jawaabay in xabsigaasi lagu xiro askarta qaladaadka geysata balse shacabka lagu xiro saldhigga degmada Deyniile. Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli Bulshaawi Xasan Axmed iyo Cabdicasiis Haaraay oo ka mid ah dhalinyarada degmada Deyniile ay Goobjoog News u sheegeen in tacaddi ka dhan ah xuquuqul aadanaha uu kula kacay guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar. Bulshaawi Xasan Axmed ayaa Goobjoog News u sheegay in 19-kii April lagu dhibaateeyay xabsiga Cusboole ee degmadaasi isaga oo yiri “Xaqiiqatan kiiskaas waa igu dhacay waaa sax 19-kii April ayuu igu dhacay waxaa igu sameeyay maamul jira oo ka dhisan degmada Deyniile sidaas darted dhibaatadaas I gaartay aad ayaan uga xumaaday waxay ahayd wax bani’aaddanimada ka baxsan”. Dhiniciisa Cabdicasiis Haaraay oo ah wariye madax bannaan ayaa sheegay in la xiray ka dib markii bartiisa Faceboogga uu ku qoray israsaaseyn dhexmartay ciidanka dowladda iyo ciidamada Guddoomiyaha Deyniile waxa uuna xusay in gurigiisa xilli habeen ah lagu soo weeraray gaadiid dagaal isaga oo intaas ku daray in jirdil loo geystay. “Dhibaateyn iyo israsaaseyn dhexmartay isaga iyo ciidanka dowladda waxaas ayaan Facebook ku qoray oo la igu xiray gurigeyga todoba saac oo habeenimo ayaa loo soo dhacay saddex Cabdi bile ayaa la igu soo weeraray ilmahayga argagaxaa lagu abuuray aniga jirdil ayaa la ii geystay waa la I xiray ka dib waxaa la igu yiraahday xorriyaddaada waxaa ku doorataa inaad raali galin bixiso” ayuu yiri Cabdicasiis Haaraay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal hayay in guddoomiyaha degmada Deyniile uu xabsi gaara ku dhibaateeyo dadka dhaliila isaga iyo maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dayniile (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali( Jacfar) ayaa ka hadlay wararkii maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex mariyey ee ku saabsanaa in Degmadaas laga sameeyey xabsi gaar ah oo lagu ciqaabo dadka Shacabka ah. Guddoomiyaha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu degmada Dayniile ka sameystay xabsi gaar ah, wuxuuna sheegay in xabsiga Degmada ku yaalla uu kaliya yahay Saldhigga Booliska ee Degmada. Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyey dadkii cabanayey ee sheegay in la geeyey xabsi gaar ah oo ku yaalla Degmada Dayniile, islamarkaana halkaas lagu ciqaabay ayaa sheegay in warkaas uu yahay been abuur ah. “Waa arkayey dhallinyarada meelaha ka hadleysay, ma aheyn dad shacab ah oo banaanka ka yimid, waxay ahaayeen dhallinyaradii ka shaqeyneysay degmada oo loogu sheekeeyey in waxyaabahaas hey’adaha looga helayo lacag iyo in dibadda la isku qaado,” ayuu yiri. “Xabsiga Cusboole ee la leeyahay xilligii Siyaad Barre ayaa la dhisay dad gaar ah ayaa lagu ciqaabaa, waa Saldhigga rasmiga ah ee Degmada Dayniile,” ayuu sii raaciyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in wiilkii saxaafadda la hadlay ee sheegay inuu Wariye yahay, islamarkaana lagu ciqaabay xabsi gaar ah ayaa sheegay inuusan ninkaas aheyn Wariye balse uu kamid yahay shaqaalaha degmada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuusan isaga marnaba raali ka noqon doonin in dad Shacab ah lagu dhibaateeyo degmadiisa. “Degmada Dayniile waxaa ku yaalo laba Saldhig, midka degmada ku yaalla iyo mid kale oo ku yaalo Xiro Jarmal, waxaana lagu xiraa dadka Shacabka ah ee is dhibaateeyo iyo kuwa ka tirsan Degmada ee iyagana dambiyada galo” ayuu sii raaciyey. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook. Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay tabinayay warar sheegaya in tacadi xoog leh uu ka jiro degmadaasi. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa
-
Ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan Arrimaha isku xirka bani’aannimada ee Soomaaliya, Adam Cabdelmowla ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ah in diyaarad siddey gargaar bani’aadannimo ay ku dhacdey magaalada Bardaale oo 55 km u jirta magaalada Baydhabo xarrunta gbolka Baay. Burburka diyaaradaas ayaa sababay geerida lix qof oo saarnaa dayaaradda, kuwaasi oo isugu jira afar Soomaali ah iyo laba Kenyan ah. Cabdulmowlaa waxa uu sheegey in uu tacsi u diraayo ehelka iyo qaraabadii ay ka baxeen dadakaasi, oo uu tilmmamay inay naf hurid sameeyeen, iyagoo ku guda jirey howl muhim ah oo ah inay dadka kale caawiyaan. Waxa uu intaas ku daray in QM ay sameyn doonto wax kaste oo ay ku caawineyso dowladda Federaalka ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo waxa sababay shilkaasi. Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay booqday goobta ay ku dhacday diyaaradda oo ay lahayd shirkadda African Express. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post QM oo ka hadashay diyaaraddii ku dhacday Bardaale appeared first on Puntland Post.
-
Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Maxmed Axmed Nuur (Cabdi Kuus) oo hore uga soo mid noqday masuuliyiintii ugu sareysay ee maamulkii la oran jiray ximan iyo xeeb ee deegaannada Galmudug. Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay caasimadda dalka waxaana geesridiisa xaqiijiyay xubno ka tirsan ehelkiisa waxaana marxuumka aad looga yaqiinay deegaannada Galmudug. Cabdi Kuus Waxa uu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ximan xeeb waxaana geeridiisa durbadiiba ka tacsiyadeeyay siiyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Galmudug. Qoraal ka soo baxay madaxweyne Qoorqoor ayaa looga tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdi Kuus ““Waxaan Tacsi tiiraanyo leh udirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariisto Madaxwayne ku xigeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb, AUN Cabdi Maxamed Axmed Nuur (Cabdi Kuus), oo ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho Waxaan Alle uga baryeenaa inuu unaxariisto, Ehelka iyo Umada reer Galmudugna samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Pittsburgh (Caasimadda Online) – Sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dalka Mareykanka, Khabiir ku dhawaa inuu helo daawada cudurka Coronavirus ayaa lagu toogtay oo lagu dilay dalkaas. Professor-ka la dilay oo lagu magacaabo Bing Liu ayaa ahaa khabiir Jaamacadda Pittsburgh u qaabilsanaa baaritaanka daawooyinka, waxaana la sheegay in meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalo Ross Township oo dhacda Waqooyiga Magaalada Pittsburgh. Jaamacadda Pittsburgh ayaa Professor Liu, oo asal ahaan kasoo jeeday Shiinaha, ku sheegtay inuu ahaa Cilmi-baare heer sare ah oo wax badan ka fahamsanaa seyniska. Bayaan ay soo saartay Jaamacadda lagu yiri “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka Coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Baarayaasha ayaa rumeysan in nin labaad oo aan la garaneyn, oo meydkiisa laga helay gaarigiisa uu gurigiisa ku toogtay Liu ka hor inta uusan ku laaban gaarigiisa oo isna markii dambe is dilay. Labada nin ayaa la sheegay inay is-garanayeen hase yeeshee booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in Liu loo beegsaday sababo la xiriira inuu Shiinees ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Afhayeenka cusub ee ciidanka booliska u magacaabay Dhame Sadiiq Aadan Cali oo ku magac dheer Duudishe. Qoraal ka soo baxay Taliska booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalkan uu ciidanka kusoo biiray sanadkii 2007-dii. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Dhame Sadiiq Aadan uu soo dhameystay tababar Layli sarkaal ah, kaas oo dhan mudo seddax sano ah, islamarkaana uu ku soo qaatay dalka dibadiisa. “Afhayenka cusub ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi marka laga reebo afka Hooyo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya. Qoraal Taliska booliska ayaa intaas ku daray, “Sarkaalkan ayaa ka soo shaqeeyay guud ahaan fadhiyada ciidanka, soona qabtay xiriiro dowlado ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”
-
Qoraal ka soo baxay ku xigeenka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Adam Abdelmoula ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan baaritaanka ku aaddan sababta dhabta ah ee ka dambeysay inay burburto diyaarad diyaarad ay lahayd shirkadda African Express oo ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Bayaa. “Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qaramada midoobay. Dhanka kale madax howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa tibaaxay inay si dhow dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya uga la shaqeyn doonaan baaritaanka ku aaddan diyaaradda ku burburtay bardaale. Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa saddexdii bishan ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo. Halkaan ka akhriso bayaanka ka soo baxay qaramada midoobay bayaanka uu soo saaray kuxigaynka qaaska ah xoghayaha guud ee qaramada midooway iyo isu-duwaridaha arimaha bini’aadamnimo ee somaaliya, mr. Adam Abdelmoula, eek u saabsanayd shilkii diyaaradii waday xamuul loogu arima bini’aadamnimo. Xalay waxaa la ii sheegay in diyaarad nooca ganacsiga balse wadday xamuul loogu talagalay samafal bini’aadamnimo oo ay isticmaalaysay haay’ad caalami ah ay shil gashay waxaana ku dhintay lix qof oo diyaarad saarnaa mar ay ku sii degaysay Bardaale oo qiyaas ahaan 55 Kiloomitar u jirta magaalada Baidoa ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Somaaliya. Aad ayaan uga xumahay ogana dhibtooday dhacdadan naasiib darada ah. Inta badan, dumarka iyo rag naftooda halista galiya iyagoo mudnaanta siinayo wanaajinta dadka iyo taageerida howlgalada bini’aadamnimo ayaa doorkooda xaga ka shaqeynta arimaha samafalka ee Somaaliya la aqoonsanin. Qoysaka iyo ehelada shilkan saameyay ayaan u tacsiyeeneynaa xiligan aadka u adeg. Waxay ciyaarayn doorkoodii ugu dambeeyay iyagoo qabtay shaqo aad qiimo u leh. Illaahay ha u raxmado dhammaantod. Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
