-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Rep. Ilhan Omar (D-MN) released the following statement after Somalia labeled Voice of America journalist Harun Maruf a “threat” to security. “In my work as a member of the House Foreign Affairs Committee and as a Member of Congress, protecting the right to press freedom has been absolutely central to my policies and beliefs. Whether it is demanding accountability for the murder of Jamal Khashoggi, advocating for the release of imprisoned journalists, or insisting on the right of the press to cover domestic issues without intimidation here at home, I make no exceptions in my view that a free press is fundamental to an open, democratic society. “The ongoing intimidation campaign by Somalia’s National Intelligence and Security Agency against Harun Maruf is deeply disturbing. These attacks, along with the April 14 arrest of Abdiaziz Ahmed Gurbiye for his work covering the impacts of COVID-19 in Somalia, are an unacceptable violation of basic human rights. “The Somali central government has made crucial strides towards openness and the genuine protection of rights in the last several years, and I have been a staunch advocate for debt relief and other measures to help continue this progress. The increasing harassment, intimidation, and arrest of journalists including Harun and Abdiaziz threaten that progress, and I call on the Somali government to immediately cease these attacks on freedom of speech and freedom of the press.” View the full article
-
Dad ka soo barakacay qaar ka mid ah gobalada dalka islamarkaana soo gaaray kaamamka ku yaal deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa xaaladdooda caafimaad aad looga deyrinayaa ka dib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen tiro dad ah. Sida ay Goobjoog News u sheegtay Xabiibo Xaashi oo ah guddoomiyaha dalladda Kullan, waxaa todobaadkaan gudihiisa kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey cudurka shuban biyoodka oo halkaasi ka dilaacay ugu geeriooytay 13 qof oo isugu jira carruur iyo haween. Sidoo kale guuddomiye xabiibo Xaashi ayaa madaxda dalka ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadkaasi wax ula soo gaaraan iyada oo ay xusid mudan tahay in la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan. Dhanka kale dadka soo barakacay ayaa sheegay inay qaarkood ka soo barakaceen colaadaha ka taagan gobalka Shabeellaha hoose wax ayna cod dheer ku sheegeen inaysan haysan hooy ay ka galaan qabowga dhaxanta maadaama roobab xooggan maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka da’ayeen. Ugu dambeyn dadkaan barakacayaasha ah ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbaday inay wax la soo gaaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafadda Xalane oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado iyo hay’ado kale. Ugu yaraan hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku dhimatay hoobiyeyaashaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaan ay waxyeelo ka soo gaartay Geel lagu hayey xero ku taalla halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir iyo taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda hoobiyeyaashan, waxaana ay baahisay in illaa todobo mad-fac ay ku hoobteen xerada Xalane ee M/Muqdisho. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dilkii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Degmada Boondheere ugu geystay laba ruux oo shacab ahaa oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney Umul ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wuxuu ku sheegay in wax ayaan-darro ah ay tahay in Askartii wax badbaadin laheyd ay iyagu sababaan dhimasho, isla markaana waxaa uu rajeeyay in cadaalada la waafajiyo Askarigii fuliyay falkaas. Thaabit ayaa madaxda ugu sareeyo dalka iyo Hey’adaha Amniga ugu baaqay inay cashir ka bartaan dhacdadii ka dhacday Boondheere. Mar uu ka hadlayey Bandowga saaran Muqdisho ayuu sheegay in arrinta Bandowga ay u baahaan tahay wacyigelin ballaaran. Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Taabid Cabdi. Allaha u naxariisto Madiino Cabdullahi iyo Xassan Cali oo ay ciidanku ku dileen Boondheere. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoysaska marxuumiinta, samir iyo iimaanna Allaha ka wada siiyo. Waa ayaan-darro iyo qalbi jab in askartii wax badbaadin lahayd iyagii dhimasho sababeen. Madaama lasoo xiray gacan-ku-dhiiglihii, waxaan rajeynayaa in cadaaladda la waafajiyo. Arrinta Bandoowga waxay u baahan tahay wacyigelin ballaaran iyo inaan la sahashan halista ka dhalan karta bulsho iyo ciidan aan Bandoow horey u arag. Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan, kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara. Shacabkeena waxaan leeyahay madaama Bandoowgii lagu soo celiyay 8:00 fiidnimo, fadlan u hoggaansama, hadii aad aragtaan wax aydan qaadan karin, si nabdoon u bannaanbaxa oo yaanan la isku qaldin askari qalad galay iyo astaamaha Qaranka. Madaxda Qaranka waxaan xusuusinayaa in dadka la dhiso ayaa ka horeysa in dalka la dhisaa, si dadku wax u xeeriyaan waqtiyada adag iyo waqtiyada baraarahaba.
-
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Cabdi Sheekh Ciise (Cabdi Kumi) u magacaabay taliyaha saldhigga Boondheere. Cabdi Kumi ayaa bedalay Najiib Carab oo ahaa taliyihii Booliska degmadaasi oo shalay xilka laga qaaday, kadib markii askari ilaalo u ahaa uu toogtay labo qof oo rayid ahaa. Falkaasi oo habeen hore ka dhacay isgoyska Jubba ayaa waxaa aad uga xumaaday bulshada ku dhaqan Muqdisho, waxaana sidoo kale arrintaasi ka hadlay taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegay in sharciga lala tiigsan doono askariga geystay dilkaasi. View the full article
-
Degmooyinka Dayniile iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Dhexe ayaa caawa ku ballansan tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabelle. Labada degmo oo ku wada jira Group-ka B is aragiisa koowaad ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe. Tartamayaasha Dayniile iyo Balcad oo uu mid kasta rajeynayo guusha ayaa dadaal iyo diyaar garow ugu jira barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiyaha guddiga tartanka Xasan-Weli Sheekh Abuubakar oo ka warbixiyey kulanka caawa ayaa tartamayaasha labada degmo ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan. Barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa afaraad ayaa illaa hadda waxaa ka qeyb galay degmooyinka kala ah, Wadajir iyo Dharkenley, Kaaraan iyo Howlwagaag, Xamarweyne iyo Heliwaa, waxaana lixdaasi degmo oo labo labo isugu soo aaday ay kala galeen bar-bar dhac. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee Waqooyiga Soomaaliya. Dilka oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa loo geystay qof shacab ahaa ah oo watay gaari Land Cruiser, xilli uu marayey inta u dhexeysa Midigale iyo Cawsane. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdiwahaab Cawil, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka fulisay ay horay u sii kaxeysteen gaariga marxuumka, iyaga oo la sheegay inay la’aadeen dhinac Miyiga ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammanka Puntland ee ka howlgala deegaanada uu dilku ka dhacay. Inta badan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka dhaca dilal la xariira aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isu geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan gobolladaasi. View the full article
-
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dacwadda hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay ka gudbisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee VOA. 23-kii bishan, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barta twitter-ka ku sheegtay “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.” Wixii ka dambeeyay gudbinta dacwadaasi waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jiray wariyaal masuuliyiin xilal soo qabtay iyo kuwa hada haya intaba , Waxaana ay sheegeen dhamaantood oo ay ka sinaayeen in nisa ay ku xad gudubtay madax banaanida xuriyada hadalka , Qoraal ay Ilhaan soo saartay aye ku sheegtay in arintan ay tahay olole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, islamarkaana aan la aqbali karin.” “Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii April loogu gaystay muqdisho weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey tiri Ilhaan Cumar. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka oo dhammeystiran:- Shaqadayda kamid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xorriyaddaa saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah. “Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay kamid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya maahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaqqda bini’aadanka ah. “Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.” View the full article
-
Local Al-Shabaab terrorists are leading a vicious extortion ring for the Somali-based terror organisation within Kenyan borders, a security report seen by the Sunday Nation indicates. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-26042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya uu shalay galab xilkii ka qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ayaa waxaa durba la magacaabay taliye cusub oo xilka kala wareegi doono taliyahii hore. Taliyaha cusub ee loo magacaabay Boondheere ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhamme Cabdi Shiikh Ciise, wuxuuna durba la wareegay shaqadii degmada oo usii socoto sidii caadiga aheyd. Sababta xilka looga qaaday Taliyihii hore ayaa lagu sheegay dilkii uu Askari ka tirsan Booliska degmada uu u geystay laba qof oo Shacab ah, oo midi ay aheyd Haweeney umul aheyd. Kadib dilkaas, waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo rabshado wato oo keenay in la gubo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabashada ka timid shacabkaas careysan ayaa keentay in xilkii laga qaado Taliyihii Booliska ee Degmada Boondheere halka xabsiga loo taxaabay askarigii dilka geystay iyadoo la filayo in maalmaha soo socdo uu kasoo muuqdo maxkamad. Sidoo kale banaanbaxyadaas ayaa keenay in bandowgii saarnaa Magaalada Muqdisho loo celiyo waqtigiisii hore ee 8:00 fiidnimo.
-
Daawo:Mudaharaad ka istaadhmey Muqdisho & Wuxu daaran yahay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
(SLT-Sanaag)-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay dil iyo dhac ka geysateen gobolkaasi. Maleeshiyaadka hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa wadada u dhexeysa tuulooyinka Midigale iyo Cawsane u galay qof oo shacab ah oo watay gaadhi Land Cruiser oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceeldaahir, sida ay noo sheegeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxda fulisay weerarkaasi ay toogteen wadaha gaadhiga oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiwahaab Cawil, iyagoona goobta iskaga baxsaday. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in raggaasi hubeysan ay la baxsadeen gaadhiga marxuumka, islamarkaana ay la tageen dhanka Miyiga ah. Inta badan waxaa Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelo walaalo ah oo wada daga gobolladaasi. Source
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saaka lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen gudaha xaruntaan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafado ka agdhow xeradaasi oo ka tirsan degmada Wadajir, gaar ahaan guri ay daganaayeen dad shacab ah iyo sidoo kale xero lagu xareeyo Geella oo ku taal halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay illaa afar qof oo isku qoys ahaa, iyadoona ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah. Dhinaca kale Al-Shababaab oo sheegatay mas’uuliyidda weerarkan ayaa faah faahin ka bixisay hoobiyeyaashaasi. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 7 madfac dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay la eegteen gudaha xarunta Xalane. Xarunta Xalane oo uu ku taalla taliska guud ee ciidanka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa marar badan hoobiyeyaal ku weeraray dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu s inay gacanta ku dhigeen rag hubeysnaa islamarkaana qeyb ka ahaa dadkii shalay magaalada Muqdisho ka dhigayay dibadbaxyada. Taliska booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ragga ay qabteen oo shan ka koobnaa ay laba ka mid ah hubeysnaayeen, islamarkaana ay soo qabashada raggaan kala kaashadeen ciidanka nabad sugidda caasimadda. “Ciidamada booliska oo kaashanaya sirdoonka caasimadda ayaa maanta gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. Booliska ma aysan soo bandhigin dadkan, mana yaboohin wax caddeymo ah oo muujinaya in rag hubeysan ay qeyb ka ahaayeen dibad-baxyadii shalay. Dadka qaar ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu beegsanayo dadkii dibad-baxyada hoggaaminayey, islamarkaana lagu cabsi gelinayo in shacabka ay mar kale sameeyaan dibad-baxyo. Shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad careysan ka dib markii habeen hore degmada Boondheere lagu dilay labo qof oo midi ahayd haweeneey dilkaas oo uu geystay askari ka tirsan booliska Soomaaliya. Halkaan ka akhriso qoraalka
-
(SLT-Hargeysa)-Guud ahaan waxaa maanta Somaliland ka dhaqangalay arrintii la xidhiidhay qaad joojinta. Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay laga bilaabo maalinta Axada (26-ka bishan April) inaanan deegaanada Somaliland la keeni karin wax qaad ah, muddo 25 maalmood ah. Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay maanta gacanta ku dhigtay Lana Wareegtey Gaadhi si sharci-darro ah u soo galinayay qaad, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul khadka Skyp-ka ugu warramay Goobjoog ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Waxaana sidoo kale Cabdinuur uu ku daray sababihiisa in xilligaan uu jiro cudurka COVID-19 oo doorashooyin badan dartii dib loogu dhigay waxa uuna yiri “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas”. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin. “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Ugu dambeyn Cabdinuur ayaa madaxda dalka iyo dhamaan saamileyda siyaadda Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo dunida fara ba’an ku haya. Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa qaba in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah xilli dowladdu ay ku adkaysanayso in doorashadaasi ay dalka ka qabsoomi karto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baaq Nabadeed oo Ku Socda Colaada Gobolka Sanaag Ujeedo: Baaq Nabadeed. Beelweynta Cali Bare Gobolada Sool, Saraar iyo Sanaag waxay marka ugu horeysa tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka socda deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag. Kuwa dhaawaca ahna Allaha caafiyo Aamiin. Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Sanaag in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxaan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wadahadal. Waxaan sidoo kale ka codsananaynaa in hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah. Waxaanu ugu baaqayna mar kale waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac in ay waxkastaba u huraan joojinta dagaalka. Waxaan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Sanaag. Waxaan dhinacyada dagaalamaya xasuusinaynaa in dagaal uusan faa’ido lahayn isla markaana dagaalku yahay mid dad ehel ah ay ku waxyeeloobeen. (Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiil kuma Dhasho). Ugu danbeyntii waxaan qof waliba oo nabadda jecel aan ugu baaqeynaa inay qeyb ka qaataan joojinta dagaalka si aysan ku xirneyn shuruud. Waana in ay jirto dib u heshiisiin dhab ah oo laga gaaro dagaalka iyo khilaafka jira Insha’Allah. Mahadsanidiin. Baaqan waxaa soo diray wax garadka iyo aqoonyahanka Beesha cali bare degmada caynaba. Qaran News
-
The Somali health ministry on Saturday confirmed 62 more cases of COVID-19, raising the national tally to 390. Fawziya Abikar, the health minister, said two patients succumbed to the deadly virus, bringing the total number of fatalities to 18. The minister also said two more people have recovered, bringing the total number of recoveries to ten, in a statement issued in Mogadishu. The latest cases come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system. As part of measures to contain the spread of the deadly virus, the government has also extended curfew hours in Mogadishu that begins from 7.00 p.m. to 5.00 a.m. The Horn of African nation early this month closed schools, banned large gatherings, and suspended international and domestic passenger flights to help combat COVID-19. View the full article
-
Five new cases of coronavirus were found in Garowe after Puntland has obtained the COVID-19 lab test that started working yesterday, officials said. The confirmation of the new cases came after the Puntland Ministry of Health received a machine to test Covid19 cases. The total number of Coronavirus cases in the country rose to 390 on Saturday with the death toll hit 18 after two people died of the virus in Mogadishu, per health officials. Several people were reported to have recovered from the pandemic that risks the global economy as the countries suspended all flights after the outbreak of the Covid-19. View the full article
-
Minneapolis (HOL) - Abdirahman Kahin, the owner of Afro Deli want's frontline healthcare workers to know that his organization supports the work they do by handing out free meals. Source: Hiiraan Online
-
Plans are underway to form a government of national unity that will bring on board opposition leaders like Orange Democratic Movement leader Raila Odinga, a senior Jubilee Party official confided in the Sunday Nation on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
