Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu u hoggaansamay cadaadiska Abiy Ahmed, ayada oo dhowaan la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa guddigaasi wada-hadalada kusoo dari doona xubno hore uga muuqan jiray wada-hadaladii labada dhinac ee xiligii xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, sida ay Caasimada Online u sheegen xubno ka tirsan madaxtooyadu. Biixi ayaa muddo badan ku jiray qorshaha uu kusoo magacabaayo guddiga u matali doona wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ay hore ugu dhawaaqday dowladda federaalku. Ku dhawaaqista guddiga cusub ee Madaxweyne Biixi, ayaa waxa uu daba socdaa cadaadiska uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku saarayo dib u furida wada-hadalada labada dhinac oo muddo badan hakada ku jiray. Abiy Ahmed, ayaa gadaal ka riixaya inay furmaan wada-hadalada labada dhinac, isagoona markii u horeysay labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ku kulansiiyey caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, xili ay labada madaxweyne ku sugnaayeen Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigaasi uu dhowaan ku dhawaaqi doono Madaxweyne Biixi ayaa waxa hogaamin doona Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland, iyada oo ay qeyb ka noqon doonaan xubno siyaasiyiin ah. Inkasta oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u muuqdo inuu ka cago jiidayo dib u furista wada-hadaladaasi, haddana waxa uu la kulmayaa cadaadsiyo kala duwan oo ku qasbaya inuu aqbalo in markale miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan Somaliland iyo Soomaaliya. Wada-hadalada labada dhinac ayaa muddo badan hakad ku jirey, iyadoo muddooyinkii dambena ay si weyn usii kala fogaadeen Somaliland iyo dowladda federaalku, midaasi oo lumisay fursado badan oo labada dhinac ku wada-hadli lahaayeen.
  2. Waxaa suuqyada lagu iibiyo Qudaarta noocyadeeda kala duwan ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto. Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobollada Soomaaliya ayaa biyo dhigay beeraha, taas oo sababtay in aan gudaha loo gali karin. Sidoo kale waxa jira dhibaatooyin ay wadada kala kulmaan gaadiidka Qudaarta keena Muqdisho, kuwaasi oo safar dhib badan ku soo gaara magaalada Muqdisho. Noocyada kala duwan ee Qudaarta ayaa haatan la iibanayaa qiimo ka badan midkii hore ee la kala siisan jiray, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/www.mp3 View the full article
  3. Degdeg:Tirada dhimashada Xanuunka Coronavirus ee Soomaaliya oo aad sare ugu kacday Sida ay Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Shaacisay maanta waxaa cudurka coronavirus u dhintay dad gaadhaya 9 qof. Tirada dhimashada cudurka ayaa hadda mareysa 32 qof. Tirada guud ee kiisaska Sooamaliya laga helay ayaa gaaraya 436. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini. pic.twitter.com/QzHOPx8Nm7 — Ministry of Health- Somalia (@MoH_Somalia) April 27, 2020 Qaran News
  4. Garowe ( PP News Desk ) — Puntland President Said Abdullahi Deni is facing criticism for appointing Brigadier General Abdi Hassan Hussein as the new Commander of Puntland Police Force. As a part of mutineers who opposed security reforms proposed by the former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali in 2015, troops under the command of Abdi Hassan Hussein had fired light anti-aircraft gun at the United Nations compound in Garowe. Will President Deni reverse the decision to appoint a new commander for Puntland Police Force? President Ali fired Brigadier General Abdi Hassan Hussein, who headed Puntland Intelligence Agency, for professional misconduct. Observers question the judgement of President Deni to appoint a person who is held liable for causing intentional property damages. “President Deni will have to reverse his decision to appoint Abdi Hassan Hussein as the Commander of Puntland Police Force if Puntland is to work with UNSOM” said a former political officer with UNSOM in Garowe. Brigadier General Abdi Hassan Hussein had taken part in mutiny that nipped in the bud security reforms introduced by President Abdiweli whom President Deni replaced in January 2019. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT DENI FACES CRITICISM FOR THE APPOINTMENT OF THE POLICE FORCE COMMANDER appeared first on Puntland Post.
  5. An American military airstrike in Somalia more than a year ago killed two civilians and injured three others, U.S. Africa Command is acknowledging in a new report expected on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. Cabdullaahi Macalin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey xilka qaadistii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyey ku xigeenada G/Banaadir. Siyaasiyaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda, Ibraahim Cumar Mahad Alle arrinta uu ku fashilmay ay tahay in uu shaqaaleysiiyey dad aan wax qori karin, waxna aan aqrin karin, siduu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddoomiye ku xigeenka dhanka howlaha guud ee xilka laga qaaday isaguna uu ku fashilmay shaqooyinkii loo igmaday. Siyaasiga Cabdullaahi Macalin oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi muddada ay joogeen xafiiska inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is-daba marin. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in labada ma’suul aan loogu simin xil ka qaadis, sidoo kalena ay mudan yihiin in xabsiga la dhigo, si ay tusaale ugu noqdaan in la waayo ma’suul dowladeed oo ku dhiirada inuu qaato hantida dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/COD.mp3 View the full article
  7. Chauntyll Allen and other volunteers have fanned out along St. Paul’s University Avenue, passing out hand sanitizer and homemade masks to anyone in need. Source: Hiiraan Online
  8. Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xaqiijisay 12 kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo laga helay magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalkaasi. Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka Kenya, Dr Rashiid Amaan ayaa sheegay in sideed kiis oo cudurka ah ay ka heleen Nairobi, afar kalana laga helay Mombasa. Dr Rashiid Amaan ayaa xusay in sideeda kiis ee laga helay caasimadda Kenya ee Nairobi sadex ka mid ah ay yihiin dad Soomaali ah oo dhawaan ka soo laabtay Soomaaliya. Sidoo kale xoghayaha maamulka ee wasaaradda caafimaadka dalka Kenya ayaa tilmaamay in kiisaska magaalada Nairobi laga helay xaafadaha Kibera, Karen, Dandora, Kasarani, South B, Umoja iyo xaafadda Islii oo Soomaalida ugu badan dalka Kenya ay ku nool yihiin. Kenya ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee uu saameeyey cudurka dunida aafeeyey ee COVID-19, iyadoo ku dhawaad 500 oo kiis ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaas. View the full article
  9. Hanna Ali, a volunteer who works with several community organisations, has been exceptionally busy since the epidemic began in the United Kingdom. Source: Hiiraan Online
  10. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii ciidanka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse, kaddib digreeto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha. Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska loogu magacaabay Jen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) Cabdi Yarre oo ayaa soo noqdey Taliyaha Nabad-sugida Puntland [PIA] mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, wuxuu soo noqdey xiriiriyaha xafiisyadda sirdoonka maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Cali Sharmaake. Dhanka kale, waxaa xilalka laga qaaday Taliye kuxigeenkii kowoaad ee Ciidanka Booliska Jen. Bile faarax Cali iyo Taliye kuxigeenka 3aad G/sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag), mana jirto cid lagu bedelay Taliye kuxigeenada xilalka laga qaaday. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Garoowe: 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD=
  11. Waxaa caawa barnaamijka tartan aqooneedka TV-ga iyo Idaacadda Shabeele ee bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaan doono degmooyinka kala ah Warta Nabadda iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Labada degmo oo qeyb ka ah group-ka C oo ay ku wada jiraan illaa afar degmo ayaa waxaa caawa lagu bilaabi doonaa Warta Nabadda iyo Marka. Diyaar garowgii ugu dambeeyey ayey haatan wadaan tartamayaasha labada degmo oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya weereegiisii koowaad ayaa waxaa xalay wacdaro ka dhigtay degmada Dayniile, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana sidaas ay ku noqotay degmadii ugu horreysay ee badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  12. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: 1- Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
  13. Shirkadda korontada BECO ayaa maanta ku dhawaaqday qiimo dhimis ballaaran oo ay u sameyneyso macaamiisheeda ku sugan magaalada Muqdisho. BECO ayaa u jeedka qiimo dhismistaan ku sheegtay, sidii ay dadka Soomaaliyeed ula qeybsan laheyd xilliga adag ee lagu jiro, kaas oo uu sababay cudurka Covid-19. Madaxa howlgalinta shirkadda Korontada BECO, Mudane Cali Maxamed Kaariye oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey qiimo dhismista ay shirkada sameyneyso, wuxuuna sheegay inay bilaaban doono kowda bisha soo socota ee May. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Beco.mp3 View the full article
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Hargeysa ee caasimada Somalilnad, ayaa sheegaya in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon lagu sameeyay baaris la xiriirta cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus/COVID-19. Wariye Coldoon ayaa maalmihii u dambeeyay lasoo warinayey in uu xaalad caafimaad oo halis ah ku wajahayo gudaha xabsiga uu ku xiran yahay, kadib markii lagu arkay calaamado lamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurka Coronavirus. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Coldoon ayaa la ildarnaa qufac badan iyo cuno xanuun, midaasi oo sarre u qaaday shikiga la xiriira in Coldoon uu xabsiga ugu gudbay cudurka sida xawliga ah u faafaya ee Corona. Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah ka qaaday Wariye Coldoon dheecanadiisa, si loo sheybaaro oo loo xaqiijiyo inuu qabo cudurka uu astaamihiisa leeyahay iyo inkale. Inkasta oo aysan weli si rasmiya u cadeyn in uu qabo Coldoon cudurka Coronaha, hadda waxa laga deyrinayaa suurto-galnimada uu xabsiyada ku dhex faafi karo Coronavirus, maadama aysan jirin ka hortag iyo udiyaar garowga dhanka maxaabiista ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen Saraakiil ka tirsan xabsiyada Hargeysa. Waxaana la filayaa in maalmo kadib la shaaciyo natiijada baaritaanka Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee la xiriirta cudurka Coronavirus ee maanta laga qaaday sheybaarkiisa.
  15. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in sagaal qof oo hor leh ay xalay u geeriyootay cudurka faafa ee Coronavirus. Qoraal kooban oo wasaaradda ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay ku dhinteen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Tirada dadka u geeriyooday cudarka Covid 19 inta la diiwaan galiyey ayaa gaareysa illaa 32 ruux, halka dadka uu soo ritay ay cagacageyneyso 436 oo qof. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-27042020-ww.mp3 View the full article
  17. Ninka Hantida & Juhdiga ugu badan geliyey la dagaalanka & Joojinta Xanuunka Coronavirus Asaasaha Alibaba Group Jack Ma . Ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha ayaa bartiisa Twitter-ka furtay bishii aanu soo dhaafnay , xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay cudurka Covid-19. Ilaa iyo imika fariin walba oo uu soo dhigo waxa ay noqotay mid loo riyaaqo taasi oo ku aadan ololihiisa aadka u sareeya ee ku aadan in ugu yaraan dal kasta uu gaarsiiyo qalab caafimaad. “Hal caalam iyo dagaal!” ayaa ka mid ahaa fariimihiisa dhiirigalinta “Anaga oo wada jirna arrintan waan sameyn karnaa!” ayaa sidoo kale fariimihiisa ka mid ah. Ninkan Bilyan-neerka ah ayaa ah awoodda ka dambeysay howlagalka baahsan ee shixnadaha qalabka caafimaad lagu gaarsiiyay ilaa iyo imika in ka badan 150 dal. Waxaa qalabkaas ka mid ah kuwa imika loogu baahida badan yahay oo ah qalabka sanka lagu xirto iyo qalabka qofka ka caawiyo neefsashada. Balse dadka dhaliila Mr Ma iyo xitaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaan wali hubin u jeedada uu arrintan ka leeyahay. Mashruuciisani geesinnimada leh ee muujinaya caawintiisa heer caalami, ma waxay shaaca ka qaadaysaa wajiga saaxibtinnimo ee xisbiga Shuuciga ee xukuma Shiinaha? Mise waa nin madax-banaan oo uu xisbiga Shuuciga ay u isticmaalayaan u jeedo brogaando? Waxay u muuqataa in uu raacayo shuruucda dublamaasiyadeed ee Shiinaha gar ahaan marka uu xulanayo dalka ka faaidaysanaya deeqdiisa, balse deeqsinimadiisa ayaa laga yaabaa in ay dul dhigto hogaamiyayaal siyaasadeed oo ka maseyrsan ficilkiisa. Bilyan-neerada kale ee dhanka tiknoolajiyada ayaa waxay ku yabooheen lacago badan oo lagula dagaalamayo cudurka Corona. Waxaa ka mid ah milkiilaha Twitter Jack Dorsey oo bixinaya $1bilyan oo doolar oo lagula dagaalamayo Covid-19. Shirkadda Candid, oo fadhigeedu yahay Mareykanka islamarkana la socota deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa shirakdda Alibaba galisay kaalinta 12 ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku deeqay lacagaha lagula dagaalamayo Covid-19. Balse liiskaasi laguma qiimayn xamuulka muhimka oo dalalka qaar ay u rakaan kuwa ka muhimsan lacagta marxaladan lagu jiro Corona. Ma jiro cid kale oo an ka ahayn Ma oo awoodda in ay shixnadaha toos u gaarsiiyaan kuwa u baahan. Laga soo bilaabo bishii March, hay’adda Jack Ma ayaa waxay bilaawday in diyaarado ku gaarsiiso Afrika, Eeshiya, Yurub, Latin Amerika iyo xitaa goobo siyaasad ahaan xasaasi ah sida Iran, Israa’iil, Ruushka iyo Mareykanka. Mr Ma ayaa waxaa uu sidoo kale ku deeqay malaayiin doolar oo uu siiyay xarun cilmi-baarid loogu sameynayo talaalka Covid-19 iyo buug ay qoreen khabiiro dhanka caafimaadka ah oo afka Shiinaha ku qornaa gobolka uu ka soo jeedo ee Zhejiang islamarkana waxaa buugaasi loo turjumay 16 luuqadood. “Waxa uu awood iyo lacag ba u leeyahay in diyaarad uu shixnadda uga soo qaado Hangzhou uuna ka dajiyo Addis Ababa, ama meel kasta oo kale ee la doonayo,” waxaa sidaasi sheegay Duncan Clark oo wax ka qoray taariikhda Jack Ma. “Tani waa tasiilaad waa waxa shirkadiisa, dadkiisa iyo gobolkiisa ay ka dhigan yihiin.”ayuu intaa ku daray Waji saaxibtinnimo Jack Ma waa nin caan ah islamarkana ah maclin luuqadda Ingiriiska kaasi oo dhisay shirkadda tiknoolaji ee ugu wayn caalamka. Alibaba ayaa waxaa loogu yeeraa “Amazon-ka bariga “. Mr Ma ayaa shirkadda ka bilaabay gudaha gurigiisa oo ku yaalla Shiinaha gaara ahaan magaalada Hangzhou, sanadkii 1999. Tan iyo xilligaasi shirkadda Alibaba ayaa noqotay mid ka mid ah shirkadaha doorka wayn ka ciyaara dalka labaad ee ugu wayn dhaqaalaha caalamka. Ma qudhiisa ayaa waxaa la sheegaa in hantidiisa ay dhan tahay $40 bilyan oo doolar. Waxaa uu si rasmi ah uga dagay jagada gudoomiyaha shirkadda Alibaba 2018. Waxaa uu xilligaas sheegay in uu doonayo in uu diiradda saaro dhanka samafalka. Balse Ma ayaa wali kursi joogto ah ku leh golaha shirkadda Alibaba ee uu asaasay 20 sano ka hor. Iyada oo ay isu raaceen hantidiisa iyo caannimada ayaa waxaa uu wali yahay mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan dalka Shiinaha. Waxay u muuqataa in deeqaha Mr Ma ay yihiin kuwa la bixinayo iyada oo la raacayo xeerka xisbiga Shuuciga. Ma jirto caddeyn muujinaysa in qaar ka mid ah deeqaha Jack Ma iyo Alibaba Foundation ay gaareen wadamada xiriirka rasmiga ah la leh Taiwan, oo ay daris yihiin Shiinaha islamarkana xurguf wayn ay ka dhaxeyso. Mr Ma ayaa ku shaaciyay barta tweeter-ka in uu deeq gaarsiin doono 22 dal oo ku yaalla Latin Amerika. Waxaa ka mid ah dalalka aan ku jirin liiska dalka Honduras , Haiti iyo dalal kale oo dhowr ah. Hay’adda ayaa diiday in ay bixiso faahfaahin ku aadan liiska dalalka deeqahani la gaarsiinayo. Si kastaba ha ahaateen deeqaha ilaa iyo imika uu bixiyay Mr Ma ayaa noqday kuwa laga mahadceliyay. Guulahaasi ayaa siisay Mr Ma inuu soo jiito dareenka dad badan. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa xusaysay magaca Mr Ma in ka badan intii ay xuseen madaxwaynaha Shiinaha, Xi Jinping. Halista soo waji karta Jack Ma Balse Ma aya halis ugu jira in ficil celin uu kala kulmo xukuumadda Beijing? Xi Jinping ayaan lagu aqoon in uu aqbalo dadka kale ee soo jiita dareenka caalamka islamarkana dowladiisa waxay horey u bartilmaameedsatay dad caan ah . Sanooyiinkii ugu dambeeyay jilaayaal, wariyayaal caan ah iyo dhowr qof oo bilyan-neer ah ayaa “la waayayay ” muddo dheer. Qaar ka mid ah oo uu ka mid ahaa wareye wararka aqrin jiray ayaa ku dambeeyay in xabsiyo lagu xukumo. Qaar kale ayaa xabsiyada ka soo baxay iyaga oo la bah-dilay islamarkana shaaciyay in ay daacad u yihiin xisbiga. “Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in [Jack Ma] uu ka dagay 2018 xilkii gudoomiyaha shirkadda Alibaba sababtoo ah waxaa loo arkay ganacsada caannimadiisa ay qarisay tan xisbiga Shuuciga,” waxa sidaasi sheegtay Ashley Feng, cilmibaare ka tirsan xarunta ammaanka Mareykanka ee Washington. Mr Ma ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu 2018 ku dhawaaqay in uu ka dagay xilka. Waxaa uu beeniyay warar sheegayay in xukuumadda Beijing ay ku qasabtay in uu xilka ka dago. Ma iyo madaxwayne Trump oo ku kulmay Trump Tower, 9 January 2017 Duncan Clark, oo wax ka qoray taariikhda Mr Ma ayaa sidoo kale ka warqaba wararka sheegayay in Ma lagu qasbay inuu xilka ka dago ka dib dhacdo dhacday bishii January 2017. Bilyan-neerkan u dhashay Shiinaha ayaa xilligaas la kulmay madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump oo markaas la doortay, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka. Madaxwaynaha Shiinaha ayaa bilooyiin ka dib la kulmay madaxwayne Trump. “Waxaa jiray warar badan oo la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in Jack Ma uu degdegay,” ayuu yiri Clark. “Waxaan u maleynayaa in ay jiraan casharo laga bartay labada dhinac taasi oo ah baahida loo qabo in ay wada shaqeeyaan, ” ayuu intaa ku daray .” Farsamo ahaa , Mr Ma ma ahayn nin ka baxsan xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ka taliya. Waxaa uu xubin ka ahaa xisbiga tan iyo 1980s, xilligaasi oo uu arday jaamacadeed ahaa. Balse xiriirka uu la lahaa Mr Ma xisbiga ayaa mar walba ahaa mid murugsan . Jack Ma oo la fadhiya rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed 25 November 2019 Shaki kama taagna in guud ahaan sumcadda howsha mucaawinada bilyan-neerka Jack Ma iyo bilyan-neerada klae ee Shiinaha, sida ay sheegtay hay’ad fadhigeedu yahay mareykanka oo qiimeysa deeqaha ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Qaran News
  18. Turkey brought back a total of 1,286 of its nationals from four African nations and Arab countries Sunday as part of its ongoing repatriation efforts for Ramadan amid the coronavirus pandemic. Some 207 Turkish nationals returning from Somalia and Djibouti on a special Turkish Airlines flight arrived at Turkey’s Nevsehir-Kapadokya Airport. After health checks, they were sent to Nevsehir and Nigde provinces for quarantine. A total of 133 citizens and 10 North Macedonians returned from Nigeria and Ghana on another Turkish Airlines flight which arrived in Izmir province. Following mandatory health checks, they were transported to Aydin province to be quarantined for two weeks at a dormitory. Meanwhile, 166 Turkish citizens landed in Istanbul from Senegal and Mauritania and were sent to Duzce province for quarantine. “We have brought back 618 citizens who were waiting to return home in Saudi Arabia and Qatar,” Turkey’s Deputy Foreign Minister Yavuz Selim Kiran said late Sunday on Twitter. In addition, 162 Turkish citizens who were brought back from Qatar on different flights landed in Ankara. Turkey has so far repatriated more than 60,000 citizens, Foreign Minister Mevlut Cavusoglu said in a tweet. Deputy Foreign Minister Kiran said late Thursday that Turkey is bringing back 1,411 citizens from the US, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Mauritania, Nigeria, Senegal and Somalia. After originating in Wuhan, China last December, the novel coronavirus, officially known as COVID-19, has spread to at least 185 countries and regions, with Europe and the US currently the worst-hit. The pandemic has killed nearly 206,000 people worldwide, with the number of cases totaling over 2.9 million and more than 861,000 recoveries, according to figures compiled by US-based Johns Hopkins University. *Writing by Havva Kara Aydin, Seda Sevencan and Fridevs Bulut. View the full article
  19. Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni today fired the Commander of Puntland Police Force Major General Muhiyadin Ahmed Muuse. Brigadier General Abdi Hassan Hussein has been appointed as the new Commander of the Police Force. The First Deputy Commander Brigadier General Bile Farah Ali and the Third Deputy Commander of the Police Force Colonel Ahmed Mohamud Ali have been fired as well. In a statement for the media, Puntland State Government described the decision as a steppingstone to restructuring Puntland State Force Police. The newly appointed Puntland Police Force Commander Abdi Hussein Hassan posing for the camera as a mutineer in 2015 The security situation in Puntland has been deteriorating. Last month Al-shabaab assassinated in Garowe the former Governor of Nugaal Abdisalam Hassan Hersi. Targetted assassinations against Puntland police officers have been on the rise in Mudug and Bari. The new Commander of Puntland Police Force served as the Commander of Puntland Intelligence Agency. In 2015 President Abdiweli Mohamed Ali fired Hussein, who along with Major General Mohuyaddin had organised a short-lived mutiny aimed at foiling security reforms proposed by President Abdiweli. © Puntland Post, 2020 The post President Deni fires Puntland Police Force Commanders appeared first on Puntland Post.
  20. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo goor dhow qoraal soo saartay ayaa sheegtay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyoodeen 9 qof oo la xanuunsanayay cudurka COVID-19 waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay ehalada marxuumiintaas. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Dhanka kale wasaaradda ayaa isbitaallada gaarka loo leeyahay u dirtay digniin ah inay soo gudbiyaan bukaannada ay ku arkaan astaamaha Coronavirus. Tirada guud ee dadka xanuunkaan Soomaaliya ugu geeriyooday ayaa iminka mareysa 32 ruux halka guud ahaan dalka laga xaqiijiyay kiisas kor u dhaafaya 400. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay oo kaliya ay sagaal qof ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19. Qoraal ay wasaaradda soo dhigtay barteeda facebook ayey ku tiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa hore isbitalka loo jiifiyey oo la xaqiijiyey inay qabaan COVID-19, iyo kuwa ayaga oo garaab ah laga keenay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, kuwaas oo dhintay ayaga oo aan weli la baarin, balse qabay astaamaha cudurka. Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkan ayaa xalay la keenay isbitalka, isla xalayna geeriyooday. Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.” “Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.” Tiradan ayaa ah tii ugu badneydn ee dad 24 saac gudahood cudurka Coronavirus ugu geeriyooda isbitaalka Martiini.
  22. (SLT-Sanaag)-Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyaad hubeysan oo shalay dil iyo dhac ka geystay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Ragga lagu soo qabtay howlgalka ay sameeyeen ciidamada ayaa tiro ahaan gaadhaya illaa laba qof, kuwaas oo shalay toogasho ku dilay marxuum Cabdiwahaab Cawil, xilli ay kala dageen gaadhi uu watay oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee gobolkaasi. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ayaa tilmaamay inay gacanta ku dhigeen gaadhiga marxuumka oo ay hore u kaxeysteen raggaasi iyo laba qoray oo ay wateen. Saraakiishaan ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ay ku raad joogaan saddex qof oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka la soo qabtay. Inta badan dilalka ka dhaca Sool iyo Sanaag ayaa waxa ay salka ku hayaan dilal la xidhiidha aanooyin Qabiil, kuwaas oo ay isku geystaan beelaha wada daga gobolladaasi. Source
  23. Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre kaasi oo sababay in la iska gudbiyo mooshinno iska soo horjeeda. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa tilmaamay inuu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre islamarkaana ay saxiixeen 63 xildhibaan. Dhankiisa Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in mooshin kal sooni kala noqosho ah xildhibaano gaaraya 54 mudane ay ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Hirshabeelle ay fashilantay islamarkaana fashilkaasi uu ka dambeeyay madaxweyne Waare waxa uuna madaxda Hirshabeelle ku eedeeyay inay sameeyeen ku takrifal awoodeed. Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Hirshabeelle ayaa ahaa mid waqti dheer soo jiitamayay iyada oo uu khilaafku sii xoogeystay 21-kii bishaan ka dib markii madaxweyne Waare uu sheegay inuu shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha racfaanka maxkamadda gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur. Isla maalinkaas warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa lagu qaadacay shaqa joojinta madaxweyne waare uu ku sameeyay guddoomiye Cali Cabdulle Nuur waxaana warqadaasi lagu sheegay in hey’adaha garsoorka ay ka madax bannaan yihiin kuwa fulinta islamarkaasina ay dikareetadaasi tahay mid sharci darro ah. Hirshabeelle ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay maamullada aan hiigsan wax hormar ah maadaama mar waliba ay isku dhaganyihiin madaxda sare ee maamulkaasi waxaana siyaasiyiinta halkaasi ka soo jeedda ay sheegayaan in Hirshabelle ay si toos ah u fashilantay. Lama oga halka uu ku dambeyn doono xaalka qasan ee Hirshabeelle xilli wasiir ka tirsan maamulkaasi uu u geeriyooday xanuunka COVID-19 magaalada Jowharna cabsi xanuunkaasi ku aaddan laga dareemayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com