-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (Reuters) – The United States said on Monday it had killed two civilians and injured three in an air strike in Somalia early last year, in a rare acknowledgement of civilian casualties from U.S. Africa Command military operations in the Horn of Africa country. The deaths were mentioned in a debut quarterly assessment report by AFRICOM on allegations of civilian casualties raised in connection with its operations against Islamist militants in Somalia, Libya and other African countries. “Regrettably two civilians were killed and three others injured in a February 2019 air strike. “We are deeply sorry this occurred,” AFRICOM’s commander, U.S. Army General Stephen Townsend, said in the report. The air strike was carried out in the vicinity of Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle region and the report said the intended target – two members of Somali Islamist group al Shabaab – were killed. The civilian deaths, it said, occurred as a result of U.S. or al Shabaab munitions that exploded during the air strike. It was the second known incident in which AFRICOM has acknowledged killing civilians in Somalia, where rights activists have accused it of long shrouding its operations in secrecy. The first was an air strike in April 2018 in El Buur in the Galgadud region of central Somalia in which AFRICOM reported it had unintentionally killed two civilians. The United States has been conducting air strikes in Somalia for years to help defeat al Shabaab, which seeks to topple Somalia’s Western-backed central government and set up its own rule based on a own strict interpretation of Islamic sharia law. For nearly two decades al Shabaab has been waging a campaign of bombings and shooting attacks on military and civilian targets including hotels and traffic junctions both in Somalia and neighbouring countries like Kenya. A regional peacekeeping force, AMISOM, mandated by the African Union, also helps defend the Somali government. AFRICOM’s move to publish quarterly assessment reports on civilian casualty allegations is a welcome step towards transparency, said Seif Magango, Deputy Regional Director for Eastern Africa at rights group Amnesty International. He added, though, that the United States must follow up with “accountability and reparation for victims and their families”. Writing by Elias Biryabarema; Editing by Mark Heinrich
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay ku dhowaad 100-qof Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in sagaalkii qof ee dowladdu shaacisay inay xalay ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini, ay u dhinteen Oksajiin la’aan, kadib markii ay tagtay korontadii oo uu demay mashiinka neefta siinayey dadkaas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda federaalka aad ugu dhaliilay arrintaas, isagoo nasiib darro ku tilmaamay, inay dowladdu Matoor keyd ah cusbitalka gayn waysay. “Ilo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyeen in ku dhowaad 100 ruux ay shalay iyo xalay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen. Dadka intooda badan waxay u dhinteen Fayriska (COVID-19). Sagaal ka mid dadkaas, oo aan qaarkood aqaano waxay ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini, ka dib markii ay korontadii ka tagtay, mashiinadii ogsijiinka siinayey na ay istaageen. Masuuliyad dari iyo tacadi ka wayn ma jiro in dowladu ay matoor kayd ah Cusbitalka gayn wayso”ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdihhakuur ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tashadaan, maadaama ay xaaladu kasii dareyso, dowlad dadka wax tareysana aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Walaalayaal xaalada Karoona Fayris way ka sii daraysaa, dawlad dadka wax taraysana ma jirto ee isku tashada. Maadama awood lagula tacaalo Fayriska aysan jirin, intii la kari karayna laga gaabiyey, waxaa qasab ah in aan ku dadaalno ka hortagiisa oo aan qaadano talooyinka dhakhaatiirta. Waxaa na la ka doonayaa talo saarasho Eebe oo taxadar lagu daray. Allaha u naxariisto intii dhimatay, allahana dhowro Inta kale, danbigeenana Allaha dhaafo” ayuu kusoo gabagabeeyey qoraakiisa. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay galabta shaacisay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyootay sagaal qof, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda laga soo gudbiyey isbitaalo gaar loo leeyahay. Xubno ka tirsan wasaaradda oo aan goor dambe wax ka weydiinay 100-ka qof ee la sheegay, waxay sheegeen in xogtaas aysan hayn.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-27042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay caawa degmadaas ku dishay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya. Dilkan oo dhacay salaadii Makhrib kadib ayaa sarkaalkaas loogu geystay xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, xilli uu kasoo baxay masaajid aan sidaas uga fogeyn xaafadiisa. Magaca marxuumka la dilay waxaa lagu soo koobay Nuur Gaab, waxayna kooxdii dishay kala kulantay iska cabin kooban, maadaama uu hubeysnaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray xaafadda uu dilku ka dhacay ee Jaamacadaha oo ka tirsan degmada Hodan, waxayna halkaas ka bilaabeen baaritaano dad badan lagu soo qab-qabtay, waxaana illaa hadda xaafadaas ka socda howlagallo ay sameynayaan ciidamo boolis ah. Ma jirto cid lagu tuhmayo dilka sarkaalkaas oo la shaaciyey in lasoo qabtay, balse dadka xaafadaas ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay hal goob iskugu geeyeen dhamaan dhalinyaradii xaafadda. Xalay ayaa sidaan oo kale dabley makhribkii dil ka geysatay qeybo ka tirsan degmada Dharkenley, waxaa toogtay ciidamada ammaanka, kuwaas oo gaarayey laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee ku aadan xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana xaqiijisay inuu jiro korarka xanuunka ee bulshada dhexdeeda ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa diiwaan geliyey kiisaskii ugu badanaa Corona. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur oo gordhow hadashay ayaa ka warbixisay guud ahaan tirade xaaladaha cusub ee COVID-19 ee dalka. Wasiiraka ayaa xustay 24saac ee ugu danbeesay wasaaraddu xaqiijisay 44 xaaladood oo Coronavirus ah. Wasiirka ayaa bidhaamisay muhiimada ay leedahay in bulshadu raacdo tilmaamaha ay ku baaqeyso Wasaaradda Caafimaadka sida gacma dhaqashada iyo nadaafadda guud si loo yareeyo faafidda cudurka ee bulshada dhexdeeda. Wasiirka ayaa fartay Isbitaallada gaarka loo leeyahay in bukaannada leh astaamaha cudurka safmarka COVID-19 ay xilli hore u soo gudbiyaan isbitaal De Martino. Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa ehelada bukaanada kula dardaarantay in ay xilli hore keenaan isbitaalka De Martino ee magalada Muqdisho bukaanadooda inta aysan xumaan xaaladooda caafimaad. 27 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof. > Dhedig: 9 > Lab: 35 > Bogsasho: 4 > Dhimasho: 3 > Tirada Guud: 480 > Bogsashada Guud 14 >Dhimashada Guud 26 Halkaan ka Daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah ayaa qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID). Wasiirka caafimaad XFS ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19. Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in dadkii xalay ku geeriyooday isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho ee sagaalka qof ahaa ay u dhinteen “dayacaad iyo daryeel la’aan” ka jirta isbitalka. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Dayacaadda iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay.” Wasaarada caafimaadka ayaa maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho, taasi oo lagu daray in dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay xilli hore usoo gudbiyaan Isbitalka Martiini. Hase yeeshee Mahad Salaad ayaa yiri “Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah.” Waxa uu intaas ku daray “Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta kajirta Isbitaal Martiini?” Mahad Salaad ayaa ugu intaas ku daray inuu ugu baaqayo xukuumadda in ay xil gaar ah iska saarto badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon “igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto.”
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19, laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub. Afar ruux ayaa ka bogsooday xanuunka. Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4ta kalana waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 9 xaaladood. Wasaaradda Caafimaadka waxay xaqiijisay in hal ruux oo kamid ah 9 bukaan oo xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka, 7da kalana laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda. Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 ruux. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-27042020.mp3 View the full article
-
Kadib markii xilka laga qaadey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Muxayadiin wuxuu Madaxweyne Deni uu Xilka u magacaabay Taliye cusub oo ah Cabdi Xasan Xuseen oo [...] Source
-
Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan Qaad badan oo la doonayey in la soo galiyo deegannada Somaliland, ka dib hakad la geliyey muddo 25 cisho ah sida uu dhowaan uu sheegay guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga xanuunka Coronavirus. Ciidamada ayaa qaadka ku qabtay magaalada Baligubadle oo u dhow xadka dalka Itoobiya shalay gelinkii dambe kaas oo laga keenay dhanaca dalka Itoobiya waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa 200-kilo oo Qaadka dhadheera iyo 100 -Marduuf waxaana la keeay magaalada Hargeysa, iyadoo markii dambe lagu gubay goob fagaaro ah. Goobta Qaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gobolka Maroodi-Jeex iyo xubno kamid ah guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne u soo daawasho tagay goobta lagu gubayey Qaadka ay soo qabteen ciidamada amniga, Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen gaadiidkii keenay Qaadka iyaga oo intaas ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in Qaad la soo geliyo deegannada Soomaaliland waxaana ay digniin u direen ganacsatada ku howlan keenista iyo ka ganacsigiisa. Tilaabadaan ay qaadeen ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan guddiga wacyi gelinta iyo ka hrtagga xanuunka Coronavirus ay ku dhawaaqen muddo 25 cisho ah la joojiyey keenitaanka iyo ka ganacsiga Qaadka ee Somaliland sabobo la xiriira cabsi laga qabo faafitaanka xanuunka COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa faah-fahain ka bixisay sagaal qof oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19, ayada oo eedeyn u jeedisay isbitaallada gaarka loo leeyahay. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hal qof oo kamid ah 9 bukaan ee xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini uu qabay xanuunka COVID-19, halka qof kamid ahna la xaqiijiyay inuusan qabin xanuunka. 7-da qof ee kale, ayey wasaaraddu sheegtay in laga baaray cudurka hase yeeshee ay geeriyoodeen kahor intii aysan soo bixin natiijada baaritaankooda. Qoraalka wasaaradda ayaa dhinaca kale isbitaallada gaarka loo leeyahay magaalada Muqdisho ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen dadkii halkaas ku geeriyooday. “Bukaannada Isbitaal Martiini xalay ku geeriyooday dhammaan waxay ahaayeen bukaanno waqti dheer lagu hayay isbitaallada gaarka loo leeyahay, oo la keenay Isbitaal Martiini markii xaaladoodu ay adkaatay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur ayaa maamulayaasha Isbitaallada gaarka loo leeyahay fartay in bukaannada lagu arko astaamaha COVID-19 ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan xarumaha caafimaad ee loogu tala galay la tacaalidda dadka uu haleelo Fayruska Karoona, si xaaladdoda caafimaad wax looga qabto. Eedda wasaaradda ayaa imaneysa xilli ay jiraan warar sheegaya in dadkaas ay u geeriyoodeen dayac, kadib markii ay isbitaalka ka tagtay korontada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 3 qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19. Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 9 qof oo xalay ku dhintay isbitalka Martiini, kaasi oo la xaqiijiyey inuu qabay COVID-19, halka 8 kale ay ahaayeen 7 aanay weli soo bixin natiijada baaritaankooda soo bixin iyo qof laga waayey. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka laga diiwaan geliyay 44 xaalad oo cusub oo cudurka ah, halka afar qof oo ka mid ahaa dadkii qabay cudurka ay kasoo bogsadeen. Afartan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka afar qof oo kalen laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland. 35 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, halka sagaal ay yihiin dumar. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 480. Guud ahaan 26 ayaa loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurka, waxaana ka bogsoosay 14 qof. Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19 ee dalka Bariga Afrika, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa tirada kiisaska guud ayada oo ku xigtay Jabuuti oo laga diiwaan geliyey 1035 kiis.
-
(SLT-Hargeysa)-Weftigii Balaadhnaa ee hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta kulan la qaatey gudida nabadaynta Degmada Ceel-afweyn. Shirkani ayaa daaranaa sidii nabada ay xukuumadu ka abuurtay deegaamadaas loo adkeyn lahaa sidoo kalena waxa ay labada dhinac iska xog wareysteen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab. Source
-
Allah ha naxariistee waxaa Magalaada Seattle ee Gobolka washington Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyrus ugu geeriyooday Marxuumad Jamiilo Cumar Cabdalla Shujaac oo ka mid aheyd Soomaalida ku nool dalka Mareykanka. Waa Qofkii Saddexaad ee u dhintay xanuunka Covid19 oo Soomaali ah waxaan lagu aasay isla magaalada Seattle ee Gobolka Washinton. Culimada iyo qeybaha kala duwaan ee Bulshada ayaa uga ka tacsiyadeeyay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday marxuumada waxaana ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay qaataan Fariimaha wacyigelinta ah ee looga hortagyo ama lagu xakameynayo cudurka Covid-19. Wadanka Maraykanka ayaa ah wadan si aad ugu baahay xanuunka COVID-19, waa wadan faafitaanka xanuunka uu gaaray kaalinta labaad marka laga soo tago wadanka Chine oo hadda soo kabanaayo oo ah halkii uu ka dilaacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jabuuti)-Mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in dowladda ay diiwaan-gelisay 12 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19. Tiradan cusub ayaa kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey waxay ka dhigeysaa 1035. Si kastaba, dhimashada Jabuuti ee cudurka ayaa ah kaliya laba qof, taasi oo aad u yar marka loo eego tirada kiisaska la xaqiijiyey. 477 qof oo ka mid ah dadkii cudurka laga helay ayaa bogsaday. Jabuuti ayaa ah dalka laga diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan COVID-19 ee Bariga Africa. Source
-
Seoul (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Korea-da Koonfureed ayaa ku adkeysanaya inaysan dalka Korea-da Waqooyi ka ogeyn wax dhaq-dhaqaaqyo ah oo aan caadi ahayn, waxayna taxaddar ka muujiyeen wararka sheegaya in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu xanuusan yahay. Wasiirka Mideynta ee Korea-da Koonfureed Kim Yein-chul, oo ah qofka qaabilsan la-macaamilka Korea-da Waqooyi, ayaa sheegay in dowladdiisa ay leedahay awood sirdoon oo si kalsooni leh ay ugu sheegi karto inaysan hayn wax astaamo ah oo muujinaya xaalad aan caadi ahayn oo ka jirta Korea-da Waqooyi. Wararka la xiriira xaaladda caafimaad ee hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi ayaa soo shaac-baxay kadib markii uu ku guul-darreysatay inuu 15-kii April ka qeyb-galo munaasabad muhiim u ah dalkaas, lagumana arag goobaha dadweynaha wixii markaas ka dambeeyey. Warbaahinta Korea-da Koonfureed qaarkood ayaa toddobaadkii tegay weriyey in Kim lagu sameeyey qalliin wadnaha ah ama uu ku jiro go’doon uu isaga ilaalinayo cudurka COVID-19. Hase yeeshee wasiirka Mideynta ee Korea-da Koonfureed Kim Yein-chul ayaa shaki geliyey wararka la xiriira qalliinka, isaga oo ku dooday in isbitaalka la xusay uusanba lahayn awood uu ku sameeyo qalliin noocaas ah. Sidoo kale, Kim Byung-kee, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka Korea-da Koonfureed, haddana xubin ka ah guddiga sirdoonka ee baarlamanka ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurta-galnimada in Kim Jong Un uu xanuunsan yahay, uuna sameyn doono “soo laabasho yaab leh dhowaan.” “Mowqfika dowladdeena waa adag yahay. Kim Jong Un waa nool yahay waana caafimaad qabaa. Wuxuu ku sugnaa Wonsan tan iyo 13-koo April, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ah oo shaki muujinaya oo aan ogaanay,” waxaa sidaas yiri Moon Chung-in, oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in. Sidoo kale, ilo-wareedyo ka tirsan Korea-da Koonfureed ayaa u sheegay Reuters in Kim Jong Un uu nool yahay, dhowaanna uu soo muuqan doono. REUTERS + VOA
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen u magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in loo baahanyahay in la dar dar geliyo Amniga deegaanada Maamulka Puthland islamarkaana taliyaha Cusub looga baahanyahay in la yimaado isbedel muuqda si loo xaqiijiyo Amniga iyo bad qabka bulshada reer Puthland. Sido kale Madaxweyne dowlad Goboleedka Puthland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland . Labada sargaal ee xilka uu madaxweynuhu ka qaaday ayaa kala ah S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Gaashaanle Sare Axmed Maxamuud Cali taliye ku xigeeen 2-aad ee Ciidanka Booliska iyo . (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, ayaa ku dhawaaqday in waddankeedu ay u suurtagashay iney joojiyaan faafitaanka fayaraska Coronavirus oo ay ka hortageen inuu bulshada badankeeda uu saameyn ku yeesho. Waxey tilmaantay in la fududeyn doono bandowga adag habeennimada Isniinta, laakiin waxey carrabka ku adkeysay iney lagama maarmaan tahay in si xoog leh loo baraarugsanaado. Jacinda, waxey caddeysay in New Zealand ay joojisay “Safmarkii ballaaran oo cudurku aanuu dad badan gaarin.”, iyadoo tilmaantay in waddankeeda uu ka taxadaray inuu xaalad adag waajaho, waxeyna hoosta ka xariiqday iney lagama maarmaan tahay in la sii wado fayraska Corona. Waxaa la filayaa in hal-milyan oo qof ay shaqadooda dib uga howl bilaabaan goobahoodii shaqada, iyadoo sharuudda ku xiran ay tahay in shirkaduhu ay la yimaaddaan tallaabo ay kula soconayaan “Covid-19”, iyadoo la qaadayo Tallaabooyin ku habboon oo caafimaad, fayoobiqabka iyo kala dheeraanshiyaha bulshada. Ra’iisul-wasaare Jacinda Ardern, shacabka waxey ku baraarujisay in kulamada ay dadka farahaba badan ay meel qura iskugu yimaaddaan aan la ogoleyn, waxey tiri: “Waxaan furnay dhaqaalaha, laakiin noloshii bulsho weli ma aaney furmin.” Tirade guud dadka uu ku dhacay Covid-19 ee gudaha New Zealand waxey gaartay 1,469(Kun afar boqol iyo lixdan iyo todobo), halka tirada dadka cudurka u dhintay ay gaareen 19 qof, iyadoo galabnimadii Axaddii uu cudurka u geeriyootay haweenay waayeel ah oo 90-jir ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo xilka ka eryay Taliyihii Booliiska Puntland & Ku-xigeenadisii Taliyaha Xilka laga qaaday Gen Muxiyadiin Axmed Muuse Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse. Dikreeto Maanta oo Isniin ah ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii looga qaaday Taliyaha Booliiska Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana xilkaasi loo magacaabay S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare). Sidoo kale, waxaa xilkii laga qaaday Taliye ku xigeenkii kowaad ee Ciidanka Booliiska sarreeye Guuto Bile Faarax Cali iyo Taliye ku xigeenkii saddexaad Gaashaanle sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag). Madaxweynaha ayaa saraakiishaas xilalkii ka qaaday, si dib u habayn loogu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Puntland, sida ku xusan Dikreetada ka soo baxday Xafiiskiisa, balse lama sheegin cid weli loo magacaabay Taliye ku xigeenka kowaad iyo saddexaad ee Booliiska. Qaran News
-
On Monday, the Somali health ministry has confirmed 9 more deaths from COVID-19, increasing the total death toll to 32, most of them died in the capital Mogadishu. In a statement, the ministry has announced the victims were brought to Martini hospital too late to save their lives by the private hospitals in Mogadishu. Somalia’s Covid-19 cases rose to 436 after health officials recorded 46 people who contracted the virus within the past 24 hours. The government is making tireless efforts to contain the spread of the coronavirus that is risking the lives of the citizens already suffering from decades of droughts and conflict. View the full article
-
We cannot throw away all the effort and sacrifice of the British people and risk a second major outbreak. pic.twitter.com/cf8gMiPaqt — Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) April 27, 2020 WATCH LIVE: PM @BorisJohnson makes a statement outside 10 Downing Street https://t.co/rTLBCBzvDo — UK Prime Minister (@10DowningStreet) April 27, 2020 Qaran News
-
Eng Axmed Macallin Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada maamulka Koonfur galbeed islamarkaana wareysi dhinaca internedka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in amnigii yaraa ee lagu heystay degmada Diinsoor uu gacanta ka baxay ka dib shaqaaqooyin magaaladaasi ka dhacay. Aqoonyahan Axmed Macallin ayaa yiri “Amnigii yaraa ee la heystay ayaa gacanta ka baxay waxaa degmada ka dhacay shaqaaqooyin ku saabsanaa anooyin qabiil”. Sidoo kale Aqoonyahankaan ayaa ka dhawaajiyay in isabadalka lagu sameeyay guddoomiyaha Diinsoor aysan waxba ku soo kordhin hormarka Koonfur galbeed waxa uuna hoosta ka xariiqay in ay meesha ka baxeen adeegyadii aasaasiga ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashada. “Marka isbadalka la sameeynaayo waxaa loo baahanyahay in dadka deegaanka wax loo kordhiyo ee aan wax laga dhimin waxay ahayd in dad karti aqoon leh lagu soo badalo laakiin waxaa naloo keenay guddoomiye aan khibrad lahayn, dhibaatooyinka deegaanka hadda heysta waxaa ka mid ah dhinaca waxbarashada ayaa ebar ah iyo dhamaan adeegyadii bulshada” ayuu yiri Eng Axmed. Dhanka kale Aqoonyahanka ayaa soo hadal qaaday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Koonfur galbeed iyo iswaafajinta lagu sameeyay doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee maamulkaasi waxa uuna yiri “Xildhibaanadaan waxaa soo xushtay madaxweyne Laftagareen, waxaa tuhun badan laga qabi lahaa in xildhibaanada maanta jooga uu madaxweynaha soo sameystay sidaa darted ay u codeen doonaan mustaqbalka laakiin maadaama la is waafajiyay doorashada soo socoto waxaa imaan doono xildhibaano cusub” Aqoonyahan Axmed oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in askarta joogta Koonfur galbeed aysan awood u lahayn inay furan isku socodka waddooyinka maamulkaasi. Maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban tacaddiyada loo geysto dadka aan waxba galabsan ee deegaannada maamulkaasi ku sugan, sida ay sheegayaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ka soo jeeda maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen. Halka Ka Daawo Warysi Dhinaca Skyp-ka Uu Eng Axmed Macallin Siiyay Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
