-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta gudaha ee wadanka Tanzania ayaa saaka warisay inuu gudaha dalkaasi ku geeriyooday ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga. Dowladda Tazania ayaa sidoo kale xaqiijisay geerida Mahiga, kadib markii uu ku soo booday xanuun deg-deg ah oo sababtay geerida ku timid. Augustine Philip Mahiga ayaa ahaa wakiilka QM ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2010-kii, illaa 2013-kii, kaas oo saameyn ku lahaa arrimaha gudaha ee dalka. Sidoo kale wuxuu haatan ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Dodomo. Tanzania oo xilligan la daala dhaceyso Covid-19 ayaan weli faah faahin nooca cudurka ee uu u geeriyooday Augustine Mahiga oo ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada caasimada ah ee Dodomo, kadib markii isagoo joogo gurigiis uu ku soo booday xanuunka. Geerida ku timid Mahiga waxaa ka tacsiyeeyey Madaxweynaha wadankaasi Tanzania, John Magufuli, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, isaga oo qoraalkaan sidoo kale ku sheegayn in dowladdiisa ay aad ugu murugootay geeridaasi. Augustine Philip Mahiga oo ahaa diblumaasi sare ayaa ka soo shaqeeyey wadamo badan, wuxuuna dhashay 28-ka bishii August ee sanadkii 1945-kii.
-
Mogadishu (HOL) - Ambassador Augustine Mahiga, the Tanzanian politician, diplomat and former UN Special Representative for Somalia from 2010 to 2013 has passed away at his home on Friday in the Tanzanian capital Dodoma. He was 74. Source: Hiiraan Online
-
Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah oo loogu hortagayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaro ee Magaalada Muqdisho, Gaadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaatay howlaha lagu buufinaayo qeybo badan oo ka mid ah suuqaasi iyadoo daawooyin jeermis dile ah loo adeegsaday halkaasi. Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa kormeeray Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar, kuwaasi oo fulinayay qorshaha ka hortaga Caabuqa COVID19 ee lagu Buufinayo Caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u soo buufiyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho si loo xakameeyo faafidda xanuunka Coronavirus kaas oo in ka badan 600 oo kiis laga helay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo COVID-19 laga buufiyay appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in bukaankii ugu horreeyay gudaha Puntland ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka. Marxuumka ayaa 21-ki bishaan April ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug kadib markii laga qaaday dheecaan si loo xaqiijiyo in uu qabo xanuunka Coronavirus. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in tirada dadka laga helay cudurka ee degaannada Puntland ay gaartay 11 ruux balse aysan jirin cid weli ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Bukaankii u horreeyay oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose. Dadka degaanka ayaa u sheegay Raadiyaha Shabelle in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Balse, illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhinacyadda dagaalamay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dhowr madfac ku tuurtay xerada ciidamada Kenya, kuwaas oo dhankooda ka jawaabay. Inta badan xarakada Al-Shabaab ayaa falal noocaan ah waxay ku beegsataa fariisimaha ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee ku sugan gudaha waddankeena. View the full article
-
Garoowe (Caasimada online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan cudurka saf-marka ah Covid-19. Ugu horreyn wasiir Jaamac ayaa xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey uu xanuunkaan ugu geeriyooday deegaanada maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay in ruuxaasi oo looga shakisnaa cudurka uu dhowaan dhintay isaga oo ku jiray xaalad karantiil ah. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in baaritaanka dheecaan laga qaaday ay u direen dalka Kenya, islamarkaana ay haatan jawaabta soo baxday lagana helay Covid-19, taas oo ka dhigeysa dhimashadii ugu horreysay xanuunka ee deegaanada Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marxuumka uu ahaa qof da’ah, islamarkaana uu ku noolaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dr Jaamac Faarax Xasan wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Coronavirus. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marba marka dambeysa uu ka sii darayo cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo laga xaqiijiyey kiisas kor u dhaafaya 600 oo qof.
-
Muqdisho (SMN) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqdey in dowladda federaalka u fasaxday in Salaadaha lagu tukado Masaajida. Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdul-Baari, oo culimada ka tirsan, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda qaadatay taladooda. Xukuumadda federaalka ah ayuu kaga mahadceliyey in ay soo dhaweysay baaqoodii ahaa in aan Masaajida loo xirin Coronavirus. Dhanka kale, culimada ayaa soo saartay habraac Masaajida loogu tukunayo, waxaana kamid ah in la xiro Musqulaha ama Suuliyadda. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen; in qof walba uu gurgiisa kasoo qaato Sali, jameecada kala fogaato iyo in ay soo xirtaan Maaskarada. Wasaaradda Awqaafta ayaa horey u fartay maamuleyaasha Masaajida in ay Salaadaha Cishada iyo Taraawiixda albaabada u laabaan Masaajida. View the full article
-
Koox la sheegay in ay yihiin burcad ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay dhac wadareed ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhacdooyinkan ayaa laga soo wariyey inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo magaaladda Balcad, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa ka dhawaajiyey in dableyda ay gaadiidleyda ka qaadaan lacag badan. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay u geystaan gaadiidleyda jirdil, hadii ay ka biyo diidaan dalabka lacageed ee ay u gudbiyaan. Mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa nan wali ka jawaabin dhibaatooyinka dib uga soo cusboonaadey degaano iyo degmooyinka mamaulkaas. View the full article
-
Tartaankii xalay dhexmaray Dagmooyinka Hodan iyo Waaberi waxa uu ku soo dhamaaday bar bar dhac dagma walba waxa ay la timid min 12 Dhibcood. Kulankaan ayaa wuxuu ahaa kan ugu dambeeyay is-aragga koowaad ee heerka Group-yadda wareegiisa koowaad. Tartameyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay aqoontooda, waxaana ay su’aallaha kaga soo jawaabeen si hufan. Caawa waxaa isku fara-saari doona tartan aqooneedka Shabakada Warbaahinta Shabelle degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-01052020.mp3 View the full article
-
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa howla kormeer ah ku tagay xaafadaha kala duwan ee Degmada Hiliwaa oo xigta qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayaa muhiimadiisu aheyd u kuurgalida xaalada amni ee Degmada ee sida ay ciidamada amniga heeganka ugu yihiin bad baadinta shacabka iyo la dagaalanka nabadiidka sidoo kale kormeerkan ayaa ahaa mid quseeya dhaqangalinta Bandowga ay Dowlada uga hortageyso faafitaanka caabuqa Coronavirus. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta uga warbixiyay muhiimada kormeerkani. “Kormeerkaan waxaa mid aan ku kala bixin jirnay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan u hubino xaaladaha Amniga iyo sida ay iskula falgalayaan shacabka iyo Ciidmada Amaanka iyo sidoo kale dhaqan gelinta Bandowga lagu xakeymayao Cudurkaan safmareenka ah ee Karoona Feryuska sidoo kale waxaa ku bixin doonaa Degmooyinka oo dhan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan” PUNTLAND POST The post Guddoomiye Tuulax oo kormeer lagu hubinayo Amniga ku tagay Degmada Hilwaa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso la galiyey agagaarka maxkamaddii hore ee degmadaasi. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo dad badan u qab-qabtay qaraxaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Marka iyo maamulka magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliyo caasimada gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka, kuwaas oo ku xoogan deegaanada hoos-yimadaa degmadaasi.
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa ugu baaqay dowladda Imaaraadka Carabta inay joojiso siyaasaddeeda cadaawadda ay ku dheehan tahay ee ku wajahan Ankara, islamarkaana ay aqoonsato mas’uuliyadeeda. “Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta iyo xiriirka caalamiga ah, waa laba wajiilenimo siyaasadeed oo uu muujiyey dal taageero siiya kooxo afgambi raadinaya,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda dibedda Turkey Hami Aksoy. Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Imaaraadka ee ah in Ankara ay faro-gelin ku hayso siyaasadda Carabta uu yahay mid aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay dalalka kale ku taageerto si sharciyad iyo xal siyaasadeed leh. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkey Hami Aksoy ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay tagaeeraan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xasilooni darro ka waddo dalal kale. “Ma ahan wax qarsoon in Imaaraadka Carabta ay muddo taageerayeen ururo argagixiso, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab, iyo kooxda gooni u goosadka Yemen,” ayuu yiri. Waa markii ugu horreysay ee dowladda Turkiga ay si rasmi ah oo shaacsan ugu eedeyso Imaaraadka inay taageeraan kooxda Al-Shabaab. Xiisadda Turkey iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan sare uga sii kaceysay dalka Libya, halkaasi oo Ankara ay tagaeerto dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas, Imaaraadkuna ay taageeraan Jeneralka fallaagad ah ee Khalif Haftar, ee doonaya inuu rido dowladda. “Muddo sanado ah, waxay Imaaraadka hub, qalab militari, iyo taageero calooshood u shaqeystayaal siinayeen kuwa afgambiga qorsheynaya ee Libya,” ayuu yiri Aksoy. Ankara ayaa marar badan ugu baaqday quwadaha caalamka inay joojiyaan taageerada maleeshiyada Haftar.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelleha hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax Khasaaro geystay. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah isla markaana uu ka dhacay halka loo yaqaan Maxkamaddii hore. Dad joobjoogayaal ah ayaa laga soo xigtay in jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada isla markaana ay dadku muujiyeen cabsi badan. Inta la xaqiijiyay qaraxaas Miino waxaa ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ah waxaana jiray baaritaano ay sameeyeen ciidamada dowladda iyada oo lagusoo qabtay tiro dhalinyara ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan qaeaxaan ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku sugan qaar kamid ah baraha Kontarool iyo xaafadaha Muqdisho, ayaa bilaabay in ay lacag ka sameeyaan Bandawga saaran magaalada. Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in ciidanka ay lacag ka qaataan gaadiidka qaar ee xilliyada habeenkii socda, kuwa waqtiga Bandowga ku dhacay ee raba iney xaroodaan iyo goobaha qanacsiga qaarkood. Sidoo kale, xogta aan helnay ayaa sheegaysa in dhalinyaro badan oo la xiray lagu sii daayay lacag u dhaxeysa 10$ ilaa 15$, taas oo ah ganacsi kale oo ay booliska ka abuurteen Bandawga Muqdisho lagu soo rogay. Dadka ugu badan ee la xiray lagana qaatay lacag si loo sii daayo waxay ahaayeen kuwa lugaynaya oo ka soo baxay masaajidyo, goobo ganacsi iyo kuwa kale oo ka yimid isla magaalada socodna ku ah guryahooda. “Waxaan ka mid shaqada ka hor bandowga ayaana soo baxay, xaafadeyda oo dheer iyo gaadiid la’aan waxay dantu igu qasabtay inaa lugeeyo balse way la xiray waxaana laygu soo daayay 10$ oo baryo la socoto,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online. Arrintan ayaa la sheegay inaysan wax lug ama ogoal ah ku lahayn taliska ciidamada, balse ay tahay mid ay askarta si iskood ah u sameynayaan, ayna adag tahay in wax laga qabto Shacabka magaalada Muqdisho ayaa wajahaya dhibaatooyin kale duwan oo ay kala kulmayaan Bandowga iyadoo ay usii dheertahay shaqo la’aan iyo culeeska kale ee magaalada ka jira iyadoo lagu guda jiro bishii barakeesneed ee Ramadaan.
-
Ethiopia is imposing tighter controls at its border with Djibouti after authorities noticed an unusual spike in the number of returning nationals from the Red Sea nation. Source: Hiiraan Online
-
Mevlut Cavusoglu says Turkey ‘always stands by friendly & brotherly Somalia’ Source: Hiiraan Online
-
Somalia's international backers have welcomed a peace agreement between political rivals in the semi-autonomous Jubaland state after months of rising tensions and armed violence. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-Dhawrka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu baarayo musuq-maasuq xooggan oo la sheegay inuu ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, sida ku xusan dokumenti kasoo baxay xafiiska. Dokumentigan ayaa waxaa lagu sheegau in horey loo xiray agaasimihii Guud iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka, islamarkaana baaritaan lagu hayo dhowr qof oo kale. Eedeymaha musuq-maasuqa la xiriira ayaa waxaa ka mid ah qalab caafimaad oo loogu deeqay wasaaradda oo lasoo iibiyey ayada oo si shakhsi ah looga faa’iideysanayo. Qoraalka xafiiska hanti-dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan warqado, dokumentiyo, tikityo iyo rasiityo la qabtay oo muujinaya inay yihiin kuwa ka yimid shirkado la sheegay inay adeegyo u qabteen wasaaradda ama qalab caafimaad ka iibiyeen. Waxaa la ogaaday in lacagaha la siiyey shirkadaha iyo warqadaha qaan-sheegadka aysan is-waafqsaneyn, islamarkaana lacagta qaar la siiyey shirkado iyo shakhsiyaad gaar ah, ayada oo ay ka faa’’ideysanayaan xubno ka tirsan wasaaradda. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in la iibiyey qalab caafimaad oo deeq bixiyayaal ay ugo talo-galeen in lagula dagaalo cudurka COVID-19.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ilaa 11 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuna sugan dalka Kenya, ayaa qoraal ay soo sareen waxa ay ku bogaadiyeen taageeradii ay wakiilada beesha caalamaku u muujiyeen heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnihii Isbedel doonka ee kasoo hor jeeday. Qoraalka ay soo saareen oo ka kooban lix qodob ayey sidoo kale xubnaha ku saxiixan warqadani kusoo dhaweeyeen heshiiskii Dhuusamareeb ku dhex maray madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo madaxweynihii ka horreeyey Xaaf. “Xildhibaanadu waxay hambalyeynayaan heshiiskii siyaasadeed ee madaxdii isbedel doonka iyo madaxweynaha Jubbaland ay ku gaareen Nairobi, madaxdaas oo iyaga oo xeerinaaya marxaladaha adag ee dalku marayo, sida furuufaha amni iyo dhaqaale ee ku xeeran dadka reer Jubbaland isku tanaasulay”ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu yiri, “Xildhibaanadu waxay mahad iyo bogaadin u dirayaan saaxiibada Soomaaliya oo soo dhaweeyey heshiiskaas, kuwaas oo ay ugu horeeyaan UN, USA, EU, UK iyo Turkiga, kuwaas oo ah dowladaha sida gaarka ah xilka iskaga saaray sidii Soomaaliya ay cageheesa si buuxda isugu taagi laheyd.” Xildhibaanada soo saaray qoraalkan ayaa xukuumadda federaalka ugu baaqay inay taageerto heshiiskii madaxda isbedel doonka Jubaland iyo madaxda maamulka, kaas oo ay ku tilmaameen mid loogu turay dadka reer Jubbaland. Sidoo kale xubnahan ayaa xukuumadda federaalka uga mahad celiyey taageeradii dhaqaale ee ay u fidisay, dadkii daadadku ku waxyeeleeyeen magaalada Qardho ee Puntland, waxayna ka dalbadeen xukuumadda in gurmad loo fidiyo dadka ku nool magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo uu ku fatahay Wabiga Jubba. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
-
Waxaa soo baxayay todobaadyadi u dambeeyay ifafaalooyin muujinayay in ka hortagga caabuqa COVID-19 ay ka dhigatay dawladdeena mashruuc dhaqaale laga sameeyo, sidii gargaarradii bani’aadanimada lagu sameyn jiray, waxaa mar-qura isbeddel weyn ku yimid wasaaraddii caafimaadka oo af mooyee addima beeshay. Waxaa guryahoodi iyo xafiisyadoodi lagala baxay xubnihi horboodayay wasaaraddi caafimaadka oo agaasimayaal ka ahaa, waxaa shanqadheeda gaabisay wasiiraddi caafimaadka oo ku soo uruurtay inay uun fiidkii nala wadaagto tirakoobka caabuqa COVID-19 oo marar badan tirooyinka ay nala wadaagto ay is burinayaan, waxaa saaxada la wareegay xubno ka soo yaacay xafiisyada ra’iisal wasaaraha iyo madaxtooyada oo isbitaal martini iyo wasaaraddiiba urogay NGO ribix badan laga sameeyo. Waxaa la waayay dawrki ururkii dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo ay aheyd inuu hormuud u noqdo la dagaallanka xanuunka COVID-19, kaddib markii laga soo qaaday wax aanba jirin, xubno badan oo madax sare ka ahaane ay ka mid noqdeen dhibbanayaasha xanuunkan laga helay oo iyagiiba tirada lagu buuxsaday, cid dib usoo hadal qaaddane la waayay, waxa ayna sheekadu isugu soo biyo shubatay “Qawda maqashii waxne ha u qaban”. Martini in la qalabeeyay naloo sheeg, sariiro iyo agab kalene naloo soo sawir, waxayse su’aasheydu tahay –ka dhakhtar ahaan- yaa na hoggaamiya oo dadaalka aan sameyneyno iyo naf hurnimadeena yaa isuduwe noo ah? Ma Hareri oo xafiiska ra’iisalwasaaraha ka socda, wasaaraddane u bedelay wakaalad hoos tagta xafiiska ra’iisalwasaaraha? Mise wasaaraddi caafimaadka ee ay Dr. Fowsiyo madaxda ka aheyd? Jaalle wasiir ku aaway? Nala hadal, dadka aad hoggaamiyaha u aheyd iyo shacabka soomaaliyeedba la wadaag maxaa helay wasaaraddaada!? Maxaa ka socda isbitaal Martiini? Maxaa ka jira waxa ay dhagaheenu maqlayaan maalin kasta? Waa maxay waxa aynu aragno maalin kasta? Ma indhaheena baa been noo sheegaya? Jaalle wasiir nala hadal! Ma afkiibaa juuqda gabay? Ma dowrkaagi hoggaamineed baa lagu soo koobay warbixinta kooban ee aad fiidki nala wadaagtid? Sidaas ma raali baa ka tahay? Haddii aadan raali ka aheyn waxa aynu aragno “IS CASIL”. Jaalle wasiir nala hadal! Ma run baa in bukaannada isbitaal Martiini ku jiray korontada laga jaray ama ay ka tagtay maalinti Axadda 26/04/2020, oo ay sidaa ku neef qabatimeen 9ka bukaan ee aad nala wadaagtay inay Martiini ku dhinteen oo ku jiray qeybta xaaladaha culus (ICU)?. Wasiiraddeena sharafta leh waxa ay digniin udirtay isbitaallada gaarka loo leeyahay si aanu u qaabilin bukaannada leh calaamadaha COVID-19 oo ay Martiini usoo diraan. Go’aankaas waan kula qaadanay, balse Martiini maxaa kaga soo horreeya? Bukaanka aan la xaqiijin inuu COVID-19 qaba, xanuunno kale ne horay u qabay ma u heysaan meel xaaladdiisa lagula sii tacaalo inta natiijada laga helayo? Ehelka bukaankan sideed ugu qancineysaan inuu daryeel helayo oo dawladdeenu ka fakareyso bukaankooda? Waxaan ognahay in maalin kasta bukaanno ku dhintaan xaafadaha, qaar badan ma qabaan caabuqan, balse ehelkooda ayaa ka baqaya in Martiini loo diro, sababta baqdintaas keeneysa waan wada qiyaasi karnaa. Dadkeenu waxa ay ka aaminsanyihiin Martini meel dawladdu bukaannada ku leyso si tirada dhimashada loogu badsado, taasi waa xaqiiqda jirta maanta ee reer Muqdisho arkayaan, waxa ayna keeni doontaa in ugu dambeyn bulshada kacdoon sameyso oo dadka ehelkooda halkaa jiifa ay usoo ruqaansadaan inay bukaannadooda qasab kula baxaan; taasi waa khatarta muuqata. Wasiiraddeena sharafta leh waxaan weydiinayaa; ‘Bukaannada idiin diiwaan gashan inay caabuqan udhinteen side loo aasaa? Wasaaraddu guddi ma usaartay howshaas qabta? Marka qabriga la geeyo shaqaalaha caafimaadka ee maydka qaaday dharka iyo agabka ay wataan ama maydka loo soo xiray halkee looga takhalusaa? Wasaaradduse maka war heysaa in qabuuraha Muqdisho maalmahan ay daadsanyihiin agab caafimaad oo ay wateen shaqaalaha caafimaadka ama meydka lagu waday?’ Taasina waa khatar kale oo dahsoon. Halista uu leeyahay caabuqan COVID-19 waa mid aad u sareysa, dadkeenune uma baahna in mashruuc laga dhigto dadka naga dhimanaya maalin kasta. Halista cudurkan waxaa wax looga qaban karaa in si wadajir ah loo wajaho, qorshe iyo aragti fogne diiradda saarno, dhakhaatiirti dalkan wax usoo bartay ee aad gacmaha ka xirteene hoggaanka loo dhiibo, talo, tusaaleyn iyo fulinba, wasaaradduna ka caawiso qorsheynta, baahinta talooyinka, isuduwidda, tas-hiilaadka iyo qalabeynta looga baahanyahay goobaha loo asteeyay in lagula tacaalo xanuunkan. Maalmo ka hor waxaynu ku wada faraxnay in khabiir caafimaad Dr. Fuje loo magacaabay xilka dhakhtarka guud ee dalka, waxaa moodeynay in awood hoggaamineed la siiyay oo uu isagu noqanayo cidda hageysa adeegyada bahda caafimaadka kula dagaallamaayan COVID-19, waxaase noo soo baxday in kaalintiisu ku soo uruurtay muuqaallo wacyigelin caafimaad ah. Ditoore wacyigelinta waan kaaga mahadcelineynaa, balse waxaad sameyn kartaa adigoo xafiiskaaga jooga oo uma baahnid in xil laguu magacaabo si aad wacyigelin usameysid. Ditoore haddii aadan heysan awood buuxda oo aad ku hoggaamiso bahda caafimaadka adigoo kaashanaya ururka dhakhaatiirta si aan wadajir ugu gurmanno dadkeena dhibban yaan shaatiga lagaa wasakheyn ee IS CASIL, wacyigelintane gurigaaga ka wad!. Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane Oo aanu dooneyn inaad heshaa daa’in ebedkaaye Xafiisyada dawladda ee shaqadoodi halmaamay ee uwada tafa xeytay inay dhaadhac ka helaan dadaallada COVID-19 lagu bixinayo iyo deeqaha -afba ha u badnaadaane- meelaha kala duwan nooga imaanaya, waxa ay marin habaabinayaan dadaalladi bahda caafimaadka oo ay ka dhigayaan hal bacaad lagu lisay. Bahda caafimaadku waa naftood hurayaal meel kasta oo ay joogaan, imisaa kaga dhimatay COVID-19 imisaase u jiifta maanta? Waxaase maanta dhabarka ka toogtay dad dano gaar ah leh oo laga soo naasnuujinayo xafiisyada ugu sareeya dawladdeena. Haddaba maxaa inoo haray haddii aan dhimashada walaalaheen ku fakarno inaan lacag ka sameyno?! Laga bialabo daqiqadaha aan qoraalkan sameynayo waxaan goostay inaan joojiyo adeeggi caafimaad ee aan bulshada u hayay – ka dhakhtar ahaan-, khatar badan oo aan u bareeray inagoo aan heysan wax difaac ah kaddib, hoggaanki na horsoconlahaane dadaalkeeni meel cidla ah ka dhigay, waxa la eeganayana ay noqotay inaan mid mid usoo dhacno si aanu tirada ubuuxinno, bukanki aan u halgameynayne la dayacay, kas iyo kama’ ba, si lambarka qabyada ah loo buuxiyo, awood aan wax ku qabtane jirin waxaan goostay inaan nafteyda kala baxsado furinta hore oo aan gurigeyga iska joogo. ALLAAHUMMA HAL BALLAQTU, ALLAAHUMMA FASHHAD Waxaa Qoray: Naftii hure Dhakhtar caafimaad ah
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa si yaab leh uga hadlay tabashooyinka ay qabaan beelaha dega gobolada Awdal, kuwaasi oo dhowr jeer ka deyriyay saami-qeybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland, oo doorashadoodii dib loo dhigay. Cabdiraxmaan Saylici ayaa tabashooyinkaasi ku sheegay kuwo ‘ka bad-badis ah’, oo ay Mucaaridku ku xumeynayaan xukuumada talada Somaliland haysa ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku-xigeenku. Saylici ayaa sheegay in uu dadaal badan u galay in xukuumadihii Kulmiye ee ku tirsanaa uu horkeeno bulshada Awdal, si ay tabashooyinkaasi uu ku sheegay ka bad-badiska ay uga wada-hadlaan, isagoona carabka ku adkeeyay in wax laga qabtay inta badan tabashooyinkii ay hore u qabeen beelahaasi, walow ilaa hadda la sheego in wax buuran laga qaban. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu Mucaaridnimo fogaatay ku tilmaamay Jabhadaha ka abuurma tabashooyinka ay xukuumadu waxba ka qaban weydo, kuwaasi oo uu ka Mas’uul ahaan u arko wax ka baxsan xayndaabka tabashada, isla markaana ay shaqsiyaad gaar ah ku rabaan in la kala gooyo dal aan kala qeybsam karin, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Cabashooyinkaasi marka la isku yimaaddo ee la wada-hadlo ee Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaan loo wada-hadlo wax wax laga soo qaadi karaa wuu jiraa, wax ka badbadis ahina wuu ku jiraa, taasi oo u badan Mucaaradad ku xumee ah” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. “Anigu muddadii 7-sano ahayd ee aan la shaqaynayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar walba ku dedaalayey in aanay gacan ka hadal ka gaadhin, Dadka reer Awdalna waxay tabanayaan ay mar walba Xukuumaddooda kala hadlaan, wayna dhacday oo ururin faro badan baan sameeyay anigoo mar walba ku soo koobaya in aanay Dadkaasi ka bixin Xadka Somaliland iyo wixii Ummaddani ku heshiisay, oo aan mar walba horkeeno Madaxweynaha iyo Xukuumaddii markaa jirtay oo laga wada-hadlo, way jirtay marar badan oo waxyaabihii ay tabanayeen qaybo ka mid ah wax laga qabtay, wax ka mid ah Tabashadaa oo aan badnayna imika way jirtaa”. Wuxuuna intaas sii raaciyey Saylici “In Jabhado la sameeyaa waa wax Tabasho ka badan oo Mucaaradnimo la gashay, Dadka qaarkoodna waxay dabada ula gashay wax ka ballaadhan (Jabhadnimo) oo halkan aanan ka faahfaahin karayn”. “Siyaasad ka baxsan Somaliland, Dad ay Maskaxdooda ku jirto Itoobiya oo dabada ka geliyo, Gobol gaar loo goosto, waxaas oo Tabashadii ka siyaado ah iyo waxaan Qarankan ka suurto-geli Karin, Waayo? Qarankani waa Qaran jira, Dalka Cid kala goyn kartaana ma jirto, wixii Waaqiciga ahaa markii laga wada-hadlayna waalla dhameeyay”. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxa lagaga dhawaaqayey Jabhado ka dhan ah maamulkooda, kuwaasi oo ujeedkooda inta badan lagu sheego in xukuumadu waxba ka qaban weyday tabashooyinka ay ka tirsanayaan, midaasina ay sababtay inay xaqooda ku dhacsadaan qori caaradii, waa sida ay aaminsan-yihiine.
-
3 Khudaarood oo afurka u wanaagsan W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar) Walaalahayaga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho caafimaadkeenaan u fiican. 1.Muuska Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka. 2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka. 3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS. Sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay hadad sharaab ka samayso iyo hadaad sidisa u cuntaba. 2.Xabxabka ama qaraha Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa’ido u leh jidhka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% in uu biyo maarmayn, saas oo ay tahayna waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan. Waxaa kaloo xabxabka ku jiro macdanta bootaashiyamta oo unug walba oo jidhka ka mid ah uu u baahan yahay. Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed waxa uu u wanaagsan yahay afurka qofka sooman. 3. shamaamka Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku 1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka shayo aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus, ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta xanuunka dhiig la’aanta (Anemia). 2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus 3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium, ayuu wuxuu gargaara Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah. 4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo xanuunka Babaasiirta, Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com Qaran News
-
Popular Contributors
