-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad marka loo yaabo in la qabsado waa MARKA: 1. Wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo ugu adeegaya danaha cadowga san-dareerto yar awgeed. 3. Madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur. 4. Ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada si aan looga hortegin halis qaran oo soo fool leh. 5. Wadaninimo-xumada iyo damiir la’aanta Somalida ay gayaysiiso in cadowga jiritaankeeda lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Aby Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Aby Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Mid kalena waxaa uu yidhi: “Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Riyo Cadaaweed 500 Sano Jirta Ma Rumowdo. Ibrahim Hassan Gagale – Waxaad kala xiriiri kartaa ibrahim_hg@yahoo.com #Mayahaldal #Mayahalcalan #Mayahaldawlad #Mayahalpassport AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Washington (Caasimada Online) – Dalalka carbeed ee Khaliijka waa in ay tixgeliyaan xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka marka ay la macaamilayaan Shiinaha, waxaa sidaas ku hanjabay sarkaal Maraykan ah iyadoo ay soo baxayso xiisad u dhaxaysa Washington iyo Beijing oo salka ku haysa safmareenka Coronavirus. Dalalka Carbeed ee gacanka waxa ay xiriir wanaagsan la yeesheen Shiinaha iyagoo xiriir wanaagsan la leh Maraykanka, islamarkaana raadinaya hanti iyo technology-yad ay faa’iido badan ku sameeyaan. “Dalalka Carbeed waa in ay qiimeeyaan saaxiibtinimadooda Maraykanka” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka David Schenker. Madaxweyne Donald Trump ayaa xukuumadda Beijing ku eedeeyay faafista xanuunka Coronavirus, waxaana uu sheegay in maamulkiisu uu fulin doono ciqaab ka dhan Shiinaha. Saraakiil dhowr ah oo kasoo jeeda dalalka gacanka ayaa amaanay sida uu Shiinuhu u xakameeyay Coronavirus, kaasi oo markii hore kasoo billowday magaaladda Wuhan ee Shiinaha. Diblomaasiga sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in dalalka gobolku looga baahan yahay in ay ka walwalaan kaalmada Shiinaha, taas oo uu ku sheegay “dhiig-miirasho.” Schenker ayaa sheegay in uu jiro walaac ku saabsan in dalalka gobolku ka qayb qaataan shirkadda Huawei oo gacanka ka dhiseeysa adeega Internet-ka ee 5G. Maraykanku waxaa uu halkaas ku leeyahay Saldhigga ugu weyn ee Bariga dhexe. Taasi waxaa ay Ciidanka Maraykanka iyo kuwa gacanka ku adkeyneysa in ay wada xiriiraan. Maraykanka ayaa in muddo ah waxaa uu beegsanayay Huawei, taasi oo uu u arko ay ledahay Dowladda Shiinaha. Shiinaha iyo Shirkadduba waa ay beeniyeen in wax xiriir ah uu ka dhexeyo.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanka Xananbuure ee waqooyiga magaalada Dhuusamareeb maanta waxaa la isku soo hor fariisiyey laba beelood oo ay kasoo kala jeedeen maleeshiyo dhawaan ku dagaalantay deegaanka Qalaanqalle oo u dhaw Xananbuure. Labada beelood ee maanta la isugu keenay gogosha dib u heshiisiinta ayaa kala dega magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxuuna dagaalka dhex maray salka ku hayey dhul daaqsimeed. Kulankaas waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka kala socday Galmudug iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyeyaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb, oo sida la sheegay dadaalka ugu badan ku bixiyey in la isku keeno labada beelood. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulankaas dib u heshiisiinta ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in kulankaasi uu soo dhamaaday is afgarad. “Waxaa guul iyo is afgarad noogu soo dhamaaday galabta gogol dib u heshiisiin oo aan dhignay deegaanka Xananbuure ee dowlad goboleedka Galmudug. Galmudug maanta kadib uma baahna khilaaf iyo colaad dhiig dambe ku daato” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mahad Salaad. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa qaban qaabadii kulankaas loo qabtay labad beelood uga mahad celiyey xukuumadda Galmudug iyo guddoomiyeyaasha magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug. “Waxaan halkaan mahad balaaran uga jeedinayaa Madaxweynaha Galmudug, Golihiisa Wasiirada, Gudoomiyeyaalka degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, Odoyaasha Dhaqanka iyo cid waliba oo gacan ka geysatay dhameynta shaqaaqadii deegaankaas ka dhacday maalmo kahor” ayuu sii raaciyey qoraalkiisa.
-
Boorama (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Boorama, ayaa ka hadlay muran baahsan oo ka taagan dhul la sheegay inuu si xoog ah ku qaadanayo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici. Badhasaabka ayaa sheegay in dhulkaasi oo ku yaala buurta Faaraxyood ee magaalada Boorama ay yihiin dhul dan-guud ah oo ay ugu deeqeen qolo Hay’add ah oo ka dhisaysa Xarun lagu hayo Agoonta. Sidoo kale waxa uu sheegay Badhasaabku in dadkii ku doodayay dhulkaasi ay is arkeen, balse ay warbaahinta u sheegen wax ay isla ogeyn, kuwaasi oo Madaxweyne kuxigeenka ku eedeyay inuu awood dowladeed kala wareegayo dhulkaasi. Badhasaabka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Saylici lagula xiriiriyay dhulkaasi oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogani, iyada oo dhawaan ay warbaahinta kasoo muuqdeen qoysas danyar ah oo sheegayey in si qasab ah looga qaadayo dhulkooda. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan dhaleeceyn loogu jeediya arrimo la xiriira dhulka, xili ay isasoo tarayaan dad badan oo ku doodaya in dhulkooda ay si xoog ah uga qaadanayaan Madaxda ugu sareysa Somaliland, sida Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Egypt: International Monetary Fund (IMF) Executive Board approves US$ 2.772 Billion in Emergency Support to Egypt to address the COVID-19 Pandemic Pandemic and global shock pose an immediate and severe economic disruption that could negatively impact Egypt’s hard-won macroeconomic stability WASHINGTON D.C., United States of America, May 11, 2020/ — The Executive Board of the IMF approved Egypt’s request for emergency financial assistance of US$ 2.772 billion to meet the urgent balance of payments needs stemming from the outbreak of the COVID-19 pandemic; the pandemic and global shock pose an immediate and severe economic disruption that could negatively impact Egypt’s hard-won macroeconomic stability if not addressed; the RFI will help alleviate pressing financing needs, including for health, social protection, and supporting the most impacted sectors and vulnerable groups. The Executive Board of the International Monetary Fund (IMF) approved Egypt’s request for emergency financial assistance of SDR 2,037.1 million (US$ 2.772 billion, 100 percent of quota) under the Rapid Financing Instrument (RFI) to meet the urgent balance of payments needs stemming from the outbreak of the COVID-19 pandemic. Purchase under the RFI entails exceptional access due to outstanding credit under the previous extended arrangement under the Extended Fund Facility. Egypt achieved a remarkable turnaround prior to the COVID-19 shock, carrying out a successful economic reform program supported by the IMF’s Extended Fund Facility (EFF) to correct large external and domestic imbalances. The pandemic and global shock pose an immediate and severe economic disruption that could negatively impact Egypt’s hard-won macroeconomic stability if not addressed. The authorities have launched a comprehensive package to contain the economic impact of the COVID-19 shock. The RFI will help alleviate some of the most pressing financing needs, including for spending on health, social protection, and supporting the most impacted sectors and vulnerable groups. The IMF remains closely engaged with the Egyptian government and the Central Bank of Egypt and stands ready to provide policy advice and further support, as needed. Following the Executive Board discussion, Mr. Geoffrey Okamoto, First Deputy Managing Director and acting Chair, made the following statement: “The COVID-19 pandemic has drastically disrupted people’s lives, livelihoods, and economic conditions in Egypt. The global shock has resulted in a tourism standstill, significant capital flight, and a slowdown in remittances, resulting in an urgent balance of payments need. “The Government of Egypt has responded to the crisis with a comprehensive package aimed at tackling the health emergency and supporting economic activity. The authorities acted swiftly to allocate resources to the health sector, provide targeted support to the most severely impacted sectors, and expand social safety net programs to protect the most vulnerable. Similarly, the Central Bank of Egypt adopted a broad set of measures, including lowering the policy rate and postponing repayments of existing credit facilities. “Emergency support under the Rapid Financing Instrument will help limit the decline in international reserves and provide financing to the budget for targeted and temporary spending, aimed at containing and mitigating the economic impact of the pandemic. The authorities are committed to full transparency and accountability on crisis-related spending including through publishing information on procurement plans and awarded contracts, as well as ex-post audits of such spending “Additional expeditious support from multilateral and bilateral creditors will be needed to close the remaining balance of payments gap, ease the adjustment burden, and preserve Egypt’s hard-won macroeconomic stability. “As the crisis abates, measures to lower the debt level would need to resume along with continued implementation of structural reforms to increase the role of the private sector to achieve higher and inclusive private sector-led growth and job creation, unlocking Egypt’s growth potential and entrenching resilience.” Distributed by APO Group on behalf of International Monetary Fund (IMF). SOURCE International Monetary Fund (IMF) Qaran News
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa/Middle East: UNHCR urges sustained support to protect world’s forcibly displaced from “devastating” impact of coronavirus Across the Middle East and Africa, hundreds of thousands of refugees have asked for urgent financial assistance to cover their daily existential needs since lockdowns GENEVA, Switzerland, May 11, 2020/ — UNHCR, the UN Refugee Agency, is seeking US$745 million as it races to prepare for and prevent outbreaks of COVID-19 among refugees and other displaced populations around the globe. This is UNHCR’s portion of the revised UN Global Humanitarian Response Plan appealing for US$6.7 billion, launched last Thursday. Based on the latest assessments of global needs to curb the impact of the pandemic among forcibly displaced, it is an upward revision of the initial US$255 million sought in the earlier appeal for UNHCR on 25 March. With coronavirus now present in every country, including those that host large refugee and displaced populations, the world’s 71 million refugees and forcibly displaced people are among the most exposed and vulnerable to the threat of the virus. While no outbreaks have so far been reported in large refugee and IDP settlements, UNHCR is rapidly responding in 134 refugee-hosting countries that are reporting local transmission. “The pandemic is inflicting deep wounds across the world, particularly for women and the elderly. For people who fled wars and persecution, the impact on their mostly hand-to-mouth existence and on their hosts has been devastating,” said UN High Commissioner for Refugees Filippo Grandi. “Together with our NGO partners, the UN is determined to stay the course and deliver for people forced to flee and their hosts, to ensure their inclusion in public health responses and access to social safety nets.” As of today, the coronavirus has infected more than four million people globally, and claimed nearly 280,000 lives. As the disease is not expected to peak in the world’s poorest countries for another three to six months, UNHCR teams around the world are preparing fast – and bracing for the worst. The evidence of deep and hard-hitting economic impact of the crisis on refugees is overwhelming. Across the Middle East and Africa, hundreds of thousands of refugees have asked for urgent financial assistance to cover their daily existential needs since lockdowns and other public health measures came into force in many countries in March. In Lebanon, which was facing an economic downturn even before the pandemic, over half of the refugees surveyed by UNHCR in late April reported having lost livelihoods such as daily labour. Among the refugees consulted, 70 per cent reported that they had to skip meals. The impact on refugee women is profound, with almost all who were working saying they had seen their income source disrupted. UNHCR is worried that the loss of daily wages and livelihoods can result in psycho-social hardship. In Jordan, partners report a significant rise in mental health and psycho-social consultations since March. Groups at a particular risk of poverty and exploitation include female heads of households, unaccompanied and separated children, older people and LGBTI people. Their situation can be improved through emergency assistance, notably through emergency cash grants. Thanks to prompt and generous contributions from government and private supporters, UNHCR quickly ramped up its coronavirus response. In a matter of weeks, UNHCR procured and delivered to field operations more than 6.4 million face masks, 850,000 gowns, 3,600 oxygen concentrators, 640 ventilators, over 1,600 housing units and 50 hospital tents. In addition, six tonnes of personal protection equipment (PPE) and medical supplies have been airlifted and US$30 million COVID-19 related cash assistance has been distributed in 65 countries. The funds will help UNHCR further strengthen national health and sanitation systems through increased provision of personal protective equipment, medicine, soap and other hygiene supplies. UNHCR is also working to: ramp up cash assistance for the most vulnerable refugee families experiencing economic shocks; improve shelters in crowded settlements to prevent human-to-human transmission; and provide multiple months’ supplies of aid and sanitation items during distributions that maintain physical distancing recommendations. Funds will also ensure UNHCR can scale up its protection and assistance, including child protection and sexual and gender-based violence services. UNHCR is urgently adapting life-saving protection programmes for survivors of violence and advocating to ensure that health, psycho-social support and safety services are designated as essential and remain accessible to refugees and the forcibly displaced. Over eighty per cent of the world’s refugees and nearly all of the world’s internally displaced people are hosted in low- to middle-income countries, some of them hit hard by conflict, hunger, poverty and disease. Many of the forcibly displaced are in camps or densely populated urban areas, often living in inadequate conditions with limited, fragile public health, sanitation facilities and social protection systems. Consequently, UNHCR is prioritizing preparedness and prevention measures to curb the threat of the pandemic. These are critical measures for avoiding a higher fatality rate among refugees and displaced populations due to often overcrowded living conditions and limited health and water and sanitation infrastructure. The funds requested within UNHCR’s revised COVID-19 appeal are to cover UNHCR’s budgetary needs to respond to coronavirus until the end of the year. UNHCR is grateful to those donors who have already contributed vital funding. Early support from the United States of America, Germany, the European Union, the United Kingdom, Japan, Denmark, Canada, Ireland, Sony Corporation, Sweden, Finland, Norway and Australia, as well as from individual private donors from across the world, allowed us to scale up activities globally. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somali National Army (SNA) on Monday killed three al-Shabab militants in an operation in the southern region of Middle Juba, a military officer said. Source: Hiiraan Online
-
Roma (Caasimada Online) – Silvia Romano, oo kadib markii ay sii daayeen Al-Shabaab oo ay ku laabatay Talyaaniga shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay, ayaa sidoo kale wareysi lala yeeshay ku sheegtay magaca cusub oo ay la baxday. Silvia ayaa waxay sheegtay inay dooratay magaca Caa’isha, oo ah magacii xaaskii rasuulka NNKH ee Caa’isha Bint Abu Bakar. “Qur’aanka ayaan aqriyey, waan duceystay muddo ayaan ka fakarayey, ugu dambeyntiina waxaan qaatay go’aankayga,” ayey tiri Silvia. Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo aan lagu qasbin. Silvia ayaa intaas ku dartay in hooyadeed iyo qoyskeeda ay si buuxda ugala hadli doonto arrintan, islamarkaana ay u sharxi doonto go’aankeeda. “Wax walba waan idiin sharxi doonaa,” ayey tiri Silvia. Warbaahinta iyo dadka Talyaaniga qaarkood ayaa rumeysan in muddadii la haystay ay maskaxdeeda wax u dhimeen, sidaas darteedna go’aankeeda laga yaabo inuu yahay mid sidaas ka dhashay, waxayna sheegeen in hadda oo Talyaaniga ay joogto la ogaan doono go’aankeeda rasmiga ah kadib marka ay nasato. Silvia ayaa dhinaca kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama xiriir ah oo ay la sameysay kuwii haystay, sida warbaahinta qaar ay ku xamaneysay. “Ma jirin wax guur ama xiriir ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tiri Silvia Romano. Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga, ayada oo laga bixiyey lacag madax furasho ah. Halkan ka aqri habka loo sii daayey.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 11 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 11, 2020/ — New cases: 11 Active cases: 138 Critical: 0 New recovered: 6 Total recovered: 105 New deaths: 0 Total deaths: 5 Total cases: 250 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Qofka Hacooga Ah iyo Dawladaha Dangorodlahu Waxay Wadahadalada u Fahmeed In Soomaalidii Talyaanigu Gumaysan Jiray Afti Ka Dhiibato Masiirka iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland. Waxaynu sagaal sano ku jirnay arrin jahawareer abuurtaiy, oo qof waliba sida uu jeclaado u macnaysto, dadka qaarkoodna malafsi iyo hunguri ka raadiyaan.Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxuu noqday mashruuc lagu jahawareerinayo shacbiga Somailand, qaybna ay ka yihiin xukuumadihii somaliland ee Siiraanyo iyo Biixi. Somaliland waxay maamulka xamar u furtay waddo aanay weligood hawaysan, oo ah in ay maanta ku doodaan masiirka iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland ayaanu talo iyo afti ku yeelanaynaa, oo ay tahay in wax nalaga weyddiiyo in Somaliland midawgii ay nala gashay inay ka noqon karaan iyo in kale. Dastuurka Somaliland waxuu xaaraan ka dhigayaa in cid kale sheegato xuduudaheeda. Dastuurka Somaliland waxuu dedaafaynayaa oo aanu marna aqoonsanayn maamulka xamar iyo dastuurkooda. Xukuumadda Somaliland waxaa saaran waajib ah, inaanay ku magacaabin dawlad maamulka xamar, haddiiba Dastuurka Somaliland caddeeyay inuu maamul xaaraana yahay. Adduunka oo dhami hadduu aqoonsado, marna ma noqon karaan dawlad ilaa Somaliland ay is aqoonsadaan. Inaga aiyaa maamulla dhulka ay sheeganayaan, iyo dawladda ay sheeganayaan. cid ay kala xaajoon karto nabada xuduudaha oo aan Somaliland ahaynina ma jirto. Yuhuudda adduunka oo dhan ayaa aqoonsan, waxay ilaa maanta waxay dawladaha waaweyn ka baryaan, in falastiin lagu cadaadiyo inay yuhuudda aqoonsato. Ninka ku colaadin kara ayaa ku caawin kara, ee dawlado shisheeiye waxba kuu tari makaraan. Shacbiga Somaliland waa kii lixdankii afti iyo rabitaan codkooda ka tarjumayada ay kula midoobeen soomaalidii talyaaniga xornimada ka qaadatay, kow iyo sagaashankiina iyagaa masiirkooda afti iyo rabitaankooda ku go’aansaday inay ka baxaan midawgii ay la galeen soomaalidii talyaaniga ka xorowday. Waxaa la iyaab leh in maamulka xamar iska dhaadhiciyo in shacbiga muqdisho afti ka bixiyo masiirka iyo rabitaanka shacbiga Somaliland. Maamulka xamar meella uma soo maro, talona kuma yeelan karo in Somaliland go’do iyo inkale. Xukuumadda Somaliland ee talda haysaa waxay raacaysaa rabitaankii shacbigu aftida ku go’aansaday inay inay ka baxaan midawgii ay la galeen soomaaliya, ayna noqdaan Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sifaiysan dawalddii xornimada qaadatay 26kii Juun 1960. Wada hadalka Somaliland iyoSoomaaliya waxuu ku egyahay Somaliland shacbigeedu iyagaa masiirkooda ka tashaday, wax xamar iyo shacbigeeda laga wayddinayo, ama afti ay ka dhiiban karaan masiirka Somaliland ma jir, xaqna uma laha. Somalidu waxay ku maahmaahdaa haani gunbay ka tolantaa. Wadahadalkaa guntiisuna waxuu yahay maanta laba calan ayaynu kala leenahay, ee ma ta san baynu ka eegnaa oo laba dal oo walaalo ah aiyay noqonaa, mise ta xun ee aiy xamar jeceshahay ayaynu qaadanaa oo inaga oo col daahii go’ay ayaynu ku kala baxnaa. Golaha xildhibaanada Somaliland iyaga ayaa dabarka ka furay arrintaa wada hadalka, iyagaana looga fadhiyaa inay shir isugu yimaaddaan oo wax iska wayddiiyaan wadahadalkii ay ansixiyeen ee sagaalka sano ka soo wareegtay, maxaa ka qabsoomay ma lagu khasaaray, mase loo baahan yahay in afka laga daboolo, oo colaadda xamar ay raadinayso lala wado. Waxaan qabaa haddii aynu colaadda xamar mid la mid ah qaadano, inaynu ka faaiidayno, oo aynu kaga maarmaoyno wakhtigaa maaweelada inagaga khasaaraya, ee aynu dad markii ay tashan kari waayeen gaal iyo islaam, iyo madaw iyo caddaan cid waliba ku daashay, oo caqliga biddeha leh oo aan ismaamuli karin , oo wada noqday maafiyo iyo tuug aynu wanaag ka eegayno. .cadaawadda iyo hagardaamada maamulka xamar uu ku hayo Jicritaanka Qaranimada Somaliland, waxa loo baahan yahay in shacbiga iyo xukuumadda Somaliland cadaawad iyo colaad lamida qaataan, oo xamar loogu geeyo dhibaatada iyo balaayada ay Somaliland la rabaan. Kuwa Somaliland u dhashay ee ay ku adeegtaana ee caddaiymahooda dembiyada ay galeen warbaahinta ay ka buuxaana maxkamad milatari lagu xukumo iyaga oo maqan si loosoo qabto. Ninka aan waxa jooga garani waxa soo socdana ma garto. Ahmed Yousuf Jicsin@hotmail.com London U.K Qaran News
-
Laga soo bilaabo 1981-kii, haddii uu qof Isaaq ahi u baahdo inuu lacag ka amaahdo bangigii Soomaaliya, shardiga laga rabay wuxuu ahaa inuu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn. Isla kolka uu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn ayaa loo oggolaanayay inuu lacagtaas amaahdo (HRW, A government at war with its own people, bogga 83aad). Isla warbixintan kore waxa lagu xusay ganacsade kasta oo Isaaq ah oo u baahda inuu dibadda u dhoofiyo badeecad, in lagu waajibinayay inuu soo kaxaysto qof aan Isaaq ahayn, si uu u helo liisanka dhoofinta. Dabcan waa bahdilaad iyo cunaqabatayn wada-socda. Warbixintani waxay xustay in ugu dambayn bishii Feebarwari ee sannadkii 1982-kii Isaaqa laga xayiray ganacsigii ay dibadda kala soo degi jireen iyada oo loo isticmaalayo nidaam ay ula baxeen LC (Letter of Credit). Maalin qudha, iyada oo aan la sii sheegin ayay dawladdu la wareegtay maraakiib u rarnayd ganacsato Isaaq ah, hantida saarnayda waxa lagu qiyaasay 300 milyan oo shilling oo xilligaas u dhigmaysay 50 milyan oo Doollar (ibid, bogga 35aad) Taliskii Siyaad Barre kolkii uu gacanta ku qabtay raashinkii iyo badeecadahii aasaasiga u ahaa nolosha dadka, waxay u qoondaysay in lagu iibiyo goobo cayiman oo ay dawladdu calmatay. Waxa la gaadhay heer safaf dhaadheer loo galo si uu qofku u soo iibsado cunto kooban oo uu wakhti kooban isticmaalo, wakhti kooban ka dibna uu kuyuugii ku soo noqdo. Xiitaa rubuc daqiiq ah qofku ma uu heli karayn qofku haddii aanu kuyuugaas gelin. Waxa cidhiidhi la galiyay noloshii caadiga ahayd, iyo raashinkii daruuriga ahaa. Waxa kale oo warbixintan lagu xusay in marka ay doonaan ciidanku iska iman jireen meheradaha wax lagu iibiyo, waxa ay doonaanna ka qaadan jireen iyaga oo aan wax lacag ah bixin. Mararka qaar, waxay siin jireen lacag aad uga yar qiimaha uu shaygu taagan yahay, haddii uu qofka meheradda haystaa hadal ka keenana waxay ku eedayn jireen inuu sicir-barar abuurayo. Waxa ka sii darnayd in Saraakiisha sarsare ay kolka ay doonaan iska geli jireen meheradaha, ka dibna ay mulkiilaha ku qasbi jireen inuu faa’iidadiisa wax ka siiyo, haddii uu diidana xabsi loo taxaabi jiray (Ibid, page 85). Isla warbixintan waxaa lagu xusay in ganacsatadii weli ganacsigoodu sii shaqaynayay ay laba midkood uun noqdeen: ganacsade dhaqaale badan haysta oo laaluush badan bixiya, iyo mid basaas u noqda dawladda oo xog u gudbiya. Ganacsade Maxamed Ismaaciil Kaahin oo bishii Julaay 6, 1989-kii waraysi lagaga qaaday dalka Ingiriiska, wuxuu sheegay in mar uu alaab dibadda uga soo degtay ka doontay dekedda Berbera la weydiiyay lacag u dhaxaysa 1 – 1.5 milyan oo shilling oo ahayd lacag ka baxsan tii cashuurta, kolkii uu qoladii dawladda weydiiyay halka ay lacagtaasi ka timidna, waxa loo sheegay inuu yahay Isaaq (Ibid, page 84). Ganacsadahani wuxuu sheegay in qof kasta oo laaluushkaas xoogga ah bixin waaya lagu shaambadayn jiray inuu dalka keenay alaab koontarabaan ah oo lagala wareegi jiray, isla kolkaasna ay kuwa magaca dawladnimo ku qaatay ay suuqa ku soo iibin jireen. Warqaddii ay warbaahinta caalamku u bixisay “Death letter” ee uu Dhagarqabe Moorgan u diray Soddoggii Afweyne bishii Jeenawari 23, 1987-kii, waxa ku qornayd in idil ahaan beesha Isaaqa lagala wareego hantida, laguna wareejiyo reeraha kale. In la xayiro akoonada Isaaqu ay bangiga ku leeyihiin, in la burburiyo ganacsiyada ay Isaaqu leeyihiin, in la dumiyo barkadaha ay biyaha ka cabbaan dadka iyo xoolaha reer miyiga ahi. (tixraaca warqadda: TQB26/XKT/28-5/6/87 Taariikh: 23/01/87). Warqaddan, illaa immika waa laga soo heli karaa arkiifiyada Villa Wardhiiglay. Duminta barkadaha iyo gumaadka xoolaha nool, waxa barbar socday in la xayiray idil ahaan xoolihii la dhoofi jiray dekadda Berbera. Dhoofka xooluhu 80% ayuu ka ahaa Soomaaliya waxay dibadda u dhoofiso oo dhan, halka 60% uu shaqa-abuur dadka u ahaa. Sida oo kale, Dhaqaalaha Woqooyigu 90% wuxuu ku tiirsanaa dhoofinta xoolahaas. (HRW, A government at war with its own people, page 87). Qofka reer miyiga ah waxa loo diidi jiray inuu barkadda uu isagu dhistay wax biyo ah ka cabbo. Wacays Aw Xassan ayaa barkad uu lacag badan ku bixiyay ka dhistay Waraabeeye oo u dhaw Burco bilowgii 1988-kii, isla kolkii uu sidaas gacanta uga qaaday ayay ciidanku kala wareegeen barkaddiisii, kolkii uu ka codsaday in loo oggolaado inuu wax uun biyo ka cabbana waa la xidhay, illaa iyo ay qoyskiisii xoolo bixiyeenna lama soo dayn (ibid, page 93) Yuusuf Xuseen wuxuu sheegay in walaalkii oo barkad lahaa aanu toddoba gu’ wax biyo ah ka cabbbin oo ay ciidanku ka qaadeen, 180 barkadood oo deegaankaas ku yaallana ay in yar uun dadku wax ka cabbi karayeen (ibid, page 93). In xoolaha iyo dadka loo diido inay biyaha cabbaan, waa ku talagal badheedh ah inay harraad u dhintaan, dabcanna waa hab kale oo dhaqaalaha Isaaqa loola dagaallamayay. Waxa si toos ah Isaaqa looga xayiray inay fursadaha shaqo, ganacsi, mashaariic iyo dhaqaale ula sinnaadaan reeraha kale (Ibid, page 83). Shaqooyinkii sarsare, kuwii dawladda, iyo shaqo kasta oo macne lahaydba waxaa kooto loogu xidhay cid aan Isaaq ahayn. Waxa la gaadhsiiyay in muwaadin aqoon sare lihi uu bilaa camal u ahaado haybtiisa awgeed, qoxoonti aan waxna qori karin, waxna akhriyin karinna uu shaqo sare haysto haybtiisa awgeed. Warbixintaasi waxay xustay, in qoxoontigii ka soo barakacay dagaalkii 1977-kii qofka ugu musharka yari uu qaadan jiray 1,300 oo shilling, ugu badnaanna uu qaadan jiray 3,000 oo shilling. Halka dadka deegaanka ku ah magaalada ay qoxoontiga ku yihiin ka ugu mushaharka sarreeyaa uu qaadan jiray 500 oo shilling. Waxa kale oo uu Moorgan isla warqaddaas kore ugu sheegay Soddoggiisii uu daacadda u ahaa in magaalada Hargeysa ay ka shaqeeyaan 337 gaadiidka basaska ah. Moorgan wuxuu ku dardaarmay in basaskaas lagu soo reebo 80 bas oo qudha, inta kalena ciidanku la wareegaan oo qoriyo la saaro. Kulankii ay guurtida Isaaqa ahi la yeesheen Afweyne sannadkii 1982-kii, waxay ku xuseen in aan hal warshadna laga dhisin Gobollada Woqooyiga intii uu Afweyne dalka haystay. Odayashaasi waxay tiriyeen toban warshadood oo Koonfur laga dhisay kaliya intii uu Afweyne dalka haystay. Waxa kale oo ay sheegeen intii ay Soomaaliya jirtay oo dhan in hal warshad oo qudha laga dhisay Gobollada Woqooyi oo ahayd ta Laasqoray, dabcanna waxa dhisay xukuumadihii rayidka ahaa. (Elders memorandum, page 4 – 5) Sida ku qoran kaydka ka hadhay kulankii ay odayaashaasi la yeesheen Afweyne, waxay xuseen in aan hal mashruuc oo beeraha lagu horumarinayo laga fulin Gobollada Woqooyi, halka isla kolkaas ay Koonfur ka socdeen mashruucyo kor u dhaafay hal bilyan oo doollar (Ibid, page 36). Odayaashaasi waxay hor dhigeen Afweyne in aan wax waddo ah laga dhisin Woqooyiga, in aan hal mashruuc oo shaqa-abuur ah loo samayn. Waxay caddeeyeen in xilligii gumeysigu uu kaga fiicnaa shaqa-abuurka (Ibid, page 36), isla wakhtigaas, Koonfur mashruucyada shaqa-abuurka ee laga fuliyay waxay gaadhsiisnaayeen halkii ugu sarraysay. Waxa kale oo isla warbixintaas HRW lagu xusay in Reer Miyiga Isaaqa ah kolka ay xoolaha keenayaan magaalada ay soo mari jireen bar-kaantaroollo badan (checkpoints), isla halkaas ayaa inta badan xoolahooga xoogga lagaga la wareegi jiray iyada oo lagu eedaynayo inay SNM lacagta siinayaan, ka dibna ciidanka ayaa dib u iibsan jiray xoolaha. Haddii aan qofkaas reer miyiga ah laga qaadin wuxuu sito, waxa la saari jiray cashuur ka badan inta laga soo siiyay. Waxa si isku mid ah cashuur laban-laaban oo inta la doono la iska kordhisto loo saari jiray xoolaha, caanaha, subagga, haragga iyo wax kasta oo ay magaalada u iib keenaanba. Xoolaha oo kaliya ma ay ahayn waxa ay ciidanku xoogga ku qaadan jireen, waxa la mid ahaa dhuxusha, looxaanta, nuuradda iyo wax kasta oo faa’iido lehba si isku mid ah ayay ciidanku u boobi jireen. Runtii waxay ahaayeen budhcad isu baxday oo shaadh dawladeed soo xidhatay. Dagaalka dhaqaalaha xiitaa waxa aan ka nabadgalin dumarkii caanaha iibin jiray iyo kuwii sharaabka shiidi jiray. Safiya Cali Mataan oo ay hay’adda HRW waraysi kula yeelatay Landhan, bishii Ogos 17, 1989-kii, waxay sheegtay in dumarka caanaha iibiya iyo kuwa sharaabka ridqa maalin walba laga qaadi jiray cashuur 10 shilling ah, halka lixdii biloodna ay ka bixin jireen cashuur 3,000 oo shilling ah (500 oo doollar ayay u dhigmaysay xilligaas). Warbixintu waxay sheegtay in aan cashuurtan laga qaadi jirin dadka aan Isaaqa ahayn (Ibid, bogga 85aad). Ka warran qof caano iibiya oo laga sugayo inuu $500 cashuur ahaan u bixiyo? Isaaqa Woqooyiga jooga oo qudha kuma uu koobnayn dhibkani, waxa la mid ahaa idil ahaan Isaaqii joogay Soomaaliya. Xaashi Afboor oo Muqdisho ku noolaa ayaa gu’gii 1986-kii u baahday inuu akoonkiisa lacag kala baxo, waxaa si toos looga gooyay lacagtiisii qayb ka mid ah, kolkii uu sababta weydiiyayna waxaa loo sheegay in ganacsiyo loogu abuuray afar nin oo aan Isaaq ahayn. (Ibid, page 85) Inkasta oo uu qaadku yahay geed aan fiicnayn, haddana xayiraaddii ay xukuumadda Afweyne ku soo rogtay 1983-kii ujeeddadeedu ma ay ahayn inay ugu danayso dadka, ujeedku wuxuu ahaa in lagu dumiyo dhaqaalaha qoysas badan oo qaadka laga biilin jiray, dabcanna way dhacday oo qoysas badan ayaa quutal-daruurigii ku adkaaday. Sida ay warbixintu xustay, iibintii qaadka waxa la wareegtay ciidamada qudhooda, iyaga ayaana sameeyay suuq madow oo ay aad uga lacagaysteen. Ciidanka ayaa iibin jiray, halka isla qofka ay qaadka iibiyaan ee Isaaqa ah uu toogasho ku xukunnaa(Ibid, bogga 86aad). Ciidanku qaadkii waxay ka dhigteen walax ay dadka ay doonayaan ku bartilmaameedsadaan oo inta ay qaadka ka iibiyaan, ayay haddana ku xidhi jireen isla wixii ay iyagu ka iibiyeen. Haddii qof ay dambi u samaynayaan uu qaadka iibsan waayo, gaadhigiisa ayay ku ridi jireen woxoogaa jaad ah. Ka dib, isla kolkaas ayaa looga yeedhi jiray xafiiska Nabad Sugidda kaliya si gaadhigiisa looga baadho qaadka lagu og yahay, kolka ay ka helaanna waa ay xidhi jireen! (Ibid, bogga 86aad). Sida ay warbixintu xustay, dagaalkaas dhaqaale wuxuu u gaar ahaa beesha Isaaqa. Ma uu jirin sharci si dhammays-tiran dalka looga wada fuliyaa, sharci kastana waxaa loo samaysanayay dad gaar ah oo lagu dhaqo, si loogu ciqaabo. Xigasho: Human Rights Watch, A government at war with its own people – testimonies about the killings in the north 1990, (Bogga 83aad illaa bogga 86aad). Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
Somalia’s Ministry of Health on Monday announced 35 new COVID-19 confirmed cases, bringing the total number of confirmed cases in the Horn of Africa nation to 1089. The health minister of the country, Fawziya Abikar, said that one more patient has died due to the disease, which has increased the total coronavirus deaths across the country to 52. The official added that 24 of the cases tested are found in Banadir region, three other cases in the breakaway region of Somaliland and eight more cases in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland. The minister also said that three more patients have recovered from the virus, increasing the total number of recoveries to 121 in Somalia. Somalia reported its first COVID-19 case on March 17. Somalia has so far confirmed 1089 cases of COVID-19, with 52 deaths, and 121 recoveries,according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. The outbreak has spread across the world since emerging in central China late last year, killing at least 285,000 people, infecting over 4,200,000 people and prompting a wave of travel restrictions worldwide. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka Coronavirus, oo uu ku shaaciyey qorshe lagu maamuusi doono. Kulankaas oo ahaa mid dhiirra gelin ah ayaa looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19. Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee ku howlan la tacaalidda cudurkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, kal-kaaliyeyaasha, adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalka dadaallada ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan xakameynta cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee xilligan. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda ugu weyn ee dalka ay haatan saran tahay Bahda Caafimaadka oo indhiho u ah wakhtigan adag. Waxuuna xoojiyey wal-walka ku aaddan inay yartahay feejignaanta bulshada ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan xarumaha karantiilka bukaannada cudurka Coronavirus.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan. kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna.. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed. “Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba ina saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka. Madaxweynaha ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Warbixin kooban oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faahfaahin looga bixiyay kulan maqal iyo muuqaal ah, oo khadka internet-ka ku dhexmaray Ra’iisul wasaare Khayre, madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka, kaas looga wada-hadlay dardar gelinta Gurmadka magaalada Qardho ee Karkaar. Warbixintaas ayaa lagu sheegay in kulanka, oo ay Puntland codsatay uu fududeeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ,islamarkaana uu ka qayb-galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre loogana hadlay sidii shacabka Qardho loogu heli lahaa biyo xireen ka leexiya ka leexiya daadka. Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa si wadajir ah xubnaha Beesha Caalamka ee kulankaas ka qayb-galay uga codsaday, in la dardar geliyo gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay fataahaaddii dhowaan ku dhuftay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar “Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Punland Siciid Cabdillaahi Deni. Kulanka madaxweyne Deni uu la qaatay dowladda dhexe iyo beesha caalamka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo gurmad uu ka socdo lagu samato bixinayo magaalada Qardho oo dhowaan dad ay ku soo rogmadeen kuwaas oo saameyn xoogan u geystay bulshada ku dhaqan magaalada Qardho ee gobolka karkaar ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki ayaa Axaddii, 3-dii May, waxa uu booqasho lama filaan ah ku tegay dalka Itoobiya, isaga oo soo afjaray warar laysla dhex-marayey oo ku saabsan halka uu ka baxay kaligii-taliyahan caburinta ku haya dadkiisa. Booqashadan ayaa layaab ku noqotay dad badan sababtoo ah sida uu cudurka Coronavirus u billowday madaxda caalamka waxay intooda badan kulamooda ku qabanayeen muuqaal xagga internet-ka, sidaas darteeda waxay tani abuurtay su’aalo la iska weydiiyo ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalka. Waxaa hadda soo baxaya in qorshaha safarka Afwerki uu la xiriiray inuu ku beeniyo warar ay aad u hadal hayeen qurbo-joogta Eritrea iyo dadka Itoobiya oo ku saabsan in sababta aan muddo loogu arag fagaaraha dadweynaha ay tahay in xaaladdiisa caafimaad ay liidato. Socdaalkan ka hor, Afwerki ayaa socdaal qarsoodi ah ku tegay dalka Sacuudiga, oo sida la sheegay uu u aaday xaalad caafimaad, taasi oo sare u qaaday wararka la xiriira in caafimaadkiisa aanu wanaagsaneyn. William Davidson, oo ah fallanqeeyaha sare ee Hay’adda Xasaradaha Caalamiga, International Crisis Group (ICG) u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in sababta Afwerki u doortay in kulamo lagu qaban karo online uu u tegoAddis Ababa ay tahay inuu yiraahdo “waan caafimaad qabaa.” “Kadib markii wararka xaaladdiisa ay sare u kaceen, Afwerki wuxuu doortay inuu sameeyo jawaab xooggan, oo ah in caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay, islamarkaana weli uu xiriir wanaagsan la leeyahay Abiy, kaalin fir-fircoonna ku leeyahay diblomaasiyadda gobolka,” ayuu yiri William Davidson. Si kastaba, taxliilayaasha qaar ayaa rumeysan in go’aanka Afwerki uu uga jawaabay wararka ku saabsan caafimaadkiisa laga yaabo inay sii xoojeysay tuhunkii ayada oo dirtay farriin ah inay wax ka jiraan, sababtoo ah “warar aan waxba ka jirin, kama jawaabeyn.”
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___-Qumanaha-wararka-11052020ww.mp3 View the full article
-
Ciidamada Ammaanka dowlad goboleedka Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegtay gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixasada Al-Shabaab iyo Daacish. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo shakiga laga in ay tursan yihiin dagaalamayaasha Al-shabab iyo Daacish sida ay sheegeen saraakiishu. Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalada looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso oo dhowr jeer falal amniga lid ku ah ka dhaceen Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo adaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada magaalada Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada deg degta ah ee hadda loo baahan yahay si loo soo celiyo nolosha dadka magaalada Qardho maadama daadaka ku soo rogmaday magaalada ay dhinac weliba ay ka saameeyeen oo xitaa ganacsigii magaaladu istaagay. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen ayna wajahayeen xaaladda adag ee dhanka nolosha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Martiini oo ah isbitaal gaar u ah la tacaalidda cudurka Coronavirus ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo haatan isbitaalka laga saaray. Dadkaas 34 kamid ah waxay ahaayeen rag, halka sideeda kale ay dumar ahaayeen. Inta badan bukaannadaas ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan. Sida lagu baahiyey warbixin kasoo baxday. Baadi Duqoow Macallin waxa uu ahaa bukaan muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd ee uu geliyay xanuunkaas, haatana dhakhaatiirta ayaa u ogolaatay in uu gurigiisa isku karantiilo. Baadi waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiin sababo la xiriiro cabsi laga qabay in uusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay daryeel fiican, sida lagu sheegay warbixinta. “Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow. Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag oo neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan xanuunkan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladoodana ay dhakhaatiirtu la socon doonaan. Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Dahabo Xasan oo isbitaalka la geeyay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay ‘inaan isbitaalka Martiini la geynin’ balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID-19 ayey go’aansadeen inay geeyaan Martiini. “Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaahey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo. Isbitaalkan waxaa la sheegay in lagu sameeyay horumarin waxaana ka howl gala dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal isku bedela shaqada, kuwaas oo xilli kasta heegan ah. Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay daryeel u fidinta dadka la il daran xanuunkaas ee la keeno Isbitaalka iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Corona. Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday, sida lagu sheegay warbixintan. Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhakhaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – Five members of a family including four children were killed when portion of their house collapsed following heavy rains in Mogadishu on Sunday night. The incident occurred at Wadajir district in the capital during the wee hours of the night while the victims were at sleep. ‘’A mother and her four children died in the terrible incident’’ said a local resident who visited the site of the accident. The heavy downpour also hit hard in other parts of the capital leaving hundreds of people homeless and destroyed property of unknown value. The bodies of the victims were retrieved from the drenched debris after the overnight downpour. Added the local resident. On 27 April, massive flash flooding swept through the city of Qardho in the northeastern Bari region, part of the autonomous Puntland state. At least 10 people have died and several others are thought to be missing. Hundreds of families have reportedly lost their homes. The rains are likely to increase the risk of water-borne diseases,” UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) warned in its latest report on the impact of floods in Somalia. The forecast by the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) also indicated that the moderate to high flood risk is likely to persist at least through mid-May. According to the UN, river levels have risen along the Shabelle basin and there is a high risk of flooding in coming days and advised riverine communities in BeletWeyne to prepare for possible relocation during the week. The UN said more than 100,000 people in South West State have been affected by floods while Jubaland has more than 11,800 flood-affected displaced families reported in Lower Juba region. The UN agency warned that the ongoing Gu (rainy season)’s flooding will exacerbate the humanitarian situation, joining the COVID-19 pandemic and locust infestation to form a “Triple Threat”. It said disruptions to transport due to damaged roads and COVID-19 restrictions have pushed food prices up in some affected areas.
-
Ciidamada Kumandoska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, iyaga oo sheegay in ay khasaare ugu geysteen Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Danab ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka ku qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerar ku qaadeen markii ay xogtaas heleen sida ay sheegeen taliska ciidamada xoogga dalka ee Danab. Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa wuxuu Warbaahinta qaran u sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen goobtii uu shirku uga socday saraakiisha ka tirsan Al-shabaab waxaana ay sheegeen in ciidamada ay weerarka ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira. G/lle Maalin ayaa xusay iney weerarka ay ku dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu kasoo jeedo dalka Maali oo ka tirnasanaa Al-shabab iyaga oo intaas ku daray oo mid ka mid ah , lagu magacaabo (Abuu Ayman) Sidookale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada Sarkaal ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen dagaalamayaal fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa. Goobjog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada xoogan ee ka dhalatay Heshiiskii 30-sanno ee ay ka baxday dhawaan, kaasi oo gebi ahaanba ay dib ugula soo laabatay huteelka Hargeysa Club. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore ayaa sheegay inay xukuumada Somaliland ay xaq u leedahay inay soo ceshato hantida maguurtada ah ee gacanta ugu jirta dadka shacabka ah. Wasiir Saleebaan Koore ayaa ka dhawaajiyey in Hargeysa Club uu kamid yahay hantida dowladdu ay dib usoo ceshatay intii uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona xusay in xukuumadu ay xaq u leedahay inay xiliga ay rabto la wareegi karto hantideeda. Wasiir Koore ayaa inkasta oo uusan si faah-faahsan uga hadlin Xiisadaasi ayaa haddana waxaa uu carabka ku adkeeyay in dowladdu ay xaq u leedahay inay la wareegto huteelkaasi, iyada oo aysan cidna u daba fadhiisaneyn. Koore ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu dad shacab ah kala wareegay dhul balaadhan, taasi oo ku sheegay in laga dhisayo Madaxtooyo u qalanta meeqaamka Somaliland, midaasi oo soo if-bixineysa awooda ay xukuumada Biixi u adeegsaneyso shacabka, maadama ay la wareegayso hanti shaqsi ah oo uu Dastuurku ilaaliyay. Xiisada ka dhalatay huteelka Hargeysa Club ayaa horseeday inay galbeedka gobolka Sanaag ka abuurmato Jabhad cusub oo ka soo horjeeda talaabadaasi, midaasi oo uu ka dambeeyo Suldaankii ay xukuumadu sida qasabka ah ugala wareegtay huteelkaasi, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Caasimada Online ayaa dhawaan baahisay xogta Jabhadaasi oo uu abuuray Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada qof ee xukuumadu ay hore ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club, lana saxeexday heshiiska 30-ka sanno ah ee ay uga baxday. – Halkan ku dhufo si aad xogtaasi oo dhan u aqrisato
-
Guddiga Gurmadka Fatahaadihii ka dhacay magaalada Beleweyne ayaa 7-dii bishan laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin intii ay wadeen u gurmashada dadka ku nool magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xaqiijisay in lacagtaasi ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka dowladda federaalka Soomaaliya, hase yeeshee madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalintii shalay sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey shalay. Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) oo wareysi siinayey VOA-da ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay Safiirka dowladda Jabuutti ayaa sheegay in lacagta iyaga dhankooda ay ka soo wareegtay sanadkii 2019-ka. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kasta ay dhibaato dhacdo ahaa midka ugu horeeyo waa kii kol hore soo diray dhowr diyaaradood qalab caafimaad iyo cuntada nafaqada leh ay ka mid ahaayeen iyo Jeeg lacag oo $600,000 ah waa tii loo soo diray markii fatahaduhu ka dhaceen Baledweyne 2019-kii, lacagtaasi waxaa ay qeyb ka aheyd gurmadkaas loo fidinaayey dadkii ku dhibaatooday fatahadihii labo dowlad goboleed ayaa ugu darnaa sidaan xasuusto Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo intaba ay dhibaatooyin ay ka dhaceen ayey aheyd” ayuu safiirku. Safiirka dowladda Jabuutti oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in maamulka lacagtaas 2019-kii lagu wareejiyey guddigii dowladda federaalka ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminaayey wasiirka wasaaradda Garraarka iyo Musiibooyinka Xamse Siciid Xamse isaga oo intaas ku daray in maamulka looga dambeeyey DFS. “Qorshaha iyo arrimaha farsamada ahba dowladda Soomaaliyeed ama ha noqoto dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha noqoto, lakiin shacabka reer Jabuutti wixii ay ugu soo gurmadeen walaalahooda waxaa waajib ka saaran yahay in ay u dhibaan dowladdii dhexe, guddigii dowladda Soomaaliya ay u magacowday gurmadka qaran oo uu hoggaaminayey wasiirkii wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyika Xamse uu hoggaaminayey ayaan annagu gacanta kaga ridnay waadna ogtahay sida uu waajibku yahay waa sidaas” ayuu yiri Safiirka dalka Jabuutti. Safiirka Jamhuuiyadda Jabuutti ayaa carabka ku dhuftay in iyaga dhankooda ay guteen waajibkii ka saarnaa ka qeyb qaadashada gurmadka loo sameynayo dadka ay saameen fataahadaha isaga oo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato sidiii loogu gurman lahaa fatahaadaha ka dhacay meelo badan oo dalka ah waxaana uu yiri isaga oo ka hadkayo. ” Gargaarkaas wuu naga soo tagay umadda Soomaaliyeedna hoggaankeedii ayaan u dhiibnay annaga xageena inaan waajibkaas umadda Jubuutti ay gudatay kuwa soo socdana uu xil naga saaran yahay oo walaalaheenna aan u gurman doono kan maanta jooga iyo kii yimaado kuwii isku gurmado aan nahay waxaan rajaynaynaa masiibada maanta taagan ee cusub umadda Soomaaliyeed ee ganacsatada ah shicibka iyo culimada ay gurmato hey’adaha caalamka iyo kuwa goobolka waa inaan u gurmanaa umaddaas Soomaaliyeed ilaa ay cagaheeda auy isku taageyso. Hadalka ka soo yeeray Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle uu sheegay in sanadkii hore lacagtii loogu talo galay fatahaadii Baladweyne aan la gaarsiin isaga oo sheegay in lacagtaas sanadkaan ay timid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
