-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalamo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19. Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus. Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.” “Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yidhi “waxaanu la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.” “Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yidhi isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.” Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore. Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah. Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan. Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono. REUTERS Source
-
Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 48 new cases of coronavirus, bringing the total number of infections to 548. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said two patients succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 28. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 19. According to the minister, 31 of the latest cases are males while 17 are female patients. She said 41 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, three in regional Jubaland state and four in Southwest State. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. The World Health Organization (WHO) has warned that further transmission of the virus can be expected. The WHO and the United Nations Population Fund (UNFPA) said Tuesday they have provided specialized capacity for testing coronavirus cases in the semi-autonomous region of Somalia. The WHO and the UNFPA are also working together to enable laboratory capacity to be in place in Garowe under the leadership of the Ministry of Health to ensure needed testing capacity for COVID-19. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Sawiro+ Qardho iyo Maanta, Shacabka oo bilaabay nolol cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Habeynkii Talaadada 28 April 2020 Waxay Reer Qardho u ahayd maalin Illaahay ka badbaadshey Dadkii kusoo ragmadey Magaalada xili Habeyn ah . Shacabkuvwaxay maalmihii lasoo [...] Source -
Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tiraba labo jeer qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortaga cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay ee Coronavirus ugu deeqday maamul goboleedka Hirshabeelle. Dowladda ayaa agabkaasi caafimaad ka dejisay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, iyada oo ay kasoo baxayaan xogo ku saabsan in agabkaasi caafimaad iyo kharashka ku baxay safarka diyaarada ka dejisay agabkaasi ay aad u kala badan-yihiin, midaasi oo ka dhigan in kharashka lagu soo kireeyay diyaaradu uu ilaa xad ka badan yahay agabka caafimaad ee la gaadhsiiyay. Arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in diyaarada siday agabka caafimaad ay labo jeer ka degtay magaalada Jowhar, iyada oo sida agab yar oo caafimaad, midaasi oo sarre u sii qaaday kharashka kirada diyaarada. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa iyagu laftigeedu arrinkaasi ku noqday mid layaab leh maadama agabka diyaaradu ay labada jeer ay ka dejisay magaalada Jowhar ay soo qaadi kartay halmar, maadama uusan aheyn agab badan oo caafimaad. Agabka caafimaad ee dowladda federaalku ay ka dejisay Jowhar, ayaa la aaminsan yahay inuusan wax badan ka tari doonin dagaalka uu maamulkaasi kula jiro cudurka Coronavirus, oo uu maamulkaasi kaga geeriyooday Mas’uul sarre oo ka tirsanaa golaha wasiirada. Waxaana xusid mudan in diyaarada markii labaad ee ay geysay qalabka caafimaada magaalada Jowhar ay siday xubno ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeyo inay la wareegen shaqadii wasaarada caafimaadka Soomaaliya. Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa todobaadkii hore ku shubtay qasnada maamulka Hirshabeelle lacag dhan 500-kun oo dollar oo qeyb ka ah 1-Milyan oo dowladu ugu deeqday maamul goboleedyada si ay ula tacaalan cudurka Coronaha, midaasi oo dhowaan dhalisay in magaalada Jowhar uu ka dhasho guux siyaasadeed oo is-khilaafsan. Waxaana magaaladaasi ka bilowday mooshino xil ka qaadis ah oo iska soo horjeeda, kuwaasi oo laga kala keenay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, midaasi oo dhalisay shaki weyn oo laga qabo in lacagtaasi loo isticmaalayo arrimo siyaasadeeda, taasi oo baalmarsan ujeedka maamulka Hirshabeelle loogu deeqay lacagtaasi. Inkasta oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada Jowhar ka bilaabatay waan-waan iyo isku soo jiid ka dhan ah xubnaha ka wada tirsan maamulka ee uu khilaafka siyaasadeed soo kala dhex-galay, hadana waxa weli taagan xiisada dabada ku haysa maareynta lacagta ay dowladda federaalku ugu talo-gashay la dagalaanka Coronavirus.
-
A Ugandan peacekeeper serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has tested positive for COVID-19 in the Somalian capital of Mogadishu, a military spokesperson said here on Thursday. “He is doing well and receiving great medical attention. Thanks to the UPDF (Uganda People’s Defense Forces) health officers that have gained practical experience through their support to the national anti-COVID-19 campaign,” said Richard Karemire, Ugandan military spokesperson. “The rest of the troops are observing guidelines issued by the government of Uganda, the AMISOM leadership and, of course, the host federal government of Somalia,” he said. Those who have had recent close contact with the infected peacekeeper have been put under quarantine in Mogadishu, according to the military. Somalia’s health ministry on Wednesday confirmed 54 new COVID-19 cases, taking its total to 582. Uganda has over 6,000 troops serving under the AMISOM in the volatile East African nation. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay. Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay. Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ah Qoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka. Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag. Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah. Source
-
Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, oo uu weheliyo Senetor Jurile oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka Qardho. Faroole, Gaas iyo Jurile oo haatan warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa ugu horrayn bogaadiyay dadaallada ay xukuumadda Puntland hormuudka u tahay ee loogu gurmanayo shacabka magaalada Qardho, kadib fatahaaddii khasaaraha badan dhalisay ee halkaasi ka dhacday. Saddexdooduba, Waxay cod midaysan ku sheegeen in ay madaxweynaha Puntland ku taageersan yihiin, guddiga uu u magacaabay gurmadka shacabka Qardho, ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii ku rogmaday degmadaasi. Sidoo kale, waxay sheegeen in aan marnaba la aqbali Karin, in guddiyo kale laga dhinac sameeyo guddiga gurmadka Qardho ee dowladdu magacowday, sidaas darteedna cid kasta oo wax bixinaysa ay ku hagaajiso guddiga dowladda Puntland. Ugu dambyentii, waxay u mahad-celiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga soo jawaabtay gurmadka Qardho, islamarkaana Puntland soo gaarsiisay lacag dhan hal milyan oo Dollar. PUNTLAND POST The post Faroole, Gaas iyo Jurile oo ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Sida lagasoo xigtay culumada Hawada saadaalisa waxaaPuntland kusoo wajahan Roobab xoogan oo ma joogaan ah, waxaana laga cabsi qabaa Daadad hor leh iyo dabaylo. Magaalada [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay daadad ku dhuftay deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo ku baaqay in loo gurmado. Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo dadkii ay saameeyeen fatahaadaha wabiyada iyo daadadka ka dhashay roobabka, isla markaana la iska kaashado sidii kaalmo bani’aadanimiyo loo gaarsiin lahaa dadkaas. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa, Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”ayuu yiri Sheekh Shariif. Wabiga Jubba ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana ka barakacay dad farabadan.
-
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga Jubba. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato. Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Awdal Oo La Xidhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xidhay guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Awdal’ Maxamed Adan Suldaan. Xadhiga guddoomiyaha waxa xaqiijiyay Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun. Sababta loo xidhay weli xukuumaddu kama hadal. Source -
Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya dad isku qoys ahaa oo ay biriq ku dishay deegaan duleedka ka ah magaalada Dhuusamareeb ka dib markii halkaasi saacadihii la soo dhaafay ay ka da’ayeen roobab xooggan. Qoyaskaan oo ka koobnaa 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in 4 ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii ay haleeshay biriq, waxaana sidoo kale la tilmaamayaa inay jiraan dhaawcyo ka dhashay biriqdaasi ku dhacday deegaan lagu magacaabo Innamid oo qiyaastii 35 KM dhanka kaga began caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo gaaray halka ay dhibaatadu ka dhacday iyo cid ka hadashay dhacdadaasi waxaana cabsi xooggan ay soo foodsaartay dadka reer guuraaga ah ee deegaankaasi ku sugan. Saacadihii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ka da’ayay roobab mahiigaan kuwaas oo dadku ay ku diirsadeen wallow ay roobabku mararka qaarkood ay geytaan waxyeelo sidaan oo kale ah waxaana haatan lagu guda jiraa xilli roobaadkii gu’ga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Dhaqaalaha Mareykanka waxa uu la daalaa-dhacayaa xaalad ma hubanti ah, tan iyo in ka badan 10 sano, markii ugu horraysay iyada oo lagu jiro qaybtii hore ee sannadka, isaga oo waddankuna galay xaalad u muuqatay bandaw oo uu kaga hortagayey faafitaanka feyraskaasi. Waddankaan ugu dhaqaalaha badan dunidu waxa uu hoos u dhacay dhaqaalihiisu heerka sanadlaha ahaa 4.8%, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee la soo faafiyey Arbacadii. Xogta la baahiyey ayaa tilmaamaysa xiisadda dhaqaale ee waddankaasi ka taagan, iyadoo markii horena xayiraado badan dalkaasi aanu gelin, tan iyo ka hor March. Safmarkan “ayaa sababi kara dhibaato aad u weyn oo bini aadamnimo iyo dhaqaale guud ahaan Mareykanka iyo daafaha dunida”, siyaasad dejiyaasha baanka dhexe ee Mareykanka ayaa Arbacadii sidaasi sheegay. Mareykanka ayaa isku deyey inuu taakeeyo xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyagoo ku dhawaad $ 3tn (£ 2.4tn) oo cusub qarash gareeyey oo ay ku jirto lacago toos ah oo la siiyey qoysas badan. Kaydka Federalka wuxuu kaloo qaaday talaabooyin deg-deg ah, oo ay kujirto hoos udhaca saamiga dulsaarka ilaa eber la gaadhsiiyey.
-
About 10,000 families in Mandera are to benefit from relief food supplies from the county government in efforts to combat the effects Covid-19. Source: Hiiraan Online
-
Strolling through Berlin’s sprawling Tiergarten, window-shopping along stylish Kurfuerstendamm boulevard, getting stuck in traffic again: After a winter of vigilance, Germans are venturing out, masked and properly socially distanced, to enjoy the first warm days of spring. Source: Hiiraan Online
-
Saaka iyo Qardho Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Khamiis digniin ka soo saartay Roobab Mahiiggaana oo sida Wasaaraddu sheegtay ku soo wajahan Degaannada Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo xiganaysa xog laga helay Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay in Puntland ay ku soo wajahan yihiin Roobab mahiiggaan ah oo khasaare gaysan kara. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in laga baxo Dhulka godan iyo Meelaha Biya-marenka ah si looga gaashaanto Khasaaraha Roobabka la saadaalinayo ee ku soo wajahan Degaannada Puntland. “Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roob mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Digniin laga soo saaray Roobab mahiiggaana oo ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in dowladda Federaalka ah ay soo gaarsiisay lacag hal milyan ah taas oo loogu gurmanayo dadka reer Qardho ee ku waxyeeloobay daadadkii magaaladaasi ku rogmaday islamarkaana ay dad ku geeriyoodeen. Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkii ugu horreeyay ay ka heleen dowladda dhexe waxa uun hoosta ka xariiqay in gurmadyo kalana ay ka sugayaan isaga oo yiri “Waxaa Na Soo Gaartay Lacag hal Milyan Ah oo Ay Soo Dirtay DF waan uga mahadcelinaynaa waa gurmadkii 1-aad lacago badan oo kalane waan ka rajaynaynaa lacagtaasina waxay ku soo dhacday akoonka dowladda”. Wali waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo bulshada reer Qardho iyada oo xaaladda magaaladaasi ay tahay mid wali cakiran waxaana shalay la soo badbaadiyay dad ay qaadeen daadadkii magaalada ku soo rogmaday. Waxaa sidoo kale jira guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Deni kaas oo ka shaqeyn doono sidii loo samatabixin lahaa dadkaasi waxaana guddigaasi oo u badan wasiirro ay ka koobanyihiin 24 xubnood. Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rag ku labisan dareeska ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay isbaarooyin horleh ay dhigteen wadada isku xirta degaanka Lamber 50 iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Raadiyaha Shabeelle in dableyda ay lacago ka qaadanayaan gaadiidka. Sidda ay ka dhawaajiyeen dadweynaha la hadlay Shabelle, tani ayaa saameyn xoogan waxay ku yeelatay isu socodka. Taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa dhowaan digniin u diray ciidamadda xoogga ee ku lug-yeesha falalka burcadnimadda ah oo ay kamid tahay Isbaarooyinka, waxaana loo sheegay in talaabo laga qaadayo. View the full article
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland si loogu taakuleeyo dadka ay saameeyeen daadadka ku soo rogmaday magaalada taariikhiga ah ee Qardho. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Xasan Shire Cabdi, wasiirka maaliyadda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in ay gaartay lacagtaas. Qardho waxaa todobaadkan harqiyey fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah. Burbur maaliyadeed, xarumo ganacsi iyo guryo ayaa sidoo kale ka dhashay. Lix oo saddex caruur yihiina way ku dhinteen. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu baaaq ku aaddan in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka uu saameynta ku yeeshay fataahadda u sameeyay wabiga Jubba u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka iyo cidkasta oo wax haysata ugu baaqay inay gurmad la gaaraan dadkaasi isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo, waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano”. Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiya qaran ayaa sheegay inuu muragada la qeybsanayo dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan Jubbaland kuwaas oo ka cararay saameynta ka dhalatay fataahaada uu sameeyay wabiga Jubba oo deegaannadaasi mara. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa” ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Shariif sheikh Axmed. Qaar badan oo kamid ah shacabka dagmada Baardheere ayaa guryohooda ka barakacay iyaga oo raadsaday goobo taag ah oo aysan biyuhu gaadhin hasayeeshee aysan ku haysanin wax gabaad ah oo ay roobabka wali da’aya ka galaan. Shacabka dagmada Baardheere ayaa dalbanayo in loo fidiyo gurmad dagdag ah loona fidiyo taakulo si loo xakameeyo saamaynta ay fatahaadahan ku yeelan karaan noloshooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Joe Biden would not move US embassy in Jerusalem if elected
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Democratic presidential candidate Joe Biden said Wednesday that the US embassy in Israel would remain in Jerusalem if he’s elected, even as he called President Donald Trump’s decision to move the diplomatic base from Tel Aviv “short-sighted and frivolous.” Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
