-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, oo uu weheliyo Senetor Jurile oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku baaqay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawlaha gurmadka Qardho. Faroole, Gaas iyo Jurile, oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa ugu horrayn bogaadiyay dadaallada ay xukuumadda Puntland hormuudka u tahay ee loogu gurmanayo shacabka magaalada Qardho, kadib fatahaaddii khasaaraha badan dhalisay ee halkaasi ka dhacday. Saddexdooduba waxay cod midaysan ku sheegeen in ay madaxweynaha Puntland ku taageersan yihiin guddiga uu u magacaabay gurmadka shacabka Qardho, ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii ku rogmaday degmadaasi. Sidoo kale waxay sheegeen in aan marnaba la aqbali karin in guddiyo kale laga dhinac sameeyo guddiga gurmadka Qardho ee dowladdu magacowday, sidaas darteedna cid kasta oo wax bixinaysa ay ku hagaajiso guddiga dowladda Puntland. Ugu dambyentii waxay u mahad-celiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga soo jawaabtay gurmadka Qardho, islamarkaana Puntland soo gaarsiisay lacag dhan hal milyan oo Dollar. Isha: Puntland Post
-
Madaxweynaha Nigeria oo xil u magacaabay qof dhintay Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa nin dhintay u magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi hoostaga laan ka tirsan dowladda. Wareegtada uu madaxweynaha xilkaas ugu magacxaabay ayaa soo baxday 2 bilood kaddib geeridiisa. Madaxweyne Buhari ayaa warqad ay ku qoran yihiin magacyada 37 qof oo uu isaga soo magacaabay ku qoran yihiin u diray aqalka senetka si ay u ansixiyaan, balse madaxweynaha kama uusan war heyn in Tobias Chukwuemeka Okwuru uu geeriyooday bishii February. Madaxa warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Lauretta Onochie, ayaa sheegtay in Tobias Chukwuemeka Okwuru xilka loo magacaabay isaga oo nool. “Wuxuu dhintay isaga oo magacaaban xilli uu sugayay in xildhibanaada senetka ay ansixiyaan, wararka ku saabsan geeridiisana wax xiriir oo lagala sameeyay ma jirto dhinaca dowladda” ayay tiri. Ma ahaan markii ugu horreysay ee madaxweynaha Nigeria uu xil u magacaabay dad dhintay. Sanadkii 2017-kii, madaxweynaha wuxuu xilal u magacaabay ugu yaraan shan qof oo muddo dheer ka hor dhintay. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inaan meel lagu sheegin hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un, oo muddo toddobaadyo ah laga dayrinayo xaaladdiisa. Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka ayaga oo adeegsanaya sirdoonkooda ay raadinayaan astaamo la xiriira halka uu ku sugan yahay Kim, islamarkaana ay si dhow ula socdaan wararka la xiriira xaaladdiisa cafaimaad. “Ma aynan arag mana hayno wax akhbaar ah oo ku saabsan, si dhow ayaan ula soconaa xaaladda,” ayuu yiri Pompeo oo la hadlay taleefishinka Fox News. Kim Jong Un, oo ah 36-jir, ayaa markii ugu dambaysay ee la arkay waxa ay ahayd 12-kii April, xilligaas oo uu ka soo muuqday warbaahinta qaranka. Toddobaad kadib xilligaas, warbaahinta Korea-da Koonfureed, kuwa Japan iyo qaar ka mid ah kuwa Mareykanka ayaa dhowaan weriyey in Kim uu xaalad halis ah ku sugan yahay kadib qalliin qaldamay oo looga sameeyey wadnaha. Wargeyska toddobaadlaha ah ee dalka Japan ee Shukan Gendai ayaa weriyey in xubin ka mid koox caafimaad oo Shiinaha ay u direen Korea-da Waqooyi uu xaaladda Kim u sharxay tifaftiraha saree e Wargeyska Kondm Daisuke. Dhaqtarkan ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqasho uu horraantii bishan ku tegay baadiyaha, uu Kim wadnaha qabsaday kadibna dhulka ku dhacay. Dhaqtar wehliyey ayaa durba siiyey neef, kadibna waxaa loola cararay qeybta xaaladda deg degga ee isbitaal ka ag dhowaa, halkaas oo looga sameeyey qalliin dhinac wadnaha ah. Kooxda caafimaadka ayaa rumeysan in qalliinka fududaa, balse daahitaan dhacay uu sababay in Kim Jong un uu galo xaalad halis ah. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniinta sheegay inuu “ra’yi wanaagsan ka haysto” xaaladda caafimaad ee Kim, hase yeeshee waxa uu intaasi ku daray “kama hadli karo”. “Caafimaad baan u rajanayaa,” ayuu sii raaciyay. Pompeo ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay sidoo kale la socdaan xaaladda guud ee Korae-da Waqooyi, maadaama ay jirto halista cudurka Coronavirus. “Halista hadda jirta ayaa ah inay jiri doonto macluul iyo cunno yari ka dhacda gudaha Korea-da Waqooyi. Si dhow ayaan ula soconaa, sababtoo ah taas waxay saameyneysa howlgalka aan dejinay ee ah in Korea-da Waqooyi laga dhigo dal aan lahayn Nuclear,” ayuu yiri xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo weli ku sugan magaalada Qardho, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho. Nabadoonada iyo Waxgaradka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka in dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in daadadku soo galaan magaaladda. Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Nabadoonada gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah Fadhi aan caadi ahayn ka yeeshay Waxyeellada ka dhalatay Fatahaaddii ka dhacday Magaalada Qardho. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir guddoomiyey Kulankaas aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga oo ka qabsoomay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ee Caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay Daadadkii ku fatahay Magaalada Qardho iyo Gurmadka loo fidinayo Shacabka ku waxyeelloobay Fatahaaddaaas. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, waxay ugu dambeyntii isku raaceen in sida ugu haboon ay uga qayb qaataan Gurmadka iyo Taakulaynta Shacabka Degmada Qardho eek u tabaaloobay Fatahaadda. PUNTLAND POST The post Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo Fadhi aan Caadi ahayn ka yeeshay Xaaladda Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Illaa iyo saddex qof oo ay biriq ku dhaawacday duleedka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee magaaladaas. Dadkaan ayaa qeyb ka ahaa todoba ruux oo isku qoys ah oo biriqda ay ku habsatay hoygooda habeenimadii xalay, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Afar qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku geeriyooday biriqdaas. Maanta oo Khamiis ah ayaana lasoo wariyey in la aasey. Roobab xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay degaano iyo degmooyin ka tirsan Soomaaliya, waxaana ay qayb ka yihiin roobabka Gu’ga ee curtay. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey arrimo la xidhiidha Tabashooyinka Beelaha Gobolka Awdal iyo Gobollada bariga dalka iyo dedaallada la xidhiidha ka hor-tagga Covid_19. Mudane Saylici oo ugu horrayn la waydiiyey in Dawladda Somaliland ay Beesha Caalamka ka dalbatay inay ka caawiso la dagaalanka Xanuunka Covid_19, ayaa ku jawaabay “Haa…Maraykankan baa in Caawiyo ka maarmi waayay, waaba innaga oo ah dal yar oo aan la ictiraafsanayn oo dhaqaale badan aan lahayn, markaa waanu u dirnay Hay’daha iyo Dawladaha aanu saaxiibka ahayn wixii lagu haw-galayey oo dhan oo qiimaysan.” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo la waydiiyey in waxyaabaha ay Caalamka waydiisteen ay ku dareen Qalabka Dadka Neefshada ka caawiyo, kuwaasi oo Covid_19 ka horba ku yaraa Somaliland, waxaanu yidhi “Haa…waa lagu daray (qorshaha) wixii laga helayey Waddanka, hadday hayeen Dad Shacab ahi waa laga iibiyey, wixii suurto-gal ah ee la hayey waalla ururiyey, laakiin meelihii dibedda ee aanu ka dalabnay weli xanibaad-baa saaran. Alaabta la naga caawinayo ka sakow, Dawladdu xitaa alaabtaa waxay ku bixisay lacag 2 boqol oo kun ah, waxa la siiyey Shirkad Maxali ah oo Waddani ah (Qandaraaska), iyaga laftoodii way caddilan yihiin oo waxay soo saaraan (Alaabtii) ayay la’yihiin.” Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa kale oo la waydiiyey sida uu u arko Tabashooyinka ay qabaan Beelaha Gobolka Awdal, waxaanu ku jawaabay “Cabashooyinkaasi marka la isku yimaaddo ee la wada-hadlo ee Xukuumad ahaan iyo Gobol ahaan loo wada-hadlo wax wax laga soo qaadi karaa wuu jiraa, wax ka badbadis ahina wuu ku jiraa, taasi oo u badan Mucaaradad ku xumee ah.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Muddadii uu ku-xigeenka u ahaa Madaxweyne Siilaanyo oo dedaal badan geliye inaan Cabashada Reer Awdal gaadhin Gacan ka hadal “Anigu muddadii 7 sano ahayd ee aan la shaqaynayey Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo waxaan mar walba ku dedaalayey in aanay gacan ka hadal ka gaadhin, Dadka reer Awdalna waxay tabanayaan ay mar walba Xukuumaddooda kala hadlaan, wayna dhacday oo ururin faro badan baan sameeyay anigoo mar walba ku soo koobaya in aanay Dadkaasi ka bixin Xadka Somaliland iyo wixii Ummaddani ku heshiisay, oo aan mar walba horkeeno Madaxweynaha iyo Xukuumaddii markaa jirtay oo laga wada-hadlo, way jirtay marar badan oo waxyaabihii ay tabanayeen qaybo ka mid ah wax laga qabtay, wax ka mid ah Tabashadaa oo aan badnayna imika way jirtaa.” Cabdiraxmaan-Saylici wuxuu sheegay in Jabhadihii kala dambeeyay ee lagaga dhawaaqay Awdal ay ahaayeen kuwo Dadka sameeyay ay Mucaaradnimo ula gashay, qaarkoodna arrinkoodu gaadhsiisnaa heer ah inay Gobolka Awdal ka gooyaan Somaliland inteeda kale “In Jabhado la sameeyaa waa wax Tabasho ka badan oo Mucaaradnimo la gashay, Dadka qaarkoodna waxay dabada ula gashay wax ka ballaadhan (Jabhadnimo) oo halkan aanan ka faahfaahin karayn. “ ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal la waydiiyey oo la xidhiidha waxay Jabhadaha qaarkood doonayeen “Siyaasad ka baxsan Somaliland, Dad ay Maskaxdooda ku jirto Itoobiya oo dabada ka geliyo, Gobol gaar loo goosto, waxaas oo Tabashadii ka siyaado ah iyo waxaan Qarankan ka suurto-geli Karin, Waayo? Qarankani waa Qaran jira, Dalka Cid kala goyn kartaana ma jirto, wixii Waaqiciga ahaa markii laga wada-hadlayna waalla dhameeyay.” Madaxweyne ku-xigeenka oo u warramay Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka mid ah Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Tabashada reer Awdal u badan tahay ta Golaha Wakiillada “Cabashada ugu badan ee reer Awdal waa Golaha Wakiillada Saamiga ay ku leeyihiin, kaasina maaha wax Madaxweyne uu keligii Qalin ku beddeli karo. Lixdankii waxay Beesha dhexe lahayd saddex Dalooloow 2, beelaha kale oo dhana saddex Dalooloo 1 ayay lahaayeen iyo Qaranka ha la wada yeesho (Maanta) isma qabanayso, markaa Tabashadaas ayaa jirta, taana waxaad mooddaa in Dawadeedii laga war-wareegayo, Maalinta doorashadana uun la soo qaato oo Cid walba ku dagaalanto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Beelaha Gobollada bariga laftooda Tabashada ay qabaan la mid tahay ta reer Awdal “Bariga laftiisuna wuxuu dareensan yahay arrintaa Lixdankii ku fadhida. Lixdankii Maalintii la tagay haddii la eego Dadka kale Saddex Dalooloow 1 ayuu ahaa oo halkaa ayuu fadhiyey, laakiin Beeshii dhexe 2-deedii way haysataa (Imika), wakhtigaa markii Xukuumadda la qaybsaday waalla is leekaa, laba darafyada ah iyo mid ta dhexe ah ayay ahaayeen, tii Maanta lama soo qaado, Waayo? Xukuumaddii waxaad mooddaa in saddex Dalooloow 2 uun lagu fadhiisanayo (Xilalka), markaa haddii Lixdankii la wada qaadanayo ha la wada qaato oo Dadka ha lagu Raalli-geliyo oo lagu soo dhaweeyo Dadkii Dadkan wada lahaa. Aniguna waxaan qabaa haddii aan la xallin karayn (Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada) in sidii kale ee xallili karo loo xallilo oo Xukuumaddii la isku soo dhawaado oo imika aad loo kala fog yahay.” Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay inuu dhamaystay labadii jeer ee Sharcigu u ogolaa inuu Madaxweyne ku-xigeen noqdo “Labadii Jeer ee aan xaqa u lahaa Madaxweyne ku-xigeenka waan soo dhamaystay, waxa keliya ee ii furani waa inaan Madaxweyne u tartamo haddaan fursad u helo. Waxaan ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye, Cid igaga xaq lihina ma jirto Runtii, markaa Anigu waxaan qabaa in Madaxweynahaa Maanta jooga marka wakhtigu ka dhamaado Guddoomiyaha ku xiga Ninka taagan ayaan ahay, illaa Madaxweynaha wax iga maanacaya inaan u tartamo Qaranka aan intaa u so joogay ma jiro.”ayuu yidhi. Source
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Coronavirus waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan. Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafidda COVID-19 PUNTLAND POST The post Kiisaska COVID-19 ee laga helay Soomaaliya oo kor u dhaafay 600 oo ruux appeared first on Puntland Post.
-
War qoraal ah oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa dib loogu dhigay shirweyne ay isugu imaan lahaayeen madaxda ku bahoobay madashan oo ka kooban lix xisbi. Madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay in iyagoo tix galinaya daruufaha dalka ka jira ee ku aaddan xanuunka COVID-19 ay dib ugu dhigeen kullankaasi. Sidoo kale madashu waxa ay ka dhawaajisay inay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono shirweynahaasi haatan dib loo dhigay. Madashaan ayaa lagu soo dhisay dalka turkiga horraantii Maarso iyago oo ku heshiiyay inay noqdaan hal xisbi oo leh ujeed siyaasadeed. Halkaan ka akhriso qoraalkooda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
When the world was shifting toward neoliberalism, blind to shocking inequalities, Thandika Mkandawire (1940–2020) bravely stood up for the welfare state. We should remember him as a brilliant economist and committed egalitarian. Thandika Mkandawire on April 6, 2017 in Geneva, Switzerland. (Marcel Crozet / International Labour Organization) With the passing of Thandika Mkandawire on March 27, 2020, the world has lost a giant of development, a towering economist, a brilliant thinker, and a committed fighter for social justice. Born in 1940, Thandika first experienced the slap of injustice in early childhood. One night, trucks came with soldiers and removed Thandika’s family from their farm in Malawi. They resettled in a town in the Copperbelt of Zambia. There, he attended school (for blacks only) and was protected by his family from the brutal inequalities of the time, until the day he and a friend walked into an opulent white residential area to sell vegetables, and white children insulted and laughed at them. As a young man, Thandika began writing for newspapers, but in 1965, he was made “persona non grata” in his country, the newly independent Malawi, then governed by pro-apartheid dictator, Kamuzu Banda. He managed to study in the United States (at Ohio State University), South Africa (Rhodes University), and Sweden (Stockholm University), where he eventually settled as a political refugee — living proof that refugee policies work. Soon Thandika excelled as a brilliant researcher. He realized that he did not have to spend his years in exile out of Africa, waiting for Malawi’s liberation (he would only return in 1994 after thirty years in exile). In 1982 he moved to Harare, working at the Zimbabwe Institute of Development Studies, and in 1986 to Senegal, where he became director of the Dakar-based Council for the Development of Social Science Research in Africa (CODESRIA). From 1998 to 2009, he was director of the United Nations Research Institute for Social Development (UNRISD) in Geneva, and later professor at the Institute for Future Studies in Stockholm and chair of African development at the London School of Economics (LSE). It was in Geneva that I first met Thandika who, unlike many academics and UN bureaucrats, was passionate and full of life. His writings are so powerful because he had experienced the problems of development and social injustice firsthand. His work on “Targeting and Universalism in Poverty Reduction” (2005) was an eye-opener — and remains relevant today. While developing countries were trying to build their universal welfare systems after independence, the 1980s debt crisis and adjustment period interrupted the process and made governments abandon universalism for less costly, minimal, targeted safety nets for the poor, accompanied by private services for the wealthy. The inequitable US model was imported into developing nations. At a time when the world was shifting ideologically toward neoliberalism, blind to its shocking inequalities, Thandika bravely stood up for social policies and the developmental state, as shown in his excellent work on Social Policy in a Development Context(2004). Thandika had an inquisitive, sharp mind, committed to the difficult truths, as evidenced in his works such as “Disempowering New Democracies” (2006), “Maladjusted African Economies and Globalisation” (2004), and “The Spread of Economic Doctrines and Policymaking in Postcolonial Africa” (2014), among many others. I should also mention his very important book, African Intellectuals, Political Culture and Development (2002). Thandika Mkandawire was a humble human being. He was truly a kind soul, modest, warm, laughing about everything, and generous with his time to people. He could move from serious analysis to a hilarious observation in a second, and he always had human stories to share. There has been a cascade of sad messages on social media since his passing; he was loved by so many people. The last time we met, he was tired (I did not know he was ill), but after a couple of drinks he explained with the same passion as always his research on African industrialization: “Nobody realizes that all the preconditions are there!” I asked his advice about a few things at the UN, and we ended up laughing about bureaucrats, their ridiculous ideas, and the way things are — the same as always. “Don’t compromise,” he told me, “you start compromising on a small thing and soon you are one of them.” This was Thandika — he was a mentor and an inspiration to many of us. The world has indeed lost a giant, an exceptional economist committed to social justice. He was an intellectual hero, fighting against the current, one of the best ever directors at the United Nations. Few on this planet have made such gigantic steps — from a little village in Malawi to a distinguished professor at some of the world’s top universities. What would the ignorant white children who laughed at Thandika think now, if they knew? Heartfelt condolences to his wife Kaarina, his family and friends. He will be sorely missed. But his thoughts and memories stay with us. Hasta siempre, Thandika. Source: Jacobin The post We Just Lost a Giant of Development Economics appeared first on Puntland Post.
-
Muruq-maalatada ka shaqeeya Kaawada degaanka Gubadley ee duleeedka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhul boob iyo barakacin ay sheegeen in ay ku hayaan saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya. Qaar ka mid ah xoogsatadaasi oo la hadlay Raadiyaha Shabelle ayaa sheegay in ciidamada dhibaatada wada ay hoggaaminayaan Saney Cabdulle Gaab iyo Cusmaan Xaadoole. Sidoo kale, waxay ka codsadeen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay soo fara-geliyaan arrintooda si xal waara looga gaaro. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Cadaani-Cabasho-Dhul.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigay shirweynihii la qorsheeyey ee ujeedkiisu ahaa in lixda xisbi ee ku bahoobay Madashu ay ku noqdaan hal xisbi oo leh hal ujeeddo siyaasadeed. Qoraal kasoo baxay Madasha oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu sheegay in guddi farsamo oo ka kooban 6 xubnood, oo kala matala lixda xisbi, kaasi loo saaray isku dubbaridka iyo qaabaynta midowga lixda xisbi ee ay ka kooban tahay Madashu uu kusoo gaba-gabeeyay shaqadii loo igmaday muddadii loo qabtay oo ahayd 45 cisho. Si kastaba, Madasha ayaa sheegtay in daruufaha dalka ka jira awgood, gaar ahaan cudurka Coronavirus, dib loo dhigay shirkii ay ku midoobi lahaayeen lixda xisbi. “Madashu waxay ku wargelinaysaa umadda Soomaaliyeed in, iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka jira dalka ee ku aaddan caabuqa COVID 19 dartood, in dib loo dhigay shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen hoggaanka lixda xisbi si loo dhammaystiro howsha xisbiga,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha. Madashu ayaa sheegtay inay dib kasoo sheegi doonto xilliga iyo goobta uu ka dhici doono kulanka guud ee xisbiyada ku bahoobay Madasha markii ay suurogal noqoto. Hoos ka aqris bayaanka Madasha
-
Waa habeenka sideedaad ee barnaamijka tartanka Shabelle, waxaana ku ballansan degmooyinka Hodan iyo Waaberi oo kawada tirsan gobolka Banaadir. Kulanka u dhaxeeya labadan degmo ayaa ah kan ugu dambeeya ee is-araga koowaad ee wareega ugu horeeyay tartanka. Tartameyaasha labada dhinac ayaa wada diyaar-garowgii ugu dambeeyay si ay guul uga soo hooyaan kulanka caawa. Barnaamijka tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo sanadkan aad u xiiso badan ayaa weli maraya wareegiisii koowaad, waxaana illaa iyo hadda wacdaro ka dhigay degmooyin kala duwan. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
The Federal government of Somalia has announced Thursday it donated one million USD to help the flood-hit Somali families in Qardo town under Puntland state. Somali PM Hassan Ali Khaire said in a tweet: “The government of Somalia has delivered $1M to Puntland as humanitarian aid for flood victims in Qardo.” The donation came after Puntland President Said Abdullahi Deni who visited the town following the flash floods has appealed for immediate aid for the local residents. At least six people lost their lives in the flooding in Qardo district after many houses and commercial buildings were destroyed by the heavy downpour. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan malateriga Soomaaliya ay isbaarooyin hor leh dhigteen degaano badan oo ku yaalla gobolkaas, kuwaasi oo isku xira Muqdisho iyo gobolkaas. Nabadoon Cumar Cabdi Maxamuud oo kamid ah wxgaradka gobolkaasi islamarkaana ku socdaalay wadooyin badan oo ku yaaala Gobolka oo la hadlay Shabelle ayaaa sheegay in Ciidamada Dowlada isbaarooyin hor leh ay dhigteen Mmeelo kala duwan, taas oo uu sheegay in saameyn xoogan ay ku yeesheen dadka shacabka iyo Gadiidley wadooyinka. Ilaa Afar jidgooyo cusub ayaa lasoo wariyey in Ciidanka Dowlada ay dhigteen inta u dhaxeysa degaanaka Lambar 60 iyo Muuri kuwasi oo la sheegay in Dad shacab ah lagu dhibaateeyo. Taliska Ciidamadda Xoogga Dalka ayaa horey uga digay Isboorooyinka sharci daradda ah, waxaana uu daboolka ka qaadey in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarigii ama sarkaalkii lagu soo qabto barahaasi. View the full article
-
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga Jubba. Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato. Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga. View the full article
-
Dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay fatahaadihii ku rogmaday Baardheere ee gobolka Gedo iyo tuulooyinka u hareereysan kadib markii uu fatahaad uu sameeyay Webiga Jubba. Maxamed Cabdiraxiin, oo ah gudoomiyaha iskaashatada Baaraleyda Baardheere, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in uu jiro bakarac aad u fara badan oo ay sameeyeen dadka ku nool nawaaxiga Baardheere, kuwaas oo u badan Beeraley. Isagoo hadalkiisa sii wata, Maxamed Cabdiraxiin ayaa sheegay in 130 tuulo oo dhinaca ku haya webiga in laga barakacay, waxaana uu intaasi ku daray in fatahaaduhu ay sababeen khasaaro hantiyadeed oo u badan burbur soo gaarey dalaga Beeraha. Qaar ka tirsan degaanada hoostaga Jubaland ayaa waxaa fatahaadyo ku sameeyay Webiga Jubba, taas oo sababtay in dad badan ay guriyahooda ka barakacaan, waxaana isa soo taraya baaqyadda ku aadan in gurmad lala gaaro dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. View the full article
-
Afhayeenka ciidamada difaaca dowlada Uganda sareeye guuto Richard Karemire oo la hadlay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in cudurka Coronavirus laga helay askari kamid ah ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM. Sareeye guuto Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in askarigaasi lagu arkay qaar kamid ah astaamaha safmarka COVID-19,kadib markii baaritaan lagu sameeyanaya laga helay cudurka Coronavirus oo Soomaaliya ka jira. Sidoo kale afhayeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa tilmaamay in askarigaasi kamid ah howlgalka AMISOM markii laga helay cudurka lagu karantiilay goob gaar ah halkaasina looga dabiibayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus,haatana ay xaaladiisu wanaagsantahay. Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6 kun oo askari,kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM,waxaana askarigan u dhashay Uganda ee laga helay cudurka COVDI-19 uu kamid noqonyaa dad badan oo ajaanib kuwaas oo iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho laga helay safmarka Coronavirus. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada bariga Africa ee saameynta xoogan uu ku yeeshay cudurka Coronavirus,waxaana socda dedaalo caalami ah oo ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya,kuwaas oo lagu xakameenayo in faafitan dheeraad uu sameeyo safmarka Coronavirus oo aafo caalami ah loo aqoonsaday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-300420.mp3 View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19. Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus. Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.” “Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yiri “waxaan la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.” “Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.” Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore. Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah. Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan. Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono. REUTERS + VOA
-
Popular Contributors
