-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali health ministry has on Thursday evening confirmed 19 new coronavirus cases, including 18 in the capital Mogadishu alone. At least 11 people recovered from the COVID-19 pandemic with no deaths reported for the past two days, per Fowsiya Abikar, the country’s health minister during a press conference. The new discovery puts the total positive COVID 19 cases in Somalia to 601 with the death toll still standing at 28 so far across the long-chaotic Horn of Africa nation. The government has suspended all domestic and international flights as well as imposed night-time curfew on Mogadishu to contain the spread of the deadly virus. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigay shirweynihii la qorsheeyey ee ujeedkiisu ahaa in lixda xisbi ee ku bahoobay Madashu ay ku noqdaan hal xisbi oo leh hal ujeeddo siyaasadeed. Qoraal kasoo baxay Madasha oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu yiri “Madashu waxay ku wargelinaysaa umadda Soomaaliyeed in, iyadoo la tixgelinayo duruufaha ka jira dalka ee ku aaddan caabuqa COVID 19 dartood, in dib loo dhigay shirweynihii ay isugu imaan lahaayeen hoggaanka lixda xisbi si loo dhammaystiro howsha xisbiga.” Inkasta oo la fahmi karo go’aanka Madasha, maadaama ay adag tahay in xilligan dad ay meel isgu yimaadaan, haddana Madasha waxa ay sameysay ayaa ah, inay iska dhalisay gool siyaasadeed otareeto ah, ayada oo wixii ay ku eedeyneysay dowladda ku dhaqaaqday. Qoraal kasoo baxay Madasha 4-tii April ayaa lagu yiri “Doorashooyinka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waa inay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, waana inaysan dhicin wax mudo kordhin ah. Doorashooyinku waa inay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah kuna dhaca si daahfurnaan leh.” Haddii Madashu ay maanta qirtay in xaaladda jirta darteed ee ka dhalatay Coronavirus aanay shir qabin karin, maxaa diidaya in dowladda iyana sidaas oo kale ay dib ugu dhigto doorashada. Inkasta oo weli waqti uu jiro, lagana yaabo in ka hor xilliga doorashada laga gudbo xaaladda Coronavirus, haddana uma muuqato sidaas, sababtoo ah muddo xileedka baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan 6 bilood, islamarkaana xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya waa midda hadda un bilow ah. Haddii Madasha ku adkeysan lahayd in wax kasta oo dhaca ay qasab tahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto, waxay maanta fureen albaabkii ay dowladda dib ugu dhigi lahayd doorashada haddiiba ay sidaas damacsaneyd markii hore. Si kastaba, dadka qaar ayaa rumeysan in hoggaanka Madasha isku raaci waayeen inay hal xisbi noqdaan, sidaas darteedna ay ayaga xitaa Coronavirus ka dhex heleen fursad ay sheekada hal xisbi ku damiyaan. Hase yeeshee, haddii aysan Madasha qoraal soo saarin, oo sheekada ay si hoose u damiyaan, ma jiri lahayn cid wax iska weydiisa shirkooda, waayo waxaaba yaraa dadka xusuusta ama ka war-hayey waqtiga, waxayna la sugi karaan xaaladda ku habboon. Qoraalka Madasha ayaa u muuqda mid lagu soo deg degay, oo aan siyaasad ahaan laga fiirsan, si la mid ah qoraalkii 4-tii April, oo dalka oo Coronavirus billow un ka yahay, dadkuna walaac qabaan ay lasoo boodeen doorasho, taasi oo dadka qaar u muujisay inay yihiin dad kursi un u cad yahay oo aan wax kale ka fikireyn.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: U.S. NGO Project HOPE Donates 56,000 Protective Masks to Ethiopia Project HOPE is also conducting virtual training for health care workers on COVID-19 in partnership with Brown University. ADDIS ABABA, Ethiopia, April 30, 2020/ — Project HOPE, a U.S.-based nongovernmental organization (NGO), is providing more than 56,000 N95 protective masks to Ethiopia to support COVID-19 response efforts. Project HOPE Country Representative Dawit Abraham presented the personal protective equipment to Minister of Health Dr. Lia Tadesse at a small handover ceremony, which will be used to protect health workers in handling COVID-19 cases in government health facilities and communities across the country. Purchase, logistics and shipment costs for the protective masks were made possible through Project HOPE corporate funding and donations from the Church of Jesus Christ of Latter Day Saints. Project HOPE has been responding to the global COVID-19 pandemic since early February 2020. The organization has been operating in China – including the Wuhan province, where the disease was first reported – and is building upon lessons learned from fighting the outbreak there to inform its missions around the world. Ethiopia is one of Project HOPE’s priority countries in its global response to COVID-19. In addition to equipment donations, Project HOPE is also conducting virtual training for health care workers on COVID-19 in partnership with Brown University. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia. SOURCE U.S. Embassy Addis Ababa, Ethiopia Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka baxday heshiis ay hore u saxiixday oo mudadiisu dhameyd 30-sanno, kaasi oo ay Muwaadiniin reer Somaliland ah ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club. Somaliland ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiiskaasi oo sida la sheegay aysan mudadiisu dhamaan, isla markaana si qasab ah kala wareegtay huteelkaasi labo muwaadin oo ay hore uga kireyso, kuwaasi oo ku sameeyay maalgashi ay kaga baxday dhaqaale badan. Tobabare Jaamac Karaciin iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’ale waa labada shaqsi ee xukuumada Biixi la gashay heshiis dhan 30-sanno ah oo ay kaga kireynayso huteelka Hargeysa Club. Heshiiskan ay maanta burisay xukuumada Muuse Biixi ayaa waxa hore u saxiixay xukuumadii Daahir Rayaale, iyada oo ay dibna u cusbooneysiisay xukuumada Biixi muddo dhan 30-sanadood oo kale. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska wasiirka Howlaha guud ayaa lagu sheegay in Xukuumadu ay si rasmi ah uga laabatay heshiiskaasi ay hore ugu kireysay Hargeysa Club, iyada oo aan si cad u sheegin sababta kaliftay in la buriyo heshiiskaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa hadda huteelka gacan ku hayntiisa la wareegay Ciidamo boolis ah, kuwaasi oo fulinaya go’aanka ay xukuumadu uga laabatay heshiiskaasi oo mudadiis la gaadhin. Inkasta oo aysan cadeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in xukuumadu ka baxdo heshiiskaasi, ayaa haddana waxa ay talaabadani kusoo beegmaysa iyada oo Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada shaqsi ee heshiiska ay la gashay Xukuumadu uu gobolka Sanaag ugu maqan yahay arrimaha nabadeynta. Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay ka baxdo heshiis muddo badan ah, iyada oo hore u laashay heshiisyo sanado badan ah oo ay hore ula gashay shirkado ka howl-gala gudaha deegaanadeeda, arrintaasi oo dhalisay walaac hor leh oo ku aadan damaanada heshiisyada lala galo xukuumada Biixi.
-
Washington (Caasimada Online) – Ayada oo Mareykanka uu ku cadaadinayey Sacuudi Carabiya inay soo afjarto dagaalka qiimaha saliidda ee ay kula jirtay Ruushka, ayaa madaxweyne Trump waxa uu hogaamiyayaasha dalkaas siiyey diginin kama dambeys ah. Dagaalkaas ayaa hoggaamiyey in suuqyada caalamka lagu soo fasaxo saliid aan loo baahneyn, taasi oo hoos u dhigtay qiimahii saliidda, islamarkaana si gaar ah u dhowaacday shirkadaha shidaalka Mareykanka. Wada-sheekeysi taleefon oo dhacay 12-kii April, ayaa Trump wuxuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ugu sheegay in haddii ururka saliidda ee OPEC aysan si deg deg ah u dhimin wax soo saarkooda saliidda, ay ku adkaan doonto inuu joojiyo qaraar ay sharci-dejiyayaasha Mareykanka ansixin lahaayeen, oo ciidamada Mareykanka looga soo saarayo Sacuudiga. “Laba kala doorta, inaad dhintaan wax soo saarka saliidda, ama in ciidamada Mareykanka ee idin difaaca laga saaro dalkiina,” ayuu Trump ku yiri Bin Salman, sida ay dad xog-ogaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Hanjabaaddaas ayaa xudun u ahayd cadaadis Mareykanka uu saaray Sacuudiga, kaasi oo hoggaamiyey heshiis lagu dhimay wax soo saarka saaliidda, islamarkaana guul diblomaasiyadeed siisay Aqalka Cad. Trump ayaa digniintan siiyey Bin Salman, 10 maalmood ka hor inta aan lagu dhowaaqin heshiiska dhimista soo saarka saliidda. Sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa aad uga yaabiyey hanjabaadda Trump, heer uu gaaray inuu amro dadkii qolka kula jiray inay ka baxaan, si uu si gaar ah ula hadlo Trump. Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa Reuters u sheegay in maamulka Trump uu Sacuudiga u sheegay in haddii aysan dhimin wax soo saarka saliidda “aysan jiri doonin hab xubnaha congress-ka looga joojiyo inay soo rogaan xanibaado, kana soo saaraan ciidamada Mareykanka dalka Sacuudiga.” Sarkaalkan ayaa macnaha guud ee fariinta Mareykanka kusoo koobay inay ahayd “inaan idin difaacno, adinkana aad burburisaan shirkadaheena isma qabato.” Saraakiil sare oo ka tirsna dowladda Sacuudiga oo arrintan wax laga weydiiyey waa ay diideen inay jawaab bixiyaan.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-30042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa beeniyey inay kasoo baxday warqad lagu amray dowladda hoose ee Muqdisho inay si ku meel gaar ah u joojiso canshuur aruurinta, sababo la xariira baaritaan ku bilaabanaya. Warqadaas oo ku taariikheysan 29-kii bishan ayuu cadeeyey xaafiiska guud ee hantidhowrka in aysan isaga kasoo bixin oo ay been abuur tahay. “Xafiiska hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu caddeynayaa in warqaddaan hoose aysan sax aheyn kana soo bixin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayna tahay warqad been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xaafiiska hantidhowrka guud ee qaranka. Hoos ka arag warqadda been abuurka ah ee hanti-dhowrka beeniye
-
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shaaca ka dhigtay in ay dib u dhigtay shirweynihi ay ugu xuubsiiban laheyd halka xisbi sabab la xiriirta cudurka Covid-19 oo saameyn ku yeeshay dadka Soomaaliyeed. War-saxaafadeedka View the full article
-
RAJADA UGU DHOW EE TALAALKA CUDURKA COVID19 EE CORONAVIRUS AYAAN HAYAA !. Waxaa caalamkii Wiiqay Cudurka Loo bixiyey Coronavirus kaasi oo Sameeyey: Noloshii Aadamaha oo keenay dhimashada Xad-dhaafka ah iyo Bukaan aan La tirin karin oo muddo gaaban ku gaadhay Qaaradkasta iyo wadan walba. Cabsida Cudurkaas Wuxuu Curyaamiyey Wax-soo-saarkii iyada oo ay fadhiisteen Dhamaan illihii dhaqaaluhu ka Soo baxaayey nooc-kasta oo ay Yihiin. Waxaa kala go’ay Xidhiidhkii Dadka, Waxaana La Miciinsaday: Guriga ku Jir, kala Fogaada ugu yaraan 2 Meter, Gacmaha Maydh, Ha istaabanina. Taasi oo Bedeshey Qaab Nololleedkii Dadka iyo iskaashigiiba. Haddaba Jiritaanka Caalamku Sidan kuma Socon Karo. Haddaba Waxaa Adduunka oo Dhan hadda Orod iyo Tafaqsi Loogu Jiraa: Sidii Talaal ama Dawo Loogu Heli Lahaa Cudurkan Sadhaha ah ee Covid19 ee Noloshii Aadamaha Naafeeyey. Haddaba Aniga oo ku Noqonaaya Sadarkii aan ku bilaabay Qoraalkan ee ahaa: Sida ugu dhow ee Loogu heli-lahaa Tallaal Anaa haya. Waxaan La Socodsiinayaa Adduunka in halkan idiinku Soo bandhigaayo Aqoon iyo Xog Ummadda Somaliland ay Taqaannay kuna dhaqmijirtey Boqollaal Sano ( Hundreds of Years ) Aqoontaas oo ah in Xoolaha ay dhaq-daan Gaar ahaan Geesleyda oo ah: Riyaha iyo Lo’da. Marka uu Sadhahanni ku dhaco Riyaha Sambabku oo keenno Sadhaha Riyaha ee Caalamkana Looga Yaqaan: ( Contagious Caprine Pleuropneumonia ) Cudurkani Marka uu ku dhaco Riyaha inta neef ee Cudurkani hayo waa la Takoori oo waa la karantiimi jirey oo Meel Gooni ayaa Lagu oodi jiray Riyaha Fayowna waa laga ilaalin Jiray, Xiitaa Reerraha Sabab Lagu Sheego Waa Laga Fogaan Jiray si ayna Riyahooda Fayow aanay u Sadhadayn Riyaha Bukaa. NUXURKA QORAALKANNI Waa in aan idiin Soo Bandhiggo Sida Dadka Soomaaliyeed u Tallaali Jireen Riyaha iyo Lo’da, Waana: Neefka Riyaha ah ee Cudurkani Dillo Waxay ka Soo Saari Jireen Sambabka oo intay Cadceedda ay u dhigaan ayey marka Sambabku ingeggo ayey Sambabka Qurbi Jireen iyaga oo u googaaya Sida Muqumada, Colobta ama Oodkaka Kale Qofba Sida uu u Yaqaan iyaga oo Sambabka u Jarjaraaya Boqollaal Sida Midhaha Digirta Cagaaran kadib inta Dab La Shido ayaa Xoro Lagu Soo Oodayaa Riyihii Fayoobaa Markaas ayey Haweenneyda ugu Weyn Qoyska ayaa Soo Qaadanaysa: Madane iyo Midi ka dibna Dabkii Shidnaa ayaa La Galinayaa Madanihii iyo Mididii kolkaasaa Riyihii Fayoobaa inta Mid Mid Loo Soo Qabto ayaa Dhigta Rida Saanta Kore Meel dhinaca sare ee dhegta ah ayaa Mididii Lagu Daloollinayaa Hog Yar Godkaa Yar Waxaa Holayaa Xulub Loona Daloollinayaa Saanta Sare ee dhegta iyo Carjawda Dhegta Dhexdooda ayaa La Galinnayaa Cadkii Yaraa ee Sambabkii ahaa Marka Sambabkaa Yar Dhegta La Galiyo Madanihii Dabka ku Jirey ayaa Afkii Yaraa ee iniinta Yar ee Sambabka ah Dhegta Rida La Galiyey ayaa Madanihii oo aad u Kulul Lagu Gubayaa Meeshii Nabarka ahaydna Way Awdmaysaa Nabarkii Sidaasi ayuu ku Bogsanayaa Riyaha Reerraha ee Fayowna Sidaasi ayaa Tallaalka Loogu Dhameynayaa Sidaasi Ayeyna Riyuhu kaga badbaadayaan Sambabka ku Dhaca. Gabagabada Nuxurka iyo Ujeedada Qoraalkanni Wuxuu Yahay: In Sidaas Soomaalidu Sambabka Riyaha uu Dillay Cudurka Sadhaha Sambabku in Dadka Coronavirus uu Dillay Sambabadooda Laga Raadiyo: Talaalka Sambab-daddeedkan Caalamka Naafeeyey ee illaa hadda aan Maaro Loo Haynin. Haddaba Waxaan u soo u Qaatay Tusaalaha Talaalka Soomaalida ee Boqollaalka Sannadood Lagu Soo Dhaqaayey Lana Hubo in uu Suggan Yahay. Markii ugu horreysay ee Cudurkani Coronavirus Lagu Arkay Dadka Dalka Shiinaha Waxaa La Sheeggay: in Laga Qaaday Xoolaha Gaar ahaan Ugaadha Sidaasi Darteed Haddiiba Laga Qaaday Xoolaha Aniga Artidayda Waxay iigu Muuqataa: in Coronavirus uu Yahay Sadhihii Riyaha Xaasuuqaayey intii aanay Soomaalidu Tallaalkan aanay helin Laakiin Markay Soo Saareen Tallaalkan Sambabka Riyaha iyo Lo’da Waxaa La Gaadhay Guul Xoole Dambana Sambab Ma Dillin. Haddaba Waxaan Anigu u Bixiyey Cudurka Coronavirus ( SAMBAB-DADDEED ) Wuxuuna La Nooc Noqon Karaa Sambabkii Soomaalidu Tallaalka u Heshay ee Lagu Badbaadday ee Dawladdaha Waaweyn Wadamada Sheegtayow ALLAH Weyne Bal Maanta Naga Faa’iiddeysta oo Sambabbada Dadka Covid19 Dillay Ha Laga Baadho Tallaalka Sambabbsda Dadka Cudurkani Dillay Waana Wax Alle Ogol Yahay Sida ( Organ Donation ) Khawaajeyaashow Bal Maruun ka Faa’iiddeysta Aqoonta Africa ( Soomaalida ) Guul iyo Garasho Wacan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Boorama waxaa maanta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii looga shakisanaa cudurka COVID19, iyadoo halkaasi lagu aasay. Qofkan geeriyooday ayaa shaybaadhkiisa horey loogu diray dalka dibaddiisa, iyadoo la sugaayay natiijada jawaabta. Qaabka loo aasay ayaa ahayd mid taxaddar badan, iyadoo dadka aasayna ay xidhnaayeen dharkii loogu talo-galay Coronaviruska. Marxuumka ayaa ahaa nin dhalinyaro ah. Alle ha u naxariisto. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in qaabkii ay Shiinaha ula tacaaleen cudurka Coronavirus ay caddeyn u tahay in Beijing “ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo”, si uu u lumiyo doorashada madaxweynaha ee bisha November. Wareysi uu siiyey Reuters, isaga oo ku sugan Xafiiska Oval, ayuu Trump ku sheegay inuu eegayo tallaabooyin kala duwan oo China uu ku marsiin karo ciqaab la xiriirta fayruskan. “Wax badan Ayaan sameyn karaa,” ayuu yiri. Trump ayaa Shiinaha ku eedeynayey cudurkan safmarka ah, oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 60,000 oo qof, islamarkaana dhaawac xooggan gaarsiiyey dhaqaalaha Mareykanka, taasi oo wiiqday rajadii dib u doorasho ee Trump. Madaxweynahan Jamhuuriga ah, oo inta badan lagu eedeeyo inuusan xilli hore tallaabo qaadin, si uu Mareykanka ugu diyaariyo la-dagaalanka faafitaanka fayruskan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Shiinaha ay ahayd inay xilli hore dunida ogeysiiyaan cudurka Coronavirus. Mar wax laga weydiiyey inuu Shiinaha ku ciqaabi karo canshuur dheeri ah iyo inuusan bixin deymaha ay ku leeyihiin Mareykanka qaarkood, ayaa Trump waxa uu yiri “wax badan ayaan sameyn karaa, waana eegeynaa waxa dhacay.” “Shiinaha waxay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, si tartanka la iiga adkaado,” ayuu yiri Trump. Waxa uu intaas ku daray in Beijing ay dooneyso musharaxa la loolamaya ee Dimoqraadiga ah, Joe Biden, uu ku guuleysto doorashada, si uu uga qafiifiyo cadaadiska Trumo uu saaray Shiinaha sida gacansiga iyo arrimaha kale. “Waxaa si joogta ah ugu adeegsadaan xiriirka dadweynaha inay isku dayaan inay iska dhigaan inay yihiin kuwa aan waxba galabsan,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya saraakiisha Shiinaha. “Waanu damaashaadeynay ka hor inta aysan arrintan dhicin. Waxaanu haysanay dhaqaalihii ugu weynaa taariikhda,” ayuu yiri. Sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka Trump, balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa Arbacadii sheegay in xabad joojin aan rasmi ahayn, oo la xiriirta dagaalka dhanka afka ah, taasi oo bishii March ay isku raaceen Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo taleefonka ku wada-hadlay, ay hadda u muuqato inay dhammaatay. REUTERS + VOA
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-30042020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan. Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona. Halkaan Ka Daawo Hadalka Wasiirka Goobjoog Nrews Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka magaalada Qardho, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho. Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda. Dowladda Goboleedka Puntland ayaa goor hore bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
DJabuuti (Caasimada Online) – Warbaahinta RFI oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa iyada oo soo xiganeysa Wargeys wax ka qora arrimaha Militeriga Mareykanka waxay daabacday in saldhigga militeriga Mareykanka ee Jabuuti xayiraad lagu soo rogayo, kaddib markii laga helay kiiskii labaad oo cudurka Coronavirus ah. Qofka labaad ee cudurka laga helay ayaa laga qaaday dalka Jabuuti, arrintaasina waxay horseedday in xayiraad lagu soo rogo saldhigaas oo bixiya istiraatiijiyadda militeri ee guud ahaan Bariga Afrika, waxaana lagu sheegay sababta dhaqdhaqaaqyadiisa loo xannibayo sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19. Warbixinta RFI ayaa intaas ku dartay in Taliska Militeriga Mareykanka uu Talaadadii todobaadkan u diyaar garoobayay in xubnaha ka tirsan askarta ee magaalada Jabuuti deggan lagu xareeyo meel ka mid ah saldhigga. Tallaabadaas ayaa lagu qeexay mid ku meel gaar ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay taliska militeriga Mareykanka oo uu soo xigtay wargeyska lagu magacaabo Stars and Stripes ee ka faallooda arrimaha militeriga Mareykanka. Dalka Jabuuti ayaa laga diiwaan geliyey 1,077 kiis oo Coronavirus ah, waxaana la xaqiijiyey in ilaa hadda laba qof oo kaliya ay ugu geeriyootay. Marka laga soo tago saldhigga militeriga Mareykanka ee laga helay kiisaskaas la xariira COVID-19, Jabuuti waxay sidoo kale marti galisaa saldhigyo kale oo uu ugu weyn yahay kan militeriga Faransiiska, oo ah waddankii horay u gumeystay Jabuuti. Saldhigga Faransiiska waxaa ku sugan 1,400 oo askari, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaaradaha dagaalka.Waxaa kale oo Jabuuti ku yaalla saldhig ay leeyihiin ciidamada badda ee Faransiiska.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 13 kamid ah ay rag yihiin 6-na ay haween yihiin. 11 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan. Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana kiisaska ay hadda dhaafeen 600, halka sidoo kalena dad kale ay ka bogsadeen. Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dalka laga helay 19 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 11 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dowladda ay maalin qra shaaciso inay xanuunka ka bogsadeen xanuunkan. Guud ahaan waxaa hadda cudurka ka bogsaday 31 qof. 19-ka kiis ee cusub ayaa 18 ka mid ah waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka qof kalena uu yahay qof jooga Koonfur Galbeed. Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 19-ka bukaan ee cusub ay 13 ka mid ah yihiin lab, halka 6 kale ay yihiin dhedig. Maalin labaad oo xiriir ah, wasaaradda ma shaacin wax dhimasho ah oo la xiriirta Coronavirus. Tirada dhimashada ayaa weli taagan 28 qof. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 601 qof.
-
Popular Contributors
