Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa gobolka Bari ay habeen hore la baxsadeen hubkooda, kadib markii ay si dhuumaaleysi ah uga fakadeen deegaanka Af-Urur. Ciidamadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, iyaga oo doonaya inay iibsadaan hubkaasi oo u badan AK47. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta baxsatay ay yihiin kuwa dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Xorgoble ee Qardho, iyadoona kadib la geeyey deegaanka Af-Urur, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan buuraleyda Bari. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Yaasiin Cumar Dheere ayaa amray saraakiisha ciidamada maamulkaasi in si deg-deg ah loo soo qabto askartaasi. Sidoo kale taliyaha oo haatan ku sugan degmada Badhan, gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciidamadaasi, islamarkaana ay la tiigsan doonaan maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay askar ka baxsato Puntaland, waxaana jira ciidamo ka tirsanaa maamulkaas oo hub iyo gaadiid la goostay oo ku biiray Somaliland.
  2. Waxay tuducdaasi ka mid ahaayeen, gabay uu Alle ha u naxariistee Adeerkay Cumar Xaaji Huruuse ku sagootiyay walaalkii. Saakana waxa la ii soo sheegay oo xaqii oofsaday, Ilaahay hoygiisa jannada Fardowsa ha ka dhigee abtigay, Daahir Xaaaja Cali Maxamed. Source: Hiiraan Online
  3. Degmada Dayniile ayaa xalay guul ka gaartay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle, kadib markii ay dhinaca dhulka u dhigtay degmada Heliwaa ee G/Banaadir. Labada degmo oo u dambeeyey group-ka B wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Dayniil oo guusha la hoyatay. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Heliwaa oo ay la timid 8 dhibcood, halka tartamayaasha degmada Dayniile oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 18 buundo. Dayniile iyo Xamarweyne ayaa ka soo baxay group-ka B oo ay ku wada jireen illaa afar degmo. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Xamarjajab iyo Marka oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sidoo kale labada degmo ayaa tirsan group-ka C wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  4. Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay Qalalaase Siyaasadeed oo sida ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo. Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo Kulankaas ka warbixiyay, ayaa sheegay in hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Qalalaase siyaasadeed oo lagu burburinayo Maamulka Jubaland ay ka waddo Gobolka Gedo. Maxamuud Sayid, ayaa sheegay in shalay oo u dambaysay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, ay af-duubtay Guddoomiyihii Degmada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe, kadib markii uu ka dhega’ adaygay in uu ka qayb-qaato burburinta Jubaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, wuxuu caddeeyay in Kulanka Golaha Amniga Jubaland ee xalay ka qabsoomay Magaalada kismaayo lagu go’aanshay in Mowqif adag Jubaland ka qaadato Qalalaasaha Siyaasadeed ee Villa Somalia ka waddo Gobolka Gedo. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowlad Goboleedka Jubaland aysan mar dambe u sii dulqaadan doonin Siyaasadda Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan Gobolka Gedo, taas oo sida uu sheegay lagu wiiqayo awoodda Jubaland ee Gobolkaasi. Marka laga yimaado Arrimaha Siyaasadeed, sidoo kale waxa Gobolka Gedo ka taagan xaalad banii’aadanimo oo cakiran kadib markii webiyada Jubba iyo Daawa ay fatahaad ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Gedo. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in ay Mowqif adag ka qaadan doonto Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay shir Puntland ay ka codsatay beesha caalamka oo uu fududeeyey ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeyb-galay Ra’iisal wasaaraha XF Xasan Cali Kheyre. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayey, sidii looga falcelin lahaa fatahaadii dhowaan ka dhacday magaalada Qardho ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo qaaday marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintaan. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  6. Until last week, Walid and Mustafa had never met. Owing to their disparate backgrounds, they might not have had anything in common, bar their age: both turned 18 this year. Source: Hiiraan Online
  7. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Bam-Gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay barkoontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa Bam-Gacmeedkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas au fureen ciidamada la weeraray ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kale oo rayid ahaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada ammaanka Soomaaliya. View the full article
  8. Somalia’s fast-rising cases of Covid-19 are exposing African Union Mission peacekeepers to the disease, risking key operations against the militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaay isku dubaridka u gurmashada Qardho oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, QM iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda taagan, iyo nuuca kaalmada degdegta ah ee hadda loo baahan yahay. Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya inay u gurmadaan dadka reer Qardho si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahaa. Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen. View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-120520.mp3 View the full article
  11. Markab dagaal oo ay Iiraan leeedahay oo si aan ulakac ahayn loo burburiyay Sawirka biya -mareenka Hormuz 19 badmaxiin ah ayaa ku dhintay 15 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Iiraan uu si aan ula kac ahayn gantaal ugu dhuftay Markab kale oo ay isla Iiraan leedahay. Sida uu baahiyay Telefishinka Iran mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Iran ayaa quusiyay Markab kale oo ay isla Iiraan leehay. Warar horey u so baxayay ayaa sheegayay in tiro ciidamada badda ah ay dhinteen ka dib markii mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka Iiraan oo lagu magacaabo, Jamaran, islamarkana tijaabinayay gantaal lnooca Maraakiibta lagu burburiyo ah uu gantaalkaas si aan ula kac ahayn ugu dhacay Markab kale oo ay isla Iiraan leedahay. Wakaalada wararka ee Iran ee Fars ayaa sheegtay in mashaqadan ay dhacday xilli ay ciidamada badda ku guda jireen “dhoolatus militari ” oo Axaddii ka socday gacan biyoodka Hormuz. Ciidamada qalabka side ee Iiraan ayaa si joogta ah u qabta dhoolatusyada Militari. Sida ay sheegayaan warar aan rasmi ahayn Markabka dagaalka ee, Jamaran – oo ah mid ay ku howlgalaan ciidamada ilaalada kacanka Iiraan -ayaa ka hormaray xilligii ay ahayd in gantaalka la rido islamarkana waxaa uu haleelay Markab kale, oo lagu magacaabo Konarak, oo ka soo socday goobtii bartilmaameedku ahaa. Muqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya wax lagu sheegay dhaawacyada Badmaaxiin lagu qaadayo gaari ah nooca gurmadka deg-dega. Bishii January, ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa si aan ula kac ahayn u so riday diyaarad rakaab meel u dhaw caasimada Tehran. Waxaa diyaaradaasi ku dhintay dhammaan 176 qof ee saarnaa, ugu dambeyna waxaa dowladda Iiraa ay qiratay inay iyadu ka dambeysay. Dhacdadaas ayaa timid xillii ay cira isku sii shareeraysay xiisaddii u dhaxeysay Iiraan iyo Mareykanka, ka dib markii ay Mareykanka dileen abaanduule sare oo ka tirsanaa ciidamada Iiraan. Bilooyiinkii ugu dambeeyay waxaa soo cusboonaaday xiisada labada dhinac, waxaa uuna Mareykanka Iiraan ku eedeeyay inay dhibaateynayso ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan gacanka carbeed. Qaran News
  12. Sucuudiga oo saddex laabay cashuurta iibka si loo kaabo dhaqaalaha dalka Sucuudiga ayaa saddex laabay cashuurta iibka ee saaran badeecadaha dadku iibsadaan, talaabadaas oo qayb ka ah qorshaha tashiilka ee la doonayo in lagu badhi taro dhaqaalaha dalka ee coronavirus-ku dhaawacay. Xukuumadda Riyaad ayaa sidoo kale sheegtay in ay joojinayso gunnadii maciishadda ee ay siin jirtay shacabka, si loo yareeyo kharashka dawladda. Dalkan saliidda hodanka ku ah ayaa tan iyo intii sicirka shidaalka ee caalamku dhulka galay safmarkan awgii, dhaqaalihiisu dhulka galay. Boqortooyadu waxay markii ugu horraysay cashuurka iibka dalka ku soo rogtay laba sano ka hor taas oo ujeedadu ahayd in ay yarayso xaddiga dhaqaalaheeda ee ku tiirsanaanta saliidda. Wakaaladda wararka dawladda ee Sucuudiga ayaa sheegtay in qiimaha cashuurta iibka oo markii hore ahaa 5% haatan laga dhigay 15 % laga bilaabo 1 bisha Juulaay ee soo socota, iyo in sidoo kale la joojin doono gunnada machiisadda 1 Juun. Gunnada maciishadda ee shaqaalaha la siin jiray waxay ahayd 1,000 Riyaal oo u dhiganta 267 doolar bishii, taas oo loo bilaabay sannadkii 2018 si looga kabo culayska cashuurta iibka ee markaa lagu soo rogay dalka iyo sicirka shidaalka oo kacay. “Go’aannadani waa kuwo xanuun badan laakiin ma huraan u ah xasiloonida maaliyadeed iyo dhaqaale ee dalka mustaqbalka dheer…. Isla markaana looga gudbo duruufahan lama aragga ah ee coronavirus oo saamayntiisa loo xadidi karo” ayuu warbixin uu soo saaray ku yidhi wasiirka maaaliyadda Maxamed Al-Jadcaan. Maxamed Bin Salmaan Shaacinta arintani waxay soo baxday iyada oo kharashaadka dawladda ee boqortooyadu gaadhay in miisaaniyaddeeda lagu kabo amaah dhan 9 bilyan oo doolar saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan. Waxaana sababay hoos u dhaca sicirka saliidda mudadaas saddexda bilood ah oo sababay in dakhliga dawladdu uu hoos u dhaco 34 bilyan oo doolar, oo wadarta dakhliga dawladda ka ah 22%. Sidoo kale bankiga dhexe ee Sucuudiga ayaa sheegay in uu is dhimay kaydkii dalka ee lacagta qalaad bishii Maarijk oo uu gaadhay xaddigii ugu hooseeyey tan iyo sannadkii 2011. Talaabooyinka lagaga hortagayo coronavirus saamayntiisa ayaa sidoo kale la filayaa in turunturreeyaan isbedallada dhaqaale ee dhaxal sugaha taajka borotooyada, Maxamed Bin Salmaan, bilaabay. Kal hore ayaa Sucuudigu saamiyo uu ka iibiyey shirkadda shidaalka ee dawladdu leedahay ee Aramco wax aka soo galay 25.6 bilyan oo doolar. Iibinta saamiyadaasi waxay hal-bowle u ahayd qorshaha Maxamed Bin Salmaan ku doonayo in uu casriyeeyey dhaqaalaha dalka oo uu yareeyo ku tiirsanaantiisa dakhliga saliidda oo keli ah. Qaran News
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulan deg-deg ah oo ay golaha amniga maamulkaasi ku yeesheen magaalada Kismaayo. Sayid Aadan ayaa shaaciyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xayirtay, islamarkaana ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortagga xanuunka Covid-19 iyo fatahaadaha ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Baardheere oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in dowladda dhexe ay siyaasadeyso gurmad lagu caawinayo shacabka Jubbaland oo ay isku biirsadeen fatahaado iyo Coronavirus. Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xarigii ay dowladda Soomaaliya u geysatay guddoomiyihii degmada Garbahaarey, Cadow Imaan Kaarshe oo shalay laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa caranka ku dhuftay in dowladda federaalka ay weli sii wato dhacdooyinka is-daba jooga ah ee ay ka geysaneyso gobolka Gedo, isagoona xusay in guddoomiye Kaarshe, si xooga ah loo soo afduubtay, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu ka dalbaday dowladda dhexe inay sii deyso ma’suulkaasi, ayna ku soo celiso degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Ugu dambeyn Sayid Aadan hoosta ka xariiqay in go’aano culus iyo mowqif cad ay Jubbaland ka qaadatay xiisada kala dhexeysa dowladda, islamarkaana ay maalmaha soo socda la wadaagi doonaan beesha caalamka, xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, siyaasiyiinta, iyo waxgaradka Soomaaliyeed, si ay marqaati uga noqdaan. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka oo dhameystiran. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Your-Facebook-Video-fbdown.net-15.mp4
  14. Dowladda Mareykanka oo dalalka Khaliijka u jeedisay hanjabaad la xidhiidha Shiinaha – Dalalka carbeed ee Khaliijka waa in ay tixgeliyaan xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka marka ay la macaamilayaan Shiinaha, waxaa sidaas ku hanjabay sarkaal Maraykan ah iyadoo ay soo baxayso xiisad u dhaxaysa Washington iyo Beijing oo salka ku haysa safmareenka Coronavirus. Dalalka Carbeed ee gacanka waxa ay xiriir wanaagsan la yeesheen Shiinaha iyagoo xiriir wanaagsan la leh Maraykanka, islamarkaana raadinaya hanti iyo technology-yad ay faa’iido badan ku sameeyaan. “Dalalka Carbeed waa in ay qiimeeyaan saaxiibtinimadooda Maraykanka” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka David Schenker. Madaxweyne Donald Trump ayaa xukuumadda Beijing ku eedeeyay faafista xanuunka Coronavirus, waxaana uu sheegay in maamulkiisu uu fulin doono ciqaab ka dhan Shiinaha. Saraakiil dhowr ah oo kasoo jeeda dalalka gacanka ayaa amaanay sida uu Shiinuhu u xakameeyay Coronavirus, kaasi oo markii hore kasoo billowday magaaladda Wuhan ee Shiinaha. Diblomaasiga sare ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in dalalka gobolku looga baahan yahay in ay ka walwalaan kaalmada Shiinaha, taas oo uu ku sheegay “dhiig-miirasho.” Schenker ayaa sheegay in uu jiro walaac ku saabsan in dalalka gobolku ka qayb qaataan shirkadda Huawei oo gacanka ka dhiseeysa adeega Internet-ka ee 5G. Maraykanku waxaa uu halkaas ku leeyahay Saldhigga ugu weyn ee Bariga dhexe. Taasi waxaa ay Ciidanka Maraykanka iyo kuwa gacanka ku adkeyneysa in ay wada xiriiraan. Maraykanka ayaa in muddo ah waxaa uu beegsanayay Huawei, taasi oo uu u arko ay ledahay Dowladda Shiinaha. Shiinaha iyo Shirkadduba waa ay beeniyeen in wax xiriir ah uu ka dhexeyo. Qaran News
  15. Sawir hore: askar ka tirsan Puntland Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraleyda Af-Urur ee gobolka Bari, ayaa la xaqiijiyay in ay la goosteen hubkooda, kadib markii ay si dhuumasho ah kaga baxsadeen fariisimaha Ciidanka. Askartaas oo kamid ahaa ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho, kadibna la geeyay degaanka Af-Urur, ayaa habeen ka hor halkaasi kala baxsaday dhammaan hubkii ay wateen oo u badan qoryaha fudud ee AK47. Wararka qaar ayaa sheegaya, in askarta hubkaas la goostay ay u baxsadeen dhinaca gobolka Sanaag, islamarkaana ay doonayeen in ay dib u-iibsadaan hubka iyo rasaasta ay wataan. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo haatan ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixiyay in deg deg ah loo soo qabto askartii hubka la baxsaday, si sharciga loo hor-geeyo. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo hub la baxsaday appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ay xubnaha beesha Caalamka ka dalbadeen in loo ballamiyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka marka laga reebo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Villa Somalia ayaa sheegtay iney dooneyso in ay la kulanto madaxda maamullada taabacsan iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, si looga wada hadlo arimaha COVID-19, doorashooyinka, xaaladaha ammaanka iyo arrimaha siyaasadda. Sidoo kale Villa Somalia ayaa dalbatay in kulankaasi oo Online ah ay goob jog ka noqdaan xubnaha Beesha Caalamka qaarkood balse uusan ka soo qeyb gelin Madaxweyne Axmed Madoobe, oo ay sheegtay in aysan aqooneen doorashana laga qaban doono Jubbaland. Lama oga sida ay ugu suurta geli doonto dowladda Soomaaliya dalabkeeda balse xogta aan helnay ayaa sheegaysa in aysan wali aqbalin xubnaha beesha Caalamka sidoo kalane aysan diidin. Soomaaliya waxay la daala dhaceyso cudurka COVID-19, kaas oo soo ritay in ka badan kun qof halka ku dhawaad 60 qofna u dhinteen, waxaana lagu baaqay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay u midoobaan sidii wax looga qaban lahaa. Beesha caalamka ayaa sidoo kale dooneyso in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay ka wada hadlaan sida laga yeelo arrimaha doorashooyinka, ayada oo ka digtay in dowladda dhexe ay qaadato go’aan aysan dowlad goboleedyada raali ka ahayn.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa amray in magaalada Muqdisho lagu celiyo meydka oday 70 jir ahaa oo geeriyooday kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay sheegeen ehelkiisa. Marxuumka oo ku dhintay degmada Yaaqshiid ayaa loo qaaday degaanka Biya Cadde ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana meydka la soo celiyay isagoo maraya degaanka Raage-Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe. Marxuumka, oo qoyskiisa ay codsadeen inaan magaciisa la shaacin, ayaa wiilashiisa waxaa soo wacay Al-Shabaab kadibna ay dhaheen “naga celi meydka murtadka aad soo qaadeen”, balse Marxuumka dhintay ayaa ahaa qof shacab ah oo aan dowlad kamid noqon bur burkii kadib, sida ay sheegeen qaar ka mid ah qoyska Qofka soo wacay ayaa sidoo kale noola sheegay iney qaraabo yihiin Marxuumka dhintay, taas oo sahashay inuu helo xiriirkooda kadibna uu soo waco. Warar madaxa banaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in marxuumka ka hor inta uusan geeriyoonin islamarkaana caafimaad qabay inuu tagi jiray degaanada Al-Shabaab isagoo u aaday dano kala duwan oo arrimo u badan. Lama oga sababta ka dambeysay in Al-Shabaab ay diidaan waxayna dad badan is weydiinayaan waxa uu galabsaday qofkaan waayeelka ahaa oo muddo dheer sariir saarnaa. Marxuumka ayaa lagu aasay Muqdisho markii lagu guul dareestay in la geeyo halkii loo rabay.
  18. TORONTO -- A new study investigating correlations between smoking, COVID-19, and a type of lung disease called COPD has found that current smokers are at a higher risk of dying from COVID-19 than non-smokers. Source: Hiiraan Online
  19. First came coronavirus, then the price war; now painful government austerity measures that could prove unpopular. Source: Hiiraan Online
  20. The number of children getting routine vaccinations has plummeted, setting the stage for what doctors fear could be a resurgence of preventable diseases. Source: Hiiraan Online
  21. 25-year-old aid worker released after joint operation by Italian, Turkish and Somali intelligence Source: Hiiraan Online
  22. The government of Djibouti will benefit from $43 million (SDR31.8 million, or 100% of Djibouti’s quota) granted by the International Monetary Fund under the Rapid Credit Facility (RCF) to meet the urgent balance of payments needs stemming from the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online