-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dadka Reer Jubaland ay cagta saareen toobiye ku jihaysan dib u heshiisiin, kaas oo u baahan in ay ku soo biirto cid kasta oo haatan mucaaradsan. Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in heshiiskii dhexmaray maamulkiisa iyo golaha isbeddel-doonka Jubaland, uu ahaa mid dadaal iyo wakhti badan la geliyay, balse ugu dambayntii mira-dhal noqday, sidaasna lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorrashadii Agoosto 2019. Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale xusay in uu sii wadi doono dib u heshiisiinta Jubaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo wax ka tabanaysa maamulkiisa, si cabashooyinka jira wada-hadal loogu dhammeeyo. Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay, in ay maamulka Jubaland kala shaqayso dib u-heshiisiinta socota sidoo kalena ay ka tanaasusho mowqifkeedii hore, maadaama uu dhammaaday marmarsiin yihii ahaa, in dhinacyo kala duwan isku hayaan Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sheegay in Jubaland cagta saartay toobiye ku jihaysan dib u-heshiisiin appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegaya in weli aaney dowladda federaalka ah bixin magdhow ay xukmisay maxkamadda sare ee dalka horraantii April ee sanadkan taasoo la xiriirtay xayiraadii safar ee bishii September ee sanadkii hore la saaray madaxweyne Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo. Mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga oo la hadlay Goobjoog News codsadana in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in maxkamadda sare ay u xukmisay in dowladda federaalka ah bixiso ilaa $34,000 laakin aan weli la bixin. Mas’uulka ayaa intaa raaciyey in arrinta lacagta ayba ka daran tahay in dowladda federaalka ah ay weli sii waddo falkii galka dacwadda loogu furay, loogana adkaaday ee ahaa iney celiso muwaadin ama mas’uul safraya. Arrintan ayaa imaaneysa maalin uun kadib markii xisbiga kale ee UDP uu go’aansaday inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad middan la mid ah. Isniintii ayey aheyd markii garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah Muqdisho laga joojiyey in ay ka duulaan labo senator oo ka tirsan aqlka sare ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xili ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland sabab la xiriirta Aaska wasiirkii waxbarashada Jubbaland. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa laga reebay diyaaradda xili ay damacsanaayeen in ay wax ka galbiyaan Janaasada wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Jubbaland oo diyaaradii siday ay soo gaartay Muqdisho si ay ugu sii gudubto magaalada Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Hiiraan oo ka warbixiyey fatahaada webiga Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Sh. Xuseen Cismaan Cali oo u waramay Shabelle ayaa faah faahiyey fataahada webiga Shabelle uu ka sameeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Somalia. Sheekh Xuseen ayaa sheegay in webiga uu ku fatahay xaafado ka tirsan Beledweyne iyo deegaani hoos yimaada, islamarkaana uu saameeyey dhul beereed ku yaal halkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qoysas badan ay isaga barakaceen Beledweyne, kadib markii ay biyuhu buux dhaafiyeen guryihii ay daganaayeen. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay xoojiso dadaallada loogu gurmanayo dadkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-sakariye-baladweyne-.mp3 View the full article -
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal ayaa talaadadii waxaa uu bartiisa Twetterka soo dhigay in dowladda federaalka ah ay bilowday xaraashka ilaa 7 bolook oo shidaal isaga oo intaa raaciyey in hawshan ay sanad qaadan doonto. Hilaal oo sii hadlaya waxaa uu xusay in 130 ka tirsan shirkadaha wax maalgeshta ay qeyb ka ahaayeen shirka lagu bixinayey leysinnada lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya. Goobaha ay ceelaha ku yaallaan waa : Galmudug(152, 153), Hirshabelle(164, 165), South West(177, 178) iyo Jubbaland(204). Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Cabdikadir Hilaal waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in xaraashka loo marayo sharciga shidaalka, lana saxiixi doono marka la isla meel dhigto sharciga canshuurta. Dhankiisa, Senator Ilyaas Cali Xuseen oo madax ka ah guddiga kheyraadka ee aqalka sare oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri “iib-geynta shidaalka Soomaaliya xilligan oo uu adduunka maraayo qiimaha shidaalka meeshii ugu xumeyd oo ah yaa iga qaata iyo adduunka oo la dalai dhacaya dhibaatada Coronavirus, waxay tusaale u tahay qorshe xumida iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xilligan adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ballaaran oo xalay ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, iyadoona uu horkacayey taliyaha qeybta galbeed Yuusuf Xundubey. Ujeedka baaritaanadaan ayaa waxaa lagu sheegay kuwo looga hortagayey falal liddiga ku ah amniga ee maalmahaan dambe ka dhacayey degmooyinkaasi. Sidoo kale howlgallada ayaa daba socda sida la sheegay weeraradii hoobiyeyaasha ee dhowaan lagu qaaday Xalane iyo dilal ka dhacay saddexdaasi degmo ee dariska ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Booliska ay ka jawaabeen cabashada ka soo yeereysa shacabka degmooyinkaasi oo qeylo dhaan ka muujiyey amni darro heysata. Sida aan xogta ku helnay ciidamada ayaa howlgalladaasi ku soo qab-qabtay tiro dad ah u ah u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood la sii daayey markii su’aallo la weydiiyey. Ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ay ka bixiyeen baaritaanadaasi. Ammaanka degmooyinkaan ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad loogu deyrinayey, kadib markii ay ku soo bateen falalka liddi ku ah nabad-gelyada ee ka dhacaya halkaasi.
-
Bahalka loo yaqaan Gungume(Jilbis) oo badanaa laga helo Miyiga ayaa laba caruura ku qaniiney Miyiga Xingalool ee Gobolka Hayland, Caruurtaasoo isla goobtii ku geeriyootay. Caruurta [...] Source
-
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha qeybta Galbeed, Yuusuf Xundubey. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka howlgalladaasi uu ahaa kuwa looga hortagayey falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey xaafadaha degmooyinkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-goobjooge-howlgalka-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-13052020.mp3 View the full article
-
Diyaarad uu diray amiirka Dubai oo maanta Muqdisho ku wajahan +Sawirro Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Diyaaradda oo la filayo inay maanta soo gaarto Muqdisho ayaa sidda agab ka kooban mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta. Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya. Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya. “Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri. Waxay uga mahad-celisay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum jawaabta uu ka bixiyey marxaladda iyo caawimaadda deg degga ah ee dadka ay saameeyeen musiibooyinka. Qaran News
-
Haweeney candhuuf lagu tufay ka qaadday coronavirus oo geeriyootay Belly Mujinga waxay geeriyootay bishii April Haweeney u dhalatay dalka Congo, oo ka shaqeyneysay xafiiska tigidhada tareennada lagu jaro ee magaalada London, ayaa u geeriyootay cudurka coronavirus kaddib markii uu candhuuf ku tufay nin sheegay inuu qabay Covid-19. Belly Mujinga, oo 47 jir ahayd, horayna u qabtay xanuunno dhinaca neef mareenka ah, waxay ka shaqeyneysay xarunta Victoria ee magaalada London markii 22-kii bishii March uu weeraray ninkaas, iyadoo ay la socotey ahweeney kale oo ay isla shaqeynayeen. Maalmo yar markii ay kasoo wareegeen dhacdadaas, kabada dumarka ahba waxay la xanuunsadeen fayraska. Booliska gaadiidka ee Britain ayaa sheegay in baaritaan lagu billaabay dhacdadaas, sidoo kalena lagu raad joogo ninka candhuufta ku tufay haweenkaas. Ms Mujinga seygeeda, oo lagu magacaabo Lusamba Gode Katalay, ayaa sheegay in ninka uu xaaskiisa weydiiyay waxa ay sameyneysay iyo sababta ay halkaas ku joogtay. “Waxay u sheegtay inay shaqo ku jirtay kaddibna ninka wuxuu sheegay inuu fayraska qabay, candhuuf ayuuna ku tufay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mrs Mujinga waxaa la dhigay isbitaalka 2-dii bishii April waxaana lagu xiray qalabka neefsashada caawiya. Laakiin waxay geeriyootay saddex maalmood kaddib, sida uu sheegay ururka shaqaalaha gaadiidka. Mrs Mujinga waxay UK u guurtay kaddib markii ay ka tagtay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, sanadkii 2000, xilligaasoo ay ka baxsaneysay qalalaase siyaasadeed, sida ay ku warrameen warbaahinta ITV News iyo The Mirror newspaper. Qaran News
-
Maydadki Carruurta oo la aasayo Wararka ka imaanaya Miyiga magaalada Xiingalool ee Gobolka Haylaan ayaa sheegaya in halkaas uu bahal-hoose ku cunay laba carruuro walaalo ah kuwaas oo labadiiba geeriyooday. Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas. Bahalka oo ahaa nooca loo yaqaan gungumaha ee halista badan ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda waxaana labaduba geeriyoodeen isla markiiba. Gungumihii Carruurta cunay oo dib ugu laabtay kob meesha ku tiillay ayaa saaka si weyn looga baadi-goobaya aga’gaarka qoyska si looga badbaadiyo dadka inta hartay inkastoo aan weli lagu guulaysan in la helo. PUNTLAND POST The post Gungume halis ah oo carruur ku laayay Miyiga Xiingalool appeared first on Puntland Post.
-
Haweeneydii ugu da’da weyneed dalka Spain oo Corona ka badbaaday Maria Branyas Haweenay 113- sano jir ah islamarkana la rumaysan yahay inay tahay qofka ugu da’da wayn dalka Spain ayaa ka bogsatay cudurka coronavirus, sida ay sarakiisha dalkaasi sheegeen. Maria Branyas ayaa laga helay Covid-19 ka dib markii dalkaasi Spain xayiraad lagu soo rogay si cudurka loo xakameeyo. Balse toddobaadyo Karantiil ay ku jirtay ka dib, Ms Branyas ayaa cudurka ka soo kabsatay iyada oo qaab saf-mar ahan ah uu cudurka u haleelay. Waxay micnaheedu tahay in ay u soo joogtay cuduro badan oo safmareen ah sida Hargabkii Spain ee 1918 ilaa1919,dagaalkii sokeeye ee Spain iyo imika oo ay ka badbaaday coronavirus. “Imika way wanaagsan tahay, waa qof la yaab leh, waxay doonaysaa inay hadasho si ay sharaxaad uga bixiso wixii ay soo martay ,” waxaa sidaasi barta Tweetar-ka ku soo qortay gabadh ay dhashay. Maria Branyas aya sanadkii 1907 ku dhalatay dalka Mexico, waxayna labo sano ka dib iyada iyo seygeeda oo ahaa saxafi u dhashay Spain ay u soo wareegeen gobolka Catalan xilligii uu socday dagaalkii kowaad ee adduunka. Waxa ay dhashay saddex caruur ah oo midkood imika uu 86 snao jir yahay . Waxay imika 20 sano ku nooleyd goob dadka waawayn lagu xanaaneeyo. Qaran News
-
Ankara (Caasimadda Online) – Kadib 18 bilood oo ay ku jirtay gacanta kooxahii afduubtay, Silvia Constanzo Romano ayaa dib xoriyadeeda u heshay Sabtidii, waxeyna maalintii xigtay si nabad ah ku tagtay Talyaaniga oo ay kasoo jeedo. Warbaahinta Turkiga ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabkii Turkiga ay ugu lug yeesheen wada-xaajoodyadii madax-furasho ee lagu sii daayey Silvia. Anadolu Agency oo ah wakaaladda wararka Turkiga ayaa carabka ku dhufatay in codsi ka yimid dowladda Talyaaniga kadib lagu dhaqaaqay soo bad-baadinta Silvia Romano. Dhamaadkii sanadkii hore ayey ahayd markii dowladda Talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga, sida uu sheegay muuqaal baahiyaha TRT, waxaana lasoo bandhigay saddex hab oo loo maray badbaadinteeda. Wararka warbaahinta Turkiga waxey sheegayaan in sirdoonka dowladda Turkiga ay markii hore xaaladda guud ee haweeneyda u kuur galeen, waxeyna tallaabada koowaad ku ogaadeen iney weli nooshahay. Sida uu sheegay TR, waxaa markaas xigtay in la hawlgaliyay sirdoon baadi-goobay meesha rasmiga ah ee lagu hayo, taasi oo lasoo ogaaday, walow aan warbixinta lagu cadeyn wakhtiga ay ogaadeen. Sirdoonka Talyaaniga ayaa ka qeyb noqday habka saddexaad ee soo bad-baadinta haweeneyda, oo ay ahayd wada-xaajoodka iyo sii deynta, waxeyna la dhinac ahaayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Turkiga, waana marka lasoo bad-baadinayo Silvia. TV-ga ku hadla afka dowladda Turkiga ayaa tibaaxay in hawlgalka badbaadinta uu dhacay laba maalmood oo ka mid ah isbuuca labaad ee bishaan May. “8-9-ka May ayuu dhacay hawlgalka lagu soo badbaadiyay Silvia” ayey yiraahdeen. Balse marnaba warbaahinta Turkiga sooma hadal qaadin iney lacag ku bixiyeen madaxa haweeneyda samafalka u timid Afrika, marka dib loogu laabto sanadkii 2018 dabayaaqadiisii gaar ahaan bisha November ayey aheyd markii Silvia laga kaxeystay tuulada Chakama ee dhacda koofur Bari dalka Kenya. Tan iyo wakhtigaas waxey ku jirtay gacanta la heystayaasha, waxaana xusid mudan in goobahaas ay aad ugu xoogan yahiin Al-Shabaab.
-
ISTANBUL (Reuters) - Turkey accused the United Arab Emirates on Tuesday of bringing chaos to the Middle East through its interventions in Libya and Yemen, allegations which are likely to inflame tensions between the regional rivals. Source: Hiiraan Online
-
Turkish firm Yapi Merkezi donates dry food to flood victims in eastern Somali national regional state Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa Axaddii Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BF ku xanibay garoonka, una diiday inay u safraan magaalada Kismaayo. Senatoradaan ayaa laga reebay diyaarad siday meydka Allahha u naxariistee wasiirkii waxbarashada Jubbaland waxayna warbaahinta u sheegeen in loo diiday ka qeybgalka aaska marxuumka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in wafdiga Senatorada ah aysan ka qeyb geli laheyn aaska Marxuumka oo kaliya balse ay doonayeen iney ka qeyb galaan shir dood ka taagan tahay oo ka furmayay Kismaayo. Shirkaas ka furmay Kismaayo ayaa looga hadlayay, dib u heshiisiinta Jubaland, iyo colaadii ka dhacday Galbeedka Kismaayo una dhaxeysay beelaha walaalaha balse waxaa diidan hal dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay. Beel kamid ah beelaha dagaalka dhaxmaray oo shirkaas diidaneed ayaa la sheegay in Villa Somalia ay ka dalbatay in Senator Iftiin Xasan Baasto oo kursiga ku matala uusan ka bixin Muqdisho, si uusan shirkaas kaga qeyb gelin maadaama uu saaxiib la yahay Axmed Madoobe, talooyinka beeshana diiday. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysay in Jubbaland ay damacsaneed in shirkaas muunad kale u yeesho oo ay ku casuunto siyaasiinta beelaha halkii ay aheyd in lagu casuumo dhaqanka si ay xal uga gaaraan colaadii dhacday oo wali taagan. Inkastoo ay xogta sidaas sheegeyso hadane waxaa jirta in dhowr jeer laga hor istaagay Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Siyaasad cakiran ee u dhaxeysa Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa reebtay saameen weyn oo degaanka ah walina ma jirto xal laga gaaray.
-
Like so many entrepreneurs throughout the city, Yahya Noor, 36, works out of a microscopic space alongside his family. East Boston’s Tawakal Halal Café — hailed by the Globe and by Bon Appétit as one of the best restaurants in the country — serves Somali food in the shadow of Logan Airport: Source: Hiiraan Online
-
Relief to help fight flooding and COVID-19 combat efforts in Somalia Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa marxuum xalay fiidkii lagu dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Cali Naaleeye Barkhadle ayaa dableey bastoolado ku hubaysan ku dileen xaafadda Say-biyaano oo ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay Goob-joogayaal. Laamaha Amniga magaalada Muqdisho oo goobta gaaray ayaan ku guulaysan in ay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka gaystay oo halkaasi ka baxsaday. Alle ha u naxariistee, marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa ganacsade caana oo baabuurta keena magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ugu goodiyay in uu ciidankiisa kala bixi doono boqortooyadda hadddii uusan taageerin dalabka Washington ee ah in la yareeyo soo saarka Saliidda, kadib markii ay telefoonka ku wadahadleen bishii April. Awoodda hanjabaadda Trump ayaa Maxamed bin Salmaan ku khasabtay in uu la-taliyeyaashiisa ku amro in ay qolka uga baxaan, si wada-hadalku gaar ugu noqdo, sida ay daabacday Reuters. Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ku dhaawaaqay Khamiistii lasoo dhaafay in militariga Maraykanku uu uu Sacuudiga kala bixi doono labo ka mid ah gantaaladda difaaca hawada ee Patriot iyo diyaarado dagaal, kuwaas oo markii hore Sacuudiga loo geyay in ay difaacaan warshadaha saliidda. Madaxweyne Trump ayaa arrinta ka bixiyay sharaxaad maldahan waxaana uu yiri “ waxaan Barriga Dhexe iyo meelo kaleba kasameyneynaa dhaq-dhaqaaq badan. Militari ahaan wax badan ayaan aduunyadda ka qabanay, aduunyadana waan u faa’iideynay.” Laakiin khubaradu waxaa ay rumeysan yihiin in Maraykanku uu boqortooyadda ku ciqaabayo isbedelkii deg-degga ahaa ee ay ku sameysay suuqyadda saliidda caalamka taas oo shirkadaha shidaalka Maraykanka ku khasabtay in ay musalafaan. “Waa xurguf u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudi Carabiya, Washington waxay u sheegeeysaa Riyadh haddii aadan qaadan taladeena shidaalka, Iran ayaan idinkaga tageeynaa,” ayuu yiri Mehmet Bulovali oo ah khabiir Kurdish ah oo ku xeel-dheer arirmaha gobolka. Iran waa mucaaradka ugu weyn ee Sucuudigu ku leeyahay Bariga Dhexe, waxayna ku dagaalameen Yemen iyo Lubnaan. Dad badan aya sidoo kale u arka in weerarkii sanadkii lasoo dhaafay lagu qaday Warshadaha Shidaalka Iran ay ka dambeysay inkastoo ay masuuliyadda sheegteen xuutiyiinta Yemen. Weerarkaasi waxaa uu muddo todobaad ah joojiyay soo saarka Shidaalka ee Sucuudiga. Weerarada kadib, Trump waxaa uu gantaalada difaaca hawada u diray boqortooyadda, oo ah xullufo carbeed ee muhiim ah u ah Washington. Xiisadda Sucuudiga iyo Maraykanka Sabbeynta suuqa shidaalka ayaa abuurtay isku dhac u dhaxeeya xulifadda taariikhda dheer iyadoo Coronavirus uu tobanaan kun ka dilay dadka Maraykanka islamarkaana uu shaqo la’aan dhigay 33.3 million oo qof. Xasarada dhaqaale ee adduunka ayaa waxaa hadda lala bar-bardhigayaa dhaqaale bur-burkii weynaa ee dunida. “Uma ogolaan karno Sucuudi Carabiya in ay harqiso suuqa, gaar ahaan xilligaan ay awooda keydku yartahay, hadda tiradii ugu badneyd ee maraakiibta shidaalka Sucuudiga ayaa ku soo socda xeebaheena,” ayuu yiri Senator Kevin Cramer oo laga soo doorto gobolka North Dakota. Seddaxdii April April, maalin kadib markii ay telefoonka kuwada hadleen Trump iyo bin Salmaan, ayuu Senator Kevin Cramer waxaa uu u sheegay Trump in ay waxba ku fadhin in malaayiin dollar lagu kharash gareeyo difaaca Sucuudiga “haddii ay saaxiibadeen na khiyamayaan.” “Arrintaan soo cuboonaatay waxaa ay keeneysa hoos u dhac ku yimaada is aaminaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Sucuudiga” ayuu Bulovali u sheegay TV-ga TRT World. Bulovali waxaa uu rumeysanyahay in isku dhaca Sucuudiga iyo Maraykanka uu dib usoo nooleynayo awoodda Iran ee Bariga Dhexe kadib markii ay weysay Generalkeedii qiimaha badnaa Qasim Suleymani oo Maraykanku bishii January ku dilay Ciraaq.
-
Dubai (Caasimada Online) – Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo amiirka Dubai, ayaa amar ku bixiyey in diyaarad gargaar sidda loo soo diro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Diyaaradda oo la filayo inay maanta soo gaarto Muqdisho ayaa sidda agab ka kooban mashiinada dadka neefta siiya (ventilators) oo ay u baahan yihiin dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19, iyo agab kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta. Gargaarkan, oo dhan 35 tan, ayaa sida la sheegay qeyb ka ah dadaalka ururka caafimaadka adduunka ee WHO uu kaga jawaabayo cudurka COVID-19, iyo dadaallada haya’dda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay ku caawineyso dadka ay daadadka ku saameeyeen Soomaaliya. Nadia Jbour, oo ah madaxa UNHCR ee Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in gargaarkan uu caawin doono kumanaan qof oo daadadka ay ku barakiciyeen gudaha Soomaaliya. “Tan iyo bilowgii sanadkan, in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, waxaana ka cabsi qabnaa in xaaladdan oo lagu daray cudurka COVID-19 ay yeelan doonto cawaaqib burbur leh,” ayey tiri. Waxay uga mahad-celisay Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum jawaabta uu ka bixiyey marxaladda iyo caawimaadda deg degga ah ee dadka ay saameeyeen musiibooyinka.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa xalay guriga Martida ee magaalada Kismaayo ka furmay shir loogu magac daray ‘nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland, kaas oo loo asteeyay in uu socdo seddaxda maalmood ee soo socota. Furitaanka shirkan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) labadiisa ku xigeen, madaxda golaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska Nairobi kula galay Madaxweyne Madoobe, wasiirro, xildhibaanno, odayaasha dhaqanka beelaha Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka Jubbaland. Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ah gudoomiyaha golihii isbadal doonka Jubbaland ee la heshiiyay Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku dhawaaqay in golaha isbadal doonka Jubbaland ay ka tanaasuleen sheegashada xilka Madaxweynaha Jubbaland, taas bedelkeedna ay madaxweynaha haatan kala shaqeyn doonaan isbadallo lagu horumarinayo dowlad goboleedka Jubbaland. Xidig ayaa in taageerayaasha golaha isbadal doonka iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland u sheegay in hada kadib aysan jiri doonin laba dhinac oo isku heysta siyaasadda Jubbaland oo ku wada sugan Kismaayo, sida uu sheegay. Ugu dambayntii Xidig waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay hoggaanka Jubbaland kala shaqeeyaan dib u heshiisiinta ka bilaabatay deegaanka, taas oo kasoo bilaabatay heshiiskii dhinacyada siyaasadda Jubbaland ee ka dhacay Nairobi, 16-kii bishii hore ee Abriil. Dhankiisa Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo soo xiray munaasabadii furitaanka shirkaas ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay. Ugu horeyn Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay xallinta tabasho kasta oo ay maamulkiisa ka qabaan shacabka iyo mucaaradka reer Jubbaland, hada kadibna uu ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in munaasabadan ay xigi doonaan shirar Kismaayo ka socon doona maalmaha nasoo aadan, kuwaas oo si qota dheer looga wada xaajoon doono qodob walba oo ay isku hayaan beelaha dega Jubbaland ama laga tirsanayo maamulka uu hoggaamiyo. Madaxweynaha Jubbaland waxa uu cid walba oo wax tabanaysa ugu baaqay in ay kasoo qayb gasho shirka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland. Ugu dambayntii Madaxweynaha ayaa madaxda dowladda federaalka ka dalbaday inay taageeraan shacabka ay hoggaanka u yihiin ee reer Jubbaland oo isugu yimid shirkan dib u heshiisiinta iyo maamulkooda ay raaliga kayihiin.
