-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qoraal kooban oo bogga uu ku leeyahay Twitter-ka uu ku daabacay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlang Martinez ayuu ku xaqiijiyey in saddex xubnood oo ka trisan xafiiskiisa laga helay cudurka halista badan ee Coronavirus. Danjire Nicolas Berland ayaa qoraalkaan ku xusay in dadkaasi lagu arkay qaar ka mid ah astaamaha COVID-19, kadib baaritaan lagu sameeyayna laga helay cudurka. Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berland Martinez ayaa sheegay in saddexdaas ruux ee ka mid ah shaqaalaha Midowga Yurub ee Soomaaliya la karantiilay, islamarkaana xaaladooda ay la wareegeen saraakiisha caafimaadka. Dhamaan dadkii kale ee saddexda ruux xiriirka dhOw la yeeshay ayuu tilmaamay Nicolas Berland in iyaguna la galiyey xaalad go’doon ah, baaritaana lagu sameyn doono. Lama shaacin dhalashada saddexda ruux ee ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ee laga helay cudurka Coronavirus, balse waxa ay ka mid noqonayaan in ka badan 600 oo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diwaan-galiyey gudaha Soomaaliya. View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Dagaal dhanka afka ah ayaa Khamiistii ka dhex billowday Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay in Ankara ay dhibaato ka waddo dalal Carbeed oo ay ku jirta Libya, halka Ankara ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto kooxo argagixiso oo ay ka mid tahay Al-Shabaab. Dagaalka dhanka afka ah ee labada dal ayaa yimid xilli Imaaraadka Carabta iyo Jeneraalka ay taageeraan ee fallaagada ah ee Khalifa Xaftar guul-darrooyin culus ay ku wajahayaan dagaalka Libya. Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Xaftar ee la baxay LNA. Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Xaftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli. Guul laga soo hoyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Guulaha is-daba joogga ah ee ciidamada dowladda ay ka gaareen fallaagada Xaftar ayaa mowjado argagax leh u diray Abu Dhabi, oo diyaarado Drone ah laga soo iibiyey Shiinaha iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ku taageeray Xaftar, si loo rido dowladda. Xaftar ayaa dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha Libya, kadibna ku dhowaaqay xabad-joojin Ramadanka soconeysa, taasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku qeexeen isku day uu doonayo inuu dib isugu soo abaabulo. Bayaanka Khamiistii kasoo baxay Imaaraadka ayaa lagu macneeyey mid ka tarjumaya carrada Imaaraadka Carabta ay ka qaadeen xaaladda Libya, oo ay u babac dhigi waayeen awoodda Militari ee Turkiga ku taageeray dowladda, ayada oo ballaayin dollar oo ay ku bixiyeen Xaftar kadib ku guuleysan waayeen inay dowladda ridaan. Xiisadda Turkey iyo Abu Dhabi ayaa aad u sarreysay tan iyo afgambigii 2016-ka fashilmay ee Turkey. Inkasta oo labada dowladooda ay kala taageereen dhinacyo badan oo isku haya dalal badan oo Bariga Dhexe, oo ay ruxeen kacdoonadii Carabta, Ankara waxay hadda rumeysan tahay in Abu Dhabi ay isku dayeyso in afgambi kale ka fuliso Turkey.
-
Turkey has sent medical supplies to Somalia to help the country combat the coronavirus outbreak, the Turkish presidential spokesman said on Friday. “Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdoğan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits, and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19,” İbrahim Kalın said on Twitter. “Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities,” Kalın added. Recalling Erdoğan’s first visit to Somalia in 2011 when “tens of thousands of people had died because of the famine,” Kalın said, “the visit drew the world’s attention to the forsaken country of Somalia, and Erdoğan became the hope of our Somali brothers and sisters.” Since first appearing in Wuhan, China last December, the coronavirus, the virus that causes COVID-19, has spread to at least 187 countries and regions, with the U.S. and Europe among the hardest-hit areas. Over 3.27 million cases have been reported worldwide, with the death toll surpassing 233,700 and more than 1 million recoveries, according to data compiled by Johns Hopkins University in the U.S. View the full article
-
Nine members of the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) contingent in Somalia are under isolation after coming into contact with a confirmed case who is in Mogadishu. On Wednesday evening, UPDF confirmed a soldier attached to the African Union Mission to Somalia (AMISOM) had tested positive COVID-19 and was undergoing treatment. The UPDF said that the confirmed case, a soldier who first manifested flu and cough signs, is now very stable and those with whom he got contact, are isolated. According to the Deputy Spokesperson of the UPDF Lt Col Deo Akiiki, measures are in place at their bases to control the spread of the virus. Lt Col Akiiki says that taskforces on base camp and the Forward Operating Bases (FOBs) have been constituted. “Hand wash points have been installed in base camp and forward operating bases. All shops and bases except banks have been closed, while the base camp where the UPDF main base is, is under total lockdown for two weeks,” Akiiki said. He added that gatherings of all sorts have been suspended and if at all Contingent Commanders must meet the soldiers, social distancing is observed. “We have distributed booklets on COVID-19 awareness and mitigation measures in base camp and the operating bases. Measures to minimize movement of soldiers have also been imposed. There is curfew from 1800hrs – 0500hrs,” Lt Col Akiiki said. He added that disinfectants, hand sanitizers and face masks have been distributed, and an isolation facility at LII Firld/Hospital has been designated to take care of any cases. Somalia has so far registered 601 cases of COVID-19, 28 deaths and 31 recoveries. View the full article
-
MOGADISHU: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) in cooperation with Al-Musbah Development Association on Friday distributed 1,200 Ramadan food baskets, weighing 108 tons, benefiting 7,200 people in Somalia. This comes within the framework of distributing 10,761 food baskets to needy people in Somalia during Ramadan, aimed at helping 64,566 people. Saudi Arabia has been ranked fifth in the world, and first in the Arab world, for provision of humanitarian aid. In Somalia, KSRelief carried out 50 projects costing $191 million in cooperation with seven partners. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi (Bidhaan) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay kana mid ahaa ganacsatada waa weyn, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN إنا لله وإنا اليه راجعون… كل نفس ذائقة الموة. ALLE ha u naxariistee, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, waxgaradka, ganacsatada iyo shacabka Soomaalilaan geerida ku timid Marxuum Xaaji Maxamed Ismaaciil Cabdi [Bidhaan] oo Hargeysa xaqii ugu yimid. Marxuumku waxa uu ahaa ganacsatadii waaweyneyd ee qarankan tacabka badan soo gashatay, isla markaana qeyb laxaad leh ka qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu Jannooyinkiisa sarsare ku maamuuso, eheladii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii iyo shacabka JSL samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aamiin Aamiin. Source
-
Diyaarad Milatari oo Turkigu leeyahay oo agab caafimaad keentay Muqdisho Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad dowladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Sabti ah guddoontay shixnad kaalmo caafimaad oo ka timid dalka Turkiga, taas oo loogu talagalay ka hortaga xanuunka Coronavirus. Safiirka Turkiga, Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa wareejiyay kaalmada agabka caafimaad oo ay ku jiraan maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, waxa kale ka mid ah qalabka neef-siinta (ventilators) . Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Ciise Cawad, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga taageeradooda iyo garab-istaagooda Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay kaalinta howsha bani’aadannimo ee dunida ay ka geysanayaan xilligan oo dalalka intooda badan ay wajahayaan xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamada caafimaad ee Turkiga waxaa kaloo goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cali-Nuur Xaaji. Kaalmada caafimaad ee Turkiga oo huwanayd halkudhigga “rajo xumada waxaa ka dambeeya yididiilo weyn , mugdigana waxaa ka dambeeya qorax iftiin badan” ayaa ah midii labaad oo muddo labo todobaad gudahooda lagu soo gaarsiiyo Soomaaliya, iyadoo la filayo in maalmo kadib Caasimadda Muqdisho ay ka degto diyaarad sida sariiraha isbitaallada, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Turkiga ayaa deeq caafimaad siiyay 33 dowladood oo uu ku gaarsiiyay diyaaradihiisa milatari ee xamuulka si looga hortago cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 601 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Coronavirus, oo ay ka mid yihiin 31 ruux oo bogsatay iyo 28 ruux oo u geeriyootay. PUNTLAND POST The post Turkiga oo mar labaad deeq caafimaad soo gaarsiiyey Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Turkiga oo qalab caafimaad ku wareejiyey Dawlada Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Turkiga oo qalab caafimaad ku wareejiyey Dawlada Soomaaliya Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaas oo uu soo amray Madaxweynaha wadankaasi, Reccep Tayyip Erdogan. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qalabkaan caafimaad keentay Muqdisho, iyadoona ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirka gargaarka, Xamza Siciid Xamza iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qan doono ka hortaggida iyo la-tacaalida covid19. Dhankiisa safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Amb. Maxamed Yilams ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku amaanay dowladda federaalka dadaalka ay kaga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus. Ugu damneyn wasiirka arrimaha dibada Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay mar-weliba siiso Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee ma’an gargaarkii ugu horreeyey ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya, isagoona dhowaan agab iyo daawooyin ku wareejiyey dowladda dhexe. Qaran News -
1/The EU informs that 3 members of one of the EU missions in Somalia tested positive for COVID-19. The patients have been isolated under medical supervision and those with whom the had contact are also in quarantine. pic.twitter.com/OOWefK17w8 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) May 2, 2020 Illaa saddex xubnood oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan howlwadeenada xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baaritaan lagu sameeyey. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiilay xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19. Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub. Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga helay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacoodaloo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiilay. Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux. Qaran News
-
Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19. Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan. Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan View the full article
-
Iyadoo xalay la guda galay is-araga labaad ee wareega koowaad tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle ayaa waxaa markale kulanka caawa ku baratami doono degmooyinka Dharkenley iyo Holwadaag oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Labada degmo ayaa ku wada jira group-ka A ee wareega koowaad tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo haatan maraya meel xiiso badan. Dharkenley ayaa horay barbara ula soo gashay dhiggeeda degmada Wadajir is-aragii koowaad ee tartanka, halka degmada Kaaraan ay iyana barbar dhac la soo gashay dhiggeeda Howlwadaag, sidaasi waxa ay ku leeyihiin min hal dhibcood. Is-araga labaad ee tartanka oo xalay lagu bilaabay degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ayaa waxay guushu raacday tartamayaasha Wadajir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Ku xigeenka afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, Deo Akiiki ayaa xaqiijiyay in magaalada Muqdisho lagu karantiilay 9 askari oo u dhashay dalkasi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Deo Akiiki ayaa sheegay in la karantiilay askartaas ka tirsan howlgalka AMISOM, kadib markii la xaqiijiyay iay xiriir dhaw la yeesheen askari ka tirsan AMISOM oo horay looga helay cudurka Coronavirus. Sidoo kale Mr Akiiki ayaa xusay in 9-ka askari ee la karantiilay xilligan lagu sameenayo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan cudurka COVID-19. Si kastaba ha’ahaatee dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 6 kun oo ah ciidamadeeda, kuwaas oo ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomay qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro COVID19. Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan. Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-020520.mp3 View the full article
-
Adana (Caasimadda Online) – Waxaa Baraha Bulshada ee dalka Turkiga qabsatay geerida ku timid Haji Ali Sulfik, oo Allaha uu oofsaday isagoo aqrinayo qur’aanka Kariimka ah. Haji Ali Sulfik oo ahaa wadaad Xaafidul Qur’aan ah, islamarkaana daganaa Magaalada Adana ee dalka Turkiga ayaa geeriyooday isagoo Maalin ramadaan ah aqrinayo qur’aanka Kariimka. Wadaadkaan ayaa wuxuu qur’aanka kariimka baray boqolaal qof oo ku nool dalka Turkiga gaar ahaan magaalada uu kasoo jeeday ee Adana. Sawiro lagu faafiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey wadaadkaan oo ay nafta ka baxday isagoo Qur’aanka aqrinayo, waxaana la arkay isagoo meyd ah oo ku kor jiifo kitaabka Qur’aanka. Inta badan dadka arrintaan ka hadlay ayaa ku tilmaamay inay tahay khaatimo fiican oo uu wadaadka ku dhintay maadaama uu ahaa wadaad inta badan waqtigiisa ku qaatay aqrinta Qur’aanka Kariimka. “عاش على القرآن ومات عليه”.. وفاة حجي علي شلفك أحد محفظي القرآن الكريم في ولاية آيدن التركية والذي تخرج على يديه مئات الحفاظ والقراء pic.twitter.com/L48WiLvSBv — قناة الجزيرة (@AJArabic) April 30, 2020
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid_19. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in weftigani ay Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana la filayaa inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici. Si rasmi ah looma oga in deeqdan ay dawladda Somaliland ka codsatay dawladda Qatar iyo inay dawladda Qatar si iskeed ah isugu xilqaantay inay shacabka reer Somaliland soo gaadhsiiso mucaawino. Wasiirka arrimaha dibadda oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan ka waraysto ayaanay u suurtogelin. Deeqdan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dawladda Qatar uga timaada si toos ah ee soo gaadha shacabka reer Somaliland. Dadka aqoonta u leh diblomaasiyada ayaa tilmaama in mucaawiyoonku yihiin aalad la mid ah amaba ka xoog badan diblomaasiyada, lamana garan karo in arrintu ku koobnaan doonto mucaawino keliya iyo inay bilaabmi doonto diblomaasiyad cusubi. Source
-
Human Rights Watch oo maanta qoraal ka soo saartay saxaafadda Soomaaliya iyo heerka Xuriyadda Saxaafadda Adduunka ee May 3 ayaa sheegeysa in Soomaaliya ay sii laba jibaartay hanjabaaddda ka dhanka ah saxafiyiinta iyada oo tan iyo bartimihii April la xiray 3 weriye halka shaqada laga joojiyey idaacad maxali ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday iney soo afjarto xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta. Dowladda Soomaaliya waa iney joojisaa xarigga iyo dhibaateynta saxafiyiinta waqtiga ay muhiim tahay helidda wararka”, sidaa waxaa tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha seeska Afrika ee hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyada oo intaasi raacisay “Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan macluumaad ay ku gaarayaan go’aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro cudurkan safmarka ah.” April 20, waxaa Baydhabo lagu xiray weriyaha Voice of America (VOA) ee Mukhtaar Maxamed Catoosh, labo habeen marka uu xirnaa ayaa la sii daayey April 22. Qoraal maxkamad ka soo baxay ayaa lagu sheegay in lagu heyso inuu baahiyey warar been abuur ah, ka badbadin ah iyo inuu digniin been ah siiyey maamulka. Mukhtar waxaa uu u sheegay Human Rights Watch in wax laga weydiiyey war ku saabsan war uu VOA ka baahiyey April 19 oo la xiriiray gabdho 3 ahaa oo lagu kufsaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba taas oo keentay in mid ka mid ah ay dhaawaca dartii u dhimatay. April 14, Booliiska degmada Hodan ayaa amar xarig waxaa ay xabsiga ku dhigeen tifaftiraha guud ahna agaasime ku-xigeenka warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, arrintan ayaa daba socotay qoraal bartiisa facebooga ah uu ku dhaleeceeyey sida dowladda Soomaaliya uga jawaabtay dhibaatada Covid-19, mid ka mid ah qoraalladaas waxaa uu ku sheegay mashiinka neefta(ventilator) ee uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo ahaa deeq uu isbitaalka helay. April 15, dacwo oogeyaasha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdi Caziz lagu heysto eedeymo la xiriira “Inuu meel uga dhacay sharafta iyo heybadda madaxweynaha”, “Faafinta warar been ah” iyo qaar kale oo haddii lagu helo ay gaareyso xabsi 3 sano ah. Garsooraha ayaa amray in Cabdi Caziz loo gudbiyo xabsiga dhexe, oo lagu sii hayo inta barista socoto. Waxaase damaannad lagu soo daayey April 18. April 2, NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter ku sheegtay iney baareyso in weriyaha caanka ah ee VOA ahna qoraaga bug laga qoray Al-shabaab ee Haaruun Macruuf uu khatar ku yahay amniga qaranka iyo arrimo ka baxsan anshaxa saxaafadda. April ayey hadana qortay iney gal dacwo hordhigtay xeer ilaaliyaha qaranka. Sida ay sheegeen hey’adaha u dooda saxaafadda, dowladda ayaa xirtay weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja March 7, markii ay weriyeyaasha dibad baxeen ayey wasaaradda warfaafinta sheegtay inuu u xiran yahay hey’adaha amniga, loona heyso dil iyo inuu xubin ka yahay Al-shabaab. Human Rights Watch oo qoraal u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha iyada oo wax ka weydiisay barista kiisaska loo heysto Abdiaziz, Harun, iyo Maxamed ayaan helin wax jawaab ah. April 24, Booliiska ayaa waqti yar xiray Farxaan Maxamed Xuseen oo ka tirsan Radio Kulmiye isaga oo duubayey dibad-bax looga soo horjeeday booliiska oo dilay 2 ruux xilliga bandowga. Farxaan Xussein, waxaa la qabtay isaga oo la kulmay dibadbaxa, waxaa la geeyey saldhigga Boondheere waxaana laga tirtiray sawiradii iyo codadkii uu duubay, waana la sii daayey. April 20, magaalo xeebeedka Baraawe, guddoomiyaha degmada Cumar Sheekh Cabdi ayaa mar ku bixiyey in laga joojiyo idaacadda Baraawe iney bahiyaan lahjadda Barawaaniga. Xeerka ciqaabka Soomaaliya oo waqtigiisu dhacay waxaa la hirgeliyey 1964-tii waxaana ku jira dambiyo hummaag ku jiro oo tiro badan oo ay ka mid yihiin sumcad dilid, ku xadgudubka karaamada iyo sharafta madaxweynaha, cayda sarkaal dowladeed ama hay’ad iyo quudhsi ka dhan ah qaranka, gobolka, ama calanka, dhammaan waxaas lama jaanqaadi karaan xeerka dalka, gobolka iyo dunida ee xuquuqda aadanaha. Booliiska ayaa sidoo kale xiray 3 maalin May 2019 weriye Cali Aaadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog isaga oo lagu eedeeyey inuu caayey sarkaal dowladeed qoraal uu ka sameeyey NISA, kadib dalka ayuu isaga cararay. Human Rights Watch qoraalkeeda March 2020, waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay iney damaanad qaado xuriyadda hadalka xilliga Covid 19, oo ay ku jiraan helidda xogta iyo baahinta, xakameyn kastana waa sharci darro, waana in la helaa warar sax ah oo waqtiga la socda si shacabka ula socdaan arrimaha caafimaadka. Human Rights Watch waxaa ay leedahay, dowladda Soomaaliya waa iney ogolaataa iney shacabka siiso xogta, ogolaataa in ay cabiraan aragtidooda oo ay ku jirto in lagu dhaliilo jawaabaha ay xukuumadda ka bixiso Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faarax Cabdi Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Jubbaland islamarkaana wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii isbadal doonka ahayd waxa uuna heshiiskaasi ku tilmaamay inuusan wax natiijo ah u lahayn umadda reer Juubaland. Siyaasigaan ayaa tilmaamay in masiirka reer Jubbaladn aan lagu go’aamin Karin magaalada Nairobi isaga oo yiri “ Masiirka reer Jubbaland ma ahan wax Nairobi lagu go’aamiyo ama dano siyaasadeed oo dowlado kale ay leeyihiin lagu go’aamiyo waa heshiis aan wax macno ah ku fadhin oo aan waxba soo kordhinayn shacabka reer Jubbaland mar walba wax ay raadinayaan nabad iyo in culeyska laga dul qaado”. Sidoo kale Siyaasi Faarax cabdi ayaa wax uu ka dhawaajiyay in heshiiskaasi uu u arko mid ay ku heshiiyeen dad isku qoys ah islamarkaana uu ka war sugayo goorta la heshiin doonaan ummadda reer Jubbaladn iyo dowladda Soomaaliya. “Anigu waxaan u arkaa halkaas dad ilmo adeer ah oo qoys ah oo heshiiyay qoyskaas heshiiyana waxay bilaaw u noqon karaan iyagu markey danahooda soo xalistaan ummadda kale ee Soomaaliyeed iyo dowladda in haddii uu caqliga uu shaqeynayo ay noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in muddadii uu Jubbaland ka talinayay Axmed Madoobe uu dhib iyo culeys ku hayay maamulkaasi isaga oo sheegay in xalku uu haatan ku jiro dadka reer Jubbaland ay doorkooda qaataan. “sideen ilaa sagaal sanno ayuu Axmed ka talinayay Jubbaladn culeys iyo dhib waxaan ahayn oo ay Jubbaland ka faa’iidday ma jirto marka xalka wuxuu ku jiraa dadka reer Jubbaland inay doorkooda qaataan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay siyaasi Faarax Cabdi. 23-kii bishaan ayey ahayd markii ay soo saareen siyaasiyiinta Jubbaland ee kala ah madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnihii isbadal doonka Jubbaland ee Xiddig iyo Seeraar inay heshiiyeen islamarkaana ay u tanaasuleen madaxweyne Axmed Madoobe heshiiskaas oo ay soo dhoweysay beesha caalamka. Halkaan ka daawo wareysiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaas oo uu soo amray Madaxweynaha wadankaasi, Reccep Tayyip Erdogan. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qalabkaan caafimaad keentay Muqdisho, iyadoona ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirka gargaarka, Xamza Siciid Xamza iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qan doono ka hortaggida iyo la-tacaalida covid19. Dhankiisa safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Amb. Maxamed Yilams ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku amaanay dowladda federaalka dadaalka ay kaga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus. Ugu damneyn wasiirka arrimaha dibada Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay mar-weliba siiso Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee ma’an gargaarkii ugu horreeyey ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya, isagoona dhowaan agab iyo daawooyin ku wareejiyey dowladda dhexe.
-
Turkish airline oo sidda deeqdii ugu horey oo ah qalab caafimaad oo ay dowlada turkiga ugu deeqday Soomaliya ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin, Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS iyo Masuuliyiinkale. Wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in baahi weyn looqabay qalabka caafimaad ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyay cudurka halista ah ee Corona Virus. Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn kaqandoona ka hortgida iyo latacaalida cudurka covid19. Safiirka Turkiga ufadhiyo Soomalia Maxamed Yilams ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay garabtagantahy Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku amanay dowladda dadaalka ay kaga horatagayso cudurrkaan. Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ugu danbeeyntii dowladda Turkiga uga mahadceliyay taagerada ay garab taagantahay shaabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda. Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso fafintaanka Virus-ka Corona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaallada Hargeisa ee caasimada Somaliland oo dalka intiisa kale kala mid ah joojinta qaadka, ayaa mudadii koobnayd ee uu qaadku istaagay waxa dhalinyardii cuni jirtay ay habaynkii ku madadaalaan soo noolayntii ciyaarahii hidaha iyo dhaqanka iyaga marka salaada Taraawiixda ka soo baxaan habayn walba qabsada ciyaar Soomaaliga. Waxa kuu soo baxaysa in joojinta qaadku ay faa’ìido weyn u leedahay bulshada, waxana aad ogaanaysaa in dhaqanka fiican ee sii suulaaya ama guuraaya uu qayb weyn ka qaato qaadku oo dagaal kula jira ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka. Waxa haboon in xukumadda iyo ciidanka booliska lagu taageero mudsdaasi ay u caymeen joojinta qaadka, sidoo kale waa in la eego oo la ogaado mudadaasi uu jaadku dalka ka maqnaa faa’iidooyinka bulsho,ahaan ama shaqsi ahaanba inoo soo kordhay. Daawo dhalinyaro xalay ku ciyaaraysa ciyaarta Waalo ama Heelalo, waana goob ka mid ah bariga Hargeisa Qaran News
-
Guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus. Wafdiga oo ay garoonka dhuusamareeb kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa inta ay magaalada joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka Galmudug uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19. Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u bixisay amar ah in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir la gaarsiiyo agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa saddex xubnood oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan howlwadeenada xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baaritaan lagu sameeyey. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiilay xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19. Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub. Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga helay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacoodaloo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiilay. Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux.
-
Faysal Cabdi Rooble oo ah mareeye guud ee magaalada Los angales ayaa cod dheer waxa uu ku sheegay in maanta loo baahanyahay in maamullada dalka ka jira iyo madaxda dalka inay iskaashadaan isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyadaasi ay isku yimaadaan islamarkaana y heshiiyaan. Faysal Cabdi oo sii hadlayay ayaa yiri “Xilli maanta looga baahi badan yahay majirto inay iskaashadaan maamullada iyo madaxda Soomaaliyeed waxaan maqlayaay in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadeen maareynta arrinta ku aaddan Gaalkacyo oo ah magaalo la wadaago arrimahaasi oo kale waa wax aad iyo aad ah loogu farxo federaalka waxaa loo baahanyahay inay gacanta u haatiso maamul goboleedyada”. Dhanka kale Faysal Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in isku imaatinka madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ay horseed u noqon karto sidii dalka oo idil uu isku raaci lahaa. “Aaad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cabdi Rooble. Faysal Cabdi ayaa si gaara u dul istaagay khilaafka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda dhexe isaga oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre ugu baaqay inay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii khilaafka labada dhinac xal waara looga gaari lahaa. Waxa uuna yiri “madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto”. Mareeye Faysal ayaa ka ahdlay arrinta sida aadka ah la iskula dhexqaadayo ee ah in dowladda federaalka ah ay sameyn doonto muddo kororsi isaga oo sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin villa Soomaaliya inay si lab la kac ah u sameysato muddo kororsi. Waxa uuna taas badalkeeda tilmaamay inay dan ugu jirto saamileyda siyaasadeed ee dalka inay isku yimaadaan isaga oo yiri “Dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato”. Waxaa jirta walaac ah in madaxda dalka ay muddo kororsi sameeyaan xilli haatan lala tacaalayo xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
