Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,482
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq wuxuu kasoo saarey fatahaadaha ka dhacay degaano ka tirsan maamulka Jubaland gaar ahaan Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa,” ayuu yiri Shariifka. Wuxuu raaciyey: “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”. “Waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Sikastaba ha ahaatee, Shariif ayaa haatan ah gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran xilli uu horey u soo noqdey madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  2. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka. Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah. Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  3. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay fatahaadda webiga Jubba ka sameeyay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku amray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro degaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga’. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Gurmad deg deg ah u diraysa magaalada Baardheer oo uu ku fatahay Webiga Jubba appeared first on Puntland Post.
  4. Ugu yaraan afar qof oo isku qoys ah ayaa ku dhintay halka inta la ogyahay labo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay Biriq ku dhufatay hooygooda oo Ku yaala Deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug Biriqda ayaa xalay ku habsatay qoyska oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah, hooyadii reerka. Mid ka mid ah caruurta ayaa dhaawacmay, sidda ay Shabelle u sheegeen illo wareedyo dadka degaanka ah. Sidda laga soo xigtay warar horudhac ah, waxaa wali la la’yahay ilmo kale oo caruurta ka mid ah. Biriqdaasi waxay la socotay Roob xoog leh oo ka da’ay Degaanada Dhuusamareeb Ku hareeraysan, saacadihii u dambeeyay. Mas’uuliyiinta ayaa nan wali ka hadlin musiibadaan rabaaniga ah. View the full article
  5. Qardho (Caasimadda Online) – Dowladda Federalka Somaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo doolarka Mareykanka waxa ay ugu deeqday Maamulka Puntland, gaar ahaan fatahaada ka dhacday Magaalada Qardho. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa xaqiijiyey in ay gudoomeen aduun lacageed dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas oo lagu shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaas lagu wareejin doono mid kamid ah akoonadda laga furay Bangiyadda gaarka loo leeyahay ee loo sameeyay gurmadka xarunta Karkaar. “Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda federaalka lacagtaas ay nasoo gaarsiisay, in ka badan waan fileynaa in ay nasoo gaarsiin doonto,” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Maaliyadda Puntland. Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga faaloodey lacagta loogu gurmanayo magaalada taariikhiga ah ee Qardho. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri. Inkastoo hadda xaaladda Magaalada Qardho ay tahay mid soo hagaageysa, kadib daadadkii ku dhuftay Magaalada, haddana Bulshadii ku khasaartay daadadka ayaa u baahan xaalad gurmad muuqda. Inta la xaqiijiyay daadadkii habeen hore ku rogmaday Xaafadaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Shacabka Somaliyed ayaa u istaagay muujinta Kaalinta gurmadka shacabka reer Qardho ee maanta u baahan caawinta walaalahooda Soomaaliyeed.
  6. Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo waraysi siinayay Shabelle ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka HirsShabelle in ay sameeyaan ka hortag si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta daadad mar kale ku dhufta degaanada maamul goboleedkaas. Mudanaha ayaa sheegay in looga baahanyahay dadka iyagu dagan meelaha inta badan fatahaadaha saameeyaan laga fogeeyo lana geeyo meela kale maadaama laga cabsi qabo in mar kale degaanada maamulkaas ay kadhacaan fataahaad uu sameeyo wabiga Shabelle Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in madaxda HirShabelle ay kawada hadleen in kahortag laga sameeyo daadad markale ka dhaca deegaanada hir shabelle. Wabiga shabelle ayaa lagu soo waramayaa inuu sii buux dhaafinayo xili roobab mahiigaan ah ay ka da’een qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana inta badan dhacda in fatahaaduhu saameyn ku yeeshaan dadka iyo beeraha ay ka dhacaan gobolada ShabellaHa Dhexe iyo Hiiraan, taasi oo cabsi badan laga muujinayo waqti xaadirkaan. View the full article
  7. Waxaa habeenkii todobaad galay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakada warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo habeenkii xalay ahaa ay ku tartameen degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul ka gaartay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Labada degmo oo kawada tirsan Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday degmada Kaxda Tartamayaasha degmada kaxda oo dadaal iyo fir-fircooni ay muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Afgooye ay keensatay 8 buundo. Degmada kaxda ayaa noqotay degmadii 4-aad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horeeyey degmooyinka Cabdicasiis, Dayniile iyo Warta Nabadda. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho. View the full article
  8. Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu sameystay qolal lagu ciqaabo dadka dhaliila mas’uuliyiinta maamulkaas. Sidda ay wararku sheegayaan, dadka ugu badan ee xadgudubka loogu geystay xaruntaas waxaa loo beegsaday fekerkooda oo ay cabireen Bulshaawi Axmed Xasan oo todoba cisho goobtaas lagu haayey, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in loo jirdilay comment uu ka bixiyey qoraal maamulka kasoo baxay. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmadda ayuu ka dhawaajiyey in ay kala soo baxeen hoygiisa, iyaddoo aan loo sheegin sababta. Qolalka ciqaabta lagu geystay oo ku yaala xaafadda Cusboole ayuu ka dhawaajiyey in aysan ka war-hayn nabad-sugida iyo milatariga. Dhanka kale, wali ma jiro wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxday maamulka degmada iyo dowladda federaalka. Hoos ka dhageyso warbxinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dayniile.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-30042020.mp3 View the full article
  10. Dhuusamareeb ( Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegay in biriq ku dishay ugu yaraan 5 ruux oo qoys ah sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah. Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga, waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Biriqda ayaa ku dhacday reerka oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah , hooyadii reerka, sidoo kalana waxaa dhaawacmay mid ka mid ah caruurta sida dadka deegaanku sheegayaan halka qof kalana la la’yahay nolol iyo geeri. Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas biriqda ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas, iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan. Roobab xooggan oo ay watay Biriq iyo Onkod ayaa abaara shantii saac oo habeeno ka bilaawday Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos taga waxa uuna istaagay wax yar uun ka hor salaadii subax ee saaka sida dadka deegaanka ku waramayaan. Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka ay Biriqda ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehalada qoyska dhibaatada gaartay.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe bishii August ee 2019 ay ahayd mid “aad u cilladeysan”. Safiirka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, oo uu kaga jawaabayey bayaan 28-kii bishan kasoo baxay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo lagu taageeray heshiiska Axmed Madoobe iyo dhinacyada ay siyaasadda isku hayeen, oo 23-kii April ka dhacay Nairobi. Dowladda UK ayaa ka mid ahayd dalalka bayaankaas lagu saxiixay inay qeyb ka ahayd, hase yeeshee warkan cusub ee kasoo baxay safiirka ayaa u muuqday mid uu kaga fal-celinayey dood arrintaas ka dhalatay. “Tani waxay dhalisay dood badan. Fikirkayga wuxuu yahay: Soomaalida, si la mid ah dadka kale, waxay u qalmaan inay hogaamiyayaashooda ku doortaan doorashooyin xor, dhex-dhexaad iyo sharci ah. Hanaankii doorasho ee August-dii tegtay wuxuu ahaa mid aad u cilladeysan. Waa wax wanaagsan in la arko inay heshiiyaan dad horey u xifaaltamayey hase yeeshee siyaasad si dhab ah loogu dhan yahay – ha noqoto mid deegaan iyo mid qaran – waxay u baahan tahay intaas ka badan,” ayuu yiri. Ayada oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya, ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe wuxuu heshiis la galay Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed, kuwaas oo taageeray doorashadiisa. Afartan ninba waxay kasoo wada jeedaan hal beel.
  12. Shacabka iyo ganacsatada qaadka reer SL, waxa aan ku adkaynayaa in ay si wanaagsan oo hagar la'aan ah ugu hoggaansamaan muddada kooban ee la mamnuucay keenista iyo ka ganacsiga qaadka si aynu u kordhinno fayo-dhowrka iyo bad-qabka bulshadeenna ee cudurka safmarka ah ee Covid19. pic.twitter.com/Te0tmvFMl8 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) April 29, 2020 Waxa aan la qeybsanayaa murugada iyo dhibka ka soo gaadhay deegaanka Qardho fatahaadda aafeysay ee naf iyo hanti-ba leh, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhimatay, cawil kheyr qabana ugu beddelo dhibka ka soo gaadhay, kana samata-bixiyo inta hadhay… pic.twitter.com/zK1cyu0JdY — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) April 29, 2020 Qaran News
  13. Gudigha Sare ee Dowladda Puntland u qaabilsan Gurmadka Fatahaada Magaalada Qardho, oo xalay warbaahinta kula hadlay Qardho, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Gurmadka. Wasiir Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Qardho, ayaa ugu horrayn sheegay in lacag dhan hal Milyan oo Dollar, oo loogu tala-galay Gurmadka Fatahaadda, ay Dowlada Federaalka ah soo gaarsiisay Guddiga, islamarkaana wuxuu u mahad-celiyay Dowlada dhexe kaalinta ay ka qaadatay Gurmadkaas. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Shalay deeq raashin ah oo ka timid Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe uu Gudiggu la wareegay, Si guudna ay ugu mahad-celinayaan Maamulada degmooyinka iyo Shacabka ka qayb qaadanaya Gurmadka. Wasiir Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale tilmaamay in deeqo kale ay keeneen Wasaaradaha Puntland Qaarkood, Kuwaas oo isugu jirra Biyo Nadiifah, Cunto Bisil, Bacaha Roobka iyo Bustayaasha laga dugsado dhaxanta. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya Hal Milyan oo Dollar ku bixisay Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi siiyey Xarunta La-dagaaalanka Argagixisada (Combating Terrorism Center) ayaa wax laga weydiiyey suurta-galnimada wada-hadal dhex mara dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab. Yamamoto ayaa sheegay in dalal badan ay rumeysan yihiin in wada-hadal lagu soo geba-gebeyn karo dagaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay su’aashu tahay in xubnaha Al-Shabaab ay ogol yihiin wada-hadal? “Marka ay noqota xaaladda Soomaaliya, waxaa jira 2,000 illaa 3,000 oo ah dagaalyahanno Shabaab ah oo mayal adag, kuwaas oo aan dooneyn wada-xaajood, taasina waa dhibaato, sidaas darteed sidee ku keeneysa miiska wada-hadalka,” ayuu yiri Yamamoto. Yamamoto ayaa sheegay in dad badan ay hadda eegayaan xaaladda Afghanistan iyo heshiiska lala galay Taliban, ayna rumeysan yihiin inay tusaale u noqon karto dalal kale, sida Soomaaliya oo kale, balse la doonayo in dal kasta si gaar ah loo eego xaaladdiisa. “Waxaan u maleynayaa in marka ay noqoto Soomaaliya ay tahay inaan la gaarin waqtigii aan oran lahayn ‘waxaan u baahanahay wada-xajaood’. Waxaan rumeysanahay in ugu dambeyn wada-xaajoodku, ha noqoto mid lala galo Al-Shabaab ama koox ama urur kale uu yahay caqabad, waana arrin ay tahay inay go’aansadaan dadka Soomaaliyeed, ma ahan arrin u taalla Mareykanka, waa arrin u taalla Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa inaan fahamnaa in kani uu yahay dagaalkooda, waa na saameyneysaa annaga, kaalin ayaana ka qaadan doonnaa, balse waa Soomaalida kuwa go’aanka ka gaaraya inay doonayaan wada-xaajood iyo in kale.”
  15. Kenya put one of the world’s largest refugee camps under lockdown, even as humanitarian agencies warned there’s no infrastructure in place to deal with a potential outbreak of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  16. Turkey has vowed to "defend" Libya's UN-recognised government after eastern-based military commander Khalifa Haftar declared himself ruler of the North African country. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Turkiga oo amray in aysan guryaha kasoo bixin dadka ka weyn 65 sano iyo kuwa ka yar 20 sano Dalka Turkiga oo ka mid ah dalalka la daalaa-dhacaya cudurka Coronavirus ayaa waxaa laba-jibaaray ka hortagga cudurkaasi, iyadoona awaamir hor leh la dul-dhigay shacabka ku nool dalkaasi. Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan ayaa kusoo rogay awaamiir hor leh shacabka, waxaana uu faray in aysan uryaha kasoo bixi karin dadka ka weyn 65 sano iyo kuwa ka yar 20 sano labada isbuuc ee soo socda. Saddexdii isbuuc ee u dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga sida Istanbul iyo magaalooyin kale ayaa ahaa kuwo gebi ahaanba xisan oo aan wax dhaq-dhaqaaq ka jirin, waxaana ka hirgelay amar uu horay u duldhigay madaxweyne Erdogan kaas oo lagu xakameynayo cudurka COVID19. Ilaa iyo iminka in ka badan 115-kun ruux oo turki ah ayuu haleelay cudurka coronavirus, waxaana u dhintay tiro lagu sheegay 2992 oo ruux. Guud ahaan dalka Turkiga ayaa waxaa ku nool dad kor u dhaafaya 82 milyan. Qaran News
  18. Daadad xooggan oo xalay ku soo rogmaday togga degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari kadib roobabka gu’ga oo saacadihii u dambeeyay halkaasi ka da’yay ayaa hakad geliyay isu-socodka gaadiidka Laamiga dheer ee isku xira gobollada Puntland. Daadadkaas oo xalay saqdii dhexe soo rogmaday ayaa la soo sheegayaa in ay buux dhaafiyeen toggga Durdur oo ku yaalla tuulada Ceeldaahir waxaana tan iyo wakhtigaas hakad ku jira isu-socodka gaadiidka oo ku xanniban labada dhinac ee toggaas. Gaadiid fara badan oo ka yimid labada dhinac ayaa weli ku xayiran togga inkastoo la soo sheegayo in daadadka halkaas maraya ay sii yaraanayaan saacadba saacadda ka dambaysa lana filayo in isu-socodku dib u furmo. Roobab mahiiggaan ah oo todobaadkan ka da’aya degaannada Puntland ayaa daadad xooggan ku celiyay dhulka dooxooyinka iyo togaga ah ee ku yaalla gobollada Bari iyo Karkaar waxaase ay khasaaraha ugu badan gaarsiiyeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. PUNTLAND POST The post Daadad ku soo rogmaday Ceeldaahir oo xannibay isu-socodka gaadiidka appeared first on Puntland Post.
  19. Health Minister Fahrettin Koca said Wednesday that the death rate of coronavirus patients in intensive care units has fallen from 58% to 10%. Source: Hiiraan Online
  20. LONDON (England) - It's with great sorrow that FIBA Africa confirms the passing of Bana Ali, Head of International Relation for Somali Basketball Federation and FIBA Africa Zone 5 Head of Marketing. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan ku saabsan arrimaha Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka. Mudane Xasan Cali Khayre, wuxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah. Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka, ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin, si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Shir ka yeeshay Arrimaha dalka appeared first on Puntland Post.
  22. Dhaqaalaha Maraykanka oo hoos u dhacay Dhaqaalaha Mareykanka waxa uu la daalaa-dhacayaa xaalad ma hubanti ah, tan iyo in ka badan 10 sano, markii ugu horraysay iyada oo lagu jiro qaybtii hore ee sannadka, isaga oo waddankuna galay xaalad u muuqatay bandaw oo uu kaga hortagayey faafitaanka feyraskaasi. Waddankan ugu dhaqaalaha badan dunidu waxa uu hoos u dhacay dhaqaalihiisu heerka sanadlaha ahaa 4.8%, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee la soo faafiyey Arbacadii. Xogta la baahiyey ayaa tilmaamaysa xiisadda dhaqaale ee waddankaasi ka taagan, iyadoo markii horena xayiraado badan dalkaasi aanu gelin, tan iyo ka hor march. Safmarkan “ayaa sababi kara dhibaato aad u weyn oo bini aadamnimo iyo dhaqaale guud ahaan Mareykanka iyo daafaha dunida”, siyaasad dejiyaasha baanka dhexe ee Mareykanka ayaa Arbacadii sidaasi sheegay. Mareykanka ayaa isku deyey inuu taakeeyo xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyagoo ku dhawaad $ 3tn (£ 2.4tn) oo cusub qarash gareeyey oo ay ku jirto lacago toos ah oo la siiyey qoysas badan. Kaydka Federalka wuxuu kaloo qaaday talaabooyin deg-deg ah, oo ay kujirto hoos udhaca saamiga dulsaarka ilaa eber la gaadhsiiyey. Arbacadii, Gudoomiyaha Kaydka Federalka Jerome Powell wuxuu sheegay in bangigu sii wadi doono heerarkaas illaa uu “kalsooni ay ka helayaan, ay ku ogaanayaan in daqaaluhu halkiisii marayo”. Laakiin wuxuu ka digay in qalalaasaha socda uu “miisaan culus” saari doono dhaqaalaha. “Ma loo baahan doonaa in wax intaa ka badan la sameeyo? Waxaan dhihi lahaa jawaabta taasi waxay noqon doontaa haa,” ayuu yidhi Powell oo shir jaraa’id qabtay. ‘Xaalad aan la filayn’ Illaa badhtamihii bishii Maarso, inka badan 26 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka ayaa noqday shaqo la’aan, Mareykankuna waxa uu la kulmay hoos u dhac taariikhi ah oo xagga dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo kalsoonida macaamiisha ahba. Saadaaliyaasha waxeey filayaan in xaaladdaasi sii korto illaa 30% ama kabadan sadexda bilood ee soo aaddan iyo Juun. Mark Zandi, oo ah madaxa dhaqaalaha ee falanqaynta Moody’s ayaa yidhi “Tani waa wax aan hore loo arag,”. Rifanka dhaqaalaha Mareykanka ku socda waxay qayb ka tahay hoos u dhac caalami ah oo ka dhashay cudurka faafa ee coronavirus. Shiinaha, oo xayiraadi saaarnayd rubucii hore ee sannadka, dhaqaaluhu wuxuu hoos u dhacay 6.8% – qandaraaskiisii ugu horreeyay ee saddex-biloodlaha ah tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay 1992. Arbacadii, Jarmalka wuxuu sheegay in dhaqaalihiisu uu hoos u dhigmayo 6.3% sanadkan. “Waxaan la kulmi doonnaa hoos u dhicii ugu xumaa taariikhda jamhuuriyadda federaalka” oo la aasaasay 1949, Wasiirka dhaqaalaha Peter Altmaier ayaa yidhi. Ka hor inta uusan Coronavirus dhulka dhigin dhaqaalaha adduunka, iyadoo dhaqaalaha Mareykanka la filayay inuu koro 2% sannadkan. Laakiin badhtamihii bishii Abriil, in kabadan 95% dalka ayaa ku jiray nooc bandaw ah. In kasta oo gobolada qaarkood ay bilaabeen inay qaadaan amarradaas, waxay se ku sii jiraan meela badan oo kale, ooy kujiraan matoorrada waaweyn ee dhaqaalaha laga hago sida New York iyo California. Jerome Powell is grappling, Madaxa kaydka Federaalka ee Maraykanka Kharash bixinta adeegyada cuntada iyo hoyga ayaa hoos u dhacay in kabadan 70%, halka iibsiyada dharka iyo kabaha ay ka yaraadeen 40%. Kharashaadka caafimaadka ayaa sidoo kale hoos u dhacay – in kasta oo fayraskii jiro – iyadoo walaac laga qabo xanuunka oo sameeya dhakhaatiirta inay dib u dhigaan daweynta joogtada ah iyo daryeelka kale ee caafimaad. Jirrada dhanka dhaqaale ee Mareykanka ayaa la filayaa inay kasii darto inta u dhexeysa bilaha Abriil-Juunyo, laakiin khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in xitaa qiyaasta rubuca hore ay u badan tahay in dib loo eego, maadaama ay dowladdu heleyso xog badan. Waxaa se sidoo kale aad looga digayaa, inaan la qiyaasi karin halka xaal ku danbayn karo. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo ka qeyb galay kulanka, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda kala-guurka Soomaaliya, xilli dalka isku diyaarinayo doorahsooyin. “Shirka oo uu abaabulay Midowga Africa, waxaa looga hadlay tallaabooyinka si wadajir ah loo qaadi doono si loo taageero kala-guurka siyaasadeed iyo hanaanka nabadda kadib COVID-19,” ayuu yiri Cavusoglu. “Mar walba waan garab taagannahay saaxiibadeen iyo walaalaheen Soomnaaliya.” Dhinaca kale qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yiri “kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.” Khayre ayaa sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’an tahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah. Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
  24. Maxaad ka taqaannaa cudurkii coronavirus lamidka ahaa ee dunida ku dilay 50 milyan oo ruux? Cudurkii safmarka ahaa ee dillaacay sanadkii 1918 ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhacay saddex meelood meel ka mid ah dadka adduunka ku noolaa Haddii aadan horay u maqlin hargabkii la oran jiray Spanish Flu, coronavirus ayaa hadda kugu baraarujiyay in xanuunkaas uu dad badan dunida ku laayay billowga qarnigii labataanaad. Waxaa xanuunkaas lagu tilmaamaa “hooyadii dhammaan cudurrada faafa”, waxaana uu galaaftay nolasha inta u dhaxeysa 40-50 milyan oo qof muddo laba sano gudahood ah – intii u dhaxeysay 1918-kii ilaa 1920-kii, sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimmaadka Adduunka ee WHO iyo xarunta dhexe ee xakameynta cudurrada. Seynisyahanada iyo dadka ku xeel dheer taariikhda waxay aaminsan yihiin in cudurkaas uu ku dhacay saddex meelood meel ka mid ah dadka ku noolaa adduunka, oo markaas ay tiradooda guud ahayd 1.8 bilyan oo qof. Wuxuu sababay dhimasho ka badan tii uu sababay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, kaasoo istaagayay markii uu cudurkan sii faafayay. Xilli uu hadda adduunka la tacaalayo dhibaatada Covid-19, waxaan dib u milicsaneynaa cudurkii ugu dambeeyay ee safmarka ahaa ee dunida saameeyay – sideyse xaaladdu noqotay markii uu idlaaday? 1921, duni ka duwan sidii hore Awoodda seynisyahannada iyo dhakhaatiirta kuma filneyn ina wax laga qabto fayraska faafay, marka loo barbar dhigo sida looga jawaabay xanuunka coronavirus Sanadkii 1918-kii, cilmiga seyniska iyo dawooyinka wuxuu ahaa mid aad u xaddidan marka loo eego sida hadda loola tacaalayo coronavirus. Dhakhaatiirta xilligaas jirtay way ogaayeen in waxyaabo ili-maqabato ah ay sababayeen Spanish flu, cudurkana uu isaga kala gudbayay qofba qofka kale, laakiin waxay u heysteen inuu ka dhalanayay jeermis oo uusan ahayn fayras. Dawooyinka la heli karay xitaa way xaddidnaayeen – tusaale ahaan dawadii qallajiyaha ee ugu horreysay caalamka waxaa la helay 1928-kii, oo toban sano kaddib ah. Tallaalkii ugu horreeyay ee hargab loo adeegsadana waxaa dadka loo fasaxay 1940-meeyadii. Tan ugu sii daranna waxay ahayd, hannaanka caafimaadka ee adduunka ma uusan dhisneyn. Xitaa dalalka qaniga ah, nadaafadda goobaha dadweynaha waxay ahayd nolol heer sare ah oo aysan cid walba awoodin. “Dalalka warshadaha ku hormaray, dhakhaatiirta intooda badan iskood ayey u shaqeysan jireen ama waxaa maalgalin jiray hay’ado samafal ah iyo urur diimeedyo, dad badanna ma aysan heli karin dhakhaatiirta,” ayey tiri Laura Spinney, oo ah wariye wax ka qorta arrimaha seyniska, sidoo kalena qortay buug ay uga sheekeysay Hargabkii Spanish-Flu iyo sida uu u baddalay dunida. Dadka da’da yar ee saboolka ah Cudurkii dillaacay horaantii qarnigii 20-aad wuxuu ahaa mid ka duwan cudurrada kale marka la eego da’da dadka uu dilayay oo ahaa dhalinyaro Waxyaabaha kale ee xaaladda uga sii daray waxaa ka mid ahaa in cudurka Spanish flu uu wax u weerarayay si ka duwan sida cudurradii ka horreeyay ee safmarka noqday, tusaale ahaan mid mid socday 1889-kii ilaa 1890-kii, oo dunida oo dhan ku dilay in ka badan 1 milyan oo ruux. Inta badan dadka u dhimanayay waxay da’dooda u dhaxeysay 20 ilaa 40 sano, raggana si gaar ah ayuu ugu sii badnaa – sababtana waxaa loo maleynayaa inay haayd maadaama sida la aaminsan yahay uu cudurka ka billowday xeryihii ciriiriga ahaa ee milatariga furinta hore ee Reer Galbeedka, uuna sii fiday markii ay ciidamada dalalkooda ku laabteen kaddib Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Cudurkan ayaa sidoo kale si daran u saameeyay dalalka saboolka ah. Daraasad lasoo saaray 2020-ka oo uu hoggaaminayay cilmi-baaraha jaamacadda Harvard ee lagu magacaabo Robert Barro ayaa lagu sheegay in dalka Mareykanka ay cudurkaas uga dhinteen 0.5% ka mid ah shacabkiisa oo tiro ahaan lagu qiyaasay 550,000 oo ruux, halka Hindiya uu ka laayay 5.2% oo ka mid ah shacabkeeda, kuwaasoo tiro ahaan gaarayay 17 milyan oo qof. Saameyntii dhaqaale ee uu geystayna waxay ahayd mid aad u ballaaran. Barro iyo kooxdiisa waxay khasaaraha dhaqaale ee cudurkaas ka dhashay ku qiimeeyeen 6% ka mid ah dhaqaalaha u soo xarooda waddamada. Haweenka shaqeynaya Marka la isku daro raggii ku dhintay dagaalkii koowaad ee adduunka iyo kuwii uu laayay fayraska, waxay haweenka fursad u heleen inay qabtaan shaqooyinkii ragga u badnaa Maadaama uusan xanuunkii Spanish flu u sababin burburka xiriirka bulshada si ka weyn sidii uu sababay cudurkii Black Plague ee qarnigii 14-aad, wuxuu wax weyn ka baddalay isku dheellitirka ragga iyo dumarka. Haweeneyda cilmi baaraha ka ah jaamacadda Texas ee A&M, Christine Blackburn, ayaa sheegtay in shaqaale yaraantii ka dhacday Mareykanka ee ay sababeen dagaalkii koowaad iyo fayraska ay waddada u xaartay in haweenka ay shaqooyinka aadaan. “Markii lasoo gaaray 1920-kii, haweenka waxay shaqaalaha dalka ka ahaayeen 21%,” ayey tiri Blackburn. Isla sanadkaas, Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa saxiixay sharcigii dumarka u oggolaanayay xuquuqda codeynta doorashada. “Waxaa caddeymo loo hayaa in cudurkii dillaacay 1918-kii uu wax badan ka baddalay xuquuqda haweenka ee caalamka,” ayey hadalkeeda sii raacisay Blackburn. Mushaaraadkii shaqaalaha ayaa sidoo kale la kordhiyay, maadaama ay jirtay shaqaale la’aan. Dhaxalkii xanuunka badnaa ee ka heleen carruurta cusub ee dhalaneysay Daraasado laga sameeyay dalal badan ayaa muujiyay in carruurta cusub ee dhalaneysay inta uu cudurkaas socday ay khatar weyn ugu jireen fayraska Seynisyahanada sameeyay cilmi baaris ay ku darsayeen carruurta cusub ee dhalaneysay intii uu socday cudurka Spanish flu, waxayna ogaadeen inay aad halis ugu jireen dhibaatooyin ay ka mid yihiin wadne xanuun, taasoo ay uga duwanaayeen carruurtii dhalatay fayraska ka hor iyo kaddib. Daraasado laga sameeyay dalalka UK iyo Brazil ayaa muujiyay in carruurtii dhalatay intii u dhaxeysay 1918-kii ilaa 1919-kii ay ku yaraayeen kuwo shaqo helay ama waxbarashada heerka sare aaday. Sheekooyinka qaar waxay arrintaas ku micneeyee saameyn ka timid walwalka ay hooyooyinka uurka leh ka qaadayeen cudurkaas faafayay. Ardaydii Mareykanka ee dhalatay 1919-kii ayaa la sheegay in iyaguna ay ka fahmo yaraayeen kuwa kale. Gumeysi diidkii iyo wadashaqeyntii caalamiga ahayd Gandhi iyo wadaniyintii kale ee Hindiya waxay cod dheer yeesheen markii uu cudurka hindiya halakeeyay kaddib Sanadkii 1918-kii Hindiya waxay ku hoos jirtay gumeysigii Ingiriiska oo xukumayay hal qarni ka badan. Fayraskii Spanish flu ayaa dalkaas gaaray bishii May ee isla sanadkaas – wuxuuna dadka hindida ah u saameeyay si ka daran sida uu u saameeyay dadkii reer Britain ee waddankaas daganaa. Qiyaas xisaabeed lagu sameeyay tirada dhimashada ayaa muujisay in dadka Hinduuga ah ee dhimanayay ay ahaayeen 61.6 ka mid ah 1,000 dhimasho, halka dadka kale ee reer Yurubta ah ay ahaayeen kaliya 9 ka mid ah 1,000 dhimasho. Wadaniyiintii Hindiya ee xornimada u xusul duubayay ayaa arrintaas awgeed ku dooday in maamulkii gumeysiga Ingiriiska ay si khaldan u maareynayeen dhibaatada cudurka. 1919-kii, Mahatma Gandhi, oo ka mid ahaa xornimo-doonka Hindiya ayaa majallad lagu magacaabi jiray Young India ku qoray eedeyn uu u jeediyay madaxda Ingiriiska. Shuruuc cusub oo ka feejignaanta cudurrada faafa ah ayaa la hirgaliyay wixii ka dambeeyay 1918-kii Dhanka kale, cudurkan ayaa hoos u dhigay wadashaqeyntii caalamiga ahayd – taasoo markii horena uu saameeyay Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Sanadkii 1923-kii, ururkii ka horreeyay Qaramada Midoobay, ayaa aasaasay Guddiga Caafimaadka. Wuxuu markaas ahaa guddi farsamo oo abuuray nidaam cusub oo lagu xakameeyo cudurrada safmarka ah. Waxaa qeybtaas mas’uul ka ahaa khubaro caafimaad, halkii ay diblomaasiyiin ka maamuli lahaayeen. Laakiin Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxaa ugu dambeyn la aasaasay sanadkii 1948-kii. Horumarradii laga gaaray caafimaadka dadweynaha Dalal badan ayaa wasaarado caafimaad yeeshay 1920-meeyadii Khasaarihii ka dhashay fayraska dunida ku faafay wuxuu horseeday in horumar laga sameeyo dhinaca caafimaadka dadweynaha. Sanadkii 1920-kii, Ruushka ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee yeeshay waax si gaar ah loogu talagalay caafimaadka dadweynaha. Dalalkii kalena way ku wada daydeen. “Dalal badan waxay 1920-meeyadii abuureen wasaarado caafimaad,” ayey buuggeeda ku tiri Laura Spinney. “Tani waxay ahayd natiijo tos ah oo ka dhalatay cudurka, kaasoo inta uu socday aan shirarka laga qeyb galin jirin madaxda caafimaadka guud, ama shaqada looga joojin jiray dhaqaale la’aan awgeed.” Xayiraadaha iyo kala fogaanshaha dadka way shaqeeyeen waagaas Kala fogaanshaha dadka waxaa natiijadiisa lagu faa’iiday markii uu socday fayraskii 1918-kii Farqi caan baxay ayaa u dhaxeeyay labo magaalo oo ka tirsan Mareykanka. Bishii September ee sanadkii 1918, magaalooyinka Mareykanka waxaa ka socday ol’ole dhaqaale iyo taageero loogu raadinayay dagaalka wali socday. Labo ka mid ah magaalooyinkaas ayaa qaaday tallaabooyin kala duwan. Laakiin cudurka Spanish flu ayaa sanadkaas gaaray Mareykanka. Markii ay magaalada Philadelphia go’aansatay inay qorshaheeda dadka isugu imaanayeen kusii socoto, magaalada St Louis waxay go’aansatay inay joojiso. Hal bil kaddib, dhimashada cudurka ee magaalada Philadelphia waxay ka sarreysay 10,000 oo ruux. Laakiin St Louis waxaa ku dhintay wax ka yar 700 oo qof. Magaalooyinkii xayiraadda soo rogay ayaa sidoo kale dhakhso uga soo kabtay khasaarihii dhaqaale. Cudurkaas ma la illoobay? Edvard Munch, oo sawir isaga ah gacantiisa ku xardhay wuxuu ka mid yahay farshaxanka dhifka ah ee lagu xasuusto cudurkii 1918-kii Iyadoo casharro badan laga qaatay, haddana Spanish flu wuxuu noqday cudur siyaabo badan loo illoobay. Isla sida Covid-19, wuxuu saameeyay qaar ka mid ah dadka caanka ah. Waxaa la xanuunsaday madaxweynihii Mareykanka Woodrow Wilson iyo Ra;iisul Wasaarihii Britain Lloyd George, halka madaxweynihii Brazil Rodrigues Alves uu u geeriyooday. Laakiin cudurka Spanish flu waxaa indhaha dadka iyo taariikhda soo gaartaba ka daboolay sheekooyinka Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Taas waxaa sabab u ah in dowladaha intooda badan ay warbaahintooda ka hor joogsadeen inay shacabka u tabiyaan saameyntii uu cudurkaas ku yeeshay xilligii dagaalka. Maxadweynihii Brazil Rodrigues Alves waxaa dilay cudurka Spanish Flu Iyadoo aan si fiican loo baahinin xilligii uu socday cudurkaas, haddana waxaa laga qadiyay buugaagta taariikhda iyo dhaqanka caanka ah. “Ma jirto meel taariikh ahaan loogu qoray magaca Spanish Flu, mana heleysid buug wax ka qoray taariikhdaas gabi ahaanba”, ayuu yiri Mark Honigsbaum, oo ah taariikh yahan. Mid ka mid ah waxyaabaha dhifka ah ee lagu xasuusto xanuunkaas waxaa ka mid ah sawir gacmeed uu farshaxamiistigii reer Norway ee lagu magacaabi jiray Edvard Munch iska sameeyay isagoo la xanuunsanaya cudurka. Waa hubaal in cudurka Covid-19 uu hadda wax badan dib u xasuusiyay dadka. Qaran News