-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa laba jibaartay hanjabaadooda ku aaddan suxufiyiinta xilli dalku wajahayo tiro sii kordheysa oo kiisaska Covid-19 ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay hay’adda udoooda ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Human Rights watch. Tan iyo badhtamihii Abril 2020 oo kali ah, ayay mas’uuliyiintu si aan kala sooc lahayn u xireen saddex weriye, waxa ay ku eedeeyeen laba dambi oo kaladuwan, waxayna ka mamnuuceen xarun raadiye maxalli ah in ay wax ku baahiso lahjadeeda maxalliga ah ayaa lagu yiri warbixinta. Laga soo bilaabo Abriil 30, Soomaaliya waxa ay xaqiijisay 601 kiis oo ah “Covid-19″ iyo 28 dhimasho ah. Dalka waxaa sidoo kale loo qorsheeyay in la qabto doorashooyinka guud dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, laga yaabee in ay tahay doorashadii ugu horreysay ee waddanku yeesho muddo 50 sano ah. “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay u isticmaalaan Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, Maajo 3, 2020, sida ay uga go’antahay soo afjaridda xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta,” ayaa lagu yidhi warbixinta Human rights watch. Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yiri ” Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan macluumaad ay ku gaaraan go’aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro masiibada”. 20-kii Abriil, magaalada baydhabo, mas’uuliyiintu waxay xireen weriyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Atosh, waxayna hayeen laba habeen ka hor intaanan la sii deyn. Mukhtaar wuxuu u sheegay Human Rights Watch in booliiska gobolka ay su’aalo ka weydiiyeen sheeko la xiriirta bishii Abriil 19-keedii ee la soo sheegay in uu ka warbixiyay kufsi loo geystey seddex haween ah oo ka dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo iyo geerida mid ka mid ah dhaawaceeda. 14-kii Abriil, booliisku waxay uga yeereen Cabdicasiis Axmed Gurbiye, oo ah tifatiraha guud iyo ku-xigeenka agaasimaha Goobjoog Media Group, saldhig booliis oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallay amar lagu soo xirayo. Tani waxay daba socota laba qoraal oo boggisa Facebook-ga uu soo dhigay oo lagu dhaleeceeyay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay xiisadda Covid-19 iyo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu qaatay mid ka mid ah hawo-mareenada dhowaan lagu deeqay isbitaal ku yaal Muqdisho. 2-dii Abriil, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISA) ayaa bartooda Twitter-ka ku soo qortay in ay baarayaan Harun Maruf oo ka tirsan VOA, oo ah suxufi caan ah oo Mareykan ah, oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal ka baxsan xeerka anshaxa saxaafadda. Sida laga soo xigtay ururada saxafiyiinta Soomaaliyeed, maamulka ayaa xirey wariye Maxamed Abidwahab Nuur oo loo yaqaan Abuja 7-dii Maarso, waxayna ku hayeen illaa Abriil 22, ka dib markii ururada saxafiyiinta ay ka mudaaharaadeen xarigiisa, Wasaaradda Warfaafinta waxay ku dhawaaqday in ay xireen hay’adaha amniga isla markaana uu ku eedeeysan yahay Alshabaabnimo iyo inuu ka qeyb qaatay dilka haweenay. Human Rights Watch waxa ay warqad u qortay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud bishii Abriil 28 iyagoo weydiisanaya faahfaahinta xaaladda baaritaannada lagu sameeyay Cabdicasiis, Harun, iyo Maxamed Abuja laakiin jawaab kama helin. Hay’adda Amnesty International ayaa ku warrantay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay si joogto ah ugu hanjabto, dhibaateyso, isla markaana ay faragalin ku sameyso baraha warbaahinta bulshada kuwaas oo dhajiya faallooyinka muhiimka ah. “Xukuumadda Soomaaliya waa in ay hubisaa in shacabka la wargaliyo iyo in dadka loo ogolyahay in ay soo bandhigaan aragtidooda, oo ay kujirto in ay dhalleeceyso jawaabta ay dowladdu ka bixisay Covid-19”, ayay tiri Human Rights Watch.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dareen celiyay doodda agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile ee ku aaddan muranka qoyska madaxweynaha iyo dadka shacabka ah ee dhinaca dhulka. Agaasimaha oo shalay arrinta dhulka ee soo noqnoqotay wax laga waydiiyay ayaa dooddiisa ku saleeyay in loo baahan yahay in hay’adaha sharciga dhulka ku lug leh ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose u garnaqaan madaxweynaha iyo shacabka. Halkan ka daawo doodda agaasimaha madaxtooyad Cali Guray oo doodda agaasimaha ka falcelinayay ayaa tilmaamay in aanay hore u dhicin madaxweyne iyo shacab arrimo dhul ku yooyootamaya waxaanu qoraal uu soo saaray u dhignaa sidan. “Waryaa! Lexajeclo Waa Khamri Dheh Waa Xaajo ugub oo aan curad ahayn. Hadii uu jiray dhul uu Madaxwaynuhu qof ahaan ama qoys ahaan u lahaa malaha dhul ay dad kale leeyihiin kamuu qaadeen oo Madaxtooyo ayaa laga dhigayaa muu yidhaahdeen isaga oo Madaxwayne ah ee wuxu bixin lahaa kiisa, ilayn isaga ayaa Madaxwayne ahe oo uu odhan lahaa aniga ayaa ugu deeqay qaranka oo waa dan guud.Taas ayaa magac iyo sharaf u noqon lahayd. Markaa sheekadan anigu maan fahmin. Dhul dan guud ahaa oo waddo 200 mitir ( ring road) loogu talogalay ayaa la sheegayay inu ku jiro dhulkan lagu muransan yahay. Mooyi Ilaahay baa iga og waxse aan jeclaa in aan la odhan dad sabool ah oo danyar ah iyo Madaxwaynahoodii ayaa dhul isku haysta. Sheeko iyo shaahid wax hore u dhacayna maaha; laakiin Agasimuhu isagu caadi buu u arkaa. Horaase loo yidhi lexajeclo waa khamri.” Source
-
Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo sabtiya dib u bilowday baaritaannada lagu samaynayo dadka looga shakisanyahay xanuunka COVID-19 kadib maalmo kooban oo hakad ku yimid baaritaanka dadka karantiilan. Hakadkaas ayaa ka dhashay kadib markii sida la sheegay ay go’day kiimiko loo isticmaalo mashiinka baaritaanka taasi oo laga dalbay dalka dibaddiisa islamarkaana maalmo la sugayay balse ugu danbayntii shalay la keenay. Ilaa 20 ruux oo karantiilan kadib markii looga shakiyay xanuunka COVID-19 ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabiya la marinayaa baaritaanka waxaana isla caawa la shaacinaya natiijada ka soo baxda baaritaankaas. Tirada guud ee dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland ayaa gaaraysa 11 bukaan waxaana u dhintay hal ruux oo keliya balse ma jirto weli cid ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u bilwoday baaritaannada COVID-19 kadib maalmo hakad ku yimid appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid C/laahi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ee ahaa in qof kasta ay xilligan dhinta dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa Covid-19. Maxamed Siciid ayaa sheegay in hadalka wasiir Maareeye uusan ka tarjumeyn xaqiiqada jirta ee cudurka Coronavirus, wuxuuna tilmaamay in tirada saxda ah ee dhimashada xanuunkaan ay tahay kuwii ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in warbixinada ay baahisay wasaaradda ay yihiin kuwo xaqiiqo ah oo ku yimid baaritaan caafimaad. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay loo baahan yahay in waxa la sheegayo ay ku dhis-naadaan cilmi iyo baaris la sameeyey. “Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan. ”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in qof kasta xilligan dhinta ay dowladda federaalka u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa ee Coronavirus, kaas haatan ku sii fidiya qeybo badan oo ka mid ah dalka.
-
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa uu beeniyay in dowladda federaalka ah ay diyaarado siday gargaar shalay ka dajisay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal. Wasiirka oo arrintaasi ayaa sheegay in diyaaradihii shalay ka dagay Garowe islamarkaana waday gargaarka ay ka socdeen hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR. Shalay ayaa wafdi uu hoggaaminayay wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa ay gaareen Garowe iyga oo sheegay in deeq ka timid dowladda federaalka ay soo gaarsiiyeen Garowe ku kalne ay dowladdu soo waddo balse waxaa hadalkaasi biyo qaboow ku shubay wasiirka arrimha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad. Dowladda federaalka ayaa horey Puntland waxa ay ugu dirtay lacag dhan hal milyan oo doolar taasi oo wax loogu qabanayay dadkii ku waxyeeloobay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee sababay geeri iyo burbur hantiyadeed. Hadalka ka soo kala yeeray dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa abuuray dood dadka ay siyaabooyin kala duwan u fasireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Kismaayo)-Masaajidka Xareed Yaroow oo kamid ah Masaajida ugu waaweyn dalka, Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa shalay gebi ahaanba lagu tukan salaadii Jimcaha, kadib markii la xidhay masaajidka. Culimada gacanta ku haysa maamulka masaajidka Xareed Yaroow ayaa isla qaatay in masaajidka la xidho, sababa la xidhiidha cudurka faafa ee Coronavirus oo si weyna ugu sii fidaya gudaha dalka Soomaaliya. Waxaana dhowaan cudurka Coronaha laga helay qof kamid ah jameecada masaajidkaasi ku tukan jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Culimada maamulka masjidkaasi, midaasi oo u horseeday inay culimadu qaatan go’aanka xidhista masaajidka. Masaajidka Xareed Yaroow ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Soomaaliya la xidho, tan iyo intii uu dalkaasi ka bilaamay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo hadda kusii fidiya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xadhigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hoggaamiye Kim Jon Un. Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad ayna wanaagsanayn. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Roobab mahiigan ah oo geystay khasaare xoogan ay ka da’een deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi. Wariyaha Shabelle Cali Gaab oo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in Roobabkaasi oo watay daadad ay ku dhinteen illaa laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Roobabku ay saameyn ballaaran ku yeesheen guud ahaan Bacaadweyn, gaar ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi-Cali-Gaab-.mp3 View the full article
-
(SLT-Ankara)-Dowladdda Turkiga ayaa ugu baaqdey Imaaraadka carabtu in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan kuwa aan sharciga ahay iyo maalgeliya ay siiyaan argagixisada. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeysey Imaaraadka carabta in siyaasadda ay ka wadaan Waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe ay tahay burburin, waxaana ay Imaaraadka ka codsadeen in ka tanaasulaan siyaasadda colaadinta ku dhisan. Warka ka soo baxay Turkiga ayaa daba socda, war kale oo Imaaraadka carabtu ka soo saareen xaaladda dalka Liibiya, Imaaraadka carabta ayaa sheegay in Turkigu farogelin xooggan ku hayo xaaladda dalka Libya. Source
-
Turkey will send medical supplies to Somalia to help the country combat the coronavirus outbreak, the Turkish presidential spokesman said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Qardho oo dhowaan ay ku rogmadeen daadad geystay khasaarooyin xoogan. Dr Jaamac ayaa ka digay suura-galnimada inay Qardho ka dilaacaan cuduro ka dhimasho badan Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in nadaafad darrada ka jirta halkaasi ay ka dhalan karaan cudurada Daacuunka iyo Shuban-Biyoodka oo si deg-deg ah ku faafa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daadadku ay isku fureen Ceelasha ay Biyaha dadka ka cabayeen iyo Suuliyaashii ku yaallay magaaladaasi. Wasiirka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan xanuunadaasi, islamarkaana ay ku dadaalaan nadaafadda guud. “Waxaan ka codsanayaa dadka magaalada Qardho in ay aad uga feejignaadaan xanuunadaas iyo qashinkaas magaalada dhex-yaala.” ayuu yiri wasiir Jaamac. Dhowaan ayey aheyd markii dadaad xoogan oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal ay ku dhufteen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaan haatan socda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dhammaan qoysaskii ay sameynta ku yeesheen daadadkaasi.
-
Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cismaan Xaaji Jaamac, oo ka tirsan guddi-hoosaadka qaabilsan Qorshaynta iyo Arrimaha Banii’aadanimada Gurmadka Magaalada Qardho, oo ka warbixisay kormeer ay ku sameeyeen xaaladda Banii’aadanimo ee ka dhalatay Fatahaaddii Qardho, ayaa sheegtay in ay jiraan musqulo Daadadkii ku dumay oo af-bannaan, islamarkaana meelo mugdiya ku yaalla. Wasiirka Aamina, ayaa sheegtay in Fatahaaddii ka dhacday Magaalada Qardho ay keentay, in Suuliyaal badan isku furmaan, kadina ku dhex qarsoomeen waadiyo biyo iyo qashin ah oo dhex ceegaaga gudaha Magaalada Qardho, kuwaas oo khatar weyn ku ah Dadweynaha ku nool Qardho. Waxay sheegtay, in suuliyaashaas malaasmay ay halis ugu jiraan in dadka iyo duunyaduba ku daataan, maadaama ay qarsoomeen oo aan si fudud lagu ogaan Karin in halkaasi suuli ahaan jirtay, waxaana ay xustay in sidoo kale xanuuno daran ay ka dhalan karaan musqulahaaas aasmay. Sidoo kale, waxay sheegtay in suntii loo isticmaali jiray in xoolaha dulinka lagaga dilo ee Bakhaarada taallay, ay Fatahaadda raacday haatana ay daafaha Magaalada ka buuxdo, taasina ay khatar xooggan ku hayso dadka iyo doonyadaba. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo ka digtay khatar kale oo soo food saartay Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo meeraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyina Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A is-aragiisa labaad ee tartanka ayaa waxaa xalay guul ka gaartay Wadajir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Howlwadaag. Wadajir ayaa la timid 16 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka aqooneedka faca weyn ee Shabelle isaga hor imaan doono, islamarkaana ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley oo ka tirsan group-ka A is-aragiisa labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaaraan ayaa horay barbar dhac ula soo gashay Howlwadaag is-aragii koowaad ee tartanka, halka Dharkenley ay iyana barbar dhac la soo gashay dhiggeeda Wadajir. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in markale gargaar caafimaad ay u soo direyso Soomaaliya, si loogu kabo xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxweynaha dalkaasi, Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu amray in markale shixnad gargaar loo diro Soomaaliya. Sidoo kale afhayeenkaan oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ku daabacay in gargaarka caafimaad ee uu markii labaad Turkiga u soo dirayo Soomaaliya uu isugu jiri doono qalabka hawa siinta ee Ventiletarka loo yaqaano, daawooyin iyo agabka ay isticmaalaan dhaqaatiirka ku howlan la tacaalida Covid-19. Si kastaba ha’ahaatee gargaarkan caafimaad ee uu Turkiga u soo dirayo Soomaaliya ayaa noqonaya midkii labaad, xilli bartamihii bishii la soo dhaafay M/ Muqdisho ay soo caga dhigatay diyaarad siday gargaar caafimaad oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya. View the full article
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay korortay tirada dadka maamulkiisu diiwaan-geliyey ee la geeyo maalintii Qabuuraha ku yaalla Caasimada, xilli dalka uu ka jiro Covid-19. Duqa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in laga soo bilaabo 19-kii bishii April illaa haatan ay diiwaan-geliyeen ku dhowaad 500 oo ruux, islamarkaana cel-celis ahaan malintiiba ay diiwaan-galinayeen tira u dhexeysa 22- 49 Qof, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay aaminsan yihiin in dadkaasi ay intooda badan u dhinteen cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Filish.mp3 View the full article
-
Maxaa ka jira in weli dad lagu la’yahay Fatahaaddii Qardho?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sida ay horay u sheegtay warbaahinta Puntland Post, waxaa dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Dadkaas oo tiradooda lagu sheegay 11 qof, ayaa dhammaantood nolol lagu helay 24-saac gudahood markii ay fatahaaddu dhacday, waxaana iyagoo bed-qaba dib loogu celiyay Qoysaskoodii, islamarkaana ma jiraan dad weli lagu la’yahay magaalada Qardho. Warbaahinta qaar, ayaa maalmahan qoraysay in weli fatahaaddii Qardho lagu la’yahay dad gaaraya 30 ruux, waxaase wararkaasi beeniyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qardho, oo aan dib ula xiriirnay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya, in khasaaraha nafeed ee fatahaaddii Qardho ay ku koobantahay ilaa lix qof oo dhimasho ah, kuwaas oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn oo midkood haweenay tahay. Balse, waxay xaqiijiyeen in aysan jirin khasaare nafeed oo intaas ka badan iyo dad maqan midna. Hase yeeshee, burbur hantiyeed iyo mid dhaqaale oo baahsan ayaa ka dhashay daadadkaas, waxaana ku bara-kacay boqollaal qoys oo hooy iyo hanti la’aan ku dhacday. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in weli dad lagu la’yahay Fatahaaddii Qardho? appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-02052020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay khudbad ka jeedinayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus ee ka dilaacay Soomaaliya. Cumar Filish ayaa sheegay in tan 19-kii bishii la soo dhaafay ee April ay baaritaano ku sameynayeen dadka dhinta ee la geeyo Qabuuraha ku yaalla caasimada. Duqa Muqdisho ayaa shaaciyey in illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen meydadka ku dhowaad 500 oo qof, kuwaas oo ku geeriyooday gobolkaan Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aamin-san yihiin inay dadkaasi badi u dhinteen cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Tiraddii ugu badneyd ee ay diiwaan-geliyeen hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka tiradii ugu yareydna uu ku sheegay guddoomiyuhu 22 qof. Guddoomiye Filish ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyina caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Covid-19. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in qof kasta xililigan dhinta ay dowladda federaalka u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa ee Coronavirus, kaas weli ku sii fidiya wadamo badan oo ku yaalla caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Filish.mp3
-
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa digniin ka soo saartay nadaafad-darro baahsan oo ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho kuwaas oo keeni kara xanuuno halis ah. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Qardho ayaa sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ay isku fureen suuliyaashii iyo ceelashii laga cabi jiray ee magaalada taasina ay ka dhalan karaan cuduro halis ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in suuqyadii magaalada iyo waddooyinka qaar ay daadadkaas ku reebeen qashin iyo dhiiqo badan oo isku dhex qasmay oo sababi kara xanuuno ay ku jiraan shubanka iyo daacuunka oo ka daran COVID-19. Sidoo kale wuxuu aad shacabka Qardho uga digay in ay iska ilaaliyaan biyaha wasakhaysan ee ceelasha suuliyaashu ku furmeen iyo sidoo kale qashinka iyo biyaha isku milmay ee daadadku ka tageen. Halkaan ka daawo hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo ka digtay xanuuno halis ah oo ka dhalan kara Fatahaaddii Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Belgium is the world's worst affected country when it comes to the coronavirus mortality rate. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
