-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa soo saaray warbixinta maalin-laha ah ee Covid-19 ee deegaanada maamulkaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey illaa 22 Ruux, islamarkaana sideed ka mid ah laga helay xanuunka, kuwaas shan ka mid ah ay yihiin rag, halka saddexda kalena ay yihiin dumar. Tirada kiisaska ee illaa iyo hadda laga xaqiijiyey Puntland ayaa gaaraya 38 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-050520.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay baxay guddiga wacyigelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa waxaa looga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Covid-19 ee maamulkaasi. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey illaa 22 Ruux, islamarkaana 8 ka mid ah laga helay xanuunka, kuwaas oo kala ah 5 rag ah iyo 3 Dumar ah. Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay qaataan talooyinka caafimaadka, islamarkaana ay u hoggaansamaan amarada maamulkaasi. Tirada kiisaska la xaqiijiyey ee Puntland ayaa gaaraya 38 qof, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ama go’doon, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha, islamarkaana soo gaaray Soomaaliya ayaa waxaa maalin kasto uu soo ridaa dad hor leh, taas oo kordhisay tiirada.
-
Warbaahinta Qaranka Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaab celisay hadalkii ka soo yeeray xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo kaasi oo tibaaxayay in coronavirus uu ka soo unkamay mid ka mid ah sheybaarada Shiinaha. Wuxuuna shiinaha hadalkaasi ku tilmaamay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Mike Pompeo ayaa Axaddii shalay ahayd sheegay in ay hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo badhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha. Lahaanshaha sawirkaAFP Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xaywaanada duurjoogta ahi ee lagu kala iibsado seyladaha dalkaasi Shiinaha. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in coronavirus lagu sameeyay shaybaar ku yaal waddanka Shiinaha. Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”. Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay ku dhawaad 3.6 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 249,000 oo qofna ay u dhinteen. bbcsomali Qaran News
-
Haweeney ayaa sheegtay inay ka faa’iidday cudurka coronavirus oo ku dhacay, uuna nafteeda badbaadiyay, kaddib markii dhakhaatiirtii Covid-ka ay ogaadeen inay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah. Angela Schlegel waxaa isbitaalka la dhigay 11 maalmood kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha coronavirus. Xaaladdeeda wadna xanuunka – oo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay u dhiman kartay – waxaa la ogaaday markii la geeyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da, ee isbitaalka Royal Brompton, oo ku yaalla magaalada London. Gabadhan 36 jirka ah waxay tiri: “Aad baan u argagaxay markii la ii sheegay in wadnaheyga uusan u shaqeyneynin sidii loo baahnaa.” Waxaa horay loo geeyay isbitaallada Chelsea iyo Westminster, 22-kii March, halkaasoo baaritaannadii lagu sameeyay ay muujiyeen cilladda sambabadeeda iyo wadnaheeda. Waxaa durbadiiba loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Royal Brompton, waxaana loo billaabay dawooyinka ku haboon xanuunnadeeda halista ah. Cudurka la ogaaday inay qabto – oo dhif ugu dhaca dadka – ayaa sababi kara inay waxyeello burbur ah gaarto unugyada jirka, wadnaha, sambabbada, kalagoysyada iyo neerfayaasha. Angela waxay sheegtay in ICU-da ay khibrad adag kala kulantay Ms Schlegel waxay sheegtay inay muddo 2 sano ah dhakhaatiirta ugu tageysay xanuunka neefta oo ay qabtay, “laakiin waligeed aysan ka warhelin xaaladda khatarta ah ee uu ku sugnaa wadnaheeda”. “Haddii xanuunka aan qabay aan dhakhso la iga daaweyn lahayd waxaan qarna u saarnaa inaan dhinto,” ayey tiri. “Coronavirus ayaa igu abuurayay walwal badan iyo naxdin, wadnaheygana wuxuu dareemayay cadaadis badan, sidaas darteedna dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inuu sii xoojiyay xanuunkii jirkeyga ku qarsanaa. “Wuxuu badbaadiyay nolosheyda dambe, laakiin hadda coronavirus wuxuu ku dhawaaday inuu i dilo.” In Angela Schlegel ay caafimaaddo waxay dhiirrigalin weyn u noqotay shaqaalaha isbitaalka Ms Schlegel, oo shan isbuuc ku jirtay isbitaalka, waxay howl-wadeennada laanta adeegga caafimaadka ee NHS ku tilmaantay “mid aad u wanaagsan”, maadaama ay ku dadaaleen badbaadinteeda. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ay la kulantay, oo lagu magacaabo Dr Pugan Patel, ayaa BBC-da u sheegay in caafimaadka ay heshay Ms Schlegel uu “saameyn aad u ballaaran” ku yeeshay niyadda shaqaalaha caafimaadka. “Marka aad aragto bukaan lugihiisa ku istaagay oo dhoollacaddeynaya saameyn weyn ayey kugu yeelaneysaa,” ayuu yiri bbcsomali Qaran News
-
Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa soo jeediyay in qaadka lag joojiyo dalka, sidaasi waxa ay u sheegeen shabakada qarannews, oo waraysatay isla markaasina wax ka waydiisay aragtidooda joojinta qaadka. Dad aad u tiro badan oo isugu jira rag iyo dumarba ayaa xukumadda u soo jeedinaaya in aan qaadka la hakin ee gabi ahaanba la joojo, waxana ay sheegeen in mudadii yarayd ee uu maqnaa ibedel dhaqaale oo xaga qoysaska ah la dareemay, dhanka kalana qaar ayaa taageersan in todobaadkii laba cisho uun la ogolaado in uu dalka soo galo. Goobaha ay dadweynahu isugu yimaadaan waxa ayaamahani ugu hadal hayn badan wararka qaadka iyada oo ay dadweynahu aragtiyo badan ka kala bixiyaan Waxana aalhirka la isku raacaa in geedku yahay geed shaydaan oo halis ku ah caafimaadka iyo dhaqaalaha labadaba Qaran News
-
Burburka diyaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo war ka soo saartay diyaarad shalay ku burburtay degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa sheegtay in ay baaritaan deg deg ah ku samayn doonto sababta keentay Shilkaasi. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa faahfaahin looga bixiyay diyaaradda burburtay oo ay lahayd shirkadda African Express, islamarkaana ahayd Embraer 120 oo nooca Xamuulka qaada ah. Qoraalka wasaaradda, ayaa lagu sheegay in diyaaradda burburtay oo ka timid magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ay ku socotay degmada Bardaale oo ay Xamuul u sidday, halkaasna ay ku burburtay 3:30PM ee saacadda Bariga Afrika. Diyaaradda oo ku diiwaan-gashanayd 5Y-AXO, oo ay samaysay Shirkadda Embraer Numberkeeduna yahay 259, waxay duullimaad gashay 27-July 1983, sida ku xusan qoraalka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay in ay baaritaan daah-furan oo deg deg ah ku samayn doonto shilkaas, waxaana ay ballan-qaadday in ay si dhakhso ah u shaacin doonto natiijada baaritaanka. Sidoo kale, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay, ehelada iyo asxaabta dhammaan dadkii ku geeriyooday diyaaradda, inkastoo dowladdu aysan sheegin tirada dadka ku geeriyooday shilkaas. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay degmada Bardaale appeared first on Puntland Post.
-
Bardaale (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii African Airways ee shalay si ula kac ah loo soo riday, iyadoo wararku sheegayaan in lagu soo riday qoriga lidka diyaaradaha xili masaafo 5km ugu harsaneyd inay kusoo degto garoonka Bardaale. Diyaaradda oo nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay lixdii qof ee saarnaa diyaaradda. Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista DF, iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka diyaaraddaha Bardaale, lagana war qabay xiliga duulimaadkaasi uu kusoo wajahnaa garoonka. Garoonka oo saldhig milateri ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa xiligaasi waxaa ka socday dabrid ay ciidanka ku sugnaa xeradaasi sameynayeen, waxaana hawada xiligaasi soo gashay diyaaradda oo soo wargelisay maamulka hawada. Hase ahaatee si shaki la’aan ah qoriga Zuuga ee lidka diyaaraddaha ay ciidamadii Itoobiyaanka ku rideen iyadoo si sharciga DF waafaqsan u duuleysay. Dood ayaa ka taagan sababta ay ciidamadii Itoobiyaanka ee dab ridka sameynayay ay si ku talagal ah usoo ridaan diyaarad si sharciga waafaqsan oo ogolaansho ka haysato DF haddane gargaar siday ay usoo ridaan. Waxaa isweydiinta mudan, yaa qaadanaya eeda iyo mas’uuliyada sababta ay u dhinteen shaqaalihii diyaaraddaasi ku talagalka loo soo eiday, ma Dowladda Itoobiya, mise waxaa dusha u ridan doona AMISOM oo ay ciidamadaasi ka tirsan yihiin mise dowladda federaalka ayaa lagula xisaabtami doonaa maadaama iyado dalka ka taliso, ciidamada Itoobiyana gacan saar aad u fog la leh madaxdeena?.
-
Facebook CEO Mark Zuckerberg likes to sing the praises of his platform as a champion for freedom of expression, but this rings hollow for many journalists in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
'We can't thank Turkey enough' for aid to fight coronavirus, says Somali foreign minister Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, May 4 (Xinhua) -- Somali army confirmed on Monday that its forces killed 10 al-Shabab fighters on Sunday at one of its military bases in southern region. Source: Hiiraan Online
-
Coronavirus could kill, but hunger kills many more people' Source: Hiiraan Online
-
'Coronavirus could kill, but hunger kills many more people' Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta xanuunka Coronavirus waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay 34 kiis oo COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 26 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 8-da kale ay yihiin haween.. Tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee wasaaraddu diiwaan gelisay ayaa gaartay 756 waxaa bogsootay 61 Ruux. 35 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Wasiir Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo khatarta cudurka. PUNTLAND POST The post Tirada dadka qaba COVID-19 ee laga helay Soomaaliya oo gaartay 756 kiis appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr hoobiye ayaa shalay ku soo dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Shibis iyo Cabdulcasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow, Ex Koonis iyo meelo kale oo Shibis ka tirsan. Madaafiicdaas oo aan ilaa hada la xaqiijin khasaare nafeed oo ay geesteen ayaa la sheegay iney sababeen burbur iyo cabsi xoog leh. Ilo wareedyo ku sugan xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in koox dhallinyaro ah oo afka soo duubatay in shalay galab ay dadka xaafdaas dagan ku amreen in ay guryahooda galaan, waxayna kadib halkaas ka tuureen madaafiic. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in muddo ay kooxdaas goobta ku sugnaayeen ka hor inta aysan hoobiyaasha ridin, waxayna awaqti ku dhaw 20 daqiiqo ku bixiyeen in bulshada ay guryahooda ku xareeyaan, si ay qalabkii ay wateen u rakibaan. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan ku soo batay madaafiicda maalin cad lagu garaacayo, waxaana toddobaadkaan laba jeer la duqeeyay Garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane ee Muqdisho.
-
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in 8 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib markii shalay la baara 22 qof oo looga shakiyay cudurkaas. Bukaannada xanuunka laga helay shan kamid ah waa Lab halka saddexda kale ay dumar yihiin waxaana tirada guud ee COVID-19 laga helay gaartay 38 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradda Caafimaadka Puntland. Sidoo kale hal bukaan ayaa markii u horraysay ka bogsaday xanuunka kadib markii baaritaan lagu sameeyay laga waayay cudurka oo horay looga helay waxaase jiray qof u dhintay 21-kii bishii tagtay ee April. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa xalay kormeer sameeyey, isaga oo u kuur galayey bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho. Cumar Filish oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday dhowr degmo, isagoo qiimeynayey xaaladaha amniga, nadaafada iyo bandowga, kaasi oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus. “Waxaan soo marnay dhowr degmo iyo dhowr wado ee degmooyinka gobolka banaadir si aan ugu kuur galno dhaqan galka bandowga looga hortagayo cudurka dalka kusii faafaya ee Covid-19 iyo sidoo kale amniga guud ahaan Magaalada.”ayuu yiri Cumar Filish. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay qaataan awaamiirta dowladda ee uu ugu horreeyo bandowga si loo xakameeyo Covid-19. “Hadii aan qafiifinay Bandowga kama dhigna in la joojiyay bulshada waxaan u sheegeyna in wali xaaladu ay taagantahay loona baahanyahay in laga fijignaado goobaha laysku yimaado iyo isdhaxgalka badan sidaa daraadeed marka kale waxaan ka codsaneynaa inay nala qaataan dadaalada iyo wacyigalinta saameynta Cudurka Covid-19. Magaalada Muqdisho oo uu ku sii faafayo xanuunka ayaa waxaa ka dhaqan galay inta badan amaradii ay soo saartay dowladda, sida goobaha waxbarashada oo la xiray iyo bandowga oo si toos ah uga dhaqangalay caasimada, wixii ka dambeeye 8:00 habeenimo.
-
Moscow (Caasimada Online) – Golaha Arrimaha Caalamiga ee Ruushka ayaa filaya in Dowladaha Ruushka, Turkiga, iyo Iran ay gaaraan heshiis, si ay meesha uga saaraan madaxa rajiimka Siiriya, Bashar Al-Assad, islamarkana ay aasaasaan xabad joojin. Waxay qorsheynayaan in Assad ay ku bedelaan oo ay sameeyaan Dowlad ku meel gaar ah, taasi oo ay ku jiraan mucaradka, xubno rajiimka ka tirsan iyo ciidanka demoqaraadiga ah ee Siiriya ee SDF loo soo gaabiyo. Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya, oo lagu yaqaano in ay ku dhowyihiin go’aan gaareyaasha Dowladda Ruushka, ayaa warbixin ku sheegay in urur Ruushka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mu’asasada Ilaalinta Qiyaamka Qaranka, oo ku xiran hey’adaha amniga iyo Madaxweyne Vladimir Putin ay ra’yi aruurin ka sameynaysay Siiriya. Tani waxay direysaa farriin siyaasaded oo cad, waxayna gudbineysaa in dadka Siiriya aysan dooneyn in Al-Assad uu Madaxweyne sii ahaado. Warbixintu waxay sheegtay, in tan iyo billowgii faro-gelinteedii Siiriya, Moscow ay ka fogaaneysay in ay u muuqato difaacaha Al-Assad. Waxay Warbixintu intaas ku dartay in wadaxaajood lagu soo qaaday in “dadka Siiriya ay go’aanmin doonaan hadii uu talada sii joogayo Al-Assad iyo in kale.” Ruushka aad ayey dhab uga tahay in uu isbadal ka sameeyo Siiriya, ayey sharaxday warbixinta Golaha Arrimaha Caalamiga ah, keliya mahan in uu difaacista Assad ay ku cuslaatay. Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa sharaxday: “Raashiya waxa ay tuhmeeysaa in Al-Assad keliya uusan awoodi waayin in uu wadanka sii hogaamiyo, laakiin sidoo kale hogaanka Siiriya uu Ruushka ku jiidayo wadadii Afghanistan, taas oo aan marnaba suurtagal ka ahayn Ruushka.” Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in Iran, oo la dhibtooneysa cuneqabateynta Maraykanka, aysan dan ka lahayn in gobolka oo dhan uu xasilooni gaaro, sababtoo waxaa ay isu tixgelineysaa in ay aag ugu jirto Washington. Wakaaladdu waxay qortay in Moscow ay diyaar u tahay in Al-Assad ay u adeegsato in ay u isticmaasho wada-xaajood damaanad qaadaya danaheeda. Sida ay baahisay TASS, Al-Assad ma diidi karo dalabka Ruushka, sidas darteed waxaa uu ka dhigay Ruuska in ay maqlaan wixii ay doonayaan maqalkooda, lakiin ugu dambeyntii waxaa dhaqan gelaya dalabka Tehran. Warka waxaa sidoo kale ku jira in ikhtiyaarka labaad uu ubaahan yahay in dhaman ciidanka shisheeye laga saaro iyo mideynta wadanka kadib marka la gaaro isbedelka siyaasadeed, sida ku xusan Qaraarka Qaramadda Midoobay ee lambarkiisu yahay 2254. Turkiga ayaa muddo dheer ku baaqayay in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad taas oo shuruud u ah in uu soo geba-gabeeyo howl-galadiisa Siiriya. Marka la eego arrimahan oo dhan, waxaa muuqata in Russia, Turkey iyo Iran-ba ay dani ugu jirto in meesha laga saaro Assad, taasi oo ah waxa hadda la filayo, sida uu sheegay Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Raashiya.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmiya u bilowday hordhaca wada-hadalo ay ku rabto inay kula baxdo Ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika, ee gudaha Soomaaliya u jooga arrimaha nabad ilaalinta. Wargeyska The Conversation, ee inta badan baahiya faaqidaadaha ayaa arrintaasi ka qoray warbixin uu ku muujinayo jabka dowladda Kenya kasoo gaari kara ciidamadaasi ay kala baxeyso Soomaaliya, iyo sidoo kale guulaha ay kala kulmeyso ciidamada ay dib ugu celinayso dalkeeda. Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay jab weyn la kulmi doonto haddii ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasi oo ay ku lumin doonta awoodeeda ciidan iyo mideeda diblumaasiyadeeda ee bariga qaarada, gaar ahaan mida gobolka Geeska Afrika. Qorshaha bixida ciidamada Kenya ayaa fursad weyn u noqon doona ciidamada Itoobiya ee ay ka wada tirsan yihiin howl-galada midowga Afrika ee nabad ilaalinta, iyada oo la saadalinayo in Itoobiya ay saameyn weyn ku yeelato gudaha Soomaaliya. Xoogeysiga Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ee usii gogol xaadheyso bixida Ciidamada Kenya ayaa horseedi kara awood ay dowladda Farmaajo ay kusii joogeyso talada dalka, isla markaana ay ciidamada Itoobiya u adeegsan doonto mucaaridka iyo warbaahinta kasoo horjeeda siyaasadeeda, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Dhinaca kale, Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay guulo weyn ka gaareen baajinta weerarada qorsheysan, iyaga oo haddana u muuqda in uu gaabis weyn ka jiro hadafkooda koowaad ee nabad sugida, wallow ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah. Ciidamada Kenya ayaa markii 2011-kii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxa ay ku guuleysteen inay lumiyaan awooda Al-Shabaab ee magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyagoona qeyb ka ahaa howl-galkii cuslaa ee gacanta Argagixisada looga saaray magaalada Kismaayo oo hadda ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland. Qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya kala baxdo ciidamadeeda ayaa ku soo aadaya iyada oo ay sii kordheyso naceybka ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan uu sarre u kacayo, isla markaana uu sii xoogeystay xifaaltanka kala dhaxeeya dowlada Itoobiya, oo iyadu saaxiib dhow la ah madaxweynaha talada dalka haya. Sidoo kale waxa uu qorshahaasi ku soo aadaya xili ay dowladda Kenya wajaheyso weeraro uga imaada Al-Shabaab, iyada oo wargeyskuna ku sheegay in ka bixida Soomaaliya ay bad-baado u noqoneyso nolosha bulshadeeda iyo kheyraadka dalka Kenya. Waxaana la filayaa inag dalka gebi ahaanba ka baxaan Ciidamada Kenya sanadka soo socda ee 2021-ka, hadeysan waxba iska badalin qorshaha ay ciidamadooda ugala baxayaan Soomaaliya.
-
Boorama (Caasimada Online) – Masjidka Huda oo kamid ah Masaajidyada magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa xalay si rasmiya looga joojiyey ku tukashada salaada Taraawiixda. Culimada masjidkaasi gacanta ku haysa maamulkiisa ayaa sheegay inay markii ay ka tashadeen xaalada taagan, ay go’aansadeen in Masjidka laga xidho salaada Taraawixdo oo aan lagu tukan. Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafayo bulshada badan. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masjidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masjidka, balse laga joojiyo un salaada Taraawiixda. Go’aankaasi ayaa ku soo aadaya xili uu cudurka Coronavirus uu ku faafay deegaano ka tirsan Somaliland, iyada oo qofkii u horeeyay ee cudurkaasina ugu geeriyooday magaalada Boorama. Masjidka Huda ee magaalada Boorama ayaa noqonaya masjidkii u horeeyay ee gudaha Somaliland laga joojiyo ku tukashada salaada Taraawiixda, xili uu hore u fashilmay qorshe ay xukuumada Muuse Biixi ku dooneysay inay ku joojiso in salaadaha lagu tukado masaajidyada.
-
Innaalilaahi wa-inaa Ileyhi Raajucuun, ma dhinte waa Illaahey, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday rug cadaa Saxaafadeed, qoraa hal abuure, macallin saxaafadeed, Aweys Xasan Xuseen (Aweys Shiino). Wuxuu ahaa qoraa iyo saxafi rasmi ah waagii hore iyo waqti xaadirkaanba, waxaan u maleynayaa inuu dalka ku yar yahay qof isagoo kale ah ama doorkiisa ciyaari karo. Wuxuu ahaa aqoonyahan iyo indheergarad buuxiyay qiyaamka iyo heybadda xirfaddiisa oo weliba u sii dheer yihiin muhiibada aqoonta guud iyo midda gaar ahaaneed ee hab qoraalka. Asluub, anshax iyo xadaarad, waxay ugu dhammeystirnaayeen hab dhaqankiisa guud, xiriiradiisa ijtimaaciga ah iyo weliba dhammaan noloshiisa oo idil. Aweys Shiino allaha u naxariistee afartan sano hadeysan ka badneyn qalinkiisa wuxuu ahaa mid dhibcanayay, kana soo shaqeeyay wargeyskii Xiddigta Oktobar ee Dowladdii Kacaanka oo qoraaladiisa lagu daabaici jiray, sheekooyinkiisana bulshada aad u jeclaayeen, iyo wargeysyadii burburka kadib. Isagoo ka dhowrsanaa in qalinkiisa dhibaato dhaliya ama la oran karay inuu wax ku dhiso mooyee aanu jecleyn in loo soo raad raacdo qormo uu sameeyay. Waxaan ku xasuustaa nasiibna u yeeshay inuu ahaa saaxiib mar lasoo shaqeeyay aabahey Muxiyaddiin Cali oo ka wada tirsanaayeen Wargeyskii Xiddigta Oktobar, markii uu aabo geeroyoodayna isla wargeyska Xiddigta Oktobar iskala soo shaqeeyeen ninkii reerka noogu weynaa Maxamed Muxiyaddiin, marna aanu aheyn saaxiib, talooyinka iyo hoga-tusaaleynta anshaxa suxufinimo ka qaadan jiray intii aan ka shaqeynayay saxaafadda gaar ahaan wargeyska xiddigta Panorama oo qoraaladiisa inta badan ku daabici jirnay. Aweys Shiino waxaan ku tilmaami karaa inuu ahaa shaqsi diinta jecel, heer magaal xadaarad fog, nabadda jecl, afgaabnaa, una hiiliya dadka codkooda la maqal. Dhab ahaantii waa la hubaa qof kasta oo yaqiin Aweys Shiino inay taabanayso ama ka marugoonaayo geeradiisa. Alle ha ku maneysto naxariis iyo jannadii Fardowsa. Qoyskii, qaraabadii, saaxiibadii iyo intii taqiin samir iyo iimaan Allaha weyn haka siiyo. Ali Muhiyaddiin Muxiyaddiin@hotmail.com
-
Waa qodob dastuuriya qof walba oo innaga mid ahina uu xaq u leeyahay doorashada mas’uulka ku matalaya heer Degmo mid Gobol mid Maamul goboleed midka Dowladda Dhexe uga noqonaya Xildhibaan ilaa heer Madaxweyne. Muwaadin waxaa la jogaa waqtigii aad Dooran lahayd midka sida habboon ee hagar la’aanta ah kugu adeegi lahaay kuguna shaqeyn lahaay Habeen iyo maaalin. Muwaadin lama joogo waqtigii inta lacag qof lagu doorto aadan barito xaq ugu lahayn inaad la xisaabtantid ama uu kugu adeegi lahaay. Baahiyaha Asaasiga waa Nabadgelyo, Garsoor, Caafimaad waxbarasho Biyo wado iyo badqabka Muwaadinka intuba waxay mas’uuliyadeedu saaran tahay madaxda heerarka kala duwan aan kor kusoo xusnay. Muwaadin lama joogo waqtigii kaaba qabiilka iyo in yar ay kuu go’aamin jireen aayaaha siyaasadda Degaanka ama reerkaba waxaa la joogaa waqtiga ugu habboona aad adigu Dooran lahayd Mid si dhaba kuu matala kana go’antahay inuu hagar la’aan kugu adeego. Dooro Adeege kuu adeega ha dooran mid dantiisa u adeegta. U halgan madax bannaanida codkaaga iyo doorashada mid u qalma xilgudashada deegaankaaga. Abdullahi Mahdi – Waa guddoomiyaha Madasha Kulmiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Inta la hubo afar qof ayaa ku dhintay diyaarad lagu soo diray degmada Bardaale ee gobolka Bay. Diyaarada oo sida la sheegay siday shixnad gargaaar ah ayaa gantaal haleelay galinkii dambe ee Isniintii inta aysan soo gacadhigan garoonka diyaarada Bardaale, dhamaan dadkii saarnaa ayaana ku geeriyooday. Diyaarada oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Africa Express Airline ayaa markii hore ka soo kacday magaalada Muqdisho, waxayna ku soo hakatay garoonka diyaarada Baydhabo, ka hor inta aysan u duulin Bardaale oo ay ku burburtay. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya soo riditaanka diyaarada iyo tirada dadkii saarnaa, waxaana Wasiirka Gaadiidka Dhul iyo Cirka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eeley oo hadlay sheegay in baaritaan lagu wado dhacdadan. PUNTLAND POST The post Diyaarad lagu soo riday degmo ka tirsan Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
