-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The coronavirus pandemic and falling oil prices have yanked the rug out from under Crown Prince Mohammed bin Salman’s development plans and curbed government largess. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabay qorshe aysan ku qanacsaneyn Villa Somalia, taas oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya. Xaaashi iyo Mursal, oo muuqda kuwa gudanaya waajibka saaran islamarkaana doonaya iney ka dhowrsadaan eedo u imaan kara haddii ay dib u dhacdo doorashada Soomaaliya, ayaa billaabay iney muujiyaan mas’uuliyada baarlamaanka ee doorashada Soomaaliya iyo doorka weyn oo ay leeyihiin. Labada guddoomiye ayaa billaabay in nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta ay kala tashtaan Xisbiyada mucaaradka, halka dhawaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda dowlad gobaleedyada dalk,a sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana kadib la filayaa in baarlamaanka go’aan ku soo saaro hanaanka doorasho ee Soomaaliya. Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay guddoomiyaasha ka dalbadeen in baarlamaanka ka fikiro sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Soomaaliya taasina ay diideen labada Guddoomiye iyagoo cadeeyay in doorashada waqtigeeda ku qabsoomi doonto. Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha ayaa qaba damac muddo kordhin ah iyagoo sabab kaga dhigaya xaaladda Covid-19 iyo arimo kale inkastoo aysan wali banaanka usoo bixin rabitaankaas balse waxaa diidan mucaaradka iyo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadkaan 2020.
-
Libya's Presidential Council member termed UAE as an "aggressor" Source: Hiiraan Online
-
This month, Kenyan authorities locked down the Somali-majority Nairobi neighborhood of Eastleigh because of a jump in confirmed coronavirus infections. The restriction of movement was imposed to slow the spread of the virus. But businesses in Eastleigh are struggling to get by, as Mohammed Yusuf reports from Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa billaabi doonta 20-ka May inay aqbasho bukaanada ka imanaya Soomaaliya iyo 30 dal oo kale, taasi oo qeyb ka ah dadaallada dib loogu furayo dhaqaalaha dalka, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda ayaa sheegtay inay dejisay shuruudo amni oo gaar ah iyo xeerar go’doomin si ajaaniibta loo siiyo Visa looguna ogolaado inay dalka soo galaan, kadibna loo dhigo isbitaallo ay ku helaan daweyn. Tallaabooyinkan ayaa saameyn doona bukaanada iyo dadka wehliya, sida ay sheegtay wasaaradda. Shuruudaha laga rabo qofka Soomaaliga ah, ama dadka dalalka kale waa; in bukaan kasta loo ogol yahay inay soo raacaan ugu badnaan laba qof, iyo in bukaanka iyo dadka la socda ay maraan tijaabada cudurka COVID-19, marka ay soo galayaan xuduudda Haddii qofka dalkiisa laga heli karo tijaabada COVID-19 waa inuu soo maraa 48 saac ka hor inta uusan usoo safrin Turkiga, islamarkaana uu dalka Turkiga la yimaadaa warqad caddeyneysa in cudurka laga waayey. Kaliya dadka aan cudurka qabin ayaa loo ogolaan doonaa inay galaan Turkey. Marka bukaanka iyo dadka la socda Turkiga ay soo galaan dalka, waxaa si toos ah loogu qaadi doonaa isbitaalka ay ballanta ka leeyihiin, mana loo ogolaan doono meel kale oo dalka ah. 31-ka dal ee Visa-ha la siinayo dadkooda ayaa kala ah: Somalia, Iraq, Libya, Azerbaijan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhstan, Greece, Ukraine, Russia, Djibouti, Algeria, Kosovo, Macedonia, Albania, Bosnia and Herzegovina, Romania, Serbia, Bulgaria, Moldova, Kuwait, Qatar, Bahrain, Oman, Germany, the UK, the Netherlands, Pakistan, Kyrgyzstan, iyo Turkish Republic of Northern Cyprus. Turkiga ayaa sanadihii tegay noqday mid ka mid ah dalalka ugu badan ee dalxiisa caafimaad loo tago, waxaana sanaddii 2018 tegay hal milyan oo qof.
-
Qatar oo gargaar caafimaad oo looga hortagayo covid19 ku wareejisay Soomaaliya Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii shalay Muqdisho ka dajisay deeq gargaar caafimaad oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19). Bayaan kasoo baxay Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) oo loosoo wakiishay gargaarkaan caafimaad, ayaa wuxuu sheegay in 10 tan oo qalab caafimaad iyo agabyo kale, sida maaskaro iyo qalab loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka, ay diyaarad milatari ka dajisay Muqdisho. Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (QFFD) Khalifa bin Jassim Al-Kuwari ayaa carabka ku adkeeyay in Qatar ay markasta garab istaagi doonto dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed xilligan adag iyadoo la siinayo kaalmooyin bini’aadanimo iyo in lagu taageero mashaariic horumarineed. Wuxuu xusay in sanduuqa horumarinta Qatar oo lasoo gaabiyo QFFD uu bixiyay gargaar bina-aadamnimo oo deg deg ah intii lagu jiray fatahaadii Soomaaliya ee dabayaaqadii sanadkii hore, oo ay weheliso kaalmo lacageed iyo mid caafimaad oo loogu tala galay dhibanayaashii qaraxii dhowaan ka dhacay Muqdisho, iyadoo kuwii dhaawacmay loo qaaday Doha. Sanduuqa Horumarinta Qadar (QFFD) wuxuu sidoo kale sheegay inuu Soomaaliya ka fulinayo mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwa ugu muhiimsanna waa mashruuca Wadada isku xidhta Muqdisho iyo Jowhar oo ku kacaysa $ 165 milyan. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Guddiga Agaasimayaasha Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 137.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya, si ay uga jawaabto ugana soo kabato dhowr dhibaato oo dalka ka socda. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, waxaa dhibaatooyinkaas ka mid ah abaar sanado badan jirtay, Ayax soo habsaday oo halis ku ah cunnadii, iyo cudurka COVID-19 oo ugu darsamay. Lacagta uu ansixiyey Bankiga Adduunka ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay. Waxa uu sidoo kale xoojin doonaa nidaamyada dowladeed iyo awoodda ay ugu diyaar garoobi karaan musiibooyinka. “Xasarado soo noq-noqday oo sii kordhahaya islamarkaana burbur leh ayaa is-hortaagaya fursadaha ay Soomaaliya uga bixi karto jilicsanaanta iyo saboolnimada,” waxa sidaas yiri agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Felipe Jaramillo. Mashruucan ayaa waxaa si deg deg ah uga faa’iideysan doona 1.7 milyan oo Soomaali ah, gaar ahaa kuwa ugu baylahan bulshada oo qaarkood heli doona lacag kaash ah, sida uu sheegay Jaramillo. 20 milyan oo lacagta ka mid ah ayaa waxaa lagu maal-gelin doonaan dadaallada ay Soomaaliya kaga jawaabeyso cudurka COVID-19. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa sheegay in mashruuca uu ka taageeri doono hoggaanka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijinayaan soo kabasho xooggan oo la joogteyn karo oo looga baxo dhowr xasarad oo kala duwan.
-
Arrin cusub oo kusoo korodhay khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda dadaallo xal loogu raadinayo khilaaf xoog leh oo ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayuu khilaafkoodu banaanka u soo baxay kadib markii xaafiiska Madaxweyne Deni 14-kii bishan ay kasoo baxday dikreeto uu ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni. Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota. Dhinacyada ku howlan xal u helidda khilaafka Deni iyo Karaash weli u ma suurta gelin sida aan xogta ku heleyno inay isisoo hor fariisiyaan, balse waxa ay sheegeen in midba mar ay kula xariireen teleefoon, si ay ugu qanciyaan waan waanta socota. Xubnaha isugu jira siyaasiyiinta iyo isimada ee ku howlan dhameynta khilaafkaas waxa ay sheegeen in Puntland aysan maanta xamili karin khilaaf miisaanka intaa dhan leh, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland ay safka hore uga jirto gobollada dalka ee faraha ba’an ay ku hayaan cudurka Coronavirus iyo Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira xaalado ba’niaadanimo oo ka dhashay daadad ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana weli gurmad u baahan dadkii ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkan Guga, iyadoo meelaha qaar laga cabsi qabo inay ku dhuftaan daadad hor leh. Inta badan siyaasiyiinta reer Puntland ayaa qaba in iyadoo la fiirinayo caqabadahaas aysan Puntland xamili karin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah hoggaankii ugu sareeyay maamulka, waxayna ku dadaalayaan dhameynta khilaafkaas. Qaran News
-
Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah. Booliiska gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa baadi goob ugu jira laba ka mid ah ciyaaryahanada kubada cagta Mareykanka ee loo yaqaan NFL kuwaasi oo lagu eedeeyey inay dad ay dhac ugu geysteen guri uu ka socotay xaflad. Deandre Baker oo ka tirsan kooxda New York Giants iyo Quinton Dunbar oo isna u ciyaara kooxda Seattle Seahawks ayaa la sheegay inay dhac hubaysan u geysteen dad marti ah. Wararka ayaa sheegaya in lacag gaaraysa $ 12, 000 oo caddaan ah iyo saacado qiimahoodu gaarayo £ 25,000 dadkaasi laga qaatay. Labada nin midkood ayaanay Booliisku xirin. Haweenay Booliiska u hadashay ayaa sheegtay in masuuliyiintu ay xiriir la sameeyeen madaxda xiriirka cayaaraha NFL iyo qareenka mid ka mid ah ciyaartoyda. “Dhab ahaantii waxaa jira dadaal ku aadan in ay iyagu isa soo dhiibaan” ayay tiri Tania Rues oo u hadashay Booliiska Miramar , xilii ay u waramaysay wargeyska New York Times. Sida laga soo xigtay Booliiska waxaa la soo saarar amar xarig. Dhacdada ayaa dhacday ka gadaal markii uu muran ka dilaacay xaflad guri ka socotay, halkaasi oo martidu ku ciyaaraysay turub iyo ciyaaraha kumbuyutarada. Baker ayaa lagu eedeeyey in uu buntuq la soo baxay, ka dibna isaga, Dunbar iyo nin kale oo wajiga maasakaro guduuddan ku soo xirtay ay bilaabeen in ay dadkii ka urursadaan lacag iyo waxyaabo qaali ah. Ninka wajiga ku soo qarsaday maskaraha guduudan ayaan wali la aqoonsan. Baker ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu dalbaday in la toogto qof marqaati ahaa, laakiin ninka wajiga maaskaraha guduudan ku xirtay ma aanu sameyn sidaa. (1/2) A warrant to arrest has been issued for Deandre Baker, of the @Giants (four counts of Armed Robbery with a Firearm and four counts of Aggravated Assault with a Firearm.) Quinton Dunbar of the @Seahawks also has a warrant to arrest for four counts of Armed Robbery with a pic.twitter.com/vDDWMjYDaO — Miramar Police (@MiramarPD) May 14, 2020 Saddex nin ayaa ku baxsaday gawaari, kala ah Mercedes Benz, Lamborghini iyo BMW. Oobiga Booliiska ayaa qof marqaati ah uu ku xusay ” In sida muuqataa ay taasi aheyd wax qorsheysan”, maadaama saddexda nin ay ku baxsadeen gawaari, maadaama saddexda gaari ee lagu cararay “goor dambe loo diyaariyey si ay uga goobtaan deg deg uga dhaqaaqi karaan”. Baker, oo 22 sano jir, ayaa wajahaya 8 dacwo guud ahaan kuwaasi oo kala ah afar burcadnimo hubaysan. Dunbar oo 27 sano jir ah ayaa isaguna lagu soo oogay afar dacwo oo burcadnimo hubaysan ah. Xiriirka cayaaaraha kubada cagta Mareykanka ee NFL ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhacdada laakiin wax hadal ah kama dhiiban. Warsaxaafadeed ay soo saartay kooxda New York Giants ayaa lagu xusay in ay xiriir la sameeyeen Deandre Baker isla markaana aanay wax macluumaad ah ka bixineyn. Kooxda Seattle Seahawks ayaa iyaguna sheegay inay ka warqabaan xaaladda isla markaana ay isku dayayaan inay xog ururiyaan, iyagoo wixii su’aalo ku weeciyey baarayaasha NFL Qareenka Dunbar, ayaa sheegay in shan qof oo marqaatiyaal ah ay ku dhaarteen in macmiilkiisu aanu ku lug laheyn boobka. Qareen Michael Grieco ayaa u sheegay wargeyska Miami Herald in macluumaadka Jimcihii loo gudbiyey dambi baarayaasha, laakiin ay dalbadeen in Dumbar uu isa soo dhiibo. Mr Greico ma sheegin in Dunbar uu qorsheynayo in isku soo dhiibayo masuuliyiinta iyo in kale, sida wargeysku soo wariyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii tegay aad usoo xoogeysanayey warar sheegaya in wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle. Wararkan oo markii hore kasoo billowday baraha bulshada, ayaa xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre waxay noo sheegeen inuu jiro rabitaan sidaas ah, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer. Muddo xileedka madaxweynaha HirShabeelle ayaa ku eg bisha September, waxaana la filayaa in lasoo dhiso maamul cusub. Ducaale ayaa waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ka mid yahay wasiiro faro ku tiris ah oo sidii xilkan loogu dhiibay markii lasoo magacaabay golihii wasiirada ee ugu horreeyey aan la beddelin, inkasta oo shaqadiisa aad loo dhaliilay. Kheyre ayaa intii uu xafiiska joogay waxa uu ku dadaalay dhismaha dowlad gobaleedyada iyo fulinta aragtida madaxweynaha, balse waxaa hadda jirta in Kheyre aysan isku fiicneyn labadii dowlad gobaleed ee uu juhdiga geliyay ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo ku dhow madaxtooyada. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Kheyre ay fursad u noqon karto sidii uu u maareyn lahaa HirShabeellada uu ku han weyn-yahay haddii Ducaale oo ay isku dhowyihiin uu madaxweyne ka dhigo, maadaama Waare ay kala dhaxeyso wada-shaqeyn kaliya ee aanay xulufo ahayn. Si kastaba, ma cadda sida qorshahan uu ku hir-geli karo, waxaana suurta-gal ah inay dhaliso xiisad maadaama beesha hadda kursiga madaxweynaha ku fadhisa laga yaabo in haddii ay waayaan ay dhinac kale kasoo jeestaan, waxaana dadka qaar ay rumeysan yihiin in xilligan aysan dowladda diyaar u ahayn khilaaf horleh.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay Al-Shabaab laba jeer ay qaraxyo ku xireen kaamirooyinka wax duuba ee lagu xiray wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa dowladda Soomaaliya waxay u sameysay ciidan gaar ah oo ilaaliyo kaamirooyinkaas oo amaanka qeyb weyn ka qaatay. Ciidankaan oo ah dhallinyaro aan laheyn wax lagu aqoonsado ayaa ilaaliyo Kaamirooyinka waxaana aad u adag in la ag fariisto, la ag istaago, gaari la ag dhigto ama nawaaxigeeda ay noqoto meel lagu sheekeesto. Dhowr qof oo ku nool Muqdisho ayaa la kulmay iyagoo ag jooga Kaamirooyinka dhallinyaro daqiiqado kadib u yimid oo amraya iney ka fogaadaan goobta. Dhalinyaradaas waxay wataan dhar caadi ah, waxaana la sheegay in halkii kaamiraba ay habeen iyo maalin ilaaliyaan 2 ilaa 3 askari. Arrintaan ayaa sababtay in bilooyinkii la soo dhaafay xal loo helay qaraxyadii lagu xiri jiray Kaamirooyinka oo dhowr jeer waxyeeleeyey qalabkaas oo muhiim u ah ammaanka Muqdisho, sida ay sheeeen mas’uuliyiinta amniga. Qubarada amniga ayaa soo dhaweeyay Kaamirooyinka iyo ciidanka loo sameeyay, kuwaas oo wax weyn ka beddalay ammaanka Muqdisho, waxayse mas’uuliyiinta amniga ugu baaqeen in la furo ama la durjiyo goobaha ay ka kala xiran tahay magaalada oo dhib badan ay ku qabaan shacabka Muqdisho. Muddo ku dhaw hal sano ayey kala xiran tahay magaalada Muqdisho, waxayna arrintaas sababtay in hoos u dhaco dhaqaalihii dalka sida ay qabaan ganacsatada magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa la sheegay in amniga ku fiicnaaday waddooyinka xiran ee Muqdisho.
-
Qeybtii labaad Sida caadadu tahay, shirarka dib-u-heshiisin kasta waxaa lama huraan ah in, darafyada heshiiska la dhex dhigayo ka sokow, goobjoog ka ahaadaan culumaaudiinka, hase yeeshee ayaandarro shirkaas dib-u-heshiineed culumadii ka qaybgashay mid kasta wuxuu ku biiray beesha uu ka tirsan yahay intii uu ku adkaysan lahaa inuu uga qaybgalo ka culumo ahaan kana madax bannaan darafyada la heshiisiinayo. Waxaan shaki ku jirin in goobtaas doorka culumaa u- diinka ay fursad qaali ah ku seegay, taasoo ilaa maanta ku sifoobay kuwo aan ka tarjumayn doorka ku habboon inay ka qaataan bulshada dhexdeeda.Waxaa iga xusuus ah in dawladihii iyo hay’adihii hormuudka u ahaa shirkii dib-u-heshiisiinta, iyagoo ka baxsan in Somaalidu si gaar ah xushmeeyaan diintooda iyo culumadooda, waxay u arkeen halis weyn oo ka horimaan kara hadafkooda, waxayn ku adkaysteen in shirka lagu heshiisiinayo beelaha Somaaliyeed ee aan meesha laysku haysan khilaaf diineed, loona baahnayn culumaa-u-diin. Intii ay ku adkaysan lahaayeen inay shirkaas uga qayb galaan iyagoo matalaya Culumaa-u-diinka ayey ka door bideen in mid kasta uu ku dabafaylo qabiilkiisa. Su’aasha imaanaysa ayaa mar kasta ah: Culumaa-u-diinku waxay siyaabo iyo dano badan ugu milman yihiin siyaasadda Somaaliya, sababata ay waqtigaas u oggolaadeen in la ihaaneeyo oo la heeb sooco? Dunida oo dhan, Culumaa-u-diinku ma laha qabiil midab iyo toona. Shan iyo tobankii u dambeeyey, waxaan fursad u helay inaan ka qaybgalo dhowr aqoon is weydaarsi lagu qabtay Yurub sona diyaariyeen dawlado iyo hay’ado daneeya arrimaha Somaaliya. Inkastoo anigu fursado qaali iigu muuqdeen, haddana waxaan weligay iloobayn saddex su’aaladood oo siyaasiyiin iyo khubaro shirarkaas ka qaybgalay oo runtii igu noqday “laf dhuun gashay”, kuwaasoo ahaa: b – Shirarka Dibu-heshiisiinta faraha badan oo loo qabanayo Somaaliya waxaa ka so qaybgala qaybaha kala duwan ee Somaalida oo dhan. Yaa la heshiisiinayaa, maxaysa ku dagaashan yihiin? Ma qabaa’ilka Somaalida oo dhan ayaa dagaashan? t – Somaaliya waxay qaadatay nidaamka “Federalism”. Waxaan ogsoon nahay in Somaalidu ku caan tahay shacab wadaaga jinsi, luqad, diin iyo dhaqan keliya, waa maxay falsafadda ka dambaysa go’aankaas? J – Somaaliya waxaa lagu tilmaamaa in dadkeedu 100% muslimiin Sunni yihiin. Waa maxay sababta Culumaa-u.diinku door wax-ku-ool ah uga qaadan la’ yihiin dadaallada la xiriira dib-u-heshiisiinta Somaalida? Haddaba, waxaan hubaa in su’aalooyinka kor ku xusan ay aad u adag yihiin in laga bixiyo jawaab waafi ah la garowsan kara ama lagu qanci karo. RAMADAAN KARIIM La soco qaybaha soo socda, Insha Allah. Ahmed Karate – Waxaad kala xiriir kartaa e-mail: amm.karate@gmail.com, Twitter: @AhmedKarate5 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland Parliament will resume sessions during Covid-19 emergency to settle the dispute between Puntland President and Vice President over a slew of appointments including a commander of Presidential Guards. A note posted on the Parliament’s Facebook page about the 46th session to resume in June “The 46th session will resume on 15th of June 2029” reads a note published on the Puntland Parliament’s Facebook page. “If the President and Vice President of Puntland do not put their heads together to end the misunderstanding over the appointments challenged by the Vice President on grounds of lack of consultations, Puntland Parliament will debate it” an analyst in Bosaso told Puntland Post. Mohamed Ahmed, a member of Puntland Parliament, has expressed a personal view on how Puntland Parliament will settle any disputes over appointments by the Presidency. A vote of confidence for Ahmed Karaash may be in the pipeline If the last power struggle between the former Puntland Parliamentary Speaker and Puntland President is any guide, a vote of Confidence for the Vice President may be in the cards. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND PARLIAMENT WILL RESUME SESSIONS TO RESOLVE CONSTITUTIONAL CRISIS appeared first on Puntland Post.
-
Malayshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la soo sheegaya in ay weerar ka fuliyeen gobolka Wajeer ee waqooyi bari waddanka Kenya. Dableeyda ayaa weerar xooggan ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Gorof Xarar ee gobolka Wajeer halkaas oo ay ka gaysteen khasaare kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in malayshiyaadkoodu ay qabsadeen laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Kenya islamarkaana ay gubeen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Kenya ee SAFARICOM. Sidoo kale warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa soo werisay in weerarkaasi dhacay balse faahfaahin dheeriya kama bixin khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka fulisay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay Guddoomiyay Shirka guddiga qaran ee ka hortagga covid19, kaas oo habeen walba la qabto. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dadaalada loogu jiro ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo warbixino kala duwan looga dhageystay Guddiga Qaran ee Cudurka. Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dibedda ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Guddiga qaran ee ka hortega Cudurka COVID-19 faray inay sii wadadaan dadaalkood ku aadan sidii looga guuleysan lahaa Cudurka oo kiisas farabadan laga helay dalka. 1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo celinaysa Soomaalida ku xanniban dalalka dibadda appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (PP News Desk) The Attorney General of Federal Government of Somalia Suleyman Mohammed Mohamud today briefed the media about an investigation into allegations of corruption at the Federal Ministry of Health. “The investigation has so far uncovered evidence of misappropriation and false invoices” said the Attorney General. “The corruption has spread to other Federal Ministries, involves departmental directors and private companies. Twenty people have been arrested as a result of ongoing investigations in conjunction with the Office of the Auditor General.” Suleyman Mohammed Mohamud: Days of impunity are over The Attorney General assured the public that the investigation is being carried out in line with legal procedures and that any loss of liberty by people under investigation complies with due process. “We have frozen and investigated bank accounts into which money from undue dealings at the heart of the investigation was deposited” said the Attorney General. © Puntland Post, 2020 The post SOMALI ATTORNEY-GENERAL’S OFFICE INVESTIGATES CORRUPTION AT THE HEALTH MINISTRY appeared first on Puntland Post.
-
Mudisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay heshiis gaareen hoggaankii is-bedel doonka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe waxaa laba garab u kala jabay golihii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland oo si wadajir ay u hoggaamin jireen Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo xubno kale. Caydaruus Axmed waxa uu ka mid yahay garabka isbedel doonka Jubbaland ee kasoo hor jeestay heshiiskii ka dhacay magaalaad Nairobi ee u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo ragii hoggaanimayey golaha isbedel doonka. Caydaruus oo jooga gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in meel gaba-gabo ah uu u marayo qorshe ay maamul cusub ugu dhisayaan gobolka Gedo, oo haatan ay maamusho dowladda federaalka. “Qaar kamid ah isbedel doonka Jubaland, waxaad maqasheen Axmed Madoobe ayey heshiis la qaateen, wax cad oo hadda ay ku heshiiyeena nalooma soo bandhihin, maamulka gobolka Gedo waxa ay ku dhawaaqeen in la dhisayo jubaland loo dhanyahay, oo gogol nabadeed ay fidinayaan, taas ayaana wax ku leenahay” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan isbedel doonka Jubbaland. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Isbedel doonkeena waxan qabnaa in aan ka qeyb galno gogoshaas nabadeed, ee la dhigay gobolka Gedo, hadii Axmed Madoobe uusan ka tanaasulin mowqifkiisana Jubbaland meesha ugu weyn awelba waxay aheyd gobolka Gedo iyo Bu’aale oo hada wax ka yar 20 KM loo jiro shacabkuna way tashanayaan, hadii Axmed noqday qab-qable xoog ku heysta dadka.” Agoosto 2019-kii markii dib loo doortay markiisii seddaxaad madaxweyne Axmed Madoobe waxaa aas aasmay gole isbedel doon oo ay kala hoggaaminayeen Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah golaha shacabka iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar, kuwaas oo midba dhankiisa madaxweyne u sheeganayey, balse sheeda kore ayey iska ilaashanayeen, iyagoo ka mideysnaa diidmada qorshaha siyaasadeed ee Axmed Madoobe. Hase yeeshee 16-kii bishii Abriil ee sanadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa heshiis dhaqan galay ku kala saxiixday madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaanka xubnihii kasoo hor jeeday ee isbedel doonka, oo kala ahaa Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Sheekh Daahir, kadib bilo wadahadal uu uga socday Nairobi, waxaana la aaminsanyahay in heshiiskaas ay gar wadeen ka aheyd dowladda Kenya. Intaas kadib waxaa heshiiskaas ku gacan seyray qaar kamid ah siyaasiyiintii xubnaha ka aheyd golahii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland, kuwaas oo hadda u muuqday in abaabulkooda ka dhan ah diidmada maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ay u weeciyeen gobolka Gedo oo ka baxay gacanta Jubbaland, isla markaana ay si buuxda uga arimiso dowladda federaalka. Halkan ka dhageyso codka Caydaruus Axmed xubin ka tirsan isbedel doonka Jubaland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/cod-hodan-golha-is-bdel-doonka-jubland.mp3
-
Caddaanka Afrika Joogaa waa wada Dhakhtar ! Asalaamu Calaykum Dabayaaqadii Sannadkii 1992 kii mar aan ka shaqayn jiray Idaacada Radio Hargeysa iyo Wargeys la odhan jiray Baraarug ayaa waxaa maqaal uu Xaashi-bayaad ah ku soo qoray noo keenay nin aanan imika magaciisa xasuusan oo aqoon aad u sarraysa u lahaa arrimaha Caafimaadka iyo waxayaabaha cudurrada keena iyo kuwa aan keenin, maqaalkaas oo uu iga codsaday inaanu Joornaalka ugu qorno isla markaasna aan idaacada u gudbiyo ayaa cinwaanka maqaalku waxa uu ahaa “caddaanka Afrika joogaa waa wada dhakhtar”. Xiligaas Dalka waxaa ka jirtay xaallad aad u qallafsan, waxaana badi dadka magaalada Hargeysa ku nooli ay ka cabi jireen ceelal yarar oo laga dhex qoday Dooxa weyn ee Hargeysa oo Dameeraha lagu soo dhaamin jiray, dadka qaarkoodna waxa ay biyaha kusoo xambaaran jireen jirikaano ay kala yimaadeen Xeryihii Qaxootiyada ee Dulcad iyo Darroor ay ka midka ahaayeen ee loo qaxay xiligii dagaalada 1988, booyaduhuna way yarayeen, biyo qasabadeedna may jirin. Hadaba xiligaas waxaa jiray Foostooyin waaweyn oo ay ku jireen Suntii Ayaxa oo yaallay Xerada Ayaxa ee Magaalada Hargeysa oo ku taallay dhinaca Galbeed ee Xaafada Isha Boorama, foostooyinkii ayaa inta suntii laga daadiyay la gurtay, suntiina dooxa ayay soo raacday oo daadka ayaa soo qaaday oo Dooxa ku daray. Hay’ado tiro yaraa oo waagaas Dalka ku sugnaa ayaa bilaabay inay dadweynaha reer Hargeysa ku wacyi geliyaan inaanay Biyaha Dooxa cabin, maadaama Suntii Ayaxa ee la daadiyay ay Ceelasha geli karto oo ay Caafimaadka dadka wax yeelli karto. Nasiib darro meel kale oo ay Ummadu ka cabtaaba may jiran ee dooxa ayuunbaa loo aroori jiray, waxaana arrintaasi ay walaac ku abuurtay dadweynihii oo aan haysan meel kale oo ay Biyo u doontaan, sida hore aynu usoo sheegnayna duruufta uu Dalku ku jirayna waxay ahayd mid qadhaadh, waxaana xiligaasi uu ahaa xilli laga soo guurayay Xeryihii Qaxootiyada, qof kastaana gurigiisii oo dumay ayuu Teendho iyo waab yar ka ag dhistay. Hadaba Ninkan Khabiirka ahaa oo ahaa Muwaadin Aqoonyahan ah laakiin ay ka muuqatay duruufta iyo dacdarrada dalka ka jirtay, ayaa maqaalkiisa si waafi ah oo ay aqooni ku dheehan tahay ugu faahfaahiyay inaanay suntaasi ahayn mid cidna wax yeellaysa oo ay mawjadii u horreysay ee daadku ay dhufatay, sidaas darteedna ay dadku shakiga iska saaraan oo ay biyaha dooxa ka cabbaan. Waxa kale oo ninkaasi uu sheegay in Qof kasta oo Cad aanay dadku dhakhtar moodin oo aanay taladiisa raacin. Dadweynihii sidoodii hore ayay Dooxa uga cabbayeen iyaga oo aanay Suntiina waxba yeellin. Waxa arrintan isoo xasuusiyay Sheekada ninkii dhawaan durayay Mishiinada lagu baadho COVID-19. Waxaan qoraalkan ku soo gebogabaynayaa inaan idhaahdo; Qof Kasta oo CILAAJ ama COOSHAD yar meel ka furtaaba DHAKHTAR MAAHA ! Aad uga taxadira, Wasaaradiina Caafimaadkana ku Kalsoonaada oo la Shaqeeya. Waad Mahadsan tihiin Amb Kaysar Maxamed Qaran News
-
Turkey will accept patients from 31 countries as of May 20 as it loosens coronavirus restrictions, according to the country’s Health Ministry. Source: Hiiraan Online
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-__-Qubanha-Wararka-16052020.mp3 View the full article
-
Qoraalkaan waxaan ku eegeynaa habka go’aan qaadashada marka ay jiraan marxalado adag , waxaana tusaale u soo qaadaneynyaa labo dhacdo ama go’aano uu madaxweyne John F. kennedy qaatay, go’aanada uu qaatay ayaa midna uu ku fashilmay midna uu ku guuleystay, labadaan dhacdo ama xaladood ayaa kala ah: Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
