-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacantay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi-Bile ah oo marayey inta u dhexeya isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Digfeer, degmada Hodan ee gobolkaan Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in wax khasaare ah uusan soo gaarin ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay, basle ay ku waxyeeloobeen kaliya labada qof ee shacabka ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay caasimada. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray, inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.
-
China’s Ambassador to Israel, Du Wei, has died in his apartment in a Tel Aviv suburb, Israeli police and media say. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmaadaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga oo ka tirsan magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday muddo ku dhow hal saac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkan, balse lama oga inta uu la’egyahay. Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shegay inay ka hortageen weerarka uga yimid dagaalyahanada Al-Shabaab. Goobihii lagu diriray ayaa saaka degan, iyadoona ay dib u gurteen raggii weerarka qaaday, waxaana socda howlgallo cusub halkaasi ka bilaabay ciidamada dowladda. Inta badan waxaa Afgooye weerar joogta ah ku soo qaada dagaalyanada Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaaladaasi, waxaana khasare uu ka soo gaaray dadka rayidka ah.
-
Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas dhowr ah oo la xiriira caabuqa sida ad dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 16 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 8 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 8 qof. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 103 kiis. Guud ahaan dalka waxaa xanuunkaan laga helay 1,357 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In dhulka Isaaqa lagu deegaameeyo Ogaadeenka, ayaa ahayd ujeeddada qudha ee uu Afweyne ka lahaa dagaalkii 1977-kii. Si looga dhabeeyo ujeeddadaas, Afweyne wuxuu u kala qaybiyay afar marxaladood: in la qaado dagaal raad-gadasho, in Isaaqa la nacsiiyo dhulkiisa, in la soo allifo taariikh gacan-ku-rimis ah, iyo in ugu dambayn si toos ah loo tirtiro wixii soo hadha ee Isaaq ah. Tallaabo kasta iyada oo caddaymaheega wadata ayaan halkan ku soo bandhigayaa. Heshiiska Caalamiga ah ee Montevideo Convention ee la kala sexeexday 1933-kii, waxa lagu xusay afarta qodob ee aanu dalna la’aantood dal noqon karin. Qodobka koowaad waa in uu dalku lahaado dhul cayiman (xuduud). Soomaaliya, sannadkii 1960-kii ayay heshiiskaas sexeexday, waa isla kolkii ay xubinta ka noqotay ururka Qaramada Midoobay. Sannadkii 1964-kii shirkii uu ururka Midowga Afrika ku qabsaday dalka Masar, waxa la isla qaatay in xuduudihii gumeysiga aan waxba laga beddalin oo sidoodii loo daayo, caalamkuna uu sidaas ku aqoonsado. Dabcan, cid kasta oo heshiisyadaas caalamiga ah ku xad-gudubtaa waxay ku xadgubaysay xeerarka Caalamiga ah, falcelin caalami ahna waa ay kala kulmaysay xadgudubkaas. Afweyne waa uu ka war qabay isla kolka uu weerar ku qaado xuduudaha Itoobiya inuu burinayo heshiisyada caalamiga ah, caalamku ka hor iman doono, waxaana uu sii ogaa inuu dhicisoobi doono dagaal kasta oo xadgudub ku ah xuduudahaas caalamiga ah. Weydiinta ayaa ah, sababta loo galay dagaal la og yahay in lagu guuldarraysan doono? Marnaba suuragal ma ay ahayn in Ogaadeenka si toos ah loo soo raro, ka dibna si toos ah loo dajiyo dhulka Isaaqa. Si taas macquul ay u noqoto, Afweyne wuxuu qaaday dagaalkii 1977-kii si loo helo qoxoonti Ogaadeen ah, oo dabcan ahayd qiilka qudha ee dhulka Isaaqa lagu dajin karayay dadkaas. Sida ku qoran warbixinta ay 1990-kii diyaarisay Hay’adda Caalamiga ah ee Human Rights Watch, tirada qoxoontiga ee soo qaxay waxay ahayd 400,000 oo qof (inkasta oo uu Afweyne sheegay inay 800,000 ahaayeen oo dabcan uu dhaqaale ku doonayay), waxaana la dajiyay 11 xero oo dhammaantood ku yaallay dhulka Isaaqa, kolka laga reebo xero qudha oo looga dhisay tuulada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waa la fahmi karayay sababta dhulka Isaaqa dhammaantood loo dajiyay oo waxa uu ahaa dhulkii la bartilmaameedsanayay. Isla kolkii la gaadhay ujeeddadii dagaalka ee ahayd helitaanka qoxoontiga, Afweyne wuxuu si badheedh ah dhabar-jabin ugu sameeyay ciidamadii dalka ee la dagaallamayay Itoobiya. Tusaale ahaan, sida ay idaacadda BBC-du ku sheegtay laanteeda afka Soomaaliga, barnaamijkii “Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida”, Bishii Maarij 2, 1978-kii dagaalka oo socoda ayaa tuulada Garbacase,oo Jigjiga ku dhaw lagu toogtay 84-kii askari ee ugu firfircoonaa dagaalkaas. Sida ku qoran warbixinta Human Rights Watch, isla maalmahaas waxa Hargeysa lagu toogtay 50 sarkaal oo idilkood ahaa saraakiishii qaybta ka ahayd dagaalkii Itoobiya. Isla barnaamijkaas BBC-du wuxuu xusay in xukuumaddii Afweyne ay si khaldan uga soo jawaabi jirtay dalabaadka ciidanka. Tusaale ahaan, haddii ay codsadaan gantaalaha lidka taangiyada, waxa loo keeni jiray bariis. Haddii ay codsadaan rasaas, waxaa loo keeni jiray timir. Si fursad loo siiyo cidda ka soo horjeedda illaa iyo ugu dambayntii la gaadhsiiyay in laga gooyo saadkii oo dhan sida hubkii, raashinkii, dawooyinkii iwm. Jabinta aan gabbashada lahayn ee uu Afweyne ku sameeyay ciidankii dalku ma ay ahayn in aragtidiisii dagaalku isbeddashay, waxay se ahayd inuu gaadhay ujeeddadii uu dagaalka ka lahaa oo ahayd in la helo qoxoonti Ogaadeen ah. Walaalaha Ogaadeenka oo loo arkayay dad dhulkoogii ay amxaaro ka soo bara-kicisay, Isaaqu waxay u soo dhaweeyeen si la mid ah sidii ay Ansaartii Madiini u soo dhawaysay qoxoontigii Muhaajiriinta ee Maka ka yimid. Guuldarradu se waxay ahayd in wanaaggaas ay ka sayidcalaysay abtirsigii xidhiidhinayay Afweyne iyo qoxoontigaas. Sida ku qoran bogga 83aad ee warbixintii sannadlaha ahayd ee Hay’adda Amnesty International ay soo saartay gu’gii 1988-kii, waxay ku sheegtay in heshiis dhex maray Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle Maryam. Heshiiskaas waxa la isku weydaarsaday maxaabiis labada dhinac ah oo lagu kala qabtay dagaalkii 1977-kii. Waxyaalaha kale ee heshiiskaas lagu kala sexeexday waxa ka mid ahayd in Siyaad Barre loo soo gacan-geliyo xubnaha jabhadda SNM, halka uu Siyaad Barrena ka tanaasulay sheegashadii dhulka Soomaali-Galbeed. Haddiiba ujeeddada uu Siyaad Barre u galay dagaalkaas ay ahayd inuu xoreeyo dhul Soomaaliyeed, marna miyuu ka tanaasuli lahaa sheegashadiisa? Dabcan dagaalkaas looma qaadin si loo xoreeyo dhul Soomaaliyeed, waxa se loo qaaday si loo bara-kiciyo dad Soomaaliyeed ka dibna loogu deegaameeyo dhul kale oo Soomaaliyeed. La soco wajiga labaad ee deegaamaynta…. Tixraac: Amnesty Internatinal, 1989 annual report, page 83 – 86 Human Rights Watch, a government at war with its own people, page 27 – 42 BBC Soomaali, Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
-
https://youtu.be/g58MULlG4Bc– Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa ku waramaya in goor dhow qeybo ka mid ah degmadaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Digfeer gaar ahaan agagaarka qabuuraha masjidka Cabdirashiis Sharma’ke ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaas ku socdaalayay. Wararka aan sidoo kale qaraxa ka helayno ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso mana jirto faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga helay. Wariyeyaasha Goobjoog News oo tagay qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo sheegayaan inay jiraan dhaawacyo la gaarsiisay isbitaallada kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxan. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dilaaga COVID 19 iyo Dabaaldegga Ciidda (WQ: Mustafe Maxamed Khayre) 28kii September 1918, magaalada Philadelphia ee ku taalla Maraykanka waxa ku soo fool lahaa dabaaldeg muhiim ah oo loo yaqaan Socdaalka Xorriyadda, kaas oo qaadhaan loogu ururinayey ciidamadii Maraykanka ee ka qaybgalayey dagaalkii 1aad ee dunida. Wakhtigaas waxa dunida faro ba’an ku hayey hargabka Isbaanishka oo galaaftay nolosha ku dhawaad 50 milyan oo qof. Sida ay taariikhyahannadu weriyeen, maamulkii Philadelphia iyo dadkii magaalada ku noolaa si kasta waa loogu caqli celiyey. Waxa laga baryay in ay dabaaldegga baajiyaan maadaama xanuunku ku fidayo isku imaatinka iyo isku milanka bulshada, waase la kari waayey. Baaq kasta oo loo diray dhagaha ayay ka furaysteen. Dabaaldeggii si qurux badan buu u qabsoomay. Waxa ka qaybqaatay 200,000 oo qof oo kor u lulaya calanka Maraykanka iyo astaanta Philadelphia. Durbaannada, sacabka, heesaha, gaardiska, wax kasta oo maalintaa lagu weynayn karayey waa la sameeyey. Si kasta waa loo damaashaaday. Warbaahintuna waxay markiiba u aqoonsatay maalin ka mid ah maalmihii ugu mudnaa Philadelphia. Maxaa ka dambeeyey? Muddo lix toddobaad gudahood ah waxa magaalada ka dhintay 12,000 oo qof, waxaana xanuunka u soo dhacay 47,000 oo ruux sida ay weriyeen CNN iyo Washington Post. Bukaankii sariiro qaada ayaa loo waayey, maydadkii xabaalo lagu aaso iyo cid aasta ayaa loo waayey, shaqaalihii caafimaadku gacmaha iyo maskaxdaba way ka daaleen. Dadka intii hadhay waxay noqdeen wax nafta la baxsada iyo wax is go’doomiya. Magaaladii waxay noqotay gelgelin cidlo ah. Waxa kaliya oo la maqlayey dhawaqa ambalaaska iyo baroorta kuwa geeriyeysan. Khalkhal iyo jahawareer aan hore loo arag ayaa dhacay. Dadkii wakhtigaa noolaa waxay xaaladda ku sheegeen mid murugo badan oo aan ku fiicnayn in la xasuusto. Dhanka kale, magaalada St. Louis oo iyaduna dabaaldeggaa isku diyaarinaysay markii ay xaqiiqsatay halistii jirtay way baajisay xuskii. Sidaana waxay kaga badbaaday masiibadii jirtay intii ugu badnayd. Waxa xanuunka kaga dhintay 700 oo qof oo kali ah. Casharka dhacdadan laga baranayaa wuu inoo cad yahay. Haddii ururka iyo isku imaatinka bulshada la xakamayn waayo xanuunkana lama xakamayn karayo oo xawaare degdeg ah ayuu xadhkaha ku goosanayaa. Maxaa innala gudboon? Ciid-Al-Fitri waa munaasibad dunida Islaamka aad ugu weyn. Waa maalin ka mid ah kuwa innoogu farxadda badan. Damaashaadkeeda iyo raynraynteedu waa kuwo aan la hurri karin. Hase ahaatee durruufta maanta jirtaa innooma suurogalinayso in aynu u dhaqano sidii aynu u dhaqmi jirnay. Belaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh. Waa in badbaadinta ummadda wax kasta laga horaysiiyaa sida ay diinteenuna ina farayso. Haddii sidii caadiga ahayd loo ciido, waa sida ay u badan tahaye, waxay inoo horseedi kartaa masiibo la mid ah halaaggii ku dhacday Philadelphia 100 sanno ka hor. Ilaahay kama yeelo. Waa tallaabo fiican in Madaxweynaha Somaliland uu baajiyey xuska 18ka May iyo 26ka June. Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu in uu joojiyey taraawiixda iyo tahjudka tobanka dambe ee Ramadaan iyaduna waa tallaabo waxtar leh. Hase ahaatee intaasi kuma filna xakamaynta COVID 19. Waxa loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo degdeg ah. Werwerka ugu badan wuxu hadda ka taagan yahay dabaaldegga ciidda foodda innagu soo haysa. Xukuumadda iyo Guddida Ka-hortagga COVID 19 waa in ay dedaal geliyaan sidii ay u yarayn lahaayeen saxmadda iyadoo suuqyada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba la ciirciirayaan dadkii iibsanayay dharka iyo agabka kale ee ay ku muujiyaan farxadda ciidda. Haddii tallaabooyin fulineed la qaadi kari waayo waxa loo baahan yahay in wacyigelinta aad loo xoojiyo. Maalinta cidda waxa lagama maarmaan ah in salaaddii aynu jamaca ku tukan jirnay oo sunne ah la joojiyo, dadkana la faro in ay guryahooda ku tukadaan. Waa in heeganka ugu sarreeya la geliyo ciidamada fulinta isla markaana la xidho maqaaxiyaha, garoonnada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto, goobaha lagu caweeyo iyo meel kasta oo horseedi karta isu-imaatin bulsho. Danteenu waxay ku jirtaa in farxadda ciidda aynu guryaha dhexdooda ugu dabaaldegno. Nasiib wanaag tiknoolajiga casriga ah ayaa inoo suurogalinaya in ehelkeena iyo inta aynu jecel nahay aynu si sahlan ula ciidno, ula xidhiidhno, ulana faraxno. Baraha bulshada ayaynu sawirrada iyo farrimaha hambalyada isku weydaarsan karnaa. Barnaamijyada telefishannada iyo idaacaduhu soo daayaan ayaynu guryaha kala socon karnaa. Dadka inta aynu ugu jecel nahay oo qoyskeena ah ayaynu wakhtiga ugu badan la qaadan karnaa. Annagu qoys ahaan guriga ayaanu ku ciidaynaa insha’allaah. Adigana sidaasaan kugula talin lahaa! Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Antonio Guterres ayaa sheegay in ciidanka ay dowladda Soomaaliya bishii Febraayo ay geysay gobolka Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xiisado dagaal oo ho leh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray labada ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen. “Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas oo sababay khasaaraha iyo barakaca dad shacab ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa kale oo uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland inay joojiyaan xiisada ka jira koonfurta Soomaaliya, si looga hortago rabshade kale oo dhaca. Guterres ayaa sidoo kale la filayaa in mowqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee gobolka Gedo uu ku cadeeyo khudbad uu ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee QM. Ugu damgbeyn xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiyadii dhowaan laga gaaray khilaafaadyadii ka dhashay doorashooyinkii ka kal dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ee maamullada Jubbaland iyo Galmudug.
-
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka shirtay qorshe la doonayo in lagu soo celiyo muwaadiniinta ku xayiran caalamka ee uu go’doonka galshay xanuunka Coronavirus oo adduunka saameyn adag ku yeeshay. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa guddoomiyey shirkan oo uu la yeeshay guddiga ka hortagga COVID-19,waxaana looga ahdlay qoodbo dhowr ah. Waxyaabaha Shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka dibadiisa ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus. Shirkaan ayay Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 habeen walba ku yeeshaan habka muqaalka ah (vedio Conference) waxaana intabadan layskaga xogwareystaa waxybaaha kusoo kordhay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurkaan karoona iyo sidoo loo xakameyn lahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaana ugu dambeyay Guddiga kula dardaarmay dardar gelinta howlaha ay bulshada u hayaan kana Shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku xiyiran dalka loogu soo celin lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Doha: Qatar, represented by the Qatar Fund for Development (QFFD), in cooperation with the Amiri Air Force fleet today, sent a shipment of urgent medical aid to the sisterly Federal Republic of Somalia, within the framework of supporting the efforts of brethren in Somalia to confront and contain the outbreak of the corona (Covid-19) pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe ( Caasimada Online) – Guddoonka golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyey in kallfadhiga 46-aad ee golahaasi uu furmi doono 15-ka bisha soo socota ee June, iyadoo lagu wargeliyey dhammaan xubnaha baarlamaanka. Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntkand, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sidoo kale xalay xildhibaannada la wadaagay ajandayaasha ugu waa weyn ee kallfadhiga 46-aad, kuwaas oo ay ku jiraan qodobo la mid ah kuwii uu xilka ku waayey guddoomiyihii ka horreeyey ee Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo ay is-qabteen Madaxweyne Siciid Deni. Ajandayaasha la soo bandhigay oo ay Caasimada Online aragtay ayaa waxaa ka mid ah 1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay Xukuumadda Puntland, 2: la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, 3: dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah, 4: Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanad siinta Golaha Wakiilada iyo 5: Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga Puntland. Dhamaan qodobada la soo bandhigay oo ah kuwa culus, gaar ahaan soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay xukuumadda Puntland iyo la xisaabtanka xukuumadda ayaa farta si aad ah loogu fiiqay, maadaama ay Deni horay isugu qabteen Doobo-Daareed, kadibna dagaal siyaasadeed meesha looga saaray guddoomiyihii golaha wakiilada Puntland. Dadka ordosa arrimaha Puntland ayaa sheegaya in tani ay qeyb ka tahay shaqada baarlamaanka, islamarkaana ay muhiim tahay in la xoojiyo la xisaabtanka xukuumadda. Puntland oo ah maamulkiii ugu horreeyey ee ka aas-aasmay Soomaaliya ayaa waxaa mudooyinkii dambe soo baxayey khilaafyo u dhexeeya madaxda maamulkaasi oo kii ugu dambeeyey laga soo wariyey Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.
-
The coronavirus will ravage a resilient Somalia—with ripples far beyond its borders. Source: Hiiraan Online
-
Warar saacadihii u dambeeyay soo baxay, ayaa sheegay in ay fashil ku dhammaatay waan-waantii laga dhex waday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo sida la sheegayo saacadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixiyay xallinta khilaafkaas, ayaa ugu dambeyntii ku guul-darraystay dhex-dhexaadintii labada mas’uul. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa Puntland post u xaqiijiyay, in Deni iyo Axmed Karaash mid kasta uu ku adkaysanayo mowqifkiisi hore, islamarkaana aan dhinacna tanaasul iyo isu’ soo dhawaansho muujin, sidaasi darteedna uu ku fashilmay dadaalkii Guddoomiyaha Baarlamanka. Khilaafkan cusub ayaa bilowday 14-kii bishan May-2020 kadib markii Madaxweyne Deni magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan. Mudane Axmed Karaash, ayaa sheeegay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu amar ku siiyay Taliye ku xigeenkii Madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista, balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. PUNTLAND POST The post Waan-waan laga dhex waday Deni iyo Axmed Karaash oo fashil ku dhammaatay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (PP News) — The Somaliland Committee for the Prevention of Covid-19 issued yesterday a statement to end the moratorium on khat imports from Ethiopia. Somaliland Vice President, Sayli’i, is the Chairan of the Committee for Covid-19 Prevention The committee published guidelines that khat sellers will comply with. From today (Sunday ) Khat sellers will have to abide by the following strict procedures to be able to sell khat in Somaliland: Two-metre space between two persons selling khat. Khat sellers must wear a face mask. They must keep hand sanitasers handy. Khat sellers must have fever detection devices to check the temperatures of the staff before business starts. Buyers should observe two-metre space social distancing rule. Khat chewers must not meet at majlises (khat chewing sessions). Violators will face consequences ranging from a fine to a loss of khat retail licenses. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND LIFTS MORATORIUM ON KHAT IMPORTS appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal ka soo baxay howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa looga hadlay dagaal jimcihii Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Juubada hoose halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka nabad sugidda Jubbaland iyo kuwa AMISOM. AMISOM waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay inay iska caabiyeen weerarkii Al shabaab ay ku soo qaadeen iyaga oo intaas ku daray inay halkaasi ku dileen xubno ka tirsan Al shabaab sidoo kalane ay hub ku furteen dagaalkaasi. Ilaa iyo saddex dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ayaa lagu dilay dagaalka halka kuwa kalane ay ku dhaawacmeen sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta islamarkaana loo yaqaan AMISOM. “Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM. Dhanka kale war saxaafadeedka dagaalkaasi ay ka soo saartay AMISOM ayaa waxa ay ku sheegtay inay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidanka amaanka Jubbaland waxaana madaxa howlgalka AMISOM uu Kenya ku booriyay sida ay uga qeybqaateen weerarkii jimcihii lagu qaaday saldhigga Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose. Al shabaab wali kama aysan hadlin in dagaalamayaal iyaga ka tirsan lagu dilay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose, balse waxaa xusid mudan inay weeraro gaadmo u badan ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Beledweyne, Maxamed Cabdi Qalaafow oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in gargaarka loogu talagalay fatahaada webiga Shabelle ay gacanta ugu jirto shaqsiyaad gaar ah oo ganacsato ah, sida uu hadalka u dhigay. Qalaafow ayaa sheegay in $400 oo kun oo horay Somaliland ay ugu deeqday reer Beledweyne ay gacanta ugu jirta mid ka mid ah ganacsatada, welina aan la bixin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga gaabiyey ka hortagga fataahadda markale uu webiga Shabelle ka sameeyey dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1-sakariye-.mp3 w View the full article
-
Degmooyinka Howlwadaag iyo Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo ka soo kala baxay group-yada A & B, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxaa guusha la hoyatay degmada Howlwadaag ee G/Banaadir. Dayniile oo laga adkaaday ayaa la timid 8 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiitada ku dhawaaqay, Xasan-Weli Sheekh Abuubakar. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan Hodan iyo Warta Nabadda, waxaana degmada guuleysata ay u gudbi doontaa wareega sama-finalka ee tartanka Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Guddiga agaasimayaasha Bangiga Adduunka iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ayaa ansixiyay $ 137.5 milyan oo gacan ka siinaya Soomaaliya sidii ay uga jawaabi lahayd ugana soo kaban lahayd dhibaatooyinka badan, kuwa ka jira xilligaan Somaaliya. War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Iyada oo ay soo noqnoqonayaan fatahaadaha iyo abaarta sanado iyo ayaxa kaas oo halis galinaya sugnaanta cunno, iyo sidoo kale masiibada COVID-19,Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag iyo xaalad caafimaad oo guud oo degdeg ah, labaatan sano oo colaado hubaysan ah, kuwaas oo dhammaantood saameyn xun ku yeeshay nolosha iyo hab-nololeedka dadka Soomaaliyeed, 70% ka mid ah ayaa liita. Mashruuca Jawaab celinta Dhibaatada Soomaaliya (SCRP) wuxuu siin doonaa taageero deg deg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday iyadoo lagu taageerayo dib u soo kabashada habnololeedkii iyo kaabayaashii fatahaadaha iyo aagagga ay abaartu saameysey sidoo kale waxay sii xoojin doontaa nidaamyada Dowladda iyo awoodda loogu diyaar garoobo masiibada. Dhibaatooyinka sii kordhaya ee sida joogtada ah u dhaca dalka ayaa wiiqaya fursadaha Soomaaliya ee ah inay ka baxdo saboolnimada. Xitaa iyada oo ay ka soo kabaneyso abaarta, Soomaaliya waxa ay wajahaysaa saddex waxyaabood oo kala ah ayax, fatahaad, iyo Cudurka COVID-19, ”ayuu yiri Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo. “Waxaa mahad leh dib-u-habeynta Dowladda ay ku sameysay maaliyadda guud, Soomaaliya waxay hadda fursad uheleysaa helitaanka lacag , oo ay kujirto mid looga jawaabayo Qalalaasaha. lacagtaan Bangiga Adduunka uu u ogolaaday Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 1.7 milyan oo Soomaali ah – gaar ahaan kuwa ugu nugul bulshada, beeraleyda, Dadka barakacay, bulshooyinka reer miyiga iyo bulshooyinka martigeliyey ee saameeyeen ayax iyo fatahaadda. Mashruucu wuxuu bixin doonaa adeegyo aasaasi ah iyo taageero maciishadeed oo ay ka mid yihiin: 1: sameynta qorshe lacag-shaqo-loogu abuurayo qoysaska dhibaatoyinka u nugul. 2: ka ilaalinta dadka ku nool dhulka cidlada ah waxyaabah halista ah oo uu kamid yahay Ayaxa, iyada oo la fulinayo hawlgallo lagu buufinayo hawada. 3: Soo celinta iyo ilaalinta awoodda beeralayda wax soo saarka beeraha; iyo kor u qaadida nadaafadda qoyska iyo hababka daaweynta. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aad u soo dhaweeyay talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay weerareen Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, ka dagaal markii dagaalyahno ka tirsan Al-Shabaab ay weerarka la bartilmaameedsadeen Koontarool ku yaalla halka loo yaqaano Mukayga ee magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo baaritaano ah ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga hadlay, islamarkaana faah faahin looga bixiyey dagaal Jimcihii ka dhacay deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Qoraalka AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Bilis Qooqani ay joojiyeen weerarkaasi, islamaraana ay khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab. AMISOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegatay in dagaalkaasi ay dishay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena ay nolosha ku qabatay. Sidoo kale waxay shaacisay in qoryo AK47 ah iyo rasaas fara badan ay ka furtay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay. “Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka ayaa lagu yiri”Warka Midowga Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM. Ugu dambeyn taliska guud ee howlgalka AMISOM ayaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalkooda ku amaanay sida ay uga hortageen weerarkaasi oo uu talisku sheegay inay ku dhaawacmeen oo kaliya labo askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-170520.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
