Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WAR-SAXAAFADEED: 28/05/2020 Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Go’aamo Adag Ka Soo Saaray Hay’addaha Ka Hawl-gala Gudaha Dalka Fadhigii 59aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Seylici) waxa ay warbiximo kaga dhagaysteen Guddida ka hortagga iyo la dagaallanka xanuunka COVID-19, guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn guddida nabadaynta shaqaaqadii dhexmartay dadka walaalaha ah ee deggan deegaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag, ayaa xusay in ay meel wanaagsan u marayso nabadayntii beelaha walaalaha ah, ayna dhawaan soo afjari doonaan, dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida COVID-19, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay ka guddi ahaan isagoo xusay in shaqadii loo igmaday ay meel fiican u marayso ayna qabteen hawlo badan oo muhiim ah. Waxaanu xusay Madaxweyne ku xigeenka inay go’aansadeen inay dadka danyarta ah ee reer Somaliland ay taakuleeyaan, isagoo sheegay in toddobaadka soo socda ay raashin gaadhsiin doonaan qoysas gaadhaya 40,000 oo qoys. Dhinaciisa wasiirka horumarinta caafimaadka ayaa ka warbixiyey in ay dedaal badan ka muujiyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen xakamaynta xanuunka COVID-19, waxana uu sheegay in ay gobollada dalka ku diyaariyeen goobihii lagula tacaali lahaa dadka uu xanuunkaasi soo rito, geesta kale wasiirku waxa uu sheegay inay gaadhsiiyeen Cusbitaallada dalka agabka hortagga xanuunka COVID-19 oo ku filan muddo 3 bilood ah, sidoo kalena xarumaha caafimaadka degmooyinka dalka ay u qaybin doonaan agabka loo isticmaalayo ka hortagag xanuunka COVID-19. Waxaanu wasiirku golaha wasiirada ka codsaday inay ka qayb qaataan sidii loo wajihi lahaa la dagaallanka xanuunka COVID-19, sidoo kale waxa uu xusay inay muhiim tahay in shacabka Somaliland ay qaataan talooyinka lagaga hortago xanuunkan. Sidoo kale, wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa golaha uga warbixiyey in Somaliland ay ka socdaan mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxana uu tilmaamay inay jiraan hay’ado dalka si dhuumaalaysiya isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku lammaan yahay magaca Soomaaliya, taasoo xad gudub ku ah qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay go’amiyeen. • In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. • Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Jamhuuriyadda Somaliland. • Dhamman Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan. • Golaha Wasiiradu waxa uu go’aamiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn. Ugu danbeyn waxa Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya degaamada Somaliland. Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  2. Suspected Al-Shabaab gunmen have shot and killed a prominent tribal elder in Mogadishu on Thursday shortly a car bomb exploded near the presidential palace, killing a police officer. An eyewitness said two men armed with pistols have attacked the elder identified as Hussein Mohamed at Suuq Ba’ad village, shooting him dead on the spot. The late elder was a former electoral delegate who participated in the selection of the MPs of the current Somali parliament. No group has yet claimed responsibility for his murder. Al-Shabaab has in the past targeted elders who voted for the lawmakers in Mogadishu and elsewhere in the country for the past 3 years. View the full article
  3. Jawiil (Caasimada Online) – Iska hor-imaad ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Gaal ee gobolka Hiiraan kadib markii is-hortaag lagu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo kusii jeeday degmada Jawiil. Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii dad ka careysan safarka madaxweynaha ee degmada Jawiil, oo ay soo abaabuleen odayaal ku beel ah madaxweynaha, ay banaanbax rabshado watay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gaal. Waxaa kadib halkaas ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhex-maray ilaalada madaxweyne Waare iyo maleeshiyaad qeyb ka ahaa banaanbaxa, kuwaas oo diidanaa in Waare uu ka gudbo deegaankaas oo uu gaaro degmada Jawiil. Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay in hal qof uu ku geeriyooday iska hor-imaadka islamarkaana mid kale uu ku dhaawacmay. Dhibanayaasha ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dibad-baxayaasha. Madaxweyne Waare ayaa degmada Jawiil u tagi lahaa inuu xariga kasoo jaro mashaariic halkaas lagu filinayo oo lagu horumarinayo degmada, taasi oo odayaasha banaanbaxa soo abaabulay ay kasoo horjeedaan. Ma cadda sababta ay odayaasha Ceel-Gaal ku diidan yihiin horumarinta degmada Jawiil, balse wararka ayaa sheegaya inay salka ku hayso arrimo qabiil. Waxaa degmada Jawiil hadda ku sugan guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka HirShabelle Canab Axmed Ciise oo madaxweynaha kusoo dhoweyn lahayd. Weli deegaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad, waxaana ku sugan wafdiga madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano.
  4. At least two people including a senior police officer were killed and another one wounded after a bomb fitted to a vehicle exploded near presidential palace in Mogadishu’s Hamarweyne district. According to police reports, the bomb was planted to the vehicle of the senior police officer before it got detonated killing him and another officer instantly. The officer has been identified as Abdishakur Hussein Abdi famously known as Jabiri. Police officials said a third person sustained serious wounds and was rushed to a nearby hospital for medical treatment. Security forces immediately reached at the scene, cordoned off the place and carried out an investigation but no one is apprehended in connection with the attack. The attack comes days after a senior police officer Ali Hirsi Barise (Gaab), the head of health department of the Somali police forces survived an assassination attempt after a roadside bomb targeted his vehicle in Mogadishu’s Waberi district. Al Shabaab claimed the responsibility for Thursday’s explosion saying the group targeted the senior police officer who died on the spot. Al-Qaeda affiliated al-Shabaab has fought to establish an Islamic state in Somalia since 2006. The militants were largely routed from Mogadishu in 2011 by the African Union’s Mission in Somalia (AMISOM) but they still control significant rural areas. The group claimed responsibility for a massive car bomb in Mogadishu in late December that killed at least 90 people, the worst attack in the capital since 2017. Earlier that month, the militant stormed a hotel in Mogadishu frequented by government officials killing over ten people. In January, Shabaab fighters staged a brazen raid that penetrated the perimeter of Kenya’s airbase at Manda bay, Killing 4 people including one US military member. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010.
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Aqoonyahan u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in laga yaabo in qoyska suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi ay u cafiyeen kuwii dilka geystay “cadaadis iyo cagajugleyn” uga yimid xukuumadda Riyadh darteed. Abdullah Alaoudh, oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown, ayaa maqaal uu ku qoray Washington Post waxaa uu ku sheegay in qoyska Jamaal Khashoggi oo sheegay in ay cafiyeen kuwii dilka geystay aysan waxaba uga duwaneyn qoys walba ee reer Sucuudi ah oo cadaadis iyo cagajugleyn kala kulma Dowladda. Isagoo tilmaamay kiisas la mid ah kii ku dhacay Khashoggi ayaa aqoonyahanka reer Sucuudi waxaa uu yiri “waxaan goob joog u nahay kiisas aan horay loo arag oo qoysaska laheysteyaal loo isticmaalayo si loo cabsigeliyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda iyo qoraayaasha dibadda jooga.” Alaoudh waxaa uu hadalkan sheegay kadib markii Salah Khashoggi oo uu dhalay wariyihii la dilay uu jimcihii bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu cafiyay dadkii aabihiis dilay. Gabadhii u doonaneyd Khashoggi, Hatice Cengiz ayaa diiday go’aanka ay qoyska wariyuhu ku sheegeen in ay cafiyeen dilaayaashii, waxayna sheegtay in aysan cidna xaq u lahayn in ay dambiileyaasha cafiso. Waxay sheegtay in Khashoggi uu “noqday astaan caalami ah oo ka weyn qof kasta ee naga mid ah, lana jecel yahay.” Khashoggi oo wax ku qori jiray Washington Post islamarkaana cambaareyn jiray Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa la dilay meydkiisana la jarjaray kadib markii lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul, 2-dii October 2018. Qaar ka mid ah Dowladaha reer galbeedka iyo hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa baaristooda kusoo geba-gabeeyay in Maxamed bin Salmaan uu amray dilka wariyaha. Iyadoo 31 qof lagu eedeeyay dilka, keliya 11 ka mid ah ayaa lagu maxkamadeeyay meel qarsoon oo ku taalla Riyadh. Maxkamad ayaa shan ka mid ah ku xukuntay dil toogasho ah saddex kalena xabsi, saddexna dambi ku weysay.
  6. (SLT-Hargeysa)-Xaaladda Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama ayay dadku cabasho ka muujinayaan kaasi oo la sheegay in dadka looga shakiyo cudurka Covid19 la geeyo iyada oo uu sidii hore dadka kalena loogu adeegayo halka ay dhammaanba labadii Ambalaas ee Cisbitaalkaasi lahaa ay fadhiyaan oo aanay shaqaynayn taasi oo uu qaylo dhaan ka diray Agaasimaha Cisbitaalkaasi oo shacabka reer Boorama ugu baaqay in ay isku tashadaan oo soo iibsadaan Ambalaas iyo wixii kale ee ay qabsan karaan ee loogu adeegayo. Wariye Hoorri Axmed Hoorri oo ka tirsan Telefishanka HCTV oo shalay booqday Cisbitaalka guud ee Magaalada Boorama ayaa Agaasimaha guud ee Cisbitaalkaasi waxa uu waydiiyay sida ay isku qabanayaan in Cisbitaalku la tacaalo xaaladda Covid19 iyo xaaladdii bukaanada caadiga ah ee kale waxaanu Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Guud ee Boorama yidhi: “Goobtan aan taaganahay waa goob lagu shaandheeyo bukaannada Covid19. Goobtani ma aha xaruntii cudurka Covid 19. Xarunta loogu tala galay cudurkaasi waa cisbitaalka TB-da ee la gayn doono dadka laga helo cudurkaasi. Bukaanka loo maleeyo in uu xanuunka Covid19 qabo ayaa halkan la keenayaa. Haddii loo arko in uu xanuunkaasi qabo ama looga shakiyo waxa la jiifinayaa qaybtan halkan aan joogno ee Cisbitaalka Guud. Haddii loo arko in uu isla ladan yahay oo iska fiican yahayna isaga oo aan cid kaleba arkin ayuu albaabka ka noqonayaa”. Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Guud. Dhinaca kale Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Boorama ayaa qaylo dhaan ka soo jeediyay Ambalaasyadii Cisbitaalkaasi oo laba ahaa kuwaasi oo gabi ahaanba fadhiya oo aan shaqaynayn wakhtigan waxaanu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi: “Cisbitaalka Boorama waxa uu hore u lahaan jiray laba Ambalaas. Mid hore ayuu nooga fadhiyay kii kalena dhawaan ayuu naga fadhiistay. Isla markiiba wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaraddaba waanu war galinay iyaguna dadaal bay ka galeen. Ka la is yidhi waa mustaqbal wanaagsan yahay oo waa lagu shaqayn karaa ayaa la jiiday kiibaa la soo hagaajinayaa in la helo Ambalaasyo ayaa muhiim ah oo dadweynuhu isku tashadaan xukuumaddu wixii ay karayso way noo samaynaysaaye. Shacabku waa in ay raadiyaan wixii ay ku baahi beeli lahaayeen. Taasaan ku talinayaa”. Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Magaalada Boorama ayaa ka hadlay xaaladda qalabka Oksajiinta ay u baahan yihiin dadka bukaanka ahi ee neefta siiya waxaanu yidhi: “Adeegga aan haysano ee imika ugu muhiimsani waa ka oksajiinta. Oksajiinta qofka ku jirtaa ama uu qaadanayaa haddii ay ku filnaan waydo waxa la siiyaa mid gaar ah. Haddii taasi ku fillaan waydo waxaad arkaysaa kuwan ayaa lagu xidhayaa haamaha ah”. Source
  7. A senior official with Somali police force was among two killed in a car bomb attack in Mogadishu, the Somali capital on Thursday morning, local authorities said. Abdishakur Hussein, the police officer, and another occupant lost their lives after an improvised explosive device concealed in their car went off around Muna hotel. Al-Shabaab has immediately claimed responsibility for the attack, which becomes the third of its kind in the capital within this month. Gen Ali Gaab escaped two similar attacks. Mogadishu has been relatively calm in the past as the police stepped up measures to avert the frequent Al-Shabaab car bombs in the seaside capital that hosts the government. View the full article
  8. Qaar ka mid ah umulisooyinka isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir Hospital, oo ku shaqeeya hab mutadawacnimo ah ayaa ka walaacsan lacagihii gunnada ahayd ee ay ka qaadan jireen isbitaalka oo muddo ka maqan. Haweenay ka mid ah umulisooyinkaa oo magaceeda qarisay, ayaa waxey noo sheegtay: “ Saddex isbuuc ka hor waxaa nalaga saxiixay gunnadii aan qaadan jirnay oo dhowrkii biloodba mar nala soo gaarsiin jiray, muddo 6 bilood ah weli waxba ma aanana arag, waxaa u barannay marka lacagta nalaga saxiixo in accounka ay noogu soo dhacdo, laakiin arrintaasi ma dhicin.” Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxey ahayd xilligan inaan mushaari ahaanno, marka loo eego shaqada aan bulshada u haynno oo hooyooyin badan la rabo inaan badbaadinno. Laakiin weli waxaanana gacanta ku hayn gunnadii aan qaadan jirnay oo hadda aan ka walaacsan nahay iney nasoo gaari karto iyo in kale.” Dhanka kale, maamulka isbitaal Benaadir oo aan la xiriirna ayaa noo xaqiijiyay in lacagaha ay maqan tahay, laakiin ay ku maqan tahay deeqbixiyeyaashii oo “Covid-19” uu saameyn ku yeeshay, hadana ay socdaan dadaallo arrinkaas ku aaddan oo lagu baadi goobayo gunnooyinka Umulisooyinka. Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaadkiisii doorashada waxaa ka mid ahaa inuu wax ka qaban doono ummul-raaca haweenka oo dalka ku badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka safmareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay iyo qof u geeriyooday cudurka. War ka soo baxay guddiga Somaliland u qaabilsan xakameynta cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 32 ka mid ah xanuunka laga helay, kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah, halka 1 qof oo ku noolaa magaalada Hargeysa uu geeriyooday. Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 21 rag ah iyo 11 dumar ah ayaa waxaa ay kala joogaan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera oo kiisaska ugu badan laga helay, waxaana dadka cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 19 illaa 89 sano Jir. Ugu dambeyn guddiga ayaa sheegay in tirada guud ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay deegaannada maamulka Somaliland ay gaartay illaa 257 ruux. View the full article
  10. Dibad-baxyo ay qeyb tahay Soomaalida ayaa weli ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, waxaana lagaga soo horjeedaa dil askari caddaan ahi uu u geystay nin bulshada madow ee Maraykanka ka soo jeeda, iyadoo ay isku bedaleen rabshado iyo bililiqo loo geystay labo dukaan oo waaweyn oo ku yaalla koonfurta magaaladaasi. Dibad-baxyada oo sii kordhayey Arbacadii ayaa sidoo kale lagu gubay ugu yaraan hal dukaan oo kale. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, ugana hor-istaagaan inay usoo gudbaan aag la hareereeyey oo ah halka lagu dilay George Floyd. Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa dadka ku booriyey inay ka fogaadaan aagaas, oo u ku sheegay mid iminka xaaladeeda ay aad halis u tahay. Dibad-baxayaasha ayaa dalabanaya in lasoo xiro oo shacriga la marsiiyo askartii ku lug lahayd dilka ninka madow, oo shaqada boolis ee magaalada laga eryey maalin ka hor. Dhinaca kale Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in baaritaanno la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa” View the full article
  11. Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen waaxda saddexaad ee degmadaasi. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Muqtaar Nuur Ibraahim, ayaa waxaa la sheegay inuu caawiye u ahaa guddoomiye laameed ka tirsan maamulka Kaxda. Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dilkaan aya qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  12. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalka oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay agagaarka Ceel-ka reer Jiinley oo ku yaalla halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo dil la xiriira aano Qabiil habeen hore ka dhacay deegaankaasi. Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday, xilli loo fadhiyey xalinta xiisada colaadeed ee u dhexeysa labada dhinac, islamarkaana garab ka mid ah maleeshiyaadka oo gaari ku yimid ay rasaas ku fureen goobtaasi, kadibna uu sidaasi ku bilowday iska hor imaadka labada beelood. Ugu yaraan 3 qof ayuu xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo 2 ka mid ah ay Odayaal yihiin, halka qofka 3-aad ay tahay gabar yar oo ka mid ah dadka deegaanka. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubaysan ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ay xaafada Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Nabadoon caan ka ahaa xaafadaas iyo mid kamid ah ilaaladiisa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Nabadoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud, halka qofka lala dilay uu ahaa Mahad Maxamud Cadow (Mahad Uunsow) oo kamid ahaa ilaaladiisa. Dilka ayaa dhacay xilli ay labada marxuum fadhiyeen Maqaaxi laga Cabo Shaaha oo ku taalla Suuqa Caanaha, Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad. Dilka kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta dilka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas. Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir wali wax faah faahin ah kama bixin dilka maanta ka dhacay Xaafad ka mid ah gobolka. Ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoonka, inkastoo loo badinayo inay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan fuliso dilalka noocaan oo kale. Tan iyo markii kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho waxay dagaalkooda u beddaleen qaab kale oo dilal iyo qaraxyo qorsheysan ah.
  14. Turkiga oo Diyaarado Dagaal,Gaadiid Gaashaaman & saanado hub xad-dhaafa ku daabulaya Liibiya Dowladda Turkiga ayaa awood Militari oo dheeri ah ku daad gureysay gudaha Dalka liibiya oo uu ka socdo loolan adag oo u dhaxeeyo dowlado badan oo mid kasta ay dooneyso inay ka faa’ideysato shidaalka iyo kheyraadka dalkaas uu hodanka ku yahay. Maalmihii lasoo dhaafay Dowladda Turkiga ayaa sameysay buunddo dhanka hawada ah oo labada dal si toos ah isugu xiraysa iyadoo diyaaradaha Xamuulka ah ee gawaarida gaashaaman iyo saanado kale oo Militari kusoo daadineyso Magaalada sedexaad ee ugu weyne dalka Liibiya ee lagu magacaabo Misraatah. Saldhigga ugu weyne ee Turkiga ku leeyahay dalka Liibiya gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee misraatah ayaa waxaa maalin kasta ka daga diyaaradaha noocoodu yahay C-130 oo ah kuwa xambaaro Gaadiidka iyadoo la rumeysan yahay in halkaas laga dajiyey gawaarida nuuca aan xabaddu karin ah iyo saanado kale oo Milliteri. Sida laga soo xigtay Dowladda Ruushka, Turkiga ayaa magaalada Misraata ku rakibtay difaaca cirka ee loo yaqaan MIM-23 taas oo awood u leh in ay dhulka soo dhigto diyaaradaha dagaalka, sidoo kalana waxay illo wareedyo Ruush ah sheegeen in dalka Qatar ay Liibiya ka dajisay diyaaradaha noocoodu yahay Q Globemaster. Laba Diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay soo saartay Shiinaha ayaa todobaadyo ka hor lagu soo riday dalka Liibiya iyadoo loo adeegsaday qalabka uu Turkiga ku rakibtay gudaha wadankaas. Dhanka Kale, Turkiga ayaa lasoo sheegayaa inuu ku xoojiyay saldhiggiisa ku yaal magaalada caasimadda ah ee Tripoli diyaaradaha casriga ah ee aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Bayraktar. Tallaabada ay Turkiga ku xoojisay awoodeeda Militari ee Liibiya ayaa kusoo aadeyso kadib markii General xaftar uu ku hanjabay inuu ciidamada Turkiga ee ku sugan Liibiya u dhigi doono cashir uu la ooyo madaxweyne Erdogan. Dowladaha Turkiga, Talyaaniga iyo Qatar ayaa heshiis ku ah inay taageero dhinac walba ah siiyaan Dowladda Liibiya oo ay aqoosan tahay Qaramada Midoobay. Sidoo kale Dowladaha Faransiiska, Imaaraadka carabta, Ruushka, Masar, Sacuudiga iyo Suudaan ayaa iyagana la safan dagaal ooge xaftar oo rabo inuu awood Militari ku qabsado dalka Liibiya inkastoo hadda ay u muuqato in la wiiqay awoodiisa. Qaran News
  15. Laba iyo soddon qof (32) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 11 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 9 qof) (30jir ilaa 39jir = 11 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 2 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 19 qof, Borama 5 qof, Berbera 5 qof iyo Burco oo ah 3 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Labaatan (28) Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 84 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay sideed iyo toban (18). Qaran News
  16. Alla ha u naxariistee waxa Magaalada Burco ku geeriyootay Marwo Dahabo Maxamed Cigaal oo ahayd Haweenaydii sida weyn xaaladdeeda saacadihii la soo dhaafay loogu baahiyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee ay eheladeedu ka cabanayeen in loo waayay gaadiid ambalaas ah oo lagu keeno Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale adeegga Oksajiinta ee dadka ka caawiya inuu neefta siiyo taasi oo ugu dambayn adeeg xumo caafimaad ugu geeriyootay Magaalada Burco. Marxuumad Dahabo Maxamed Cigaal oo ay eheladeedu sheegeen in ay ahayd haweenay ay Ilmaadeer ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa sida uu sheegay Ustaad Cabdixakiim Muuse oo hore xaaladdeeda qoraal uu ka sameeyey ugu baahiyey baraha Bulshada ayaa waxa qoraal uu shalay galab ku shaaciyey geerideeda waxa uu ku yidhi sidan: “Ugu danbayn DAHABO MAXAMED CIGAAL waxay ku geeriyootay Dhakhtarka weyn ee Burco. Waa qofkii aan xalay aan u waayay Ambalaas aan ku qaado. Ilaa Hargeysa. Waxay ka dhalatay qoys caan ah waxay oo dalka taariikh ku leh. Madaxweynihii Hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayay ilmaadeer ahaayeen. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkiina samir iyo iimaan ka siiyo. Ustaad Cabdixakiim Muuse ayaa hore u shaaciyay in uu haweenaydan Marxuumadda ee shalay geeriyootay waxa uu ka sheekeeyey xaalad dhiillo leh oo uu kala kulmay Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco kadib markii uu waayay oksajiin lagu baxnaaniyo haweenaydan isaga oo sheegay in uu waayay markii hore Ambalaas uu ku soo qaado markii dambena xataa ambalaaskii dhawaan shirkadda dahabshiil siisay cisbitaalkaasi la sheegay in aan lagu qaadi Karin oo aanu lahayn adeeggii oksajiinta ahaa ee qofkaasi bukaanka ahaa lagu baxnaanin lahaa muddoda uu jidka ku soo jiro taasi oo ugu dambayn shalay ku geeriyootay Cisbitaalka weyn ee Burco. Dadweynaha ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa muddoba waxa ay si weyn ufga cabanayaan xaaladda oksajiin la’aanta ah ee ay dadka bukaanka ahi kala kulmaan Cisbitaallada Hargeysa iyo Burco oo ay marar badan dad kala duwani sheegeen in eheladooda oo xanuuno la liidatay ugu dhinteen Cisbitaalladaasi markii ay waayeen Oksajiin lagu rikibo oo neefta ka caawiya. Xaaladda cudurka Karoona ayaa u muuqda mid si weyn u soo shaac saaray oo bannaanka keenay baylahda caafimaad iyo adeeg la’aanta umadda ee marka horeba jirtay taasi oo keentay in dhinaca kale qaylo dhaan culusi ka soo yeedhayso Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay dadku ka cabanayaan Oksajiin la’aan iyo adeeg la’aan ay xukuumadda ku dhaliilayaan sida aanay waxba uga qaban ama fashilka ugu tahay adeeggii caafimaad ee umaddu u baahnayd. Source
  17. Mataanaynta Hunguriga iyo Siyaasada. (Siyaasada ku dhisan Hunguriga) _________________________________ Self-interestedness culture in Politics ___________________________________ Q1aad: Akhristayaal waad salaamantihiin. Ciid Wanaagsan. Hunguriga iyo Siyaasada marka laysku Sooho , maxaa ku dhaca nidaamka Siyaasiga ee bulsho leedahay?. Si kale ,Hunguriga iyo Dowladniumada marka laysku qoosho , maxaa soo baxa ?. _________________________________ Bulshada huguriga iyo siyaasadu iska dhex galaan ee kala saari kari wayda (ninka hungurigu wado ee mustaqbalka caruurtaada ku socda iyo ka dantooda wada )sawir nooceeya ayay yeelataa?. ___________________________________ Hordhac : Qormadan aan ugu magac daray (Mataanaynta Image Hunguriga iyo Siyaasada) , waa mowduuc aan ku eegayo dhibaatooyinka hunguriga (qofka oo ka fekera kaliya sidii uu wax u heli lahaa) ku keento siyaasada bulshada ama dowladnimada , isagoo qofku iska dhigaaya siyaasi bulshada danaheeda ka shaqaynaaya , oo shaadhkaas gashan , meesha uu Hunguriga ka raadinayaana tahaydantii guud ee bulshada sida xafiis ama hayad Dowladeed iwm .( Thinking his/her own interest only). Qofku wax waa raadsan karaa , waana shaqaysan karaa , laakiin waxa kala duwan habka loo shaqo tago , markay tahay suuqa kale ee fursaduhu yaalan , iyo markay tahay in loo shaqo tago dowlada iyo markaad siyaasada galayso , waxa kala duwan mabaa’diida shaqooyinka ,waajibaadka iyo falsafada aad ku shaqo tagayso . Sideedaba waxa laysla waafaqsanyahay in qofka siyaasiga ahi yahay qof bulshada wax kusoo kordhin kara , oo fahamsan nolosha bulshadiisa , qiimeeyey waxa ka dhiman bulshadiisa , ka fekeray waxaa dhiman iyo habkii loo dhamaystiri lahaa , himo fog leh , jecel inuu bulshada taageero , magac katago iyo sharaf ,jecel inuu noqdo qof lagu daydo, lagu dayankaro, fahamsan tartaranka waddamada dunida ka dhexeeya , ee lagu tartamaayo amni , waxsoosaar , cadaalad , sinaan , aqoon, caafimaad , dowlad wanaag , isla xisaabtan , midnimo bulsho, dhaqaale,Siyaasad iwm, intaasi ay wado ,intaas ku darsaday karti iyo hogaamin, intaas isagoo ka shaqaynaaya, bulshada kaga hela mushahar u qalma , hoy wacan iyo maamuus . (Politician is a person experienced in the art or Science of government , engaged in conducting the affairs of the people and promoting life of the citizens ). Ninka intaasi wado ee siyaasada usoo gala habkaas waxaynu odhanaynaa waa siyaasi meeshuu doono haka gaadho . Waayo waxuu isu soo taagay inuu ilaaliyo , kana shaqeeyo danta guud ee shacabka , shaqadaasina ay saamaxdo in dalka , dadka iyo isaguba wax noqdaan . ninkaasi waa nin tagay hadal uma baahna kaliya taageero iyo in bulshadu ilaashato oo la shaqayso uun weeye. HUNGURIGA IYO SIYAASADA : #Hunguriga : waxaan uga jeeda waa qofka oo raadsada maslaxadadiisa gaarka ah , wax walba oo uu qabanaayona ku saleeya waxii maslaxadiisa u adeegaaya , maslaxadiisa ku tola wax kasta oo awooda oo uu haysto , aqoon , kibrad, xukun ,xil , ganacsi ,iwm . kana an ka hadlaayaa waa dadka jila inay siyaasiyiin yihiin iyagoo danahooda bka dhex baadhaya danta guud iyo waxay umadu wada leedahay. (The act of Considering the advantages to yourself when making decisions and deciding deciding to do what is the best for you). #Siyaasada : waa hanaan lagu maareeyo oo lagu ilaaliyo nolosha bulshada dhankasta oo ay tahay , caafimaad , waxbarasho , nabagelyo , siyaasad , sharci , cadaalad , ganacsi ,maalgalin , shaqo abuur iwm.Siyaasiga : waa qofka leh sifooyinka aan ku ku xusay iyo qaar kale oo badan. (Politics is an Art or Science of how to enhance the public affairs of the country). #Hadaba : Marka laysku linggaxo siyaasada iyo masaalixda shakhsiga ah ee ay ka hirgasho waddan inay mar walba xagga hore yimaadaan dadka ka addeegta siyaasada ee uga addeega dannohooda shakhsiga ah ee hungurigu wado , bulshaduna aanay dareensanayn , fursadna u helaan inay buuxiyaan dhamaan hayadaha dowliga ah ee u samaysan in bulshada loogu addeego, Waxa ka dhasha sidan hoose: (Consequences). 1. #dowladnimada marka aan ka eego dhanka dowladnimada (Government), waxaa dhaca sidan hoose: Dowladu waxay noqotaa dowlad tamar daran ,ku fashilanta dhamaan addeegyada bulshada , waayo waxa dhex ordaysa aragtida ah ka shaqayso , mataalo u shaqee oo magac iyo horumar keen , aqoonka iyo xirfada ayaa ku ag dhimata ,intaa danaysta yaasha ah ee xaga sare jooga kaliya ayaa is daawada ,is cajabiya ,malaha istaraatijiyad fikir oo lagu jaangoynaayo bulsha nolosheeda. Ma jiro qorshe fadhiya, waayo waxa lagu wada mashquulsanyahay dano gaara (vested interest),marka wax dhacaan uunbaa la hadlaa , muran qaylo ayaa laysla dhexqaadaa hebel u yeedha iyo hebel u yeedha . Ma jiro odoros siyaasadeed oo sal u ah siyaasada socota (there is no strategic thinking and Political Predictions ). Falsafada siyaasadeed ee ay qaataan danaystayaashu waa in dhamaan xogaha laga qariyo dadka, dadka la majaro habaabiyo iyadoo la adeegsanaayo warbaahinta dowlada iyo waxii kale ee la shaqaysta, beenta iyo Huuhaada ayaa badata, siyaasad aan fadhiyin oo kolba meel u ordaysa , kaliya ku mashquusha inay dadkeeda kala qaybiso si ay jaanis ugu hesho inay sii joogaan oo masaalixdooda ilaashadaan.(Hiding the reliable informations from the public and misleading). Taladu waxay ku koobantaa koox yar isku maslaxad ah (Bureaucratic system), kalitalisnimo, bulshada oo iska dhexweyda dowladeedii, dowladnimada oo lakala sheegto oo markaad wax ka sheegto dowladaadii ama aad Tilmaanto qaladaadka jira, koox MASLAXAD ilaashanaysa ayaaba kaa sheegan dowladii. Wada lahaansha iyo siyaasada loo dhanyahay ayaa meesha ka baxda (Elimination of the fundemantal principles of political equality). Dimiquraadiyada iyo doorashooyinka ayaa la laabaa (Absence democracy and elections). Khilaafaadka bulsha lama xaliyo (Inappropriate settlement of social disputes .) Distoorka iyo shacrciga ayaa layska laabaa (Violation of constitution and rule of law). Dhamaan tayada adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka ,dhaqaalaha iwm ayaa meesha ka baxa. La soco qaybta 2aad. Abdirashid Hussein Yousuf Email :Gahaydhle@live.com Doha Qatar. Get Outlook for Android Qaran News
  18. Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE ayaa waxa muuqata inuu mar kale dib u dhac ku yimi shir weynihiisa afraad, kaasi oo muddaysnaa in la qabto horaanta bishan foodda inagu soo haysa ee Juun, taasi oo ay inaga xigto laba maalmood oo kal ahi, balse waxa hadda muuqata inuu shirkaas dib uga dhacayo wakhtigii hore loogu qorsheeyey in lagu qabto shirweynahaasi. Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa ah mid si weyn ay ugu dheg taagayeen bulshada reer Somaliland oo ay si gaar ah u xiisaynayaan qabsoomidiisa, isla markaana ay dhawrayeen qaabka uu u qabsoomayo iyo natiijada kasoo baxaysa gunaanadkiisa, maadaama lagu dooranayo hoggaanka xisbiga ayaa hadda shirkaasi ayaa waxa uu muuqdaa mid dib uga dhacaya wakhtigiisii loo qorsheeyey oo ahaa bilowga bishan juun. Sidoo kale siyaasiyiin si gaar ah dano uga lahaa qabsoomidda shirkan islamarkaana u gunti giijisnaa ayaa u muuqda inay hungo ka taagan yihiin oo uu dib u dhacaaasi xagal daaciyay dadaalkoodii, waxaanay warar hoose sheegayaan inay siyaasiyiintaasi shirar duceeyo arintani ku saabsan maalmahan ku jiraan. Dhanka kalene Xoggo hoose soo baxaya ayaa la xidhiidhinaya dib u dhaca shirkaas cudurka halista ee ah ee karoona Fayras,kaas oo ay sii kordhayso gudaha Somaliland tiradda dadka uu ku dhacay iyo kuwa u geeriyoonaya cudurkaas maalin walba, waxaana wararkani sheegayaan in masuuliyiinta xisbiga Kulmiye dhawaan la hadli doonaan warbaahinta. Geesta kalena Guddida ka horttaga cudurka karoona Fayras ee Somaliland,ayaa waxay maamnuuceen shirarka iyo xafladaha la isku yimaado, si looga hortaggo faafitaanka cudurka halista ah ee karoona fayras Ma Jiro wax war ah oo amuurtan ku saabsan oo kasoo baxay guddida qaban qaabada shir weynaha afraad Xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta kale ee Xisbigaba, haseyeeshee shirkaasi ayaa ah mid dib uga dhacay wakhtigii la baahiyey in lagu qabanayo ee bilowga bisha juun. Xigasho Foore Source
  19. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa faahfaahin waxa uu ka bixiyay qaraxii saakay ka dhacay dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyada oo qaraxaasina gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan maamulka gobalka. Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday sarkaal ka tirsan booliska gobalka oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisoow waxa uuna sidoo intaas ku daray in qof la socday sarkaalka uu isagana qaraxa ku geeriyooday halka hal askari uu ku dhaawacmay. Saalax Dheere ayaa tilmaamay in sarkaalka qaraxa loogu xiray gaarigiisa waxa uuna xusay inay wadaan baacsiga Al shabaab oo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay. Halkan ka dhageyso codka afhayeenka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/05/99411001_941063099673806_3737388671628738560_n-online-audio-converter.com_.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Halkan ka daawo farriin ku aaddan wacyi gelinta COVID-19 Source: goobjoog.com
  21. Kulan ay magaalada Gaalkacyo ku yeesheen wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa sugidda amniga Gaalkacyo oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad gelyada. Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Puntland Dhabancad ayaa sheegay inay iskaashi buuxa ka wada Sameeyn doonaan labada maamul Xallinta colaadaha iyo la dagaalanka dagaalamayaasha Al Shabaab. Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Mcallin Fiqi ayaa isna ka warbixiyay ahmiyada ay nabada iyo amnigu ay u leeyihiim shacabka gobalka Mudug,wuxuuna dhanka kale xusay in tallaabo laga qaadayo cid kasta oo gacan saar la leh Al shabaab isaga oo intaas ku daray inay Puntland kala shaqeyn doonaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa deegaannada Galmudug waxa uu ka mamnuucay waxyaabaha maanka dooriya ee la keeno deegaannadaasi isaga oo sheegay in waxyaabaha maanka dooriya abuuraan xasilooni darro, dilal joogta ah, kufsi iyo colaad. “Wuxuu maantay si rasmi ah wasiirka amniga gudaha Galmudug uu u mamnuucay ka ganacsiga, keenista, isticmaalka, daabulidda iyo kaydinta Khamriga iyo maandooriyaha oo maleeshiyaadka qaarkood ay si xun u isticmaalaan ka dibna ay abuuraan xasiloonidarro, dilal joogto ah, kufsi, colaado sokeeye iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda amniga Galmudug. Magaalada Gaalkacyo ayaa iminka laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu sugo amniga magaaladaasi waxaana dadaalladaasi si xowli ah waxa uga wada wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goor dhow toogasho ka geystay xaafadda suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay, Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, sida uu shabakadda warbaahinta Shabelle u xaqiijiyey, C/laahi Maxamuud Maxamed oo uu adeer u ahaa marxuumka. Wararka ayaa sheegaya in Ugaaska uu ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada BF, iyadoona raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meesha uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-ugaaska-la-dilay-.mp3 View the full article
  23. Laba iyo soddon qof (32) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 11 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 9 qof) (30jir ilaa 39jir = 11 qof) (40jir ilaa 49jir = 4 qof) (50jir ilaa 59jir = 2 qof) (60jir ilaa 69jir = 2 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) (80jir ilaa 89jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 19 qof, Borama 5 qof, Berbera 5 qof iyo Burco oo ah 3 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Labaatan (28) Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da’diisuna ahayd 84 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay sideed iyo toban (18). Source