-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween. 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada. Goobjooj News Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ee ka qeyb-galaya tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo soo booqday shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa raalli-gelin iyo cudur-daar ka bixiyey kala qeybsanaan ku timid tartanka waxayna dalbadeen in dib loogu soo celiyo barnaamijka, si ay markale u tartamaan. Cabdiraxmaan Maxamed Cali guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku hdlayey afka maamullada degmooyinkaasi ayaa sheegay inay iyagu xal ka gaareen kala aragti duwanaan ka dhex-jirtay tartamayaasha Wadajir, Waabari, Xamarweyne iyo Kaxda. Dhankiisa Aweys Xaaji Nuur oo ka mid ah maamulka Shabelle ayaa xusay inay aqbaleen cudur-daarka degmooyinkaasi, islamarkaana caawa loogu celinayo tartanka. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-safa-RAALI-GALIN-TARTANKA-DEGMOOYINK.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shalay deeq mucaawino ah soo gaarsiisay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka qeyb qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus/Covid-19. Xukuumada Somaliland ayaa si yaab leh uga fal-celisay deeqdaasi, iyada oo laga dheehan karayey hab maamuska lagu gudoomey heerka uu marayo xiriirka labada dhinac. Deeqdaasi ayaa shalay soo gaartay madaarka Hargeysa, midaasi oo uu waday safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Amb Xassan bin Xamza Hashem, iyada oo ay soo dhoweynta wafdiga mucaawinada waday ay ka muquurteen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Somaliland. Waxaa soo dhaweeyay wafdiga Qatar ee siday deeqda caafimaad xubno meeqaam buuran laheyn oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo uu hor kacayey Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka. Meeqaamka ay ku gudoontay deeqdan xukuumada Biixi ayaa waxa uu si weyn uga hooseeyaa midkii ay dhawaan kaga gudoomeen dowladda Imaaraadka, oo iyadu deeqdan caafimaad oo kale keentay Somaliland. Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa xiligaasi ka gudoomay deeqdaasi xubnihii Imaaraadka ahaa, iyada oo ay madaarkana si meeqaam leh ugu soo dhaweeyeen Wasiirada maaliyadda, diinta & awqaafta, midka caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu ay aad u sareyso. Somaliland iyo Imaaraadka ayaa leh xiriir aad u wanaagsan, halka uu hooseeyo xiriirka kala dhaxeeya Qatar oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya. Waxayna u muuqata hab maamuuska hooseeya ee Xukuumada Somaliland ku qaabishay deeqda Qatar, mid ay ku raaligelinayso dowladda ay saaxiibka la tahay Imaaraadka Carabta, oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Qatar.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween. 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56. Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay kiisas badan oo Coronavirus ah, waxayna shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurkaas laga helay 64 qofood. Inta ugu badan dadkaas waxa ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, sidoo kale Somaliland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa laga diiwaan geliyay kiisas cusub, waxaana u dhintay hal qof, sida ku cad warbixinta wasaaradda. Gobolka Banaadir oo hoggaaminaya tirada ugu badan ee kiisaska cusub ayaa laga helay 33-kiis, deegaanada Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 16, sidoo kale Galmudug ayaa laga helay 8-kiis, halka Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay 7-kiis oo COVID-19 ah. 45 kamid ah dadka cusub ee Coronavirus laga helay waa rag, halka 19-ka kale ay dumar yihiin, waxaana saacadihii u dambeeyay cudurkaas kasoo bogsatay afar qofood. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,421 xaaladood, 152 qof ayaa kasoo bogsatay, halka uu dhimasho ku sababay 56, inta la ogyahay.
-
Doha (Caasimada Online) – Ururka caalamiga ah ee midowga culimada Muslimiinta, International Union for Muslim Scholars (IUMS) ayaa maanta ku baaqay in dhammaan dunida iyo dalalka Islaamka ay u istaagaan inay ka hortagaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Falastiin. Xoghayaha guud ee IUMS, Ali al-Qaradaghi ayaa ku eedeeyey Israel inay ka faa’iideysaneyso kusii jeedka caalamka ee cudurka Coronavirus, iyo taageerada maamulka Trump, si ay ugu dhaqaaqdo siyaasadaheeda gardarrada ku dhisan ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta. “Culimada Muslimiinta waxay ku baaqayaan in la garab istaago shacabka Falastiin, iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay arrimahooda go’aan ka gaaraan iyo inay xorreeyaan dhulkooda la haysto,” ayuu yiri al-Qaradaghi. Waxa uu sheegay in maamulka Mareykanka uu si buuxda mas’uul uga yahay ansixinta qorshaha Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Qudus iyo dhulalka kale ee Falastiin. Goosashada Israel ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ayaa dhici doonta 1-da July, sida ay isku raaceen ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo ninka ay doorashada ku loolameen ee Beny Gantz. Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa ku hanjabay inay ka bixi doonaan heshiisyada wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Israel, haddii ay ku dhaqaaqdo qorshahan, taasi oo wiiqi doonta dadaallada lagu raadinayo xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel. Goosashada Daanta Galbeed ayaa qeyb ka ah waxa loogu yeeray “Heshiiska Qarniga”, oo 28-kii Janaayo uu ku dhowaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Qorshahan ayaa Qudus u aqoonsanaya “caasimadda aan la kala qeybin” ee Israel, wuxuuna Israel siinayaa madax-banaanida qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed. Falastiiniyiinta iyo ururka dalka Islaamka ayaa si weyn uga hor-yimid qorshahan.
-
Agaasinka baanka adduunka ayaa ansixiay in lacag dhan 137.5 million loogu yabooho Somaaliya si wax looga qabto abaaraha, fataahadaha dalka ku dhuftay iyo safmarka Coronavirus. Sanduuqa Hormarinta Caalamiga ah ee Bangiga oo soo marinaya Mashruuca ka jawaabida xasarada Soomaaliya ayaa bixinayaa dhaqaalahan Bankiga Adduunka Lacagta uu ansixiyey ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay, waxaana ka faa’ideysanaya dadka barakacaayasha ah, kuwa ku dhaqan magaalooyinka ama miyiga. Barnaamijkan waxaa wax looga qaban doonaa biyaha fatahaadda, bulaacadaha iyo in lagu sameeyo buundooyin iyo waddooyinka yaryar. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa soo dhoweeyay kana mahad celiyay deeqdaan Bangiga aduunka siinayo Soomaaliya. “Waxa aan aad u soo dhaweynayaa talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan la daalaa dhaceysa safmarka Coronavirus iyada oo ay u sii dheeryihiin fatahaado dalka ku dhuftay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
DF oo si kulul u cambaareysay weerarkii magaalada Gaalkacyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayey magaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey qarixii is-miidaaminta ee ka dhacay waqooyiga magalada Gaalkacyo oo lagu dilay guddoomiyihi gobolka Mudug, Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur. Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay guddoomiyaha iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Puntland iyo sidoo kale ehellada marxuumka, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Firdowso. “Innaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajincuun dhammaan intii ku dhimatay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaan leenahay Alle Janadiisu Firdowso ha idinku abaalmariyo gacan idinka xaq-daran ayaa idin dishay, sidoo kale dowladda Soomaaliya af-adag ayey ku cambaareyneysaa falkaasi arxan darada. “ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya. Axmed Muuse Nuur ayaa xilliga uu dhacayey qaraxa ka soo baxay shir amniga looga hadlayey oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. View the full article -
The Kenya Defence Forces (KDF) launched sustained overnight airstrikes targeting Al-Shabaab militants following an attack at Khorof Kharar Police Post in Wajir on Saturday morning. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay Kiisaska Coronavirus ee deegaanadeeda oo markasta Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay ku darsato Liiska kiisaskeeda. Wasiir kuxigeenka xanaanada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadleysay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay inay dowladda federaalku ku koobnaato deegaanadeeda, maadama ay Somaliland tahay dal madax-banaan, sida ay hadalka u dhigtay. Wasiiradda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay warbixinta maalinlaha ah ee ay wasaaradu soo jeediso, isla markaana ay kusoo hadal qaado Somaliland oo ay sheegtay inay tahay qaran madax-banaan, sida ay tiri. Yurub ayaa Wasiirada caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur uga digtay inay mardambe soo hadal qaado Somaliland, sida maamulada kale ay uga warbixiso, maadama ay xili hore kala go’een, waa sida ay hadalka u dhigtaye. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, iyada oo dalalka caalamku ula tacaamulaan sida maamul ka tirsan Soomaaliya, xili ay ku guuldareystay inay hesho aqoonsi caalami ah
-
Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Israa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil. Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa. Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine. Safiirka waxa uu ahaa xaasle, waxa uuna dhalay wiil keliya balse qoyskiisa. Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: ”Booliska haatan waxay ku sugan yihiin goobta si ay baaritaan u sameeyaan.” Telefishanka kanaal 12 ee Israa’iil oo soo xiganaya ilo wareedyo caafimaad oo aan la magacaabin ayaa sheegaya in Mr Du uu u geeriyooday isagoo hurda. Farriin lagu daabacay bogga safaaradda magacaabistiisii kaddib, ayuu Mr Du ku ammaanay xiriirka u dhaxeeya dalkiisa Shiinaha iyo Israa’iil. Jimcihii safaaraddiisa ayaa weerar afka ah ku qaadday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo dhaleeceyay qaabkii uu Shiinaha ula tacaalay fayraska corona xilli uu ku sugnaa Israa’iil. Jawaab lagu daabacay jariiradda Jerusalem Post ayay safaaraddu ku dhaleeceysay hadalka ka soo yeeray Mike Pompeo iyagoo sheegay in Shiinuhu uusan weligii qarinin xaaladda fayraska corona. Qaran News
-
War qoraal ah oo ka baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa looga hadlay weerarkii is-miidaamiinta ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug. Siciid Deni ayaa si adag u cambaareyey qaraxaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulkaasi, Axmed Muuse Nuur iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Xukuumadda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falkaasi lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey. View the full article
-
Shaqaalaha Somaliland oo la fasaxay iyo sababta ka dambeysa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
War kooban oo ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa lagu shaaciyey in laga bilaabo 18/5/2020 illaa 19 bishaan la fasaxay dhammaan shaqaalaha maamulkaasi. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in sababta loo fasaxay shaqaalaha ay tahay maalinta 18 May oo ku beegan sanad-guuradii 29-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqay inay ka ga’ay Soomaaliya inteeda kale, gaar ahaan sanadkii 1991-dii Sanadkan ayaa Somaliland waxaan ka jirin munaasabado loogu dabaal-degayo xuska 18-ka May, sababo la xiriira cudurka COVID-19. Halkaan hoose ka akhriso:- View the full article -
Shabakadda warbaahinta shabelle oo kaashaneyso qaar ka mid ah culimada Soomaaliyed ayaa maanta markale caruur agoon ah u qeybisay dharka Ciida. Caruurta la Ciidsiiyey ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa illaa 100, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas dan-yar ah. Halkaan hoose ka dhageysi warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/WARKA-SAFA-CIIDSIINTA-agoonta-.mp3 View the full article
-
Kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen xildhibaanada mamulka Galmudug ayaa waxa ay ku ansixiyeen wasiiradii dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Waxaana kulankan soo xaadiray 78 mudane oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee maamulka Galmudug. Xildhibaanadana yaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay golaha wasiirada Galmudug, iyadoo aysan jirin mudanayaal ka horyimid liiska wasiirada cusub ee madaxweyne Qoorqoor. Madaxweynaha Galmudug ayaa 16-kii bishan soo dhameystiray golahiisa wasiirada oo ay ka dhimanaayeen wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal. Galmudug ayaa haatan u muuqata mid cagta saaray dhabihii horumarka ka dib markii Qoorqoor uu ku guuleystay inuu qanciyo dhamaan saamileyda siyaasadeed ee maamulkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay agagaarka isbitaalka Digfeer. Guddoomiyaha degmada Hodan oo u warramay Idaacadda Shabelle, Cabdixakiin Dhagjuun ayaa sheegay in qaraxaasi aysan wax waxyeelo ah ka soo gaarin ciidamada lala eegtay, balse wuxuu xaqiijiyeyay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo meesha marayey. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-tuki-gudoomiyaha-dagmada-hodan-.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. “Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale si kulal u cambaareeyay falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta guddoomiyaha Gobolka Mudug waxaana madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryay intii ku dhimatay weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay in uu u boogadhayo, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxay qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo qaar ka tirsana ilaaladiis. Qof isa-soo miidaamiyay oo watay mooto bajaaj ayaa isku qarxiyay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha waxaana halkaas ku geeriyooday marxuum guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsanaa ilaaladiisa gaar ah. Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in gaariga guddoomiyaha qaraxaas lala beegsaday xilli uu marayay nawaaxiga xarunta gobolka oo uu markaasi ka baxay. Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dileen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Qaraxii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
