Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baghdad (Caasimada Online) – Heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray Mareykanka iyo Iran ayaa dhabbaha u xaaray in Mustafa al-Kadhimi laga dhigo ra’iisul wasaaraha Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska fadhigiisu yahay London ee Middle East Eye. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah, in Tehran ay taageerto al-Kadhimi, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Iraq, taa beddelkeedna Washington ay joojiso xayiraadda hantida Iran ee taalla Yurub, sida uu sheegay wargeyska. Magacaabista Mustafa al-Kadhimi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeeday kooxda Iran ay taageerto ee Shiicada ah ee Kataib Hezbollah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta saree e Shiicada Iraq. Si kastaba, kooxahan ayaa aqbalay magacaabistiisa kadib markii ay Iran amartay inay garab istaagaan, taa beddelkeedna laga qafiifinayo qaar ka mid ah xayiraadaha culus ee Washington ay saartay dhaqaalaha Iran, sida ay ilo-wareed siyaasadeedyo sare oo Iraqi ah ay u sheegeen Middle East Eye. Mustafa al-Kadhimi iyo ogolihiisa wasiirada ayaa codka kalsoonida ee baarlamanka helay 7-dii May, si ay u beddelaan dowladdii is-casishay ee Adel Abdul-Mahdi. Mustafa al-Kadhimi ayaa ku guuleystay inuu dowlad soo dhiso kadib markii laba siyaasi oo horey la magacaabay, Mohammad Allawi iyo Adnan Al-Zurfi, ay ku guul-darreysteen inay helaan tagaeero ay dowlad kusoo dhisaan. Iraq ayaa waxaa ka qarxay banaan-baxyo xooggan bishii October, kuwaas oo looga soo horjeedo heerka nololeed ee hooseeya iyo musuq-maasuq dalka, waxaana ay qasbeen inuu is-casilo ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi.
  2. Madaxweyne Trump oo isticmaalay daawo ay dhakhaatiirta ka digeen Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu isticmaalay daawada loo yaqaano hydroxychloroquine -ka in kastoo ay saraakiisha caafimaadku ka digeen in daawadaan loo qaato fayraska karona. Isaga oo wariyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayuu mar Trump, waxaa uu sheegay in uu bilaabay dhawaan isticmaalka daawada Malaariyada iyo daawo kale oo xoojisa difaaca jirka qofka. “Waxaan qaadanayay muddo hal toddobaad iyo bar ah hadda waan joogaa, wali halkaan ayaan joogaa,” ayuu yiri. Ma jiraan caddeymo muujinaya in dawadaan lagu magacaabo hydroxychloroquine-ka ay la dagaalami karto fayraska karona in kastoo tijaabo caafimaad lagu wado. Mar la waydiiyay isniintii madaxweyne Trumo,faaiidada dawadaan ayuu ku jawaabay: ” waan tan caddeynteeda oo ah waxaan ka helay wax tar badan.” Madaxweynaha oo si is daba joog ah uga hadlayay daawadaan maalmihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay isticmaalaan . “Waxaad la yaabi doontaa sida ay dad badani u qaadanayaan, gaar ahaan shaqaalaha safka hore, shaqaalaha safka hore, qaar badan, way qaatan,” ayuu yri madaxweyne Trump. Xaruunta xakameynta cudurada ee magaceeda loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in aaney jirin daawo la oggolaady oo loo isticmaali karo fayrska karona ama dawo looga looga hortago cudurka Covid-19. Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa bishii lasoo dhaafay soo saaray talo ah in dawada hydroxychloroquine -ka”aan loo arkin inay tahay mid amaan ah oo wax ku ool ah”. Waxay soo xigateen warbixinno sheegaya in dawadu ay ku sababi karto bukaanada cudurka karona dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo aad u daran . Mar la weydiiyay hadii dhaqtarka Aqalka Cad uu ku taliyay inuu bilaabo daawada, Mr Trump wuxuu sheegay in isaga qudhiisa uu wax ka weydiiyay arintaas. Waxaan weyddiiyey, ‘Maxaad u malaynaysaa?’ Wuxuu yiri, ‘waa hagaag, haddaad jeceshahay’, waxaan iri, ‘waan jeclaan lahaa.’ Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu isku arkin wax calaamad ah oo la xiriira fayraska karona waxaa uuna intaa raaciyay in uu si joogto ah isugu sameeyo baaritaanno. Mr Trump ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha Isniintii in dawada hydroxychloroquine ay u muuqato mid saameyn leh. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan maqlay sheekooyin badan oo wanaagsan haddii aysan fiicnaynna, waxaan kuu sheegayaa sax ma doonayo inaan ku dhaawaco.” Madaxwaynaha ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in daawadan ay leedahay waxyeelo. Waxaa uu sheegay in warbixinno aan cilmi ku salaysnayn ay sameeyeen dad aan taageere weyn u ahayn Trump . Mr Trump marka uu sidaas leeyahay wuxuu u muuqdaa in uu tixraacayo daraasad hordhac ah oo laga soo bilaabo bishii Abriil bukaannada Covid-19 ee ku jira isbitaallada ay maamusho dowladda Mareykanka ee loogu talagalay halyeeyada militariga ay soo jeediyeen in dawada hydroxychloroquine-ka aysan wax faaiido ah laheyn oo xitaa laga yaabo inay keento dhimasho badan. Madaxweyne Trump ayaa waqti galiyay ka dhaadhicinta dadka in dawadaan ay tahay daawo suurta gal ah amba looga hor tagi karo cudurka Covid-19, in kasta oo ay digiino jeediyeen khubarada caafimaad ee maamulkiisa. Khuburada ayaa sheegaya in dawadaan ay sababi karto waxyeelo, oo ay ku jiraan calaamadaha wadna istaaga, isu buuqa oo keeni kara in qofku is dilo iyo cudurada ku dhaca beerka. Bishii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka ee Mareykanka, Ururka Farmashiyeyaasha Mareykanka iyo Dhakhaatiirta Nidaamka Caafimaadka ee Bulshada Mareykanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan isticmaalka daawada hydroxychloroquine-ka, iyo daawooyin kale oo dadku u isticmaalaan ka hortaga Covid-19. Laba daraasadood oo dhawaan la soo saaray yaa qeexayay in 1,400 oo ah bukaano qabey cudurka Covid-19 isla markaana ku sugnaa magaalada New York, in aysan wax faaido ah ka helin daawada hydroxychloroquine-ka . Daraasad kale oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal Faransiis ah ayaa iyana lagu sheegay in 84 bukaan oo qaatay daawada iyo 97 bukaan oo kale oo helay daryeel caafimaad oo caadi ah marka la is bar bar dhigo aysan waxba u kordhin daawadu bukaanada qaatay . Qaran News
  3. Sawirradii ugu xiisaha badnaa caalamka Todobaadkan Gabadha reer Talyaani ee garaacda muusiga violin-ta Fiamma Flavia Paolucci oo bandhig ku sameyneysaisbitaalka Tor Vergata ee magaalada Rome, taasoo dabaaldagga maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha qeyb ka ahayd ee ku beegneyd 12 May. Isla maalintaas, gobolkii fayraska laga helay markii ugu horreysay, kalkaaliyeyaasha Shiinaha ayaa u istaagay qaab sawirrada qalbi, iyagoo wacad ku maraya shaqadooda xilli ay ka qeyb galayeen munaasabad ka dhacday isbitaalka Tongji ee magaalada Wuhan, ee gobolka Hubei province. Dad u hoggaansamaya talada kala fogaandhaha bulshada, iyagoo waliba ku dhex jira wiish lagu fuulo dhismaha Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku taalla magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka. Gabadha ka qeyb gasha tartanka baabuurta ee Formula 3, Sophia Floersch ayaa gurigeeda ku tababaraneysa waxayna computer-ka ku kaxeyneysaa gaari, xilli uu Covid-19 ka dillaacay magaalada Grünwald ee u dhow caasimadda Munich. Rakaab xiran maaskaro oo saaran tareen mara khad dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla magaalada London, kaddib markii dowladda UK ay ku dhawaaqday qorsheyaal waddanka looga saarayo xayiraadda. Waaxda gaadiidka ee London ayaa sheegtay inay fileyso khasaare dhan £4bn oo ay sanadkan ku weysay saameynta coronavirus. Horyaalka Olympic-da iyo caalamka ee orodka masaafaha dheer Mo Farah oo ku tababaranaya beerta Richmond Park, ee magaalada London. Nin jeermiska ka dilaya kaniisadda Basilica di Santa Maria ee ku taalla xaafadda Trastevere ee magaalada Rome. Kaniisadaha Talyaaniga ayaa la furayaa maanta oo ah 18-ka May. Dad si geesinnimo leh ugu bareeray roob iyo dabeylo xooggan xilli ay ku dhex lugeynayeen geedo xididka u siibmay oo ku yaalla magaalada Can-avid ee ka tirsan bariga gobolka Samar ee bartamaha dalka Philippines. Duufaanta Vongfong waxay billaabatay 14 May, iyadoo kalliftay in kumannaan qof laga daad gureeyo goobihii ay dagganaayeen xilli uu socdo fiditaanka xanuunka Covid-19. Shaqaale maaskaro xiran oo ka howlgalaya warshad telefoonnada lagu farsameeyo, kaddib markii xayiraaddii laga khafiifiyay meelo ka mid ah gobolka Noida, ee dalka Hindiya. Ubaxa ugu weyn ubaxyada adduunka ka baxa ayaa isku kala fidinaya beer lagu nasto oo ku taalla magaalada Meise, ee dalka Belgium. Ubaxan oo caan ku ah inuu si xun u uro, wuxuu dhirir ahaan gaari karaa ilaa 3m. Dhowr sano ayuu ku dhameystirmi karaa bixitaankiisa. Qaran News
  4. Waxaan dhagaystay clip-kii uu soo duubay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ee uu kaga hadlayay dilkii xanuunka badnaa ee lala beegsaday Guuddoomiyihii Gobolka Mudug. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxiriistiisa huwiyo qabrigana u waasiciyo. Intaa kadib, waxaan jeclahay inaan faallo kooban ka bixiyo farriimaha Madaxweynuhu uu gudubiyey: Ka daba tagga dambiilayaasha: Marki falal amni darro ah ka dhacaan gudaha Puntland, maamulku wuxuu noo sheegaa in ay dambiilayaasha falalkaa gaystay iyo kuwa ka dambeeyaba ay ka dabi tagi doonaan caddaaladdana lala tiigsan doono. Haddana wax laga daba tago oo caddaaladda la hor keenana maynaan arag. Dambiilayaashu way baxsadaan ama way dhintaan. Oraahdayada caanka noqday ee ‘waan ku daba jirnaa’, iyo ‘waan ku raad joognaa’ ma keenin wax xal ah xilli uu amniga Puntland faraha ka sii baxayo. Tan iyo markii maamulkan hadda talada haya la wareegay Puntland, ugaarsashada shacabka, shaqaalaha dawladeed, madaxda iyo ajaanibtaba way sii kordhaysay. Waxaa ugu horeeyey dilkii madaxii DP World, Paul Anthony, bishii Feberaayo 2019, in ka yar bil markii ay madaxtooyada la wareegeen kooxda Tayeyn iyo Tiigsi. Waxaa kaloo dhamaadkii bishi Maarso ee 2020 lagu dilay Garowe Guddoomiyii Gobolka Nugaal, 49 casho kadibna, Guddoomiyihii Gobolka Mudug ayaa lagu khaarijiyey Gaalkacyo. Dhacdooyinkan amni darrada ahi waxay daaha ka qaadeen habacsanaanta maamulka Puntland iyo taagdarrida laamaheeda amaanka. Waxaa isweydiin mudan; Puntland ma leedahay istiraatiijiyad amni oo looga hortago falalkaa argagaxa leh ee caadiga ka noqday deegaanada Puntland? Aragti Shirqool Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyey in weeraro ujeedooyin kala duduwan laga leeyahay lala beegsado Puntland dawladnimadeeda, deganaanshaheeda iyo hor-umarkeeda. Ma aha marki ugu horreysey ay Puntland ku eedeeyso dhinacyo aan la aqoon, weerarada khalkhalka galiya amniga, ee waa caado soo noqnoqonaysay tan iyo aasaaskii Puntland. Mar walba oo ay dhacdooyin xasillooni darro ah ka dhacaan geyiga Puntland, maamulka hadba talada haya waxay shacabka u sheegaan in ay jiraan dhinacyo had iyo goor u heellan maleega shirqool ka dhan ah Puntland. Ilaaha amarkii, dhinacyadaa lama carrabbaabo oo shacabka looma caddeeyo waxa ay yihiin. Ma muwaadiniin baa? Ma ajaanib baa? Ma Dawlad Goboleedyada jaarka ah baa? Ma Dawladda Federaalkaa? Ma Dawladaha deriska ah baa? Ma Dawlado shisheeyaa? Mise waa qof walba sida uu doono ha u qaato? Marki Puntland awood u heli wayday ka hortagga cadawga runta ah, waxay shacabka u sameeyeen cadaw dhalanteed ah si ay isaga jeediyaan indhaha shacabka ee ku soo jeeda. Cadawgaas aan haybtiisa la garanayn wuxuu noo noqday sidii sheekadii ‘Dhegdheer” ee naloo ka sheekeeyn jiray barigii aan yaryarayn ee nala ku cabsiin jiray. Hadda waxaa la isweydiinayaa goorta ay Dhegdheer dhiman doonto dhulkuna nabad noqon doono? Eedeeynta Beesha Caalamka Madaxweynuhu wuxuu eedo kala duduwan dusha uga tuuray Beesha Caalamka. Wuxuu ku eedeeyey in aysan ka taageerin maamulka Puntland dhanka amniga, taageeradooduna ay dhinac ka raran tahay oo ay Dawladda Federaalka kaliya taageeraan. Waxaa Madaxweynaha shaki ka galay in Beesha Caalamka ay damacsan yihiin in ay Puntland taageeraan marki ay burburto. Waxaynu ogsoonnahay in Puntland gudaheeda ay ku sugan yihiin Dawlado shisheeye kuwaasoo ka taageera sugidda amniga. Waxaa ka mid ah shirkadda Puntalnd looga yaqaan ‘Saracen’ ee tababarta ciidamada badda PMPF. Ciidamadaa waxaa markii hore loo diyaarinayay in ay la dagaallamaan burcad badeedkii dagaalka ba’an ku hayay maraakiibta badaha isaga kala gooshta haddase soo afjarmay. Su’aashu waxa weeye maxay qabtaan? Miyaanan loo adeegsan karin sugidda amniga Gaalkacyo iyo gabi ahaan Gobollada Puntland? Imaaraatku maadaama uu saaxiib dhow la yahay maamulka Puntland, muxuu uga taageeri waayay sugidda amniga? Puntland taageerada ay Beesha Caalamka ka doonayso ma in AMISOM la keenaa, illeeyn waa tay iska diideen inay ciidamada Danab ee Soomaaliyeed ka hawlgalaan geyiga Puntland? Haddii maamulka Puntland uu ku fashilmay sugidda amniga, sow ma ahayn in ay la wadaagaan Beesha Caalamka qorshe amni oo dhamaystiran si looga taageero? Inti lagu jiray ololihii doorashada, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu amniga tayeyn doono, haddase waxaa muuqata in uu ku fashilmay xaqiijinta ballan qaadkiisii oo eedda rabo inuu dusha uga tuuro cadaw dhalanteed ah iyo Beesha Caalamka. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa “Nin daad qaaday xumbo cuskay”. Eedeynta Dawladda Federaalka Waxaa maalmahan dambe caado u noqotay maamulka Puntland in ay ku eedeeyaan Dawladda Federaalka wax walba oo ay ka gaabiso Puntland. Amni xumo hadday ka dhacdo Puntland, waxaa si dadban loogu eedeeyaa Dawladda Federaalka. Waxaa xusid mudan in ay Puntland diidday in Dawladda Federaalka diiwan galiso ciidamadeeda oo ay ku tilmaameen diiwan galintaa ‘fara galin’. Waxay kaloo diidday Puntland in ay xisaab celin ka samayso lacagaha ay ka hesho Federaalka oo loogu tala galay sugidda amniga oo ay ku jirtay mushaharka ciidamada waqtigii maamulkii ka horeeyey kan hadda talada haya. Waxaa taa ka dhalatay, in Madaxweynuhu dhowr jeer sheegay in dhaqaale xumo ku habsatay bixinta mushaharka ciidanka. Halki laga doonayay Puntland in ay si dhow ula shaqayso Dawladda Federaalka, kalana kaashato sugidda amniga, waxay ku waddaa mucaaraddo joogto ah oo aan loo meel dayin sidi inay tahay xisbi mucaarad ah oo ka soo horjeedda Dawladda. Arrimaha Cakiran Sugidda amniga wuxuu u baahan yahay isku duubni shacab waana tan uu ku talinayo oo uu dareensan yahay Madaxweynuhu. Waxaase la yaab leh in aysan wada socon talooyinkaa wanaagsan iyo ficillada dhabta ah ee uu maamulku ku kaco. Waxaa sandkii hore xoog looga tuuray kursiga Guddoomiyii Baarlamaanka, Guddoomiye cusubna lagu fariisiyey booskiisii taasoo keentay kala qaybsanaan shacab oo baahsan. Waxaa hadda soo ifbaxay khilaaf xooggan oo ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka taasoo sii wiiqaysa isku duubnida shacabka Puntland. Mararka qaar, waxaad maqlaysaa askar baa gadoodday, kuwa kalena hub bay la baxsadeen, halka qaar kalena aanba la diiwaan galin oo mushaharkii xataa laga jaray, sida ka jirta Gobolka Gardafuu ee Puntland. Ciidamadu guud ahaan billowgii sanadkan dhowr bilood baysan mushahar qaadan. Waxaa bishii hore la badalay taliyihii Booliiska Puntland kadib markuu ku fashilmay xasillinta amniga, halka Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ay yihiin lama canaantayaal haya shaqooyin aan ahayn kuwii loo igmaday. Guud ahaan tayada ciidamada ayaa ah mid liidata, magacaabista boosaska sarsarena waxaa lagu salleeyaa saami qaybsiga qabaa’isha ayadoo aan la eegeeyn askari walba meesha uu ku habboonyahay. Gebogebo Waxaa hubaal ah in amni darrada ka jirta Puntland ay salka ku hayso maamul xumida, siyaasaddaha gurracan, cadaalad darrada iyo dhaqaalo xumida soo wajahday maamulka baryahan dambe. Waxaan talo ahaan usoo jeedin lahaa Puntland in ay si dhaqso leh u wanaajiso xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka iskana kaashadaan dhinacyo badan oo uu ku jiro amniga. Sidoo kale, in ay Puntland wanaajiso xiriirka iyo wada shaqaynta maamulka Galmudug, oo ay ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara wada shaqayntaa. Waxaan kaloo ku talin lahaa in dib-u-habayn lagu sameeyo qorshaha amni ee lagu badbaadinayo dhiig baxa shacabka Puntland. Qorshahaa oo ah in la helo ciidamo daacad ah oo loo cadaalad falay, naftoodana u huri kara badbaadinta shacabka. Ugu dambayn, cadaaladdu waa tiirka isku duubnida shacabka. Sidaa darted, waxaan talo ku siinayaa maamulka Puntland in ay Sagaalka Gobol ee Puntland si siman loola dhaqmo, mashaariicda horumarineedna iskusi looga fuliyo si loo helo wada shaqaynta shacabka. Wabillaahi Towfiiq. Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa ahmedfiqi2018@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. WAREEGTO MADAXWEYNE: 18/05/2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si cad uga been sheegtay arrin muddooyinkii dambe si weyn uga taagneed gudaha deegaanadeeda, midaasi oo mararka qaarna lala xiriiriyey madaxda ugu sareysa Somaliland. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay khudbadii uu ka jeedinayey xuska 18-May, ku sheegay in hoos u dhac weyni ku yimid dacwadihii dhulka, xili ay isasoo tarayaan dacwadahaasi. Madaxweynaha ayaa hoos u dhacaasi ku sheegay inuu ku yimid kadib markii ay iskaashadeen Maxkamadaha, ciidanka booliska, dowladaha hoose iyo shacabka Somaliland, walow aysan midaasi la qabin qaar kamid ah bulshada reer Somaliland. Muddooyinkii u dambeeyay waxa isasoo tarayay dacwadaha dhulka ee gudaha Somaliland, iyada oo ay gaadhay heer madaxda ugu sareysa ee sida Madaxweyne Muuse Biixi iyo kuxigeenkiisa lala xiriiriyo inay qeyb ka yihiin dhul badan oo la isku haysto. Hadalkaasi khudbada Biixi ku jiray ayaa waxa si weyn uga fal-celiyay qaar kamid ah bulshada, kuwaasi oo qaarkood u arkayeen in Madaxweynuhu uu daah saarayo xaqiiqda jirta. Garsoorka Somaliland ayaa sidoo kale lala xiriiriya in dacwadaha dhulka aysan si hufnaan leh uga garnaqin, iyada oo dhowr jeerna baaqyo kala duwan laga soo saaray in Garsoorku uu noqdo mid cadaalad ah.
  7. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 18 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 18, 2020/ — New cases: 35 Active cases: 229 Critical: 0 New recovered: 3 Total recovered: 116 New deaths: 0 Total deaths: 5 Total cases: 352 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  8. Garowe (PP News Desk) — The power struggle between Puntland State President Said A. Deni and his Vice President Ahmed Elmi has intensified following the deletion of the Vice President’s message of condolence in the Facebook account of Puntland State Television. Mr Elmi had posted in Facebook a message of condolence to the family of the former Mudug Governor whom Al-shabaab killed yesterday in a suicide bombing. The Vice President’s message of condolence deleted from Puntland State Television Facebook Account In response to the denial of the privilege to post statements in the Facebook account of Puntland State Television, the media team of the Vice President’s Office has created a Facebook account. “We are pleased to bring you the official Facebook handle of the Office of the Vice President of Puntland government. Stay tuned for the latest news and day-to-day activities of the Office” reads an introductory note. The new Facebook Account of the Office of Puntland Vice President It is not clear if Puntland State Government’s media outlets have been instructed to deny the Office of the Vice President the privelege to post updates or statements in Facebook and Twitter handles of the presidency. Efforts to end the deadlock over appointments approved by President Deni have not succeeded. Puntland Parliament will resume sessions in June despite the Covid-19 health emergency. The agenda for the first session of the Parliament has yet to be shared with MPs. Puntland President cannot fire his Vice President, who, like the President, was elected by MPs. Puntland Constition does not specify on what grounds the incumbent President can ask for the Parliamentary Speaker to organise a vote of confidence session against the Vice President. Despite this disadvantage Puntland President controls the legislature, an indication that Ahmed Elmi’s days as a Vice President may be numbered. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND VICE PRESIDENT’S CONDOLENCES DELETED FROM FACEBOOK appeared first on Puntland Post.
  9. Somalia’s coronavirus lockdown has led to a huge increase in female genital mutilation (FGM), with circumcisers going door to door offering to cut girls stuck at home during the pandemic, according to Plan International. Source: Hiiraan Online
  10. Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen. Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame. Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada oo ay ku xeraysan yihiin cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Degaannada Al-shabaab ka joogto Galmudug. PUNTLAND POST The post Taliyaha Militariga Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  11. CAIRO (AP) - Forces allied with Libya's U.N.-supported government said Monday they have wrested control of a key military base on the outskirts of the country's capital from their rivals trying to capture Tripoli. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 365 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada deegaanada Somaliland, kuwaas oo ku eedeysan dembiyo fudud, sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha. Wareegtada uu madaxweyne Muuse Biixi cafiska ugu fidiyay maxaabiixtaas ayaa lagu shegay in uusan saamayn doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaas, isla markaana xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud uu fulin doono cafiskan. Maalinta gooni isutaaga Somaliland oo maanta loo dabaal degay awgeed ayuu cafiskan madaxweyne Muuse Biixi ugu fidiyey maxaabiista, sida ku xusan qoraalka. “In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 oo maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista” ayaa lagu yiri qoraalkan oo caawa ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. Munasabada 18-ka bisha May oo deegaanada Somaliland laga xuso sanad waliba ayaa ku asteysan 29-sano ka hor markii ay gobollada ku dhawaaqeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een, waxayna maanta ka duwaneed sidii loo maamuusi jiray sanadihii hore Coronavirus awgiis, iyadoo madaxweynuhu uu dadka khudbadiisa uga soo jeediyay madaxtooyada dhexdeeda. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon kuma jiro liiska maxaabiixta caawa cafiska uu ugu fidiyey Muuse Biixi, hese yeeshee Caasimada Online waxay ogaatay in haatan ay socdaan dadaalo badan oo madaxweynaha looga dalbanayo in uusan dadkaas ka reebin Coldoon, oo tan iyo markii la xiray sanad ka hor laga dalbanayey in uu iska cafiyo.
  13. Ankara (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa’ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin. “Dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Yemen oo gabi ahaanba si taxadar leh loo qariyay, hadda waxaa uu diiradda saarayaa saddex goobood oo ah aagga xeebaha Yemen: Shabwah, Socotra, iyo degmada al-Makha,” ayaa lagu sheegay war uu daabacay wergeyska todobaadlaha ah ee Arab Weekly. Xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga oo ka howlgala Shabwah, kuna shaqeeya magaca Hey’adda gar gaarka ee Humanitarian Relief Foundation (IHH) iyo saameynta sii kordheeysa Ikhwaanul Muslimiin ay ku leeyihiin Yemen, ayuu wargeysku ka waramay. Waxaa uu wargeysku sheegay in Ikhwaanul Muslimiin ay rajeynayaan in ay la wareegan agga al-Alam ee Shabwah iyo dekedda Balhaf si ay uga faa’iideystaan dhoofinta muhiimka ah ee gaaska iyo baahida loo qabo xeebtan oo looga maarmayo badda Carbeed. Dekedda Balhaf iyo dhul xeebedka kale ee koofurta Yemen waxaa ay muhiim u yihiin faraqelinta Turkiga ee mustaqbalka iyo marsiinta shixnadda ka imaaneysa saldhigga military-ga Turkiga ee Soomaaliya. Warbixintaan ayaa Turkiga waxa ay ku eedeeysay in uu uga sii darayo xiisadda Yemen isagoo cawimaad siinaya Gudoomiyaha Socotra Ramzi Mahrousi, taasi oo ay caddeyn u tahay booqasho qarsoodi ah oo uu ku tagay Istanbul, halkaas oo uu kula kulmay sarakiil ka tirsan sirdoonka Qatar iyo Turkiga iyo hogaamiyeyaasha Ikhwaanul Muslimiin. “Arrimahaan soo cusboonaaday waxa ay muujinayaan in Turkigu uu door weyn oo siyaasadeed ka qaadanayo koofurta Yemen isagoo umaraya garabka maxaliga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, taasi oo sidoo kale hey’adaha gar-gaarka Turkiga ka caawineysa in ay saameyn yeeshan,” ayaa lagu sheegay warbixinta. “Xisbiga Islaax waxaa uu u taagan yahay in uu Hey’addaha Turkiga, Dowladda iyo dhamman cid walba ee u shaqayneysa sida ururo kheyri ah in ay galaangal ku yeeshan magaalooyinka Yemen,” sida uu sheegayo Maxamuud Al-Taahir oo taxliiliya siyasadda Yemen lana hadlay Wargeyska Arab Weekly. “Turkigu waxaa uu doonayaa in uu kal-kaalo Ikhwaanul Muslimiinka Islamarkaana uu ku awood siiyo gudaha Yemen,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray. Warbixintu waxaa ay sheegeysaa in saraakiil xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka ay booqdeen Ankara si ay ugu ololeeyaan in xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan uu door muuqda ku yeesho Yemen, gaar ahaan mal gelinta wadooyinka iyo dekedaha. Bartamihii bishii January, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa booqday magaladda Caden, halkaas oo fadhi u ah Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Cabdu Rabbu Mansoor Haadi. Safarkiisu waxaa uu ku soo aaday, laba bilood kadib markii, Salax Al-Jabwani oo ahaa wasiirkii Gaadiidka xukuumadda Hadi uu booqday Turkiga sii ugala soo hadlo in Turkigu maareeyo dekedaha Yemen. Dhaq-dhaqaaqa xukuumadda Ankara ee Yemen waxaa uu qayb ka yahay ololeheeda ay ku ballaarineyso saameynteeda ilinka koofureed ee Badda Cas, sida uu wargeysku sheegayo. “Dadaaladda uu Turkigu ku kordhinayo joogitaankiisa Baabul Mandab oo ay marto saliida gacanka Persia ka hor inta aysan u gudbin Kanaalka Zues, waxaa ay khatar gelinayaan amniga dalalka carbeed ee gacanka Persia,” ayey xustay warbixintu. Libya waa meel kale oo ay isku riixayaan Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya oo dhinac kale ah. Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Masar waxaa ay taageerayaan Generalka fallaagada ah ee Khaliifa Haftar, halka Turkiguna uu kaabayo Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya.
  14. Flooding in central Somalia has affected nearly 1 million people, displacing about 400,000 people, the United Nations said Monday, warning of possible disease outbreaks because of crowding where the displaced are seeking temporary shelter. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan Xuska Maalinta 18-ka May darteed. Sidaasna waxa uu madaxweynuhu ku sheegay wareegto Madaxweyne oo uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna oo u qorneyd sidan:- Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- “Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay:Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey:Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan Arkay:Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan La-tashaday:Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.” Source
  16. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu caawa markale wareegto uu soo saaray wuxuu cafis guud ugu fidiyey tiro maxaabiis ah kuwaas oo ku jiray deegaannada Somaliland oo ku eedeysan dambiyada fudud , iyadoo laga abo qaadayo Xuska Maalinta 18-ka May Owgeed. Wareegto kooban oo ka soo baxday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu xusay in madaxweynaha uu maanta laga bilaabo uu cafis siiyey 365 Maxbuus oo dembiyada fudud ku xukunaa oo xabsiyada deegaannada Somaliland ku jiray muddooyinkii la soo dhaafay sida lagu sheegay wareegtada. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-____-Qubanaha-Wararka-18052020.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-18052020-web.mp3 View the full article
  19. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Dhowaan loo Magacaabey Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen: Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame . Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada,isagoo dhiiri gelin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Deegaanada Kooxda Al-shabaab ay ka joogto Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka dagan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac loo geysto habeen iyo maalin, ayada oo loo adeegsanayo xeelad cusub. Shacabkan ayaa sheegay in dad ku labisan dharka ciidanka ay maalin iyo habeen dhac u geystaan dadka xaafadaha Xamar Jadiid iyo Laba Dhagax iyagoo ula macaamilaya qaab xirfadeysan. Qofka ka mid ah dadka dhibaatada ay ku dhacday ayaa sheegay inay kooxahan ay adeegsadaan xeelad ay dadka ku afduubayaan ayaga oo u sheegaya iney yihiin ciidanka dowladda, ayna baaris ku sameynayaan ama ugu yaraan ay ka shakiyeen, kadibna ay geysteen meel cidlo ah, iyagoo ka furanaya wax walba oo ay heystaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa ay dadka ku amrayaan iney furaan taleefoonadooda iyagoo ka tuuranaya lacagaha ugu jira. Marka ay qofka kasoo qaataan wax kasta oo uu haysto ayey iska soo daayaan, sida uu sheegay qofka shacabka ah, oo intaas ku daray in arrintan ay sii kordheysay maalmihii dhowaa. Ragga sheeganayaa inay yihiin ciidanka dowladda ayaa mararka qaar ku labisan dharka shacabka, balse weli dadka cabsi geliya, waxayna ku qaataan mooto bajaad. Sharaxaadda la bixiyay sidoo kale waxaa lagu sheegay in dhawr mar ay saldhigga dagmada la xiriireen, balse aysan waxba isbadalin, taasoo keeneysa in dhibaatada ay sii baahdo. Booliiska Soomaaliya oo arintaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday. Hoos ka dhageyso dhacdadan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Jakaarta.mp3
  21. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii ugu horeeyey oo golaha wasiirrada ay yeeshaan ka dib markii uu meel mariyey golaha wakiilada maamulka Galmudug maalinimadii shalay kulan maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi. Shir ayaa ayaa ajandihiisu ahaa isbarashada wasiirrada cusub iyo in xukuumaddu iska wareysato qorshaha 100 maalmood ee soo aadan sidoo kale wasiirada ayaa intii uu kulanka maanta uu socday isku soo qaaday cudurka safmareenka ah ee COVID-19 oo kiisas ka mid ah lagu arkay deegaannada dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale madaxweynaha iyo golaha wasiirrada ayaa isla gartay dib u qaabeynta guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus oo dhowaan uu magacaabay madaxweynaha iyagoo isla qaatay in loo baahan yahay in guddiga laban laabo hoosha lagu xakamaynayo xanuunka faafitaanka COVID-19 iyo bulshada looga wacrigelin lahaa xanuunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Soomaaliya ku qeexay cadow ay leedahay Somaliland, wuxuuna fariin iyo digniin u diray Beesha caalamka. Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasibad lagu xusayey 18-May, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka caalamka, midkaasi oo uu ku sheegay inuu ku saleysan yahay wax wada-qabsi. Madaxweyne Biixi ayaa Beesha caalamka ka dalbaday inay tix-geliyaan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacabka Somaliland ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay ku taageeraan. Dalabka Biixi ayaa u muuqda mid uu ku dalbanayo in sida dal madax-banaan loola dhaqmo, xili ay dalalka caalamku mararka qaar usoo maraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Waan soo dhoweynaynaa deeq iyo taageero kasta oo caalamka nooga timaadda, lakiin marmaba ma aqbalayno in Muqdisho la soo marsiiyo, waxaan nahay cadow iyo col, cadowga keliya ee aan leen nahay waa Soomaaliya, waa dowladda keliya ee diiddan aqoonsigeenna,” ayuu yidhi Muuse Biixi madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu dalabkaasi ku soo aadaya xili ay xiisad hor leh ka taagan tahay gudaha Somaliland, kadib markii ay saaka qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ay soo saareen baaq ku qotomay in lagu hungoobay gooni isku taagoodii. Baaqaasi ay soo saareen bulshada reer Somaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la-mijo xaabiyay ujeedkii ay Somaliland ka laheyd gooni isku taaga, isla markaana aan wax guul ah laga gaadhin ictiraaf raadinta. Waxaana baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco, Boorame iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001. – Halkan riix oo ka aqriso baaqaasi oo dhameystiran.
  23. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Khelluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Wasiirka Bidhaan oo garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen in qiimeyn ay ku sameeyaan xaaladaha Caafimaadka deegaanka iyo iyo Arrimo kale. Maamulka iyo qeybo ka mid ah bulshada ayaan kusoo dhaweeyay wasiirka iyo wafdigiisa markii ay gareen halkaasi. Wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan warsame iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka amba baxay garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho waxaana ay geeyeen agab Caafimaadka oo looga hortaga Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19. Dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka oo dhan kawada howlaha lagu xakameynayo cudurkaan caalamka afeeyay ee Karoona waxaana ay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada dalka ay gaarsiiyay agabyo caafimaad oo ay qeyb ka yihiin kuwa lagula tacaalo bukaanada qaba caabuqa iyo kuwa looga hortago. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxweyne John Magufuli , ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay kaniisad ku taala Chato, waqooyi galbeed Tanzania maalintii Axadda ahayd sheegay in wiilkiisa uu ka bogsooday Covid-19 kaddib markii uu isticmaalay liin, sinjibiil uuna sameeyey jimicsi badan. Balse ma jiraan cadaymo sheegaya in taasi ay tahay daawada coronavirus sida ay dhakhaatiirta sheegeen Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, ayaa isla halkaas ka sheegay in tirada kiisaska cudurka corona ee dalkiisa ay hoos u dhaceen kaddib markii ay “Ilaahay baryeen.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in iskuulada iyo jaamacadaha dib loo furi doono isbuucan wuxuu dhanka kale uu ka hadlay qorshe ay dowladdiisa ku qafiifinaysa karantiilka la geliyo dadka dalkiisa soo galaya. Dalka Tanzania kama jiraan tallaabooyin adag mana saarna xayiraad sida dalalka kale ilaa iyo hadda Tanzania waxa ay diwaangelisay 509 kiis halka ay cudurka corona u dhinteen dad gaaraya 29 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com