-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka, qeybtiisa 27-aad oo ka howlgala deegaanada Hir-Shabeelle ayaa iska fogeeyay dhacdadii lagu xasuuqay sideed qofood oo dhalinyaro xirfadleyaala ahaa. Falka lagu dilay dadkaas ayaa ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo Arbacadii shan nin oo hubeysan, kuna labisan dharka militariga ay dhalinyaradaas ka kaxeysteen xarun caafimaad oo ay ka howlgelayeen, kadibna shalay oo Khamiis aheyd meydkooda lasoo dhigay laamiga. Dadka deegaanka, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan ayaa militeriga Soomaaliya ku eedeeyay inay iyagu geysteen xasuuqaas, waxayna dadkii ku sugnaa halka laga ka xeystay dadka la dilay sheegeen in raga watay ay xirnaayeen Tuutaha ciidanka xoogga ee garabka ku leh calanka qaranka, balse uu afku u duubnaa. Taliyaha guutada 3-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Abshir Maxamuud Shitaqey ayaa sheegay in ciidanka militeriga Soomaaliya ee ku sugan deegaankaas aysan wax lug ah ku laheyn dhacdadaas xanuunka badan. Taliye Abshir Shitaqey oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay haatan ku jiraan baaritaano ku aadan sidii loo qaban lahaa ragii ka dambeeyay dhacdadaas lagu laayey dadka shacabka ah. Taliyaha ayaa carabka ku adkeeyay in ciidanka xoogga dalka aysan ku lug laheyn falkaas, taas bedelkeedna ay u taaganyihiin difaaca dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan ka suuroobin inay dilaan dadkii ay difaacayeen. Deegaanka Gololey oo falkan uu ka dhacay saacado ka hor inta aan dadka la dilay laga wadan goobtii ay ku sugnaayeen waxaa ka dhacay qarax lagu dilay sideed oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, waxayna dadka deegaanku sheegeen in ciidanku ay ka carroodeen qaraxaas, isla markaana ay sidaas ku kaxeysteen dhallinyarada.
-
Balcad (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay ka aamuseen xasuuqii deegaanka Gololey loogu gaystay sagaal dhallinyaro oo ahaa xirfadleyaal caafimaad. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa ku sheegay in aamusnaanta madaxda dowladda ee dhacdadan ay muujineyso “heerka naceybka loo qabo dadka ay kasoo jeedaan dhallinyarada” Mahad oo qoraalkiisa soo raaciyey sawir ayaa yiri “Meydadkan idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe. Dhacdadaan foosha xun ilaa hada madaxda dowlada Soomaaliya kama hadlin, dhacdooyin ka yar yar ayayna la qaylo dhaamin jireen, marka adigu iska garo, waa tusaale ku filan in aad fahamto heerka uu gaarsiisan yahay naceybka laguu qabo.” Waxa uu intaas ku daray: “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto’. Waxaan idiin sheegayaa hadii aan laga dhiidhiyin dhacdadaan foosha xun, gacan ku dhiigleyaashiina la soo qaban, laguna qasqaasin isla deegaankii ay xasuuqa ka gaysteen, caawa halla iga qoro “berri waxaad arki doontaan kuwa aan haybtooda la aqoon iyo calooshood u shaqaysteyaal la idiin soo kiraystay oo darsin-darsin dariiqyada idinkugu laynaya.” Qoraal kale ayuu sidoo kale xasuuqaas ku eedeeyey ciidamada dowladda isaga oo yiri “Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka afduubteen 8 qofood dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xarun caafimaad oo halkaas ku taala kadibna ay xasuuqeen.” “Waan cambaareynaynaa falkaan argagixiso ee ciidamada dowlada ka geysteen deegaanka Gololey waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah cadaalada loo horkeeno ciidamadii iyo saraakiishii xasuuqaan bini-adamnimada ka baxsan geystay.”
-
LONDON/WASHINGTON (Reuters) - Plans for debt relief for the world’s poorest countries inched forward on Thursday as private creditors laid out a blueprint for their involvement, though it received immediate criticism for not going far enough. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, May 28 (Xinhua) -- Somali Health Ministry on Thursday recorded 97 new COVID-19 cases, raising the total number of infections to 1,828. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta la hadlay ayaameel ka dhac weyn u geystay beesha Sool clan, isagoona ka hadlaykhilaafka Madaxweynaha Puntland iyo Ku-xigeenkiisa. Faysal Cali Waraabe ayaa si cad ula saftay madaxweyne Deni oo uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Ku-xigeenkiisa Karaash, oo isagu dhawaan sheegay inaysan salaanta iska qaadin Deni. Faysal ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Sool clan ay ‘khaati’ ka taagan-yihiin, isagoona xusay in Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, Baashe oo beeshaasi kasoo jeeda uu hor-taagan yahay qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Faysal ayaa sidoo kale Madaxweyne Deni ugu baaqay inuu gebi ahaanba ka takhaluso Karaash oo xiligan khilaaf ka dhex aloosanyahay, maadama uu awoodiisa ku haysto, waa sida uu hadalka u dhigaye. Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii soo dhaweeyay Baaqii dhawaan kasoo baxay qaar kamid ah Bulshada reer Somaliland, kuwaasi oo si weyn uga horyimid hogaaminta Muuse Biixi iyo gooni isku taaga Somaliland oo mudda 29-sano ah kadib aan midho dhalin.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hadalladii muranka dhaliyey ee Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira uu kaga hadlay heshiiska dhinacyada Jubaland, markii uu khudbad u jeediyey Golaha Ammaanka, ayaan ku jirin bayaanka rasmiga ah ee Amisom ay shaacisay. Madeira ayaa dhalleeceyn iyo cambaareyn kala kulmay markii heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.” “Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadal uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya. Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, bayaanka Madeira ee lagu dabaacy website-ka Amisom ayaa waxaa ka maqan hadallada doodda dhaliyey, wuxuuna Jublanad kaga hadlay hal sadar oo kaliya uu ku bogaaday “dib u heshiisiinta”. Arrintan ayaa dhalisay dhowr su’aal oo Amisom looga baahan yahay inay sharaxaad ka bixiso. Madeira, ma wuxuu bayaankii uu ka hor aqriyey Golaha Ammaanka gadaal ku daray hadallo ama sadaro aan ka mid ahayn midka uu Midowga Afrika ogaa, mise qeybta uu Jubaland kaga hadlay waxaa bayaanka laga saaray kadib markii doodda badan ay ka dhalatay? Madeira ayaa horey loogu eedeeyey inuu faraha la galay siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo la safan dowladda federaalka, kana soo horjeeda mucaaradka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ay is-hayaan. Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas. Halkan ka aqri bayaanka website-ka Amisom
-
Xaaladda Minneapolis oo faraha ka baxday iyo ciidamo lagu daad-gureyay Dhismooyin ayaa dab la qabadsiiyay, dukaamo badan boob ayaa loo geystay Dibadbaxyo ballaaran ayaa habeenkii 3-xaad ka socda magaalada Minneapolis kuwaasi oo looga oo horjeeda dil ay booliska u geysteen nin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd. Ciidamada Ilaalad Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah. Booliska ayaa sunta dadka ilmeysiisa oodda uga qaaday mudaaharaadayaasha iyadoo la arkayay ganacsiyo la boobayo. Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen Chicago, Illinois, Los Angeles, California, iyo Memphis, Tennessee. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykan ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky. Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ciidamada ilaalada qaranka ku daabulay Minneapolis kaddib markii ay maayarada codsadeen in ciidamadaasi la keeno iyadoo xaaladda amniga ay faraha ka baxday. Waxa uu sheegay in boobka ay geysanayaan dibadbaxayasha u sababay in ganacsiyo badan khasaaro loo geysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay. ”Geerida George Floyd waa iney nagu hogaamisa dhanka cadaaladda ee ma ahan in ay horseeddo burbur iyo dhimasho hor-leh.” Waxa uuna waxbixin uu soo saaray mudaaharaadyaasha ugu baaqay iney si nabdoon u banaan-baxaan. Maqaayad Minneapolis ku taallo oo dab la qabad siiyay Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in qareenka dagmada Hennepin Mike Freeman uu dacwad ku soo oogo sarkaakiishii booliska ahayd ee ku lugta lahaa dhimashadii George Floyd. Frey ayaa waxa uu sidoo kale yiri: ” George Floyd wuxuu u qalmaa cadaalad, qoyskiisa wuxuu ubaahan yahay cadaalad, bulshada madow waxay ubaahantahay cadaalad iyo magaaladeenuna waxay xaq u leedahay caddaadda.” George Floyd, oo ay da’diisu ahayd 46 sano ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishan Mayka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah ku leh “waan neefsan la’ahay”. Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilka magaalada Minneopolis loogu geystay George Floyd. Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaasi in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd. “Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa” Dhacdada ayaa ku soo beegmeysa isla-maalinti ay haweeney caddaan ah oo ku nool New York ay booliska wacday una sheegtay nin madow ah inuu u hanjabay kaddib marki uu ku yiri eeygaaga naga xiro. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya waxaa Agaasime cusub iyo ku xigeenkiisa loogu magacaabay hey’adda madaxa banaan ee tirakoobka qaranka, oo ah hay’ad cusub oo dowladda ay sameysay. Hey’addan oo dhawaan la aas-aasay ayaa agaasimaheeda loo magacaabay Sharma’arke Faarax, iyadoo agaasime ku xigeena loo magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Daahir. Qoraal kasoo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in Agaasimaha cusub ee Sharma’arke uu horay u ahaa la-taliyaha Ra’iisul wasaaraha ee dhanka dhaqaalaha iyo isku duwaha Qaramada Midoobey . Sidoo kale waxaa lagu xusay qoraalka in agaasimahan cusub lagu xushay khibrad dheer oo uu leeyahay, waxaana la sheegay in uu kasoo shaqeeyay cilmi baaris xaga dhaqaalaha iyo hormarinta waaxda bulshada oo ay kamid tahay hoggaaminta doorka khubarada farsamada UN, World Bank, DfID iyo USAID. Sharciga tirakoobka qaranka ayaa la ansixiyay bisha Febraayo ee sanadkan, waxaana lagu maamuli doonaa guddi leh agaasime iyo agaasime guud. Guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa hey’addan tirakoobka qaranka, oo sameyn doonta siyaasadaha dalka, sidoo kale dejin doontaa xeerarkeeda gudaha iyo shuruucda tirakoobka iyo sahamin guud oo ka dhici doonta Soomaaliya. Hey’adda tirakoobka qaranka waajibkeeda koowaad waa soo uruurinta, kala dhig dhigidda, baahinta xogta rasmiga ah ee dhaqaalaha dalka, bulshada, iyo tirakoobka guud ee qaranka. Ahmiyadeheeda deg deg ah waxaa ka mid ah xoojinta tayada, soo saarista xogta, iyo faafinta tirakoobka dhaqaalaha, oo ay ku jiraan horumarinta wax soo saarka GDP-ku saleysan qiyaasta.
-
Waxaa shacabkeena Somaliland wareeriyey 29 sanno Ictiraaf. Aqooni waxay u baahan tahay maskax qaadi karta hagi karta ee maaha, wax baan Akhrin karaa qori karaa, waan u soo halgamey, masuuliyadaasi waxay u baahan tahay shakhsi leh, maskax, garsoorid, aragti fog, dejin siyaasadeed, hogaamin aabenimimo leh iyo shuruudihii horumarineed ee himiladooda lahaa. Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waa hey’ad dowladeed oo qaranka mas’uul looga dhigay arimaha ku saabsan adeega caafimaadka dadweeynaha, miyi iyo magaaloba, barri iyo galbeed ba, Sida korinta caruurta, cuduradda faafa..iwm.. Waxa is weydiin leh ma gudatey waajibkeedii 29 sanno? haddii aysan gudan maxaa dib u dhac ku sameeyay.? maxaase keenay cusbitaalo gaar loo leeyahay oo fara badan.? Somaliland waxaa ragaadiyey 29 sanadood, oo naafeeyey horumarkeeddi bulsho iyo keedi dhaqaalaba, aafada (Musuqmaasuqa) oo xalaal ka dhex noqotay hay’adaha dawladda ee kala duwan, iyadoo musuqmaasuqu noqday wax aan layskula yaabin balse loo tartamo oo layskula yaabin. Horseedeyna maamul xumo oo la lumiyey adeegii bulshadda, sida maanta Cisbitaaladii waaweynaa ee dalka looga waayey (OXGYEN). Maanta adduunkii Covid-19 baa jira wuxuuu ku faafi karaa dhibco yar yar oo illi ma qabatey ah, sida candhuuufada ama hab dhiska neef mareenka, qufaca iyo hindhisada, ka taxadirra inaad qof kale ku dhowaatid. PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKEY Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The bodies of eight young men, seven of them health workers have been discovered on Thursday after they were and killed in an execution-style slaying in Middle Shabelle's Gololey village. Source: Hiiraan Online
-
Hon. Mahad Salad Meydadkan idiin muuqda waa Dhalinyaradii Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku xasuuqeen Deegaanka Gololey ee hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhaxe. Dhacdadaan foosha [...] The post Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadalay 8 Dhalinyaro ah oo la sheegay in Ciidamada Dawladu ku dileen degaanka Galooley ee Degmada Balcad appeared first on . Source
-
Garowe (PP News Desk) — Kaah, a political association formed by President of Puntland State Said Abdullahi Deni, today opened a branch office in Bandarbeyla district in Karkaar. Locals initially objected to the opening of the branch office. A delegation led by Mohammed Ali Nur, The Director General of the Ministry of Interior, led the Kaah delegation. Elders in Banderbayla intervened and ensured the opening of KAAH branch office in Bandarbeyla. Puntland Water Development Agency confirms the visit of the Interior Ministry Director General to Bandarbeyla Puntland Post has received a video clip featuring demonstrators marching in Bandarbeyla town centre and chanting “We don’t want”, apparently in reference to Kaah. At the town centre where demonstrators gathered, a local man delivered a short speech against “divisive policies political parties can use” to enlist members. “A father and his son could join two opposing parties. The future belongs to youths” the man said. Meanwhile, members of KAAH and a staff mem at Puntland Presidency have issued contradictory statements in social media platforms. Yaqub Mohamed Abdalle, a member of KAAH, wrote in his Facebook page that “no representatives from KAAH have visited Bandarbeyla.” Abdirashid Osman Shali’o, the deputy director of communications at Puntland Presidency wrote in his Facebook page that KAAH had opened a branch office in Bandarbeyla. Puntland Constitution bars civil servants from using public offices for political purposes KAAH has come under fire for “violating Puntland Constitution”. Article 128 of Puntland Constitution states “civil servants are not allowed to use public offices for political purposes”. Puntland State Government has yet to comment on the conflicting accounts on political campaigns of KAAH. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT DENI’S POLITICAL ASSOCIATION “VIOLATES” PUNTLAND CONSTITUTION appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan halkani ka daawo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Baashe waa mid ka mid ah astaamaha qaranka. Wax kasta oo dhaca maaha in sidaa loo wada hadlo gudoomiye Baashe xaal baanu ka siinaynaa gefka loo geystay guud ahaan dadka reer Sool. Baashe wuxu ka mid yahay astaamaha qaranka, shaqo ahaan waa la dhaliili karaa, laakiin in hadal u eg inaanu dalka waxba ku lahayn oo marti ku yahay lagu yidhaah uma ogolin. Nasiibdaro ka weyni ma jirto in qof reer Somaliland ah laga sheegto qaranka uu xilka u hayo, Baashe iyo beeshiisuba marti kuma aha qaranka ee waa hantidooda, haddii aanay Somaliland ka mid ahayna ma jirteen. Waxaan lee yahay ha naga kala tuurin Somaliland isku yabyabaynay. W/Q Mustafe Shiine Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-28052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dil maanta ka dhacay xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Yaaqshiid oo koox bastoolado ku hubeysan ay u geystee Ugaas caan ahaa iyo askari ilaalo u ahaa ayaa goobtii lagu aasayey meydka labadaas marxuum waxaa ka dhacday shaqaaqo kale oo qof ku dhintay ku kalena ku dhaawacmay. Labada marxuum ee markii hore la dilay waxay kala ahaayeen Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo askari ilaalo u ahaa, waxaana la sheegay in kooxdii geysatay dilkaas ay goobta ka baxsatay. Intii lagu howlanaa aaska labadaas marxuum, waxuu muran xoog leh ka dhex dhashay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya iyo Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar Caweeye, kuwaas oo kasoo wada qeyb galay aaska. Wasiir ku xigeenka dakadaha iyo gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare oo ka mid ah ehellada ugaaska, isla markaana ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey sida ay u dhacday shaqaaqadaas. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in muranyar kadib uu sarkaalka booliska ah toogtay Nabadoon Maxamed Cumar Caweeye, iyadoo halkaas uu ku dhaawacmay sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta, kaas oo isku deyayey in uu kala dhex galo nabadoonka dhintay iyo sarkaalka dilay. Sarkaalka ka tirsan ciidanka Asluubta eek u dhaawacmay goobtaas waxaa lagu magacaabaa Mustaf Sheekh Cali, waxayna tirada guud ee dhimashadu gaartay seddax qofood, dhaawaca hal kale. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqaaqada uu ku dhintay nabadoonka dambe ay haatan xalkeeda u fadhiyaan ehellada labada dhinac oo sida uu sheegay ah dad aad isugu dhaw oo qaraabo ah. Hoos ka dhageyso weysiga Xuseen Maxamed Tuuryare wasiir ku xigeenka dakadaha Hir-Shabeelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Husen-M-Turyare-WasDekedaha-Iyo-Gadidka-hirshabele.mp3
