-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne dafiray fayraska corona oo haatan dalkiisa laga la’yahay meel bukaanada la kala geeyo Maayarka magaalada ugu weyn dalkaasi Barazil ee Sao Paulo ayaa sheegaya in habka caafimaad ee magaalada uu qarka u saaran yahay inuu bur-buro oo waxaa laga cabsi qabaa iney isbitaalada buux dhaafaan. Waxaa sare u sii kacayso baahida loo qabo sariiraha la seexiyo dadka uu aadka usoo ritay fayraska corona. Bruno Covas ayaa sheegay in barasaabka gobolka ay kawada hadlayeen in magaalada gabi ahaanba lagu soo rogo Bandow habeen iyo maalin ah. Bruno Covas ugu baaqay shacabka in ay joojiyaan jabinta sharciga xayiraadaha laga soo rogay dalkaasi. São Paulo aad ayuu u saameeyay xanuunka fayraska oo waxaa ku geeriyootay ilaa 3,000 o qof. Sabtidii Brazil waxay hormartay dalka Spain oo uu isagana aad ula dagay fayraska corona. Wasaaradda caafimaadka ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay soo werisay 7,938 oo kiisas cusub ah, taasi oo tirada guud dadka uu soo ritay xanuunka ka dhigeyso 241,000 oo Mareykanka, Ruushka iyo UK kaliya ayaa ka horreeya. kiisaska dhimashada ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa gaaray 485, oo qof wxaayna taasi micneheedu yahay in tirada guud ee dhimashada haatan gaartay 16,118 waana dalka shanaad ee ugu dhimashad badan dunida oo dhan. Khubarada caafimaadka ee Brazil ayaa ka digay in tirada saxda ee kiisaska la xaqiijiyay ay intaasi ka badan karaan sababo la xiriira baaritaan la’aanta. Madaxweynaha dalkaasi Jair Bolsonaro ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu ula tacaalay xanuunka fayraska corona. Sida madaxweyne Bolsonaro uu ula tacaalay fayraska corona? Waxa uu yiri kala fogaanshiyaha dadweynaha waxa ay uga sii dareysaa dhaaqaale xumida dalka isagoona sidoo kale fayraska ku tilmaamay hargab yar oo sidaa usii weynayn. ‘Hargab yar’ Daraasad ayaa muujisay in Brazil ay ka mid tahay dalalka kiisaska ugu badan ee coronavirus ah laga diiwaan galiyo Bishii April Mr Bolsonaro ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab iska yar”. Warbaahinta ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah si ay shacabka u khal khal galiyaan. Dhanka kale, kooxo taageersan madaxweynaha ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir ay ka muuqdaan naxashyo ay sheegeen inay maran yihiin oo la aasayo si loo buunbuuniyo tirada dhimashada ee cudurka. Ugu yaraan saddex wariye ayaa la weeraray intii uu socday isu soo baxaya uu Axaddii ka qeyb galay madaxweynaha, kaasoo ay isugu tageen boqollaal qof. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa aragtay wariye sawir qaade ah oo jaranjaro laga soo riday, kaddibna si xun loo garaacay. Taageerayaal ayaa isku dayay in wariye sawir qaade ah ka hor istaagaan shaqadiisa Inkiraad ku kali ah “Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda,” waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. “Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan.” Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus. Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin. Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray. Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go’an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka. Qaran News
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Wasiirka Bidhaan oo garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen in qiimeyn ay ku sameeyaan xaaladaha Caafimaadka deegaanka iyo iyo Arrimo kale. Maamulka iyo qeybo ka mid ah bulshada ayaan kusoo dhaweeyay wasiirka iyo wafdigiisa markii ay gareen halkaasi. Wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka amba baxay garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho waxaana ay geeyeen agab Caafimaadka oo looga hortaga Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19. Dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka oo dhan kawada howlaha lagu xakameynayo cudurkaan caalamka afeeyay ee Karoona waxaana ay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada dalka ay gaarsiiyay agabyo caafimaad oo ay qeyb ka yihiin kuwa lagula tacaalo bukaanada qaba caabuqa iyo kuwa looga hortago. View the full article
-
Dal ku guuleystay daweynta dhammaan bukaanadii uu ku dhacay fayraska corona Bukaankii ugu dambeeyay ee Cambodia ayaa laga daweeyay fayraska corona waxaana laga saaray isbitaalka, taasi oo dalkaasi ka dhigtay dal aanay haatan jirin qof qaba fayraska corona. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in qofkan ugu dambeeyay ee ka dawoobay xanuunka ay ahayd haweeney 36 sano jir ah oo ka timaadday gobolka Banteay Meanchey, taasi oo ku jirtay isbitaalka Khmer Soviet Friendship ee magaalada Phnom Penh. Muuqaal laga soo duubay haweeneydan 36 jirka ah ayaa muuhinyay iyadoo isbitaalka ka sii baxaysa waxaa muuqaalka laga baahiyay Telefishinka Qaranka Cambodia. Dalkaasi ayaa waxaa uu xanuunka fayraska corona soo ritay 122 mana jirin qof qudha oo u geeriyooday fayraskan dunida halakeeyay. Balse saraakiisha ayaa ka digtay ineysan marnaba khafiifin doonin xayiraadihii fayraska corona awgii loo soo rogay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen iskuulada la xiray, baaritaanada lagu sameynayo dadka ka soo tallaabo xudduuda iyo karantiilka. 12-kii April ayay ahayd markii ugu dambeysay ee kiis cusub laga soo sheego dalkaasi. Tan iyo bishii Janaayo waxaa dalkaasi baaritaan lagu sameeyay 14,684, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Wasiiirka Caafimaadka Mam Bunheng ayaa dadka ku booriyay iney feejignaadaan oo ay kala fogaanshaha bulshada ilaaliyaan. Waxaanu umaleyneynaa in intabadan kiisaska ay ahaayeen kuwa la soo dhoofiyay, marka sidaa darteed waa inaan ka taxadarnaa oo aanu baaritaanada baraha koontaroolka sii kordhinaa,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Mam Bunheng. ”Dadka safarrada ka yimaada ee dalkeena soo galaya waa iney wataan warqad caafimaad oo muujineysa ineysan qabin fayraska corona, markaasi kaddib ayaa loo ogolaanayaa iney gudaha usoo galaan Cambodia. Marka ay soo galaana waxa ay galayaan muddo 14 maalmood oo karantiil ah,” ayuu yiri wasiirka. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey sanad guurada 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida deeqaha loo soo marsiiyo dowladda federaalka iyo wada-hadalada labada dhinac. Biixi ayaa sheegay inay marka soo dhaweynayaan deeqaha ay ka helaan beesha caalamka, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in ay isku filan yihiin, islamarkaana xukuumadda Muqdisho ay tahay cadow ka soo horjeeda madax-banaanidooda iyo in la aqoonsado. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay. Muuse Bixii ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah. Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in madaxda dowladda federaalka ay aaminsan yihiin midnimo, balse loo baahan yahay in laga heshiisyo ajandaha laga wada-hadlayo, si ay natiijo waxtar leh uga soo baxaan wada-hadallaasi. Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey inay fiicnaan laheyd in Soomaaliya iyo Somaliland ay isla tagaan maxkamad, haddii wada-hadallada lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Madaxweynaha-Soomaaliland.mp3
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka maamul gobolleedka Puntland oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inay khafiifiyeen amaradii xayiraada ee ay hore ugu soo rogeen deegaanada maamulkaasi. Jaamac Faarax Xasan ayaa sababta ku sheegay munaasabadda Ciidul-Fidriga ee fooda inagu soo heysa, sidaas awgeed ay garteen in la khafiifiyo xayiraadda. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in la fasaxay dhammaan isku socodka xuduudaha iyo Qaadka la soo geliyo maamulka Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in aan Jaadka lagu iibin karin agagaarka xarumaha maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, sababo la xadhiidha ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ma shaacin wasiirka caafimaadka Puntland in Ciida Soon-Fur kadib dib la soo celinayo bandowga iyo in kale, balse wuxuu xusay inay dib uga fakiri doonaan go’aamadaasi. Puntland ayaa bandowga soo rogtay 27-kii march, si loo xakameeyo fidista Coronavirus oo laga helay wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi Source
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta khudbad ka jeediyay sannad-guurada 18-May oo ku beegan 1991-dii markii maamulkaasi ku dhawaaqay goonni-goosadka, ayaa mar kale ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku aaddan wada-xaajoodka dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in haddii la doonayo wada-hadal dhab ah oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, ay marka hore shardi tahay in sidii laba dowladood oo deris ah loo wada hadlo. Balse, wuxuu sheegay in Somaliland aysan wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Soomaaliya, inta mas’uuliyiinta Xamar joogta ay Somaliland ugu yeerayaan magaca “gobollada waqooyi ee Soomaaliya” taasina ay tahay xaqiraad sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wada-hadalka labada dhinac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsantahay in kala go’ oo keliya laga wada-hadlo. Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay maxkamad caalamiya isla tagaan, haddii wada-hadalka lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Biixi oo soo bandhigay qorshe aan wada-hadal ahayn oo Somaliland Soomaaliya ku kala bixi karaan! appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo abaabushay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan. Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka COVID-19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda. PUNTLAND POST The post Jubaland iyo Beesha Caalamka oo ka wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhaliilay dowladda federaaka iyo beesha caalamka in aysan maamulkiisa ka gacan siinin dhinaca amniga. Deni ayaa sheegay in Puntland lagu yahay weerar, islamarkaana aysan jirin cid ka taageerta ka hortagida falalka liddiga ku ah nabad-gelyada. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii shalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, wuxuuna tilmaamay in dadkii ka dambeeyey ay la kulmi doonaan ciqaab adag. Hakaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/de.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN Pro. Abdihabiib Yasin Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN Pro. Abdihabiib Yasin Warsame ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo shalay ku dhintay qarax ismiidaamin ah kaas oo lagula eegtay magaalada Gaalkacyo. “Inaa lilaahi waa inaa ilaahi raajucuun. Marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta badneyd oo lagu diley Gudoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muse Nuur. Waxaan leeyahay qoyskii, eheladii iyo guud ahaan gobolka Mudug allah samir iyo iimaan ha idin ka siiyo.” Guddoomiye Pro. Abdihabiib Yasin ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo in ay u midoobaan kooxaha dilalka qorshaysan la beegsada mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qiimaha ku dhexleh bulshada. “ Waxaan farayaa shacabka Mudug, gaarahaan shacabka degmadda Galkacyo in ay u madoobaan cadowga dilalka qorsheysan la beegsada madaxdooda iyo dadka bulshada ugu qaymaha badan.” Ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN. Sidoo kale dowladda Puntland ayuu ugu baaqay in ay tallaabo deg-deg ah ka qaaddo ciddii ka danbaysay dilka Gudoomiyihii gobolka Mudug iyo mas’uuliyiintii ka horreeyay ee la dilay. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee Africom ayaa sheegay inay duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 17-kii May. Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Africm waxay sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda ay qiimeysay in duqeyntaas aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman dad shacab ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay duqeyntan, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada kumandooska Soomaaliya iyo taliska Africom. Duqeyntan ayaa ahaa tii ugu horreysay ee Africom ay xaqiijiyaan inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, sidii ay u billaabatay bisha barakeysan ee Ramadan. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdullhi Deni oo ka hadlayey arrimaha amniga ayaa sheegay in ay jiraan arrimo lagu wiiqayo Puntland isaga oo yiri “Arrimo badan oo ishuwan oo siyaasadeed oo lagu wiiqayo dowladnimada iyo horumarka ay Puntland gaartay maalmaha soo socda ayaan ka hadli doonnaa Dhanka kale, waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale la wiiqayo federalismka “Dalka marxalad cusub ayuu galay oo la rabo dadaalka federalism-ka iyo dowlad dhiska, la rabo in wiiqayo kala dambeynta, la rabo in qof walba sharciga gacanta ku qaato, degmo walbo iyo magaalo walbo wax loo akhriyo. Ugu dambeyntii, waxaa uu soojeediyey in Puntland isku tashato “Waxa laga helaayo waa wax sheydaan falkiyey, wax wanaag ah kuma jiraan, hadal siyaasadeed oo laga dhex heli karo iima muuqdaan, dowladnimadu iyo siyaasaddu waa inaad bulshadaada u shaqeyso, ma aha inaad caado qaate noqotid, dano yar oo macno laheyn aad waqtigaaga ku lumiso, dowladnimu waa inaad dadkaaga u shaqeyso, fahamka qaldan ee dowladnimo waa in Puntland dib u fiiriyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Sciiid Cabdulaahi Deni oo si adag uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ee shalay ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in dul-qaadkii uu ka dhamaaday, islamarkaana ay u aari doonaan dilka guddoomiyihii gobolka Mudug, Allaha u naxariistee Axmed Muuse Nuur. Siciid Deni ayaa amray hay’adaha amniga inay jawaab ka bixiyeen weerarkaasi, islamarkaana ay dabagal ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen. “Hay’adaha ammaanka waa in ay bixiyaan jawaabta waajibka saaran ee ah in ay dabagal ku sameeyaan sida ay wax u dhaceen, waxa aan fududeyneenaa in cadaaladda la waafajiyo qof waliba oo lagu caddeeyo ku lug lahaanta kiiskaan ama kuwo lamid ah, xaqiiqdii Puntland weerar ayaa lagu yahay, Shacabku waa in ay taasi gartaan oo ay difaacdaan maamulkooda” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay ku raad-joogaan hay’adaha amniga maamulka Puntland dadkii lug lahaa weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in si deg-deg ah cadaalada loo horkeeni doon, islamarkaana la toogan doono, sida uu hadalka uu dhigay “Waa in Cadaaladda la horgeeyo oo la toogto dadkii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Axmed Muuse Nuur, waxa aan ballanqaadayaa in cid waliba oo soo galo raad ku saabsan falkaas in cadaaladda aysan ka baxsan doonin” ayuu markale yiri. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa sheegay in gacanta lagu hayo raggii ka dambeeyey weerarkii lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir, kaas oo dhacay 29-kii bishii Maarso ee sanadkaan 2020-ka. Ugu dambeyn wuxuu dhaliil u jeediyey dowladda dhexe iyo beesha caalamka, isaga oo sheegay in aysan ka gacan siinin amniga iyo ka hortagga weerarada qorsheysan.
-
Degmada Hodan ayaa xalay u gudubtay wareega Sama-Finalka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay degmada Warta Nabadda ee G/Banaadir Labada degmo oo ka soo kala baxay group-yada C iyo D ee wareegii koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa muujiyey dadaal iyo fir-fircooni, hayeeshee waxay guushu raacday tartamayaasha degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Hodan ayaa la timid 10 dhibcood, halka 8 buundo ay iyana keensatay degmada Warta Nabadda oo laga guuleystay, waxaana sidaasi ay uga hartay guud ahaan tartanka. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Guddiga Covid-19 ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan tahay 18-ka May 2020-ka, la khafiifiyey go’aamadii bandowga ee uu horey u soo saaray guddigu, sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo keenista Qaadka. Dadka qaadka ka ganacsada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee wax kala iibsanaysa wuxuu guddigu faray inay u hoggaansamaan oo ay illaaliyaan tallooyinka caafimaadka, sida nadaafada, Af-xirka, gacmo-gashiga iyo isu jirsiga masaafo marka wax la kala iibsanayo. “Guddiga ayaa arrintan dib u fiirin doona ciida kadib, inshallah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga ka hortaga Covid-19 ee maamulkaasi Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sameeyey cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kulan gaar ah kula qaatay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda adag ee magaaladaasi, gaar ahaan fatahaada webiga Shabelle. Kulakaan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray sida ay muhiimka u tahay hirgelinta barnaamijka xalka waara ee Beledweyne looga leexinayo biyaha mar-welibo ku fataha. Waare iyo golihiisa wasiirada ayaa waxa ay qorsheeyeen in dhowaan la fuliyo mashaariic wax-gal ah oo looga hortaago fatahaada webiga Shabelle iyo dhisida garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Ugaas Khaliif oo haatan u baahan dib u dhis ballaaran. Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday xubnaha golihiisa wasiirada HirShabele inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan bulshada maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-18052020www.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government has relaxed the lockdown ahead of Eid Al Fitr. The relaxation of the lockdown will come into effect today. According to a statement released by Puntland Committee for Covid-19 Prevention, “restrictions on travel and business has been relaxed from 18 May 2020.” The Committee has lifted the moratorium on khat businesses. “People selling or buying khat must follow the health advice and wear a face mask and maintain two-metre social distancing” the statement reads. After the end of the Holy Month of Ramadan the Committee for Covid-19 Prevention will review the decision to relax the lockdown. Puntland has seen an increase in the number of people, including Cabinet Ministers, who had fallen ill with Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND STATE RELAXES THE LOCKDOWN appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlay Taageerada dhanka Amniga ah ee Beesha Caalamku siiyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Taageeradaas aysan waxba ka soo gaarin Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dalalka ku bahoobay Beesha Caalamka, aysan Puntland wax taageero ah ku siin dhinaca Amniga, islamarkaana marar badan ay Puntland taageero ka dalbatay, balse ka wayday Dalabkaas. “ Waxaan runtii aad uga xumay, international community-ga ee marar badan hafra in ay Amniga Soomaaliya ka shaqeeyaan, waxaan u sheegaya in Puntland aysan wax Amnigeeda ah ka shaqayn” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha, ayaa sheegay in Beesha Caalamku aysan diyaar u ahayn, in ay Puntand ka taageeraan Arrimaha Amniga iyo Dhismaha Ciidamada kala duwan, si lo helo Ciidamo ku filan Nabadgelyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay Soomaaliya la doonayaan isbeddel qalliban, oo ku dhisan in la burburiyo Nidaamyadii horay u jiray, kadibna kor wax laga soo dhiso, isagoo xusay in taasi aysan ka turjumayn Nidaamka Federaalka. Mudane Deni, ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka Reer Puntland ay isku tashadaan, oo aysan waxba ka sugin Beesha Caalamka iyo cid kale toona. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni: Beesha Caalamku waa na hafrayaan ma jiro Amni ay nagala shaqeeyaan appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey inay khafiifiyeen amaradii xayiraada ee ay horay ugu soo rogeen deegaanada maamulkaasi. Jaamac Faarax Xasan ayaa sababta ku sheegay munaasabadda Ciidul-Fidriga ee fooda inagu soo heysa, sidaas awgeed ay garteen in la khafiifiyo xayiraadda. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in la fasaxay dhammaan isku socodka xuduudaha iyo Qaadka la soo geliyo maamulka Puntland, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in aan Jaadka lagu iibin karin agagaarka xarumaha maamulka iyo kuwa Qaramada Midoobay, sababo la xariira ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ma shaacin wasiirka caafimaadka Puntland in Ciida Soon-Fur kadib dib la soo celinayo bandowga iyo in kale, balse wuxuu xusay inay dib uga fakiri doonaan go’aamadaasi. “Guddiga ayaa arrintan dib u fiirin doona ciida kadib, inshallah” ayuu yiri wasiir Jaamac Faarax Xasan. Puntland ayaa bandowga soo rogtay 27-kii Maarso, si loo xakameeyo fidista Coronavirus oo laga helay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.
-
The European Union has announced €105.5 million in aid to Horn of Africa nations facing not just the coronavirus pandemic but also ongoing conflict, Source: Hiiraan Online
-
Emirates plans to cut about 30,000 jobs amid virus outbreak
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Emirates Group is planning to cut about 30,000 jobs to reduce costs amid the coronavirus outbreak, which will bring down its number of employees by about 30% from more than 105,000 at the end of March, Bloomberg News reported on Sunday. Source: Hiiraan Online -
Waanwaan laga dhex wadaySiciid Deni & Axmed Karaash o fashil ku dhamaatey Warar saacadihii u dambeeyay soo baxay, ayaa sheegay in ay fashil ku dhammaatay waan-waantii laga dhex waday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo sida la sheegayo saacadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixiyay xallinta khilaafkaas, ayaa ugu dambeyntii ku guul-darraystay dhex-dhexaadintii labada mas’uul. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in Deni iyo Axmed Karaash mid kasta uu ku adkaysanayo mowqifkiisi hore, islamarkaana aan dhinacna tanaasul iyo isu’ soo dhawaansho muujin, sidaasi darteedna uu ku fashilmay dadaalkii Guddoomiyaha Baarlamanka. Khilaafkan cusub ayaa bilowday 14-kii bishan May-2020 kadib markii Madaxweyne Deni magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo Madaxweyne ku xigeenku sheegay in aan lagala tashan. Mudane Axmed Karaash, ayaa sheeegay in magacaabistaasi aysan sharciga waafaqsanayn, islamarkaana G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi oo Madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday uu weli yahay taliye ku xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, wuxuu amar ku siiyay Taliye ku xigeenkii Madaxweyne Deni xilka ka qaaday in uusan u hoggaansamin xilka qaadista, balse uu sii wato waajibaadkiisa shaqo. Qaran News
-
Popular Contributors
