Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran. Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka iyadoo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada dalka Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya. Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeedhay inay xayiraada ka qaado qaadka. Ganacsatada oo farriin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun. Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xooggan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas. Source
  2. (SLT-China)-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu taageerayo baaqa Caalamka ee ah in la sameeyo baadhitaan saynis ah oo madaxbanaan oo ku saabsan asalka Cudurka Coronavirus, hase yeeshee wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore laga wada shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa cudurka. Madaxweynaha ayaa hadalka ka jeediyay Shirka Sannadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Ilaa 100 waddan oo caalamka ayaa ku baaqay in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyay asalka halka uu ka yimid Cudurka. Madaxweynuhu ayaa difaacay habka waddankiisu u maareeyay faafitaanka Cudurka, waxaana uu sheegay in si daacad ah ay uga warbixiyeen khatarta cudurka iyo faafitaankiisa. Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa doonaya in Shiinaha dhabarka loo saaro in uu masuul ka yahay Coronavirus, islamarkaana waxay ku baaqayaan in baadhitaan madaxbanaan lagu sameeyo asalka Cudurka. Fayraska Covid-19 ayaa ka soo shaac baxay magaalada Wuhan, ee dalka Shiinaha, bishii Diseembar, waxaana uu dilay dad ka badan Saddex Boqol oo kun qof ayaa u dhintay Cudurka, waxaana uu saameeyay dad ka badan 4 Milyan oo qof. Source
  3. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu u dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan maamullada dariska ee Puntland iyo Galmudug, waxaana xoogiisa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka oo ahaa mid culus la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac oo horay ugu dagaalamay halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaan ku geeriyooday ugu yaraab laba qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale oo dhamaan ah dhinacyadadiid diriray. Dagaallada u dhexeeya maleeshiyada labada dhinac ayaa marar badan ku soo laa-laabtay gobolka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.
  4. Demada Waabari ayaa xalay guul weyn u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Waabari oo u gudbtay wareega afar dhamaadka ayaa keensatay 8 dhibcood, halka Marka ay la timid 2 buundo oo kaliya, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Dhinaca kale waxaa caawa la guda-geli doonaa wareega Sama-Finalka ee tartanka oo ay isugu soo hareen illaa afar degmo oo kala ah Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Waabari, waxaana lugta ugu horreysa ku ballansan Wadajir iyo Hoodan ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  5. Machadka arrimaha amniga wax qora ee Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal 4 bille ah uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ay kordheen dilalka qorsheysan ee dhacay bilihii tagay ee sanadkan marka loo eego dhiggooda sanadkii hore. Dilalka shirqoolka ah waxaa ay quaterka hore ee sanadkan ku sheegteen 47 oo ka dhigan kor u ka coo 33 aheyd xilligan oo kale sanadkii hore. Sidoo kale waxaa la sheegay iney jireen weerarada tooska ah, bambooyinka, kuwa qaraxyada iyo noocyada oo dhammaan ay Al-shabaab horay u isticmaali jireen. Qoraalka waxaa ku jiray in 15-kii bil ee tagay ay hoos u dhacday taktikada iyo dilalkii badnaa ee Al-shabaab oo hadda bustoolado adeegsadaan. Al-shabaab waxaa weli ay si joogta ah u bartilmaameedsanadaan sida ay u kala horeeyaan ciidamada xoogga dalka, AMISOM, booliiska, shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada iyo odeyaasha dhaqanka. Waxaa ku jira qoraalkiinna in Al-shabaab weerarada ugu badan ee lagu qaado ay yihiin kuwa duqeybta Mareykanka iyo waxyar oo Danab iyo Gorgor ah. Warbixinta ayaa imaaneysa iyada oo uu fashilmay qorshihii amniga ee lagu soo heshiiyey shirkii London 2017-kii iyo iyada oo dhowr bil ka hor doorasho guud oo la filayo iney Soomaaliya ka dhacdo, waxaana shaki weyn ku jiraa sugidda amniga deegaannada doorashada, ergada iyo murashaxiinta. Waxaa kale oo aan weli muuqan qorshaha ka dhan ah Al-shabaab ee maamulka Farmaajo oo horay u balanqaaday in 2 sano kusoo afjari doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran. Hoos Ka Akhriso Wareegtada Cafiska loogu fidiyay Maxaabiista. Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149; Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan Arkay: soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020; Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khuseyso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca cirka ah oo ay xalay saq-dhexe diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha si gaar ah diyaaraduhu ay ula beegsadeen deegaano ka tirsan degmooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weeraradaasi dhanka cirka ah uu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay duqeymahaasi, kuwaas oo kala ahaa Hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaaka ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo shacab ahaa, iyadoona dadkaasi uu gantaal ugu tegay Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Cows-Qurun oo qiyaas ahaan illaa 70 KM dhinaca koonfur ka xiga magaalada Ceel-Waaq oo ka tirsan gobolka Gedo. Lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday dadkaasi rayidka ah ee ay Kenya xalay ku leysay duqeynta, iyadoona horay ciidamadeeda ay dhibaato uga wadeen gobolkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ma jiro weli wax hadal ah ka soo baxay maamulka gobolka Gedo, Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku aadan duqeymahaasi.
  8. Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in bandow guud maalmaha Ciidda Soonfur lagu soo rogay dhammaan gobollada dalkaasi laga bilaabo Sabtida soo socota si looga gaashaanto faafidda Xanuunka COVID-19. Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in bandowgaasi guud uu socon doono mudda afar maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota islamarkaana ku eg maalinta Talaadada ah ee isla todobaadkaas si loo hakiyo isu-imaatinada dadweynaha ee maalmaha Ciidda Soonfur. Mr Erdoğan ayaa dadweynaha Turkiga ugu baaqay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan bandowga maalmaha Ciidda lagu soo rogay dalka sidoo kalena ay dhaqan-geliyaan dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga xanuunka COVID-19 si looga feejignaado cudurkaas. Balse madaxweyne Recep Erdoğan ayaa xusay in dadka da’doodu ka weyntahay 65-sannadood loo ogolyahay in ay socdaan lixda saacadood ee u horraysa maalinta ay kow tahay Ciidda oo sida uu sheegay bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda. Sidoo kale Salaadaha Jimaacada ayuu sheegay in masaajidda lagu tukan karo Salaadda Duhur iyo tan Casar oo keliya mudada uu socdo bandowgaasi guud. PUNTLAND POST The post Dalka Turkiga oo bandow guud lagu soo rogay maalmaha Ciidda appeared first on Puntland Post.
  9. Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal gaar ahaa ka fuliyeen Guri ku yaalla deegaanka Wargalo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa wax ay sheegeen in ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay galeen Guriga, isla markaana ay is rasaaseyn kooban dhex-martay ciidamada dowladda iyo nin hubeysan oo ku sugnaa hoygaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana saraakiishu aysan weli wax faah faahin ah ka bixin u jeedka howlgalka looga fuliyey Gurigaas iyo waxa uu ahaa ninka dagaalamay ee ku sugnaa. Ciidamada dowladda ee ku sagan deegaanada Galmudug ayaa dhowr jeer waxa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Camaara, waxaana jiray dagaal ay la galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi View the full article
  10. Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday agagaarka magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo. Inta la xaqiijiyey waxaa duqeymahaasi ku dhintay saddex ruux oo kala ahaa Hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay, halka qof kale oo rayid ah uu isna ku dhaawacmay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Cows-Qurun oo 70 KM dhinaca koonfur ka xiga degmada Ceel-Waaq. Lama oga hebta diyaaradaha dagaal ee fuliyey weerarkaasi, balse inta badan diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo culus ka fuliya gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Waa habeen labaad oo xiriir ah oo duqeymo laga fulinayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaa kuwa ku dhow-dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. “Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.
  12. Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay AMISOM ku wareejisay saldhig cusub oo halkaas laga dhisay kaas oo wax badan ka tari doona amniga gobolka. Saldhigan waxaa maalgeliyey dalka Denmark, waxaana la sheegayaa in barnaamijkan uu qeyb ka yahay tabta ay ciidamada AMISOM amniga ugu wareejinayaan Soomaalida. Brigadier Paul Njema, oo AMISOM madax ah uga ah Sector 2, ayaa wareejiyey saldhigga isaga oo ku hadlaya magaca ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in Dhoobley ay noqotay magaalo weyn, marka ay magaalo kortana waxa ay wadataa caqabado una baahan amni”. Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.” Qorshaha ciidamada Soomaalida ay amniga kala wareegayaan AMISOM waxaa uu bilowday April 2018, waxaana lagu wadaa inuu socda ilaa 2021, kolkaas oo lagu wado in AMISOM ay Soomaaliya isaga baxdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-190520.mp3 View the full article
  14. ADDIS ABABA, Ethiopia - The Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat welcomed the news of what he described as a “landmark arrest” of Felicien Kabuga, who is considered to be the financier of the genocide against the Tutsi community in Rwanda in 1994. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ka carrooday arrimo uu ku lug leeyahay safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Caydiid, oo diyaarad loogu soo kireynayo Soomaali ku xayiran dalkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online. Safiirka ayaa diyaarad gaar oo kiro ah u raadinaya Soomaali ku xayiran Turkiga oo u badan ganacsato, kuwaas oo iska diiwaan-geliyey safaaradda ayaga oo la baxaya lacagta. Cod uu Jaamac Caydiid soo dhigay group WhatsApp ah, oo dadkan la isugu geeyey, ayuu ku sheegayaa inuu lacag dhan 933 dollar oo qofkiiba ah kusoo helay diyaarad dadka kasoo qaadeysa Istanbul, islamarkaana geyneysa magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu aad uga carrooday codkan kadib markii uu dhageystay, islamarkaana dalbaday sharaxaad. Inkasta oo howsha uu qabanayo safiirka loo arki karo mid wanaagsan, haddana wararka aan helnay ayaa sheegaya in qalad loo arkay in safiirka uu si shaqsi ah ugu lug yeesho arirntan iyo in safaaradda ay lacagta diyaaradda ka qaado shacabka. “Waxay ahayd in howshan ay galaan shaqsiyaad ka hooseeya safiirka sida qunsulka, ku-xigeenka, xogheenada iyo saraakiisha kale, laakiin safiir howshiisu tahay diblomaasiyad ma ahayn inuu arrimahan ku lug yeesho, weliba kaaga sii daran’e in codkiisa uu meelaha soo dhigo waa qalad anshaxa oo aad u weyn,” waxaa sidaas yiri mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin. “Tan kale, in safiirku dadka yiraahdo lacagta kusoo shubo akoonada safaaradda waxaa ka dhallan kara in macno qaldan laga bixiyo, waxay ahayd in dadka soo baxaya iyo shirkadda diyaaradda in la isku xiro oo toos ay tiket-ka uga goostaan, sida ay sameysay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,” ayuu yiri. Ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in madaxweynaha oo safiirka ay aad isugu dhow yihiin uu arrintan aad uga xumaaday. Hoos ka dhageyso codka safiirka
  16. Health Ministry says 16,792 people in Brazil have died from novel coronavirus Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xuska 18-May dartiis cafis u fidiyay 365 maxbuus oo u xirnaa dembiyo fudud sida ay shaacisay madaxtooyada Somaliland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in mudane Muuse Biixi uu cafis u fidiyay dhammaan maxaabiistaas aan denmbiyada culus ku xukunayn. Qoraalka ayaa lagu sheegay in cafiskani uusan saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiista la cafiyay. Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa loo xil saaray in uu fuliyo sii daynta maxaabiista uu madaxweyne Biixi cafiyay isagoo raacaya liiska loo gudbiyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay in ka badan 360 maxbuus appeared first on Puntland Post.
  18. South Korean researchers have shown a stem-cell-based topical solution can regrow hair in both male and female subjects with common pattern baldness. The small, randomized, placebo-controlled trial found the treatment both safe and effective, with larger trials hoped to validate the results in more diverse populations. Source: Hiiraan Online
  19. In statement congratulating new government, foreign policy chief Josep Borrell says bloc won’t accept any changes to 1967 borders unless agreed to in deal with Palestinians Source: Hiiraan Online
  20. There was no Pomp and Colour as the self-declared Republic of Somaliland “marked its 29th Independence Day” on Monday. Source: Hiiraan Online
  21. WASHINGTON (Reuters) - The FBI cracked the iPhone encryption of the Royal Saudi Air Force trainee who killed three American sailors in a December attack at a naval base in Florida, and found evidence linking him to al Qaeda, Attorney General William Barr said on Monday. Source: Hiiraan Online
  22. The United States Africa Command (Africom) today confirmed the killing of two terrorists inside Qunyo Barrow area in Sothern Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa warbixin uu soo saaray uga hadlay caqabadaha hor-taagan in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna soo bandhigay nidaam lagu beddeli karo, haddii ay sidaas dhici weyso. Machadka wuxuu eegay sharciga doorashooyinka dalka ee la meel-mariyey, wuxuuna soo bandhigay afar cillad oo waaweyn, oo uu leeyahay, iyo toddoba caqabad oo hortaagan hirgelinta Xeerka Doorashada, wuxuuna ugu dambeyn soo bandhigay nooc doorasho oo lagu beddeli karo qof iyo cod. Hoos ka aqriso. Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran (Expanded Participation Model) Iyadoo laga shidaal-qaadanayo qeybaha muhiimka ah ee Xeerka Doorashooyinka, Machadka Heritage waxa uu soo jeedineynaa hannaan kale oo lagu maareyn karo doorashada soo socota ee 2020, waxaana ugumagac-darnay “Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran”. Wuxuuna u shaqeynayaa sidan: Maaddaama uu xeerka doorashadu u xirayo kursi kasta beesha heysata inay ku tartanto, beel kasta oo uu kursi ka dhexeeyo waxay soo magacaabeysaa 1000 qof oo codeeya. • Kunkaas qof uma codeynayaan kursiga beeshooda oo kaliya. Waxaa lagu darayaa ergada kale ee maamul-goboleed-kooda ka imanaysa. Tusaale, Maamul-Goboleedka KoonfurGalbeed waxaa taal 69 kursi. Habka aan soo jedinnay, waxay noqoneysaa ergada KoonfulGalbeed 69,000 oo qof oo ka yimid dhammaan beelaha uu maamul-goboleedkaasi ka kooban yahay. Tiradaas ah 69,000 ayaa u codeynaysa dhammaan xildhibaannada gobolka. Marka loo barbar-dhigo sanadkii 2016, 51 ergo ah ayaa dooratay xildhibaan kasta. Sidoo kale, Puntland waxaa codeynaya 40,000 qof maaddaama ay taal 40 kursi. Galmudug waxaa codeynaya 36,000 qof maadaama ay taal 36 kursi. Hirshablle waxaa codeynaya 37,000 oo qof halka ay Jubaland codeynayaan 39,000. Habkani wuxuu soo jedinayaa in kursi kasta oo aqalka hoose ah ay u codeeyaan ugu yaraan 35,000. Habkani wuxuu kordhinayaa tirada u codeyneysa kuraasta aqalka hoose oo aheyd sanadkii 2016 14,025, wuxuuna gaarsiinayaa tirade 221,000 oo qof. Kunka qof ee ergada ama wax-doortayaasha ah waxa ay ka koobnaaneysaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida odoyaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayadka, ganacsatada iyo muwaadiniinta kale. Odoyada dhaqanka iyo siyaasiyiinta iyo Guddiyada Doorashooyinka ayaa ka heshiinaya hannaanka lagu soo xulayo kunka qof. Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran waxa uu xaqiijinayaa in dad badan ay codkooda dhiibtaan, taasina waxa ay keeneysaa in musuqu uu ka yaraado sidii hore. Habkani waxaa kale oo uu sahlayaa in qoondada dumarka la xaqiijiyo iyo metalaadda Soomaaliland ay la mid noqoto kuwa kale ee xildhibaannada ah. Doorashadu waxay ka dhacaysaa saddex magaalo oo ka mid maamul-goboleed kasta. Tusaale, Galmudug waxa ay ka dhaceysaa Dhuusamarreeb, Gaalkacyo iyo Caabudwaaq; Puntland waxa ay ka dhaceysaa Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso. Tani waxa ay keeneysaa in la sii hagaajiyo nidaamka doorashada waayo waxaa doorashada ka qeyb-galaya dad badan, waxayna kobcineysaa metalaadda gobollada yareyneysaana mid qabiilka, maaddaama dadka dooranaya xildhibaanka ay u badan yihiin dad aan ku beel ahayn. Waxaa kale oo aan soo jeedineynaa in xisbiyada siyaasadda kaalin la siiyo xitaa haddii aan la dhameystirin xeerka xisbiyada. Diiwaan-gelinta kumeel-gaarka ah waa ay ku hawl-geli karaan. Xisbiyadu waxa ay soo gudbinayaan liiska dadka ku tartamaya magacooda hadba inta kursi ee ay ka tartamayaan. Sidoo kale, xisbiyadu waxa ay ka qeyb-qaadan karaan soo xulista ergada oo ah 1,000 qof kursi kasta. Maalinta doorashada musharax kasta waxaa lagu daabacayaa warqadda codeynta musharraxa iyo xisbiga uu ka tirsan yahay si ay dadka wax dooranayaa u aqoonsadaan qofka ay u codeynayaan. Doorashada Aqalka Sare Sida dastuurku qabo, waxa aan soo jeedineynaa in ergada gobolladu ay soo doortaan xildhibaannada aqalka sare ee dooranaya aqalka hoose. Sanadkii 2016, madaxweynayaalka maamul-goboleedyada ayaa laba ama saddex qof soo xulayey, markaas baa baarlamaannada gobolladu u codeeyeen. Doorashada soo socota waxaa kale oo aan ku talinaynaa in qof kasta oo ka mid ah beesha kursiga la siiyey oo xisbi ka tirsan oo soo buuxiya shuruudaha uu u tartami karo aqalka sare. Gunaanad Shaki kuma jiro baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah. Ha yeeshee, waxaa waqti badan oo saddex sano kor u dhaafay lumiyey hoggaanka siyaasadda. Haddaba, dowladda dhexe ayaa ku guul-darraysatay inay keento xal heshiis lagu yahay, mana ahan inay cudur-daar ka dhigatto fashilkeeda oo dib u dhigto waqtiga dooraashada. Tan kale, waa lama huraan in dadka Soomaaliyeed ay u fahmaan inaysan doorashadu aheyn dhacdo hal mar dhacda ee ay tahay hannaan heerar kala duwan leh oo u baahan wadatashi iyo diyaar-garow dheer. Hadafka weyni waa inuu ahaadaa in ay dhammaan saamileyda siyaasaddu ka qeyb-qaataan in la gaaro doorasho qof iyo cod ah. Laakiin, hadda waa in lagu dadaalo in la helo heshiis siyaasadeed oo oo dhexmara dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda si looga heshiiyo hannaan doorasho oo hufan, loo-qaateen ah oo lagu maamulo doorashada 2020. Daraasadani waxa ay soo jeedisay hannaan doorasho hufan suurtagal ka dhigi kara waxaanna ugu magac darnay: Habka Ka-Qeybgalka Ballaaran (Expanded Participation Model). Talo-soo-jeedin Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasaddu waa in ay wada-hadlaan si ay u gaaraan hab lagu qaban karo doorashada soo socota ee 2020. Jewiga siyaasadeed iyo kala-fogaanshaha siyaasiyiintu waxa uu halis weyn gelin karaa horumarkii la sameeyey labaatankii sano ee la soo dhaafay ee la xiriiray nabaddhis iyo dowlad-dhiska dalka. Dowlada dhexe waa in ay hoggaanka qaadato oo shir iskugu keento saamileyda siyaasadda si looga gudbo caqabadaha ragaadiyey siyaasadda, loona gaaro xal la wada leeyahay. Saamileyda siyaasaddu waa inay isla-qaataan in aan mar danbe lagu noqon doorasho dadban. Waana inay aqbalaan xaqa ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan wakiillada metelaya 2025. Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada siyaasaddu waa inay ka wada hadlaan habka farsamo ahaan lagu xaqiijinayo qoondada dumarka, metelaadda gobolka Banaadir iyo habka iyo goobta lagu dooranayo xildhibaannada Soomaaliland. Dhammaan doorashooyinkii hore ee dalka soo maray, deeq-bixiyayaasha ama bulshada caalamka ayaa culaysinayey siyaasiyiinta Soomaalida si ay u suuragasho doorasho xiligeeda qabsoonta. Bulshada caalamka oo uu hormuud u yahay xafiiska Qararmada Midoobay waa inay ka qeyb-qaataan hirgelinta wadahadalka saamileyda siyaasadda. Weliba, Golaha Ammaanku waa inuu ku soo rogaa cunna-qabateyn ciddii diidda inay wada-hadalka ka qeyb-gasho si doorashada 2020-ka ay u dhacdo waqtigeeda.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay bandow xilliga habeenkii ah, iyadoo wixii ka bilowday 8:00 Fiidnimo la xanibo isku socodka gaadiidka, sidoo kalana aan la ogoleyn iney furnaadaan ganacsiyada qaar. Bandowgaan waxaa lagu sheegay in dowladda ay rabto iney ku xakameyso faafista xanuunka halista ah ee Coronavirus oo dunida si weyn u saameeyay, balse marka laga hadlo guud ahaan magaalada Muqdisho kama jirto cabsi iyo feejignaan arintaas ku aadan marka la tago in dowladdu ay Bandow soo rogtay. Dadka ayaa isugu yimaada goobaha, garoomada kubadda cagta xaafadaha iyo kuwa xarumaha dagmooyinka qaar ayaa furan kuwaas oo kulmiya boqolaal qofood, mana jirto hadal heyn badan oo la xiriirta Xanuunka Coronavirus marka laga reebo bogga Ra’isul wasaare Hassan Ali Kheyre oo lasoo dhigo shirka jaraa’id ee Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ay maalin walbo qabato. Halkaan waa Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, waana xilliga ay dadka ugu baahida badan yahiin iney dukaameystaan maadaama ay soo dhawdahay Ciidul Fitri. Markaad eegto sawirkan iyo sida dadku isugu dhex-jiraan waxaa kuu muuqaneysa in bandowga dowladda soo rogtay uusan wax macno ah lahayn. Kumanaan qof ayaa maalin walba taga suuqa si ay uga dukaameystaan, mana jirto hab ay dowladda u diyaarisay xakameynta isku imaatinkooda, sidaas darteed arinkaan wuxuu macno beel u yahay bandowga la sheegay in looga taxadarayo COVID19 ee habeenkii oo ay dadku ku yaryahiin magaalada lagu soo rogay dadka reer Muqdisho. Boqolaal ganacsi ayaa la xayiray kuwaas oo ay dhibtu dhinac ka gaartay, dowladduna waxey u muuqataa mid aan ku filneyn iney dhinac walba ka xeeriso xaaladda ka hortagga xanuunkaan. Qof walba wuxuu is weydiiyaa su’aal ku saabsan waa maxay muhiimadda Bandowga habeenkii lasoo rogay hadiiba ay bulshada sidaan isku dhex galeyso. Dadka qaar ayaa aaminsan in kiisaska cudurka COVID19 ee Dowladda soo bandhigto ay tahay arrin siyaasad la xiriirto balse aysan tirada intaas gaarsiisneyn.
  25. Xog-Cusub: Turkiga oo loolanka Yemen kusoo biiray+ Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan Dowlada Turkiga ayaa la sheegay in ay kordhineeyso joogitaankeeda dhulka xeebaha ah ee koofurta Yemen, si ay u ballaariso saldhigeeda marinka Baabul Mandeb, taasi oo wer-wer ku abuurtay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Dhaq-dhaqaaqa Turkiga waxaa taageraya islamarkaana maal-gelinaya Dowladda Qatar oo u mareysa hogaanka siyaasadda iyo qabaa’ilka Yemen ee xiriirka la leh dhaq-dhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiin. “Dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Yemen oo gabi ahaanba si taxadar leh loo qariyay, hadda waxaa uu diiradda saarayaa saddex goobood oo ah aagga xeebaha Yemen: Shabwah, Socotra, iyo degmada al-Makha,” ayaa lagu sheegay war uu daabacay wergeyska todobaadlaha ah ee Arab Weekly. Xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga oo ka howlgala Shabwah, kuna shaqeeya magaca Hey’adda gar gaarka ee Humanitarian Relief Foundation (IHH) iyo saameynta sii kordheeysa Ikhwaanul Muslimiin ay ku leeyihiin Yemen, ayuu wargeysku ka waramay. Waxaa uu wargeysku sheegay in Ikhwaanul Muslimiin ay rajeynayaan in ay la wareegan agga al-Alam ee Shabwah iyo dekedda Balhaf si ay uga faa’iideystaan dhoofinta muhiimka ah ee gaaska iyo baahida loo qabo xeebtan oo looga maarmayo badda Carbeed. Dekedda Balhaf iyo dhul xeebedka kale ee koofurta Yemen waxaa ay muhiim u yihiin faraqelinta Turkiga ee mustaqbalka iyo marsiinta shixnadda ka imaaneysa saldhigga military-ga Turkiga ee Soomaaliya. Warbixintaan ayaa Turkiga waxa ay ku eedeeysay in uu uga sii darayo xiisadda Yemen isagoo cawimaad siinaya Gudoomiyaha Socotra Ramzi Mahrousi, taasi oo ay caddeyn u tahay booqasho qarsoodi ah oo uu ku tagay Istanbul, halkaas oo uu kula kulmay sarakiil ka tirsan sirdoonka Qatar iyo Turkiga iyo hogaamiyeyaasha Ikhwaanul Muslimiin. “Arrimahaan soo cusboonaaday waxa ay muujinayaan in Turkigu uu door weyn oo siyaasadeed ka qaadanayo koofurta Yemen isagoo umaraya garabka maxaliga ah ee Ikhwaanul Muslimiin, taasi oo sidoo kale hey’adaha gar-gaarka Turkiga ka caawineysa in ay saameyn yeeshan,” ayaa lagu sheegay warbixinta. “Xisbiga Islaax waxaa uu u taagan yahay in uu Hey’addaha Turkiga, Dowladda iyo dhamman cid walba ee u shaqayneysa sida ururo kheyri ah in ay galaangal ku yeeshan magaalooyinka Yemen,” sida uu sheegayo Maxamuud Al-Taahir oo taxliiliya siyasadda Yemen lana hadlay Wargeyska Arab Weekly. “Turkigu waxaa uu doonayaa in uu kal-kaalo Ikhwaanul Muslimiinka Islamarkaana uu ku awood siiyo gudaha Yemen,” ayuu Maxamuud hadalkiisa ku daray. Warbixintu waxaa ay sheegeysaa in saraakiil xiriir la leh Ikhwaanul Muslimiinka ay booqdeen Ankara si ay ugu ololeeyaan in xisbiga AKP ee Madaxweyne Erdogan uu door muuqda ku yeesho Yemen, gaar ahaan mal gelinta wadooyinka iyo dekedaha. Bartamihii bishii January, wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ismaaciil Catakli ayaa booqday magaladda Caden, halkaas oo fadhi u ah Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Cabdu Rabbu Mansoor Haadi. Safarkiisu waxaa uu ku soo aaday, laba bilood kadib markii, Salax Al-Jabwani oo ahaa wasiirkii Gaadiidka xukuumadda Hadi uu booqday Turkiga sii ugala soo hadlo in Turkigu maareeyo dekedaha Yemen. Dhaq-dhaqaaqa xukuumadda Ankara ee Yemen waxaa uu qayb ka yahay ololeheeda ay ku ballaarineyso saameynteeda ilinka koofureed ee Badda Cas, sida uu wargeysku sheegayo. “Dadaaladda uu Turkigu ku kordhinayo joogitaankiisa Baabul Mandab oo ay marto saliida gacanka Persia ka hor inta aysan u gudbin Kanaalka Zues, waxaa ay khatar gelinayaan amniga dalalka carbeed ee gacanka Persia,” ayey xustay warbixintu. Libya waa meel kale oo ay isku riixayaan Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaradka iyo Sacuudi Carabiya oo dhinac kale ah. Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Masar waxaa ay taageerayaan Generalka fallaagada ah ee Khaliifa Haftar, halka Turkiguna uu kaabayo Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Qaran News