Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Xasan Sheik oo la hadlay maanta Golaha Wasiirada ayuu wuxuu hoosta ka xariiqay in ay khasab tahay in Doorashadu ay wakhtigeeda [...] The post Daawo Raysal wasaare Kheyre”Doorasho waa inay dhacdaa waa khasab oovaysan wakhtigeeda dhaafin” appeared first on . Source
  2. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka hadlayey kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay iney maanta laga bilaabo xukuumadiisa ka shaqeyn doonto sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay si loo helo xasilooni siyaasadeed. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa uu yiri” Dalka afratii sano mar waa in uu doorasho galaa doorasho dadka dhan isla ogol yihiin, haddii aysan isla ogoleyn intaooda badan ay isla ogol yihiin, doorasho ayaa ka dhici jirtay wadankaan noocii ay rabto ha ahaatee, waana waxa nasiiyey(legitimacy) dalka in ay doorasho ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale oo macnaheedu tahay in qof weliba uu ku dhaco dareenkiisa in dalkaan afartii sano mar ay doorasho ka dhacdo, hadda waxaa gacanta ku haayo baarlamaanka oo uu ka hoos shaqeeyo guddi,. Kheyre oo sii hadalaya ayaa intaas ku daray “Ka siyaasi ahaan madaxdii qaranka oo golihiina wasiirrada ah, waxaan rabaa inaad ku fakartaan oo aan ogaanno laga bilaabo maanta in shaqadeennu ay noqon doonto in aan isku deyno sida aan dalkan ku gaarsiin laheyn doorasho umadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon, nabad ah, dadku ay qeyb ka noqdaan, sababtu waxaa ay tahay wax walbo aan soo dhisno waxay ku nagaanayaan oo ay ku sii soconaayaan in dalku uu leeyahay xasillooni siyaasadeed waana ka shaqeynaynaa haddii Allah uu yiraahdo. Arrintan ayaa waxaa ay in badan meesha ka sareysaa shaki laga qabay in Nabad iyo Nolol ay meemeeriso waqtiga doorashada, isla markaana ay raadiso waqti kororsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Press release from the African Union Mission in Somalia rejects allegations made against its leadership Ambassador Francisco Madeira and the Federal Government of Somalia. In a statement AMISOM hits back to a document which has been circulating in the media dated 26 May 2020. AMISOM said the document is full of inconsistencies, generalizations, innuendos and biased toxic personal opinion and does not describe the reality of the AMISOM that is currently operating in Somalia under the leadership of Ambassador Francisco Madeira. AMISOM further said the allegations in the document distort and misrepresent the mission, its work, its leadership and its achievements. READ THE FULL PRESS RELEASE BELOW:
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Golaley degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Wareegto ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed muwaadin oo dhallinyaro ah Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Golaley ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay cadaaladdana la horkeeno sida uu sheegay madaxweyne dowlad goboleedka Hirshabeelle Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiye faysal cali waraabe shirkiisii jaraaid ee shalayto kumuu gefin shakhsiyaad kumana weerarin. Ee wuxuu kugefay beelaha harti iyo East Burco Clan Isagoo ku guubaayey beelaha Sool clan Inay habarjeco kasoo eryaan qorulugud iyo coodanle iyo caynaba waa wax aad loolayaabo hadalka kasoo baxay gudoomiye faysal wuu kadabategay iskuna day inuu saxo hadalkii uu ku aflagaadeeyey beelaha harti inkasta oo uukasiidaray dhiiqona siidabaashay Hase yeeshee eedii uukulakacay beelaha East Burco Clan Wuu kusii adkaystay faysal waxbadan Wuu amaanijiray East Burco Clan taageero fiicana wuu kuhaystay aniga aragtidayda faysal aad umayaqaano dhaqanka beelaha East Burco Clan habarjeco lama amaano hadii la amaanona lama caayo oo xukinkeedu waa qisaas Alle hawnaxariistee waxa aad u amaanay East Burco Clan abwaankii Waynaa ee ismaaciil yawle mudo kadib ayuu gabyey wuxuu ku yidhi Mamaroodi baan habarjeclooy idinku miisaalay Ma mooyaan idiintumay gunwaa loo mashxaradaaye hadaba faysal waxaa ku waajibtay inlamariyo jawaabtiisuna ahaandoontaa magligaad afaysaa ku ogayn muruq yawloowe Source
  6. Minnesota Department of Public Safety Commissioner John Harrington said he just received information that the officer identified as Derek Chauvin in the death of George Floyd has been taken into custody by the Bureau of Criminal Apprehenson. Source: Hiiraan Online
  7. Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa 19-kii May ee sanadkan ku dhawaaqday in markii 3-aad dib loo dhigay dhageysiga dacwadda kiiska baddda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya sababo la xiriira cudurka Covid 19 iyada oo mudeysay March 13, 2021. Arrin taasi ka duwan ayaa waxaa ay maanta soo saartay in maxkamadda ay xarunteeda ku qaadeyso June sanadkan dacwad albaabadu u furan yihiin oo ay go’aan uga gaareyso sida ay u kala garqaadi karto dalalka Guyana iyo Venezuela waxaana ay u ku qaadi doontaa qaab Vidio Confernce taasi oo su’aalo badan dhalisay. Qoraalka maxkamadda ayaa u qornaa: Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in talaadada 30-ka June ee sanadkan abbaaraha 2-bada duhurnimo ay si furan xarunteeda The Hague ku qaban doonto dhageysiyada go’aan ka gaarista iney kala saari kato dacwadda la xiriirta 3 Oktoobar 1899 ee dalalka (#Guyana v. #Venezuela). Su’aalaha ay dhalineyso arrintan waa: (1). Maxaa keenay iney qaado dacwad ? (2). Aaway Covid 19-kii ay sheegtay iney dartii dib ugu dhigeyso dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya? (3). Maxkamadda ICJ miyaa labawajiilennimo wadda mise heshiis hoose ayaa jira? (4)-Yaa khiyaanada wada? Su’aalahaas iyo qaar kale jawaabahooda kala soco Goobjoog News. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Saddex qof ayaa ku geeriyooday Roobab ka da’ay galabta magaalada Hargeysa. Laba nin Dooxa Hargeysa ayaa qaaday gabadhna Laydh (koronto) ayaa ku dhegay sida uu ii xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed, Halkan hoose ka Daawo Source
  9. Jeddah (Caasimada Online) – Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan xaaladda amni ee haweeney Sacuudiyaan ah, oo lagu warramay in la xiray kadib markii ay baraha bulshada “ku aflagaadeysay” dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman. Amani Alzain, oo ah 40 jir deggan magaalada Jeddah, ayaa waxaa baraha bulshada ku beegsaday dad daacad u ah dowladda kadib markii ay Maxamed Bin Salmaan ugu yeertay magaca “Abu Munshar”, oo macnaheedu yahay “Aabihii Mishaarta”. Maxamed Bin Salmaan ayaa caan ku noqday magaca “Abu Munshar” kadib markii wakiilo ku xiran dowladda ay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dileen suxufi Jamaal Khaashuqji, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu jarjaray mishaar. Arbacadii, cinwaan twitter oo loo yaqaan Maxaabiista Sharafta, kaasi oo la socda dadka lagu xiro Sacuudiga, ayaa ku warramay in Amani Alzain la xiray. Warkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey kooxda u doodda xuquuqda aadanaha dadka Khaliijka ee Gulf Centre for Human Rights (GCHR). Kooxda GCHR ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Amani Alzain, iyo dhammaan dadka la xiray ayada oo lagu xadgudbayo xuquuqda ay u leeyihiin inay fikradahooda muujiyaan, oo ay ku jiraan kuwa difaaca xuquuqda haweenka. Sidoo kale, Arbacadii Golaha Xuquuqda iyo Xoriyadaha ee fadhigiisu yahay Geneva ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay shaaca ka qaadaan xaaladda ay ku sugan tahay Amani Alzain.
  10. Wasiir J Dowlaha Xiriirka Dibada ee Puntland Cabdiraxmaan Caydiid iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa booqasho waxay ku Maraykan Gobolka Ceyn. Magaalada Boohoodle ayaa [...] The post Wasiirka Dowlaha Xirtika Caalamiga Puntland oo Buuhoodle booqasho ku jooga appeared first on . Source
  11. After 22 years of its establishment in 01 August 1998 (21 years, 9 months and 13 days, to be exact), a constitutional crisis is looming over the horizon in Puntland state of Somalia manifested in the feud between the President and his Vice President. The constitution was last reviewed and adopted on 18 April 2012. Prior to that, Puntland had transitional constitutions. The cause of the argument Both the President and the Vice President were elected on 08 January 2019 but never clicked well and could have worked on improving their working relationship before their feud reached its climax on 14 May 2020 when the President replaced the commander and the deputy commander of the presidential security forces. The Vice President strongly opposed this act alluding to his personal safety and security matters that shouldn’t be tampered with unless properly consulted. Their offices are located in the same presidential palace in Garowe. Since then, efforts to reconcile the two men at the top in Puntland have been on-going. The two were reconciled on different occasions after coming to blows several times on appointments and dismissals. On 22 May 2020, while some influential politicians and officials including the Parliament Speaker and two former Presidents were in talks with the Vice President at his residence to ease the tension, the President unexpectedly issued a decree appointing 8 ministers including 6 deputy ministers replacing the current incumbents. The replaced incumbents were believed to be close to the Vice President. Constitutional Crisis The presidential decree no. 45 dated 22 May 2020 in which the President appointed the ministers and the deputy ministers, clearly stated that a consultation was indeed made with the Vice President, statement that has been denied by the Vice President in a letter with reference no. XMWK/DPS/072/2020 dated 23 May 2020. The VP’s letter states that no consultation was made with the Vice President on the recent appointments and dismissals hence a clear violation to section 5 of article 80 of the constitution as well as section 2 of article 81. Section 5 of article 80 of the constitution states “The President has the power to appoint or dismiss, in consultation with the Vice President, the Members of the Cabinet, heads of autonomous institutions as well as all others functionaries that this Constitution or the Laws call on him to do so”. Section 2 of article 81 of the constitution states” The Vice President shall advise the President on the appointment and dismissal of Ministers, Vice Ministers and other senior functionaries of the State”. The Vice President repeated the same statements during an interview with BBC on 24 May 2020 rebuffing any consultations that were said were made with him on the appointments and dismissals. He added that he discussed the issue with the President on a personal level and had one-on-one meetings with him several times to amicably resolve the differences, but seemed an energy placed behind a vain hope. He said the situation is now escalated to the extent that they don’t even exchange greetings. In fact, the President doesn’t allow his Vice President to come close enough to participate directly or indirectly in decision making processes. The Vice President said he is not considered insider. The Vice President told his friends that he is constantly belittled by the President. Every time the VP demands his constitutional rights, he is confronted with the fact that the region he represents (Sool region) is not in the hands of Puntland and so should behave as a guest. This mental exploitation directed at the VP is among the reasons of the long unresolvable disagreement with the President. An influential group of businessmen, best known in Puntland as – AranJan – are the ones who call every shot Puntland takes. This, itself, begs constitutional enquiry. AranJan backed the President during the election campaign and had different candidate in mind for the Vice Presidency who eventually lost the bid for the current incumbent leading to personality mismatch. That candidate happens to be among the newly appointed deputy ministers that created the dispute. In addition to the constitutional crisis resulting from its ambiguity, usually, the President – being the person at the top – should demonstrate collaboration skills. Building collaboration simply means building trust and transparency in the state which makes it easier for the leader to guide the people towards the common goals. Arguments would have been avoided. Unfortunately, it is a competency leaders seem to be lacking. This time round, even the tradition of power sharing, where the political positions of Sool region are determined by the Vice President, is broken. The constitutional crisis in 2001 has led to the former President Mr. Abdullahi Yusuf to fiercely recapture Garowe from the hands of the then legally elected President, Mr. Jama Ali Jama in November 2001. Mr. Yusuf was ousted by the clan elders after his term had come to end in June 2001. Likewise, Gen. Mohamoud Muse Adde had collided with his Vice President Mr. Hassan Dahir Afqurac over appointing minsters, a quarrel that ended up in giving away Sool region to Somalialnd. Each of the succeeding Presidents (Gas and Farole) had the same arguments with their Vice Presidents leading to constitutional crisis. What happens next? Back in November 2019 during a parliament session in which the President attended, a parliament member cited the recurring dispute between the President and the Vice President and urged them to step down before the Parliament steps in and formally remove both of them. That parliament member was almost striped of his parliament immunity. Had it not been his relatives and friends in the parliament who mediated between him and the President calling off the Prosecutor General’s legal case against him, he would have been put behind the bars. Few days later, the Parliament Speaker was attacked in his office where some of his security forces were killed, before he was ousted in a vote of no confidence the next day. The Speaker had different opinions and was about to question external deals that were sealed by the current and previous administrations including the deal with the DP World. Unfortunately, anyone, including the VP that questions the financial gains attained through such deals is expendable in Puntland. As different interpretations are being considered for the constitution with regards to the referred “consultations”, it is unfortunate that Puntland doesn’t have an established Constitutional Court that would have settled the constitutional dispute. Whether the Supreme Court can fill in the gap is also disputable. The Supreme Court is not considered neutral to resolve the constitutional row as evidenced in its participation to sworn-in the disputed newly appointed ministers on 25 May 2020. If the current efforts of reconciling the President and his Vice fail, which is likely considering the inflexibility already demonstrated by the President, they would be left with only one option; the Parliament. Both men cannot submit a motion of no confidence against each other. Meantime, the parliament has a window to resolve the issue, or remove both men or one of them from office in a vote of no confidence and pave the way to fresh elections. The Current Situation In general, Puntland is facing crisis. The security situation is deteriorating. In the past one year and four months, the head of DP World was assassinated in Bossaso. Two Governors (i.e. the Governors of Nugal and Mudug) were murdered. Tens of Government Officials and civilians were killed in the major towns of Puntland. Puntland administration doesn’t have a clear security plan and strategy to counter the growing insecurity. The President’s continuous frictions with the senior officials in his government, his irrational backing for Jubaland’s Madobe as well as his negative thoughts and comments on the Federal Government are often ridiculed by his sceptics as unwise. Puntland is now in the grip of a massive political crisis and many people believe the current administration would lead Puntland in to a disastrous devastation that would not be remedied for years to come. There is no inclusiveness in the administration as the majority of the people in Puntland feel marginalized and are not allowed to participate in the political processes in the region instigating gross grievances across Puntland. Puntland State maintains frosty relationship with the Federal Government of Somalia for reasons not known to many. The on-going insecurity and political dilemma may have pushed Puntland President to throw accusations here and there in an attempt to cover up the shortcomings of his administration that is characterized with bad governance, impatience, corruption and inflexibility with no clear vision to reverse the situation. Conclusion As the traditional clan elders are yet to get involved in the current situation, Puntland’s President is currently facing calls from elites in Puntland to resign in a last attempt to save Puntland from imminent ruins. But no one knows whether he would listen to these voices or continue to wreak havoc in Puntland. I also strongly recommend the constitution to be reviewed for more clarity and the Constitutional Court to be established as soon as feasible. Nasrudin Mohamed Ahmed can be reached at ahmedfiqi2018@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  12. A fire broke out at the Minneapolis Police Department’s 3rd Precinct building late Thursday amid protests over the death of George Floyd, an unarmed black man who died after being pinned down by a white police officer. Angry demonstrators stormed the building and could be seen in videos circulating on social media chanting “What’s his name? George Floyd!” — shouting the name of the man whose last words were “I can’t breathe. On the third day of the protests, police clashed with some demonstrators as peaceful rallies took place. Minneapolis police abandoned the 3rd Precinct. “In the interest of the safety of our personnel, the Minneapolis Police Department evacuated the 3rd Precinct of its staff,” Minneapolis police said in a statement. “Protesters forcibly entered the building and have ignited several fires.” The latest move came hours after Hennepin County Attorney Mike Freeman said he will not “rush” to charge the four officers involved in Floyd’s death on Monday. “That video is graphic and horrific and terrible, and no person should do that,” Freeman said. “But my job in the end is to prove that he violated a criminal statute, and there’s other evidence that does not support a criminal charge,” he added, referring to the officer who had his knee on Floyd’s neck. Separately, more than 500 National Guard soldiers have been activated to Minneapolis, St. Paul and surrounding communities. Minneapolis Mayor Jacob Frey also declared a local emergency Thursday night due to civil disturbances. Later, a video circulating on Twitter showed that military trucks arrived in Minneapolis. The authenticity of the video could not be confirmed. Meanwhile, President Donald Trump said on Twitter that there was “a lack of leadership” in Minneapolis. “I can’t stand back & watch this happen to a great American City, Minneapolis. A total lack of leadership. Either the very weak Radical Left Mayor, Jacob Frey, get his act together and bring the City under control, or I will send in the National Guard & get the job done right….,” Trump said. “These THUGS are dishonoring the memory of George Floyd, and I won’t let that happen. Just spoke to Governor Tim Walz and told him that the Military is with him all the way. Any difficulty and we will assume control but, when the looting starts, the shooting starts. Thank you!,” he added. Floyd, 46, was arrested Monday in Minneapolis, Minnesota after reportedly attempting to use a counterfeit $20 bill at a local store. Video footage on Facebook showed him handcuffed and cooperating. But police claim he resisted arrest. One of the officers kneeled on his neck, despite Floyd’s repeated pleas of “I can’t breathe. Shortly after, Floyd appeared to lose consciousness, but the officer maintained his position on the victim. He died shortly after being taken to a hospital. Four officers have been fired over the killing, which sparked mass protests and an outcry against police brutality. Floyd’s family said they want the officers to be charged with murder. Floyd’s death has strong parallels to that of Eric Garner, who died during a fatal 2014 arrest in New York, repeatedly pleading with officers, “I can’t breathe.” The phrase became a rallying point for protesters demonstrating against the killings of unarmed black men and women by police. It has continued to resonate nearly six years later. Source: Anadolu Agency
  13. Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug ayaa kormeer ku tagay xerada tababarka ciidanka ee Indha Qaris oo ku taala duleedka bari ee deegaanka Docal ee Gobalka Mudug, halkaas oo lagu wado in tababar iyo dhaqancelin loogu sameeyo maleeshiyaadka ku sugan Gobalka Mudug, kuwaas oo maamulku rabo in ay ka mid noqdaan ciidamada daraawiishta Galmudug. Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay waday qorshayaal lagu dar dar galinayo amniga deegaannada Galmudug, sidoo kalana wax looga qabanayay dhibaatooyinka maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan ay ka geysan jireen deegaannada Gobalka gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Xerada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu xareeyo gaadiidka dagaalka ee ay heystaan beeluhu Kormeerka Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale waxaa ku wehlinayay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Xildhibaano u badan kuwa kasoo jeedaGobolada Sool iyo Ceyn ayaa Garowe waxay maanta ka bilaabeen olole ay ku doonayaan in khilaafka Madaxda sare ee Puntland [...] The post Breaking News— Xildhibaano u ololaynaya Khilaafka Madaxda Sare ee Puntland in lagu xaliyo Hoolka Baarlamaanka appeared first on . Source
  15. Waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku muransan awoodaha Dastuuriga ah ee mid kasta leeyahay iyo shaqada dowladeed ee ka dhexaysa labada mas’uul. Isku dayo kala duwan, oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ayaa qaarkood fashil ku dhammaaday, inkastoo ay weli socdaan dadaallada ku wajahan xallinta murankaasi. Sidoo kale, Puntland kama dhisna maxkamad Dastuuriya oo kala saarta labada mas’uul, maadaama ay ku muransan yihiin awoodo Dastuuriya, haddii ay fashilmaan dhammaan dadaallada ku jihaysan xallinta Khilaafkooda. Haddaba, mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Puntland oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post in u xaqiijiyay, in uu Baarlamanka dhexdiisa ka socdo qorshe hoose oo ku wajahan khilaafka labada mas’uul, haddii la xallin waayo ka hor Kalfadhiga Baarlamanka oo ku beegan 15-June-2020. Qorshahaas oo ay wadaan xildhibaanno miisaan ku dhex leh Baarlamanka, ayaa lagu doonayaa in mooshin looga keeno Golaha Wasiirada, kadibna dhammaantood la rido, haddii xal loo wayo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ku hawllan yihiin in isla Qorshahaas la yeelo oo Golaha Wasiirada la rido, haddii madaxweyne Deni ama madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash midkood mooshin laga keeno, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed. Balse, Qorshaha Baarlamanka laftiisa, ayaa u baahan odoros siyaasadeed oo miisaami kara, Natiijada ka dhalan karta Ridista Xukuumadda iyo wejiga ay u yeeli karto Khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. PUNTLAND POST The post Xog: Baarlamanka Puntland oo Qorshe u degay haddii la xallin waayo khilaafka Deni iyo Karaash! appeared first on Puntland Post.
  16. Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa Khamiistii beenisay inay qorsheyneyso inay ka baxdo Golaha Iskaashiga Khaliijka, xilli ay isku diyaarineyso inay xusto sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay go’doomin ay geliyeen Sacuudiga iyo xulufadiisa. Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in dadaallada ay wadaan saddex ka mid ah lixda dal ee xubnaha ka ah golahan ee siyaasd ahaan iyo dhaqalaha ahaan lagu god’oominayo Qatar ay keentay in dadka gobolka “ay shaki geliyaan su’aalana iska weydiiyaan” ururkan. Wararka ku saabsan in Qatra ay ka baxeyso Golaha Iskaashiga Khaliijka ee fadhigiisu yahay Riyadh, islamarkaana la aas-aasay 1981-kii ayaa toddobaadyadii dhowaa ka xoogeysanayey caasimadaha Khaliijka, ayada oo diblomaasiyiinta iyo fallanqeeyayaasha siyaasadeed ay sheegayeen in arirntaas ay suurta-gal tahay. “Warbixinada sheegaya in Qatar ay ka fakareyso inay ka baxdo Golaha Iskaashiga Khaliijka waa kuwa aan sax ahayn oo aan sal lahayn,” kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Qatar Lolwah al-Khater ayaa u sheegtay AFP. “Warar xanta ee noocaan ah waxay kasoo billowdeen dad ka walaacsan kana niyad jabsan kala jabka ku yimid golaha, oo ahaan jiray isha rajada iyo dhiiranaanta ee shacabka lixda dal,” ayey tiri. “Innaga oo gaareyna sanadkii saddexaad ee go’dmoonita sharci-darrada ah ee Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay geliyeen Qatar, ma ahan wax lala yaabo in dadka ay shaki iyo su’aalo geliyaan Golaha Iskaashiga Khaliijka, urur ahaan.” “Qatar waxay rajeeneysaa in Golaha Iskaashiga Khaliijka uu mar kale noqon doono madal wada-shaqeyn iyo isku-xir. In Golaha wax ku ool noqdo waxaa iminka looga baahan yahay si ka badan abid, marka la eego caqabadaha uu gobolku wajahayo.” Sacuud Carabiya, Imaraadka Carabta, iyo Bahrain oo ay wehliso Masar on aan xubin ka ahayn Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa xiriirkii diblomnaasiyadeed iyo kii dhaqaale u gooyey Qatar bishii June ee 2017. Afartan dal ayaa Doha ku eedeeyey inay aad ugu dhowdahay Iran, islamarkaana ay taageero dhaq-dhaqaaqyada Islaamiyiinta mayalka adag. Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas. Cuman iyo Kuwait oo ah labada dal ee kale ee golaha ku jira ayaa dhex-dhexaad ka noqday xiisadda. AFP + VOA
  17. Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Baay, waxa ay sheegeen in ay ku soo furteen dad Shacab ah iyo xoolo ay afduubteen Al-Shabaab. Dadkan shacabka ah ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku haysteen deegaanno ay ciidamadu ka sameeyeen hawlgalka, sida uu sheegay taliska ciidamada. Saraakiisha hoggaaminayay hawlgalka ayaa waxa ay sheegeen in howl-galka oo laga fuliyey deegaanno ay ka mid yihiin Buur Ayle, Walaq iyo qaar kale, ay sidoo kale ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay sheegeen Saraakiishu in dadka shacabka ah deegaankaasi ay ku dhibaateyn jireen deegaannada ay tageen, iyagoo sheegay in ay dib ugu soo celiyeen xoolo ay ka dhaceen Al-Shabaab. Ciidamada ma aysan shaacin tirada dadka lasoo furtay iyo muddada ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan xirta dadka diiday amarradooda, gaar ahaan kuwa ka hor-yimaada inay bixiyaan xoolaha ay kooxdaas ku qaadato zako ahaanta. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
  18. Dagaalkii Khaliijka Soomaaliya Way kukala qaybsameen, qayb waxay raacday Dalka Qatar halka Soomaaliland, Puntland iyo Jubbaland ay si toosa u taageereen Garabkii Sacuudiga iyo Emaraatka [...] The post Qatar oo dhabarka u jeedisay Dowlada Federaalka, Itoobiyana ka dejisay 10 tan oo Qalab iyo Daawo ah appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigeeda, uuna ku dadaali doono sidii arrintaas loo fulin lahaa. Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulankii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee shalay oo lagu qabtay qaab online ah, sida ay noo sheegeen dhowr wasiir oo kulanka ka qeyb galay. “Laga billaabo maanta, waa inaan ka shaqeynaa ka xukuumad ahaan xaqiijinta doorsho ummadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon nabad ah, dadkuna ay qeyb ka noqdaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre. Waxa uu intaas ku daray in doorashada oo waqtigeeda ku dhacdaa ay ku jirto xasilloonida siyaasadeed ee dalka, oo haddii la waayo meesha ka bixi karta. “In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” ayuu yiri Kheyre. “Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa.” Hadalka Kheyre ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya inuu madaxweynaha kaga ra’yi duwan yahay in muddo kororsi la sameeyo. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rumeysan in muddo kororsi kasta uu keeni karo in la magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo mucaaradka ka imanaya, si loogu qanciyo, taasina ay tahay sababta Kheyre u diidan yahay muddo kororsiga.
  20. Hay’adda Zamzam Foundation ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay habkii ay “ciidamada” u wateen sideed dhallinyaro, oo kadib markii la soo dilay meydkooda la soo dhigay deegaanka Gololey ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhallinyaradaas ayaa sida ay hay’adda sheegtay waxay “ciidamada” ka wateen xarun caafimaad oo ay hay’addu maamusho oo ku taalla deegaanka Gololey. Hoos ka aqris qoraalka hay’adda oo dhameystiran. Abaare 1:30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka Gololey (Gololey Health Facility), oo ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, lamana garan halka ay u kaxaysteen. Baadigoob kadib, waxaa la helay maydadka 8-dii qof ay ciidanka afduubteen. Shaqaalaha la xasuuqay ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen. Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah. Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo aan waxba galabsanin. Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka HirShabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa a , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno. Ugu danbeyn, waxaan tacsi tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan eebe ka baryeynaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo. انا لله وانا اليه راجعو View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta oo Jimco ah banaanbax ballaaran uu ka dhacay gudaha degmadaasi. Dibad-baxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday dhalinyaradii shalay lagu laayey deegaanka Gololey oo hoostaga degmadaasi. Sidoo kale dibad-baxayaasha oo Maryo gaduudan ay madaxa ugu xirnaayeen ayaa DF iyo HirShabelle ka dalbaday in cadaallada la horkeeno dadkii geystay falkaasi. Allaha u naxariisee dhalinyarada la laayey oo sideed ahaa ayaa todobo ka mid ah waxa ay ahaayeen shaqaale caafimaad, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  22. XASUUSTII PROF-ABUBAKAR SH. ABDI SH. MUHUMED. Allaha u naxariistee waxa god galay aqoon yahan qiima badan ku dhex lahaa ehelkiisa iyo guud ahaanba ummadda Soomaal. Prof- Abubakar Sh. Abdi waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii dhidibada u taagay Amoud University dabayaaqadii 90 aadkii. Waxana uu ahaa hormoodkii ugu horreeyey ee KULIYADDA BEERAHA AMOUD. TAARIIKHDA PROFISSOR-KA OO KOOBAN. Prof-Abubakar waxa uu ku dhashay magaalada Wajaale sannadkii 1950 kii. Markii uu bar baaray ee uu Qur’aanka bartayna, waxa uu sannaddii 1960 isla magaalada Wajaale ka bilaabay waxbarashadiisii dugsigii hoose. Dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxa uu dhammaystay sannadkii 1971, kadibna waxa uu galay dugsigii la odhan jiray Bootiko, ee markii danbe loo bixiyey XALANE. 7 ba bilood ayeyna tababar ciidan ku qaateen isaga iyo ardaydii ay isku filka ama xilliga ahaayeen. Sannadkii ku xigtayna waxa uu Prof. Abuubakar ka mid noqday macallimiintii shaqo qaran ( National Service ) ka gashay dugsiyada Hargeysa. Markii uu AUN Abubkar Sh. Abdi soo dhammeeyey sannadkii shaqada qaran, waxa uu toos u galay kuliyaddii Waxbarashada Lafoole, halkaasi oo sannadkii 1973 kii uu ka bilaabay waxbarasho afar sano soconaysey, waxanu ku takhasusay cilmiga Biology ga. 18 kii May sannadkii 1976 kii waxa uu ka qalin jabiyey kuliyaddii Lafoole, kadibna waxa uu macallin ka noqday dugsiga sare ee Sh. Ali Jawhar ( Borame ). Muddo shan sano kadibna waxa uu u wareegay kuliyaddii Lafoole oo uu bare sare ka noqday. Bilowgii siddeetanaadkii waxa Abubakar waxbarasho sare loogu diray dalka boqortooyada Ingiriiska. Muddo laba sano ahna waxa uu MASTER DEGREE oo cilmiga dhaqashada digaagga iyo beeraha ah uu ku sameeyey Jaamacadda la yidhaa COOKSTOWN COLLEGE ( Ireland ) iyo Edenbrough University ( Scotland ). Markii uu dhammastay waxbarashadiina waxa uu dib ugu noqday Jaamacaddii Lafoole ee uu baraha sare ka ahaa. AUN Abubakar waxa uu ahaa muwaadin jecel dalkiisa, ku iimaan qaba shaqadiisa macallinimo ee mihnaddiisa u ahayd. Marnabana kumuu milmin siyaasadaha iyo dagaallada sokeeye ee halaagga baday dadka Somaliyeed. Sidaasi daraaddeed, markii uu Muqdisha ka soo qaxay, waxa uu ka mid noqday aqoon yahannadii reer Awdal ee mar walba u tafo xaydnaa sidii ay jiilka dalan baabiga ahi waxbarasho u heli lahaayeen. Aakhirkiina waxa uu ka mid noqday halyeyadii dhidibada u taagay Jaamacaddii Amoud ee ugu horreysey lagana hir geliyo dalkii baaba’ay ee la isku odhan jiray Somalia. Prof – Abubakar waxa uu ifka kaga tegey 4 wiil iyo siddeed gabdhood iyo hooyadood Hamda. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dhammaantoodba. Aaammiin Ahmed Goth Qaran News
  23. Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoula ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kaloo rayid ah oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku tiillay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Mr. Adam Abdelmoula waxa uu xusay in aan la aqbali Karin dilka shaqaalahaasi, islamarkaana ay tahay mid xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ee arimaha baniaadanimada iyo hab-haqanka caadiga ah. “Waa nasiib daro in weerarkaan uu dhaco xilli Soomaaliya ay la tacaaleyso dhibaatooyinka sadexda ah ee safmarka COVID-19, fataahaadaha iyo masiibooyinka kale ee uu la yimid ayax”ayuu yiri Abdelmoula. Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya Mr. Adam Abdelmoul waxuu ugu dambeyn tacsi u diray qoysaska dadka la dilay,isagoo dhinaca kalana cambaareeyay falkaasi arxan darida ah ee lagula kacay shaqaalahaasi caafimaad. View the full article
  24. Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 27-aad Col. Abshir Maxamuud (Shitaqey) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan wax lug ah ku laheyn dil 8 ruux loogu geystay tuulada Gololey oo hoos-timaada degmada Balcad ee Sh/ Dhexe Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay ku jiraan baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyey dhacdadaasi. Ugu dambeyn Col. Abshir Maxamuud ayaa qiray in ciidanka Xoogga dalka ay diyaar u yihiin difaaca dadka Soomaaliyeed, balse aysan ka suurtoobin inay dadkooda dhibaateeyaan. View the full article