-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Iyadoo ay soo dhowdahay munaasabadda maalmaha Ciidul-Fidriga ayaa waxaa suuqyada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho laga dareemayaa mashquul aad u xoog badan. Meelasha sida daran saxmada looga dareemayo waxaa ka mid ah suuqyada dharka iyo goobaha lagu iiboyo waxyaabaha Mac-macaanka ah Dadka ayaa safaf dhaa-dheer ugu jira goobaha lagu sameeyo Xalwada iyo Buskudka oo si aad ah loo isticaamo maalmaha Ciida. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/warka-safa-ciida.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka dan yarta ah ee ku nool Muqdisho. Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayay Mashruucaas kula kala saxiixdeen labada masuul. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si looga faa’iideyo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo saxiixay mashruuc lagu caawinayo dan yarta ku nool Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta kormeer ku tegay Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha tababarka Ciidamada. Dugsiyaas ayaa waxaa in muddo ah uu tababar uga socday Ciidamo Cusub oo loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka fulin doonaan degaanada ay shabaab kaga sugan yihiin Galmudug. Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Qooje, Taliye ku-xigeenka qeybta iyo Taliyaha Dugsiga ayaa warbixin ka siiyay xaalada Ciidamada xeradan ku jira, Taliyaha Ciidamada Militariga iyagoo tilmaamey in lagu guulestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay. Taliyaha Ciidamada Militariga Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishooda kula dardarmaay in ay si toos ah u gutaan waajibaadkoosha shaqo, isla markaana ay ka faa’iideystan tababarka. PUNTLAND POST The post Taliye Odowaa oo kormeeray Xerada Tababarka Har-qaboobe ee Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Iran oo ku dhow ilaalada kacaanka ayaa werisay in ay jiri doonaan falcelin aan la mahdin haddii Dowladda Maraykanku ay “sida burcad badeed oo kale” ula dhaqanto Maraakiib Iran leedahay oo shidaal u sida Venezuela. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay Reuters in todobaadkii lasoo dhaafay Maraykanku uu ka fakarayey tallaabadii uu ka qaadi lahaa maraakiibta Iran ee shidaalka u sida dalka ay xasaraduhu la degeen ee Venezuela. Qeybaha Shidaalka ee Iran iyo Venezuela, oo ah dalal xubno ka ah ururka OPEC, ayaa waxaa saaran cuneqabateynta Maraykanka. Mas’uulka ka tirsan maamulka Trump waa uu diiday in uu sheego talaabooyinka la qiimiiyay in laga qaadayo maraakiibta Iran oo gaaray ilaa shan, lakiin wuxuu sheegay in arrimo dhowr ah loo bandhigi doono Trump si uu kula doorto. “Haddii Maraykanku sidii burcad badeedii uu ku talo galo in uu amni darro ka abuuro biyaha caalamiga ah, waxaa uu u bareeri doonaa khatar halis ah, hubaal ahaanna taasi ma dhici doonto fal-celin la’aan,” ayey werisay wakaaladda wararka Iran ee Nour. “Venezuela iyo Iran labaduba waa dalal madaxbanaan oo lahaan jiray yeelanna doona xiriir ganacsi,” ayey wakaaladdu kasoo xigatay afayeenka Dowladda Cali Rabiici. “Badeeco ayaan kasoo iibsanaa kana iibinaa. Waana in aan shidaalkeena ka iibinaa, waxaanna heli kartaan qaab aan uga iibino,” ayuu yiri Rabiici isagoo aan bixin faahfaahin ku saabsan markabka shidaalka qaadaya. Waaya aragnimadii laga helay markabkii Briatain. Aqoonyahan taxliiliya siyaasadda Iran ayaa soo jeediyay in xukuumadda Tehran ay ka aargoonsan karto maraakiibta Maraykanka ee gacanka mara, haddii Maraykanku uu qaado tallaabo ka dhan ah markiibta Iran ee shidaalka u sida Venezuela. “Ciidanka Badda Maraykanka iyo xulifadiisa ee jooga gacanka Persia waxay khatari kasoo gaari kartaa nuuc kasta ee xadgudub ah ee ka dhan ah maraakiibta Iran ee sida sharciga ah ku maraya biyaha caalamiga ah,” ayuu twitter-kiisa kusoo qoray Mahdi Maxamaddi. “ka hor inta uusan go’aan qaadan, Donald Trump waa in uu saaxiibkiis Boris Johnson weydiiyaa waaya aragnimaddii markabkii Britain,” ayuu yiri. Iran ayaa sanadkii lasoo dhaafay la wareegtay markab sitay calanka Britain kadib markii ay ciidanka Britain qabteen Markab Iran leedahay oo lagu eedeeyay in uu saliid u siday Syria. Britain ayaa markii dambe sii daysay markabka Iran, ayadoo kadibna Iran ay fasaxday markabka Britain.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay deegaanka Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku wada sugan halkaasi. Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana goobaha lagu diriray gaaray mas’uuliyiin ka tegay Gaalkacyo oo ka kala tirsan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntlnad. View the full article
-
Qiimaha lagu kala iibsado qudaarta nuucyadeeda kal duwan ee suuqyada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa kac ku yimid sare u kac ka dib markii uu saameeyay daadadkii ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle uu ka geystay deegaano hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar. Xiligaan oo kale waxa Beeraha jowhar kaso go,i jiray dalagyo kala duwan oo ay ku jirto qudaarta hayeeshee Roobkii gu’a iyo fatahaada wabiga oo is biirsaday ayaa sababay inay baaba,aan dalagyadii beernaa oo beeraleydu kaga faa’idi lahaayeen Bisha Ramadaann. Gobolka Shabeellaha dhexe waxa uu ka mid yahay kuwa ugu khayraadka badan marka loo eego wax soosaarka dalagyada ka baxa waxaa sanadiihi dambe soo wajahay caqabada badan ee uu ugu horeeyo wabiga shabeelle oo sanadaan waday xilli roobaabka uu ku fataho beeraha u dhawa wabiga iyo deegaanada ku teedsan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-19052020.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool caasimadda. Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayay kula kala saxiixdeen labada masuul. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si looga faa’iideyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug. Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba looga shakisnaa inay ku sugnaayeen Al-shabaab . Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanyahay inuu ka tirsanyahay argagixisada kaddib markii loogu galay guri uu ka deggenaa deegaanka . Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidanka Danab ayaa ku dhaawacmay howlgalka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada. Deegaanka Wargalo ayaa qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howlgallo uga sameeyay deegaanno badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan demmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka Cudurka Karoona Feyrus si dalka oo dhan loogala dagaalamo . “Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19. “Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo caamir shakeeti. Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19. Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan . “Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan covid-19 ee sameynta ku haaya dalka,waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “Ayuu ku celiyay wasiirka warfaafin Maxamed Cabdi Xiye Maareeye . Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka Gobolka banaadir iyo gobolada dalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (PP News Desk) — On the occasion of the 29th anniversary of the proclamation of Somaliland as a self-declared Republic on May 18 1991, President of Somaliland Muuse Biihi Abdi pardoned 365 prisoners convicted of minor offences. A statement from Somaliland Presidency has clarified how Somaliland Attorney General will apply the presidential amnesty. “The amnesty decision will not affect civil claims and criminal record resulting from the offence” reads the decree. Plaintiffs will be able to pursue the pardoned prisoner in a civil court on such matters as theft or physical injury from violence. The hybrid legal system of Somaliland allows settlement of cases outside the court through the customary law. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT PARDONS PRISONERS appeared first on Puntland Post.
-
Illaahay Janadii haka waraabiyee Ahmed Muuse Nuur-Yare Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee ay Argagixisadu khaarijiyeen, Siyaasada kasokow wuxuu ahaa Macalin wacdiya Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada Soomaaliyeed, [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saldhig cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhoobley ay ku wareejiyeen ciidamada maamulka Jubbaland. Saldhigaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa qalabeeyey, islamarkaana maalgeliyey dowladda Denmark, iyadoo muddooyinkii dambe uu fariisin u ahaa ciidanka Kenya. Arrintaan ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha ay ciidamada AMISOM guud ahaan amniga dalka ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliyeed. Brigadier Paul Njema oo madax uga ah taliska AMISOM, Sector two ayaa wareejiyey saldhigga, wuxuuna sheegay in Dhoobley oo ka tirsan Jubbada Hoose ay noqotay magaalo weyn, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo nabad-gelyadeeda. Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.” Saldhigga ay haatan la wareegtay Jubbaland ayaa la sheegay inuu wax badan ka tari doonto amniga gobolka oo ay weli deegaano ka heysato kooxda Al-Shabaab. AMISOM oo la filayo inay guud ahaan dalka isaga baxdo marka la gaaro 2021-ka ayaa waxaa qorshaha ay Soomaaliya uga baxayso uu bilowday April sanadkii hore 2018-kii.
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka. Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda. Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur. Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland. Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed. Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin. Source
-
Unidentified gunmen have on Tuesday morning shot dead a government soldier in Afgoye district of Lower Shabelle region, 30KM south of Mogadishu. The victim, whose name has not been released yet, was gunned down by young men armed with pistols in the Lower Shabelle town, a witness said. The killers fled from the crime scene. Added the witness. Security officers have immediately reached at the scene to carry out investigations at the vicinity though the assailants disappeared. The movements of public vehicles and business activities in the area were halted down for a while for further investigations by the security forces. The motive of the attack was not immediately clear but similar incidents have been reported in the town in the past. No arrests have been made over the assassination. No group claimed responsibility for the attack. However, Al-Shabaab militants are often behind such attacks in the town and across the Horn of Africa nation. The attack comes just a day after the governor of Mudug region Ahmed Muse Nur alongside with his three bodyguards were killed in a suicide bombing in Galkacyo town, the headquarters of Mudug region in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The group was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighboring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government. .
-
Somali Health Ministry on Monday confirmed 34 new cases of COVID-19, bringing the total tally of infections to 1,455. Fawziya Abikar, the Health Minister of Somalia, said one more patient succumbed to the disease, bringing the total number of fatalities to 57. She said 11 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who had been discharged from hospitals to 163. The minister said 21 of the latest cases are male while 13 others are female persons and the cases are largely due to community transmission. She called for unity among the people in order to successfully control the spread of the disease, saying the government has put measures in place to contain the spread of the pandemic. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa. Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah. Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19. Xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga. Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Gobolka Mero ee dalka Kenya oo Qaadka looga soo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa faqri xoogan lugaha la galay, tan iyo markii ay dowladda federaalka ay joojisay qaadkii Soomaaliya uga imaan jiray dhinaca dalka dalka Kenya. Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Meru oo dhigay dibadbax ballaaran ayaa waxa ay uga soo horjeesteen xayiraada saaran Qaadka ay Soomaaliya u soo dhoofin jireen oo la joojiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya labda dal. Sidoo kale ganacsatada ayaa KA dalbaday dowladooda inay wax ka qabato arrintaasi, iyagoo sheegay in Qaadka la’aantiisa magaaladoodu ay ku noolaan doonto faqri xun. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu istaagay ganacsigii Qaadka ee xaafadda Islii oo ay Soomalida ay ku badan tahay, kadib markii lagu soo rogay banow saameeyey isku socodka xaafaddaasi. Ugu damgbeyn isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee wadanka Kenya ayaa waxa ay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka ee loo soo gudbiyo Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa lacag fara badan waxa uu ka soo galaa Qaadka ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagi jiray maalin walba diyaarado sida Qaad fara badan oo laga keenayey gudaha dalkaasi.
-
Somalia's coronavirus lockdown has led to a huge increase in female genital mutilation (FGM), with circumcisers going door to door offering to cut girls stuck at home during the pandemic, a charity said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dilka askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo si gaadmo ah ku toogtay marxuumka. Ilo lagu kalsoonyahay oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay si aayar ah goobta uga baxsatay dhacdada kadib. Sidoo kale ciidamo ka tirsan amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi. Ammaanka Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyey faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Dilkii u dambeeyey ayaa waxaa loo geystay Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ahaa guddoomiyihii ciyaaraha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
-
Ciidamada Amaanka Gobolka Mudug oo Labadii todobaad ee lasoo dhaafay howlgal ka waydey Magaalada Gaalkacyo ayaa soo qabqabtay ku dhowaad 30 Qof oo looga shakisan [...] Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga , gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay howlgal ka sameeneeyn deegaanka Wargalo ee gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku qaadeen guri ku yaalla deegaankaasi oo lagu tuhmayey xubno ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay la kulmeen iska hor imaad kooban, islamarkaana looga dhaawacay hal askari, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay nin hubeysnaa oo ku sugnaa guriga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Ninka la qabtay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameedka howlgalka, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse gacanta lagu dhigay. Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.
-
(SLT-Kampala)-Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo shalay looga dabaal-degay dalka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, kaasi oo ciwaan looga dhigay “Somaliland waxa ay u dabaal-degtay 29 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanideeda.” Waxaanu East Africa Business Week sheegay in xannuunka Covid 19 ee caalamka faraha baas ku hayaa uu saameeyey xusaskii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku muuneyn laheyd Munaasibadda 18ka May. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in 18ka May ay Somaliland u tahay maalin ay qiimeyso waxyaabaha u taabogalay, isbeddelka caqabadaha dalkan curdinka ahi uu waajahayo, isla markaana laga hadlo qorsheyaasha mustaqbalka si uu horumar iyo barwaaqo ugu naaloodo muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in Xuska 18ka May uu yahay maalin la muujiyo midnimada Somaliland iyo Hadafyada guud ee dalka. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska East Africa Business Week, in Somaliland ay si aan kala go’ laheyn caalamka uga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan. Waxa kaloo Wasiir Sacad tilmaamay inkastoo aanay Somaliland deyn ka helin baanka Adduunka, haddana ay wax ka qabato baahiyaha dadkeeda. East Africa Business Week waxa uu xusay in Somaliland laga furay sannadkii 2012kii Wershada Coca Cola oo noqotay maalgashiga ugu ballaadhan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay tan iyo markii Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, waxaanu xusay in wershada sharaabka SBI lagu maalgeliyey 17 Milyan oo Doolar. Waxa kaloo uu ka hadlay Shirkadda Dahabshiil ee Somaliland oo uu ku sifeeyey horyaalka xawaaladaha lacagta ee Afrika, taasi oo ka shaqeysa 150 dal oo caalamka ku yaalla. Sidoo kale, Shabakadda Eagle Online ee dalka Uganda ayaa daabacay qormo dheer oo lagu faahfaahiyey sooyaalkii siyaasadeed ee marxladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay gaar ahaan xiligii ay ahayd mustacmaradii Ingiriiska, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya. Waxana qormadaas qoray Ismaaciil Yuusuf Aadan oo ka qalin jabinaya Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu ku iftiimiyey inay Somaliland tahay qaran istaahila in la aqoonsado isla markaana ay dhammaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan. Source
-
(SLT-Boorama)-Ehelada Marxuumkii U Horeeyay Ee ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Somaliland sheegtay In uu Magaada Boorama Ugu Dhintay Cudurka Covid 19 ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay. Qoyskan Oo Warbaahinta la Hadlay Waxay sheegeen in TB u geeriyoday Waxayna dhaliilo adag u soo jeediyeen Wasaarada Caafimadka Awdal Iyo Cusbitaalka Wayn Ee Boorama Sidoo Kale waxay sheegeen In Ay soo Dhamaysteen Karantiimayntii 21 Cisho ahayd Dhamaantoodna ay Wada Caafimaad Qabaan. Dhanka kalan waxay beeniyeen in dawladu u Aastay Marxuumkii Waxayna Sheegèn In ay Iyagu Aasteen Source
-
(SLT-Washington)-Heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray Mareykanka iyo Iran ayaa dhabbaha u xaadhay in Mustafa al-Kadhimi laga dhigo ra’iisul wasaaraha Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska fadhigiisu yahay London ee Middle East Eye. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah, in Tehran ay taageerto al-Kadhimi, agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Ciraaq, taa beddelkeedna Washington ay joojiso xayiraadda hantida Iran ee taalla Yurub, sida uu sheegay wargeyska. Magacaabista Mustafa al-Kadhimi ayaa waxaa si xooggan uga soo horjeeday kooxda Iran ay taageerto ee Shiicada ah ee Kataib Hezbollah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta saree e Shiicada Iraq. Si kastaba, kooxahan ayaa aqbalay magacaabistiisa kadib markii ay Iran amartay inay garab istaagaan, taa beddelkeedna laga qafiifinayo qaar ka mid ah xayiraadaha culus ee Washington ay saartay dhaqaalaha Iran, sida ay ilo-wareed siyaasadeedyo sare oo Iraqi ah ay u sheegeen Middle East Eye. Mustafa al-Kadhimi iyo ogolihiisa wasiirada ayaa codka kalsoonida ee baarlamanka helay 7-dii May, si ay u beddelaan dowladdii is-casishay ee Adel Abdul-Mahdi. Mustafa al-Kadhimi ayaa ku guuleystay inuu dowlad soo dhiso kadib markii laba siyaasi oo horey la magacaabay, Mohammad Allawi iyo Adnan Al-Zurfi, ay ku guul-darreysteen inay helaan tagaeero ay dowlad kusoo dhisaan. Ciraaq ayaa waxaa ka qarxay banaan-baxyo xooggan bishii October, kuwaas oo looga soo horjeedo heerka nololeed ee hooseeya iyo musuq-maasuq dalka, waxaana ay qasbeen inuu is-casilo ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi Source
-
Popular Contributors
