Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,515
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaraan oo maanta ciidanka amniga ay ka sameeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo sidoo kale ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howlgallada ayaa sheegay in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo dadka gacanta lagu soo dhigay. Shalay ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa oo lagu dilay guddoomiyihii Mudug ee Puntland uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. View the full article
  2. Kooxo Burcad-beed ah, ayaa Axaddii shalay ku guul-darraysay, isku day ay ku doonayeen in ay ku qafaashaan Markab shidaal, kaasi oo marayay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, sida laga soo xigtay shirkadda markabkaasi leh. Markabka oo ay leedahay shirkadda Stolt-Nielsen, oo ku gooshayay calanka waddanka Ingiriiska, islamarkaana ka soo shiraacday dekedda magaalada Jubail ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa Burcad-beeddu ku weerartay xeebaha gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen. Laba doonyood oo yar yar, oo ay saaran yihiin lix Burcad-beed ah oo hubaysan, islamarkaana xawaare sare ku socda, ayaa markabka weeraray, inkastoo aysan ku guulaysan in ay qafaashaan, kadib markii ilaalada markabku iska difaaceen sida ay ku warrantay Sky News oo xiganaysa shirkadda Stolt-Nielsen ee markabkaasi leh. Qoraal ay shirkadd Stolt-Nielsen u dirtay warbaahinta Sky News, ayaa laga soo xigtay in ilaalada markabu ay burburiyeen mid kamid ah doonyihii weerarka soo qaaday, halka markabka ay waxyeello ka soo gaartay Rasaastii ay Burcad-badeedda, inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan. Sidoo kale, Isbahaysiga La-dagaaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ayaa ka digay in laga cabsi qabo in Burcad-badeeddii Soomaalidu dib isu’ abaabulaan sababo la xiriira dhaqaale yarida ka dhalatay xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Burcad-badeed markab shidaal ku weerartay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen appeared first on Puntland Post.
  3. HARGEISA (HOL) - Puntland and Somaliland have lifted the ban on import of the leafy stimulant khat following a month-long suspension of trade in the product. Source: Hiiraan Online
  4. Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaadn doono degmooyinka Wabari iyo Marka oo sanadkaan qeyb ka ah tartanka Shabelle Labada degmo ayaa sidoo kale kala matali doono gobollada dariska ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Degmada badisa Waabari iyo Marka ayaa iska xaadirin doonto wareega afar dhamaadka, iyada oo ay halkaas ku sii sugeyso degmada Howadaag ee gobolka Banaadir. Sidoo kale degmada laga adkaada ayaa guud ahaan isaga hari doonto sanadkaan tartan aqooneeda faca weyn ee shabakkada warbaahinta Shabelle Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  5. HirShabelle state president Mohamed Abdi Waare has presided over a key regional cabinet meeting held in Beledweyne city. The meeting focused on the current humanitarian situation in the Hiran region and ongoing efforts to mitigate the flood crisis in Beledweyne resulted from the heavy Gu’ rainfall. HirShabelle state leader urged his cabinet to work tirelessly and step up the mission to prevent the River Shabelle from flooding again to the town and nearby environs. The city has seen recurrent floods that uprooted hundreds of Somali families who became often IDPs in the region with no adequate humanitarian assistance from aid agencies. View the full article
  6. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada, Sidoo kale Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay . “Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka . In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa wabigaasi shabeelle uu kawada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa taliska Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga deegaanka Kuunyo Barrow, iyadoona lagu khaarijiyey 2 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalkaan ayaa ka qeyb ka aha qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadida dagaalka looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda iyo saaxiibada taageera. War saxaafadeed ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ay si aad uga taxadareen waxyeello dadka rayidka ka soo gaarta weerarkaasi dhanka cirka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo is-kaashanaya yaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee K/ Soomaaliya View the full article
  8. Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar. Afhayeen u hadlay militariga Libya, Mohamed Gnunu ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga, oo ku yaalla xuduudda Tunisia. Warka kasoo baxay dowladda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa yimid kadib bil uu socday dagaal xooggan oo ciidamada xulufada ah ay kaga saareen maleeshiyada Xaftar inta badan xeebaha galbeed ee Libya. Xaftar ayaa weerar culus ku billaabay dowladda bishii April ee 2019, isaga oo doonaya inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in qabshada saldhigga al-Watiya, oo 25km u jira xuduudda Tunisia, uu ciidamada dowladda u ogolaan doono inay dagaal-yahanada Xaftar ka eryaan dhinaca koonfureed ee Tripoli. “Tani waxay miisaankii awoodda Libya u weecin doontaa dhanka dowladda. Waa guul-darro weyn oo soo gaartay Xaftar, maadaama halkan ay ahayd halkii ugu dambeysay ee ciidamadiisa ay ka joogeen galbeedka Libya,” waxaa sidaas yiri weriye ka tirsan Al-Jazeera, Mahmoud Abdelwahed oo ku sugan Tripoli. “Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.” Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka, halka dowladda ay taageero ka heleyso Turkey iyo Qatar.
  9. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey sanad guurada 18-ka May oo ah markii ay Somaliland shaacisay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in aysan waxba la wadaagi doonin dowladda federaalka oo ay haatan si weyn isku hayaan. Muuse Biixi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan deeqaha ay beesha calamka ku caawineyso, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo Soomaaliya. Sidoo kal waxa uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo garab is-taag iyo gargaarba la dooneysa ay Somaliland si toos ah ula xiriireyso. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Madaxweynaha-Soomaaliland.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-18052020.mp3 View the full article
  11. Taliska ciidamada dalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in hoowlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada dhexe lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoo goboka ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidama Kumaandooska Soomaaliya oo ay taageerayaan talis Africom. Taliska oo qoraal kooban soo dhigay bartooda Twitter-ka ayaa xusay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaarada Mareykanka deegaanka Kuunyo Barrow in lagu dilay ilaa labo dagaalamae oo ka tirsan Al-shabaab, taliska ayaa intaas ku daray in howlgalkaas dad shabab ah aysan wax ku noqon sida lagu sheegay qooraalka. Taliska ciidamada Mareyanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey howlgalldaha dhanka cirka ah uu ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan ay sheegtay inuu bilowfday howlgal lagu doonayo in lagu gaaro degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-shabab oo muddooyinkii ku sugnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi (Xildiid) oo maanta Khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 29-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ee 18-kii May sanadkii 1991-kii ayaa soo hadal qaaday suurto galnimada wadahadallo dhab ah oo dhex mara labada dhinac. Madaxweyne Muuse ayaa xusay in Somaliland ay ka go’an tahay ina y noqoto qaran madaxbannaan, si wadahadallaas loo sii anbo qaadana loo baahan yahay in Soomaaliya ay aqoonsato gooni isutaagga Somaliland, waxaana uu intaas uu ku daray in dhammaan shacabka iyo madaxda Somaliland ay ka go’antahay arrintaas waaxana uu yiri. “Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo go’aannada shacbiga Somaliland madaxbannaanidooda uu yahay muqadas lama taabtaan sida uu dastuurku cadeynayo, casriga aan maanta joogno oo ilbaxnimada ah iyo caqliga fiyoobiba waxaa ay isku raacsan yihiin wixii khilaafaad ah ee yimaada in lagu dhammeeyo wadahadal si looga fogaado dhiig dambe oo daata iyo colaado hor leh oo dabo dheeraada, haddii la doonaayo in lawada hadlo waxaa shardi ah in la aqoonsado inaan nahay labo dal oo wada hadlaayo” Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biix Cabdi wuxuu tilmaamay in wada-hadalka labada dhinac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsantahay in ay ka go’do dalka intiisa kale oo ay noqoto jamhuuriyad caalamku aqoonsado sida uu sheegay. “Ma aqbali karno go’aan ah mid inamada Xamar joogaan ay ku hadlaan oo ah wixii aan kala go’ ama aan kala tag ah eynu aheyn aan ka wadahadallno si cad oo dheer ayaan ugu sheegayaa kala go’mooyee wax kale ka hadli mayno waan kala go’nay waana kala tagnay ee labo dal oo daris ah ma ahaanaa, haddii kale waxaad wadaan waad heli doontaan “ ayuu yiri madaxweyne Muuse biixi. Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aya waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe uu hakad badan uu galay wadahadalladii labada dhinac taas oo ay ugu wacan tahay siyaasadaha kala fog iyo halka ay kala joogan labada dhinac waxaana jirin ku dhowaad 30-sano wax isku soo dhowaansho ah oo laga gaaray wadahadallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa si wada-jir ah maanta usoo saaray baaq xasaasiya oo ku saabsan xuska 18-ka May, oo ku beegan maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Baaqa ay maanta soo saareen Shacabku oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online, ayaa waxa lagu sheegay in Ujeeddada iyo yoolka loo unkay qaran madax-bannaan ay aheyd in la dhiso dowladd umadda wada deeqda, kuna dhisan sinaan iyo cadaalada. Sidoo kale waxa baaqaasi shaki lagu galiyay inay xukuumada Somaliland ku shaqeynayso qaab waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaskeeda, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka. Waxaana lagu xusay in gudaha Somaliland ay ka dhacaan falal kasoo horjeeda sharciga, midkaasi oo wiiqaya xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, iyada oo Muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ay xabsiyada ugu jiraan soo bandhigida fikirkooda. Baaqaasi ay maanta soo saareen Shacabku ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay marag ma-doon tahay in xukuumada Somaliland ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray, xili dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaa baarlamaan metela. Waxaana sarre u kacay gudaha Somaliland shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka, sida lagu sheegay baaqaasi. “Waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboonna in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood kadib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaqaynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka” ayuu lagu yiri baaqaasi. “Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warbaahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira aragtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidejinta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan” ayaa sidoo kale lagu yiri baaqaasi. Baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah ayaa waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001. Ugu dambeyntiina waxa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi lagaga dalbaday inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.
  14. The European Union has announced €105.5 million in aid to Horn of Africa nations facing not just the coronavirus pandemic but also ongoing conflict, severe flooding and a months-long locust infestation that has destroyed crops and threatened food security. Somalia and Ethiopia will share €90 million nearly equally, while Kenya will receive €15 million and Djibouti will see €500,000. The money is meant to support health care facilities with controlling the epidemic a top priority, as well as provide assistance to farmers to help maintain food production during the crisis. The funds also are meant to meet the basic needs of refugees and internally displaced people. Somalia, which has seen 56 fatalities among its 1,421 confirmed coronavirus cases, now faces a potential cholera outbreak following recent floods. Aid agencies say the flooding along the Shabelle River has forced 412,000 people from their homes, adding to the risk of spreading COVID-19 and other diseases. World Bank also has approved US$137.5 million for Somalia to help the nation address its multiple crises. “The flood has occurred at a time when Somalia is facing the challenge of limiting community transmission from COVD-19 and its fragile health system is struggling to cope with the pace in which the outbreak is spreading,” said WHO. “The country is also facing one of the worst desert locust infestations in 25 years with new swarms reported in all states across the country.” That’s true for Kenya too, which has seen its flooding death toll reach 237 since the rains began in April and continues to battle locust infestation. “The EU remains committed to help address humanitarian needs in countries in the Horn of Africa, all the more so in these challenging times,” said Commissioner for Crisis Management, Janez Lenarčič. “EU aid will support communities at risk of hunger and strengthen measures to prevent the spread of coronavirus. A global pandemic requires a global response.” Africa Times
  15. Somalia’s semi-autonomous region of Puntland has announced that it has lifted the ban it had imposed on the use, importation and sale of Khat, a step that was initially taken to prevent the spread of coronavirus. Puntland state’s minister of health, Dr Jaama Farah, said they temporarily eased the COVID-19 containment restrictions in the region allowing movements of people in and out of the region as part of a gradual loosening of restrictions over the coronavirus pandemic imposed in late March. The minister also allowed Khat traders to bring in the stimulant plant from Ethiopia and elsewhere but stressed that it should not be sold near the administrative and United Nations centers in the region for security purposes. The ban had barely slowed down the use of Khat in the region, with traders smuggling in loads of the stimulant plant, creating a headache for law enforcement who suddenly had to deal with a newly thriving black market that even drew in senior government officials. In the capital Mogadishu and other parts of the country, a similar ban remains in force, although authorities are also facing a challenge identical to that faced by Puntland. The decision to lift the ban comes amid a spike in Covid-19 cases in the region. Puntland has so far recorded 136 confirmed cases of coronavirus with 5 deaths since the outbreak of the deadly pandemic in the region. Puntland has in the past instituted raft of measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, enforcing night time curfew.
  16. (SLT-Garoowe)-Xubno ka tirsan golaha wasiirrada maamulka Puntland ayaa laga helay xanuunka dunida ku sii fidaya ee Coronavirus. Qaar ka mid ah mas’uuliyiintan ay ku jiraan goobaha lagu xanaanaynayo dadka xanuunku soo ritay, halka kuwo kale oo uu si fudud uu u qabtayna ay guryohooda isku baxnaaninayaan muddo 14 maalmood ah. Waraysi khadka teleefonka lagula yeeshay wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaam Xaaji Siciid Faarax, oo isaga laftiisa ka mid ah mas’uuliyiinta laga helay xanuunka COVID-19, Halkan hoose ka DAAWO waraysiga Source
  17. MOGADISHU (HOL) - Aviation investigators from Somalia, Kenya and Ethiopia have kicked off the joint probe into the circumstances surrounding the downing of a Kenyan registered aircraft by Ethiopian troops early this month. Source: Hiiraan Online
  18. Guddoomiyahay gudiga garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Yabarow Wiish ayaa sheegay in uu is badal iyo dib habeyn uu ku sameyn doono waxaada garsoorka Xiriirka Kubbadda Cagta. “Tani iyo markii la ii magacaabay jagadan waxaan kordhinay horomarinta aqoonta garsooryaasha, welina waxaan ku jirnaa dib u habeynta heerarka kala duwa ee garsoorayaasha kubbadda cagta Dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliya mudane Xasan Yabarw Wiish. Xasan Yabarow Wiish ayaa horay u ahaa garsoore heer caalami oo dhinaca kubbadda cagta,isagoo ka mid ahaa garsoorayaasha ugu firfircoonaa ee ka soo muuqday tartaamda qaarada Africa wuxuuna Soomaaliya u soo hooyay guulo waaweyn intii uu ahaa. “Meel wanaagsan ayaan ka gaaray xirfada garsoorka Africa,balse iminka gabi ahaan waan ka fariistay sababtoo ah waxaan doorbiday in aan juhdi ku bixino in ay soo baxaan dhallinyaro badan oo badala ” ayuu guddoomiye Wiish ugu waramay Goobjoog Sports. Wuxuu sheegay in waxaada garsoorka ay iminka ku howlan yihiin aqoonta kordhinta iyo horomarinta garsoorayaasha Maamul Goboleedyada,isagoo hadalkiisa intaa ku daray in ay safar shaqo ku tagi doonaan dhamaana Maamulada Dalka. “Ka hor iyo inta aan iminka ahay guddoomiyaha garsoorka Soomaaliya waxaan xiirir wanaagsan la lee yahay dhallinyarada garsoorayaasha ee jooga Maamul Goboleedyada, waxaana badankooda u balanqaaday in ay helaan fursadaha iyo waxyaalaha ay u baahan yihiin” ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiye guddiga garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Yabarow Wiish. Garsooryaasha heerka caalami ee Soomaaliya ayaa lagu tirayaa kuwa ugu wanaagsan ee kasoo muuqada ciyaaraha Qaarada Africa waxaana sanadihii lasoo dhaafay kordhayay tirada u gudbaysa heerarka caalamiga. “Garsoorkeena way ka tilmaaman yihiin kuwa kale ee Qaarada, taasina waxay ku timid da’daalka ay sameeyeen dhallinyarada ku jirta xirfadan, yoolkeena mustaqbalka dhaw waa in aan helnaa garsoorayaal kala duwan oo jooga Dalka gudihiisa iyo dibada in ay kasoo muuqdaan caalamka”ayuu gudoomiye Xasan Wiish u sheegay Goobjoog Sports. Si kastaba bishii Febraayo 2019 ayaa xilka guddoomiyaha garsoorka loo magacabay Xasan Yabarow Wiish,isagoo dhinaca kala ah guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog Siiyay Guuddoomiye Wiish W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. Users in the Arab Gulf region reacted to the reports of Qatari involvement in the recent hostage release of Italian volunteer Silvia Romano after her captivity by al-Shabaab, pointing to Doha’s track record of facilitating finance of terror groups. Source: Hiiraan Online
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal dhinaca cirka ah oo ay iska kaashadeen taliska Africom iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Kuunyo-Barow. Lama shaacin magacyada xubnaha la dilay iyo waxa ay u qaabilsanaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab oo weli ko xoogan koonfurta iyo bartamaha dalka. “Dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.: ayaa lagu yiri qoraaka. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka ah cirka ah ee la sheegay in khasaaraha lagu gaarsiiyey. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaqaaqyqada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.
  21. (SLT-Buuhoodle)-Wefti ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Bidhan, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Buuhoodle. Wasiir Bidhaan, iyo weftiga la socda ayaa Buuhoodle soo gaadhsiiyay Daawooyin iyo Agab kale oo Caafimaad. Wasiirka Kalluumaysiga oo hadlay ayaa sheegay in Buuhoodle ay u yimaadeen si ay ula socdaan xaaladda Caafimaad ee magaalada. Source
  22. (SLT-Cambodia)-Bukaankii ugu dambeeyay ee Cambodia ayaa laga daweeyay fayraska corona waxaana laga saaray Cisbitaalka, taasi oo dalkaasi ka dhigtay dal aanay haatan jirin qof qaba fayraska corona. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in qofkan ugu dambeeyay ee ka dawoobay xanuunka ay ahayd haweeney 36 jir ah oo ka timaadday gobolka Banteay Meanchey, taasi oo ku jirtay Cisbitaalka Khmer Soviet Friendship ee magaalada Phnom Penh. Muuqaal laga soo duubay haweeneydan 36 jirka ah ayaa muujinayay iyadoo Cisbitaalka ka sii baxaysa waxaa muuqaalka laga baahiyay Telefishinka Qaranka Cambodia. Dalkaasi ayaa waxaa uu xanuunka fayraska corona soo ritay 122 mana jirin qof qudha oo u geeriyooday fayraskan dunida halakeeyay. Balse saraakiisha ayaa ka digtay in ayna marnaba khafiifin doonin xayiraadihii fayraska corona awgii loo soo rogay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen iskuulada la xidhay, baadhitaanada lagu sameynayo dadka ka soo tallaabo xudduuda iyo karantiilka. 12-kii April ayay ahayd markii ugu dambeysay ee kiis cusub laga soo sheego dalkaasi. Tan iyo bishii Jeeniwari waxaa dalkaasi baadhitaan lagu sameeyay 14,684, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Wasiiirka Caafimaadka Mam Bunheng ayaa dadka ku booriyay iney feejignaadaan oo ay kala fogaanshaha bulshada ilaaliyaan. Waxaanu umaleyneynaa in intabadan kiisaska ay ahaayeen kuwa la soo dhoofiyay, marka sidaa darteed waa inaan ka taxadarnaa oo aanu baaritaanada baraha koontaroolka sii kordhinaa,” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Mam Bunheng. ”Dadka safarrada ka yimaada ee dalkeena soo galaya waa iney wataan warqad caafimaad oo muujineysa in ayna qabin fayraska corona, markaasi kaddib ayaa loo ogolaanayaa iney gudaha usoo galaan Cambodia. Marka ay soo galaana waxa ay galayaan muddo 14 maalmood oo karantiil ah,” ayuu yidhi wasiirka. Source