-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee tafaasiisha cudurka Coronavirus, waxayna shaacisay kiisas hor leh, bogsasho iyo dhimasho uu sababay xanuunkaas. Tirada dadka saacadihii u dambeeyay laga helay xanuunka ayaa lagu sheegay inay gaareyso 47 qofood oo ku kala nool, Puntland, Banaadir, Somaliland iyo Koonfur Galbeed. Sidoo kale warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in laba qof ay u geeriyoodeen cudurka COVID-19, halka 15 kalena ay kasoo bogsadeen. Kiisaska ugu badan ee maanta la shaaciyey ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland, waxaana laga helay 19-kiisa, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis, Somaliland 8-kiis, halka deegaanada Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay todoba kiis oo Coronavirus ah. Waa markii ugu horreysay ee kiiska guud ee gobolka Banaadir laga weriyey 24 saac ay ka bataan meelaha kale ee dalka, waxaana maanta ka badan Puntland. Dadka cudurkaas laga helay 42 kamid ah rag, halka shanta kale ay dumar yihiin. Guud ahaan Soomaaliya tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay 1,502 xaaladood, 178 qofood ayaa kasoo bogsatay xanuunkaas, halka inta la ogyahay 59 kale ay u dhinteen.
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta komeer ku tagay ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel kuwaasi oo loo tababarayo dagaalka ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab . Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageystay saraakiisha dugsiga, waxaana ka mid ahaa taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga ee Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankaan lagu diyaarinayay sidoo kale sheegay in haatan ay diyaar uyihiin qabshada waajibkaadka la saaray ee dalka. Taliyaha ciidanka xoogga Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta dalka iyo u adeegida shacabkooda . “Dhammaan hogaanada,saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujiseen karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-19052020.mp3 View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntiland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59. Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo ay dadka ku xayiran Kenya uga soo daad gureyneyso iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo taxadarka xanuunka COVID19, balse mid ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa safaaradda Soomaaliya ku eedeeyay iney sameynayeen baaritaanno qarsoodi ah oo ku aadan Coronavirus. Talafashinka Citizen oo ka mid ah kuwa afka dheer ayaa aaminsan inuu hayo muuqaalo cadeynaya in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu sameeyay baaritaan qarsoodi ah oo la xiriira Coronavirus. TV-ga wuxuu leeyahay dadka waxey galayeen dhismo ay ku marayeen baaritaan qarsoodi ah, sidoo kalana wuxuu soo bandhigay warqado cadeynaya in sheybaarka Lancet uu yahay halka uu baaritaanka ka dhacay, kaasi oo mid ka mid ah quburadooda uu markii dambe twitter-ka ku beeniyay warka uu baahiyay TV-ga. Si kastaba Maxamuud Axmed Nuur Tartan oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ku hawlan howsha daad gureynta ayaa BBC-da uga warramay wax walba, wuxuuna siiyay wareysi cod ah uu ku beeninayo arintaas. “Marka hore Safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la gali karto” “Isbitaalkaan dowladda Kenya ayaa tilmaam bixisay oo tiri qofkii ka baxaya, anagana xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkaan aan ka daad gureyno, dowladda Kenya iyo dowladeena Soomaaliyana waan isku waafaqnay.” “Shardi waxaa ah in qofka baxaya uu ka caafimaad qabo Coronavirus, marka waa inuu is hubiyo, shirkadaan la dhaho Lancet waxey ku taallaa meelo kala duwan, meel walba ayey ku taallaa, sababta aan kan u isticamaaleyno waxey tahay sababtoo ah Islii ayey dadka ka imaanayeen, waxaana la galiyay Karantiil, waana isbitaal ay dowladdu cayintay” “Anagu waxeena sir maahan waa wax dowladdu ogtahay, Liiskii lasoo qaaday ee baxaya ee la hubiyay caafimaadkooda waxaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda” Safiirka wuxuu sidoo kale si adag u sheegay iney jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo ka xun shaqada ay qabaneyso Safaaradda. isla markaana soo abaabulay halkaan, wuxuuna adeegsaday hadal adag oo ah in Soomaalidu iyadu cadaw isku tahay. Tarsan wuxuu sidoo kale sheegay in kaliya Sheybaarka Lancet uusan aheyn meesha ay dadka iska baari karaan, kaliya dad lagu qiyaasay 18 qofood oo kaliya ay iska baareen sheybaarkaan ku yaalla Islii iyadoo la ogyahay iney safaaraddu soo daad gureyneyso marka hore 107 qofood sida uu safiirka sheegay. Dhanka kale Dr. Axmed Kalebi oo ka mid ah quburada caafimaad ee ka hawlgala sheybaarka Lancet ayaa barta twitter-ka kaga jawaabay arinta wuxuuna sheegay ineysan jirin wax sir ah oo ay u sameeyeen safaaradda Soomaaliya, wuxuuna warbixinta TV-ga Citizen ku sheegay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntiland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59. Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada. View the full article
-
Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo dhanka galbeed uga aadan magaalada Gaalkacyo, qiyaastii u jira 9km oo saakay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland. Mas’uuliyiintaan ayaa ku guuleystay hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen ciidamadii dirirtu u dhexaysayay, mas’uuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnayd todobaadyadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan. Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, faham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed. Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa iney walaallaheen reer Somaliland dabacsannaan muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiican oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ayaan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Somaliland iyo midnimadda dalka. Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma jiri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wadahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsanaya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaawdo wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay. Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyadda Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in howsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan isxambaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiyaano. Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa waqtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somaliland oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed. Mahad-badan Abdikarim Hussein Guled Source
-
Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto ah u joojin doono maal-gelinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan ballan-qaadin inay horumarro ku sameyn doonto 30 maalmood gudahood. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu dib uga fakari doono xubinnimada Mareykanka ee hay’addaas. Trump ayaa bishii tagtay si ku-meel gaar ah u joojiyey tabarucaaddii Mareykanka ee WHO, isaga oo ku eedeeyey inay taageereyso “akhbaaraadka qaldan” ee Shiinaha ay ka bixinayaan cudurka Coronavirus, eedeymahaas oo WHO ay beenisay. “Haddii WHO aysan ku ballan-qaadin horumarro weyn oo la taaban karo 30-ka malamood ee soo socda gudahood, waxaana hakinta ku-meel gaarka ah ee aan ku sameeyey maal-gelinta WHO ka dhigi doonaa mid joogto ah, waxaana dib uga fakari doonaa xubnnimadeeda,” ayuu Trump ku sheegay warqad uu u diray agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo uu twitter-ka soo dhigay. Trump ayaa horey u sheegay in WHO ay sameysay “shaqo laga niyad jabo” marka ay timaado habka ay ula tacaashay fayruska, islamarkaana uu dhowaan qaadan doono go’aanka Mareykanka ee maal-gelinta WHO. Warqaddan ayaa Trump waxa uu ku sheegay in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in WHO ay muujiso inay ka madax-banaan tahay Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in maamulkiisa uu goor horeba billaabay wada-hadallo dib u habeyn oo uu la leeyahay Tedros. WHO ayaa Isniintii sheegtay in dib u eegis madax banaan oo lagu sameynayo jawaabta caalamka ee Coronavcirus loo billaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana taageero iyo ballan-qaad maal-gelin oo weyn ay ka heshay Shiinaha, oo ah dalka uu fayruska kasoo billowday. REUTERS + VOA
-
Kenyan police have thwarted an attack by suspected Somali militants al Shabaab after the group engaged a fierce clash with Kenyan police forces in Garissa county, the northeast part of the east African nation. Police confirmed. North Eastern Regional Commissioner Nick Ndalana said that al-Shabab extremists launched an attack after a vehicle belonging to Kenyan police officers ran over a homemade bomb along the Bura-East-Garissa Lappset road on Monday. He further added that the IED exploded behind the vehicle. “We got information that the suspected militants were around and our police officers were on patrol. After they (militants) noticed the vehicle missed the IED they had planted, they started shooting at the police officers,” Mr Ndalana said. Local authorities reported that the rear right tyre of the police Toyota Land Cruiser was punctured by an enemy bullet. The vehicle’s body also had five bullet holes. Mr Ndalana confirmed that no casualties were reported. The incident came two days after suspected Al-Shabaab militants destroyed a Safaricom communications mast in Khorof Kharar in Wajir County. Based in the Horn of Africa, the al-Qaeda-linked group initially concentrated its attacks in Somalia, where it wants to overthrow the Western-backed government. But since 2011, the group has increasingly been targeting Kenya. In 2013, it claimed responsibility for a deadly shopping center attack in the Kenyan capital, Nairobi,that killed more than 60 people. In December 2014, al-Shabab killed 38 non-Muslims at a quarry after separating them from Muslim workers. In April 2015, an assault on a university in the town of Garissa left at least 147 dead. Kenyan troops entered southern Somalia in 2011 to fight Al Shabab fighters following a spate of kidnappings in its coastal region. Kenya sent its troops into neighboring Somalia to target al-Shabab fighters, whom it blamed for the abductions. Al-Shabab denied involvement in the kidnappings. Kenyan troops, backed by Somali soldiers, pushed al-Shabab out of several towns controlled by the group in southern Somalia. Al-Shabab then started carrying out deadly attacks in Kenya, saying they were in retaliation for Kenyan troops crossing into Somalia. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010.
-
Qaran News
-
Madaxweyne-Xigeenka Puntland Oo Cunaqabteyn la saarey Wararakiisa in Laga baahiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulka Puntland Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka. Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda. Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland. Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed. Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin. Qaran News
-
Rome (Caasimadda Online) Silvia Romano oo ah gabar la heyste u aheyd Al-Shabaab muddo 18-bilood ah, dibna loogu celiyay dalkeeda kadib markii la bixiyay madax furasho, ayaa qabsatay warbaahinta isbuucyadii ugu dambeeyay, waxeyna wax walba ku saabsanaayeen shaki laga muujiyay dharka ay xirneyd iyo iney la baxsay sida la sheegay Caa’isha. Caa’isha Romano mar kale ayey gilgishay gudaha Talyaaniga kadib markii ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay aayado qur’aan ah oo sida laga fahmay ay ugu jawaabeyso dadka u hanjabay iyada, waxaana jirta in dad badan ay dhaleeceyn dusha uga tuureen. Sida sawiirka hoose ka muuqata aayadaha ay soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku fasirtay luqadda talyaaniga waxey ku jiraan suuradda 41-aad ee Qur’aanka (Fussilat) oo ka kooban 45 aayadood , waana suurad qeybaheeda hore ay kusoo dagtay magaalada Makka halka qeybaha dambe ay kusoo dagtay magaalada Madiina. Iyadoo ay taasi jirto ayaa gabar Soomaali (Talyaani) ah oo warbaahinta ka shaqeysa ayaa walaac weyn ka muujisay qoraalka gabadhaan iyo adeegsiga aayadaha, waxeyna aaminsan tahay iney gabadhaan qiil u raadineyso kooxahii heystay oo ay ku tilmaameyso kuwa hadda cadaw u muuqda balse ay noqon karaan saaxiibo. Shukri Saciid waxey leedahay macnaha hadalka Silvia (Caa’isha) wuxuu iila muuqdaa iney kooxaha xagjirka ah oo ay dadka u heystaan dad xun, sidoo kalana ay aragti ahaan u heystaan dad cadaw ah iney saaxiibo noqo karaan, balse ay u baahan tahay samir. Shukri waxey sidoo kale aaminsan tahay in kooxahii afduubayaasha iyo Silvia Romano ay isku milmeen oo ay noqdeen dad wada nool, halka markii hore loo heystay qof la qafaashay iyo koox wax qafaalatay. Shukri oo BBC-da la hadashay waxey farta ku fiiqeysaa in walaacii dadka aan la dhicin iney diinteeda badashay ay sii kordhi karto maadaama ay difaaceyso kooxahii heystay sidey ka fahmeen hadalka ay kusoo qortay baraha Bulshada. Warbaahinta Talyaaniga aad ayey arinkaan u hadal qaadeen, waxaana jirtay in dowladda talyaaniga ay dhawaan bilowday baaritaan la xiriira hanjabaado ka dhan ah gabadhaan oo lasoo gaarsiiyay, dad badan ayaa qaba in dowladda talyaaniga ay ku qaldantay iney sii deyso ama ay dadaal badan ku bixiso in lasii daayo maadaama ay ka caroodeen iney diinteeda badashay.
-
Qaran News
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga soo sheegayaa in dagaal uu halkaas ku dhexmaray ciidamada ammaanka Kenya iyo xoogagga Al-Shabaab, kadin qarax halkaas ka dhacay. Nick Ndalana oo ah taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay iney dagaal kula galeen Al-Shabaab ismaamulka Gaarisa. Warbaahinta Kenya ayaa qirtay in qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaari ay wateen ciidamada amaanka dowladda Kenya, walow ay sheegeen ineysan waxba gaarin, kadibna wxaaa xigay iska horimaad dhacay. “Ciidmada waxey heleen macluumaad ku saabsan in kooxda ay halkaas joogaan, waxey ku jireen roondo, rasaas ayey kusoo fureen ciidanka markii ay ogaadeen in gaariga ka badbaaday qaraxa,” ayuu yiri taliyaha booliska. Taliyaha Booliska wuxuu sheegay ineysan soo gaarin khasaare nafeed, walow dadka deegaanka ay ka dhawaajiyeen iney waxyeelo ku arkeen gaariga ay wateen ciidamada oo sida la aaminsan yahay ay haleeshay rasaastii la is weydaarsaday. Daily Nation oo warkaan daabacday waxey sheegtay in weerarkaas uu ka dhacay wadada isku xirta deegaanada Burta east iyo Garissa. Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadkan.
-
The US Supreme Court on Monday ruled that Sudan must pay hundreds of millions of dollars in punitive damages to some victims of the 1998 attacks on US embassies in Nairobi, Kenya and Dar es Salaam in Tanzania. Source: Hiiraan Online
-
Police officers on patrol have engaged suspected Al-Shabaab militants in Garissa County in a shootout, North Eastern Regional Commissioner Nick Ndalana has confirmed. Source: Hiiraan Online
-
President Trump announced Monday that he is taking the drug hydroxychloroquine as protection against the novel coronavirus, despite the lack of evidence that it prevents individuals from contracting the illness and warnings from physicians that it can have deadly side effects. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adda Caafimaadka aduunka ee magaceeda lusoo gaabiyo WHO ayaa maanta qalab caafimaad oo ka kooban maaska afka lagu xirti gacmo gashi iyo agabyo kale oo dhammaan looga hortago cudurka sarmarka ee Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka hirshabaale. Agabkaan oo maanta wasaaradda caafimaadka hirshabeelle kula wareegtay Magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe ayay hay’adda ugu talagashay in lagula dagaalamo cudurka Karoona madaama gobolka ay ka jiro biyo bax kaddib markii uu Wabiga shabeelle uu ku fatahay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda wHo deeqda ay soo gaarsiisay isagoo sheegay in xiligaan adag baahi badan ay u qabeen. “Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdaan agabka caafimaad oo ay inoo keentay maxaa yeelay waa waqti aan baahi qabno maadaama deegaano Hirshabeelle uu soo gaaray cudurkaan Covid-19 “ayuu yiri wasiirka Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarad sidda gurmad Caafimaad oo dowladda Soomaaliya u soo diyaarisay gobolka Sanaag taasi oo ka degi lahayd magaalada Badhan ayaa dib u dhac kooban ku yimid sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka soo jeeda Badhan. Diyaaradda oo la filayay in ay maanta tagto garoonka diyaaradaha Badhan ayaa dib u dhacday kadib ciriiri dhanka wakhtiga ah maadaama aysan habeenkii diyaarado ka degi Karin Airport-ka Badhan. Wararku waxay sheegaan in diyaaradda maanta uu wakhtigu ka dhacay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay isku dayeen in ay baajiyaan balse madaxda dhaqanka gobolka ay dib ka xalliyeen murankii ka dhashay isku daygaasi. Diyaaraddaas gargaarka sidda ayaa la filayaa in ay maalinta berriya gaarto magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaas oo ay gayn doonto gurmad caafimaad. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid diyaarad siday gurmad caafimaad oo dowlada Somalia u qorshaysay Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Covid-19 ahna wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xaiyr Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan demmooyinka gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee baasiga iyo ciribtirka cudurka Karoona Feyrus si dalka oo dhan loogala dagaalamo . “Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Maareeye Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan guddiga wacyigalinta ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan Covid-19. “Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti. Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinyay qatarta uu leeyahay cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafintaanka Karoona. Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan . “Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurkaan covid-19 ee sameynta ku haaya dalka,waxaana dadaal walbo ay ku bixineysaa sidii ay uga hortagi laheyd “ ayuu ku celiyay wasiirka warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xiye Maareeye . Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhamnaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolada dalka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Maamulka Afgooye oo war ka soo saaray dil ka dhacay Afgooye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Qaasim Carab aya ka warbixiyey dil maanta ka dhacay gudaha degmadaasi. Qaasim Carab ayaa sheegay in dilka oo ahaa mid qorsheysan loo geystay wade mooto Baajle ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in tiro dad ah oo lagu tuhmayo falkaasi toogashada ah gacanta lagu hayo, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeri ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Oke.mp3 View the full article -
Tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan gabagabo ku sii dhow ayaa waxaa caawa la guda geli wareega Sama-Final-ka oo ay isugu hareen illaa afar degmo oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Degmooyinka Wadajir iyo Hodan ayaa caawa ku ballansan lugta ugu horreysa ee wareegan, waxaana degmada badisa ay fariisan doontaa Final-ka tartanka. Sidoo kale waxaa wareegaan ku jira Howlwadaag iyo Waabari oo habeen dambe isku beegmi doono, waxaana degmada badisa ay iska xaadirin doontaa wareega u dambeeya, iyadoo ku dhici doonta degmada soo baxda caawa Wadajir iyo Hodan. Illaa 16 degmo ayaa sanadkaan ka qeyb-galayey tartanka, iyadoona daaqada laga saaray 12 degmo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Sh/Hoose Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Popular Contributors
