-
Content Count
214,515 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, soona noqday Wasiir ka tirsan xukuumadii hore ee Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay xuska 18-May, oo ku beegan xiligii ay Somaliland ku dhawaaqday madax-banaanida. Cabdikariin ayaa Somaliland ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadheen dhanka amaanka iyo weliba horumarka, isagoona dowladda federaalka ku eedeyay inay gebi ahaanba ku fashilmatay soo xero galinta Somaliland. Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin ayaa arrinkaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo ku sheegay inaysan dhaceyn qaranimo dhameystiran inta ay maqantahay Somaliland, oo iyadu ku doodaysa inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya. Wuxuuna usoo jeediyay dowladda federaalka inay dar-dar xoogan geliso wada-hadalada labada dhinac, xili ay socdaan qorshayaal cusub oo dowladaha Itoobiya iyo Mareykanku ku wajahayaan wada-hadalkaasi. Hoos ka aqriso qoraalka Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan. Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, faham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed. Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa iney walaallaheen reer Somaliland dabacsannaan muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiican oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ayaan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Somaliland iyo midnimadda dalka. Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma jiri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wadahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsanaya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaawdo wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay. Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyadda Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in howsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan isxambaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiyaano. Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa waqtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somaliland oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed. Mahad-badan Abdikarim Hussein Guled
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Dhowaan loo soo Magacaabey Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen: Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame . Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada,isagoo dhiiri gelin u sameyn doona cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Deegaannada Galmudug ay kaga sugan yihiin Al-shabaab Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somaliland waxay u dabaal dagaysaa sanad guuradii 29 aad, ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay in ay shacabka Somaliland dib ula soo noqdeen xoriyaddii ka lunta 60kii, markii ay si ka fiirsi la’aan ah ula midoobeen Somaliyadii talyaanigu gumaysanayay. . Hadaba inkasta oo ay Somaliland muddaa 29sanadood ah ee ay jirtay ay gaadhay guulo badan oo wax ku ool ah, islamarkaana ay ka soo gudubtay marxalado badan oo duruufahooda iyo waayahooda lahaa, hadana waxa wali horyaala caqabado badan oo lugta jiidaya horumarka ay shacabka Somaliland ku riyoonayaan, ku waa soo leh kuwo bulsho, kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeedba. Waxyaalaha ugu mudan ee aynu maanta tabayno waxa ka mid ah, aqoonsi caalami ah oo aynu dunida ka helno, kaa soo fure u noqon lahaa xidhiidh dubla-maasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aynu dunida la wadaagno. 29sanadood oo aynu jirnay waxaynu xukuumad iyo shacabba dadaal badan galinay sidii aynu aqoonsi caalami ah uga heli la hayn beesha caalamka, sidoo kalena waxaynu u soo dhabar-adaygnay hagardaamooyin badan oo inagaga imanayay koonfurta Somaliya iyo wadamo kale oo cadow ku ah qadiyada madaxbanaanideena. Hadaba maanta oo laga joogo 29 sanadood markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadii xoriyaddii luntay 60kii, waxa wali inna sugaysa hawl badan oo u baahan in aynu dadaalka sii libin-laabno, islamarkaana aynaan ka niyad jabin caqabadaha iyo culaysyada innaga hor imanaya ilaa inta aynu ku guulaysanayno yoolka aynu higsanayno. Waxa sidoo kale inala gudboon in aynaan ka daalin hadafkii iyo ujeedadii aynu ka la hayn dib ula soo noqoshada xoriyaddan qiimaha badan innagu joogta. sideedaba ma jirto guulo ay aadamuhu ku gaadheen fadhi iyo kada-loob, waxa se guul kasta oo laga midho dhaliyay ku timid han iyo himilo durugsan oo ay la socoto hal-adayg iyo hawlkarnimo joogto ahi. Waa xaqiiqo in ay kooban yihiin guulaha aynu gaadhnay marka la eego 29sanadood aynu jirnay, waxa se arrintaa u sabab ah, bulshadeena oo aan wali u bislayn nidaamka dowliga ah iyo horumarka ay bulshooyinku ku gaadhaan wadajirka iyo iisku-tiirsanaanta, taa saana sal u ah gaabiska ka muuqda koboca dowladnimo ee aynu sugaynay. Dhibaatooyinka maanta lugta jiidaya habsami-usocodka nidaamka maamul ee aynu dhisaynaa, waxay intooda badani ku aroorayaan aragtida qabaliga ah ee ay bulshadeenu kala soo hayaantay noloshii reer guuraaga iyo geellayda ahayd. Sida ay xaqiiqdu tahay, bulsha ahaan kuma abtirsano xadaarad iyo ilbaxnimo hore oo aynu dib u raad gurno. Sidoo kalena ma nihin bulsho u dhaga-nugul ama u hogaansanta qaadashada awaamiirta la faro. Gun iyo gabo-gabadii waxaan hoosta ka xariiqayaa in howsha ugu weyn ee bulshadeena u taalaa ay tahay, sidii loo naafayn lahaa aragtida qabaliga ah ee bulshadeena ku dhex faaftay, taa soo sabab u ah dib dhacyo badan oo inagu gadaaman, islamatkaana leh kuwo maamul, kuwo dhaqaale iyo kuwo bulsho. Waxaana qabyaaladdaa aafada innagu noqotay, naaxinaya kooxo ku adeegta kala irdhaynta iyo kala qaybinta shacab walaalo ah, oo noloshu mataanaysay. Cumar Axmed Cali cumaraxmed331@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa warbixin uu maanta soo saaray uga hadlay caqabadaha hor-taagan in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna soo bandhigay nidaam lagu beddeli karo, haddii ay sidaas dhici weyso. Machadka wuxuu eegay sharciga doorashooyinka dalka ee la meel-mariyey, wuxuuna soo bandhigay afar cillad oo waaweyn, oo uu leeyahay, iyo toddoba caqabad oo hortaagan hirgelinta Xeerka Doorashada. Haddaba, innaga oo warbixinadeena xiga idinkugu soo gudbin doona, Insha Allah, nooca doorasho ee Machadka uu soo jeediyey, marka hore aqriso cilladaha uu leeyahay iyo caqabadaha hortaagan in sharciga doorashooyinka la hirgeliyo. Cilladaha Waaweyn ee uu leeyahay Xeerka Doorashooyinku Inuu madaxweynuhu saxiixay Xeerka Doorashooyinka waa horumar la taaban karo oo horseedaya dimoqraadieynta dalka. Gaar ahaan arrintanu waa u muhiim dalka Soomaaliya oo aysan doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah ka dhicin muddo 50 sano ah. Runtii xeerkani wuxuu gundhig u noqonayaa in Soomaaliya ay mar kale noqoto dal dimoqraadi ah, sidii ay horeyba mar u noqotay dalkii ugu horreeyey ee Qaaradda Afrika si dimoqraadi ah xukunka iskugu baddalay. Ha yeeshee, waxaa jira su’aalo badan oo uusan xeerka doorashooyinku ka jawaabin. Taasinna waxa ay kalliftay in labada aqal ee baarlamaanku ay u saaraan guddi ka soo shaqeeya dhamaystirka afar arrimood oo ka dhiman. Kow, xeerka doorashooyinka ma uusan dhigin kuraasta labada aqal deegaan ama degmooyin. In kuraasta aqalka hoose (275 kursi) ay deegaameysan tahay waa shardi muhiim ah runtii. Taas baddalkeeda, xeerku wuxuu caddeynayaa in beel kasta ay heysanayso kursiga ay hadda haysato oo xubnaha beeshaasi ay ku tartamayaan. Haddii si kale loo dhigo, baarlamaanku wuxuu markii ugu horreysa xalaaleeyey oo xeeriyey nidaamka awood-qeybsiga ee 4.5 kaasoo markii hore ahaa xalmastuur aan qorneyn. Taasna waxaa ka dhashay in baarlamaanku uu sii murjiyey xaalad hore u qasneyd oo ku saabsan is-dhexgalka qabiilka iyo siyaasadda. Dhanka kale, baarlamaanku wuu xalliyey welwel ay qabeen kooxaha iyo beelaha qaar maaddaama uu kursi kasta beel u xiray. Laakiin, taasi waxa ay ka horimaynaysaa dimoqraadiyadda ku dhisan qof iyo cod oo qof walbana uu leeyahay xaq inuu wax doorto, lana doorto. Labo, xeerka doorashooyinku wuxuu dib u riixay arrimaha muhiimka ah ee la xiriira kuraasta Soomaaliland iyo metalaadda gobolka Baraandir. In ka badan 50 xildhibaan oo ku jira labada aqal ayaa metala Soomaaliland inkasta oo aysan tegi karin degmooyinka ay metalaan. May 18, 1991, Soomaaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day dalka intiiska kale. Sannadkii 2016, xildhibaannada Somaliland waxaa lagu xulay/doortay Muqdisho, waxaana ka dhashay su’aalo muhiim ah waddada loo maray iyo saameynta ay ku leeyihiin Soomaaliland. Sidoo kale, waxaa soo ifbaxay saameyntii iyo maamulidda uu ku yeeshay habka xulista matalayaasha Somaliland, maamulkii markaas jiray ee uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale, waxaa jira dood xoog leh oo ka taagan maqaamka Muqdisho iyo gobolka Banaadir maaddaama aanay ahayn maamul-goboleed. Sanadkii 2016-kii Muqdisho ma aysan lahayn guddi heer gobol ah oo maamula doorashada. Marka laga reebo xildhibaannada matalaya Soomaaliland iyo dhowr kale, ma jirin xildhibaanno badan oo lagu doortay Xamar. Haddana, inta badan xildhibaannadu waxa ay ku nool yihiin Muqdisho. Waxaa taas ka sii daran inaysan Muqdisho lahayn hal kursi oo aqalka sare ah wallow uu dastuurku si cad u qeexayo in gobolladii 18-ka ahaa uu mid walba yeelanayo saddex kursi. Waxaa jira xoogag farabadan oo u ololeynaya inay Muqdisho noqoto maamulgoboleed wallow dastuurku uu leeyahay maqaamka Muqdisho waa laga tashanayaa – ilaa iyo hadda arrinta Muqdisho ma noqon mid loo soo jeestey. Saddex, Xeerka Doorashooyinku ma caddeynayo sida lagu xaqiijinayo metalaadda haweenka. Culeysyo badan oo ka imanayey bulshada caalamka dartood, sanadkii 2016, haweenku waxa ay heleen 24% kuraasta (329) labada aqal. Haddaba marka la fiiriyo dhaqanka Soomaalida oo aan haweenka siineyn awood siyaasi ah, sida kaliya ee lagu xaqiijin karo metalaadda haweenka waa in la sharciyeeyo qoondahooda lana fuliyo sharcigaas. Afar, xeerka doorashooyinku wuxuu leeyahay waa in door muuqda la siiyaa xisbiyada doorashooyinka soo socda. Ha yeeshee, baarlamaanku weli ma uusan ansixin wax-ka-baddalka xeerka xisbiyada oo xeerinaya doorka xisbiyadu ku yeelanayaan doorashada. Guddiga Doorashooyinku waxa ay si ku-meelgaar ah u diiwaan geliyeen 82 xisbi. Inkasta oo kororka xisbiyadu ay wanaagsan tahay, haddana haddii aanan xeerka xisbiyada la helin jiritaankoodu waa macna-beelayaa. Malaha waaba sababta dib loogu dhigay ‘xisbigii weynaa’ ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulWasaare Kheyre ay sheegeen inay ku dhawaaqayaan. Haddii la soo koobo, doorasho xor iyo xalaal ah ma dhici karto xeerkaas la’aantiis. Caqabahada Hortaagan Hirgelinta Xeerka Doorashada Waxaa jira toddoba caqabadood oo horyaal hirgelinta xeerka doorashada ee sanadkan la filayo: Caqabada Koowaad: Inkasta oo labada aqal ay tiro badan ku ansixiyeen xeerka doorashada, haddana waxaa jira qeybo muhiim ah oo aan taageerin. Labada maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland waa ay kahoryimaaddeen xeerkan. Labada maamul waxa ay ku dhawaaqeen in ay xireen xafiisyada Guddiga Doorashada. Sidoo kale, waxa ay doonayaan maamulladani in guddiga doorashada ee heer gobol uu kaalin ku yeesho maamulka doorashooyinka. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa iyaguna ka horyimid hannaanka ay dowladdu u abbaartay nidaamka doorashada. Caqabada Labaad: Waqtiga ka haray muddo-xileedka baarlamaanka (6 bilood) iyo Madaxweynaha (8 bilood) kuma filna in la dhameystiro xeerka, dabadeedna la diyaariyo doorashooyin qof iyo cod ah. Sida muuqata hirgelinta sharcigan wuxuu qaadanayaa sannado, wuxuuna u baahan yahay diyaar-garow weyn. Caqabada Saddexaad: Xaaladda guud ee nabadgelyada dalku waa ay liidataa. Qeybo badan oo ka mid ah dalkana waxaa maamula ama saameyn xoog leh ku leh kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Haddaba in la sugo nabadgelyada doorasho ka dhaceysa dalka oo dhan waxay u baahan tahay tobonnaan kun oo ciidan ah. Inkasta oo ay dowladdu sameysay guddiga amniga doorashooyinka, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda, haddana xaaladda siyaasadeed iyo khilaafka maamulgoboleedyada Puntland iyo Jubbalald wuxuu keenayaa inaysan soo qiimeyn karin gobolladaas haddii aan la helin heshiis siyaasadeed. Caqabada Afaraad: Si loo fuliyo doorasho qof iyo cod ah waxaa loo baahan yahay dhaqaalo badan oo kor u dhaafaya $100 milyan oo dollar. Runtiina dhaqaalahaas dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu ma awoodaan hadda. Inkasta oo ay cid walba ogeyd in doorasho ay dhacayso 2020, haddana dowladdu miisaaniyaddeeda wax dhaqaale ah uguma darin doorashooyinka.Waxaa kaliya oo ay kafaala-qaadday dhaqaalaha guddiga doorashooyinka ay ku shaqeeyaan ee sannadlaha ah. Guddiga Doorashadu wuxuu u baahan yahay $53 milyan oo dollar. Illaa hadda, waxaa jira yabooh ay sameeyeen deeq-bixiyayaalka caalamka, laakiin sida muuqata kuma filna. Caqabada Shanaad: Farsamo ahaan arrimaha loo baahan yahay si doorasho qof iyo cod ah ay u dhacdo weli waa qabyo ama maba jiraan xilligan. Si doorasho xor iyo xalaal ah oo aan musuq-maasuq lahayn ay u dhacdo, Guddiga Doorashadu waxa ay u baahan yihiin farsamada teknoolijiyada casriga ah ee loo yaqaan “biometric system’ si ay u diiwaan geliyaan dadka codeynaya. Tusaale ahaan, Soomaaliland waxa ay ka shaqeyneysay diyaarinta arrimahan muddo 20 sano ku dhow. Welina waxaa jira eedo badan oo la xiriira waxis-daba-marsiin. Caqabadaha waxaa ka mid ah inaan dadka Soomaaliyeed intooda badan lahayn warqado aqoonsi oo heer qaran ama heer gobol ah. Taasina way sii adkeyneysaa hawsha diiwaan gelinta. Caqabada Lixaad: Xeerka Doorashadu wuxuu caddeynayaa in Guddiga Doorashada ee Heer Federaal uu maamulayo doorashada dalka marka laga reebo Soomaaliland iyo meelaha ay Al-Shabaab heystaan. Sida ay muujinayaan Puntland iyo Jubbaland, arrinkaasi ma aqbalayaan oo waxay hore u xireen xafiisyada guddiga doorashooyinka. Arrintaas waxay lamahuraan ka dhigeysaa inay dowladda dhexe iyo maamulgoboleedyadu ay ka heshiiyaan. Caqabada Toddobaad: Sida muuqata, cudurka COVID-19 wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa dadka Soomaaliyeed oo awalba tabar-yaraa. Inkasta oo guud ahaan tirada la xaqiijiyey inuu ku dhacay cudurku ay yar tahay, haddana waxaa jira cabsi ah inuu cudurku aad u faafay maadaama aysan dadku aad ugu baraaarugin ama awoodin hababka lagu xakamaynayo cudurka sida kala-fogaanshaha ama joogista guryaha. Haddii uu cudurkani aad u fido, waxaa dhici karta inuu dhaawac weyn geysto, ayna lama huraan noqoto in dib loogu noqdo waqtiga doorashada. Haddana, marka la eego qaaradda Africa, waxaa muuqanaya in doorashooyin badan oo 2020 qorsheysnaa badankood aan illaa hadda dib loo dhigin. Dalka Itoobiya oo kaliya ayaa lix bilood doorashadii dib u dhigay, waxa ayna taasi keentay jahwareer siyaasadeed. Warbixinta xigta waxaan idinkugu soo gudbin doonaa, Insha Allah, nidaam uu machadka soo jeediyey, haddii aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.
-
Qormadeenan maanta, waxa aynu ku soo gudbin doonaa, go’aanadii shirkii aayo ka tashiga iyo walaalaynta ummadda reer Somaliland ee Burco, ee ay iskugu tageen, dhamaan, Madax dhaqameedka , Waxgaradka, Ganacsatada , Siyaasinta Somaliland iyo Xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM, may 1991. Shirkan Burco oo ahaa kii lagu go’aamiyey qaraarkii lagu bayaamiyey, in Somaliland ka noqotey midowgii labadii dal ee Waqooyiga ( Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya, ee ay ku midoobeen 1 July 196O. Isla markaasina lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Inta badan, marka laga hadlaayo ama wax laga qoraayo, qodobada go’aankii, gooni isku taaga Somaliland, ayaa waxa badiyaa, dhacda in loo soo bandhigo si kooban oo guud mara, oo kaliya nuxurkooda guud xambaarsan . Hadaba, qormadan ayaa waxa aynu si faah-faahsan ugu dul istaagi-doona, qodobadii lixda ahaa ee saldhiga u noqday, gooni isku taaga, qaranimada ummadda reer Somaliland, ee kasoo baxay shirkaasi, aniga oo si dhamays tiran, qalinka ula dul istaagi doona dhamaan khudbadii uu akhriyey, Xoghayihii ama Afhayeenkii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland, Xaaji Aadan Axmed Diiriye, markii uu ku dhawaaqaayey, ee uu shirweynaha, kasoo jeedinaayey. Furitaankii shirkan, oo uu shir-guudoominaayey, Gudoomiye Kuxigeenkii ururkii SNM, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaasina ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, ayaa isaga oo hadalka kusoo dhawaynaaya, Xoghayihii ama Afhayeenkii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland, Xaaji Aadan Axmed Diiriye, ayaa waxa uu yidhi . “ Bismilaahi Raxmaani Raxiim, shirka u galimayno imika sidii shirarkii hore, aynu u gali jirnay, waxaan u gud-bayaa, Gudidii odayaasha ahayd ee aynu u saarnay, inay ka doodaan go’aanada shirka, oo ay isla, afgartaan, ka wadda tashadaan , falanqeeyaan, waxoogaana haasaawaan. Dabadeetana ay inoo fududeeyaan, oo ay inoo keenan wixii ay isla meel dhigeen. Odayaasha markaynu leenahay, musheekhdu way ku jirtaa, Odayaashu aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Qoddobaddii ay inoo soo diyaar gareeyeen, waxaa halkan ka akhriyi doona, Mujaahid Aadan Axmed Diiriye, oo kamida ragii, halganka, gaar ahaan xaga abaabulka aad iyo aadka uga shaqeeyey, ku soo dhawow Aadan.” Intaa kadib Xaaji Aadan Axmed Diiriye, oo hadalka qaatay ayaa waxa uu yidhi. “ Bismmilaahi raxmaani raxiim, marka hore dadka sharafta leh , waxa aan usoo gudbinayaa, salaanta islaamku isku salaamo, Asalaama calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Marka labaad, sidaa uu sheegay, Gudoomiyaha shirku, shalayto waxay ahayd maalintii fursada laysku siiyey, inay isa-soo arkaan, oo arinta si ay usoo jilciyaan una soo sheekaystaan, Ergooyinka ka kala yimid beelaha waqooyi degen ee walaalaha ah. Markaa kulankaa, oo ka dhacay magaaladan burco. oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta, Culimo Aw-diinka, iyo odayaasha waxgaradka ahi. waxa lagaga dooday oo si dheer loogu lafo guray, qodobadi, hor-yimid shirkan ee muhiimka, ahaa ee loo baahnaa. Qodobadaas oo si weyn looga dooday, wixii kasoo baxayna, halkan baan idiinka sheegi doona. Anigoo ku dadaalaya in aanan idinku dheeraynin hadalka, oo ka tix-galinaaya, bacadka la-fadhiyo, waxaan kusoo koobayaa,in aan qodobada uun soo qaato. 1. Qodobka koobaad, qodobada la soo qaaday, qodobka koobaad wuxuu ahaa, in woqooyi gaar isku taago iyo in koonfur la-raaco baa laga hadlaayey, oo ajandaha qodobka koowaad ahaa, qodobkaa muddo dheerbaa laga dooday aad baana loo lafa-guray, Waxa laga xisaabtamay, oo dib loo mililicay, 31-kii sano ee aynu dawlada ahayn, wixii faa’iido ahaa ee aynu ka helnay, haddii aynu waqooyiga nahay iyo wixii khasaare ina soo gaadhay-baa si dhaba looga xisaabtamay. Muu ahayn shir caadifadeed, oo si shaqsi ah arimaha loo qaadanayo ama la-iskaga dul cararaayo, mana ahayn shir afduuba oo wax la kala maroor-sanaayo, wuxuu ahaa shir si dimuqraadiyada, oo cid waliba iyada oo xora codkeeda iyo fikraday qabto kasoo jeedinayso, ayuu ahaa. Arintaa markii si dheer looga xisaabtamay waxay noqotay, in 31kii sano waxa faa’iido ah oo la taaban karo, saddex qodob ayaa laga helay, oo iyaga laftoodu ku yimid, dhibaato iyo tacab, hawl badana loo soo maray oo dadka inta xog-ogaalka ahi ogtahay. Waxaana weeyi dekeda Berbera, warshadda sibidhka ee Iyana barbera ka samaysan iyo waddooyinka laamayda ah. Wax kale oo waqooyi laga sameeyey waa la waayey, kuwaasina sida ay ku yimaadeen waa la-wada og yahay. Waxaynu og-nahay warshadda sibidhku inay mararka qaarkood gaadhay in koonfur laga sameeyo dhagaxana laga gurro halkay immika ka samaysan tahay, illaa xadkaa inay gaadhay-baa la ogyahay oo dadka xog-ogaalkii og-yahay. wax faa’iido, ahna intaasa laga soo qaaday. Waxa dhinaca kale ku qormay oo iyana timi, in khasaaraha aynu hada og-nahay, ee uu u weyn yahay, burburka iyo baa’ba haysta ee ka muuqda magaalooyinkeenii, ee naf iyo maalba, baaba’ay ee loo baaba’ay, inay ka yimaadeen is-raacii ay israaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa halkaa kasoo baxay, markaa waxay noqotay marka labadii la isku miisaamay in miisaankii u badan yahay, dhinaca khasaaraha, sida awgeed waxa la isku raacay, oo shirkii isku raacay, bal aragnay is-raacii wuxuu inoo dhalaye, inuu waqooyi gaar isku taago, oo aanu koonfur raacin, oo aynu teena kala barkhad baxno, oo teena tijaabino, oo waqooyi gaar isku taago ayaa la isku raacay, qodobkaa koobaad. 2. Qodobka labaad wuxuu ahaa in lagu dhaqmo shareecada islaamka, qoddobkaa isaga ah ruuntii dood badan mayeelan, markii la eegay shuruucda kale, magic kastaba haloo bixiyee bili aadmku sameyo, ee aynu kusoo dhaqmi jirnay. Markii la eegay dhaqan xumadda, iyo dhaqanka ka lumay dadkii, mudadii dheeraa ee uu xukumayey daaquudki dalka laga xoreeyey, uu inagu abuuray, ee aynu gaadhnay heer xaaranta iyo xalaasha aynaan kala garanyn, ee xarantiiba la xalaashaday, markii aynu eegnay, dadkeena oo aqlabiyadiisu imika tahayba, ama xoogiisu yahay, dadkii dhashay mudadaa ama ku caqliyeystayba . waxa laysla arkay, inaan wax kaloo inasoo dabaali karaaba jirin. Waxa kaloo lays waydiiyey wixii aynu ka dagaalanay muxuu ahaa? waxay noqotay oo saldhig u noqotay cadaalad darro. Halkaa waxa kasoo baxay baahideena koobaad inay tahay cadaalad darro. cadaaladu halkay ku jirtaaba markaa lays waydiiyey? caddaaladu waxay noqotay diinta islaamka. waxa ina wadda dhibtay oo aynu ogsoo-nahay bahal la yidhaa qabyaalad, oo eex iyo imtixaan dabada kuwadata, taana waxa laysla gartay, waxa aynu kaga bixi karnaa inay tahay inagoo ku dhaqana shareecada Islaamka, ee Ilaahay inoogu talo-galay Kownkan markuu ina dhigay isagu, ee uu inagu abuuray, inaynu ku dhaqano, masaalaxeena oo cid ka taqaanaa Ilaahay jirin, oo uu ugu talo galay inaynu taas qaadano ayaa iyadana laysla gartay. Halkaa waxa soo galaaya, qodob kii hore la xidhiidha, oo waxaynu nidhaahnaa hadaynu gaar isku taagno layna ictiraafi maayo, oo ictiraafka cida laga doonayaa waa Binu Aadam, xagee dabadeetana ictiraafka laga helayaabaa la yidhi markaa. Anagu waxaanu isla garanay oo aanu mudnaanta siinay, cidaynu raali-galinaynaa inay noqoto Ilaahay, Ilaahaybaa quluubta Binu Aadamka xukuma, isaga ayaa cid walba inoo soo khasbi-doona oo inoo fudaydin doona, hadii aynu dariiqiisa raacno oo ku toosnaano, waxaanu ku kalsoon nahay in aynaan wax dhibaato ah la kulmaynin, markaa aan sidaa aamino, aan ku kalsoonaano, aynu u wada diyaar-garowno inaynu fulino, hubaalna waxa ah hadii aynu sidaa ku toosnaano oo cagta saarno, wadadaa ilaahay, in aan wax socdaa oo inaga hor imanayaa jirin, markaa nin walowba dhinacaaga ugu diyaar garaw. 3. Qodobka saddexad na wuxuu ahaa in la sugo nabad-galyadda waqooyi, taas waxa weeyi oon muran ku jirin inay baahidda koobaad-ba ay tahay. oo haddii aan nabadgalyo jirin waxyaabaha aynu kasoo haddalnay aanay waxba kajirin, horumar jirimaayo, dawlad jiri-mayso, walaalnimada aynu kuwada fadhinaana jirimayso. Sidaa awgeed, iyadana si wada jirra ayaa lays-kula gartay oo lays kugu waafaqay in nabadgalyada waqooyi laga shaqeeyo, Allana lala kaashaddo, ilaahay haynala qabtee. 4. Qodobka afraad wuxu ahaa in si dhakhso ah loo dhiso dawlad waqooyi, oo loogu dhawaaqo, taas iyadana waxa keenay, waxa aynu imika kusoo jirnay mudo, sadex bilood iyo dheeraad ah oo aynu xor ahayn oo aynu dalka joognay, dawlad la’aantu dhibaatada ay lee-dahay waynu soo aragnay oo waynu soo wada taabanay, markaa baahida jirta awgeed, ayaa qodobkaasna meesha loo keenay, iyadana waxa la codsanayaa oo xubnaha ururka laga codsanayaa in si dhakhso ah loogu dhawaaqo, dawlad waqooyi, kaasina qodobka afraad weeye. 5. Qodobka shanaad, waxa weeye in golayaasha ururka iyo dawladaba loogu qaybiyo beelaha waqooyi degan, sidaana diintaa ina faraysa, waxa ina faraysa shareecada islaamka ee aynu qaadanay, walaaltinimadeenaa ina faraysa, wada dhaqankeenaa ina faraaya. Ma wada dhaqnaanayno oo walaalo ahaan mayno, hadaynaan cadaalad ku wada dhaqmin oo aynaan wax ku qaybsan, waxkasta oo aynu qaybsanayno iyo waxkasta oo ina dhex yimaadaa waa inuu cadaalad ku dhisnaadaa weeye, qodobkaasina sidaasuu ku dhanyey. 6. Qodobka lixaad, waxa weeye, waa mid isaga laftiisu nabadgalyada ka hadlaaya, laakiin si gaara u taabanaaya gobol, iyadoo nabadgalayadii guud ahaan laga soo hadlay oo la go’aan saday, ayaa hadana waxa si gaara loo taabtay, in gobolka Sanaag, nabadgalyadiisa si gaar ah wax looga qabto, oo loo saaro gudi gaar ah, taa waxa keenay, waxa laga waramay, ama cabashooyin badan laga soo jeediyey in gobolka Sanaag ay wali ka jiraan dhibaatooyin, nabadgalyo la’aani, oo ay kaga duwan yihiin, gobolada kale ee dalkeenan waqooyi ka kooban yahay, oo ilaa hada dhibaatadii colaadu ay ka socoto ayaa laga waramay, sidaa awgeed waxa uu shirku markaa isla gartay, in xil gaara halkaa la iska saaro, oo gudi loo saaro, maanta oo aynu halkan iskugu wada nimi oo waqooyi dhan yahay, aynu arinteeda si fiican wax uga qabano oo ka baaraan dagno, oo aynu dadkaa walaaha ah ee isku noolka ah ee meesha wada degan, aynu iyagana nabadgalyada ay inteena kale wada dhadhamisay aynu iyagana qaybtooda ka siino, oo walaalayno, xaqiiqaduna waxa weeye soomaalidu xigtay sheegtaa, xigtadu waxa weeye, inta isku danta ah ee meel wada taala, xigtada xaqiiqada ahi taas weeye, tan aynu sheegano maaha, ee nin mashir yaala iyo nin maqrib yaala oo la leeyahay odaybaa wada dhalay, xigto iskugu sheegtaan maaha, maxay isku yihiin labadaasi, danba ma wadaagaane, xigtada dhabta ahi, waxa weeye kuwa nolosha wadaagaya ee meel wada degan, kuwaas baa loo baahan yahay, inay wax wada qabsadaan, kuwaas baa loo baahan yahay inay walaalnimadooda gartaan, in sidaa loo fahmo baa loo baahan yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana, aynu ku dhaqano, waxaynu rajaynaynaa wax wada qabsigeena iyo wax qaybsigeenuba inay noqdaan, iyo isku xidhnaanteenuba, sidaa aynu u kala degan nahay ee aynu u kala degan nahay inay noqdaan, oo in aynu taas fahano ayaa fiican. Markaa waxa anigu shirka qaybta aan anigu kulahaa ay ahayd, in aan qodobadii shirka shalayto uu isku raacay, aan halkan kasoo jeediyo oo aan shir-weynaha sharafta leh aan usoo jeediyo, qodobadiina lixdaa qodobay ku dhan yihiin, aad baanad u mahadsan tihiin, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu tawfiiq ina siiyo, barwaaqana ina siiyo, cadaalad iyo barwaaqo iyo nabadgalyo degdegana ina siiyo, guushana inoo taam yeelo, Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.” Ayuu kusoo gunaaday Hadalka Xaaji Aadan Axmed Diiriye. Xubnihii saxeexay go’aanka gooni-isu-taagga qaranimada Somaliland, ayaa waxa ay ka koobnaayeen, 17 xubnood oo guurti ah, iyo Xoghayihii Shirka aaya ka tashiga ummadda reer Somaliland oo ahaa, Xaaji Aadan Axmed Diiriye. 17-kan xubnood ee saxeexay go’aanka ayaa waxa ay kala ahaayeen:- 1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye 2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax 3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed 4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir 5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi 6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye 7. Suldaan Ismaaciil Muuse 8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali 9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud 10. Axmed Sheekh Saalax 11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan 12. Axmed Xirsi Cawl 13. Suldaan Maxamed Jaamac 14. Xasan Cumar Samatar 15. Maxamed Warsame Shiil 16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac 17. Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa xoghayaha shirkaasi Miyir Cali Xuseen miyircali@gmail.com Hargeysa/Somaliland Qaran News
-
Marka hore waan salamaayaa dhamaanba warbaahinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba waxaan idinku salamaaya salaanta islaamka ASC WR WBR. Salaan ka dib maqaalkaygan maanta oo aan ugu magac daray “Bulsho dalkeedii ku dulman” oo aan uga jeedo bulshada Somaliland, waxaa igu kalifay inaan qoro markaan eegay ama aan darsay xaaladda adag ee dalku marayo iyo dayaca iyo damanaanta isu raacday bulshadii rayidka ahayd. Waxaan aad ula yaabay iyadoo dhan walba ay ka dayacan tahay bulshadani, oo aanay haysan baahiyihii aasaasiga ahaa ee dawladi fulin lahayd oo ay kow ka tahay, 1. Caafimaadka 2. Waxbarashada 3.Biyo nadiif ah 3.Laydh dawladeed, 4. Amni buuxa inagoo ogsoon in ay jiraan ragg la yidhaahdo gaadh “Guard” oo habeenkii guryaha ilaaliya bishiina ku lacag qaata, raggaas oo haddii lacagtaa la siin waayana iyagu khalkhal galiya xaafada siin wayda oo habeenkii shiida ama u soo dhaca. Waxaa sii dheer inagoo og xaalada caafimaad ee wadanka iyo inaan wax dhakhtar lagu sheegaa aanay joogin habayaraatee, ragg usoo boob tagay marka laga reebo oo markay qofka shilinka ugu dambeeya ka qaadaana yidhaahda waxba uma qaban karee meelahaa geeya islamarkaana aad cid la xisaabtamaysa iyo cid dabagalaysa oo hubinaysa inay dhakhaatiir yihiina aanay jirin. Inagoo og xaalada nadaafadeed ee magaalooyinka dalka haba ugu sii daraato magaalada hargeysiye, ayaa waxaa magaalada saacad walba dhex wareegaya gaadhi dawladeed oo wacyi galin caafimaad ah oo ay ka baxayso afka daboosha, gacmahana maydha, kala durkana, balse waxaad arkaysaa inaanay ka run sheegayn waxay ku hadlayaan, waayo gaadhigu wuxuu soo marayaa wadooyin ay qaarkood bakhti xayawaan yaalaan, kudaafado ah, hadana wuxuu ka hadlayaa faraxasha balse ka dawlad ahaan isma waydiinayaan magaalooyinka olole nadaafadeed halaga fuliyo oo dadka xashiishka iyo bakhtiga halaga fogeeyo. Waxaan arkay maalin dhawayd “ey” xaafado dhexdood ku bakhtiyay, waxaa taagnaa xaafada gaadhi xashiish dumar lacag ka urursanayay lehna waxaan qaadayaa xashiishka yar ee dumarku iska soo xaadhaan, hase yeeshee nin baa ku yidhi war eygaa bakhtigaa hore nooga sii qaad, wuxuu ugu jawaabay lacagtiisa ma adigaa bixinaya? ninkiina wuxuu ku afceliyay dee mayee waa eygaa wadada iyo xaafadaha dhexdooda ku bakhtiyaye miyaanad dawlad ahayn inaga qaad, wuxuu ku yidhi adeer waxaasi ma shaqaysee lacagtiisa hadaad bixinayso waan qaadayaa haddii kale adigu iska soco, waxaa lays yidhi siiya lacagta ha qaadee balse orom aan wadankaba u dhalan oo xaafada deganaa ayaa yidhi iska daaya anigaa caawa qaadayee sidii ayaanu kaga tagay isagoo eygiina halkii yaala. Waxaan la yaabay iyadoo madaxwaynaha dalku ku cel celinayo masaajidada culimadu maxay ka damacday oo ay dadka uga xidhi la’dahay waxa uu madaxwaynuhu iyadoo horena loogaga ashkatooday dawladaha hoose uu wax uga qaban waayay ee masaajidada iyo goobaha cibaadada ee nadiifta ah ku saliday. Waxaan aad ula yaabanahay daryeel la’aanta iyo liidashada bulsho ee dalkan isu raacday, ilaahaybase u maqane waxa halkaa dhigay waxa weeye qabyaalad iyo iyadoo haddii kii xumaa layska qaban lahaa midkale oo aan waxbaba ku qabini garab soo siinayo oo goodiyayo. Waxaa taa ka sii daran madaxdii dalkan loo daba fadhiyay oo dadkoodii oo saboola arkaya oo cashuurtii ka qaadaya oo waliba ku dalacaya, hadana mashaariicdii dalka oo dhan wax kastaba ha noqotee iyagu gacanta ku haya oo wax lagu qabto aynaan garanayn hadana marwalba ku hadaaqaysa dadku ha iscaawiyaan oo qaadhaan ha guraan iyadoo waliba qaadhaanka la gurana meel ay ku baxdo aan la arag iyaguna guddi ka yihiin marwalba. Waxaan maqaalkaygan ku soo afjarayaa war bal dib isugu noqda oo dhan walba wax ka eega. Madaxwaynahana waxaan u soo jeedin lahaa madaxwayne olole nadaafadeed oo magaalooyinka oo dhan ah ayaa ka horaysa in masaajidada la xidho, wadooyinka oo layska nadiifiyo iyo kudaafadaha dooxyada ayaa ka horaysa ee bal horta kuwaa wax ka qabo. Waxaad moodaa in laysku maaweelinayo oo dadka masaakiinta ah layskaga jeedinayo hadal badan oo bilaa naxwe ah oo aan ficil lahayn ee ama dalka iyo dadka wax haloo qabto ama halayska aamus. Abdiaziz Mohamed Mohamoud Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood. Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay. Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay. Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57. Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Baaq Shacab 18ka May 2020 Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin waxa aanu maanta oo taariikhdu tahay 18ka May 2020 soo saarnay Baaq Shacab: Maanta waxa ay ku beegan tahay sagaal iyo labaatan guuradii xuska dharaartii lagaga dhawaaqay magaalada Burco gooni-isu-taagga Somaliland; kadib wadatashi shacab oo ay horseed u ahaayeen ergo meteleysay gobollada dalka oo dhan. Ujeeddada iyo yoolka loo unkay qaran madax-bannaan oo ay hantiyaan dadwaynaha Somaliland waxa ahayd in la dhiso “dawladnimo ummadda wada deeqda, la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad,” sida ku qoran Dastuurka Somaliland. Dawladnimada ay wada dhisteen shacabka Somaliland waxa mabaadi’ u ah: b. Shareecada Islaamka. t. Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag. j. Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. x. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisaiton). kh. Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah. d. Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka. e. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha. Annaga oo ogsoon dadaalka naf hurista ah ee bulshada Somaliland ugu jiraan ilaalinta nabada, wadajirka shacabka iyo kobcinta nolosha taas oo keentay guulo ballaadhan oo adduunku mahadiyay, waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboonna in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood kadib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaqaynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka. Ergadii ku dhawaaqday Somaliland 18kii May 1991 iyo shacabkii u codeeyey Dastuurka 2001 waxa ay ku heshiiyeen in dawladnimadu noqoto mid ka bedqabta cudurrada dilaaga ah ee ay ka mid yihiin qabyaaladda, eexda, sed bursiga iyo isu joojin la’aanta. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, ka qayb qaadashada siyaasadda iyo xuquuqaha madaniga ah. Taas beddelkeeda, Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warbaahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira aragtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidejinta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan. Si ka duwan mabaadii’dii lagu unkay dalkan, aragtida dawladnimada Somaliland waxa saldhig u noqday qabyaalad, eex, sed-bursi iwm. Iyada oo shaqo-gelinta shaqaale hoosaadka ilaa xulushada masuulka xafiiska dawladeed ee sare lagu eego indhaha qabiilka oo keliya ah. Somaliland, waxay dawladdii Siyaad Barre kala mid tahay ku-urursanaanta maamulka ee caasimadda. Marka laga reebo hay’adaha dakhli ururinta iyo ciidammada, gobollada dalka waxa gabaabsi ka ah daadegsanaanta maamulka iyada oo aanay jirin dareen ka war haya dawladnimo oo nolosha muwaadinka kor u qaada. Waxa marag ma-doon ah in dawladdu ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray. Dhammaan dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaan Baarlamaan metela. Waxa baahsan shaqo la’aanta, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka. Waxa aanu u aragnaa in Dawladda Somaliland baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001. Sidaas darteed, Baaqan Shacab ee ay soo saareen saxeexayaashu wuxuu ugu yeedhayaa dawladda Somaliland inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad. Peoples’ Declaration 18ka May 2020 We, the undersigned Somalilanders, issued today, 18th May 2020, the Peoples’ Declaration: Today marks the 29th anniversary of the day the restoration of independence of Somaliland was declared in Burao by delegates representing all the regions of Somaliland. The objective and goal for establishing a separate sovereign state were to found “a state appreciated by all, and which is founded on equality and justice” as enshrined in the Constitution of Somaliland. According to the Constitution, the statehood established by the people of Somaliland is built on the following principles: a. Islamic Sharia; b. Conclusions from various consultations; c. Separation of powers of the state as between the legislative, executive and judiciary; d. The decentralization of the administration of the government; e. Guarantees of property rights and the protection of the free market; f. Sanctity of human life through the entrenchment of fundamental rights and individual freedoms; g. Peaceful and proper co-existence with the states of the region and worldwide. We recognize the sacrifice the people of Somaliland make to strengthen peace, stability, coexistence, and improvement of life and the huge achievements made which attracted well-deserved international praise. We also believe that it is imperative to examine if the government of Somaliland is functioning in accordance with the will and goal of the people as stipulated in the constitutional principles of equality, justice, democracy, checks and balances and protection of freedoms and human rights. The delegates who declared the independence of Somaliland on 18th May 1991 and the people who voted for the Constitution in 2001 agreed the government to be free from the deadly deceases including clannism, favoritism, nepotism, and polarization. They also agreed on the protection of freedom of expression, equal participation in politics, and civil rights. On the contrary, abuse of power, imprisonment of politicians, and repression of media, politicians, and members of the public who express their opinions are very common in Somaliland. The independence of the judiciary and separation of powers have been severely violated and critical members of the Parliament and members of the opposition parties are arrested. Aid and projects in the government budgets are not allocated justly and with equality for consideration of all the regions of Somaliland. In clear violation of the founding principles, the thinking and actions of the government of Somaliland are grounded on clannism, favoritism, and nepotism. Employment and other opportunities are tinted by the spoils system. Similar to pre-1991 Somalia, the government is concentrated in a single region, Hargeisa. Except the tax authorities and the security forces, decentralization of administration does not exist in regions, and services are remote from the people. All citizens who were born in 1991 and after have never voted for members of the Parliament that are supposed to represent them. Unemployment is soaring, inequality and injustice deepened and democracy and respect of freedoms and human rights are in decline. We believe that the government of Somaliland has dishonored the agreements entered in Buroa Conference convened from 27th April to 5th May 1991, Borama Conference of 24th January to 25th May 1993, and the Constitution of Somaliland (2001). Consequently, the country became unintegrated politically, economically, and socially in terms of the development of general consensuses, closing gaps that exist between regions and national unity and inclusiveness across the country have been hampered. Therefore, the signatories of the Peoples’ Declaration call on the government of Somaliland to return to the social contract, respect the constitution, and to come round to democracy, equality, and justice. _________________ Guleid Ahmed Jama Lawyer and Managing Partner, Xaqdoon Law Firm Mobile: +252 (0)63 4468227 Email: jamaguleid@gmail.com Twitter: @GuleidJ Website: xaqdoonlawfirm.com The premier law firm commanding trust, respect and everlasting professional relationship Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood. Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshaya xukuumadda federaalkaayaa cadeysay in ay kordheen Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay. Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay xanuunka laga helay 34 qofood. Sidoo kale wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in hal qof uu u geeriyooday xanuunka, halka 11 kale ay kasoo bogsadeen, waxayna tirada dadka ka bogsaday gaartay 163. Kiisaska ugu badan ayaa maanta laga diiwaan geliyay deegaanada Somaliland oo laga helay 18 xaaladood, halka gobolka Banaadir laga helay 14-kiis iyo Hirshabelle oo laga helay laba kiis oo Coronavirus ah. Dadka maanta laga helay cudurkaas 21 kamid ah waa rag, halka 13-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 xaaladood, dhimashada guud ee uu sababay xanuunka Corona ayaa gaartay 57 qofood, inta la ogyahay, halka 163 qofood oo kale ay kasoo bogsadeen. Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka feyruska Corona si looga guuleyso cudurkan saf-marka ah.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni has lashed out at the International Community for not providing assistance to Puntland security sector. President Deni has given a statement in the aftermath of the suicide bombing that cost the lives of Mudug Governor, three bodyguards and three persons in Galka’yo. “I am sorry to say that the International Community falsely claims to support the Somali security sector. I state that the International Community does not contribute anything to the Puntland security sector. President Deni said that the International Community is not ready to assist Puntland in the security sector and that it is backing a lopsided political change in Somalia. Puntland State forces are organised along clan lines. President Deni launched a security reform premised on what he described as “self-funded”. President Deni has called for Puntlanders to adopt self-reliance. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND ACCUSES THE INTERNATIONAL COMMUNITY OF CLAIMING UNFOUNDED ASSISTANCE FOR THE SOMALI SECURITY SECTOR appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan. Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden , Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka #Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan. Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden, Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa faafida cudurka Coronavirus oo kiisas kala duwan laga helay Jubaland qaar kamid ahna ay u dhinteen. Waxaa sidoo kale looga hadlayay kulankan arrimaha amaanka iyo doorashooyinka heer federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay waqtigooda ugu dhici lahayeen si nabad-galyo ah oo xor iyo xalaal ah. Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday inay ka qeyb-gasho shirkaas maadaama aysan aqoonsaneyn madaxtinimada Axmed Madoobe. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa horey uga qeyb-galay shirar noocan ah oo madaxda Puntland iyo HirShabelle ay la yeesheen beesha caalamka, balse ka baaqsaday midkan, kana cudur daartay, sida aan xogta ku helnay.
-
Hay’addii Shaqaalaha Dawladdu miyey waalatay? Xildhibaan cabdiraxman Yuusuf Cartan mise way soo wadataa? 10kii cisho ee ugu danbaysay laba shaqaale bay ku dhawaaqday inay shaqadii ka eridey! Hawl yaraa shuqulku. labada shaqaale ee la eryey labada wasaaradood horumarinta maaliyadda iyo xanaanada xoolaha bay ka tirsan yihiin. Hay’adda Shaqaaluhu, awel ma waxay u xilsaarnayd daryeelka shaqaalaha mise dibindaabyadiisa? Cidda maanta duruufaha dhaqaale xumo, caafimaad xumo, ramadaan oo isbiirsaday qof shaqaale ah quuto yoomigi ka jaray maxaynnu ku magacawnaa? waa mid subxaan Alla! wuxu meel kaga dhacay xuquul insaankii aasaasiga ahaa ee shaqalaha. sumcadda qaranka Somaliland oo uu ka yeelayo xukuumadda aan u tudhayn dadkeeda nugul, magacii hayadda shaqaalaha oo u muuqda mid halkii ay u hiilin lahayd caadinaysa shaqaalaha. Tallaabadan hay’addu waa mid sharci darro ah waana dastuur jebin, waana jebinta xeerka shaqaalaha dawladda (civil Service law) xeer lam. 7/96, cutubkiis7, qodobadiisa 25, 26 iyo 27 oo tilmaamaya anshax marinta qofka shaqaalaha ee khalad sameeya. Anshax marinta waxa samayn kara Guddi sare oo heer qaran oo madaxweynu magacaabo oo 9 xubnood ka kooban ama Guddi heer wasaaradeed ah oo 3 xubnood ka kooban. Ma cadda in gudiddaa heer wasaaradeed ay arrintan ka fadhiisteen. Xeerku sheegi maayo meel ay hay’adda shaqaaluhu ka soo gasho eriga iyo eedeynta qof shaqaale wasaaradeed ah. Waxad moodda inay hay’addii shaqaaluhu hayso shaqo xuuraan oo ka habboonaa hay’daha nabadgelyada. Hay’adda shaqaluhu miyirkii ha soo ceshato, hana joojiso xuuraanka iyo cabsigelinta ay kula kacayso shaqaalaha masaakiinta ah ee waxay dawladda ka qaataanba aanay daboolin kirada guriga qofku deggan yahay. Xildhibaan cabdiraxman Yuusuf Cartan Source
-
Dagaal-ooge Khalifa Haftar oo laga qabsaday saldhiggii ugu muhiimsanaa Libya iyo maalmihiisa oo dhamaad ku dhow Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar. Afhayeen u hadlay militariga Libya, Mohamed Gnunu ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga, oo ku yaalla xuduudda Tunisia. Warka kasoo baxay dowladda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa yimid kadib bil uu socday dagaal xooggan oo ciidamada xulufada ah ay kaga saareen maleeshiyada Xaftar inta badan xeebaha galbeed ee Libya. Xaftar ayaa weerar culus ku billaabay dowladda bishii April ee 2019, isaga oo doonaya inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in qabshada saldhigga al-Watiya, oo 25km u jira xuduudda Tunisia, uu ciidamada dowladda u ogolaan doono inay dagaal-yahanada Xaftar ka eryaan dhinaca koonfureed ee Tripoli. “Tani waxay miisaankii awoodda Libya u weecin doontaa dhanka dowladda. Waa guul-darro weyn oo soo gaartay Xaftar, maadaama halkan ay ahayd halkii ugu dambeysay ee ciidamadiisa ay ka joogeen galbeedka Libya,” waxaa sidaas yiri weriye ka tirsan Al-Jazeera, Mahmoud Abdelwahed oo ku sugan Tripoli. “Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.” Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka, halka dowladda ay taageero ka heleyso Turkey iyo Qatar. Qaran News
-
Taariikhda cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay cibaadada bisha Ramadaan Muslimiinta sannadkan wuxuu Ramadaankan u yahay mid ka duwan kuwii hore maadama lagu soo rogay xayiraado saameyn ku yeelatay cibaadooda si looga hortaggo fiditaanka feyraska Korona, balse waxaa dunida soo maray cudurro kale oo safmar ahaa oo saameyn ku yeeshay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan. Cudurrada safamarka ee soo maray sida ku xusan taariikhda waxaa ka mid ah cudurka daacuunka, shuban biyoodka, busbus, baras, duumada iyo cudurro kale, waxayna ahaayeen kuwo soo noq noqda qarniyaal badan oo ku baahay dhulka muslimiinta oo ay dad badan u dhinteen. Caddeymo kooban Haddii aan dib ugu laabano taariikhda islaamka gaar ahaan sida muslimiinta ay u soomi jireen xilliyada dhulkooda uu ka dilaaco cudur safmar ah, waxaana inoo soo baxeysa in taariikhynadu ay wax ka og yihiin dhibataada cudurrada faafa ay ku reebeen cibaadada balse caddeymo buuxo uma hayaan sida ay u saameeyeen soonka. Balse waxaa cad in ay horseedeen in nolosha ay ku adkaato bukaannada iyo dhakhaatiirta, sida ay xustay Nükhet Varlık oo bare ka ah jaamacadda Rutgers ee ku taalla gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka. Nükhet Varlık waxay ku takhasustay taariikhda dowladdii Cusmaaniyiinta, daraasaddeedu waxay diiradda saareysaa taariikhda cudurrada safmarka ah iyo qaabkii ay muslimiinta isku daweyn jireen xilliggaas. Waxay qortay buug ka hadlayo cudurradii safmarka ee halakeeyay dowladdii cusmaaniniyiinta, waxay su’aalaha ay BBC-da weydisay uga jawaabtay qaab Email ah. Daacuun iyo Ramadaan: Waa cadow qaddiimi ah Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan sida ku xusan taariilkhada, waxaana sharraxeysaa Nükhet Varlık. Daacuunkii madoobaa, wuxuu dhacay bartimihii qarnigii 14-aad, waxaana lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa cuduradii dhaliyay dhimashadii ugu badneyd dunida. Taariikhda waxay sheegeysaa in cudurkan uu si daran u sameeyay muslimiinta xilli bisha Ramadaan lagu jiray, wuxuu xilliggaas ku baahay dalalka Suuriya iyo Masar halkaas oo kumanaan qof uu ku dilay. Taariikhyahankii weynaa ee dunida safarka ku maray Ibnu Batuuta wuxuu maray dhulka Shaam, wuxuu wax ka qoray saameynta daacuunka uu ku yeeshay dhaqamada islaamka gaar ahaan cibaadada iyo soonka, wuxuu arrintaas uga gollahaa wacyigelinta ku aadan ka hortagga fiditaanka cudurada safmarka ah. Daacuunkii sannadkii 1420, wuxuu cagta mariyay dalal badan oo muslim ay degan yihiin, wuxuu si aan kala go’ laheyn ugu baahay dalal badan, waxaana u dhintay kumanaan kun oo qof. Sannadkii 1422 wuxuu cudurka ku faafay magaalada barakeysan ee Makah oo xitaa salaadihii jamaacada lagu tukan waayay, waxaana haweenka muslimiinta lagu soo rogay xayiraad ah in aysan tegi karin qabuuraha gaar ahaan magaalada Qaahira. Sannadihii ugu dambeeyay ee qarnigii 16-aad, wuxuu dacuunka saameyn ballaaran ku yeeshay cibaabada, Farlik waxay soo xigtay buugag uu qoray Olay Jalbi oo ah taariikhyahaan ka soo jeeday Cusmaaniyiinta kaas oo sheegay in daacuunka uu baahay ramadaankii sannadkii 1567, xilliggii Suldaankii Saliim 11, wuxuu safmaka maalin kasta halkaas ku dilayay 3 kun oo qof, waxay arrintani horseeday in suldaankii cusmaaniyiinta uu walaac ka muujiyo dhibaatada cudurka, wuxuu amarka ku bixiyay in saaladaha aanan lagu tukan maasaajidka habeennadii ugu dambeeyay Ramadaanka. Bishii Ramadaan sannadkii 1579, wuxuu daacuuka ku faafay dalal badan oo muslim ah, waxay arrintaas horseeday in la joojiyo safarka xujeydii ka imaan jiray Masar, waxaana xayiraad kale lagu soo rogay magaalada Basra ee Ciraaq. Sannadkaas, taariikhyanadu waxay soo weriyeen in cudurka uu horseeday in xitaa la uruurin waayo canshuurtii laga qaaday shacabka maadama dad badan ay u geeryoodeen xanuunka. Sannadkii 1592, wuxuu cudur safmar ah mar kale ku baahay gudaha magaalada Istanbul ee Turkiga, halkaas oo uu ku nagaaday muddo bilooyin ah, suldaankii ka arriminayay magaalada wuxuu ku amray shacabka in Alle ay baryaan, dadka saboolka ah ay caawiyaan iyo in lasii daayo maxaabiista si Alle uu uga saaro cudurka. Ramadaankii sannadkii 1780, cudur ayaa ku faafay gudamaha magaalooyinka Makah iyo Madiina, waxaana la rumeysan yahay in halkaas uu ku dilay 12,000 qof. Intii u dhexeysay 1811 iyo 1812, Istanbul waxay la kulantay daacuun faro ba’an ku hayay shacabka kaas oo socday illaa bisha Ramadaan, dadka magaalada waxay ku sugnaayeen guryahooda marka laga reebo inay u baxaan adeegyada aasaasiga ah. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, cudurka daacuunka wuxuu saameeyay xajka, gaar ahaan markii la furay kanaalka Suez kaas oo horseeday in cudurka uu ku faafo dekedaha iyo tareennada. Xujeyda waxaa lagu amray inay galaan 15 maalmood ah oo karantiil ah ka hor inta aysan usoo ruqaansan dhulka Xijaaz, balse kumanaan qof ayaa la isugu geeyay xarumaha karantiilka waaggaa. Taariikhda cudurrada safmarka ah Nükhet Varlık waxay koox kala shaqeyneysaa sidii lagu hergin lahaa nidaam digital ah oo lagu keydinayo taariikhda ku saabsan ‘daacuunkii madoobaa’ ee hareeyay dunida muslimka, waxayna hayaan ilo wareedyo kala duwan oo aan ku ekeyn buugaagta taariikhda. Marka laga soo tego daraasadda ay ka sameysay sida cudurrada safmarka ah ay u saameeyeen dhaqamada dadka muslimiinta ah, waxay Varlık sheegtay inay daneyneyso inay wax ka qorto raadka ay ka tegeen dhakhaatiirta muslimiinta markii ay la dagaalamayeen cudurada faafa iyo raadinta dawada. Isticmaalka Liinta, khalka iyo in la yareeyo galmada Varlık waxay sheegtay in dhakhaatiirta ay dadka kula talinayeen in guryahooda ay ku buufiyaan khalka oo ah waxyaabo laga dhaliyay maaddooyin la qamiiriyay iyo aashito ama aasid, waxay sidoo kale dadka ka codsadeen inay iska yareeyaan cuntada, dhaqdhaqaaqa iyo la yareeyo galmada. Waxaa shacabka lagula taliyay in aysan qubeysan xilliga cudurka safmarka isla markaana aysan welwelin. Sida ay sheegeyso Varlık , dhakhaatiirta dadka waxay kula talin jireen inay cunaan miraha dhanaan sida Liinta, Rumaanka, dawooyinka la siin jiray waxaa kamid ahaa dawo dhireed, macddan iyo nafaqada xoolaha. Soonka wuxuu gaashaan u ahaa cudurka Varlık waxay sidoo kale sheegtay in dadka ay isku uruursan jireen kooxo kooxo si ay u cibaadeystaan, xilliga soonka, akhrinta Qur’aanka, caawinta dadka saboolka ah iyo siideynta maxaabiista ayaa sidoo kale jiray. Sida uu sheegayo taariikhyahankii u dhashay Ruushka Tasbakrizadeh, waxay muslimiinta cibaadeysan jireen 10ka dambe ee soonka, waxay rumeysan yihiin in Qur’aanka uu dawo yahay iyo xuska Alle si looga gaashanto cudurrada faafa, waxaana dadka lagula talin jiray in bukaannada ay siiyaan biyo laga soo hooriyay warqad lagu qoray aayado Qur’aan ah. Qaran News
-
Qatar has strongly condemned the deadly suicide bombing that claimed the lives of at least four people including the governor of Somalia’s Mudug region in the regional capital of Galka’yo on Sunday. In a statement, the Ministry for Foreign Affairs reiterated Qatar’s firm position rejecting violence and terrorism regardless of motives or reasons. The governor of Mudug region Ahmed Muse Nur alongside with his three bodyguards were killed after an auto-rickshaw laden with explosives rammed into his vehicle outside the headquarters of Mudug region in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The statements expressed Qatar’s condolences to the families of the victims, the governments and people of Somalia and sent its heartfelt condolences to the bereaved families over the untimely tragic loss. Puntland President, Said Abdullahi Deni has condemned the attack, vowed to bring to justice those behind the deadly attack. “All terrorist elements who are behind such attacks will be brought to justice and will be punished in public. Puntland is facing the fight against terrorist groups who are the enemy of Puntland and the enemy of the Somali people,” Mr Deni said in a statement released on Sunday evening. Meanwhile the Federal Government of Somalia has also condemned the Galkayo attack while calling for the community in Mudug to unite against terrorist groups. “The Somali government extends its deepest condolences to the families and relatives of the victims. And is calling on all Somalis in uniting to eradicate all terrorist groups” said Somalia’s minister of information in a statement. The deadly attack comes at a critical time the country is suffering from coronavirus and severe flash floods that continues to wreak havoc across the country.
-
Dal ragga iyo dumarka ku amray inay suuqa aadaan maalmo kala duwan Dowladda Panama waxay sharci adag u yeeshay xayiraadda lagu xakameynayo cudurka coronavirus, iyadoo ragga u oggolaatay inay danahooda bannaanka soo fushadaan maalmo gooni ah, dumarkana maalmo kale oo u gaar ah. Tallaabadan ayaa durba hir gashay waxaana maalmaha isbuuca loo kala asteeyay labada jiski ee bulshada. Dumarka waxaa loo fasaxay inay adeegyada muhiimka ah doontaan maalmaha Isniinta, Arbacada iyo Jimcada, halka raggana loo oggolaaday inay soo baxaan maalmaha Talaadada, Khamiista iyo Sabtida. Axadda, qof kasta waa inuu gurigiisa joogo. Waddooyinka waayen ee magaalooyinka iyo xaafadaha ayaa aad u xasilan, iyadoo dadka qaarkood ay adeeggooda ugu soo talagalaan dhowr isbuuc, si aysan usoo bixin. Haween badan ayaa maalmaha loogu talagalay soo baxa, kuwaas oo qaarkood ay carruurtooda gacanta ka heystaan. Booliska ayaa si joogto ah u sameeya howlgallo ay ku ku hubinayaan dhaqangalinta sharcigan, iyagoo tallaabooyin adag ka qaada qof kasta oo ay ku helaan inuu u hoggaansami waayay. Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si dadban u weeraray dowladda Federaalka kadib dhibaatooyinka maalmahii dambe kusoo badanayay deegaankiisa, oo ay ugu weynaayeen qaraxyo lagu dilay mas’uuliyiin sare Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Ammaanka Puntland ay iska hor imaad hubeysan kula galeen Boosaaso kooxda Daacish, sidoo kale waxaa xigtay in hawlgallo ay fuliyeen ay ku fashiliyeen qaraxyo ay sheegeen in lala damacsanaa isla magaalada Boosaaso. Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa xigay qarax loo adeegsaday Bajaaj oo lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland shalay, wuxuuna qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn xaruntiisa magaalada Gaalkacyo. Si kastaba Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aaminsan in dad dano gaar ah leh ay isku dayayaan iney marin habaabin iyo dhibaato ka abuuraan Puntland isla markaasna ay dhawaan soo bandhigi doonaan kooxahaas isbaheystay oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dilalka ka dhacayo deegaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa si dadbadan u sheegay in dilalkaan ay qeyb ka yihiin ololaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku ciribtirto maamul goboleedyada dalka jiro. “Dalkaan marxalad cusub ayuu galay oo la rabo in la baabi’iyo federaalism-ka, la rabo in la wiiqo kala dambeynta, la rabo in la yiraahdo qof walba sharciga gacanta haku qaato, dagmo walba iyo magaalo walba wax loo akhriyo,” ayuu yiri Deni. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in culeyska lasoo saaray Puntland ay keeneyso inay Dowladda iyo Shacabka Puntland dib u eegis ku sameeyaan falalka dhacayo. “Fahamka qaldan ee dowladnimada ee waayahaan dambe soo badanaya waxey u badan tahay dadka reer Puntland oo lagu yaqaanay dowladnimo iyo kala dambeyn iney dib u fiiriyaan,” ayuu mar kale yiri Deni oo sida muuqata dowladda ku leexinaya eedaha qaar.
-
Qatar ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaiyeed uga tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay guddoomiyhii gobolka Mudug ee Puntland. War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu cambaareeyey qaraxaas, waxaana lagu sheegay in dowladda Qatar ay aad uga xun tahay sidoo kalena ay ka soo hor jeedo fal kasta oo abuuri kara colaad iyo mid argagixiso. Wakaalladda wararka Qatar ee Qatar News Agency “QNA” oo baahisay warkaan ayaa sheegtay in ay uga tacsiyadeynayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda falkaas, islamarkaana ay garab taagan yihiin. Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo ilaalo u aheyd. View the full article
-
Hargeysa (PP News Desk) — The President of the self-declared Republic of Somaliland Muuse Bihi Abdi has proposed a new approach to talks with the Federal Republic of Somalia. Speaking in Hargeysa on the 29th anniversary of the unilateral secession of Somaliland from Somalia on 18 May 1991, President Bihi categorically rejected any talks with Somalia as long as Mogadishu refers to Somaliland as “Northern Regions of Somalia.“ “The Federal Government of Somalia views the goal of talks as union whereas Somaliland looks upon talks as a steppingstone to breaking away from Somalia” President Bihi said. “For talks to bear fruits we propose the International Court as arbiter of the sovereignty dispute between Somalia and Somaliland” President Bihi added. The International Community has urged Somaliland to talk with Mogadishu about union or secession. “President Bihi has lost confidence in the African Union whose charter bolsters the sovereignty argument of Mogadishu” says Farah Abdullahi, a London-based journalist. President Bihi’s predecessor, Ahmed M. Mohamud, started unconditional talks with the Transitional Federal Government of Somalia in 2012. The incumbent Federal Government maintains good relations with Somaliland. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT CALLS FOR A NEW APRROACH TO TALKS WITH SOMALIA appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay inay tallaabo qaadi doonto haddii ay ku qanci weyso baaritaanada lagu sameynayo diyaaradii dalkeeda laga lahaa ee lasoo riday iyadoo ku duuleysa hawada Soomaaliya. Baarayaal ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa Axaddii shalay tegay goobta ay ku dhacday diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda African Express ee magaalada Bardaale, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Baarayaasha ayaa hadda kusoo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana la filay inay warbixin kasoo saaraan wixii ay soo ogaadaan iyo xogta laga helay sanduuqa madow ee diyaaradda. Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo aad isugu dhow darteed, ayaa Kenya waxay ka cabsi qabtaa in la isku dayo in baaritaanka loo leexiyo dhan kale. Ilo-wareedyo ka tirsan qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil socdaal oo Kenya ah ay u sheegeen inay tallaabi qaadi doonaan, haddii aysan ku qanicin natiijada baaritaanka. Dadka diyaaradda ku dhintay ayaa waxaa ku jiray laba qof oo Kenyan ah. Sida ay sheegeen saraakiishan, waxa la filan karo ayaa ah in dowladda Kenya ay gabi ahaanba diyaaradahada wadankeeda ka diiwaan-gashan u diido iney u safraan Soomaaliya, waxeyna arrintaan culeys badan ku yeelan doontaa isku socodka labada dal. Warbixin kasoo baxday Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay sheegteen inay soo rideen diyaaradda, waxeyna sabab uga dhigeen iney uga shakiyeen inay damacsaneyd weerar is-miidaamin ah. Cudurdaarkaas ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin Kenya, inkasta oo uu ahaa mid hordhaca ah, waxaana Kenya ay hadda sugeysaa warbixinta kama dambeysta ah.
-
Popular Contributors
