-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaarad sidday 132 Mawaadiniin Soomaaliyeed oo mudda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadkaas ay xalay diyaaradu keentay ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo balse safarkooda uu saameeyay xanuunka COVID-19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amray in dadkaas dalka lagu soo celiyo kadib markii lagu soo war geliyay in gudaha Sacuudiga dhib ku haysto. Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa la filaa in ay dalka yimaadaan ilaa afar duullimaad oo kale kuwaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo qaadi doonta waddanka Sacuudiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay in ka badan 130 muwaaddin oo ku xayirnaa Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
-
Mary Harper, the veteran BBC reporter on Africa and now its section editor, has written a truly timely book which cuts through the political posturing, diplomatic niceties and, often, stereotypically violent narratives and imagery, to present a book which examines Al-Shabaab more accurately through the ‘real stakeholders’ eyes. Source: Hiiraan Online
-
Haweeney magac yaab leh ugu yeedhay Maxamed Bin Salmaan oo lagu xidhay Sacuudiga Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan xaaladda amni ee haweeney Sacuudiyaan ah, oo lagu warramay in la xiray kadib markii ay baraha bulshada “ku aflagaadeysay” dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman. Amani Alzain, oo ah 40 jir deggan magaalada Jeddah, ayaa waxaa baraha bulshada ku beegsaday dad daacad u ah dowladda kadib markii ay Maxamed Bin Salmaan ugu yeertay magaca “Abu Munshar”, oo macnaheedu yahay “Aabihii Mishaarta”. Maxamed Bin Salmaan ayaa caan ku noqday magaca “Abu Munshar” kadib markii wakiilo ku xiran dowladda ay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dileen suxufi Jamaal Khaashuqji, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu jarjaray mishaar. Arbacadii, cinwaan twitter oo loo yaqaan Maxaabiista Sharafta, kaasi oo la socda dadka lagu xiro Sacuudiga, ayaa ku warramay in Amani Alzain la xiray. Warkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey kooxda u doodda xuquuqda aadanaha dadka Khaliijka ee Gulf Centre for Human Rights (GCHR). Kooxda GCHR ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Amani Alzain, iyo dhammaan dadka la xiray ayada oo lagu xadgudbayo xuquuqda ay u leeyihiin inay fikradahooda muujiyaan, oo ay ku jiraan kuwa difaaca xuquuqda haweenka. Sidoo kale, Arbacadii Golaha Xuquuqda iyo Xoriyadaha ee fadhigiisu yahay Geneva ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay shaaca ka qaadaan xaaladda ay ku sugan tahay Amani Alzain. @GenevaCouncil called on the Saudi authorities to come clean on the fate of activist @AmaniAlzain who was reportedly arrested from her home in Jeddah after a campaign of incitement targeting her on social media. #SaudiArabia https://t.co/gksQLYyuE7 pic.twitter.com/kkMh5BLBaA — Geneva Council For Rights and Liberties (@GenevaCouncil) May 27, 2020 Qaran News
-
The Security Council decided, in a 29 May videoconference meeting*, to reauthorize the deployment of African Union Mission in Somalia (AMISOM) personnel for nine months, requiring them to support security in the lead-up to elections and to work towards the gradual hand-over of responsibility to Somali forces by 2021. Source: Hiiraan Online
-
Dacwad dil ah oo lagu soo oogay Askarigii shaqada ku waayay dhimashada ninka madowga ah Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib dhimashadii nin madow ah oo aan hubeysneyn ee ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen. Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska. Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd. Kiiskan ayaa sii xoojiyay carada shacabka Mareykanka ee ku aaddan dilalka ay boolisku u geystaan dadka madowga ah. ‘George Floyd maalin cad ayaa la dilay’ Ilhaan Cumar Ilhan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa si kulul uga hadashay dhimashada George Floyd, oo geeriyooday isagoo ay gacanta ku hayaan booliska magaalada Minneapolis. “George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan xeer ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay shaqo ka ertyid lagu sameeyey Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in Dr. Samah la cayriyey kadib markii uu bixiyey comment kooban oo ay dhibsatay Villa Somalia, sida uu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan. War illeyn comments baacsigii Villa Somalia wuxuu gaaray beesha caalamka. Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM ayaa sida uu sheegay shaqadiisa ku waayey comments shan eray ah oo uu ka dhiibtay wareysi uu Matt Bryden siiyey taleefishinka France24. Waraysiga ayaa la xariiray weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen EX-Koontarool Afgooye 28/12/2019-kii ayna ku dileen in ka badan 80 ruux. Waraysiga oo la soo geliyey bogga taleefashinka ku leeyahay LinkedIn ayaan comment 5 eray ah saaray buu yiri Dr. Walters, anigoo ku qoray. “waa sax, waa waraysi mug leh” Muddo kaddib ayaa Ambasador Madera, oo isagu ah Ergeyga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan, wuxuu iigu yeeray xaafiiskiisa. Wuxuuna ii sheegay in dowladda Soomaaliya ay dacwo ka tahay comments aan waraysiga ka bixiyey, waxayna sheegtay in aan taageeray wareysi dowladda looga soo horjeedo. Waxaan ku iri waraysigaas waxba dawlada looga sheegin. Taxliil macquul ah ayuuna ahaa waadna dhagaysan kartaa. Waxaanse waydiiyey buu yiri Dr. Walters qoraalkii la igu soo dacweeyey iyo cidda i soo dacwaysay. Madera oo Laptop kiisa wax ka aqrinaya ayaa ii dhaafi waayey waa lagu soo dacweeyey. Mar danbe ayuu ii sheegay in uu i soo dacweeyey La Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya. Dowlad la taliyaheeda amniga qaranka uu baacsanayo comments meelo lagu qoray, ma kula tahay in dowladdaasi amni qaran noogu maqan tahay? Tani waxey i soo xasuusisay hadda ka hor ayaa nin agaasime ka ah wasaaradaha Dowladda Federaalka ah wuxuu igu yiri ‘Guddoomiye faallo (comment) togan oo aan hadda ka hor ka bixiyey qoraal aad bartaada Facebook soo dhigtay ayaan shaqada ku waayi gaaray, mararka qaar haddii aad aragto aniguu ku baacsanaya ogow daacadnimo muujin ayey iga tahay ee ma aha in aan kaa soo horjeedo’ Sow waxani kalsooni darri ma dhaafin oo dhaqan xumo uma tillaabin? Sow dhaqan kali-talis oo tabar la’aan ah maaha? Ka warrama haddii ay qoladani awood lahaan lahayd? Ma oga miyaa in Soomaali xor tahay oo aan hadalkooda la xakamayn karin. Sow ma oga in in badan oo ka mid ah internet iyo mobile haystaan, in kaloo badanna dunida xorta ah ku nooshahay? Wallee N&N waxooda waa naf la caarinimo, eelka ay reebaan se muddo wuu ina haysan doonaa.
-
Donald Trump oo ka dhabeeyay hanjabaaddii hay’adda WHOMadaxweyne Trump Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjaro xiriirka waddankiisa kala dhaxeeyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweynaha ayaa WHO ku eedeeyay iney ku guul- dareysatay in Shiinaha ay ku cadeyso inuu ka dambeeyay faafidda fayraska corona. ”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO” ayuu yiri madaxweynaha markii uu ku dhawaaqayay tallaabooyinka lagu ciqaabayo xukumadda Beinjing. ”Xukuumadda Washington waxay kharashaadka ku baxa WHO u weecin doontaa hay’adaha kale,” ayuu yiri Trump. Mareykanka ayaa kharashka ugu badan hay’adda ku bixiya oo sannadkii 2019-kii waxa uu WHO ku kharash gareeyay aduun lacageed oo ka badan afar boqol oo malyan oo doolar ($400m). Trump oo u ololeeynaya dib u doorashadiisa ayaa lagu dhaleeyay qaabkii uu ula tacaalay fayraska corona oo ay dalkiisa ugu dhintee dadka ugu badan dunida balse waxa uu dhaleecayn dusha kaga tuuray Shiinaha isagoo ku eedeeyay iney qariyeen dilaacidda fayraska corona. Muxuu yiri Truump? “Maanta waxaanu joojinineynaa xiriirkii nagala dhaxeeyay hay’adda WHO, kharashaadkii ku bixi jirayna meelo kale ayaan u weecineynaa,” ayuu yiri Trump isagoo ku sugan Aqalka Cad. “Dunida haatan waxay la daalaa dhaceysaa dhibaato uu Shiinaha horseeday,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu WHO cadaadis ku saarayay si ay dunida u marin habaabiso. Muxuu salka ku hayaa Khilaafka WHO iyo Trump? Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay ku guul darreysatay inay Shiinaha kula xisaabtanto xakameynta coronavirus, ka hor inta uusan gaarin heer uu bani’aadanka isaga kala gudbo. Cudurkan ayaa markii hore ahaa mid xayawaanka kaliya ku eg. Shiinaha ayaa markii hore ku wargaliyay WHO in “neef qabatoonka uu qabowga sababo uu yahay kiis noociisa la fahmi waayay oo la arkay 31-kii bishii December”. 5-tii bishii January, waxay hay’addu sheegtay in xogta ay xilligaas ka heysatay Shiinaha ay muujineysay in “aan caddeyn loo heynin inuu xanuunka isagala kala gudbi karo bani’aadanka”. 14-kii January, waxay hay’addu barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in baaritaannadii ugu horreeyay ee laga sameeyay Shiinaha “ay caddeymo sax ah u heli waayeen in bani’aadanka ay isqaadsiin karaan” fayraska cusub. Hase yeeshee, isla maalintaas, guddiga caafimaadka ee magaalada Wuhan ayaa sheegay inaan gabi ahaanba meesha laga saari karin in fayrasku uu dadka iskaga kala gudbi karo, inkastoo ay hoosta ka xariiqeen in khatarta ku saabsan arrintaas ay hooseysay. Maalmahaas gudahooda, warbixin kale oo ay soo saartay WHO ayaa lagu sheegay inay suurtagal tahay inuu soo baxo cudur bani’aadanka isaga kala gudba, waxaana loola jeeday xanuun ka mid ah kuwa ay sababaan fayrasyada coronavirus, sida cudurka horay loo yaqaannay ee SARS. Ugu dambeyntiina, 22-kii bishii January, koox ka socotay WHO oo booqasho gaaban ku tagtay Shiinaha ayaa xaqiijisay in magaalada Wuhan uu ka dillaacay cudur bani’aadanka ay kala qaadi karaan. Hay’adda WHO ayaa Shiinaha ku amaantay sida uu ula tacaalay cudurka dillaacay Wafdi dhammeystiran oo ka ay dirtay WHO, ayna ka mid ahaayeen khubaro caalami ah ma tagin Shiinaha ilaa laga gaaray isbuucii labaad ee bishii February. Dabayaaqadii bishii January, mas’uuliyiinta WHO ayaa dowladda Shiinaha ku amaanay sida ay ula tacaashay Shiinaha, iyo inay “dhabta ka sheegeysay”. Mareykanka ayaa horay u sheegay iney hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Haseyeeshee Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaabay hadalka ka oo yeeray Mareykanka isagoo ku tilmaamay inuu hadalkaasi yahay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Maxay sameysaa WHO? Hay’addan oo la aasaasay sanadkii 1948-kii waxay hoos tagtaa Qaramada Midoobay, waxayna mas’uul uga tahay Caafimaadka Guud ee Adduunka, diyaarinta ol’olayaasha tallaalka cudurrada iyo caawinta waddamada u baahan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Dhaqaalaha soo gala wuxuu igu jiraa tabarucaad isxilqaamid ahiyo kharash laga qaado dalalka xubnaha ka ah ee ay tiradoodu tahay 194, Mareykanka ayaana kaligiis bixiya lacagta ugu badan. Qaran News
-
Horta Somaliland waa muruqii laba suul ee la yidhi ninba waa ku si. Hadda ogaada haday Faysal si ku tahay anigana si kalaabay ugu tahay oo aan ahayn sida ay Faysal ku tahaye. Xagayga Faysal iyo Axmed Karaash waa laba muwaadin oo xaq ahaan u siman Somaliland waa marka dastuurka Somaliland loo noqdo eh. Baashe barlamanka Somaliland labadiisa aqal ee muddo xileedyadoodii quufla ay dhamaadeen hadana iskaga sii fadhiya kuraasida oo tiro ahaan dhan 164 xubnood ayuun buu isaguna mid ka yahay. Haduu Faysal Baashe sheegay oo Gudoomiyaha Wakiilada ah Saleebaan oo Gudoomiyaha Guurtida ahna waayo? Isaga ayaaba weli hor fadhiya gole markii ugu dambaysay Shirbeeleed lagu doortay 1997kii eh. Sharcigu wuxu dhigayay in doorashada guurtidu ay sanad ka dambayso doorashada wakiiladii iyaga lala doortay wakhtigaasi. Wakiilada waxa la doortay 2005fii guurtidu waxay markaa ahayd inay sanad ka dambayso oo la doorto 2006. Lama dooran sharcigiina waa lagu tuntay oo waxa sharci looga dhigay wakiiladii doorashada tooska ahayd ku yimi in la yidhaa sanad bay ka dambaynayaan waana sharci darro. Markaa waa gef iyo eex hadii la doono qabyaaladaysan waxa uu labada gudoomiye midna u dhaleeceeyo midna aanu u soo qaadin. Axmed Karaash iyo sheekada Puntland oo fargelin loo qaadan karo marka meel la iska dhigo Faysal ma isaga ayaa Axmed Karaash ka qaaday ama ka qaadi kara jinsiyadda Somaliland iyo xaqiisa muwaadinnimo? Faan waynaa! Faysal hadalkiisa markuu maagayay Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Wakiilada ee Somaliland waxa ku jirtay ANAGA. Halkaa waxa ka furan idinka oo ayo ah? Jawaabtu ma anaga oo Isaaq ah baa? Anigu qof ahaan sidaas ayaan u fahmay? Markaa lafteeda ayuu Faysal qaldan yahay oo ma jirto Isaaq cid uu Somaliland ka leeyahay oo marti ugu ah marka ay tahay beelaha wada deggan Somaliland. Mana jiro Isaaq uu Faysal wakiil ka yahay uu codkooda isagu ku hadli karaaye isaga ayuun buu hadalku la taraaray. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyey hadalkii shalay kasoo baxay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo. Kheyre oo la hadlayey golihiisa wasiirada ayaa yiri “In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay.” Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa yiri: Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed. Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka. Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin. Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa yiri: Si taxaddar leh ayaan u soo dhoweynayaa soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha ee ah in ay doorasho ay isla oggol yihiin saamaleyda inteeda badan ay ku dhacdo xilligeeda. Haddii uu Ra’iisal Wasaaruhu isla soo mutixi lahaa in doorashada dib loo dhigo, ugu yaraan waxaan hubaa in aad loo cambaareyn lahaa. Sidaa darteed, waxaan qabaa in ay siyaasiyiintu muujiyaan soo dhoweyn oraahdan Dastuurka waafaqsan ee ah in doorashada la qabto xilligeeda. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysal wasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.
-
Qaran News
-
Qudus (Caasimada Online) – Saraakiisha sirdoonka Israel ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xiray imaamka weyn ee Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri. “Cutub ka mid ah sirdoonka Israel ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xiran yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka. Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xireen Sheikh Ekrima. Bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masjidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah. Israel ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii. Wixii markaas ka dambeeyey, Masjidka ayaa mar walba ahaa mid Israel ay sida ay doonto ay ka yeelato, ayada oo xirta xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in doorashao qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, xilli ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inuu jiro isku day lagu doonayo muddo kororsi. Ballan-qaadkan ayaa waxaa sameeyey danjiraha Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cusmaan oo hadal ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu maanta yeeshay oo muddo kordhin loogu saameeyey sharciyadda ay ciidamada Amisom dalka ku joogaan. “Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an in doorasho qof iyo cod ah ay qabato 2020/2021,” ayuu yiri danjiraha. Danjiraha ayaa dhanka kale uga digay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka Amisom inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka. “Inkasta oo aan ka mahad-celineyo taageerada dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom ee joogteynta amniga Soomaaliya, waxaan ku celinaynaa in dalalkaas ay waajibaadkooda gutaan ayaga oo aan faro-gelin arrimaha gudaha gaar ahaan doorashaooyinka,” ayuu yiri. “Dhammaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom waa inay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa bani’aadannimada maadaama ay la xiriiraan ixtiraamidda madax-banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa si gaar ah horey ugu eedeysay Kenya, oo ka mid ah dalalka Amisom ciidanka ku tabaruca, inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.
-
Waxaa la xiray Derek Chauvin oo ahaa sarkaal Boolis ah oo lagu eedeeyey dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo Isniintii lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Derek Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah, waxaana laga hayaa fiidiyow, isagoo jilibka kaga riixaya qoorta George Floyd Isniintii, iyadoo Floyd uu ku celceliyay “Ma neefsanayo” kadibna geeriyooday. Derek Chauvin ayaa kamid ahaa afar sarkaal oo Booliska ah oo shaqada uu ka ceyriyey Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kuwaas oo loo haysto dillka George Floyd oo ahaa nin ka soo jeeda bulshada madow ee Maraykanka. Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey mudaharaadyo rabshada wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dil George Floyd. Dadka careysan ayaa dalbanayey in si deg deg ah loo soo xiro askarigii dilka geystay iyo askartii la socotay. George Floyd ayaa ahaa 46 sano waardiye ka ahaa mid kamid ah maqaayadaha Minneapolis. PUNTLAND POST The post Minneapolis: Askarigii lagu eedeeyey dilkii ninkii madowga ahaa oo la xiray appeared first on Puntland Post.
-
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka hadlayey kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay iney maanta laga bilaabo xukuumadiisa ka shaqeyn doonto sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay si loo helo xasilooni siyaasadeed. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa uu yiri” Dalka afratii sano mar waa in uu doorasho galaa doorasho dadka dhan isla ogol yihiin, haddii aysan isla ogoleyn intaooda badan ay isla ogol yihiin, doorasho ayaa ka dhici jirtay wadankaan noocii ay rabto ha ahaatee, waana waxa nasiiyey(legitimacy) dalka in ay doorasho ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale oo macnaheedu tahay in qof weliba uu ku dhaco dareenkiisa in dalkaan afartii sano mar ay doorasho ka dhacdo, hadda waxaa gacanta ku haayo baarlamaanka oo uu ka hoos shaqeeyo guddi,. Kheyre oo sii hadalaya ayaa intaas ku daray “Ka siyaasi ahaan madaxdii qaranka oo golihiina wasiirrada ah, waxaan rabaa inaad ku fakartaan oo aan ogaanno laga bilaabo maanta in shaqadeennu ay noqon doonto in aan isku deyno sida aan dalkan ku gaarsiin laheyn doorasho umadda Soomaaliyeed u dhantahay, xasilloon, nabad ah, dadku ay qeyb ka noqdaan, sababtu waxaa ay tahay wax walbo aan soo dhisno waxay ku nagaanayaan oo ay ku sii soconaayaan in dalku uu leeyahay xasillooni siyaasadeed waana ka shaqeynaynaa haddii Allah uu yiraahdo. Arrintan ayaa waxaa ay in badan meesha ka sareysaa shaki laga qabay in Nabad iyo Nolol ay meemeeriso waqtiga doorashada, isla markaana ay raadiso waqti kororsi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
AMISOM Strongly Rejects Allegations Against its Leadership.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Press release from the African Union Mission in Somalia rejects allegations made against its leadership Ambassador Francisco Madeira and the Federal Government of Somalia. In a statement AMISOM hits back to a document which has been circulating in the media dated 26 May 2020. AMISOM said the document is full of inconsistencies, generalizations, innuendos and biased toxic personal opinion and does not describe the reality of the AMISOM that is currently operating in Somalia under the leadership of Ambassador Francisco Madeira. AMISOM further said the allegations in the document distort and misrepresent the mission, its work, its leadership and its achievements. READ THE FULL PRESS RELEASE BELOW: -
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood, kuwaasi oo baaritaanno ku soo sameynaya falkii 28-kii bishan lagu xasuuqay shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Golaley degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Wareegto ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, halka ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Cadaaladda, waxaana guddiga oo isuga jira, Wasiiro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo qabtay in muddo 30 cisho gudahood ay ku soo dhameeyeen baarista la xiriirta falka arxan darada ahaa ee lagu dilay sideed muwaadin oo dhallinyaro ah Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa tilmaamay in falka ka dhacay Golaley ay tahay mid ka baxsan beni’aadanimada iyo Soomaalinimada, loona baahanyahay in si deg deg ah looga jawaab celiyo ciddii falkaasi ka dambeysay cadaaladdana la horkeeno sida uu sheegay madaxweyne dowlad goboleedka Hirshabeelle Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
