-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada ammaanka gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa si wadajir ah uga warbixiyey howlgal maanta lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug. Howlgalka oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa PSF-ta Puntland, waxaana la sheegay in ninkaas uu dagaalamay inta aysan dilin ciidamadu. Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ninka la dilay uu watay qaraxyo iyo bastoolad, isla markaana uu ahaa madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhici jiray Gaalkacyo, isaga oo u mahad celiyay ciidamada ammaanka Puntland iyo Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamada booliska Galmudug ay maanta kadib fasax u heystaan in dhinaca Puntland ay kasoo qaban karaan qofkii ay u arkaan in uu amni darro ka wado magaaladan, isla markaana ay ku xiri karaan saldhigyadooda. Dhankiisa Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha Puntland ay ku wada heshiiyeen in ciidamada labada dhinac ay isla howgalaan, si nabad loogu soo dabaalo magaalada Gaalkacyo. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka socaday howlagallo ay si wadajir ah u sameynayeen ciidamada kumaandoosa Soomaaliya ee Danab qeybtooda gobolka Mudug, PSF-ta Puntland, booliska Galmudug iyo kan Puntland, waxaana tan iyo markii la bilaabay howlgalladaas meesha ka baxay falalkii amni darro ee ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo.
-
(SLT-Jabuuti)-Xukuumada Jabuuti ayaa Lagu Soo Waramayaa In ay Xabsiga u taxaabtay Coronel Maxamed Jamac Yoonis Oo Ahaa Taliyihii Ciidanka Jeelka Gabood we Dalka Jabuuti. Xadhiga Taliyaha ayaa La sheegay in uu ka.dambeeyay ka Dib Markii Fuaad Yuusuf Cali Oo Askari Ka Tirsan Ciidamada Cirka Djabouti uu Jeelka ka soo dhex Duubay Muuqaal uu xaaladiisa kaga Hadlayo. Dhinaca kale Xaalada Magaalada Djabouti ayaan Degenayn Waxaana maanta dhawr Magaalo oo Dalkaasi Ka Tirsan Tirsan dhacay Dibadbaxyo. Source
-
Authorities in Somaliland have on Saturday released Abdimalik Muse Oldon, a well known Somali journalist and an activist after being in prison for more than a year in Hargeisa, the capital of the breakaway region of Somaliland. The freelance journalist Abdimalik Muse Oldon was arrested on April 17 in Buroa city over his critical reporting against Somaliland government officials, harsh social media posts and smear campaign against Abaarso school in Hargeisa. Speaking during a press conference shortly after his release, Oldon thanked all people that worked tirelessly to ensure that he got his freedom back. “I am happy to regain my freedom and I thank all sides which contributed to my release. I would like particularly thank here the leaders of main opposition parties of Wadani and UCID and organizations like EU parliament and the amnesty international for their selfless effort and solidarity they showed me during my detention and advocating for my freedom.” Journalist Oldon said.” He further said that he will not retaliate but rather forgive those who put him behind bars. “Let’s not recall back what happened but focus in future due to the circumstances we are going through” Usually Somaliland detains journalists, artists and writers who travel to Mogadishu, the Somali capital accusing them of violating the existence and sovereignty of Somaliland. Last month, Somaliland authorities arrested two female musicians Hamda Yousuf Ibrahim and Barwaaqo Mohamed Hashi only for traveling to Mogadishu. Somaliland sees Somalia as an obstacle hindering its efforts aimed at gaining an international recognition as seeks an independence from the rest of Somalia. Somaliland broke away from Somalia in 1991, but it is internationally recognized as an autonomous region in Somalia.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kalafadhigii 7-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, oo maanta uu kulanka ka qabsoomay ayaa yimid markii amni darro loo tagi waayey iskuulka booliiska. Waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka goobjoog ahaa madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoonka labada gole iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana la ay jeediyeen Khudbadooda dastuuriga ah ee furitaanka kalafadhiga 7-aad oo maanta ahaa kuwii ugu dambeysay. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka hor hadlay labada gole ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah isaga oo si aad ugu dheeraaday saameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay habsami u socodka shaqadii labada gole ee Baarlamaanka waxaana uu intaas ku daray in Baarlamaanka kalafadhigii 6-aad ay wax badan u soo qabsoomeen. “ Sida uu yahay dhaqanka Baarlamaanka waxaa ah inuu warbixin idiinka siiyo howlihii u qabsoomay kala fadhigii lixaad, iyadoo dalka uu galaayo marxalad loo baahan yahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan hey’adaha dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed oo idil si loo fuliyo ballanqaadkii aan qaadnay sanadkii 2016kii dhammaadkiisii markii la dhisaayey Baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ”. Ayuu yiri goddoomiyaha aqalka sare Sanotor Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Mudane madaxweyne mudanayaal iyo marwooyin caabuqa safmarka ah ee lamagac baxay COVID-19 waxaa uu caalamka oo dhan geliyey xaalado uusan marnaba aadmigu uusan ka fekerin iney dhici karaan waxaan uu mar qura kalifay in noloshii caadiga aheyd ay istaagto isaga oo dunida ku keenay dhibaatooyin isugu jira kuwa caafimaad, dhaqaale iyo bulshaba, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya waxaa uu noqday mid aad ugu nugul dhibaatada uu keenay xanuunka COVID -19 maadaama aan nahay dal dagaallo sokeeye ka soo kabanayo oo ku jira dowlad dhisid” ayuu yiri hadalkiisa ku soo koobay goddoomiye Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo jeediyey khudbaddiisa furitaanka ayaa guul weyn ku tilmaamay uu gaaray Baarlamaanka 10-aad ansixinta sharciga doorashooyinka qaranka isaga oo tilmaamay in weli ay harsan yihiin arrimo saldhig u ah oo loo baahan yahay inuu sharcigu qeexo , waxaana sidoo kale uu ka hadalay halka uu marayo arrimo ku aadan Dastuurka. “Mudane Madaxweyne ansixinta sharciga doorashooyinka ee kalafadhigii 6-aad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waa guul weyn hase ahaatee waxaa dhiman arrimo saldhig ah oo ay tahay inuu sharcigu qeexo, labada goddoon iyo labada aqal ee Baarlamaanka waxaa ay 1March 2020-ka magcaabeen guddi wadajir ah oo kumeel gaar ah ee dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka oo ka kooban 17 xildhibaan ee ka tirsan xubnaha labada gole ee baarlamaanka waajiaadka shaqo ee guddiga waxaa ka mid ah in ay la tashadaan cid weliba oo sharciga tayeyntiisa looga maarmin sida guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta iyo federaalka, dowladda goboleedyada dalka hey’adaha amniga xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan ururada bulshada rayidka aha.” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh goddoomiyaha golaha shacabka. Guddoomiyaha hadalkiisa siiwata ayaa yiri” Geedi socodka dhameystirka Dastuurka wuxuu calaamad weyn u yahay dib u dhiska dowladnimadeenna Soomaaliya uuna noqon doono guul weyn uu dalku gaaray nasiin doono taariikh weyn, hadaba waxaan xildhibaannada sharafta leh ka codsaneynaa inaan dhammaan si adag kalafaddhigaan uga wada shaqeyno sidaan himiladaas uga guul gaari laheyn, guddiga la socodka dastuurka waxaa uu soo gudbiyey qabyo qoraal wax ka badalka dhammaan cutubyada Dastuurka ku-meel gaarka Soomaaliya, qabyo qoraalka dastuurka ayaa waxaa la soo bandhigay lagana tashtay shacbka dowlad goboleedyada Galmudug Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyadoo guddiyadu ay ka soo uruuriyeen talooyin wax ku ool ah, guddiga la socodka madaxbannaan ee Dastuurka waxaan rajeynaynaa in ay soo dhammeystiraan latashiga dhacabka iyo dowlad goboleedyada, haddaba mudanayaal waxaa golaha horyaalla qaraar ku saabsan habraaca ansixinta dastuurka oo oo uu soo gudbiyey guddiga la socodka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu guddoomiye Maxamed Mursal. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ugu weyn tahay doorashooyinka dalka isaga oo sheegay in la gaaray waqigii shacabka u dhaqaaqi lahaa in ay soo doortaan qofka ay doonayaan, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudoo hakad ku jiray. “Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada, Dhallinyarada Soomaaliyeed waa udub dhexaadka nabad galyada iyo hormarka iftiimaya ee ummadda Soomaaliyeed ay maanta ku naalooneyso, ma tihiin madaxdii barri ee waxaad tihiin madaxda maanta, ayuu ka yiri Madaxweyne Madaxweynahe Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Madaxweynaha oo sii hadlayo ayaa yiri ” Maanta waxaan labada aqal ujeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qaddarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay, fadlan, igu raaca in aqalka sare ay caasimada Muqdisho ku yeelato matalaadda ay mudantahay, ayna muraayad ugu wada noqoto dhamaan shacabka soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, oo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wadahadalladii, wax kasta oo jirana ku dhammeyno walaalnimo” ayuu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka safmareenka ee COVID-19 ku sheegtay guud ahaan dalka in laga diiwaan geliyey 85 xaalaad oo cusub taas oo guud ahaan muwaadiniinta xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 2,289 oo ruux. Wasaaradda ayaa qooraalkeeda maalin laha ah ku sheegtay in gobolka Banaadir laga helay 19 ruux, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey 29 kiis halka dowalda goboleedka Galmudug laga soo xusay 17 xaalad iyo jubbaland 14 xaalad, Koonfur Galabeed 5 kiis halka dowlad goboleedka Hirshabeelle laga soo diiwaan geliyey 1 kiis oo COVID-19 ah,dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta aan laga soo sheegin wax xaalad oo ku aadan xanuunka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta sheegtay in 3 muwaadin dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19 taas oo guud ahaan dadka xanuunka u geeriyooday ka dhigeyso 82 ruux, waxaana xanuunka ka soo caafimaaday 13 ruux oo guud ahaan dadka soo bogsaday ka dhigeyso tan iyo markii uu ka dilaacay 431 ruux, kiiska la helay 58 ka mid ah waa Rag halka 27 Haween yihiin sida qoraalkeeda maalin aha ah lagu sheegtay wasaardaa caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamanka, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda lagu qabto. “Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay qabashada doorasho ku qabsoonta xilligii loo asteeyay oo fursad u siinaysa shacabak Soomaaliyeed in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka. “Guddoomiyeyaasha labada gole ayaa caddeeyey in doorasho dhaceyso, waqtigeedana ku dhaceyso, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa umadda iyo golaha wasiirada u caddeeyey in dalka doorasho uu aadayo, sidii loogu talo-galayna ay dhaceyso,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay gutaan masuuliyadda wadaniyeed ee ka saran go’aaminta masiirka dalka. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada.” Hoos ka daawo madaxweynaha
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u jawaabay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo buuq ku furay markii uu billaabay khudbad uu ka jeedinayey furitaanka kalfadhigga 7-ad ee baarlamanka. Madaxweynaha ayaa hadalka laga horjoogsaday muddo ku dhow 10 daqiiq, waxaana markii kadib buuqa yaraaday uu la hadlay xildhibaanada buuqaya iyo kuwii kale ee fadhiyey xarunta. “Halka qof ee firimbiga haysta waa bixi karaa, waxaan leeyahay qofka firimbiga haya waqti mahayo, aniga iyo dowladeydu waxaan soo kordhinay xasillooni siyaasadeed, hala kala aragti-duwanaado waa caafimaad laakiin ixtiraamku waa inuu meesha ku jiro” “Shaqaale dowladeed hal bil mushahar la’aan ma noqon, askari dowladeed hal bil mushahar la’aan ma nooqn, waxayna ku dhacday taas xasiloonida aad adinka abuurteen, adinka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay tahay middii ugu horreysay ee bixisa waxbarasho lacag la’aan ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbarasho lacag la’aan ah siiso 65 arday, taasoo dhalisay dood badan oo ku aadan sida tiridaas u yar tahay, balse markii dambe lagu saxay qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo lagu sheegay in loola jeeday 65 kun. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan. Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka. Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.” Xildhibaan Xasan Yare ayaa intaas ku daray in sababta loogu adkeysanayo doorasho qof iyo cod ay tahay waqti lumis ujeedka ka dambeeya uu yahay in muddo kororsi lagu xaqiiqsado. “Isagoo aan ka hadlin amniga dalka, isaga oo aan ka hadal dhaqaatiirtii lagu xasuuqay Gololey, isaga oo aan ka hadaly arrimihii dastuurka, arrintaaas ayey xildhibaanada aad u dhibsadeen iyo ciidamada aan Itoobiya ka tirsaneyn ee lagu daad-gureynayo maamul goboleedyada,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha uu dhaqaalihii dalka iyo ciidamadii qaranka u adeegsanayo inuu ku carqaladeeyo maamul goboleedyada. Hoos ka daawo xildhibaan Xasan Yare
-
Kalfadhiga Todobaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtiya ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Kalfadhiga ayaa markii uu bilaabay khudbada iyo salaanta waxaa ku bilowday buuq iyo oorin ay kala hor-tageen Xildhibaano ku kacsan, kuwaa soo qaarkood yeerinayay firimbi. Madaxweyne Farmaajo, waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee uu kusoo qaaday khudbaddiisii la wada sugayey waxaa kamid ahaa, codsi uu u jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka, oo uu ka codsaday in ay ku raacaan meel-marinta maqaamka siyaasadeed ee caasimadda Muqdisho. Wuxuu kaloo ballan qaaday in doorashooyinka Soomaaliya ee foodda nagu soo haya ay waqtigooda ku dhici doonaan. Arrintaan ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo hay’adaha iyo dalalka caalamiga ah ee taageera dowladda wal wal ka qabeen maalmahaan,kaddib marki uu soo baxay shaki ah in dowladda ay daneyneyso muddo kororsi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo lagaga oriyay Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Gardafuu region is the youngest of Puntland’s current nine (9) regions. Its creation was announced in April 2013 and approved by the parliament three months later. The region was carved out of Bari region following protracted protests that reached to the level of demanding secession from Puntland as the region had been neglected in every aspect for years. Its capital of Alula is located 50 kilometres west of Cape Guardafui. At a press conference on 3 June 2020, a group of elders, elite, and politicians from the region aired their grievances against the mistreatment of Gardafuu region and its people by Puntland state. The group had earlier on 22 April 2020 demanded from Puntland a redress to their grievances but their demands fell into deaf ears. They have revealed that they now have their own armed forces to maintain public order and safety for the people in Gardafuu. Such grievances and protests, if not redressed soon can be the second wave of a social uprising to demand secession from Puntland. So what are their grievances? Since the establishment of Puntland in 1998, Gardafuu region has been physically isolated and continued to be on the margin of Puntland’s sub-conscious. It suffered from so much lack of care and apathy that it seems almost impossible to catch up with the other regions in Puntland. The few persons representing the region in the authorities are not often given the platform to present the needs of the region and therefore are not attended to. The political representation of the region is also limited compared to that of other regions. The authorities in Puntland have repeatedly halted joint assessment missions that were to be carried out by the International Organizations in response to the natural disasters that hit the region including the cyclones for reasons referred to by Puntland authorities as “insecurity” despite the region being the safest in Puntland with no crimes and terrorism ever reported since its establishment. The cyclones hit Alula and surrounding villages wiping houses and displacing over 2000 families in November 2019. Unfortunately, Puntland authorities never responded to these natural disasters in a large scale nor did the International Organizations. The main feeder roads were blocked and damaged as a result of the heavy rains beyond minor repairs, the only real infrastructure in the region. The only airport in the region also requires maintenance to allow planes to land. The communication sector is still in the primitive state as there is no coverage in major parts of the region. Puntland state assigned a committee to assess the damage caused by the heavy rains on the main road of Lafogoray for possible major maintenance. Unfortunately, and as of today, no maintenance has been performed – instead, the funds voluntarily collected from the people of Puntland for this purpose were corrupted. The region is suffering from poor healthcare and education services, lack of clean water, and electricity among others. The blocked feeder roads left the people with a lack of dietary choices and adequate nutrition, therefore, resulting in vulnerable people, particularly amid the spread of COVID19. Pregnant women die due to pregnancy complications and childbirth-related causes for lack of emergency obstetric care and therefore suffer obstructed labour. At times, they are transported to Bossaso for safe obstetric operation through boats on a voyage that takes more than 12 hours. Those pregnant women are not escorted by any professional healthcare staff and some of them, unfortunately, die during the journey. One can’t tolerate witnessing the way they are carried on-board the boats. Such a lack of basic services prompted many residents to migrate to the other towns in other regions of Puntland. People in Gardafuu region believe Puntland follows the motto of “do harm” instead of “do no harm” to the people of this region. Puntland launched a biometric registration for the police forces for better human resources management. Regrettably, the registration of the police forces in Gardafuu region was turned down by the Ministers of Security and Finance who were personally performing the registration process. Some 300 police forces were suddenly left unemployed. When asked the President, he stated that the omission took place due to a shortage of funds. Well, are funds only available for the other regions whose police forces were successfully registered? The recently appointed Chief of Police admitted there is no list of police forces from Gardafuu that was handed over to him when he took charge of the police forces in Puntland last month. Surely, Puntland doesn’t consider Gardafuu as part of its territory. Instead, the President is planning to deploy Puntland Maritime Police Forces (PMPF) managed and funded by Saracen, a private company owned by UAE. It is believed that the deployment of the PMPF has something to do with mining contracts Puntland struck with Chinese companies as the region has untapped reserves of mineral resources, including salt, iron ore, tantalum, copper, and coal. It is to be noted that Gardafuu renders revenue in the region of USD 4 million per year transferred directly to the government banks, but not even a tiny percentage of the generated revenue is re-invested in the region. It doesn’t also get its hands on the revenues generated elsewhere including the one generated through Bossaso port. Ironically, the Ministry of Finance has increased the taxation on the small fishing boats in Gardafuu that do not even have an infrastructure for docking. The Federal Government of Somalia, too, did not bother so much about the situation of many regions in Somalia similar to Gardafuu that are suffering from inequality and lack of development. Conclusion It is clear that the protracted neglect and unequal access to the resources have triggered frustration and protests among the elite, elders, and youngsters. It has also found expression in the armed civil disobedience of the police forces whose rights were denied. Prior to these protests, the elders met the current President on several occasions and requested him to do some reforms in the region and initiate development projects with a specific focus on health and education. Unfortunately, their request was not considered. The people in Gardafuu region now seem they are making efforts to depend on their own after exhausting all the laid down non-violent procedures to demand their rights from Puntland for 22 years. The voluntary armed police forces who called themselves as “The Somali Whale Force” requested the Federal Government of Somalia to support them since they were left unemployed by Puntland authorities. It is expected that Puntland authorities will label those elites and police forces as terrorists, pirates or other parties funded by the Federal Government to turn them against Puntland, but the fact is so simple; those people are volunteers who took up the lost cause and aspire to bring the region out of its current mess. Puntland is accustomed to the classic case of ‘déjà vu’ where it labels anyone or any group having a different opinion, as terrorists or individuals that are linked to the Federal Government to destabilize Puntland. But Somalis, as well as security agencies, are aware of the realities on the ground. Nasrudin Mohamed Ahmed can be reached at ahmedfiqi2018@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
What is the Ethiopian leader’s interest in mediating talks between Somalia and Somaliland? On 1 June, Somaliland’s President Muse Bihi Abdi officially inaugurated the first 12 km of Berbera Corridor, a trade and transport route that connects landlocked Ethiopia to Somaliland’s Port of Berbera on the Gulf of Aden. The Addis Ababa-Berbera highway is being funded by the United Arab Emirates (UAE) and the Abu Dhabi Fund for Development. Together with the US$442 million expansion of the Port of Berbera by another Emirati company, Dubai’s DP World, the highway will turn Berbera into a major regional trading hub. On one level, Somaliland is merely investing in what is likely to be a lucrative commercial venture, attracting more exports and imports from its much bigger and richer neighbour. But the Berbera highway clearly also has a more strategic purpose – to put an important political fact on the ground. That is, to make Berbera an integral part of Ethiopia’s economic network – and therefore also Somaliland. To the degree that Berbera becomes indispensable for Ethiopia, to that degree is Somaliland recognised – though only implicitly of course – as an independent state. Achieving such recognition has been Somaliland’s eternal quest – so far with no apparent success. Neither Ethiopia nor any other country explicitly recognises it as a sovereign nation. All officially still consider it to be a wayward province of Somalia. And there are no signs on the immediate horizon that any country is about to take the plunge and be the first to recognise the independent state of Somaliland. Yet because of its implicit recognition of Somaliland, the Berbera Port-highway project has annoyed Somalia. Two years ago when Somaliland and DP World ceded 19% of the Berbera Port project to Ethiopia, Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, without mentioning names, warned foreign countries and companies not to ‘cross the line and put to question the sovereignty of Somalia.’ Ethiopian President Abiy Ahmed Ali’s government duly pledged respect for Somalia’s sovereignty a few months later. Yet Abiy, who ascended to Ethiopia’s prime ministership in April 2018, has shown no signs of abandoning the Berbera project. The corridor is important to Ethiopia’s strategic imperative of access to the sea. This is especially because cooling relations with Djibouti since Abiy’s rapprochement with Eritrea have placed something of a question mark over Ethiopia’s main maritime outlet through that country. However Abiy, the 2019 Nobel Peace Prize winner, is also exercising diplomatic skill. In February this year he hosted a meeting between Farmaajo and Bihi in Addis Ababa to try to help them patch up their quarrel. The encounter seems to have borne some fruit as the United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, told the Security Council earlier this month that ‘in regard to Somalia-“Somaliland” relations, we are encouraged that dialogue is ongoing at senior levels and that both sides have indicated a willingness to maintain communication and pursue further discussions.’ Abiy’s intervention as mediator is intriguing. One might think it would be Somalia that would consider Ethiopia a biased referee since Addis Ababa has a material interest in the offending Berbera project. Also Ethiopia is one of only three countries – along with Djibouti and Turkey – to have opened consulates in Hargeisa, Somaliland’s main city. Conversely, though, Abiy would probably not want to see a peaceful Somaliland weakened by Mogadishu. Ethiopia shares a border with Somaliland that is almost as long as that with Somalia, and a strong Somaliland provides a buffer for Ethiopia against al-Shabaab. So Abiy is walking a delicate tightrope on this issue, it seems. There is also a wider dimension to the Somali-Somaliland standoff. Middle East powers are pursuing proxy rivalries in the Horn, with the UAE backing Somaliland in part to counter Turkey and Qatar’s courtship of Somalia. What the secretive Somali-Somaliland negotiations to which Swan referred might produce is hard to envision. With Somaliland demanding complete independence and Somalia demanding complete unification, the theoretical compromise would be incorporation with a high degree of autonomy within what is already a federal Somali state. But it’s difficult to see Somaliland agreeing to that, and certainly not while Somalia remains locked in its bloody, existential struggle with al-Shabaab and protracted conflicts with federal states. Ironically in his report, Swan urged that the commitment to dialogue and cooperation exhibited by Somalia and Somaliland should be extended to relations between the Somali federal government in Mogadishu and the federal member states. That was a reminder that some of these states are just about as ‘independent’ in practice as Somaliland. Swan noted with regret that ‘it has been more than a year since the President and all Federal Member State leaders have met.’ So one might think Farmaajo would want to get his own house in order before considering adding another fractious member to the family. On the other hand, despite putting more solid facts on the ground, Somaliland looks as though it will have to settle for de facto, not de jure, independence – at least for a long while. Source: issafrica.org The post Abiy helps Somaliland put more facts on the ground appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah midka ugu dambeeya ka hor inta uusan dalka isbadal galin, wuxuuna kaga faa’ideystay inuu codsi ku saabsan maqaamka Muqdisho. Madaxweynaha oo markii hore khalalaase la galiyay khudbadiisa ayaa helay fursad uu hadal ku jeediyo, wuxuuna labada aqal ka codsaday magaalada uu ku dhashay in matalaadda ay u qalmaan la siiyo. “Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Federaalka waxaan maanta usoo jeedinayaa codsi Madaxweyne, waxaana rajeynayaa inaad iga aqbashaan iguna taageertaan oo igu sharaftaan si aan u wada muujino tixgelinta iyo qaddarinta aan u heyno Muqdisho, waan wada jecelnahay si gaar ah ayey meel iiga taal, waan ku dhashay, luuq-luuq ayaan u aqaan, waana ku koray, fadlan igu raaca iiney aqalka sare ku yeelato caasimadda Muqdisho matalaadda ay mudan tahay, sidoo kalana ay mmuraayad uga wada noqoto dhamaan sahcabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha khudbadiisa aad ayaa loo sugayay, wuxuuna aad u sharraxay guulaha ay gaartay xukuumadiisa oo ay ka mid tahay fursadda ay siisay Ra’isul Wasaaraha. Ugu dambeyntii Farmaajo wuxuu ka dhawaajiyay iney ka go’an tahay xukuumadiisa iney doorashada ku dhacdo wakhtiga loogu talgalay.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka kaas oo ah kan ugu dambeeya xukuumadda hadda jirta ayaa ka furmay Muqdisho, inkastoo khalalaaso la galiyay khudbadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadana waxaa jiray hadal jeedin ay lahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise kaas oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saluugay sida ay xukuumadda hadda jirta uga jiifatay hanaanka doorasho iyadoo ilaa iyo hadda aan la garaneyn nuuca doorasho uu dalka gali doono. Kalfadhiga Baarlamaankii ugu dambeeyay ayaa maanta furmay iyadoo xildhibaanada aysan aqoon nuuca doorasho ee dhaceysa, waxaana xusid mudan iney meel mariyeen sharciga doorashada. Xildhibaanka Xuseen wuxuu kasoo horjeedaa in muddo kororsi loo sameeyo laamaha kala duwan ee dowladda. “Doorasho qof iyo cod ah inaan la qaban karin in cudur daar looga dhigo xanuunka COVID19 waa wax aan suuragal aheyn, wakhti hore ayaa la dayacay, fayris-kaan dhawaan ayuu soo ifbaxay, waxaase iga su’aal ah saddex sano iyo bar ah maxaa la qabnayay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Ciise Carab.
-
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay saamaynta uu koronuhu ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxaanu ku taliyey in dadka loo caawiyo siday u kala jilicsan yihiin. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Guddida Covid 19 ee uu Madaxweyne ku xigeenku Guddoomiyaha ka yahay runtii wey dadaalaysaa, si joogto ahna wacyigelinta ka hor taga xanuunka Covid 19 way u soo daysaa, umaddana way ku wacyi-gelisaa, si la iskaga ilaaliyo, markaas waxaa dadka looga baahan yahay inay farriimaha wacyigelinta qaatan, aad iyo aadna iskaga ilaaliyaan Covid 19”. Mar uu ka hadlayey saamaynta uu Covid ku yeeshay nolosha dadka iyo caawimadooda ayaa wuxuu yidhi “Deegaan kasta iyo Gobol kastaba hadda waxaa ka jira Guddiyo is abaabushay, dadkii uu sida gaarka ah saamaynta ugu yeeshay xanuunka Covid 19, gaar ahaan Macalimiintii, sida loo caawiyey ee wax loo taray aad baan ugu faraxsan nahay, dadka danyarta ee jilicsan in si gaar ah hoos loogu eego oo wax la taro ayaan soo jeedinayaa, waliba marka hore waa in iyaga laga fuudh yeelaa, oo wixii karash iyo raashin ahba lagu caawiyo, dadku siday u kala jilicsan yihiin waa in loo caawiya”. Qaran News
-
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ayeyo Sirad Nuur Yusuf Aabo Moxamed Cisman Fadal iyo xaaskiisa Seinab Yusuf X. Adan Siciid Moxamed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa FilsanMoxamed Cisman Fadal Haweya Moxamed Cisman Fadal iyo seygeeda Siraad Moxamed Cisman Fadal Amina Cisman Fadal iyowiilkeeda Yasin Cali Mataan Axmed Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Jaamac Cisman Fadal xaaskiisa iyo caruurtiisa Fosiya Cisman Fadal iyo inanteeda Hodo Ibrahim Ciid Cabdirizaaq Cisman Fadal, xaaskiisa iyo caruurtiisa Ilma Moxamoud Cisman Fadal iyo hooyadood Ayan Axmed Buluxaar Cabdifatax Cisman Fadal Fadumo Cisman Fadal seygeeda iyo caruurteed Nacima Cisman Fadal seygeedaiyocaruurteeda Khadar Cisman Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Axmed Yusuf Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Moxamoud Yusuf Fadal xaaskiisaiyocaruurtiisa Roda Yusuf Fadal saygeedaiyocaruurteeda Hodan Moxamed Fadal saygeedaiyocaruurteeda Samiya Mohamood Fadal saygeeda iy ocaruurteeda FardousMoxamed Fadal saygeeda iyo caruurteeda iyo dhammaan qoyska reer Fadal Ismaciil meelkasta oo ay joogaan waxay hambalyo iyoduco iyo duco u dirayaan Cabdifataax Daahir Nuur Jaamac Iyo Muna Moxamed Cisman Fadal oo meher koodu ka dhacay maanta oo sabti ah bishaJuun 6 deedii, 2020, Hotel Ambassador Hargeisa Waxaanay Ilaahay ugabaryayaan Muna iyo Cabdifataax in ay noqdaan qoyskii hodma iskuraaga isku reeya ubad khayrqabana Ilaahay kala siiyo Qaran News
-
War qoraal ah ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo kumaandooska Soomaaliya ay dileen madaxii Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Mudug. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ruuxa la dilay oo aan magaciisa la sheegin uu Al shabaab u qaailsanaa qaraxyada lagu dilo masuuliyiinta gobalka Mudug islamarkaana uu lug lahaa qaraxyo lagu dilay masuuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug. Dhanka kale waxa ay Puntland sheegtay in xubintan ka tirsanayd Al shabaab ee ay dileen inuu qorsheynayay qaraxyo kale oo lagu waxyeelo masuuliyiin sarsare waxaana ay intaas ku dareen in shaqsigan ay dabagal ku hayeen ciidamada amaanka. “Hawlgal qorshaysan oo ay maanta (June 06,2020) si wada jir ah uga fuliyeen maanta magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21st ee magaalada Gaalkacyo oo ka wada shaqaynaya sidii loo sugi lahaa amniga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ku guulaysteen in ay dilaan madaxii Al Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamadu ,kaaas oo ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug,haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland. Dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ayaa weeraro kala duwan ka fuliya qeybo ka mid ah gobalka Mudug iyaga oo gobalkaasi ku dilay masuuliyiin uu ugu dambeeyay guddoomiyihii gobalkaas ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Heavy fighting between Somali troops and Al-Shabab militants reported in Bakool region, southwestern Somalia on Saturday morning , residents said. The battle erupted after Alshabab fighters mounted an attack on a military base manned by Somali forces in Abal village, about 20 km East of Xudur town. The attack was followed by heavy fighting between the two warring sides reportedly resulting in casualties and injuries. According to a local resident, Al-Shabab militants attacked the military base leading to a gunfight. “We could hear the sound of heavy weapons exchanged by the two sides and the residents panicked but the gunfire has stopped,” said the local resident. “There are casualties from al Shabaab and government forces, but we have no exact figure,” he added. Tension in the area is reportedly high, neither the government nor Alshabab commented on the fight. Recently, Somali forces backed by African Union Mission in Somalia have stepped up operations on al-Qaida linked group in some central and southern regions in the Horn of Africa nation. The southern parts of Somalia have been the epicenter of clashes between government forces and al-Shabab militants who were forced out of the capital Mogadishu in August 2011 by the Somali army and African Union Forces.
-
Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu xidhnaa muddo sannad ka badan.Coldoon ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne. Xoggo ku taxaluuqa siideynta weriye coldoon ayaa tibaaxaya inay Xisbiyada mucaaradku aad uga shaqeeyeen sii deyntiisa. Qaran News
-
Warbaahinta madaxa bannaan ee ka shaqeysa Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa loo diiday inay tebiyaan kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu furo Madaxweyne Cabdullahi Farmaajo. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-2.mp4 Source: goobjoog.com
-
Farmaajo oo lagu oriyey+ Xidlhibaano ka tirsan Barlamaanka Somalia oo carqaladeeyay khudbad uu jeedinayey Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey. Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu oriyey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu goor dhow ka jeedinayey kala fadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku badashay qeylo iyo qalalaaso. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeylo iyo inay miiska garaacaan bilaabay markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddiga Anshaxa Baarlamaanka oo isku dayey inay xiisadda damiyaan ayaa ku guuldareystay, waxaana hakad gashay khudbaddii Madaxweynaha oo aheyd mid si weyn loo wada sugayey. Waxaa la arkayey Xildhibaano miiska garaacayo iyo kuwa kale oo kuraasta kor u heysto kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaan oo aheyd mid horey looga cabsanayey ayaa keentay in Maanta saxaafadda madaxa banaan loo diido inay kulanka qeyb ka noqdaan, waxaana kaliya tabinayey Telefishinka Qaranka, waxaana muuqaalka codka laga jaray markii madaxweynaha lagu oriyey. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.