-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha shanta Maamul Goboleed, ee kala Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland. Gogoshan oo uu dhigay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu wadaa in lagu lafa-guro arrimaha siyaasadda ee dalka, oo ay ugu horeyso murunka hareeyay doorashooyinka dalka. Madaxweyne-yaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweyntooda. Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay gaaray Xarunta Maamulka Galmudug, ka dib markii ay ka amba-baxeen Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara Magaalada Dhuusamareeb. Gelinkii dambe ee Arbacadii ayayna ahayd markii si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladaasi. Xoogaga ammaanka ee Galmudug ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la hakiyay isu socodkii gaadiidka ee magaalada. Waxaan jiri karin gaadiid ka soo gudbi kara kontoroolada magaalada. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka diyaar garowgii ugu dambeeyey uu ka socdo magaaladaasi, kaas oo ku aadan shirka madaxda maamul goboleedyada oo maanta ka dhacaya halkaasi. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu furmo gelinka dambe ee maanta, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyey. Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Siciid Deni, Axmed Madoobe, iyo Lafta Gareen oo qeyb ka ah shirkaasi, waxaana horey Dhuusamareeb u tegay madaxweynaha HirShabelle. Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo maamullada qaar. Waxaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa sida uu ku suurageli karo shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo horey u baaqday. Gabagabada shirkan waxaa la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro, kaa soo ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadli doonaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Galmudug laga soo qaaday ciidamada Haramcad ee ku sugnaa Dhuusamareeb, kadib dalab ka yimid madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu weli khilaaf culus kala dheceeyo dowladda.
-
Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyada ee ka dhisan Muqdisho ayaa bilaabay kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamuud oo labaduba haatan hoggaamiya Madasha Xisbiyada ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ku xigeenkiisa kowaad Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari). Labada hoggaamiye sidoo kale waxay Kulan ka qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa Kowaad Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey. Ujeedka Kulamadaas ayaa ahaa sidii loo dhex-dhexaadin Guddoonka labada Aqalka ee Baarlamanka islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirkii iyo Wada-shaqayntii labada dhinac oo in mudda ah go’an. Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya waxaa todobaadyadii u dambeeyay ka dhex taagnaa Khilaaf iyo wada-shaqayn la’aan ka dhalatay Xeerar ay maroorsadeen Guddoonka Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo dhex-dhexaadinaya Guddoonka labada Aqal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-09072020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay. Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna. Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka. Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo sida uu sheegay ay ku muteysteen kaalintii ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada. Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro kale oo ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Billad Sharaf guddoonsiiyay Wasiiro ka tirsan Dowladdiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in go’aano adag ay kasoo bixi doonaan Shirka maanta furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Xog hoose oo muhiim ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku raaci doonaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ah iyo in laga soo horjeesto qorshaha Villa Somalia ee doorashada dalka iyo dib dhac ay qorsheneyso madaxtooyada Somalia. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Somalia uu wax ka ogyahay qorshaha iyo go’aanada ka soo bixi doona maamul gobaleedyada dalka islamarkana uu xariir la leeyahay maamulada dalka. “Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wax ka og shirka waxaana ka soo bixi doona go’aano culus intaasna makuu dhaafin karo,” ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia oo Dhuusmareeb ku sugan. Indhaha Caalamka ayaa ku jeeda Dhuusmareeb waxaana go’aanka halkaas ka soo baxa loo arkaa mid muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu noqon karo mid dhinac u rida jahwareerka Siyaasadeed ee Somalia.
-
Gulf carrier Emirates has sacked a large number of pilots under a fresh step to downsize its operations, sources told CNBC-TV18. IG Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Beelaha Kablalax Daarood ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Beelaha Mudullood waxa uuna kulankaas ku saabsanaa xaaladda dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadda Somalia. Kulankaan oo ka qabsoomay hotel ku yaalla Muqdisho ayaa la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen odayaasha Kalalax, waxayna raali gelin ka bixinayeen hadalo ka soo baxay Madaxweynaha Puntland iyo xubno kale oo kamid ah Maamulada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo quseeya xaaladda Somalia, gaar ahaan arrimaha matalaadda Gobalka Banaadir. Odayaasha Kablalax ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan matalaadda gobalka Banaadir ee 13 xubnood ayna raali gelin ka bixinayaan qeylo dhaanta siyaasiintooda ka soo yeertay. Sidoo kale waxay odayaasha Kablalax sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya iska hor keenayo Kablalax iyo beelaha daga Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed taasina ay muhiim tahay laga fogaado. Beelaha Kablalax ayaa daga qeyba kamid ah Jubaland iyo Puntland waxaana qaar kamid ah siyaasiintooda si weyn uga soo horjeesteen matalaadda 13-ka xubnood ee gobalka Banaadir. Odayaasha Mudullood ayaa qaatay raali gelinta waxayna sheegeen in ay aflagaado tahay wararka ah in Farmaajo iska hor keenayo beelaha Muqdisho iyo Kablalax oo aysan beelaha Muqdisho aheyn dad laga horkeeni karo bulshada kale ee Soomaaliyeed.
-
A community in Bristol has raised money to help family and friends in the self-declared republic of Somaliland cope with the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Bolsonaro becomes ‘poster boy’ for unproven virus treatment
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
RIO DE JANEIRO (AP) — After months of touting an unproven anti-malaria drug as a treatment for the new coronavirus, Brazilian President Jair Bolsonaro is turning himself into a test case live before millions of people as he swallows hydroxychloroquine pills on social media and encourages others to do the same. Source: Hiiraan Online -
London (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee Caritas ayaa warbixin ay soo saartay waxay uga hadashay gargaarkii Somalia loogu deeqay ee ka hortaga cudurka COVID-19, kaasoo lagu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho. Agaasimaha Caritas ee Somalia Sara Ben Rach ayaa sheegtay in xarumaha caafimaad ee dowladda sida isbitaalka Martiini iyo goobaha kale laga xaday agab caafimaad oo loogu deeqay, kuwaasii loogu talagalay in shacabka la gaarsiiyo, waxayna niyad xumo ka muujisay hab dhaqanka foosha xun ee lagu masuqmaasuqay qalabka caafimaad ee loogu talagalay COVID-19. “Agab caafimaad ayaa laga xaday isbitaallada dawladda, kadibna markii dambe lagu arkay dukaamada iyo suuqyada sida ay baahiyeen warbaahinta” sidaasi waxaa xarunta wararka ee Katooliga u sheegtay Sara Ben Rach. Sara Ben ayaa intaa raacisay in ay horay usia wadayaan gargaarka bini’aadanimo si la mid ah hay’adda Katitas iyo Caritas oo ay ku caawinayaan Somalia mashaariic badan inta lagu guda jiro aafada cudurka Corona. Waxay sheegtay hay’addaani in dad badan oo Soomaaliyeed aysan ixtiraamin wacyigelinta iyo talooyinka caafimaad , iyagoo aanan xeran maaskaraha iyo kala fogaanshaha oo aysan sameyn. “Dalka waa kala qaybsan yahay, tijaabooyinka lagu ogaanayo qofka viruska kama dhacaan gobollada oo dhan”, ayay tiri, iyada oo xustay in aagagga ay ka taliyaan al-Shabab tijaabooyinka laga sameyn, taas badalkeedna ay u hanjabaan shaqaalaha caafimaad ee gargaarka gaarsiiya dadka ildaran. Bishii Luulyo 7-deedii, Soomaaliya in ka badan 3000 kiis ayaa la xaqiijiyey oo ah COVID-19 halka dhawaad 100 ay u dhimatey. Caritas waa hay’ad diimeed ku xeran Katoliga, Somaliyana waxay xubin rasmi ah ka noqotay Caritas Internationalis sanadkii 1983. Tan iyo waagaas hay’addu waxaa ay u aqoonsatay wasaarada arimaha gudaha ee Soomaaliya inay tahay “urur maxalli ah” oo ka shaqeeya caawinta dadka saboolka ah iyo sidii loo gaari lahaa mashaariic horumarineed. Caritas Somalia waxay wax ka qabataa musiibooyinka sida abaaraha, macaluusha iyo arrimaha kale ee gargaarka.
-
Sideed dal oo Carbeed oo soo saaray digniin culus oo ku wajahan Israel Dalal kamid ah dowladaha carabta ayaa soo saaray digniin ku aadan Israel, iyada oo si cad u garab istaagay dowladda Falastiin oo dhibaato badan ay ku hayso yuhuudu. Dalalkaasi sheegay inay is garab taagayaan Falastiin, ayaa waxa kamid ah Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Jordan, Masar, Cuman, Morocco, Kuwait, iyo Tunisia. Dowladahan carbeed ayaa ka hor-yimid deegaameyn ay dib u bilaabeyso Isreal, midaasi oo ay rabto inay ka sameyso qayb kamid ah dhulka Falastiin, xili uu soo shaac baxayo qorshe hoose oo arrintan lidi ku ah. Waxayna si wada-jir ah digniin bilaa talaabo ah u direen dowladda Israel oo wada daandaansi ka dhan ah Falastiin, si ay uga baaqsato xad-gudubka dhuleed ee ay ka wado gudaha Falastiin, isla markaana aysan ka talaabsan qaraarada caalamiga ah. Dalalkaasi ayaa sheegay rabitaankooda ku aadan inay ka baxdo Isreal dhulka Falastiin iyo dhamaan dhulalka carabta ah ee ay dagaalada ku qabsatay, waa sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili uu dhawaan wargeys laga leeyahay Isreal oo lagu magacaabo Israel Hayom, uu baahiyay in Saraakiil derajadoodu sarreyso oo ka tirsan dowladaha Sacuudiga, Masar, iyo wadamo kale oo gacanka ku yaalla ay dhiggooda Israel u ballan-qaadeen in aysan qorshaha ugu jirin inay talaabo ka qaadaan qorshaha ay Israel ku goosaneyso dhulka reer Falastiin. Wargeyska ayaa sidoo kale weriyey in dowladahaasi ay Isreal ugu jawaabi doonaan cambaareyn afka oo keliya, isla markaana aysan talaabo cad ka qaadi doonin qorshaha Isreal. Qaran News
-
Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay 30 Kiilo oo dahab oo la tahriibinaayey oo ku socotay Qunsuliyada UAE ku leedahay Hindiya Ganacsade dahab shiilan gacanta ku hayo Xiisad siyaasadeed ayaa ka abuurantay dalka Hindiya kaddib marki xidhmo alaaba ah oo ku socday qunsuliyadda Isutagga Imaaraadka Carabta ee gobolka Kerala laga helay 30 kiilo oo dahab ah. Saraakiisha cansuuraadka ee gigada diyaaradaha caalmiga ee gobolka Kerala waxay dahabkaasi ka heleen xidhmo alaab ah oo ay lahayd qunsuliyadda Isutagga Imaaraadka Carabta. Dahabkaasi oo lagu soo qariyey qalb ay safaaraddu lahayd. Waxayna xidhmooyinka alaabta ee dahabka laga dhex helay ay ku socdeen qunsuliyadda Isutagga Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay Thiruvananthapuram. Imaaraadka waa uu diiday inuu alaabtaasi wax ka ogyahay, waxayna sheegtay in kiiskaasi loo xidhay mid ka mid ah shaqaalaha horay qunsuliyadda uga shaqeyn jray. Halka ay mas’uuliyiinta gobolka ay sheegayaan inuu jiro qof kale oo arrintaa loo soo xiray. Safaaradda Isutagga Imaaraadka Carabta ee dalka Hindiya barteeda Twitter-ka waxay talaadadi ku soo qortay iney billaowday baaritaan arintan la xiriirta kaddib marki la sheegay in dahabkaasi laga helay alaab ku socotay qunsuliyaddeeda gobolka Kerala. “Maamulka Imaaraadku wuxuu carrabka ku adkeeyey iney dambiilayaasha kiiskan ku lugta leh ay gelin oo keli ah dambi weyn balse ay isku dayeen iney waxyeelleeyaan ama sumcad xumo ay u keenaan howlgalka Imaaradaka ee Hindiya” ayey tiri safaaraddu. “Waxaa naga go’an arrintan inaan si weyn ugala shaqeyno hay’adaha dowliga ee dalka Hindiya si looga sal gaaro raadka cidda faldambiyeedkan ka dambeysay.” Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta wuxuu wargeyska Gulf News uu u sheegay shaqaalahan hore oo qunsuliyadda ka shaqeeynayey in bilooyin ka hor shaqada laga eryey “maadaamaa uu shaqadiisa sidi la rabay uu u qaban waayey”. Caaqilka gobolka Kerala waxay mucaaradka ugu baaqeen inuu xilka iska casilo kaddib marki ay arrintan soo ifbaxday. Wuxuu sida oo kale uu diiday inuu arrintan wax lug ah uu ku leeyahay. Hase yeeshee, mas’uul sare oo maamulkiisa ka tirsan ayaa arrintan darteed xilka looga qaaday. Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay, duullimaadyada caalamiga ee u istaagay cudurka safmarka ee coronavirus awgii ayaa keentay in dahab aad u badan dalka Hindiya laga tahriibiyo sida oo kalana sababtay inuu qiimaha dahabka sare u kaco. Somasundaram P.R. oo ah madaxa gole ay leeyihiin shirkadaha soo saara dahabka ee Hindiya wuxuu Reuters u sheegay: “Tahriibinta dahabka inuu hoos u dhaca la filayo marka la eego xaaladda hadda lagu jiro. Maadaamaa saadka ay tahriibinta dahabka u baahn tahay ay si weyn u saameeyeen xayiraadaha ka dhashay Covid-19. Wuxuuna sheegay inuu rajeeynayo dahabka la tahriibiyo inuu sidi hore ka yarado, iyada oo 2019-kii dalka Hindiyablaga tahriibiyey 115-120 tan oo dahab ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku maamuusay Guddigii Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, hormuudka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dadaalka wadajirka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dowlad dhiska, midnimada iyo soo celinta maqaamka dalkeenna. Madaxweynaha ayaa adkeeyey in ololaha isxilqaan la sii dardar-geliyo si loo dhammeystiro goobaha haatan uu dhismahoodu socdo, loona bilaabo mashaariic cusub, isaga oo muujiyey in Ololaha Isxilqaan looga golleeyahay in dadka Soomaaliyeed ay dib u dhisantaan xarumaha danta guud, kaabeyaasha dhaqaalaha, soocelinta bilicda dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Billad Sharaf guddoonsiiyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, taas oo ay ku muteysteen kaalintii mugga lahayd ee ay ka qaateen Olalaha Isxilqaan iyo qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada. Munaasabaddan waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro kale oo ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
-
Ra’isal wasaare geeriyooday kaddib markii uu la kulmay golahiisa wasiirrada Amadou Gon Coulibaly wuxuu ka soo laabtay dalka faransiiska oo looga dabiibayey xanuun dhinaca wadnaha Ra’isal wasaarihii dalka Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly ayaa geeriyooday kaddib markii uu xanuun ku soo booday isaga oo kulan la lahaa wasiirada xukuumadiisa. Da’diisu waxay ahayd 61 waxaana dhawaan loo doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga talada dalkaasi haya doorashada bisha soo socta ee Oktoobar’ kadib markii Alassane Ouattara oo ah madaxweynaha dalkaas uu sheegay in aanu mar sedexaad uu u tartami doonin xilka madaxtinimada. Mr Gon Coulibaly ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Faransiiska halkaas oo muddo laba bilood ah looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha. Madaxweynaha dalka Ivory Coast Ouattara ayaa sheegay in dalku uu ka murugeysanyahay Raiisul wasaaraha geeriyoday. Waxa uu sheegay in Mr Gon Coulibaly uu xanuunsanayey intii lagu jiray shirkii golaha wasiirada ee todobaadlaha ahaa iyadoo loo qaaday isbitaalka halkaas oo uu markii dambe uu ku dhintay. Dhimashadiisu waxaa ay abuuraysaa kalsooni daro weyn oo dhanka doorashada ah . Mr Gon Coulibaly ayaa wadanaha qaliin looga sameyay sanadkii 2012-kii isagoo labadii bishii May ee sanadkaan ugu safray magaalada Paris ee dalka Faransiiska xaalado caafimaad dartood. Waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay khamiistii la soo dhaafay waxaana uu yiri “waan soo laabtay si aan ugu garab istaago madaxweynaha horumarka iyo dhismaha dalka.” Mr Gon Coulibaly waxaa uu ka mid ahaa dadka loo maleeynayay in uu ku guuleysan doono doorashada madaxtinimada ee soo aadan. Mr Ouattara ayaa go’aankiisa shaaciyay bishii Maarso kaas oo ahaa in mar sedaxaad aanu u tartami doonin xukunka dalka . Xiligaas wariyaha BBC-da James Copnall ee magaalada Abidjan, ayaa qoray in uu Mr Ouattara uu meesha ka saaray arrintii caadiga ka aheyd gobalka oo aheyd in kursiga la isaga sii fadhiyo. Xitaa way cadeed in Mr Gon Coulibaly uu noqon lahaa musharaxa guuleysta doorashada soo aadan . Taageerayaasha Mr Ouattara ayaa sheegaya inuu dalka gaarsiiyay koboc dhaqaale, xasillooni iyo deganaansho dib loogu soo celiyay Ivory Coast heerka caalamiga ah. Balse siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dad badan oo reer Ivory Coast ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu aanu gaarin awood uu umadda isu keeno, oo uu bogsiiyo nabarradii iska horimaadkii qaraaraa ee kala qaybiyay Ivory Coast . Qiyaastii 3,000 oo qof ayaa loo maleynayaa in ay ku dhinteen dagaalkii ka dhashay markii murashaxii Laurent Gbagbo uu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday doorashadii 2010-kii ee Mr Ouattara uu ku guuleystay , ka hor intaan ciidammadii daacada u ahaa madaxweynaha hadda aaney xiraya Mr Gbagbo bishii Abriil sanadkii 2011. Khilaafaadka siyaasadeed ee muddada dheer ka dhex taagnaa isaga, Mr Ouattara iyo madaxweynihii hore, Henri Konan Bédié, ayaa dalka Ivory Coast,ka abuuray dhibaato ba’an oo saameyn ku yeelatay nolasha dadka dalkaas. Qaran News
-
Wasiirkii Hore ee Daakhiliga Sacuudiga Maxamed bin Nayef oo wajahaya kiis halisa oo uu diyaariyey Amiir MBS Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wada in uu salka u dhigo eedo la xiriira musuq-maasuq iyo daacad darro oo ka dhan ah Maxamed bin Nayef, taasi oo uu taajkiisa uga ilaashanayo dhaxal sugihii hore, sida ay baahisay Washington Post. Wargeyska ayaa weriyay “in guddiga la dagaalanka musuq maasuqa” uu salka u dhigi doono eedaha ka dhanka ah Bin Nayef oo la sheegay in uu malaayiin dollar u xawilay shirkado iyo akoono gaar ah, markii uu masuulka ka ahaa wasaradda arrimaha gudaha. Ilo-wareed ayaa wargeyska u sheegay in dhaxal sugihii hore la weydiin doono in uu dib u bixiyo $15 billion oo ay sheegeen in uu xaday. La-taliyeyaasha dhaxal sugaha ayaa kasoo horjeestay eedaha, iyagoo sheegaya in shaqadiisii wasaaradda loogu ogolaaday wareegto boqortooyo oo soo baxday sanadkii 2007-dii. Valueimpression Placeholder Qoraallo uu wargeyska siiyay mid ka mid ah kaaliyeyaasha Bin Nayef ayaa taageeraya sheegashada ah in dhaq-dhaqaaqiisii maaliyadeed la ogolaaday, uuna ogolaaday boqorkii hore. Wareegtada oo ay aragtay The Post waxaa ay sal u tahay sanduuq uu maamulayay Bin Nayef waxayna ogolaneysay in la abuuro hal abuur ku haboon ganacsiga gaarka loo leeyahay si muuq kale loogu yeelo hindisaha argagixiso la dirirka. Warbixin qarash bixin ah oo soo baxday sanadkii 2013-kii ayaa muujisay codsiyo ah in la kharash gareeyo $1.3 billion oo uu ogolaaday Khaled al-Tuwaijri oo ah gudoomiyaha maxkamadda boqortooyadda. Saraakiil horay uga tirsanaa CIA-da ayaa sheegay in ay ka warqabeen sanduuqa sirta ah ee argagixiso la dirika ee uu maamulayay Maxamed bin Nayef akoonadda uu u isticmalay si uu u weeciyo mashruucyo ay wadajir u fuliyeen Mareykanka iyo Sacuudiga. Qoraal kale oo ay aragtay The Post, ayuu bin Nayef ugu sheegay la-taliyeyaashiisa in abuurista Shirkado aan jirin, uuga dayanay sida ay sameeyaan hey’adaha caalamiga ah ee amniga.” Sarkaal hore oo Mareykanka u joogay Riyadh ayaa sheegay “in qof kasta oo Dowladda Mareykanka ka tirsanaa uu fahamsanaa in Bin Nayef uu lahaa awoodda ugu weyn ee kharash-gareynta boqortooyadda.” Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale tartan adag u galaysa xil muhiim ah, iyadoo kursigaasi ay u sharaxday haweeneyda Soomaaliyeed ee Aamina Mohamed oo sanadkii 2013-kii ay kula tartantal Roberto Azevêdh oo hadda xilkiisa dhamaad yahay. Kursigaan oo ah madaxa hay’adda ganacsiga adduunka (World Trade Organization WTO), waxaana la filayaa in doorashada xilkaasi muhiimka ah la qabto dhawaan maadaama bisha Agoosto uu xilka ka degayo Roberto Azevêdo. Xilkaan ayaa waxaa ku tartamaya lix wadan oo kala ah Egypt, Kenya, Mexico, Moldova, Nigeria and South Korea. WTO oo xarunteeda tahay Geneva waxaa ku mideysan 164 dal oo Mareykanka iyo Shiinaha ay ku jiraan, labadaasi dal oo hadda khilaafkooda uu saameeyay ururka, sababtayna in lasoo dedejiyo codeynta qofkii badali lahaa madaxa xiligaan Roberto Azevêdh. Lixda musharax ayaa kala ah Wasiirka Ganacsiga Kuuriyada Koofureed Yoo Myung-hee, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Kenya Aamina Maxamed, ku-xigeenkii madaxii hore ee WTO ee dalka Mexico Jesus Seade Kuri, wasiirkii hore ee arrimaha dibada iyo maalgashiga Nigeria Ngozi Okonjo-Iweala, Diblumaasi hore reer Masar Xamiid Mamdouh; iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Moldovan Tudor Ulianovschi. Weligeed ma dhicin hoggaamiye WTO oo ka socda qaaradda Afrika inuu qabto xilkaasi, qaaradduna waxay xiligaan jeceshahay in fursad la siiyo. Si kastaba ha noqotee, waddamada Afrika ayaa ilaa hadda ku guul darreystay inay isku raacaan hal musharrax oo ka yimaada midowga Africa, taas badalkeedna waxaa isbarbar yaacaya seddax musharax oo ka kala socda Masar, Kenya iyo Nayjeeriya. Aamina Maxamed, 58 jir ah, hadda ah wasiirka ciyaaraha Kenya, horayna usoo noqotay wasiirka arrimaha dibada ayaa intaan xilkaasi Kenya u magacaabin waxay horay u soo aheyd guddoomiyaha golaha guud ee WTO waxayna markii ugu horreysay u tartantay jagadaas 2013. waxaase kaga guuleystay guddoomiyaha xilka ka degaya ee reer Brazil.
-
Weerar lagu xasuuqay Dad isku qoys ah oo caawa ka dhacay Muqdisho Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah degaanada ku taxan wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh ka dib markii nin hubeysan uu halkaas ku laayey dad hal qoys ka koobnaa. Ninkan oo ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ayaa sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada Dawlada Somalia, isagoo rasaas aan kala sooc laheyn ku furey qoys uu hoygooda ku weeraray oo ka koobnaa qiyaastii ilaa toban qof, kuwaasoo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay. Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in illaa shan qof ay ku geeriyootay goobta, halka shan kalena ay dhaawacyo kala duwan gaadheen. Meydadka iyo dhaawacyada dadkaas ayaa loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi baadhista Soomaaliya ee CID-da iyo goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho sida wararku nagu soo gaadhayaan. Faahfaahin lagama hayo sababta weerarkan balse dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in ninka weerarkan geystay uu gabadh ka qabay reerka uu xasuuqay, uuna jiray khilaaf iyo muran maalmahan ka dhexeeyey isaga iyo qoyska uu xididka la ahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa nasiib daro ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo wixii ololihii doorashada kusoo galay wax ka fulay aysan jirin isla markaana codka Soomaaliyeed uu ku helay. Wuxuu sheegay in madaxweyne halka mid uu ku guuleystay ay tahay inuu baraha bulshada ku bixiyo abaal marino sida dhacday maalin dhexdaas in shaqsiyaad lagu abaal mariyo dacaayado baraha bulshada la mariyay. “Waa nasiib daro in madaxweynihii ugu shacbiyada badnaa markii la doortay uu ahaa, wixii uu kusoo loobin gareeyay, ballan qaaday ee lagu doortay, hal qodob oo ka fulay ma-leh, fulintiisa waxay noqotay hal maado uu ku guuleystay oo tilmaami karno waxay tahay in baraha bulshada uu abaal marino ku bixiyo sida maalin dhexdaas media-yaha ka arkeyseen, Madaxweyne Farmaajo looma igman in baraha bulshada madaxdii hore iyo maamulada dalka laga dhibaateeyo,” ayuu yiri xildhibaan Iftin Xasan Baasto. Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha wixii loo igmaday waxaan aheyn inuu abaaray, kuna fashilmay wixii uu balan qaaday. “Markuu ololeynayay wuxuu ahaa hadalkiisa, dalkaan amni ayaa kusoo celinayaa, koofiyad ayaa gashanayaa nabadoon ayaan ahaanayaa, qofkastoo Soomaaliyeed wax tabanaya waan horfadhiisanayaa, gogoshiisa ayaan ugu tegayaa, tii iyada aheyd Illaahey ma haleysiinin waa daba martay, wuxuuna ogaaday maanta oo waqtiga ka dhamaaday meesha ay taagan tahay,” ayuu yiri Xidhibaan Iftin Xasan Baasto. Wuxuu intaa raaciyay in madaxweynaha inuusan gadaashisa ka arki karin qof wax qaban karo ama wax badbaadin kara, isagoo tusaale usoo qaatay baaqii guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ku baaqay shir deg deg ah oo lagu xalinayo dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka taagan, taasoo sababtay khilaafka labada aqal oo is-diidan.
-
The Somali legislature's history goes back to the colonial and post independence parliaments which were unicameral based on multiparty system. Then a military coup suspended the only ratified constitution 1961, to establish a socialist one party system that led to civil rebellion. After decades of civil war, Somali provisional constitution was adopted by the National Constitutional Assembly on August 1st , 2012 which introduced a bicameral system (The House of People and the Upper House). Source: Hiiraan Online
-
17ka bishani waxa aynu xusaynaa xasuuqii xeebta Jasiira loogu gaystay dhamaan magacyada hoos ku qoran waxana aan shicibka,xukumadda iyo asxaabta qarankaba ku baraaru’jinaynaa in 17/7/20 oo ku beegan maalintii dadkaasi reer Somaliland lagu xasuuqay Muqdisho in si weyn loo xuso. Todobaadka waxa aanu idiin soo gudbin doonaa sidii dadkaasi loo xasuuqay 1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-Somalia 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Business man. 3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN 4.Yusuf Mohame Handulle – USAID 5.Abiwahab Farah Ahmed – Student 6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman 7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman 8.Abdi Osman Dubad – Trader 9.Mohamed Musa Mohamed – Trader 10.Mohamoud Bacadle – Civil servent 11.Daud SH. Ibrahim 12.Farah Ismail Awale – Student 13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader 14.Dayib Abdi Burale – Trader 15.Husein Omar Husein – Trader 16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U 17.Musa Abdi Gaas – Businessman 18. Abdi Barre Osman – Graduate. 19. Barre Osman Abdi – Trader 20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader 21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr. 22.Ali Mohamed Abdi – Student 23.Abdi Mohamed Abdi – Technician 24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman 25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman 26.Ibrahim Hassan Ege – Technician 27.Abdi Muhumed Daud – Businessman 28.Jama Mohamed Abdi – Trader 29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman 30.Rashid Mohamed Osman 31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader 32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent 33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader 35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student 36.Hussein Osman Jama – Student 37.Khadar Mohamed Ahmed – Student 38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student 39.Hassan Nur Hersi – Student 40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader 41.Hassan Guure Abdi – Trader 42.Khadar nuur Jama – Trader 43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader 44.Mohamed Osman Jama – Trader 45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman. 46.Matan Abdi Habashi – Student 47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib 48.Hussein Ali Aden – Businessman 49.Saeed Nur Musa – Businesman 50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman 51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student 52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv 53.Jama Aden (barosin) – Civil servent 54.Hussein Kheyre Abdi – shicib 55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader 56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in amarka lagu soo celiyay ciidamada booliska Soomaaliya ee Haramcad ee ku sugnaa Dhuusamareeb uu bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ku dhawaad 200 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad looga soo qaaday, waxeyna kasoo degeen magaalada Muqdisho. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khadka teleefonka kuwada hadlay ay isla garteen in la soo celiyo ciidankaas islamarkaana ay door weyn oo fududeyn ah ka qaadato Xukuumadda Soomaaliya. Soo qaaditaanka ciidamada ayaa la sameeyey ayada oo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland, oo dalbaday in ciidankaas laga sarao magaalada. “Arrin sahlan ma aheyn in Qoor Qoor oo kaliya go’aan ka gaaro ciidanka Haramcad, awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba, waxaa fududeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliay,” ayuu yiri mid kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug oo aan la hadlnay. Dhanka kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxad Maamul Gobaleeyda dalka ay dhamaantood qaadan doonaan go’aano adag oo siyaasadeed kuwaas oo wax badan ka badali kara Xaaladda Soomaaliya ee siyaasadda iyo ammaanka. Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haaya waxa ka soo bixi kara Shirka Berri ka furmaya Dhuusamareeb oo muhiiim ah xaaladda Siyaasadeed ee Somalia oo muddooyinkii ugu dambeeyay jahwareer xoog leh ka jiro.
