Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,235
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beco, the company that provides the public electricity service in the city of Mogadishu, has recently installed a photovoltaic solar power plant there. The objective is to reduce electricity costs in the Somali capital. The company plans to increase the capacity of the solar power plant to 100 MWp in the coming years. A photovoltaic solar power plant is now operational in Mogadishu, the capital of Somalia. The plant was recently commissioned by Beco, Somalia’s main electricity supplier. Originally, the aim of such a project was not so much to reduce the CO2 emissions of the many diesel-powered generators – a kind of collateral benefit – but to reduce the costs involved in importing fossil fuels for electricity production. Source: Hiiraan Online
  2. UN agencies on Friday officially released a flood response plan to help nearly one million people who have been affected by the flooding in Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. TORONTO -- Health Canada is recalling six types of hand sanitizers sold in Canadian stores that are made with industrial-grade ethanol. Source: Hiiraan Online
  4. Somaliland President Muse Bihi Abdi says authorities in Mogadishu pose the biggest challenge for the autonomous region’s fight for recognition as an independent state, 29 years after the region broke away from Somalia after the overthrow of military ruler Siad Barre. Source: Hiiraan Online
  5. Qaahira (Caasimada Online) – Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan.
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa shir guddoomiyay kulan golaha wasiirrada Galmudug ay ku yeesheen magaalda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug, ayaa lagu sheegay in shirkaas looga hadlay illaa afar qodob oo kala ah: Amniga iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka, Dib u dhisidda maaliyada iyo aruurinta canshuuraha, Akhrinta iyo ka doodista hindiye sharciyedka shatiga ganacsiga ee Galmudug iyo ka doodista hindisi sharciyeedka ku meel gaarka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka wadaan dib u habeynta ciidamada iyo goobaha danta guud ee magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray Hubka dhigista Malayshiyaadka Beelaha appeared first on Puntland Post.
  7. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xariga kacdoonka weyn dhaliyay ee duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, kaasi oo dhawaan iska soo duubay muuqaal qiiro leh. Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Jaamac Suleymaan Cali oo xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in duuliye Fu’aad uu dambi culus ka galay dalka Jabuuti, midaasi oo horseeday xarigiisa, kuna muteysan karo dil toogasho ah. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu duuliyuhu isku dayay inuu la baxsado diyaarad milateri, isagoona gebi ahaanba burburiyay diyaarad ay ciidamada cirka Jabuuti lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Jaamac ayaa duuliye Fu’aad ku eedeyay inuu dil ugu hanjabay madaxdiisa milateriga, isla markaana sirta qaranka Jabuuti la wadaagay dal ay cadow yihiin oo ah Ereteriya. Xeer ilaaliyaha ayaa ka marag kacay dhiibista Itoobiya, oo iyadu qeyb weyn ka qaadatay soo qabashada duuliyaha, iyadoona usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu ka tirsanayey cadaalad daro baahsan. Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu sheegay inuu duuliye Fu’aad muteysan karo ‘dil toogasho ah’, maadama uu sirta qaranka u gacan galiyay dalka Ereteriya oo ay xiisad colaadeed kala dhaxeyso. Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aadaya xili ay banaanbaxyo waaweyn ka socdaan gudaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha oo mar kasoo hor-muuqday warbaahinta isagoo ku xiran Musqul uu sheegay in looga digay xabsi.
  8. Waxa aan ku faraxsanahay in Suxufi Samafale Cabdimaalik Sh Muuse Coldoon dib u helay xorriyaddiisii, madaxweynahana waxa aan uga mahadcelinayaa tixgelinta saamaxaadda aan u soo jeedinnay. pic.twitter.com/BAn8Cs2u5Z — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 6, 2020 Qaran News
  9. Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo ku hungoobay kaalmo dhaqaale oo uu weydiistay baanka Horumarinta Afrika+Jawaabtay Siiyeen Qaran News
  10. Inta badan waxaa saaka xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho halkaas oo ciidamo ka tirsan booliska la soo dhoobay. Warar ayaa sheegaya in xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ay Muqdisho ka socdeen abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo shalay baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir. Goobo dhawr ah oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan ee caasimadda ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qabto banaanbaxan maanta si dadka isku soo baxaya aay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sida ay wararku sheegayaan abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo kooxaha taageera Villa Somalia ee la baxay Xoogagga Wadaniyiinta. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbadiisii shalay uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaliya oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare matalaad ka helo. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo bannaan-baxyo la filayo appeared first on Puntland Post.
  11. Jigjiga (Caasimada Online) – Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee ka howlgala Telefisnida iyo Idaacaha dalka ayaa kaalin firfircoon ka qaadanayay sanadihii ugu dambeeyay tabinta iyo diyaarinta warararka iyo Barnaajimyyada kuwaa oo ku shaqeeya inta badan marxalad ka adag tan ay ku shaqeeyaan Wiilasha Wariyeyaasha. Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa si isku mid ah uga howlgala Idaacadaha iyo Telefeshinada ku yaala magaalooyinka dalka waloow tiro ahaan aysan badneyn ayaa hadana waxey la kulmaan mararka qaar arrimo culees ku ah shaqada ay u hayaan bulshada. Xarumaha ay ka howlgalaan ayaa isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah oo xuquuqdooda iyo dumarnimada aan lagu ixtiraamin mararka qaar. Sadeexdaan Gabdhood waa Wariyeyaal shaqadooda ku waayay qaab aan sax aheyn oo ku tagri fal ah iyo mid lagu kalifay iney shaqada ka tagto, waxeyna kala yihiin: 1 – Sahro Cabdi Maxamed 2 – Amaal Garaad Qaaje 3 – Filsan Cabdiraxmaan Duceysane. Sahro Cabdi Maxamed oo u shaqeyneysay warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida Somali region TV (SRTV) ayaa shaqada laga ceyriyay taa oo qaban jirtay Barnaamij Todobaadle ah oo ku saabsan arrimaha Bulshada iyo ciidanka Dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaa loo soo dhajiyay warqad shaqo ka ceyrin iyo in waardiyaha uusan u ogolaan karin iney shaqada soo gasho kadib markii ay diyaarisay barnamij qurux badan oo ku saabsan sida Ciidanka DDS ay ula ciidayaan shacabka iyadoo laga dalbaday iney keento lacag ay ku qaadatay Barnaamijka. Sahro ayaa sheegtay in aysan ku qaadin Shilin Barnamijka ay qabatay waxaana ay xustay in Laba mid kala dooro lagu dhahay taa oo kala ah “ Lacagta aad ku qaadatay keen ama shaqada lagaa ceyrinaa” Maamulka Somali region TV ayaa dhagaha ka fureestay warka Sahra Siman ee ah ineysan wax sharuur ah ku helin barnamijka islamarkana taliska uusan Wariyuhu u qoon deyn lacag gaar ah balse ay u qabatay Ciidanka si ay farxad TV-ga ugala ciidaan Shacabka, iyadoo markii dambe shaqada laga ceyriyay sida ku cad warqadan hoose, iyadoo maalin kadib shaqada agaasinka SRTV uu keensaday gabar kale oo qaraabo ay yihiin maamulka. Warisada Labaad oo ah Amaal Garaad waxey u shaqeyneysay Telefisinka maamul Goboleedka Puntland waxeyna shaqadeeda ku weysay Page-ka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash oo Like iyo Share ay u saartay intii uu jiray khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Dani kala dhaxeeya, waxaana maamulka uu u sheegay iney dambi gashay, shaqada ay hadda heysana mid ka hoose in loo dhiibayo taa oo ku kaliftay iney shaqada ka tagto. Amaal oo hadda joogto Muqdisho ayaa sheegtay in maamulka TV-ga uu kasoo wacay xarunta Garoowe waxaana ay ku tiri ” Karaash dadka kula mid maaha oo isku xaafad ayaad tihiin hadii aad joojin waydo hadal hayntiisana Shaqadaada ayaad ku wayn doonto” Warisada Saddexaad waa Filsan Duceysane oo u shaqeyneysay Talefisinka Mogadishu Cable waxaa lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan,iyadoo xustay in wax texgelin ah uusan siinin maamulka arrimaha caafimaadka ee Wariyaha. Filsan ayaa sheegtay iney goobjoog u noqotay gabar ay isla shaqeeyaan oo ku dhex-suuxday Telefisinka kadib markii lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA) Maryan Saylac iyo Xoghayaha Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa arrintan si kulul u cambaareeyay iyagoo sheegay in aan loo dul qaadin karin in sidan loola dhaqmo gabdhaha oo xaalado adag ku shaqeynaya. ‘Masuuliyiinta Warbaahintu howshoodu waxa ay ahayd in ay ilaaliyaan wanaajiyaan gabdhaha u shaqeeya ee ma ahayn in ay ku xadgudbaan, Gabdhaha waxa ay si guud ula wadagaan dhibaatooyinka ay wajahaan Suxufiiyinta oo dhan, xaq ma ahan in loogu daro caqabado kale, Waan la xiriirney xaruumaha laga soo cawdey waxa aana ka rajeynaynaa in ay dhageystaan baaqeena” ayey tiri Gudoomiyaha SOMWA Maryan Saylac Gabdhaha Wariyeyaasha ah waxaa lagu qasbaa sidoo kale iney wiilasha cuntada u kariyaan, iney nadaafadda ka shaqeeyaan iyo shaqadooda aan loo madax-baaneyn.
  12. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta firimbi lagu yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland, kaasoo BBC-da u sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa. “Xildhibaannadu deegaannadooda dhibaato ayaa lagu hayaa, deegaannadoodu cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan. Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta. Afhayeenka xafiiska Madaxweynaha, Cabdinur Maxamed Axmed oo ka falceliyay firimbi yeerinta maanta ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda,” Madaxweynaha ayaa markii dambe si aan qash-qashaad lahayn u dhameystay khudbad jeedintiisa oo uu kaga hadlay arimo badan oo masiiri ah. Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada warar sheegayey in Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland, Xasan Maxamed Gaafaadhi uu warqad istiqaalo u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi. Wasiir Gaafaadhi oo tixraacaya wararkaasi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiis twitter-ka ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya inuu istiqaalada wasiirnimo u gudbiyay Biixi. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dad been ku macaash ah ay wararkaasi baahiyeen, kuwaasi oo aan wax xog ah ka haysan arrintaasi. Gaafaadhi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheegaya is-casilaadiisa, maadama uu yahay mid xaqiiqada ka fog, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye”. Maaha markii u horeysay ee warar noocan ah laga baahiyo wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo badanaa lala xiriiriyo shaqsiyaadka mucaarida xukuumada.
  14. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan waxa uu Fariin u diray Xildhibaanadda Labada Gole oo uu Shirweynahooda 7-aad maanta ka furmay magaalladda Muqdisho. Ergayga waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Fariin taageero u diro Furitaanka Kalddhiga 7-aad ee Xildhibaanadda oo uu ku bogaadiyey Xildhibaanadda sida ay ugu heelan yihiin inay xaqiijiyaan Hawlaha Barlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay COVID 19. Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kaloo uu tilmaamay isagoo ku hadlayo magaca bahda QM inuu jecel yaahay inuu muujiyo inay garab taagan yihiin DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ee wajahaya caqabaddan caalamiga ah. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post James Swan oo taageero u muujiyay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. PRESS RELEASE Coronavirus : Kenya has 126 new cases of Coronavirus NAIROBI, Kenya, June 6, 2020/ — Kenya has 126 new cases of Coronavirus. Had we not taken the interventions early the situation could be worse; President Uhuru Kenyatta. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xogta in caawa uu Muqdisho ka socdo abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo maanta baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir. Banaanbaxan oo la qorsheeyay in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa dadka dhigaya loo diyaariyey dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda, si ay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sida aan xogta ku heleyno, abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo xooggaga wadaniyiinta (Guddiga abaabulka wacyi-gelinta Qaranka), iyadoona goobaha loo qorsheeyay ay ka mid yihiin Taalada Daljirka Daahsoon, isgoyska Sanca, isgoyska KM 4 iyo saldhig Galbeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii maanta uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad, waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka, inay aqbalaan in Muqdisho metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaan maanta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka u jeedinayaa codsi Madaxweyne oo aan rajeynayo inaad iga aqbashaan, iguna sharaftaan, si aan u muujino tixgelinta iyo qadarinta aan u heyno caasimadda Muqdisho, oo aan wada jecelnahay, oo si gaar ah meel gaar iga taalla, oo aan ku dhashay, fadlan igu raaca inay metelaad ku yeelato Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
  17. (SLT-Hargeysa)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in qiime kasta oo ay ugu kacdo iyo wakhti kasta oo ay qaadato yoolka ay Somailand hiigsanaysaa uu yahay aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka. Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu daboolka ka qaaday inay Somaliland tahay qaran dimuqraadi ah oo nabdoon isla markaana jaarkeeda kula naaloonaysa nabadgelyo, waxaanu tilmaamay in 29kii Sannadood ee la soo dhaafay ay gaadhay horumar iyo xasilooni isla markaana ay hirgelisay dimuqraadiyad aan ka jirin badi dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Maraykanka ee VOA, waxaanu ku sheegay in casriyeyntii Marsada Berbera ay shirkadda DP World dhammayn doonto sannadka 2021ka, waxa kaloo uu tilmaamay in jidka Berbera Cooridoor ee isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ay dhiseen Boqolkiiba dhawr iyo Toban. Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo dhammaystirkiisii ay ka hadhay 60km. waxa kaloo uu tilmaamay in la bilaabi doono dhismaha jid isku xidhaya Jabuuti iyo Boorame oo ay Xukuumad iyo shacab-ba la iska kaashan doono. Madaxweynaha Somaliland waxa kaloo uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland markii ay arkeen abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay ay go’aansadeen inay wax beertaan, si dalku iskugu filnaado dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in markii u horreysay ay sannadkan Xukuumaddu ka iibsanayso beeralayda wax-soo-saarkooda. Madaxweynaha JSL oo wax laga weydiiyey asbaabaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxa uu iftiimiyey in JSL tan iyo markii ay sannadkii 1991kii la soo noqotay madax-bannaanideeda ay dedaal aanay waxba la hadhin gelisay sidii ay u kasban laheyd aqoonsi, hase ahaatee muddadaas ay JSL qabsatay guulo badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka iyo inay dhisatay dawlad dimuqraadi ah oo u qalanta ta caalamka ugu ammaanka badan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey dawladda Muqdisho inay aqoonsigii iyo dhaqaalihii caalamku siiyey ay u adeegsatay inay Somaliland kala dagaalanto xaga dhaqaalaha iyo inay isku daydo inay qas ka rido Somaliland gudaheeda. Madaxweynuhu mar wax laga weydiiyey dhinaca wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay aqbasho xaqiiqda ah inay labada dhinac ahaayeen laba dal oo isku biiray. Waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in la helo cid labada dhinac dhex u ah oo u garnaqda. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo ay ka jirto madax-bannaani xad dhaaf ah oo dhinaca Saxaafadda ah, waxaanu xaqiijiyey in Suxufi kasta oo la xidho loo qabto qareen u dooda. Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland iskugu tagtay sidii loo xakameyn lahaa xannuunka Coronavirus isla markaana qalabkii loo baahnaa Boqolkiiba 63 la keenay inta kalena la sugayo inuu dalka soo gaadho. Waxaanu ammaanay doorka ay ganacsatada dalku ka qaadatay sidii looga samato-bixin lahaa bulshada Xannuunka Covid19 Source
  18. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo mudo bil ku dhow kormeer shaqo ku marayay Xarumaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad ayaa soo gaaray Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ku yaalo Taliska Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad Abaanduulaha Qaybta 27-aad General Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku suganyihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga . Saraakiil saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku yimaado halkan . Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan da’daalka laga sugayo in ay u galaan Xoreenta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo . Taliyaha xoogga ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqti Xoogga dalku isbadal balaaran ka sameeyay dhanka soo kabashada Awooda Hugaanada kala duwan sarena loo qaadey fursadaha askari walbaa ku heli karo Xuquuqaaadkiisa oo mushaarku ugu horeeyo si ka sareysa sanadihii hore . General odawaa Taliyaha Xoogga ayaa si gaa ah u dhageystay duruufaha u gaarka ah Ciidamada Guutada 5-aad isagoo balan qaadey in taliska Xooggu ka jawaabayo baahiyaha loo soo gudbiyay iyadoo masuuliyad kastaba cidii loo dhiibay lagula xisaabtamayo . In ka badan labaatan cishe oo taliyuhu kormeerkiisan ku howlanaa ayuu ku booqdey Xarumaha Ciidanka Xoogga Sida Taliska Guud ee Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , Taliska Guutada 13-aad ee Cadaado , Dugsiyada Tababarada ee Harqaboobe iyo Uruuris ee Qaybta 21-aad , iyo Fadhiyo kale oo ciidamadu ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Caabudwaaaq ee gobolka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Haween baa aduun is dhaafshay! Haweenku waxay tan intii Xaawa la abuuray kaalin muuqata kaga jireen horumarka iyo kobcinta dadyawga iyo bulshooyinka ay ka tirsanyihiin. Hadaba gaar ahaan haweenka Soomaalidu waa lafdhabrta bulshadooda waxaa la odhan karaa 65% waqtigan la joogo iyaagaa ayaa wada oo u ah shidaal iyo mishiinka riixaya koboca bulsho, waana cunsurka qudha ee ka soo dhalaalay masuuliyadii ay bulshadooda u hayaan balse baradhaafiyay halkii laga filayay. Haweenku waxay kaalinta koowaad kagga jiraan bulshada Soomaaliyeed hadii laggu eego miisaanka saxda ah si dhab ahna loo xisaabtamo. Shaqada haweenku hayaan lagga bilaabo markay raad dhaqaajiso ilaa ay godka ka gasho waa adeege bulsho oo aan lahayn hawl gaara oo xadidan. Horumarka aduunkuna dalwaliba waxa uu maanta ku naaloodaa hadba sida dumarkiisu ugga qayb yihiin ka qayb qaadashada adeegyada bulsho ee jirra waxaanan odhan karaa “ Dadyawga Aduunka Haween baa is dhaafshay” Guusha iyo horumarku maaha mid la gaara ragga balse waxaa door muhiima ku leh Haweenka oo la’aan tood ay yartahay in guul iyo horumar la gaadho : “ gare iyo guntenaba maalintuu iskugu baydhay Allaa noo gargaaree markii shicibku guulaystay” Maanta waxaa muqata in iskuulada, Jaamicadaha, goobaha shaqada iyo ganacsigaba ay si aada ugga muuqdaan haweenku una baahan yihiin in la siiyo tixgelin gaara sidii loo jihayn lahaa. Hadaba waxaa muhiim ah in dib loo shaandheeyo afkaarta qaldan ee aan ku dhisnayn aragti cilmiyaysan diin ahaan iyo caqli ahaanba ee dadka qaarkii ka aaminsanyihiin dumarka waana in si saxa (productive) ah looga faaidaystaa awoodaasi iyadoo la dhawrayo xuquuqda iyo sharaftooda. Waxaa loo baahan yahay in aynu ula falgalo isbedelka caalamka ka socda iyo korodhka baahiya baniaadamka ee jirra si waafaqsan diinteena, dhaqankeena suuban iyo jirtaankeena ummadnimo. Mudooyinkan danbe waxaa soo if baxaysa in gabdhuhu ka horeeyaan inamada xagga waxbarashada sidoo kalena ay ka badanyihiin dhalasho ahaan, taasina waxay keenaysaa in loo helo maarayn caafimaad qabta jihayntoodu oo aan la dhayalsan oo loo baahanyahay in loo helo ku talagal iyo qorshe cilmiyaysan oo la jaan qaadi kara baahida dhaqan dhaqaale ee inaggu soo fool leh. Waa in ay helaan haweenku si la mida ragga: abaalmarinta dalacsiinta iyo siinta fursadaha aqoon korodhsi oo aan lagga takoorin, oo aan loo arag in ay yihiin faraawil (The flowers) lagu qurxiyo xafiisyada) sida ragga qaarkii aaminsanyihiin. Waa in looga diyaariyo sida wasaaradaha,jaamicadaha iskuulada Shirkaddaha suuqyada ganacsiga,xabsiyada( jails), Masaajidada, meelo u gaara oo ay ku tukadaan, waysaystaan,suuliyo iyo nasashoba oo loogu tala galaa. waa in lagu tababaro Booliska, garsoorayaasha iyo qareenadaba in ay aqoon u yeeshaan nuglaanta haweenka loona fududeeyo in ay heli karaan talooyin sharci iyo taakulaynba si ay dacwadahooda u soo gudbin karaan una heli lahaayeen cadaalad. iskuulada iyo machadada ( institutions) waa in laggu dhigo laguna daro tuducyo ka hadlayaa xuquuqda qofka (citizenship rights) iyadoo la waafijinayo diinta. Waa in laga wacyi geliyaa bulshada oo lagga tirtiraa afkaarta iyo dhaqanka xun ee laga aaminsanyahay dumarka ayadoo la adeegsanayo qalabka war baahinta lana abuuraa barnaamijyo isugu jirra: talabixinno, suugaan iyo kobcin maskaxeed oo ay qayb ka yihiin aqoonyahanka, suugaanlayda, culimada iyo shakhsiyaadka ku dayashada mudani. Waa in si wada jira loola dagaalamaa cid kasta oo isku dayda ama ku tacadida haweenka, oo la mamnuuco dhamaan dulmiga, dhaqamada iyo fal tacadiyeedka lagula kaco haweenka lagana soo saaro sharci ciqaabeed laggu abaal mariyo qofkii ku kaca. waa in la siiyo oo loo dhiso xarumo (centres) ay gaar u leeyihiin si ay ugu qabsadaan kulamadooda uguna soo bandhigaan xirfadahooda. waa in laga qayb geliyaa talabixinta iyo in ay ka falanqoodaan arimaha khuseeya. Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa waa masuuliyad inna saaran dhamaan in laxaqdhawro haweenka lana ilaaliyo xuquuqdooda, sharaftooda si wada jirana looga shaqeeyo sidii aynu u heli lahayn bulsho ku wada nool cadaalad is ixtiraam ilaashatana diintooda iyo dhaqankooda kana nabad gasha in ay innagu milmaan ama aynu soo waaridno afkaarta ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena. Allah baa mahad leh. Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse) Qaran News
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Galmudug oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Shirka ayaa looga hadlay Ammaanka deegaanada Galmudug, Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale Dib u habeynta Ciidanka Galmudug, madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay wasiirro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo maalmihii lasoo dhaafay shaqo adag ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo socdaal maalmahaan ku marayay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ayaa u kuurgelayay xaaladda guud ee deegaannada maamulkaas iyo dib u heshiisiinta ay wadaan wasiirro ka tirsan Galmudug, waana markii ugu horeysay oo shirka golaha wasiirrada uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowlad Goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ee ku sugan magaalada Dhusamareb qaybna ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta xusay musaabada 43 guuradii ka soo wareegtay markii la Aas aasay Ciidamada Jamhuuriyada Walaalaha aynu nahay ee Jabuuti. Ciidamada ayaa ugu horeeyn soo bandhigay Dhoolatusyo Ciidan munaasabada awgeed, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Dhusamareeb ayaa diray hambalyada munaasabada Aas aaskii Ciidamada Jabuuti. Kabtan Axmed AadanTaliyaha Ciimada Jabuuti ee Galmudug ayaa sheegay inuu aad ugu farasan yahay maalintan aadka ugu wayn dhamaan Ummadda reer Jabuuti. Sagaalkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Jabuuti waxa ay ku sugnaayeen Magaalada Dhusamareb iyaga oo ka qayb qaadanayay Sugida Amaanka deegaanada Galgaumudug. Ugu danbeeyntii Saraakiisha Ciidamadan ayaa u Mahadceliyay Bulshada reer Galmudug gaar Shicibka Dhusamareb sida ay u soo dhowaeeyeen Ciidamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Sacdiyo Salaad oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ka mid aheyd xildhibaanadii maanta dhaliilay khudbadii Madaxweynaha oo warbaahinta la hadashay ayaa baaq u dirtay dadka reer Muqdisho. Ugu horeyn Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in xarunta Jeneraal Kaahiye oo markii hore lagu balansanaa in lagu qabto xafladda furitaanka kalfadhiga 7aad, looga baqay in Al-Shabaab ay hoobiye ku soo garaacaan, taas oo sida ay sheegtay cadeyneysa fashilka xukuumadan. Waxa ay sheegtay in Madaxweynuhu uusan xataa ka tacsiyadeyn dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee maalmo ka hor la xasuuqay, isla markaana uu la soo hor istaagay hadallo ay ku tilmaantay khiyaali, sidaasna ay u dhageysan waayeen iyaga oo ka badan 60 xildhibaan. “Maanta cid kale la hadli maayo waxaan baaq u jeedinayaa reer Muqdisho, waxaa ogtihiin Mareykanka waxaa lagu dilay hal nin oo madow ah, sideed beri ayuuna mudaharaad ka socdaa, Soomaaliyana sideed dhakhtar ayaa maalin la dilay asaadnaa ka hadlin, idinkaa masuul ka ah in dadkiina la baabi’iyo, anagu waan hadalnaa waxa naloo maqli la’yahay awooda waxa heystaa waa reer Muqdisho” ayey tiri Xildhibaan Sacdiya. Xildhibaan Sacdiya ayaa sidoo kale sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu been ka sheegayo oo Muqdisho uusan jecleyn, iyadoo sheegtay in ciidankii la rabay in amniga Muqdisho ay sugaan uu Jubbaland ku weeraray. “Waxaan idin leeyahay reer Muqdishow Farmaajo maanta waxa uu awoodi waayey dhakhaatiirtii la laayey Allaha u naxariisto, anigu ma qabo in Farmaajo lagu sii fiirsado dalka, marka kaca reer Muqdishow oo iska xureeya Farmaajo wuu fashilmaye, haddii Muqdisho looma ooyaan tahay, waa in gobollada loo cid diro, si loo helo dad Muqdisho xoreeya oo difaaca” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Sacdiya. Halkan ka Daawo
  23. GAROWE (HOL) - Efforts by Puntland President Abdullahi Deni to seek financial assistance from the African Development Bank in response to the floods in Qardho flopped after the Bank said it had exhausted all its resources but also reminded the Puntland leader it only deals with the Federal Government. Source: Hiiraan Online