-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa saacadaha soo aaddan lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka uu ka furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaana ka soo qeybgeli doono furritaanka kulankan madaxda ugu sareysa dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu si toos ah u furo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah waxaana kalfadhigan uu noqonayaa midkii ugu dambeeyay eee ay yeeshaan xildhibaanada labada aqal inta uga harsan muddo xil heyntooda. Marka uu si toos ah u furmo kalfadhigan ayaa waxaa la filayaa in xildhibaanada qaranka ay dedejiyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho taas oo aan wali la ogeyn nuuca ay tahay. 27-ka bishana yaa sidoo kale waxaa baarlaamanka Soomaaliya hortegi doona guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka kuwaas oo cadeeyn doono nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maayirka madow ee Washington DC oo dhisme u bixisay ‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay’ Qoraalka ‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay’ ayaa lagu xardhay laba wado oo gala Aqalka Cad Maayirka magaalada Washington DC ayaa waxa ay magacii ka badashay dhisme ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad oo waxa ay u bixisay “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” arrintaas oo ay ku muujinaysay carada ay u qabto Madaxweyne Trump. Maayir Muriel Bowser, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sidoo kale waxa ay daaha ka rogtay qoraalka “Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu xardhay laba wado oo gala Aqalka Cad. Sidoo kale waxa ay dalbatay in Mr Trump uu ciidammada federaalka ka qaado Washington. Maayiraddu waa ay gadoodsan tahay, hasayeeshee ficilladeeda waxa ay yimadeen xilli dibadbaxyo kale dabayaqaada todoba la filayo inay ka dhacaan Washington DC. The section of 16th street in front of the White House is now officially “Black Lives Matter Plaza”. pic.twitter.com/bbJgAYE35b — Mayor Muriel Bowser (@MayorBowser) June 5, 2020 Dibadbaxyada ka dhacayay Washington tan iyo todobaadkii tagay ayaa waxa ay jawaab kulul ka bixiyay Aqalka Cad, oo Mr Trump ayaa amray in kumannaan ciidammada federaalka ah la keeno magaalada. Madaxweynaha ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay inuu mas’uuliyiinta amray inay si qasab ah u kala kaxeeyaan dibadbaxayaal si nabad ah uga dhacayay fagaare ku yaal afaafka hore ee Aqalka Cad, si uu u jaro wadada si uu sawir ugu galo bannaanka hore ee kaniisad meesha ku taal. In fagaaraha ka soo horjeeda Kaniisadda St John Jimcihii lagu calaamadeeyo astaanta “Dhismaha nafta dadka madow macne ayey leedahay”, ayey Ms Bowser sheegtay: “Dadka reer Washington haddaanu nahay waxaannu dhammaantayo doonaynaa inaynu halkan isugu nimaano oo aan si nabad ah aynu ugu dibadbaxno Ameerika, si ammaan ah waad isugu iman kartaan, walwalka aad qabtidna waad ugu gudbin kartaa dowladaada, waxaadna dalban kartaa isbadel”. Maayirka ayaa sidoo kale barteeda Twitterka soo dhigtay muuqaalka farshaxan wayn oo muujinaya “‘Nafta dadka madow macne ayey leedahay” oo lagu qoray waddo gasha Aqalka Cad oo midab jaalle ah lagu buufiyay. “Todobaadkan waxaa jiray muran ku saabsanaa cidda waddooyinkaas iska leh,” madaxa shaqaalaha maayirka John Falcicchio ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay markii farshaxankaas la daah furayay. “Maayir Bowser ayaa waxa ay doonaysaa inay caddayso in wadadaas ay leedahay Washington DC laguna sharfay dibadbaxayaashii sida nabdoon u mudaharaadayay fiidkii Isniintii.” #BlackLivesMatter pic.twitter.com/OQg6977n5r — Muriel Bowser #StayHomeDC (@MurielBowser) June 5, 2020 Ms Bowser ayaa Khamiistii warqad u qortay Mr Trump, iyadoo waydiisanaysa “inuu ciidammada dheeraadka ah ee ammaanka ilaaliya ee federaalka iyo kuwa milateriga ka saaro Washington DC.” Warqadeeda ayaa waxa ay ku qeexday in bandowga lagu soo rogay magaalada Washington ay tahay in la qaado wixii loo gaaro subaxa Jimcaha, iyo in booliska magaalada ay la tacaali karaan dibadbaxyada nabadda ah ee weli socda. “Daabulaadda ciidammada ammaanka ee federaalka iyo qalabka milateri waxa ay sii hurinayaan dibadbaxyada waxa ayna walaaca ku sii badinayaan dadka sida nabadda ah u dibadbaxayay ee doonaya isbadalka iyo in wax laga qabto cunsuriyadda iyo nidaamka habacsan ee lagu dilayo dadka madow ee Ameerikaanka ah,” Ms Bowser ayaa qortay. Sidoo kale waxa ay dhaleecaysay ciidammada in aanay soo xiran wax haybtooda qeexaya, taas oo u ogolaanaysa inay u dhaqmaan haba ka baxsan “nidaamka degsan,” ayey tiri. “Waxa ay ila tahay in ciidammada ammaanku ay aheyd inay ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta Mareykanka, ee aanay ahayn inay xuquuqdaas xaddidaan.” Ms Bowser ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay iskudhaceen Aqalka Cad tan iyo markii Isniintii fagaaraha Lafayette oo ku hor yaal Aqalka Cad laga kaxeeyay dibadbaxayaasha, si Mr Trump uu kaniisad u booqdo. Waxa ay go’aanka ah in la qulqulateeyo dibadbaxyada ay tahay “ceeb”. Sidoo kale waxa ay ku gooddisay inay dacwad sharciga waafaqsan ay ka diyaarin doonto taagdarrada maamulkiisa kaddib markii saraakiisha Trump ay isla soo qaadeen fikirka ah in ammaanka magaalada lagala wareego ciidammada booliska ee Washington. Sida lagu daabacay Washington Post, ugu yaraan 16 wakaaladood oo ciidammada ammaanka iyo milateriga ayaa iyagoo hubkoodii wata waxaa loo diray Washington. Qaar ka mid ah ciidammada ma aanay xirnayn wax aqoonsi ah Ciidammada ayaa waxa ay ka kala tirsan yihiin Wasaaradda Amniga Gudaha, FBI-da, Socdaalka iyo Kastamyada, Milateriga iyo Ilaalada Qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa ciidammada ay isfara saareen dibadbaxayaasha todobaadkii la soo dhaafay. Washington DC ma ahan gobol, maayirkana ma ay laha awoodaha barasaabyada gobollada kuwaas oo go’aan ka gaari kara marka iyo qaabka loo daadgurayn karo ciidammada Ilaalada Qaranka. Ciidammada Ilaalada Qaranka ee Washington DC ayaa waxa ay toos u hoos tagaan Xoghayaha Milateriga. Qaran News
-
Waa kuma duuliyaha gadooday ee ka soo dhex hadlay xabsiga Jabuuti Fu’aad Yuusuf Cali Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay. Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”. Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo. Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa. Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin. Taariikhda Fu’aad oo kooban Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey. Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti. Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood. Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa. 2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig. 2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsanahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti. “Ubadkiisa ayuu u waaya wax uu siiya. Cadaadis ayaa la saaray, markuu hadlayna mushaarkii ayaa laga jaray. Muddo afar bilood ah ayaan mushaar lama siinin,” ayay hadalka sii raacisay. “Wuxuu ahaa nin shaqo jecel. 4:00 ta subaxnimo ayuu kici jiray, wuxuuna ka sheegtay caddaalad darro ka jirta ciidammada dhexdooda”, ayay BBC Somali u sheegtay xaaskiisa. Waxay tilmaamtay in xabsiga Gabood masuuliyiin ka tirsan ay bishii May soo waceen: “Waxay naga dalbadeen inaan cuntada u keenaa”. Qoyskiisa waxay sheegayaan in weli aan maxkamad la horgeyn, sidoo kalena aan loo ogolaan in ay la kulmaan. Bishii aynu soo dhaafay, qareen ay qoyskiisa u xilsaareen ayaa helay fursad uu ku booqdo xabsiga Gabood, halkaas oo uu ku xiran yahay tan iyo markii si khasab loogu celiyay Jabuuti, sida ay werisay warbaahinta RFI. Soo musaafurinta khasabka ah ee Itoobiya ee Fu’aad ayaa dhalisay ficillo caro leh oo ka imanaya qurbo-joogta reer Jabuuti, kuwa badan oo ka mid ahna waxayba sheegayaan in duuliyaha uu haslis ugu jiro in lagu dhibaateeyo gudaha waddankiisa. Dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha ee reer Jabuuti iyo siyaasiyiin badan oo ku nool dibadda ayaa dhaleeceeyay ficilka dib u celinta Fu’aad Yuusuf ee Itoobiya ku dhaqaaqday. Dibadbaxyada lagu dalbanayo sii deynta Fu’aad Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa maanta deggan ka dib markii ay shalay halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caraysan askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dalka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti. Wararka waxay sheegayaan in booliska ay tiro dad ah u qabqabateen inay banaanbaxyadaas mas’uul ka ahaayeen, “waxaana qaar ka mid ah dadkaas lagala baxay guryahooda, waxaana loo kaxeeyay meel magaalada ka baxsan oo xero ciidan ah oo la yiraahdo Nagaad,” sida ay BBC u xaqiijiyeen dad ku sugan Jabuuti. “Shalay iyo xalay waxaa dhacay mudaaharaadyo foolxun oo dhibaato geystay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh. Wuxuu intaa ku daray: “Dadweynaha waxaan ogeysiinayaa in marka mudaaharaad la sameynayo, dariiqyo loo maro uu leeyahay. Ruqsad baa la weydiistaa, dariiqaa baan marayaa baa la yiraahdaa, halkaa baan gaarayaa baa la yadhaa”. Wasiirka ayaa isu soo baxyadii shalay ku tilmaamay “kuwa aan sharciyeysnayn oo dad badan ay wax ku waayeen”. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan gawaari la jejebiyay iyo tukaanno la bililiqeystay. “Dadweynaha waxaan uga digeynaa in mudaaharaadyada ceynkaas oo kale ah aysan dib ugu noqon”, ayuu u diray dadka. Maanta waxaa qeyb ka mid ah magaalada Jabuuti lagu arkayay booliska ka hortaga rabshadaha si ay amniga u sugaan. Dowladda Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin arrintan balse wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa shaley bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dambi ay tahay oo lagu ciqaabo karo ciddii ku dhawaaqda kacdoon ama rabshado inay waddanka ka sameyso. Wuxuu intaas ku daray “Dowladda ayaa mas’uul ka ah amarka iyo kala dambeynta, waxayna xaqiijin doontaa in la xushmeeyo sharciga”. “Cid kasta oo sharciga ku xadgudubta waala soo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa”, ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh. Ma uusan soo hadal qaadin xarigga Fu’aad Yuusf Cali iyo waxa ay ka yeelayaan xaaladdiisa. Waxaa jiro warar sheegaya in dowladda Jibuuti ay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay. Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada. Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran. Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray xaley ay ku jirtay gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay. Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin. Qaran News
-
Gabadhii uu dhalay George Floyd oo farriin murugo abuurtay usoo dirtay caalamka Gianna Floyd, oo 6 jir ah wali ma oga sababta rasmiga ah ee uu aabaheed u geeriyooday, laakiin waxay dunida u dirtay farriin murugo leh oo dad badan qalbiyadooda taabatay. Kaddib markii ay fahantay sheekada ku saabsan aabaheed ee caalamka oo dhan qabsatay, hooyadeed ayaa u sheegtay inuu geeriyooday, sababtana waxay ugu soo koobtay inuu neefsan waayay oo kaliya. Roxie Washington ayaa warbaahinta u sheegtay inay gabadheeda ka qarisay runta ka careysiisay dhammaan dadka ku nool Mareykanka iyo qeybo badan oo ka mid ah caalamka, si aysan maskaxdeeda dhibaato usoo gaarin. Iyadoo la hadleysay barnaamijka “Good Morning America” ee ka baxa Telefishinka ABC u sheegtay in Gianna ay aabaheed tabeyso, laakiin aysan ka war qabin inuu ku geeriyooday gacanta ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Minneapolis. Gabadha yar ayaa la weydiiyay su’aal ahayd waxa ay dunida u sheegeyso. Iyadoo ay murugo wajigeeda ka muuqato ayey sulaashaas uga jawaabtay jumladda ah “Waxaan robaa inay ogaadaan inaan u xiisay aabahay.” Roxie Washington waxay dooneysaa inuu seygeeda caddaalad helo Hadal kale oo ay ka muuqatay awood ayey gabadha 6 jirka ah ku sheegtay muuqaal uu Talaadadii barta Instagram-ka soo dhigay Stephen Jackson, oo horay u ciyaari jiray kubadda kolayga, sidoo kalena saaxiib la ahaa George Floyd. “Aaabahay wuxuu baddalay dunida”, ayey tiri Gianna. Kaddibna waxaa la maqlayay Jackson oo dhahaya “haa waa runtaa wuu baddalay dunida”. Gabadha yar hooyadeed waxay sheegtay in Mr Floyd uu aad u daryeeli jiray Gianna, mar kastana uu la ciyaari jiray. Magaalada Minneapolis ayuu u guuray si uu sare ugu qaado nolosha qoyskiisa. Geeridiisa ayaa Mareykanka ka abuurtay dibadbaxyo dalka oo dhan ku faafay oo looga dhiidhinayo ficillada ku saabsan midab takoorka. ‘Waxaan doonayaa caddaalad’ Xaaskii uu ka geeriyooday George Floyd oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta City Hall ee magaalada Minneapolis ayaa sheegtay inaysan fariisan doonin ilaa ay ka hesho seygeeda xaqiisa. “Waxaan rabaa inuu caddaalad helo, wuxuu ahaa aabbe wanaagsan oo aan u qalmin inuu dhinto isagoo wajigiisa uu dhulka yaallo, gacmaha ay ka xiran yihiin askari boolis ahna uu xoog ugu cadaadinayo culeyskiisa,” ayey tiri. War-fidiyeenka ayey u sheegtay in ay dooneyso in dhammaan afartii askari ee ku lug lahaa dhimashada seygeeda ay maraan ciqaabta ay ku muteysteen dilkiisa. “Markii ay xaaladdu dagto, qof walba wuxuu ku laabanayaa gurigiisa iyo qoyskiisa, laakiin Gianna ma heysato aabbe. Waligiis ma arki doono iyadoo weynaatay, oo wax baratay. Waligiis garabkeeda masoo istaagi doono.” Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishan May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo. Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday caradii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky. Derek Chauvin, oo ah askarigii jilibka luqunta uga hayay Floyd markii uu dhimanayay ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Sidoo kale waxaa dacwado wajahaya dhowr askari oo goob joog ka ahaa dhacdadaas. Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan qoyska duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, xili ay socdaan banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo tacadiga lagula kacay duuliyaha. Xaaska duuliyaha oo u warantay idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa xaqiijisay inay dowladdu xirtay gabar 16-jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo saddex gabdhood oo kale oo uu abti u yahay. Xariga xubnahan ka tirsan qoyskiisa ayaa imanaya kadib markii banaanbaxyo xoogan ay ka dhaceen gudaha Jabuuti, midaasi oo dhalisay in dowladdu ay xabsiga ku gurto xubnahaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubno badan oo ka tirsan banaan-baxayaasha kasoo horjeeda xariga iyo cadaalad darada uu tirsanayo duuliye Fu’aad ayaa shalay iyo maantaba xabsiga loo taxaabay. Xiisada ka dhalatay xariga Fu’aad ayaa kusii fidaysa gudaha dalka Jabuuti, iyada oo markii hore ka bilaabatay caasimada, halkaasi oo ay ka dhaceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha. Wixii warar ah ee kasoo kordha xiisada ka dhalatay duuliyaha & banaan-baxyada Jabuuti, isha ku hay Caasimada Online.
-
Dalka Maraykanka waxaa gees ka gees ruxay dibadbaxyo ay dhigayaan dadweyne ka caraysan dil ay booliiska Minneapolis (Minnesota) u geysteen George Floyd oo ah nin madow, kaddib markii baraha bulshada la soo dhigay muuqaal uu ka duubay qof ka ag dhowaa goobta dhacdadaas. Muuqaal-duubayaasha ku rakibnaa goobaha ganacsiga iyo cajalada uu duubay qofka dul taagnaa waxay muujinayaan silcinta ay booliiska u geysanayeen George Floyd iyo inaysan booliiska danayneyn nolosha muwaadhinka, maadaama ay iska dhegatireen cabaadka iyo baryootanka ka soo yeeraye George iyo dadkii goobta ka dhowaa. Baaritaan madax-bannaan ayaa sheegaya in George Floyd uu u dhintay “hawo-la’aan (asphyxiation) ka dhalatay xoogga cadaadiska joogtada ah,” markii qoortiisa iyo dhabarkiisaba ay isku cadaadiyeen saraakiisha booliiska Minneapolis. Baaraha Caafimaadka ee Degmada Hennepin wuxuu ku soo gabagabeeyey baaristiisa in dhimashada George Floyd ahayd dil, (CNN 2/06/2020). Baarista caafimaad ee madaxbannaan waxay ka horimaanaysaa baarista booliiska ay soo bandhigeen markii uu dilka dhacay, taasoo sheegaysay inuu George Floyd uu u dhintay xanuun wadnaha ah. Inkastoo baarista madaxbannaan kaddib ay booliiska degmada Hennepin soo saareyn baaris la mid ah tan madaxbannaan. Shacabka banaanbaxaya waxay dalbanayaan qabashada (xarigga) saraakiisha ku lugta leh dilka George Floyd iyo isbeddel nidaam ah oo joojinaya naxariis darrada booliiska. Dhimashada George Floyd waxay kicisay hurgumooyin, cadho iyo ciil horey bulshada madowga uga tirsanayeen habka caddaala-darrada iyo habdhaqanka gurracan ee booliiska. Dalabka dadka laga tira badan yahay ee Maraykanka [madow, latino, iwm] ayaa ah inay helaan caddaalad iyo ixtiraam la mid ah kan ay helaan Maraykanka kale [cadaan]. Gabar ka mid ah shacabka waddooyinka Los Angeles ka dhigaya dibadbaxyada ayaa tiri “Farriinta aan dirayo ayaa ah in uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya bulshada caddaanka ah iyo kuwa madowga ah ee Maraykanka.” Waxay kaloo sheegtay inay si joogto ah kala kulanto hagardaamo booliiska “waxaan ahay qof Jaamacad (college) ka qalinjabisay, shaqaysata, waligeed aan denbi gelin, misna waxaa si joogto ah ii joojiya booliiska, sababtuna waxay tahay gaadhigayga oo ah mid cusub oo aan iibsaday 2020 [Tuhun inaysan gaariga lehayn. Ama Siddebay ku yeelan kartaa gaarigan]” (ABC 7 – 30/05/2020). Michael oo ah arday dhigta Jaamacadda ayaa yiri “Markii aan arko gaadhi booliis ah oo i hareer-socda, ama mid i dabasocda, candhuuf ayaa afkayga buuxinaysa, boodyahayga ayaa jaraynaya waxaa suurtoggal ah inaan lumiyo xakamaynta gaadhiga, waxaan ka baxaa waddada, waxaan ku nastaa daqiiqado goobta munaasibka ah, si aan nafta u xasiliyo, si ay u nabad galaan nafsaddayda iyo shacabka waddada aynu wadaagno.” “Waa fashal naxdin leh in dad badan oo Afrikan-Mareykan ah, gaar ahaan dhallinyarada, la dhibaateeyo oo loogu bahdilo dalkooda. Waa awood marka ay mudaaharaadayaan, oo ay ilaalinayaan sharciga, waxay u bannaan-baxayaan mustaqbal wanaagsan.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore George W Bush (CBC News 2/06/2020). Falanqeeyaasha siyaasadda Maraykanka, waxay saadaalinayaan in dibad-baxyadu sii socon doonaan in muddo ah, taasoo ay sabab uga dhigayaan xirnaanshaha dugsiyada, jaamacadaha iyo in malaayiin qof ay la soo deristay shaqo la’aan, taasoo fursad u siinaysa ka qeyb-galka mudaharaadyada. Waxaa intaas dheer, in Covid-19 abuuray jahawareer iyo xasillooni darro nafsiyadeed, kaddib markii dad badan ku waayeen dadkii ay jeclaayeen xanuunka Covid-19. Dalka Maraykan waxaa ka jira dhaqdhaqaayo aan diiwaangashaneen, kuwaasoo xambaarsan aragtiyo iska soo horjeeda, sida “White supremacist iyo ANTIFA,” iyo kooxo kale, lana aaminsan yahay inay ku soo dhexdhuunteen dadka dibadbaxaya si ay u geystaan fadqalallo iyo xasillooni darro. Taageero midnimo loogu muujinayo dibadbaxayaasha Maraykan ayaa ka kala dhacay daafaha caalamka Australia, New Zealand, UK, France, Germany, Holland, Spain, Brazil, Filastin, Idlib Syria iyo dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaal. Hadabba, su’aasha taagan ayaa ah: Goormay soo afjarmi doontaa u sinaan la’aanta sharciga, iyo naxariisdarrada booliiska Maraykanka ay kula kacayaan qaar ka mid ah muwaaddiniinta Maraykan? Shaki kuma jiro, in Maraykanka uu u baahan yahay dibuhabayn in lagu sameeyo hannaanka caddaalada, hanaanka loo maro qorista booliiska, iyo hanaan isbeddel taabanaya nolosha dadka laga tiro badan yahay, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo shaqooyinka. Soomaaliya waxay ka baran kartaa meel aysan caddaalad jirin, nabadi ma jirto. Sidoo kale, meel aysan rajo jirin nolol ma jirto. Haddii dadka Somaaliyeed nabad, iyo barwaaqo doonayaan waa inay ilaaliyaan u sinnaanta caddaalada iyo kala dambeynta sharciga, islamarkaasna diiradda la saaro ciribtirka dhaqanka xun ee haybsooca ah, nin tooxsinimada iyo dowlad xumo. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban qaabada iyo mideynta beesha Mudulood ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageerayey go’aankii Ugaaska beesha, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kaas oo uu uga soo horjeestay in gobolka Banaadir 7-xubnood laga siiyo golaha Aqalka Sare, iyadoo lagu qeyb sanayo nidaamka 4.5. Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana ka hadlay xubno ka socday guddiga dhameystirka sharciga doorashooyinka, odayaal dhaqan, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada, waxaana si weyn loogu taageeray hadalkii Ugaaska beesha Mudulood. Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah guddiga isku dhafka ah ee arrimaha dooraashooyinka, isla markaana loo xil saaray inay si gaar ah uga soo tala bixiyaan arrimo uu ku jiro maqaamka gobolka Banaadir , ayaa sheegay in uusan jirin go’aan mideysan oo arrimaha gobolka Banaadir ay ka soo saareen xubnaha guddiga. “Xubnaha guddigu waxay isla sheegeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Dr. Dufle. Sidoo kale Senator Dufle ayaa sheegay in guddigu isla gartay in todobadaas xubnood la hor geeyo baarlamaanka, maadaama loo baahnaa in gobolka Banaadir metelaad helo, balse marnaba aysan xubnaha guddigu soo saxiixin ‘4.5 halagu qeybsado metelaada gobolka Banaadir.’
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia – 5th June 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, June 5, 2020/ — New cases: 169 Active cases: 1522 Severe cases: 18 New recovered: 12 Total recovered: 262 New deaths: 1 Total deaths: 19 Total cases: 1805 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay arinta muranka badan dhalisay maqaamka Muqdisho, isagoo tilmaamay in hadda la iska hor keenayo dadka reer Muqdisho, iyadoo la siyaasadeynayo. Sidoo kale Taliye Ismaaciil ayaa sheegay in tirada xubnaha lasoo bandhigay ee la sheegay in gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ay tahay mid lagu maja xaabinayo maqaamkii gobolka, taas oo uu sheegay inay keeni karto in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo. ”7-da xubnoo ee la sheegayo in Aqalka sare laga siinayo gobolka Banaadir, waa arin la doonayo in lagu majaxaabiyo maqaamkii iyo mataaladdii uu gobolku lahaa, waxayna keenikartaa in dalku galo rabshado iyo dagaalo sokeeyo bulshadana la isaga horkeeno” ayuu yiri. Ismaaciil Daahir oo u waramay TV-ga Dalsan, isaga oo ku sugan dalka Mareykanka, ayaa sheegay in aan laga bixi karin dagaalka siyaasadeed ee qabaa’ilada Soomaaliyeed ka dhaxeeya, inta uu qabyo yahay dastuurka dalka, isla markaana lagu dhaqmayo nidaamka 4.5, oo sida uu sheegay sad bursi badan uu ka muuqdo. “Dastuurka hada dalka lagu dhaqo waa mid ku meel gaar ah oo aan afti loo qaadin, dowladda hada jirtana waxaa laga rabay inay dhameystirto dastuurkan oo ay qabyada ka bixiso, isla markaana ay wadanka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah labadiiba way ku guul dareysatay, marka si looqariyo guul darrooyinkaas, ayaa la rabaa hada in xasarad siyaasadeed laga dhex abuuro dadka degan gobolka Banaadir” ayuu yiri Ismaaciil Daahir. Sidoo kale sarkaalkan ayaa madaxda dowaldda federaalka ku eedeeyay in aysan dooneyn ku dhaqanka nidaamka dalku qaatay ee federaalka si ay u gaaraan danahooda siyaasadeed. “Cabsida ugu badan waxay ka taagantahay in baarlamaanka loo gudbiyo 7-dan kursi ee la sheegay in Aqalka Sare laga siinayo gobolka Banaadir, baarlamaankuna uu ku dhiirado in uu ansixiyo, taas oo keeni karta kacdoon shacab, kaas oo keeni kara in dalku dib ugu laabto rabshado hor leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyntii Taliye xigeenkii hore ee NISA ayaa baarlamaanka Soomaaliya kula taliyey in aysan ku dhiiran ansixinta qorshahan cusub ee la sheegay in maqaam lagu siinayo gobolka Banaadir, sidoo kale madaxda dowladda ayuu kula taliyey inay ka waan toobaan danaha siyaasadeed ee arintaas ay ka leeyihiin, si looga baaqsado kacdoon iyo rabshado ka dhasha.
-
The magnitude of a disaster varies from country to country, but a prolonged drought is the most acute human tragedy causing famine, which most of the time ends in an inescapable delusion. When drought is felt in the developed nations it does not cause famine as it happens in the third world, the reason for that is that they are well prepared. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Xariga ay dowladda Jabuuti kula kacday Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali ayaa waxa door weyn ka qaadatay dowladda Itoobiya, sida uu shaaciyey raadiyaha Faransiiska ee RFI. RFI ee fadhigeedu yahay caasimada dalka Faransiiska ee Paris ayaa baahisay in dowladda Itoobiya ay u gacan gelisay dowladda Jabuuti Duuliye Fu’aad oo xiligaasi u baxsaday caasimada dalkaasi ee Addis-Ababa, maadama uu ka cabanayey cadaalad daro baahsan oo lagula kacay. Duuliye Fu’aad ayaa 27-kii bishii Maarso u talaabay dhanka dalka Itoobiya, xiligaasi oo uu wajahayey cadaalad daro baahsan oo uu sheegay inay ka dhex jirtay Milatariga dalka Jabuuti, midaasi oo ku kaliftay inuu ka baxsado dalkiisi hooyo. Fu’aad ayaa ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti, muddo ka badan 9-sanno, isagoona muddooyinkii dambe wajahayey cadaalad daro, sida uu ku sheegay muuqaal uu iska soo duubay ka hor inta uu ka firxan Jabuuti. Itoobiya ayaa Fu’aad kasoo qabatay magaalada Addis-Ababa oo uu xiligaasi ku sugnaa, iyada oo usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu hore uga tirsanayey inay kula kacday gabood fal. Duuliyaha ayaa loo gacan galiyay dowladda Jabuuti, xili uu ku howlanaa gudbinta codsi uu ku dalbanayey magan-galyo, maadama uu caasimada dalka Itoobiya ee Addis-Ababa uu baxsad ku joogay. Talaabada Itoobiya ay Jabuuti ugu gacan galisay duuliyaha ayaa u muuqata mid ay ku raali-gelinayso dowladda Jabuuti oo kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, iyada oo dhinaca kalena u muuqaneysa mid door weyn ka qaadatay gabood falka ka dhanka ah Fu’aad, Fu’aad ayaa dhawaan xabsi uu ku jiray oo Suuli dhexdiisa ahaa kasoo duubay muuqaal qiiro leh, midaasi oo sababtay kacdoon shacab oo ka dhan ah dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Saacadihii udambeeyay ayaa waxa magaalada Jabuuti gil-gilay mudaharaadyo xoogan oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha, oo isagu hore uga gadooday cadaalad daro uu ka tirsanayey ciidamada, iyada oo dowladuna kasoo saartay hanjabaado ka dhan ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalka hay’adda isgaarsiinta qaranka, ayaga oo ka digay isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weyn uu ka taagnaa dhismihiisa. Qoraal ay soo saareen shirkadaha isgaarsiinta ayaa lagu yiri “Waxaa marag-madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta.” War-saxaafadeedka shirkadaha oo dhameystiran hoos ka aqriso Shirkadaha Isgaarsiinta oo Walaac Weyn Ka Muujiyay Xaalka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mogadishu, June 05, 2020 – Kulan deg deg ah ee uu qabanqaabiyay Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha adeegyada Isgaarsiinta dalka iyo dhibaatooyinka jira iyo guud ahaan xoojinta horumarka Isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada ee qeyb weyn ka ah horumarka dalka. Gabagabadii Kulanka ururku waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan: Dhamaan Shirkadaha ku mideysan USIS waxay walaac ka muujinayaan, kana digeen isbarbaryaaca iyo khilaafka hareeyay Hay`adda Isgaarsiinta Qaran iyo Guddigii Isgaarsiinta ee khilaafka weynuu ka taagnaa dhismihiisa. Waxaa marag-‐madoonte noqotay in dhibaatadii ay Shirkaduhu ka digayeen ay maantay timid ka dib markii Guddigii sharcidarada ahaa ee uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda si toos ugu hor yimid maamulkii Hay`adda Isgaarsiinta iyagoo ku andacoonay in ay iyagu yihiin cidda mas`uulka ka ah bixinta Ruqsadaha Isgaarsiinta. Iyadoo aan ogsoonahay in Xubnaha Guddigan oo intooda badan (75%) ay yihiin xubno ka tirsan Shirkado bah-‐wadaag ah. Taas oo ka hor imaaneysaSharciga Isgaarsiinta iyo Habraacii lagu heshiiyay. Ururka Isgaarsiinta Soomaaliyeed wuxuu mar kale cadeynayaa in magacaabistii Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay markii horaba si toos ah uga hor imaneysay Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad “Iska-‐hor imaadka Danaha Is-‐diidan” (Conflict of Interest) ee cadeynaya in ruux xil ka haya ama si toos ah uga tirsan Shirkad Isgaarsiin ah uusan ka mid noqon karin Guddiga iyo Maamulka Hay`adda. Waxaa ayaandaro ah in Wasiirka Wasaaradda uu dhinac ka noqday mushkilada isagoo la saftay Guddigii sharci darada ah, islamarkaana uusan tixgalin madax banaanida Hay`adda sida ku Qod.7aad ee Sharciga Isgaarsiinta. Hay`adda Isgaarsiintu waa Hay`ad Qaran oo ay door wadatashi ku leeyihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhinacyada ka shaqeeya Isgaarsiinta marka ay timaado magacaabista xubnaha Guddiga Hay`addu yeelanayso sida ku cad Qodka. 30aad ee Sharciga Isgaarsiinta. Ururku wuxuu baaq u dirayaa XFS in laga hortago murankan hareeray Hay`adda dhexdeeda iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira, lana dhiso Guddi cusub oo waafaqsan sharciga si loo xaqiijiyo xalaal-‐ noqoshada Hay`adda. ==DHAMAAD==
-
MOGADISHU (HOL) - Abdi Tahlil Warsame whose songs and poetry conveyed praise of the Siad Barre regime but also warned of a uncertain future has died in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Maanta waxaa dunida oo dhan laga xusayaa maalinta deegaanka adduunka, dabaaldeggan ayaa ku soo aadaya xilli dalkeena ay dhibaatooyin badan heystaan deegaanka. Maanta oo halkudheggu yahay “waa waqtiga dabeecada” ayaa waxaa olole loogu jiraa in la dhiirigeliyo waxyaabaha dabeecada ku saabsan. Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed waxaa la sheegayaa in badankeed ku tiirsan tahay xoolaha nool, dalagga beeraha iyo khayraadka kale sida dhirta, taasi oo qasab ka dhigeysa ilaalinta dhirta iyo daaqa, oo ay deegaanka ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa. Dhanka, meelaha ay dhibaatada ka jirto waxaa ka mid ah gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, taasi oo in badan laga dhoofiyo koonfurta Soomaaliya, loona baahan yahay sidoo kale in laga hortago. Maalinta deegaanka waxaa muhiim ah in dhir lagu beero guryaha, lagu dadaallo nadaafadda deegaanka laguna dadaalo fayodhowrka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hor-yimid warqad lagu amrayo shirkadaha isgaarsiinta qaranka inay qaataan rukhsadda dowladda, taasi oo kasoo baxday maareeyaha hay’adda Isgaarsiinta qaranka. Qoraalka wasiir Canshuur ayaa loo diray shirkadaha Hormuud, Somtel, Golis, Telsom iyo Amtel, waxaana wasiirka uu ku wargeliyey in rukhsadaha uu soo saaray Maareeyaha aysan waafaqsaneyn sharciga Isgaarsiinta oo aysan ku dhaqmi karin shirkadaha, sida uu hadalka u dhigay. Arrintan ayaa banaanka usoo saartay loolan xooggan, oo la rumeysan yahay inuu dhaqaale salka ku hayo, oo u dhaxeeya wasiirka iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka. Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku doodaysa inay tahay hay’ad u madax banaan fulinta howlaha loo igmaday oo ay ku bixin karto ogolaanshaha rukhsadaha, waxayna cuskaneysaa qodobka 7aad ee Sharciga Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka. Xubno ka tirsan hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in maareeyuhu ay howshiisa tahay bixinta ogolaanshaha rukhsadaha, wasiirkuna uusan faro-gelin karin. Waxay sidoo kale ku doodeen in wasiirka shaqo ku laheyn arrimaha rukhsad bixinta, balse uu leeyahay oo kaliya la socosho, laguna war-geliyey arrintan. Inta badan shirkadaha Isgaarsiinta ayaa u hoggaansamay warqadii ka soo baxday Maareeyaha, iyagoo shubay lacagtii laga rabay ee ogolaanshaha rukhsadaha shaqo. Hoos ka aqriso warqadda wasiirka
-
Forces loyal to Libya's internationally recognised government said on Friday they entered Tarhuna, the last major stronghold of commander Khalifa Haftar in the west, capping the sudden collapse of his 14-month offensive. Source: Hiiraan Online
-
To the surprise of many, African governments have responded swiftly and boldly to the COVID-19 crisis. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inuu dawo u helay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, kaasi oo sidoo kale dad badan ku dilay gudaha Soomaaliya. Sheekh Suldaan Muxamad Aala-Muxamad oo kamid ah mas’uuliyiinta Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan dawooyin dabiici ah oo lagula tacaali karo cudurka safmareenka ah, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Suldaan ayaa sheegay illaa afar dawo oo dabiici ah, oo uu sheegay in qaarkood ay kusoo urureen axaadiis laga weriyey rasuulka NNKH. Dawooyinka dabiiciga ah ee Sheekhan uu xusay, oo badankood ku sheegay af-carabi ayaa waxaa ka mid ah: Cuud al Qisdi, huruurdda oo lagu darrayo biyo kulul, geed luquudda carabiga lagu yiraah Cirqusuus, iyo geed uu ku sheegay Luubaan-Dakar. Waxaa xusid mudan in dawooyinka Shabaabka ay sheegeen ay yihiin kuwa aan calmi saynis ahaan la xaqiijin inay daweeyaanfayruska, sidaas darteedna ay muhiim tahay in qof kastauu dhaqtarkisia kala tashto dawo kasta oo uu qaadanayo. Kooxda Al-Shabaab ayaa markii hore ee uu cudurka soo shaac baxay beenisay inuu ka jiro Soomaaliya, waxayna sheegtay inuu yahay cudurka loogu talo-galay in lagu laayo gaallada. Si kastaba, Shabaabka ayaa markii dambe soo saaray bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kadib kulan ay ka yeesheen madaxdoodu arrimaha cudurka Coronavirus ay iska dhex magacaabeen gudigi ka kooban todoba xubnood oo la tacaala cudurka.