-
Content Count
212,245 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo ay shalay dhaceen dibad-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee arrinta maqaamka Muqdisho ayaa waxaa haatan isa-soo taraya falcelinta laga bixinyaao dibad-baxyadaasi. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Golaha shacabka, islamarkaana ka mid ahaa mudanayaashii ku buuqaay Madaxweyne Farmaajo furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa sheegay in dibadbaxyadaasi ay haayeen kuwa halis ku ah caafimaadka, maadaamka uu dalka ka jiro cudurka safmarka ee Covid-19. Xasan Yare ayaa carabka ku goday in xilligaan aan la joogin ka hadalka in xubno gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare, balse ay tahay in meel la saari maqaamka caasimada. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay siyaasadeynayaan xuquuqda dadka degan gobolka Banaadir Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa su’aal ka keenay waxa hadda ku soo beegay raadinta maaqaamka Muqdisho, iyadoo gabagabo uu yahay muddo xileedka dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey muranka ka taagan metelaad ay caasimadda ku yeelato Aqalka Sare, kadib markii ay dhowaan guddiyada joogtada labada gole ee BF ay shaaciyeen in 7 kursi golahaasi laga siinayo Muqdisho.
-
A senior Al-Shabaab official has reportedly surrendered to the Somali National Army (SNA). Source: Hiiraan Online
-
Colin Powell endorsed Democratic former US vice-president Joe Biden on Sunday and said Donald Trump’s behaviour endangers democracy, becoming the first major Republican to publicly back Trump’s rival ahead of November’s election. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa si adag uga digay in doorashada qof iyo codka ah ee loo wado Soomaaliya lagu saleeyo hanaanka 4.5 ee ay haatan wax ku qeyb-sadaan beelaha Soomaaliyeed. Mr. Cabdicasiis ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay diyaar-garwoga doorashooyinka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay nidaamka 4.5 uu ahaa xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo xeer u cadaalad sameynayo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn Ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada maamulka Puntland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay horey dowlad goboleedka Puntland u shaacisay inay aysan qeyb ka noqon doonin doorashada Soomaaliya ee 2020 illlaa 2021-ka, haddii aan latashi lagala sameyneynin qorshaha ay wado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
The United Nations top envoy in Somalia called Somali lawmakers to take bold steps to advance pressing national priorities ahead of 2020-2021 elections. James Swan, special representative of the UN secretary-general for Somalia in a statement said, the eyes of the Somali people, as well as those of Somalia’s international partners, are on Parliament as you open the seventh session of the Federal Parliament. Swan said the United Nations remains committed to supporting your work as you begin this important session. “These include work related to the upcoming national elections, amendments to the Political Parties Law and consideration of the report of the joint ad hoc committee on the Electoral Law, as well as the presentation by the National Independent Electoral Commission.” He said. Ahead of Somalia’s forthcoming “one person, one vote” elections, he urged members of the parliament to conduct their work in the spirit of inclusivity, drawing in voices from across the political and social spectrum, and giving prominence to the views of women, minority groups and those who have historically lacked representation. “Honorable Members, Somalia is at a critical juncture, and the work of the Federal Parliament will determine Somalia’s path to democracy and stability for many years to come,” he said. “Unity of purpose among Somalis is indispensable as the country traverses this arduous and delicate period.” The UN envoy also congratulated members of the parliament on their determination to convene the session and ensure continuity in Parliament’s work, despite the challenges brought on by the COVID-19 pandemic. “I wish to express my appreciation for your work and encourage you to bring all stakeholders together, to foster reconciliation, build consensus on national priorities and contribute to addressing the challenges facing the country,” he stated.
-
“Nabadgelyaduna hadda waa sugan tahay xagga horufadhi iyo Ceegaag labadaba..Dawladdana waxaanu ka codsanaynaa in sidaa Ciidanku u soo gurmaday…” Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle (SLT-Buuhoodle)-Unug ka tirsan guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta gaadhay deegaamo katirsan gobolka Buuhoodle oo ay shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah oo dilal dhex mareen. Ciidankan oo uu hogaaminayo Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare mahad faarx cilmi cambaashe, ayaa howl-gal nabad-gelyada lagu sugayo ka fuliyey jiidaha u dhexeeya degmada horufadhi iyo Ceegaag oo ay isku-horfadhiyeen maalmihii la soo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo hubaysan, waxaanay gacanta ku dhigeen xaalada amaanka ee deegaamada dirirtu ka ulnayd, sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Horufadhi. Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee gobolkaasi oo ku soo dhaweeyey Horufadhi Ciidanka gurmadka ah, ayaa intaasi ku daray in ay socdaan dedaallo dhaqan oo lagu xalillayo dhacdooyin dilal ah oo dhex maray labada beelood ee walaalaha ah, si rasmi ahna loo sugay nabad-gelyada. “halkan waxaanu ku soo dhaweynaynaa Ciidanka Qaranka ee uu hogaaminayo Taliye Mahad Cambaashe oo noogu yimi gurmad lagu kala dhex gelayo labada beelood ee walalalo ah ee shaqaaqadu dhex martay, aadbaan ugu mahad celinayaa Ciidanka iyo Taliyahaba” “Nabadgelyaduna hadda waa sugan tahay xagga horufadhi iyo Ceegaag labadaba, waxaana loo gudbayaa iminka wixii kale ee looga gudbayey ee howl ah oo meeshan howl badanbaa taalla”ayuu raaciyey. Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle, waxa kale oo baaq u diray Xukuumadda Somaliland oo uu ka dalbay in ay gurmadka Ciidanka iyo Ergooyinka dhaqanka ee nabadeynta labada beelood ku howlan la xoojiyaan. “Dawladdana, Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirrada gobolka u dhashayba waxaanu ka codsanaynaa in sidaa Ciidanku u soo gurmaday, ay qaybtooda uga qaataan, guurti ahaan, maskax ahaan iyo maamul ahaanba. “ma filayo in wax dambe oo xumi inagu soo kordhaan inshaalah, arrintuna iminka gacantay inoogu jirtaa”ayuu yidhi Mustafe Xaaji Cabdi Muuse. Dhanka kale, magaalada Horufadhi, waxa ku soo qulqulayey labadii maalmood ee u dambeeyey ergooyin nabaddeed oo ka kala yimi gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasoo halkaasi u yimi daminta colaadaasi oo ka bilaabantay dil ka dhacay deegaanka Qocondhaale oo dhacda nawaaxiga Magaalada Buuhoodle. Source
-
(SLT-Indonesia)-Wasiirka Amniga ee dalka Indooniisiya mudane Maxamed Maxfuud ayaa muuqaal lagu faafiyey barta Youtube ka waxa uu ku yidhi, “Coronavirus ku waa sida xaaskaaga oo kale. Bilowgahore waxa aad isku dayeysaa in aad ka adkaato, kaddib waxa ogaanaysaa in aanad ka adkaan Karin. Markaas kaddib ayaad bilaabaysaa in aad barato sida aad ula noolaan karto. Wasiirku waxa uu sheegay in hadalkan uu ka soo xigtay wasiirka hawlaha badda iyo maalgashiga oo isaga si gaar ah ugu sheegay. Wasiirka amnigu waxa uu dhaliilayey qorshaha ah in bandoo muddo dheer ah lagu jiro si loo xakameeyo coronavirus ka, maadaama oo uu aaminsanyahayin Coronavirus aanay cidi ka adkaan Karin, balse lala noolaan karo. Waana halkaas halka uu xaaska tusaalaha ugu sooqaatay, isaga oo intaas ku sii daray, “Weligeen ma is qarin ayaa aynu ku jiraynaa?! .. waa in aynu xaaladda la qabsannaa, feejignaanna la nimaadnaa” Hadalka wasiirka waxaa jawaabo cadho leh ka bixiyey ururrada xuquuqda haweenka u dhaqdhaqaaqa. Jimciyadda garabsiinta haweenka oo ah urur ka jira dalkaas ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay in hadallada kaftanka ka dhiganayana haweenku ay sii dhiirrigelinayaan gacanka hadalka lagula kaco. Sida ay hadalka u dhigtay jimciyaddu Source
-
(SLT-Jabuuti)-Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka dalka Jabuuti ayaa xalay waxaa ay si xoog ah ku galeen Hoyga uu Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti ka degan yahay duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo u xidhan dowladda Jabuuti. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay baadhitaan ka sameeyeen dhamaan Qolalka guriga oo ay ku sugnaayeen Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay, hayeeshee laamaha Sirdoonka Jabuuti ayna shaacin sababaha ay baadhitaanka uga sameeyeen Hoyga duuliye Fu’aad Yuusuf Cali. Muuqaal la soo dhigay Barta Twitter-ka ayaa muujinaya Xaaska Duuliye Fu’aad oo lagu Magacaabo Samiira Jaamac Cabdi oo shaacineysa in Ciidamada Sirdoonka Jabuuti inay burburiyeen Agabka ay isticmaalaan qoyska Fu’aad. Samiira Jaamac Cabdi ayaa sidoo kale sheegtay in la jidh-dilay qaar kamid ah Carruurtooda, waxaana dadka Reer Jabuuti ay ugu baaqday in loo soo gurmado qoyskooda oo ay dhibaato kala kulmayaan dowladda Jabuuti. Xeer ilaaliyaha dalka Jabuuti Jaamac Suleymaan Cali ayaa sheegay in Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali uu yahay muwaadin jamhuuriyadda Jabuuti u dhashay oo ka tirsan oo ciidamada cirka, isla markaana uu isku dayay inuu si qarsoodi ah diyaarad u duuliyo iyada oo aan war laga qabin waddanka cadawga ah ee uu dagaalka na dhex maray ee Eritrea. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online ) – Taliyaha cusub ee ciidanka milatariga Kenya, Janaraal Robert Kibochi ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid gudaha Soomaaliya. Taliyaha ayaa shalay kormeeray saldhigyo ciidamada difaaca Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu la kulmay saraakiisha ciidamadaasi, isaga oo kala hadlay arrimo ku aadan howlgalladooda, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kulanka oo ahaa mid is-barasho ah ayaa taliyuhuu wuxuu la qaatay askarta Kenya ee ku sugan Afmadow, Billis Qooqani, Tabda iyo Hoosingow. Dhinaca kale qoraal kooban oo ka soo baxay taliska KDF ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka taliyaha oo kii ugu horreeyey, tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilkaasi uu dhiiri-gelin u yahay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya. “Maalintiisii 37-aad tan iyo markii loo magacaabay taliyaha ciidamadda difaaca Kenya, General Robert Kibochi, wuxuu booqday askarta KDF ee Soomaaliya, kuna howlgalaya AMISOM. wuxuu la kulmay askarta ku sugan; Afmadow, Billis Qooqani, Tabda, and Hoosingow,” ayuu lagu yiri yiri warka ka soo baxay taliska KDF. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu yiri “Socdaalkiisa wuxuu dhiiro-gelinayaa ciidamada, wuxuuna xaqiijinayaa doorka muhiimka ah ee askarta KDF-ta ee howlgalka AMISOM si ay xasilooni u siiyaan Soomaaliya”. Ciidamada Kenya ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dalka soo galay sanakdii 2011-kii, waxaana tan iyo markaasi, iyaga oo qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
-
(SLT-Minneapolis)-Inta badan xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay Axaddii inay taageerayaan kala dirista waaxda booliiska magaalada, tallaabadan oo imanaysa iyadoo gobolka uu bilaabay baadhitaan ku aadan haddii lagu xadgudbay xuquuqda madaniga ah ka dib dilkii George Floyd loogu geystay magaaladaasi 25-kii bsihii hore. Sagaal ka mid ah 12-ka xubnood ee golaha deegaanka oo ka qeybgalay debedbax ka dhacay magaalada ayaa wacad ku maray in ay soo afjari doonaan jiritaanka waaxda bilayska ee Minneapolis. Xubin ka tirsan golaha degaanka, Jeremiah Ellison, ayaa ballan qaaday in goluhu uu “baabi’in doono” waaxda booliska. “waa arrin cad in hanaankeenna booliisku aanu ilaalin ammaanka bulshadeena,” ayay tidhi Lisa Bender oo ah madaxa golaha deegaanka Minneapolis. Kooxaha u dhaqdhaqaaqa bulshada laga badan yahay ayaa in muddo ahba ku dhaleeceynayay waaxda booliska ee Minneapolis waxa ay ugu yeedheen dhaqan “cunsurenimo” islamarkaana aan arxan laheyn kaasi oo hortaagnaa in la sameeyo dib u habeyn . In lakala diro dhamaanba waaxda booliska ayaa ah mid hore uga dhacday Mareykanka. Sannadkii 2012-kii ayaa magaalada Camden ee gobolka New Jersey waxa ay kala dirtay waaxda booliska magaalada, iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub oo suga ammaanka magaaalada. Sidoo kale magaalada Compton ee gobolka CA ayaa tallaabo ceynkaasi ah sameysay sanadkii 2000. AP Source
-
Gaalkacyo ( Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay geysay magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howlgalladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga degmadaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalladu inta ay socdeen saameeyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi. Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay koonfurta degmadaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey askar lagu soo eedeeyey inay laaluush ka qaadanayeen shacabka intii uu socday bandowgii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Muqdisho. Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo ah afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in askartaasi oo ku sugnaa mid ka mid ah baraha koontorool ee Muqdisho xabsiga la dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan lacagaha baada ah ee lagu soo eedeeyeen inay ka qaadanayeen dadka shacabka ah. Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arrintaan ay tahay fal anshax xumo ah oo ay sameeyeen askartaasi, balse laga qaadi doono tallaabo adag. “Booliska Soomaaliyeed waxa ay gacanta ku dhigeen Askarta ku sugan goob lagu baaro Gawaarida, cabasho shacab ayaa nasoo gaartay, waxa aan ku sameynayay dabagal oo ugu dambeyn waan xirnay, waxaana ku socda Baaris.” ayuu yiri Afhayeenka Booliska. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay saraakiisha amniga la wadaagaan haddii ay dhibaato kala kulmaan ciidamada Booliska ee ku sugan caasimada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan ciidamada dowladda lagu eedeeyo inay lacago ka sameeyaan xilliyada ay xiran yihiin jadadka Muqdisho, iyaga gaadiidka kala duwan iyo Bajaajyada ka qaada lacago, kadibna sii daayey sida la arkay marar badan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Afhayeenka-Booliska.mp3
-
A year ago, a 12-year old girl from Somalia, Shukri Abdi, drowned in Manchester's River Irwell. Shukri was at the river with four classmates. Source: Hiiraan Online
-
Sawirka waa Hawlgalkii xalay Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay hawlgall wadajir ah ka fuliyay xaafado kala duwan, oo ka tirsan labada dhinac ee waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo. Hawlgalkaas, waxaa si wadajir ah u fuliyay Booliiska labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, oo kaashanaya Ciidamada PSF, PISA iyo kumaandooska DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya qaybtooda ka hawlgala koonfurta Gaalkacyo. Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo, oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in hawlgalkaasi ahaa mid si wadajir ah loogu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo, islamarkaana lagula dagaallamayo malayshiyaadka Al-shabaab. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay, in dad kala duwan lagu qabtay hawlgalkii xalay, balse ay dib ka faahfaahin doonaan markii baaritaan lagu sameeyo dadka kala duwan, ee la qabtay oo ku eedaysan Al-shabaabnimo. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug oo hawlgal wadajir ah ka fuliyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Muddo ku dhaw todobaad waxaa magaalada Kismaayo laga soo sheegaya iney ka taagan tahay xiisad ka dhalatay ciidan cusub oo Itoobiyaan ah iyo qalab dagaal oo la geeyay Kismaayo. Ciidanka Itoobiya oo lug ku soo galay Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo ayaa dorraad diyaarado looga soo qaaday iyaga iyo hubkooda Gedo, waxaana la keenay Kismaayo, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in muddo ay dood ka taagneed sidii ciidanka iyo agabka ay wataan ku gelayaan gudaha Kismaayo, waxaana is hortaagay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in markii dambe ay ciidanka iyo agabkooda ay gudaha magaalada ku galeen amar ay bixiyeen taliska Amisom oo sheegay in ciidanka Itoobiya ee cusub ee ay bedalayaan ciidan kale oo hore u joogay balse ilaa hadda aan bixin. Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa aaminsan in gudaha Jubooyinka ay dowladda Somaaliya ku soo daabuleyso ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayna taas abuuri karto isku dhac ciidan oo weyn. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in ciidankaan la dejiyay Jaamacadda magaalada Kismaayo aageeda iyo goobo kale lamana oga sababta rasmiga ah ee dalka loo keenay. Ma cadda in ciidanka si rasmi ah uga tirsan yihiin Amisom iyo inay yihiin Itoobiyaanka aan ka tirsaneyn balse lagu daboolayo, waxaana xusid mudan in madaxa Amisom Francisco Madeira horey loogu eedeeyey inuu la shaqeeyo dowladda dhexe.
-
“Fire! Fire!” is the answer one gets after asking Omar Mohamed what he remembers about the Saturday bomb blast in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
With its security-sealed plastic boxes and cardboard polling booths, Somalia's election - under way since last month and still ongoing - has the trappings of democracy, but few of the functions. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa si adag uga digay in Doorashada qof iyo cod ee Soomaaliya loo wadaa ay noqoto mid ku salaysan Hannaanka Wax-qaybta 4.5 Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa sheegay in Nidaamka 4.5, uu ahaa Xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay, inkastoo uusan marnaba Nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan Maanta mar kale dib loogu laaban. Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah baa loo gudbayaa, Wax qaybtuna waa inoo Habkeennii Qabiilka, taasi ay ka dhigantahay in Nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 Sharci laga dhigayo. Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi, wuxuu intaas raaciyay in haddii sidaas lagu Sharciyeeyo Hannaanka wax-qaybsiga 4.5, ay iyana caddaalad-darro baahsan ku keeni doonto Qaar kamid ah Beelaha Soomaaaliyeed. “waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn umadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland. PUNTLAND POST The post Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland oo ka digay Doorasha qof iyo cod ah oo ku salaysan 4.5 appeared first on Puntland Post.
-
A suicide bomber blew himself up inside a Mogadishu army camp Monday, killing at least three soldiers a day after the army chief escaped an attack on his convoy, military sources said. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Abdullahi Mohamed's victory in Somalia's presidential election last week brought joyous crowds into the streets of Mogadishu, a testament to the former prime minister's enduring popularity. Source: Hiiraan Online
-
Maxaa jira, maxaa khaldan, waxan oo dhib ahi waa maxay? Dunidan aynnu ku nool nahay dhibaatooyinkeedu dhammaad ma laha, xanuunno faafa ayaa socda, colaado aan dhammaad lahayn baa markay meeli ka nasataba meel ka oogsanaya. Qof la jeclaa baa dhimanaya, dano loo oradayey ayaa la gaadhi waayayaa! Mid buu Jaceylku ka murkacaynayaa oo naftiisu ledi waayeysaa ! Laba is jeclaa oo isku faraxsan bay geeridu kala tuuraysaa ! Abaaro lagu le’do ayaa nimcooyinkii lagu tannaaday ka daba imanaya oo ku illowsiinaya, duufaanno ayaa adiga oo farxad ku seexday xaga kale wax walba u rogaya, farxaddiina murugo ka dhigaya, oo noloshii dhimasho ka yeelaya, oo hantidii huf siinaya. Ma jiro caafimaad joogta ahi, ma jirto farxad meel iska taagani, dhadhamo kasta oo macaani dheef badhax tiran ma aha. Waxkasta oo qiimo leh, dhib baa loo marayaa hanashadiisa, haddana xejintiisu ma sahlana! Nimco kasta oo ku soo marta ugu yaraan xaasidbay leedahay. Dhibtani xaggay ka socotaa? Maxaa khaldan? Jawaabtu waxa weeye: Adigaagan su’aalaha is waydiinaya ayaa khaldan ee waxba ma khaldana! Dunidan dabciga lagu abuuray iyo sida Eebbe u dhigay ayaa sidan ah, gebigeeduba waa meel la isku imtixaamo oo exam joogta ah lagu jiro. Haddaad saacaddeeda jarribaadda ah ee la iskala hufayo, mooddo inaad nasasho ku jirto, sow adigu ma tihid ka aan la haysannin ee wareersan. Qof qiimo leh oo aad mustaqbalkiisa hilaadinaysay mar kaliya geeridiisa ma laguu sheegay, oo ka dibna si aan hubsiimo lahayn, ma isaga tidhi geeridu xishood daranaa, miyaanay waxba xeerinayn? Ma ogtahay ka aan waxba xeerinayni in uu adiga yahay, waayo adiga ayaan xeerin jadwalka geerida ee ka horreeyey dejinta qorshahaaga, baahidaada iyo ballamahaaga intaba! Daartan daar adduunyaa la yidhaahdaa inta aad joogto imitixaan ayaad ku jirtaa, naftaada ayaa imitixaaman, deegaankaaga iyo dadka aad la dhaqantahay ayaad isku imitixaaman tihiin waxa lagu siiyey iyo waxa laguu diiday laftoodu waa jarribaad. Waxa kula gudboon oo keliya in aad ku dadaasho sidii aad imitixaankaa ugu guulaysan lahayd, meel loo geeddi yahay oo natiijada lagu kala qaadanayo ayaa jirta oo Aakhiro la yidhaahdo. قال الله – عز وجل -: ﴿ إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى الْأَرْضِ زِينَةً لَهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا * وَإِنَّا لَجَاعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا ﴾ [الكهف: 7 – 8]. Goobtan khayrkeeda iyo sharkeeda, caafimaadkeeda iyo cudurkeeda, caydheeda iyo cuudkeeduba waa imitixaan. ﴿ الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ﴾ [الملك: 2، {ونَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ}الانبياء: 35 Sidaa kula qabso oo dadaalkeeda yeelo, dhammaadka imtixaanku waxa uu ku egyahay geeridaada, iyana waa mid qorshaysan oo haddana kaa qarsoon! {وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ} (59(. {وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} لقمان: 34. Allahayow imtixaanka nagu guulee, oo khaatimada danbe noo wanaaji, abaalkayagana jannatal Firdowsa ka yeel. Aamiin. Ma fahantay dhabta iyo dhaqankeennu sida ay u kala dheeryihiin? Dr-Abdulqani Beder 7/6/2018 Qaran News